-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya laga mamnuucay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho in haweenku ay gadaal ka raacaan mootooyinka labada lugood leh ee FECON-ta loo yaqaan. Duqa Muqdisho ayaa maanta meel fagaare ah oo dadweyne badan la isugu keenay uga dhawaaqay go’aanka haweenka looga mamnuucay inay mootoyinka gadaal ka fuulaan. “Waxaan hortiina ku mamnuuceynaa maanta gabadhii mooto Feykon ama Fespa gadaal ka raaceysa, hadii la arko gabadhana waa xarig, mootadana waa lala wareegayaa,” ayuu yiri Guddoomiye Madaale. Guddoomiyaha oo maanta ka qeyb galay isku soo bax lagu taageeray xeerarkii doorashooyinka ayaa sidoo kale sheegay in ay la dagaallamayaan dad uu ku tilmaamay in ay wdaan howlo aan sax aheyn oo Muqdisho aan looga baahneyn. “Kuwa dhahaya amniga Muqdisho ayaan muujineynaa oo jidka fasaadka iyo heesaha keenaya, kuwaasna waa mamnuuc,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Madaale. Guddoomiyaha gobolka wuxuu kaloo u digay Telefishinada qaarkood, isagoo ku eedeeyay in ay maalgelinayaan fasahaadka Muqdisho laga bilaabay, sida uu hadalkiisa u dhigay. Ma ahan markii ugu horeysay oo gobolka Banaadir soo saaro amar lagu mamnuucayo waxyaabo ay isticmaalaan dadka Muqdisho, hore ayuu maamulka gobolku u mamnuucay isticmaalka shiishada iyo Taanbuuga. Habeeno ka hor bartamaha degmada Hodan ayaa lagu qabtay barnaamij faneed aad loo soo camiray oo loogu magac daray Hodan iyo Heello, waxaana arrintaas maanta mamnuucay guddoomiye Madaale uu uga digay degmooyinka kale. Banaanbaxa uu maanta Madaale ka sheegay hadalkaan ayaa lagu taageerayey inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, waxaa lagu isugu yimid fagaaraha Daljirka Dahsoon, waxaana soo abaabulay maamulka Gobolka Banaadir.
-
Mogadishu (HOL) — Somalia’s federal government has approved the formation of the Independent National Electoral and Boundary Commission, a milestone in the country’s plan to hold direct elections for the first time in over five decades. The decision came during an emergency Cabinet meeting chaired by Prime Minister Hamza Abdi Barre. Source: Hiiraan Online
-
Somalia's government on Tuesday said it will not recognise the re-election of the southern Jubaland region's leader, highlighting a growing rift with its semi-autonomous states. Source: Hiiraan Online
-
Raaskambooni (Caasimada Online) –Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in 80 askari oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay maanta isku dhiibeen ciidankii shalay laga degiyey magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. Dowladda ayaa sheegtay in ciidanka Jubbaland ay ku biireen hawlaha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ay ka wadaan degaanka Raaskambooni. “Ciidanka Qalabka Sida ee shaley gaarey degaankaasi ayaa la wareegi doona fariisimaha ay ka baxayaan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, iyagoo dhanka kale sii wadi doona howlgalka Dalka looga xoraynayo Khawaarijta,” ayaa lagu yiri warkaan goordhow ay soo saartay dowladda Soomaaliya. Taliyaha Guutada 18-aad ee Ciidanka GorGor G/Dhexe Xasan Ciraaqi oo la hadley ciidanka kaga soo biiray dhanka maamulka Jubbaland ayaa kula dardaarmey inay si buuxda uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta. Taliye Xasan Ciraaqi ayaa ciidanka u sheegay in Jubbaland aysan duulaan ku aheyn, balse waajib qaran oo saaran ay gudanayaan qurshuhuna uu yahay in dalka oo dhan ay gacanta ku dhigaan. Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka Jubbaland ee isku dhiibay dowladda ayaa sheegay in laga soo diray Kismaayo iyo deegaano kale oo ay ku sugnaayeen, iyadoo la amray inay ka hortagaan duulaanka ciidanka xoogga dalka. Balse waxay sheegeen in amarkaasi uu u cuntami waayey oo ciidanka xoogga dalka aysan dagaal kala hortegi karin, hadana ay diyaar u yihiin inay la howlgalaan militeriga Soomaaliya, si loo dhaqan-geliyo amarka dowladda. Ciidamo kale oo Jubbaland ay doomo ka saartay Kismaayo ayaa la sheegay in hadda ay doonayaan inay is dhiibaan, ilaa 50 askari oo badda ku go’doonsan ayaa la soo xiriirtay saraakiisha xoogga dalka, waxayna cadeeyeen inay is dhiibayaan oo dagaal aysan diyaar u aheyn. Axmed Madoobe oo markii 3-aad shalay ku soo baxay doorasho u dhacday sidii uu uga soo shaqeeyey ayaa markaan wajahaya xaaladii ugu adkeed, waxaana Jubbaland lagu harqiyey ciidamada xoogga dalka. Maanta waxaa ciidamo kale laga dejiyey Garbahaarey iyo Beledxaawo, sidoo kale Haramcad ayaa qeyb ka ah ciidanka loo daabulayo Jubbaland, inkastoo ciidamada Jubbaland la sheegay in aysan dagaal la geleyn ciidanka xoogga, hadana Axmed Madoobe ayaa tuutihiisa xirtay, waxaana la sheegay in uu is difaacayo.
-
Wararka ka imaanaya magaalo xeebeedka Raaskaanbooni ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan daraawiishta maamulka Jubbalaan oo halkaas doomo lagu geeyay ay isku dhiibeen ciidanka xoogga dalka ee dhowaan la geeyay deegaankaas. Ilo ku dhow ciidanka xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in tobanaan askari oo ka tirsanaa maamulka Jubbalaan ay isku soo dhiibeen CXDS, balse Jubbalaan waxay sheegtay in daraawiishtoodu ay iska caabiyeen weerar lagu soo qaaday. Sawirro baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinaya askar saf ku jirta oo ciidamo kale ay ku hareeraysanyihiin, Jubbalaanna waxay ciidamo hor leh doomo uga daabulaysaa magaalada kismaayo. Si kastaba ha ahaatee lama oga sida ay xaaladda ku dambayn doonto dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbalaanna ciidamo ayay ku daabulayaan deegaanka oo qiyaastii 200 kmr u jira magaalada Kismaayo. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa illaa hadda aan ka hadlin dib u doorashada hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay inta badan u hambalyeeyeen xubnaha kale ee mucaaradka ku ah Xasan Sheekh Maxamuud. Farmaajo ayaa u muuqdo inuu aag culus uga baxay xubnaha mucaaradka oo ay maalmihii lasoo dhaafay ka mideysnaayeen diidmada qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah. Arrintan ayaa lama filaan ku noqotay xubnaha kale ee mucaaradka ee garab istaagay Axmed Madoobe, waxayna muujineysaa kala aragti duwanaan cusub iyo kala shaki u dhexeeya isaga iyo mucaaradka. Go’aanka uu Farmaajo uga aamusay doorashada Jubbaland ayaa sidoo kale muujinayo in xiriirka kala dhexeeya mucaaradka uu aad u hooseeyo, waxayna arrintaas soo bandhigeysaa in xiriirkooda aanu ku dhisneyn kalsoonid buuxda. Sidoo kale mowqifka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Jubbaland ayaa dhalinaya su’aalo ku saabsan mustaqbalka iskaashiga siyaasadeed ee mucaaradka, Iyadoo horay loo ogaa in madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud oo markaas mucaarad ahaa uu taageeray doorashadii Axmed Madoobe ee 2019-kii. Farmaajo ayaa illaa iyo hadda waxa ay si weyn isugu dhacsan yihiin Axmed Madoobe oo ay ku dagaalameen doorashadii hore ee Jubbaland oo gaartay heer gobolka Gedo u ka gooyo Axmed Madoobe, waxaana muuqata in illaa iyo hadda uu Farmaajo sidiisa ugu taagan yahay mowqifkiisa. Si kastaba, dhammaan xubnaha mucaaradka oo ay ugu horreeyaan Sheekh Shariif, Xasan Cali Khayre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo hoggaamiyaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay durbadii u hambalyeeyay madaxweyne Axmed Madoobe oo markii saddexaad loo doortay Jubbaland.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa maanta kulan isugu yeeray odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee 135-ta ee wax kasoo dhisay dowladda Soomaaliyeed. Wasiir Xoosh ayaa odayaasha ku martigeliyey xarunta wasaaradda arrimaha gudaha, halkaas oo ay ku yeesheen kulan xasaasi ah oo looga hadlay doorashooyinka dalka. Ugu horreyn wasiirka ayaa odeyaasha dhaqanka warbixin guud ka siiyey ka siiyay qorshaha dowladda ee doorashooyinka qof iyo codka ah oo uu ka taagan yahay muran xoogan. Sidoo kale wasiirka ayaa odayaasha uu la kulmay la wadaagay illaa iyo hadda tallaabooyinka la qaaday iyo xeerarka muhiimka ah ee la ansixiyay sida; (1). Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha (2). Xeerka Ururrada Iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (3.) Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isaga oo ku dheeraaday heerarka ay soo mareen, waxaa uuna carabka ku adkeeyey in dhaqanka ay weliba hormuud ka yihiin hagidda bulshada. Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda si weyn u taageeray xeerarkaas ee uu Baarlamaanku ansixiyey, iyaga oo intaa raaciyey in isbadalkaasi uu yahay horusocod wanaagsan, taasina ay ku garab taagan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale odeyaasha ayaa tallaabo muhiim ah oo taageero mudan ku tilmaamay in shacabka loo celiyo codkooga, iyaga oo ka dalbaday umadda in ay u diyaargaroobaan in ay toos u doortaan dadkii matali lahaa, doorashada qof iyo cod ahna ay tahay cadaalad la iska dhex arkayo. Ugu dambeyn dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS dadaallada ay mar weliba sameyso ee la xiriira dowlad dhiska oo ay shuruucdani ka mid yihiin.
-
Jubbaland ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ciidankeeda ay maanta iska caabiyeen weerar ay ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shalay la keenay degaanka Raas-kambooni oo ka tirsan degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose. Dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ee ku sugan degaanka Raas-Kambooni ujeedada loo keenay ay tahay dano siyaasadeed islamarkaana ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen ciidamada Jubaland oo saldhigyo ku lahaa degaankaasi Raas-Kambooni. “Malayshiyaad dowladda fadaraalka Soomaaliya ay labadii maalin ee u dambeysay kusoo daabuleysay Deegaanka Raaskaambooni ee Dagmada Badhaadhe kuwaa oo ay ujeedo siyaasadeed ka lahayd ayaa weerar gardarro ah ku qaaday ciidamada Jubbaland ee fariisimaha ku lahaa deegaanka Raaskaambooni” ayay qoraalkeeda ku sheegtay Jubaland. “Ciidamada geesiyaasha ah ee Jubbaland oo gacanna kula dagaalamaya kooxaha Khawaarijta ah ayaa iska caabiyay Maleeshiyaadka Muqdisho looga keenay khalkhal galinta amniga iyo xasiloonida ay ahaystaan shacabka Jubaland” ayay sii raacisay dowlad goboleedka Jubaland oo si adag uga digtay dhaq dhaqaaqyada ciidan ee dowladda Federaalka. PUNTLAND POST The post Jubaland oo ka hadashay dagaal maanta Raas-Kambooni ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
The Islamic Association of North America (IANA) convened its annual General Assembly in Columbus, Ohio, on November 22-23, bringing together representatives from 39 Islamic centers across the United States under the theme “Unity in Times of Trials.” The event attracted a diverse group of Imams, scholars, community leaders, and representatives from humanitarian organizations, all focused on fostering collaboration and addressing the pressing challenges facing Muslim communities. Source: Hiiraan Online
-
Badhaadhe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in goordhow dagaal u dhexeeyo Daraawiishta Jubbaland iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ay gaysay gobolkaasi uu ka qarxay aagga deegaanka Raaskambooni. Dagaalka ayaa salka ku hayo xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo mar kale shalay lagu doortay Kismaayo, laakiin waxaa dib u doorashadiisa diiday dowladda dhexe. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada ciidan ay isku dhaceen, isla markaana uu dhex-maray iska hor imaad, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay. Qoraal kooban oo lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii ay weerar kusoo qaadeen ciidamada dowladda goob ay ku sugnaayeen ciidamada Daraawiishta ee maamulkaasi. “Malayshiyaad dowladda fadaraalka Soomaaliya ay labadii maalin ee u dambeysay kusoo daabuleysay Deegaanka Raaskaambooni ee Dagmada Badhaadhe kuwaa oo ay ujeedo siyaasadeed ka lahayd ayaa weerar gardarro ah ku qaaday ciidamada Jubbaland ee fariisimaha ku lahaa deegaanka Raaskaambooni” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidamada geesiyaasha ah ee Jubbaland oo gacanna kula dagaalamaya kooxaha Khawaarijta ah ayaa iska caabiyay Maleeshiyaadka Muqdisho looga keenay khalkhal galinta amniga iyo xasiloonida ay ahaystaan shacabka Jubaland”. Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, iyada ay dowladda Soomaaliya ay haatan go’doomin ku hayso maamulka Axmed Madoobe, waxaana maanta iyo shalay ciidamo badan lagu daabulay gobolka Jubbada Hoose iyo gobolka Gedo, si ay uga howlgalaan halkaasi. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa go’aamisay in laga hortayo Axmed Madoobe iyo maamulkiisa, kadib markii ay sharci darro ku tilmaamtay dib u doorashadiisa, waxaana xalay golaha wasiirada ay soo saareen go’aan lagu maxkamadeynayo Axmed Madoobe.
-
Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulam la qaatay qaar kamida duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ee saamaynta ku lahaa doorashooyinkii dadbanaa waxa uuna ugu horeyn warbixin ka siiyey 3-da xeer ee doorashada ee Baarlamaanka ansixiyay , kuwaas oo kala ah, Xeerka dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ,Xeerka ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , iyo Xeerka doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa si qoto-dheer u faahfaahiyay heerarka ay soo mareen xerarkaasi, waxaa uuna carabka ku adkeeyey in dhaqanka ay mar walba hormuud ka yihiin hagidda bulshada Soomaaliyeed. Dhankooda odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa si weyn u taageeray xeerarkaas doorashada ee Baarlamaanku ansixiyey, iyaga oo intaa raaciyey in isbadalkaasi uu yahay hor-usocad wanaagsan. Source: goobjoog.com
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Cabdullahi Jaamac Shimbir oo indhowaanahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay gobolkaasi, isaga oo ka dagay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi. Shimbir ayaa si buuxda u garab istaagay dowladda Soomaaliya, waxaana markii uu tegay Garbahaarey uu la hadlay shacabkii soo dhaweeyay oo uu mahadceliyay. Intaas kadib guddoomiyaha ayaa farriin u diray maamullada kale ee degmooyinka gobolka, wuxuuna sheegay inay jirin meel dhexe oo la istaago, sidaas darteedna wuxuu u qabtay in mudd 48 saac ay ku caddeeyaan mowqifkooda ku aadan khilaafka dowladda iyo Jubbaland. “Waxaan ka mahadcelinayaa sida la iigu soo dhoweeyay degmada Garbahaarey, waxaan rabaa in guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka ay 48 saac ku cadeeyaan mowqifkooda.” ayuu yidi guddoomiye Cabdullahi Shimbir. Sidoo kale waxaa Garbahaarey la geeyay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo lasoo wariyay inay la wareegeen amniga garoonka iyo xarumaha muhiimka ah ee degmadaasi. Guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa toos uga baxay garabka Axmed Madoobe, waxaana Jubbaland ay xalay Jubbaland shaacisay inay xilka ka qaaday Shimbir, kadib markii ay wasaaradda arrimaha gudaha maamulkaasi ay ku eedeysay inuu leexday deeq loogu talagalay reer Gedo. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo ay sii xoogeysaneyso xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland, waxaana xalay qaraar ka dhan ah doorashadii Jubbaland soo saaray golaha wasiirada oo Garyaqaanka guud faray inuu dacwad kusoo oogo Axmed Madoobe, si loo maxkamadeeyo. Tallaabadan waxaa kasii horreyso mid kale oo ay milatari oo ay dowladdu qaaday, kadib markii ciidamo badan ay shalay ku daabushay magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa cirka isku shareertay kadib markii Axmed Madoobe uu qabsaday doorasho gaar ah. Doorashadan oo shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa waxaa markale madaxweynaha Jubbaland loogu doortay Axmed Madoobe, taasi oo horey loo sii ogaa, maadaama uu asaga qaban-qaabsaday doorashada. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay doorashooyinka ka dhacay maamulka Jubbaland iyo dib u doorashada Axmed Madoobe oo ay ku tilmaamtay “sharci darro”. Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo xalay yeeshay kulan deg-deg ah ayaa waxay garyaqaanka guud ee dowladda fareen inuu maxkamadda sare ee dalka u gudbiyo dacwad ka dhan ah Axmed Madoobe. Golaha wasiirrada ayaa qaraarkooda ku cadeeyey in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka 3-aad ee Jubbaland ay labaduba baal-marsan yihiin shuruucda dalka, sidoo kalena uu dastuurka Jubbaland dhigayo in labo jeer ka badan uusan hal madaxweyne hoggaami karin maamulka, halka Madoobe uu is dooranayo markii 3-aad. Haddaba, Xaggee ayuu ku dambeyn doonaa khilaafkan? Maxamed Mukhtar oo ah fallanqeeye arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in khilaafkan oo salka ku haya awoodda labada heer dowladeed, uu ku dambeyn doono sida muuqata in lagu soo laabto waddadii hore. “Axmed Madoobe inuu noqdo qofka markaas haya maamulka rasmiga ah oo la yirahdo wixii aan qaban karno aan qabano si aanu dalka u sii kala daadan marka ma filayo in hab militari ama dagaal uu dhacayo, balse waxaan filayaa in muddo la kala taagnaan doono marka dambana la isku khasbanaan doono oo la wada-shaqeeyo,” ayuu yiri Maxamed Mukhtaar. Waxa uu intaas kusii daray “Dabcan waxaa adkaaneyso inay madashadii ay soo laabato oo ay wada-shaqeyntii ay soo laabato, buuqaan siyaasadeed waxaa laga yaabaa inuu daba-dheeraado uu gaaro ilaa inta ka hartay muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh.“ Sidoo kale wuxuu tilmaamay in khilaafkan oo kale uu hakad galinayo wada-shaqeyntii dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka, taas oo sababeysa in laga mashquulo waxyaabihii hortebinta lahaa sida amniga iyo xasilinta dalka iyo dhaqaalaha. “Runtii saameyn weyn ayay ku yeelaneysaa ha noqoto kalsoonidii dadka Soomaaliyeed isku qabay sababtoo maamullada waxay leeyihiin kummaanaan dad oo taageerayaal u ah taas marka waxay sababeysaa inay cuqdad soo kala dhex-gasho waxayna sii badineysaa shakiga dadka Soomaalida ah.”
-
Madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro ) oo maanta socod lug ah kaga baxay gurigiisa ayaa booqasho iyo duco ugu tagay madaxweyne ku xigeenkii Somaliland Muj Xassan Ciise Jaamac . Muj Xassan Ciise ayaa u jiifa xaalad caafimaad , waxaana la filayaa in dhawaan dhakhtar dibadeed loo qaado . Madaxweynaha la doortey ayaa alleh uga baryey inuu caafimaad taam ah siiyo , isla markaana waxuu cadeeyey in maanta qarankiisu garab taagan yahay , xaaladiisa caafimaad . Muj Xassan Ciise Jaamac ayaa madaxweynaha la doortey uga mahadnaqey booqashadiisa , waxaana uu alleh uga baryey in xilka dhawaan loo doortey eebe ku garab galo . Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxaa maanta ka dhacay banaanbax lagu taageerayo hanaanka doorasho qof iyo cod, xilli ay cirka isku sii shareertay xiisadda ka dhalatay doorashadii Kismaayo ka dhacday. Banaanbaxan oo uu qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxaa lagu taageeray go’aankii labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ay ku meel-mariyeen xeerarkii doorashooyinka, xisbiyadda iyo guddiga doorashada iyo sohdimaha dalka. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa boqolaalka shacab ee isugu soo baxay caasimada kala qeyb-galay banaan-baxa lagu taageerayo hanaanka doorasho ee lagu muransan yahay. “Shacabka isugu soo baxay taalada Daljirka Dahsoon ayaa waxa ay cod dheer ku taageereen go’aanka madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumada Dan-Qaran ee ah in dalka uu aaday doorasho qof iyo cod, si muwaadinka uu u helo xuquuqdiisa dastuuriga ah ee uu ku dooran karo madaxda dalka,” ayaa lagu yiri qoraal uu maamulka gobolka Banaadir kasoo saaray banaanbaxa maanta ka dhacay Muqdisho. Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni iyo in lagu kalsoonaado doorasho qof iyo cod, si muwaadin kasta oo codkiisa u dhiibto. Sidoo kale waxaa isku soo baxa maanta goobjoog ka ahaa guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Yabooh, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, madaxda ururada dhalinyarada, haweenka iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada caasimadda. Si kastaba, hanaanka doorasho qof iyo cod ee sida weyn ugu dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmaya diidmo culus, kadib markii ay ka horyimaadeen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo iyagu u arka in madaxweynaha uga dan leeyahay damac muddo kororsi sharci darro ah. default
-
Dibad-baxayaasha Pakistan ee dalbanaya in la sii daayo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Imran Khan ayaa Talaadada maanta ah dilay afar ka mid ah ciidamada ammaanka, sida ay sheegtay dowladda, ayada oo dadkan isu soo baxay ay iska caabiyeen booliska oo ay xireen bartamaha caasimadda. Kolonyada dibad-baxayaasha ah ee taageersan Khan ayaa ku socday Islamabad tan iyo Axadii, iyaga oo dhinac isaga riixay jidgooyooyinka loo dhigay, lana dagaalamay ciidamada booliska iyo kuwa milatariga oo adeegsanayey rasaasta rabadhka ah iyo sunta dadka ka ilmeysiisa. In kasta oo la mamnuucay isu imaatinka dadweynaha, haddana saxafiyiin ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warramay in ay arkeen in ka badan toban kun oo mudaaharaadayaal ah oo ku sugnaa bartamaha Islamabad. Qaarkood waxay ku hubaysnaayeen ulo iyo farganno, waxayna kaliya 1.6 km u jireen fagaare ku yaalla xeendaabka dawladda oo ay doonayaan inay qabsadaan. Khan ayaa laga mamnuucay inuu u istaago doorashadii Febraayo oo ay hareeyeen eedeymo ku saabsan wax is-dabamarin, iyadoo ay garab socdeen daraasiin kiisas sharci ah oo uu ku andacooday in lagu xukumay si looga hortago soo laabashadiisa. PUNTLAND POST The post Taageerayaasha Imran Khan oo maanta xoog ku galay bartamaha Islamabad appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay dib u doorashada Axmed Madoobe, ayadoo xalay shir deg-deg ah oo ay yeesheen golaha wasiirada ay garyaqaanka guud ee dowladda ku fareen inuu maxkamadda sare ee dalka u gudbiyo dacwad ka dhan ah Axmed Madoobe. Afhayeenka xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale oo qaraarka xalay soo baxay warbaahinta u akhriyay ayaa dul istaagay illaa saddex qodob oo lagu xaaraantinimeeyey gabi ahaanba doorashadii shalay ka dhacday Kismaayo. Golaha wasiirrada ayaa qaraarkooda ku cadeeyey in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka 3-aad ee Jubbaland ay labaduba baal-marsan yihiin shuruucda dalka, sidoo kalena uu dastuurka Jubbaland dhigayo in labo jeer ka badan uusan hal madaxweyne hoggaami karin maamulka, halka Madoobe uu is dooranayo markii 3-aad. Tallaabadan ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, ayadoo dadka ka fal-celiyay ay ku kala aragti duwanayeen, oo qaarkood ay soo dhaweeyeen in lasoo xiro Axmed Madoobe, halka kuwa kalena u arkaan in go’aankan uu sii fogeynayo xalka xiisadda taagan. Haddaba, sidee looga fal-celiyay arrintaan? Ismaaciil Axmed Maxamed: “Axmad Madoobe ha lasoo xiro, Jubbaland shaqsi uma afduubnaan karto. Madaxweyne Xasan Sheekh dalkaan asagaa masuul ka ah.” Yusra Cali ayaa tiri “Waa intii Farmaajo sheegi jiray un baad noo sheegtreb wax kale la imaada, Jubbaland State iyadaa xor u ah dastuurkiisa iyo doorashadooda.” “2019 iyo 2024 isku ekaaa, Xasanow shalay ayay talo kula gudbooneyd markad sharci darada u sacab tumaysay adoo ku xumeeenaya Farmaajo,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Ismaaciil. Maxamed Deeq: “Been bad isu shegaysan Axmed Madoobe Kismaayo jooga soo xira hada wax haysaan.” Xiis Mawliid ayaa sidoo kale wuxuu yiri “War umadiina ha u horseedina dhiig daata iyo dhibaato qas iyo qalaase horay qayrkeen inooga reebay.” Cabdullaahi Axmed Xasan: “Bahasha yaan laga dhigin Mogadishu Clan iyo Daarood hadeey dhawdahay meel aysan kasoo noqon karin yaan la gaarsiin hala isku tanaasulo.” “Sharci daro sharci daro loo cuskanayo, heshiiska doorashooyinka ay xukuumada cuskatay yaa ku heshiiyay oo isku raacsan, waxaa kaga daran xataa madaxweynaha ma saxiixin. Hal bowli ah nirig xalal ma dhasho,” ayuu yiri Aadam Maxamed Yuusuf. Cumar Cali: “Axmed Madoobe way ka hoos baxdey markii hore inuu saxiixo ma aheyn. Inuu ka fikiro doorashadiisa so socota aheyd waqtigii Deni ka maqnaa sharciga cusub.” Axmed Cabdullaahi Yuusuf ayuu sidoo kale yiri “Qodobka ah in aan hogaamiyaha la dooran karin labo mudo xileed wax ka badan hada dastuurka federaalka waa la badalay oo Xasan Sheekh waxaa uu rabaa in uu mar saddexaad dorashada isku soo taago Axmed Madoobe-na waxay na leeyihiin ma la dooran karo.” “Inaad gobolka Gedo ciidan gaysaan bay aheyd oo Ethiopia wajahdaan hadaa tabar haysaan,” ayuu yiri Cabdiqafaar Sheekh Ibraahim. Khaliif Cabdull Khaliif: “Mudane qodobadan aad tirinaysay waxay dhaqan-gali lahayeen 2026. Waxba kama quseyan sanadkan khaladadka aad galaysan waxaad jeebkiina kala so baxdeen ayaad inoo soo tabinaysaan.”
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay u hoyday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa halkaasi ka bilaabay shirar ku saabsan arrimaha amniga. Madaxweyne Siciid Deni oo ku sugan xerada ciidamada PMPF ee magaalada Boosaaso ayaa sida wararku sheegayaan shirar la yeeshay saraakiisha laamaha amniga oo uu ku wargeliyay in ay u diyaar-garoobaan dagaal ka dhan ah mileeshiyaadka Daacish. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in uu saacadaha soo socda shirar la yeesho mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo kuwaasi oo uu kala hadlayo adkaynta amniga iyo u diyaar-garowga dagaalka lagu wiiqayo kooxaha argagixisada ah ee Daacish. Mileeshiyaadka Daacish ee ku sugan buuraha CALMIS ee gobolka Bari ayaa waayadan danbe sii xoogaysanaya kadib markii ay ku biireen ajaaniib badan sida ay muujiyeen warbixino amni oo soo baxayey dhawaanahan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Boosaaso ka wada abaabulka dagaal ka dhan ah mileeshiyaadka Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland Shouldn’t Snatch Defeat from the Jaws of Victory
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
On November 20, 2024, Somaliland’s National Election Commission announced the results of Somaliland’s latest elections: Abdirahman Mohamed Abdullahi “Irro,” the head of the opposition Waddani Party triumphed, blocking incumbent President Muse Bihi’s attempt to win a second term. The election continues Somaliland’s long history of truly democratic elections and peaceful transfers of power. Somaliland’s success also stands in sharp contrast to Somalia itself which has repeatedly failed to hold one man, one vote elections despite billions of dollars in external assistance. Mogadishu’s excuses fall short given Somaliland’s repeated and regular success now over decades; donors must ask why Somaliland can hold transparent, free, and successful elections at less than one percent of the cost that Somalia, the world’s most corrupt country, demands. Somalilander politics are often more about patronage and balance than ideology, and the unrecognized country has a long history of punishing incumbency. Change stymies corruption and prevents any one faction from sinking such deep roots that they begin to see their rule as a right rather than a privilege. Not all change would be good, however. For the first time in 65 years, there is real momentum for Somaliland’s recognition in both Washington and London. Within the United States, Somaliland has vocal supporters in the White House, Congress, Pentagon, and intelligence community. While the State Department has been traditionally hostile to Somaliland due to its embrace of Somalia’s narrative and wishful thinking about Somalia’s ability to live at peace with itself and its neighbors, on November 19, 2024, the U.S. Embassy in Mogadishu congratulated Somaliland on its successful elections. The cracks in State Department hostility will likely widen during the President-elect Donald Trump’s second term as likely appointees to the State Department’s Africa bureau recognize both the moral and strategic case for Somaliland recognition. Such progress did not happen in a vacuum, however. In Bashir Goth, Somaliland has perhaps the most agile ambassador in Washington, DC of any African country. He is a notable Somali poet and the son of a famous cleric with service both in Mogadishu and the Somaliland capital Hargeisa. He has carefully built relationships across Washington, both in Congress and in then private realm not because he could purchase lobbyists—Somalia’s main strategy—but rather based on his ability to make Somaliland’s case intellectually and persuasively. He also represented Somaliland’s true democratic nature by promoting the state rather than Bihi’s party. During his entire tenure, no American heard him criticize any Somaliland politician; quite the contrary, he has discussed and depicted each of the party leaders including Irro equally. While Irro might wish to dispense patronage—including the Washington posting—to his immediate supporters, this would risk returning Somaliland’s mission to the starting line in the race to gain recognition. Relationships take years to build; they cannot easily be handed off. One of the reasons why Bihi succeeded in raising Somaliland’s profile was because he established relations with Taiwan. While Taiwan once had ties with countries across Africa, today only Somaliland and Eswatini [Swaziland] formally recognize the Republic of China. When Bihi embraced Taiwan, Beijing grew furious. The Chinese ambassador in Mogadishu first tried to cajole, then bribe, and finally armed insurgents in Somaliland’s east. Wadani party members previously questioned Somaliland-Taiwan ties, especially with China so eager to offer gifts. Irro should realize both that Somaliland-Taiwan ties jumpstarted Somaliland’s recognition drive in Washington and that if Somaliland does distance itself from Taiwan, it becomes just one of many countries in Africa with China ties and so will not be able to juxtapose itself favorably against neighbors like Djibouti, Ethiopia, or Somalia, or myriad other countries like Benin, Equatorial Guinea, or the Democratic Republic of Congo. In short, to change its China policy would be to snatch defeat from the jaws of victory. For too long, the world has ill-treated Somaliland and the United States especially has subordinated its own interests to those of China’s Communist Party and corrupt Somali leaders in Mogadishu. Bihi’s legacy has been to position Somaliland for Washington’s formal recognition. Somaliland today is more likely than Palestine or Kurdistan to gain acceptance as the world’s next country. Irro must choose: Reverse Bihi’s policies to demonstrate his own power or be the president who welcomes the next U.S. president on his first state visit to the Republic of Somaliland. About the Author: Dr. Michael Rubin Michael Rubin is a senior fellow at the American Enterprise Institute, where he specializes in Iran, Turkey, and the broader Middle East. A former Pentagon official, Dr. Rubin has lived in post-revolution Iran, Yemen, and both pre- and postwar Iraq. He also spent time with the Taliban before 9/11. For more than a decade, he taught classes at sea about the Horn of Africa and Middle East conflicts, culture, and terrorism, to deployed US Navy and Marine units. Dr. Rubin is the author, coauthor, and coeditor of several books exploring diplomacy, Iranian history, Arab culture, Kurdish studies, and Shi’ite politics, including “Seven Pillars: What Really Causes Instability in the Middle East?” (AEI Press, 2019); “Kurdistan Rising” (AEI Press, 2016); “Dancing with the Devil: The Perils of Engaging Rogue Regimes” (Encounter Books, 2014); and “Eternal Iran: Continuity and Chaos” (Palgrave, 2005). Dr. Rubin has a PhD and an MA in history from Yale University, where he also obtained a BS in biology. In this article:Africa, Somaliland Written By Michael Rubin Now a 1945 Contributing Editor, Dr. Michael Rubin is a Senior Fellow at the American Enterprise Institute (AEI). Dr. Rubin is the author, coauthor, and coeditor of several books exploring diplomacy, Iranian history, Arab culture, Kurdish studies, and Shi’ite politics, including “Seven Pillars: What Really Causes Instability in the Middle East?” (AEI Press, 2019); “Kurdistan Rising” (AEI Press, 2016); “Dancing with the Devil: The Perils of Engaging Rogue Regimes” (Encounter Books, 2014); and “Eternal Iran: Continuity and Chaos” ( Somaliland Shouldn’t Snatch Defeat from the Jaws of VictoryHow Many B-21 Raider Bombers Does the U.S. Air Force Need?Why the U.S. Air Force Wants the F-15EX Eagle II FighterNGAD: The 6th Generation Fighter the U.S. Air Force Has ‘On Pause’Was Joe Biden’s ATACMS Call the Right Move? Qaran News -
Wefdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac Shimbir oo dhowaan Jubbalaan ay sgeegtay inay shaqada ka joojisay ayaa saaka degmada Garbahaaray ee xarunka gobolka Gedo. Wefdigan oo la sheegay inay la socdaan ciidamo aad u hubaysan ayaa hadda ku sugan gudaha magaalada, waxaana jira warar sheegaya in garoonka degmada ay gacanta ku dhigeen ciidamo ka tirsan xoogga dalku. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli khilaafka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbalaan uu cirka isku shareeray, islamarkaana dowladdu ay sheegtay inaysan aqoonsanayn doorashadii dhowaan uu ku guulaystay Axmed Maxamed Islaam. Source: goobjoog.com
