-
Content Count
211,074 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
461477618_1717911828613992_2775150876535212654_n Qaran News
-
“Saaka waxa aan safar jarmaado ah ku tegay Xabsiga weyn ee Mandheera oo uu ku xidhan yahay halgamaa shacab Xildhibaan Maxamed Abiib . Xildhibaanka oo aan la kulmay waxa aan ka xaal wareystay xaladdiisa caafimaad, bad-qabkiisa iyo qaabka loola dhaqmo, Xisbi ahaan iyo Musharrax ahaanna waxa aan u caddeeyey inuu caddaalad heli doono, sharci darro iyo dastuur jabinna uu ku xidhan yahay, Somaliland oo dhamina ay xadhigiisa ka gilgilatay. Xildhibaan Abiib, waa shakhsiyad keenadiid ah, dulmidiid ah, oo u ah bulshada reer Somaliland caroogga iyo codkooda dheer, ma istaahilo mana mudnayn in afka laga xidho codkaas oo ku fadhiya matalaad reer AWDAL ah, waxa aan ku baaqeynaa in Xildhibaanka degdeg xorriyaddiisa loogu soo celiyo “Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro . Qaran News
-
War cusub oo kasoo kordhay xarigga Xildhibaan Maxamed Abiib
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hargeysa (Caasimada Online) – Musharraxa Xisbiga Wadani ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta xarigga xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada, wuxuuna ku booqday halka uu ku xiran yahay. Cabdiraxmaan Cirro oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka warbixiyay xaaladda xildhibaanka, wuxuua sheegay inuu ugu tegay xabsiga wayn ee Mandheera. “Saaka waxa aan safar jarmaado ah ku tegay Xabsiga weyn ee Mandheera oo uu ku xidhan yahay halgamaa shacab Xildhibaan Maxamed Abiib” ayuu yiri musharraxa Wadani. Cirro ayaa u ballan qaaday Maxamed Abiib inuu garab istaagi doono ka xisbi ahaan iyo musharrax ahaanba, si uu u hello cadaalad. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la sameeyay dastuur jabin, isla markaana xarigga xildhibaanka ay ka xumaadeen guud ahaan ummadda reer Somaliland. “Xildhibaanka oo aan la kulmay waxa aan ka xaal wareystay xaladdiisa caafimaad, bad-qabkiisa iyo qaabka loola dhaqmo, Xisbi ahaan iyo Musharrax ahaanna waxa aan u caddeeyey inuu caddaalad heli doono, sharci darro iyo dastuur jabinna uu ku xidhan yahay, Somaliland oo dhamina ay xadhigiisa ka gilgilatay” ayuu markale yiri musharraxa Cirro. Waxaa kale oo uu tilmaamay in ujeedka arrintan ka dameysa ay tahay in afka la qabto xildhibaan Maxamed Abiib oo uu u amaanay inuu yahay xildhibaan codkar ah, dulmidiid ah. “Xildhibaan Abiib, waa shakhsiyad keenadiid ah, dulmidiid ah, oo u ah bulshada reer Somaliland caroogga iyo codkooda dheer, ma istaahilo mana mudnayn in afka laga xidho codkaas oo ku fadhiya matalaad reer AWDAL ah, waxa aan ku baaqeynaa in Xildhibaanka degdeg xorriyaddiisa loogu soo celiyo” ayuu kusoo gabagabeeyay qoraalkiisa. Abiib oo muddo xiran ayaa xilliga la xirayay ka yimid dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta, waxaana qabtay sirdoonka Somaliland oo kadib xabsiga u taxaabay. Xildhibaan ayaa waxa ay is hayaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi , waxaana dhowaan xeer-ilaalinta Somaliland ay ka gudbisay dacwad ku aadan maamuus ka xayuubin, si loo wajaho eedeymo loo soo jeediyay, balse waxaa taas diiday Golaha Wakiilada Somaliland. The post War cusub oo kasoo kordhay xarigga Xildhibaan Maxamed Abiib appeared first on Caasimada Online. -
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Kooxda Alshabaab ka fuliyay deegaannada dhaca Waqooyiga Gobolka Baay, gaar ahaan waddooyinka isku xira Gobollada Baay, Bakool iyo Gedo. Taliyaha Guutada 8aad ee qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka dhame Axmed Macalin Cabdiraxmaan (Axmed dheere) ayaa xaqiijiyay in mudadii ay ciidanku howlagalka qorsheysan wadeen ay burburiyeen fariisimo ay Alshabaab halkaas ku lahaayeen. Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ayaa ka socda deegaanno badan oo kamida gobollada dalka, kuwaas oo ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanku. Source: goobjoog.com
-
Magaalada Muqdisho ayaa la filaayaa in uu ka furmo maalmaha soo socda shirka golaha wadatashiga qaran oo ka kooban dawlada federaalka, madaxda dawlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Shirkaan waxaan ka qeyb gali doonin maamulka Puntland oo labadii Shir ee hore ka maqnaa. Magaalada Muqdisho ayaa lagu waddaa in ay soo gaaraan madaxweynayaasha dawlada goboleedyada Jubaland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed Villa Somalia ayaa ajandaha shirka ku sheegtay in looga arrinsanyo arrimo masiiri ah oo ay kamid yihiin dhameystirka dastuurka , Doorashooyinka la dagalaanka Al-shabaab. Shirkaan oo uu Gudoomin doonna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale looga hadli doonnaa sidii loo adkeyn lahaa amniga deegaanadii laga xoreeyay Shabaab iyo sii amba qaadida howlgalka. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay Telefeshinka Al-jazeera ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya ay qabsatay qayb kamid ah Soomaaliya, kadib heshiiskii badda ee ay la gashay Somaliland. Xasan Sheekh ayaa si toos ah u carab baabay ciidamada Itoobiya ee jooga Gedo, wuxuuna sheegay inay qabsadeen garoomada iyo waddooyinka muhiimka ah ee gobolkaasi. Sidoo kale wuxuu Itoobiyaanka ku eedeeyay inay hub soo geliyeen gudaha Soomaaliya, isla markaana ay ku wareejiyeen maleeshiyaad qabaa’il oo gudaha ku sugan. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhammaan tallaabooyinkan ay bannaanka keeneen farogelin uu tilmaamay in weligeed ay Itoobiya ku haysay arrimaha gudaha Soomaaliya. Inta uu ku guda jiray wareysiga waxaa kale oo uu madaxweynhu meel adag ka istaagay heshiiska badda ee dhaliyay xiisadda haatan u dhexeyo labada dowladood. “Itoobiya kaliya ma sheeganaysaa waxa ku qoran MOU-ga, waxay sannado badan faragalin ku heysay arrimaha gudaha ee Soomaaliya, tan iyo markii ay Itoobiya saxiixday MOU-ga waxay hubeysay, in ka badan 1,000 maleeshiyo oo iskugu jira qabaa’ilo iyo kooxo, meel kasta Koonfurta ah maanta waxaa laga helayaa oo yaala hub ay bixisay Itoobiya, waxayna qabsatay Itoobiya si gaar ah gobalka Gedo garoomadii diyaaradaha ee kuyaalay, waxayna ku dooday in ay difaacayso amniga Soomaaliya, ma garanayo sharciyada iyo qaynuunka caalamiga ah ee ay Itoobiya cuskanayso” ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada o muddooyinkii u dambeeyay Itoobiya ay dhaq-dhaqaaq ka waday gobolka Gedo iyo deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed, halkaas oo ay soo gelisay ciidamo dheeraad ah, kadib markii ay sii laba qarxay xiisadda labada waddan. The post Madaxweyne XASAN oo shaaciyay in Itoobiya ay qabsatay garoomada GEDO iyo… appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in saaka halkaasi laga dejiyay hub iyo saanad ciidan. Laba diyaaradood oo siday hub iyo saanad ciidan ayaa aroornimadii hore ee saaka ka degay garoonka diyaaradaha Boosaaso sida ay Puntland Post u sheegeen ilo wareedyo dhinaca amniga ah. Inta badan shaqaalaha ayaa sida wararku tibaaxayaan laga saaray gudaha garoonka diyaaradaha Boosaaso halka in yar oo ku hartayna taleefonnada laga ururiyay markii ay dagayeen diyaaradaha hubka siday. Xog kooban oo aan ka helnay saraakiil ciidan ayaa xaqiijinaysa in hubka saaka lagu keenay labada diyaaradood ee laga dejiyay garoonka diyaaradaha Boosaaso uu yahay mid ay Puntland ka soo iibsatay dowladda Itoobiya. Balse faahfaahin intaasi ka baxsan lagama hayo hubkani laga dejiyay garoonka Boosaaso islamarkaana weli si rasmi ah ugama hadal xukuumadda Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo hub iyo Saanad ciidan saaka kala degtay garoonka diyaaradaha Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho(Caasimada Online) – Madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda soo gaaraan magaalada Muqdisho, si ay uga qayb-galaan Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado in horaanta bisha October uu ka dhaco Muqdisho. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-geli doono madaxda sare ee dowladda dhexe iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, marka la reebo Puntand. Villa Soomaaliya ayaa haatan wadda qorshe culus oo ku aadan sidii uu qabsoomi lahaa shirka, waxaana ajendaha ugu wayn uu yahay doorashada oo ay dhinacyadu ku kala aragti duwan yihiin. Shirka ayaa in muddo ah wajahayay caqabad xoogan oo ka imaaneysay maamullada qaar kamid ah, sida Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, wuxuuna dib u dhacay dhowr jeer labadii bilood ee lasoo dhaafay. Madaxda dowladda federaalka ayaa sidoo kale juhdi badan gelisay, welina aan ka daalin, sidii shirka la isugu keeni lahaa madaxda dowlad goboleedyada dalka. Madaxda shirkaas ka meer meereysay inay ka soo qeyb galaan waxaa kamid ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, balse hadda waxaa la sheegay inuu qorsheystay inuu ka soo qeyb galo. Maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa in Axmed Madoobe uu yimaado Muqdisho, si shirka golaha wadatashiga qaranka uu uga qeyb galo, isaga oo shalay uun kasoo laabtay safar dalka dibaddiisa ah, kadibna dib ugu laabtay fadhigiisa magaalo xeebeedka Kismaayo. Cabdicasiis Laftagareen ayaa isna kamid ah madaxda diidan inay magaalada Muqdisho yimaadaan, balse dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weli ku dadaaleysa xalka iyo in shirkaasi dhaco, si talo mideysan looga yeesho arrimaha masiiriga ah ee waddanka. Shirka ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla markaana ay taagan tahay xiisad culus oo gudaha iyo dibadda ah, taas oo maareynteeda looga baahan yahay madaxda shireysa. The post Madax goboleedyada oo kusoo jeeda Muqdisho iyo qorshe culus oo socda appeared first on Caasimada Online.
-
New York (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa dab kusii shiday xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan kala dhexeyso Soomaaliya. Taye Atske-Selassie ayaa ka dhawaajiyay hadallo kul-kulul oo ka dhan ah Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dhammaan sheegashada Soomaaliya iyo eedeymaha ay u jeedineyso xukuumadda Addis Ababa ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka inay iska ilowdo heshiiska badda ee ay galeen Itoobiya iyo Somaliland, taas beddalkeedna ay xoogga saarto arrimaheeda gudaha. Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa heshiiska badda ku macneeyay inuu ku saleysan yahay hannaan looga gol leeyahay in lagu hormariyo kobaca gobolka, sida uu ku dooday. “Sidaas darteed, waxaan diiday eedeymaha aan sal iyo raad toona lahayn ee dalkayga loo jeediyay. Magaca Itoobiya marna lama xiriirin karo eedeymahan midkood.” ayuu yiri Taye. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Soomaaliya ay isku dayayso in ay daboosho xiisadaha ka jira gudaheeda iyada oo hurineysa colaad, sida uu hadalka u dhigay. Hadalkan ayaa ahaa mid ay Itoobiya uga jawaabeysay khudbad uu ra’iisul wasaare Xamza isna ka jeediyay shirka QM, taas oo uu ku dhaleeciyay maamulka Abiy Axmed. Si kastaba, xiisadda labada dowladood ayaa u muuqato mid kasii dareysa, maadaama ay weli Itoobiya ku adkeneyso heshiiska badda ee ay la gashay maamulka Somaliland, kaas oo ay si weyn uga hortimid dowladda dhexe oo go’aan adag ka qaadatay heshiiskaasi. The post Itoobiya oo qaaday tallaabo uga sii dareyso xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu dhawaan ka qabsoomo Shirka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ka dhisan Koonfurta Soomaaliya, oo uu weheliyo Maamulka Gobolka Banaadir. Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ka dhisan Koonfurta dalka ayaa sida wararku sheegayaan maalmaha soo socda ku wajahan magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay kaga qayb-galayaan Shirka loo bixiyay Madasha Wada-Tashiga Qaranka. Madaxweynayaasha Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in ay ka qayb-galaan Shirkaasi oo ku saabsan Arrimaha doorashooyinka, Amniga dalka, La-dagaallanka Argagixisada iyo Qodoba kale. PUNTLAND POST The post Shirkii la baxay Madasha Wada-Tashiga Qaran oo dhawaan ka furmaya magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Ugu yaraan 66 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen daadad iyo dhul go’ ka dhacay dalka Nepal. Tirada dhimashada ayaa laga yaabaa in ay kororto kaddib marki lasoo wariyay in la la’yahay ku dhawaad 7 qof. Saraakiisha wasaaradda arrimaha gudaha ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dadka dhaawaca ah ay gaarayaan 60 qof. Dadka dhintay ayaa intooda badan ku noolaa dooxada Kathmandu oo hooy u ah dad gaaraya 4 milyan oo ruux isla markaana ah caasimadda waddanka. Shaqaalaha gurmadka oo adeegsanaya diyaaradaha qummaatiga u kaca iyo doonyaha caagga ah ayaa isku dayaya in ay dadka soo badbaadiyaan. PUNTLAND POST The post In ka badan 66 qof oo ku dhintay daadad iyo dhul go’ ka dhacay dalka Nepal appeared first on Puntland Post.
-
A batch of Kenyan dried sea cucumbers, weighing 300 kg, were transported to Changsha Huanghua International Airport in central China's Hunan Province, marking the first time that China has imported such products from Kenya. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Ruushka ayaa si kulul u cambaareysay dilkii hoggaamiyaha guud ee ururka Xisbullaahi Shiikh Xasan Nasrallah, ayadoo sheegtay in arrintaasi ay cawaaqib xun ku yeelan doonto xaaladda gobolka Bariga dhexe. Sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in dilka Shiikh Xasan Nasrallah ay Israa’iil ka qoomamayn doonto, islamarkaana falkani uu horseedi doono in maamulka Yuhuuddu aanu hadda ka dib nabadgelyo heli doonin. Dhanka kale baarlamaanka Iran ayaa kulan degdeg ah ka yeelanaya jawaabta ugu mudan ee ay Iran arrintan ka bixin doonto, waxaana isi soo taraya wararka ku saabsan falcelinta dunida ay ka bixinayso dilka Shiikh Xasan Nasrallah oo kamid ah hoggaamiyaasha saameynta xooggan ku leh xaaladda gobolka Bariga dhexe. Source: goobjoog.com
-
Toronto – Ethiopia has been mostly silent about the Memorandum of Understanding it signed with Somaliland while Somalia delved into garnering military, diplomatic and military support from the region on alleged grounds that the agreement violates its sovereignty. Source: Hiiraan Online
-
Xaaladda caafimaad ee madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa laga dayrinayaa, wwxayna wararku sheegayaan inuu maalintii afaraad ku jiro isbitaal militari oo ku yaalla magaalada Paris ee caasimadda faransiiska. Xogaha ku saabsan xanuunka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo baxay, ka dib markii uu si lama filaan ah uga baaqday ka qeyb-galka shirka loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada Newyork. Dowladda Jabuuti weli faahfaahin kama bixin xaaladda madaxweynaha dalkaas, balse warbaahinta gudaha oo xiganaysa masuuliyiin sar sare ayaa xaqiijisay in mudane Geelle lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla magaalada Paris. Si kastaba ha ahaatee xogaha la heli karo ee ku saabsan xaaladda caafimaad madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku dhowaad 30 sano dalkaas hoggaamiyay ayaa isha lagu wada hayaa, lamana ogga sida uu hadda bedqabkiisu yahay. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Djabuuti saddexdii maalmood ee u danbeeyayba waxa uu yaallaa cusbitaal millateri oo ku yaalla dalka faransiiska sida aan xogta ku helayo. Xilli uu u diyaar garoobayay ka qaybgalka shirka madaxda qaramada midoobay ayaa waxa kusoo booday xanuun laga deyrinayo heerkiisa, balse nooca xanuunka aannaan helin xaqiiqadiisa. balse wararka qaar ayaa sheegaya in uu faalig yahay. Shirkaas qaramada midoobay halkiisii madaxweynaha waxa ka qaybgalay wasiirkiisa arrimaha dibada duruufta timi awgeed. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xaga xukuumadda Djibouti oo ku saabsan xaalada caafimaad ee Madaxweyne Ismail Omar Guelleh Qaran News