-
Content Count
211,074 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Musuq-maasuqa dalka ka jira ayaa xarka goostay, taas oo sabab u tahay isku milanka siyaasadda, ganacsiga iyo qoyska, sida uu shaaciyay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Xildhibaanka oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in musuqa dalka ka taagan uu horseedi karo arrin khatar ah, oo ah in wax walba looga tanaasulo dhaqaale darteed. Hoos ka aqriso qoraalka Musuq-maasuqa dalka ka taagan waa xarga goosad alamtarana soo dhaaf. Siyaasad, ganacsi iyo qoysk ayaa isku milmay. Musuqu waa seddax nooc:- 1- Musuqa maamulka: Waa mid awood maamul ku siman oo adeegga dadwaynaha lagu silciyo, ka dibna laaluush looga qaato in loo fududeeyo adeeggii ay xaqa u lahaayeen. 2- Musuqa siyaasadeed: Waa mi awood siyaasadeed lagu fuliyo sida qandaraas, adeeg (service) lacag laga tabco, iyo ganacsi shakhsiyaad loo xiro oo kale. Tani waxay inta badan ku timaadaa in qofka awoodda siyaasadeed leh uu shirka ku yahay faa’iidada ama lagu naasnuujiyo shakhsiyaad qoyskiisa ah, ama ay isku qabiil yihiin ama koox iyo saaxib ah. 3- Musuq Istaraatiiji: Waa mid ay dhici karto in qayb ka mid ah geyiga jamhuuriyadda ama madaxbannaanida qaranka looga tanaasulo, ama codka dawladda ay kula safanayso dawlado loollamaya la iibiyo. Tusaale, Soomaaliya waxay xubin ka tahay ururro goboleedyo kala duwan, Qaramada Midoobay, waxay sanadka soo socda ka mid noqon doontaa Golaha Amaanka. Musuqa istiraatiijiga ah weli ma dhicin, laakiin haddii labada kale ee haatan xarga goosadka ah laga hortagin, siyaasiyiinta iyo awoodaha kale ee bulshada rayadka ah, iyo warbaahinta iska xil saarin, wax diidaya ma laha in musuq Istiraatiiji ah lugaha lala galo. The post Musuqa dalka ka taagan oo xargaha goostay iyo arrin culus oo laga cabsi qabo appeared first on Caasimada Online.
-
Kooxo hubeysan ayaa toogtay oday dhaqameed caan ah oo lagu magacaabo Aden Isak Yarow magaalada Luuq ee gobolka Gedo. Dilkan odayga ayaa kordhiyay xiisadaha gobolka, kaasoo ay ku jiraan khilaafyo qabiil oo soo noqnoqday bilihii la soo dhaafay. Odayaasha deegaanka ayaa cambaareeyay dilka, iyagoo sheegay inuu dhaawacayo dadaallada nabadda ee ay wadaan odayaasha, madaxda deegaanka, iyo dowladda dhexe. Odayaashu waxay ugu baaqeen maamulka Jubbaland inay si degdeg ah u tallaabo qaadaan oo ay qabtaan kuwa dilka ka dambeeya, iyagoo muujiyay baahida cadaaladda degdega ah si looga hortago rabshado dheeraad ah. Dilkan Yarow, oo ahaa shaqsi si weyn loo ixtiraamo, wuxuu halis galinayaa dadaallada cusub ee lagu xalinayo khilaafaadka qabiil ee gobolka. Maamulka Jubbaland weli ma soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan, inkastoo cadaadis lagu hayo in si degdeg ah wax looga qabto si looga hortago in gobolka sii xumaado. Source: goobjoog.com
-
Xubin ka tirsanaa Shabaab oo isku dhiibay Ciidanka dowladda
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaasim Axmed Dhuxul Geesey, oo loo yaqaano Suulal Ceyn, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan guutada 28, qaybta 21aad. Qaasim, oo ka dhashay degmada Masaajid Cali Guduud, ayaa muddo 8 sano ah ka tirsanaa ururka Shabaab. Isu-soo-dhiibistiisa ayaa timid ka dib markii uu adkeysan waayay dhibaatooyinka iyo xaaladaha adag ee uu la kulmay intii uu ku jiray ururka. Waxaa kordhay maalmihii lasoo dhaafay xubnaha horay uga tirsanaa Shabaab ee isku soo dhiibaya Ciidanka Xoogga dalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay weerarada ka dhanka ah Shabaab. Source: goobjoog.com -
Muqdisho (Caasimada Online) – Kuliyadda tababarrada ciidamada Soomaaliya ee TURKSOM ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu dhaariyay saraakiil cusub oo qeyb ka noqonaya hoggaanka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Saraakiishan oo qaatay leyli-sarkaal ayaa waxaa xaflada lagu dhaariyay ka qeyb-gelay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo saraakiisha taliska ciidanka xoogga dalka. Xafladdan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka aheyd furitaanka sanad dugsiyeedka 2024–2025, ayada oo halkaasi saraakiisha maanta la dhaariyay kula hadleen saraakiisha ciidanka xoogga dalka. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dhismaha ciidan awood leh oo difaaca dalka ku filan. “Waxaa naga go’aan dhismaha ciidan tayo iyo tababar wanaagsan leh, kuna filan difaaca diinta, dadka iyo dalka,” ayuu yiri Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Dhowr billood kahor ayay aheyd markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kuliyadda TURKSOM tababar heer sare ah ugu soo xiray saraakiil iyo saraakiil xigeenno cusub oo kusoo biiray ciidanka xoogga dalka. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sanadihii dambe xooga saareysay dhismaha qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka, oo kaalin muhiim ah ugu jira xaqiijinta ammaanka iyo difaaca dalka. The post Daawo sawirrada: Saraakiil cusub oo lagu dhaariyay xerada TURKSOM maanta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta waji gabax kala kulmay xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo uu maanta hortegay. Kulanka oo la filayay in wasiirka uu ka hadlo, isla markaana uu xildhibaannada kula wadaago shuruuc muhiim ah iyo howlaha wasaaradda ayaa lasoo xiray natiijo la’aan kadib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xildhibaannada Golaha. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in arrintan ay ceeb ku tahay baarlamaanka, wuxuuna tilmaamay in Maareeye iyo howlwadeennada kale ee wasaaradda ay shaqo usoo diyaar garoobeen, balse kulankii uu kooram la’aan u baaqday, taasina ay niyad jab ku tahay. “Xubnaha wasaaradda beeraha waa joogaan niyad jab ayay ku noqotay wasiir Maareeye ayaa ugu horreeyo, maxaa yeelay shaqo ayaa u taallay” ayuu yiri Cabdullaahi Abshirow. Sidoo kale wuxuu digniin adag u diray xildhibaannada maqan, isaga oo sheegay in hadda kadib la’isla aadi doono ku dhaqanka xeer hoosaadka,i sla markaana xildhibaankii ka maqnaado kulamada baarlamaanka laga goyn doono lacago ganaax ah. “Wixii hadda ka dambeeyo jeebkiina ayaa loo dhaadhacaa, xildhibaannada way wada ogol yihiin xeer hoosaadka ayay ku qoran tahay lacagta jareynaa” ayuu mar kale yiri Abshirow. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay xldhibaannada maqan inay kulanka soo socda ee Arbacda soo xaadiraan, si uu baarlamaanka usii wato howlaha shaqo ee horyaallo. “Xildhibaannada maanta maqan waxaan ka codsaneynaa inay Arbcada soo buuxiyaan golaha, shirkeenna maantana waa noo xiran yahah” ayuu sii raaciyay. Baaqashada kulankan ayaa kusoo aaday, xilli uu haatan sii xoogeysanayo guuxa mooshin culus oo qaar kamid ah xildhibaannada ay ka gudbiyeen wasiirka arrimaha dibada, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ay ku eedeeyee inuu cuuryaamiyay howlahi shaqo ee wasaaradda. The post Wasiir MAAREEYE oo waji gabax kala kulmay baarlamaanka, kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Puntland ayaa go’aan mamnuucis ah ka soo saartay xaalufinta khayraadka badda ee degaannada Puntland. Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa shaacisay in ay mamnuucday xaalufinta kheyraad ku jira Badda kadib go’aan ay soo saartay. Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland ayaa sharci ku tilmaantay go’aanka ay soo saartay ee lagu mamnuucayo xaalufinta iyo waxyeelaynta khayraadka Badda. Go’aankaan ayaa looga dhawaaqay shir ka dhacay Xarunta Wasaaradda Kallumaysiga ee Magaalada Boosaso kaasi oo ay ka qayb galeen, Madaxda Wasaaradda Kalluumaysiga oo uu hogaaminayo Wasiir Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo mamnuucday Xaalufinta Khayraadka badda degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa xoriyadiisii dib u helay kadib markii uu mudo bil ah si sharci daro ah uu ugu xidhnaa jeelka Mandheera Qaran News
-
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta kulan aaladda fogaan aragga ah [Zoom] la yeeshay dhigiisa Wasiirka Waxbarashada ee dalka Turkmenistan Mudane Jumamurad Gurbangeldiyev. Shirkaas ayaa si qoto dheer loogaga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada dal ka dhexeeya gaar ahaan dhinaca waxbarashada heer jaamacadeed, dhaqanka iyo tiknoolajiyadda. Shirkan oo ay soo qabanqaabisay safaarada JFS ee wadanka Türkiye ayaa qabanqaabadiisa ay la xiriirtaa booqashadii uu dhawaan ku tagay Turkmenistan Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Türkiye iyo Turkmenistan Mudane Fatxudiin Cali Maxame Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf ayaa goordhoweyd laga sii daayay xabsiga Mandheera, oo uu ku xirnaa toddobaadyadii u dambeeyay. Sii deynta xildhibaan Abiib ayaa timid saacado kadib markii maxkamadda sare ee Somaliland ay amartay in xabsiga laga sii daayo. Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa shaeci darro ku tilmaamtay xabsi ku haynta xildhibaan Maxamed Abiib, maadaama golaha wakiilada ay dhawaan cod aqlabiyad ah ku diideen maamuus ka xayuubintiisa. “Maxkamadda waxay xoriyaddiisa u celisay Mudane Maxamed Abiib Yuusuf, waxaana la farayaa taliyaha ciidanka asluubta inuu xabsiga kasii daayo maanta oo ay taariikhdu tahay 30/09/2024,” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay maxkamadda sare ee lagu sii daayey goordhoweyd xildhibaanka. Maxkamadda sare ayaa sidoo kale waxay fartay hay’adaha kala duwan ee Somaliland inay dastuurka u hoggaansamaan oo ay ixtiraamaan, si aysan u dhicin ku tumasho sharci. Abiib oo muddo ku siman bil u xirnaa xukuumadda Somaliland ayaa xilliga la xirayay ka yimid dalka Isu-tegga Imaaraadka Carabta, waxaana qabtay sirdoonka Somaliland oo kadib xabsiga u taxaabay. Xildhibaan ayaa waxay is hayaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyada oo markaas ay xeer-ilaalinta Somaliland ka gudbisay dacwad ku aadan maamuus ka xayuubin, si loo wajaho eedeymo loo soo jeediyay, balse waxaa taas diiday golaha wakiilada Somaliland. The post Xildhibaan Maxamed Abiib oo xabsiga laga sii daayay + Go’aanka uu kusoo baxay appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa shir la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms. Karin Johansson iyo xubno ka tirsan Xafiiskeeda, iyada oo kulanka diiradda lagu saaray arrimo badan oo ay ka mid yihiin hannaanka dib-u-habeynta iyo horumarinta Maaliyadda guud ee dalka iyo taageerada Midowga Yurub ee Dowladda Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa intii uu socday shirka waxa uu warbixin guud ka bixiyay dadaalada Dowladda ee ah in la horumariyo dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha oo Wasaaradda Maaliyaddu ay dadaal iyo juhdi dheeri ah galisay, si looga mira-dhaliyo. Sidoo kale Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa si diiran u soo dhaweysay Warbixinta Wasiirka Maaliyadda XFS ee horumarka Dowladdu ku talaabsatay dhinaca hagaajinta hannaanka Maamulka Maaliyadda iyo hufnaanta dhaqaalaha Dalka. Ms. Karin Johansson, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday intii uu kulanku socday in Midowga Yurub ay bixinayaan lacag dhan Sagaal Milyan oo Yuuro oo ah kabka miisaaniyadda Dowadda, lacagtaas oo ay Midowga Yurub ugu talagaleen in Dowladdu wax uga qabato Horumarinta Dakhliga iyo sare u qaadiddiisa. Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa mahadcelin kadib, waxa uu sheegay in taageerada Midowga Yurub ay tahay mid muhiim u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay Dowladdu ku fulin doonto qorsheyaal horumarineed oo aad qiimo ugu lahaan doona hannaan ka dib-u-habeynta dhaqaalaha Dalka. Midowga Yurub waxa ay ka mid yihiin saaxiibada joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya marxalado badan ku soo garab istaagay, sidoo kale waxa ay qeyb muhiim ah ka soo qaateen in Dowladdu gaarto hannaankii HIPC ee barnaamijkii deyn cafinta Soomaaliya ee soo gaba-gaboobay dabayaaqadii 2023-kii. PUNTLAND POST The post Midowga Yurub oo 9 Milyan oo Yuuro u ballan qaaday Kabka Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi oo Axaddii shalay ka hadlayay xaflad ay ku qalin jabinayeen dufcad cusub oo dhammeysay akadeemiyada Booliska ayaa soo hadal qaaday iskaaashiga cusub ee kala dhexeeya Soomaaliya, Cabdulfataax Al-siisi ayaa caddeeyay mowqifkiisa, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay u taageerayaan sidii ay uga bixi lahayd xasilooni darrada haysata muddada 30 sano ah. Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in qorshaha Masar uu yahay in Soomaaliya kula loolanto Itoobiya oo ay isku hayaan arrinta Wabiga Nile. “Soomaaliya kuma taageereyno Itoobiya darteed, waxanu u taageernay sababtoo ah waxay ku jireen xaalad xasilooni darro ah muddo 30 sano ah,” ayuu yiri madaxweyne Al-siisi. Masar ayaa hadda sii xoojineysa saameynteeda gudaha Soomaaliya, waxaana dhowaan ay dowladda federaalka la gashay heshiis difaac, xiilli ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay heshiiska badda ee uu Abiy la galay Somaliland, kaas oo ay ka hortimid Soomaaliya. Sidoo kale todobaadkii hore ayay ahayd markii uu magaalada Muqdisho kusoo xirtay markab siday hub, kaas oo ay dowladda Masar ugu deeqday Soomaaliya. Waxaa kale oo uu qorshuhu yahay in Masar ay soo dirto ciidan kamid noqonaya howlgalka cusub ee beddalaya ATMIS, waxayna geli doonaan booska ay hadda ku jirto Itoobiya. The post Cabdulfataax Al-siisi oo war culus kasoo saaray iskaashiga Masar iyo Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta heshay lacag kab miisaaniyadeed ah, taasi oo uu bixinayo Midowga Yurub, oo si dhow u taageera Soomaaliya. Lacagtan oo dhan 9 milyan oo Yuuro ayey ku dhowaaqday Ms. Karin Johansson, safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya kadib kulan ay maanta la qaadatay wasiirka maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige. Shirkan oo ahaa mid muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo ay ka mid yihiin hannaanka dib-u-habeynta iyo horumarinta maaliyadda guud ee dalka iyo taageerada Midowga Yurub ee dowladda Soomaaliya. Wasiirka ayaa intii uu socday shirka waxa uu warbixin guud ka bixiyay dadaalada Dowladda ee ah in la horumariyo dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha oo Wasaaradda Maaliyaddu ay dadaal iyo juhdi dheeri ah galisay, si looga mira-dhaliyo. Sidoo kale Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa si diiran u soo dhaweysay warbixinta wasiirka maaliyadda ee horumarka dowladdu ku talaabsatay dhinaca hagaajinta hannaanka maamulka maaliyadda iyo hufnaanta dhaqaalaha dalka. Wasiir Biixi ayaa dhankiisa mahad-celin kadib, isagoo sheegay in taageerada Midowga Yurub ay tahay mid muhiim u ah dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana ay Dowladdu ku fulin doonto qorsheyaal horumarineed oo aad qiimo ugu lahaan doona hannaan ka dib-u-habeynta dhaqaalaha Dalka. Midowga Yurub waxa ay ka mid yihiin saaxiibada joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya marxalado badan ku soo garab istaagay, sidoo kale waxa ay qeyb muhiim ah ka soo qaateen in Dowladdu gaarto hannaankii HIPC ee barnaamijkii deyn cafinta Soomaaliya ee soo gaba-gaboobay dabayaaqadii 2023-kii. The post SOOMAALIYA oo heshay kab miisaaniyadeed cusub iyo cidda ku deeqday appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoomiye ku xigeenkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Maxamed Cali ayaa xilkii uu ka hayay iyo xubinimadii xisbiga Kulmiye iska casilay Cali Maxamed Caliyoo oo ka mid ahaa raga mabda ahaan ugu ad adag xisbiga Kulmiye ayaa ka huleelay xisbigaasi. Waxana la sheegayaa in ay wada hadalo u socdaan xisbiga Waddaninoo uu dhawaan ka hilaaci doono xisbiga Waddani oo hada ah xisbiga ugu balaadhan xisbiyada Somaliland Xisbiga Kulmiye ayaa ah Markab sii degaaya oo maraaya badweyn isla markaasna ay ka dul dhawaaqayaan shaqsiyaad u baahan bad baado Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in haatan xiisad culus ay kasoo cusboonaatay magaalada Burtinle ee gobolkaasi, taas oo ka dhalatay dil ay ciidanka Booliska u gaysteen nin baxsad ah oo gaari soo dhacay. Ninka oo gaariga kala soo baxsaday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa tegtay degmada Burtinle, waxaana kadib isku dayay inay qabtaan ciidamada ammaanka, balse uu iska rasaaseeyay, taas oo keentay in isagiina la dilo, askari kalena uu dhaawacmay. Dilka kadib ayaa waxaa gadood sameeyay maleeshiyaad is uruursaday oo ku hayb ah ninka la dilay, waxayna ku sugan yihiin qaybo kamid ah degmada Burtinle ee Puntland. Xaalad kacsan iyo dhaq-dhaqaaqyo ayaa haatan laga dareemayaa halkaasi, maadaama ay ku wada sugan yihiin ciidamada Booliska iyo maleeshiyaadka ka careysan dilka marxuumka. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in aan weli la aasin maydka ninka ay dileen ciidanka ammaanka, waxaana maleeshiyaadka ay dalbanayaan in lagu soo wareejiyo. Waxaa sidoo kale Burtinle gaaray saraakiil ay kamid yihiin taliyeyaasha booliska ee gobollada Nugaal iyo Mudug ee Puntland, kuwaas oo ku baxay xallinta xiisaddaasi. Puntland ayaa waxaa ku badan isku dhacda hubeysan ee dhex-mara maleeshiyaadka iyo ciidanka ammaanka, waxaana horay deegaano ka tirsan maamulkaasi ugu dagaalamay Booliska iyo maleeshiyaad kale oo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya. The post Xiisad horleh oo kasoo cusboonaatay PUNTLAND kadib dil loo gaystay… appeared first on Caasimada Online.
-
Bardaale (Caasimada Online) – Wararka nagaa soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in Koonfur Galbeed ay qaaday tallaabo la xiriirta dilka taliyihii ciidanka Daraawiishta ee degmada Bardaale, kaas oo shalay lagu dilay qarax miino. Taliyaha oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Macallin iyo qaar kamid ah askartiisa ayaa ku dhintay miinada, kadib markii ay la kacday gaariga ay saarnaayeen. Ciidamada ammaanka oo kadib howlgallo sameeyay ayaa gacanta kusoo dhigay illaa 5 eedeysane oo loo haysto inay ku lug lahaayeen dilka taliyaha. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in shanta qof loo soo qaaday Baydhaba, si loogu sameeyo baariraano dheeraad ah oo ku aadan ku lug lahaanshaha qaraxaasi. Allaha u naxariistee taliyaha la dilay ee ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka waday aagga degmadaasi oo uu ka socdo howlgal xoreyn ah oo kooxda Al-Shabaab looga saarayo halkaasi. Xaaladda degmada ayaa weli kacsan, waxaana laga dareemayaa saameynta taliyaha iyo askartiisa ee lagu dilay qaraxa miino ee ay u dhigeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Horay sidaan oo kale ayaa waxaa qaraxyo iyo weeraro gaadmo ah oo ay soo qaadeen Al-Shabaab lagu dilay askar iyo saraakiil ka tirsanaa ciidamada Koonfur Galbeed. Dhacdooyinkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan gobollada Baay iyo Bakool ay howlgallo culus ka wadaan ciidamada Xoogga dalka iyo Darawiishta Koonfur Galbeed. The post Koonfur Galbeed oo dad usoo xirtay qarixii lagu dilay taliyihii Bardaale appeared first on Caasimada Online.
-
Afar xubnood oo ka mid ah gudiga ololaha doorashooyinka ee gobolka Maroodijeex ayaa xilkii loo magacaabay iska casilay 12 saacadood gudahood. Waxana la filayaa in ay badankoodu xilkaasi iska wada casilaan. Xubnahani is casilay wali warbaahinta lamay ay hadlin hase ahaatee wararku waxa ay sheegayaan in ay arkeen in xisbiga Kulmiye ay ku soo waajahantahay guuldaradii ugu balaadhnayd ee abid soo food saarta xisbiyada Somaliland. Wararkale ayaa sheegaaya in xubnaha hadhay ee aan wali is casilini ay ka xanaaqsanyihiin ninka gudoomiyaha looga dhigay Mr Mustafe Qodax oo masuul ka soo noqday xukuumadda Muqdisho isla wakhtigana aaminsan mabda Somaliweyn ilaa hadana aaminsan oo aan sinaba loo aamini karin. Xubnahani gudiga doorashada ee gobolka Maroodijeex ee xisbiga Kulmiye ayaa lagu wadaa in ay dhamaantood is casilaa. Afartan xubnood ee hoos yaalaa waa xubnaha xalay nuskii danbe is casilay markii ay arkeen ninkani Xamar tagay ee hadana soo laabtay oo aan aaminsanayn qadoyada Somaliland Qaran News