Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,016
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gaza (Caasimada Online) – Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in ugu yaraan 40 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay Gaza, kaddib duqeymo dhinaca cirka ah oo ay ciidamada Isra’il ku bartilmaameedsadeen guryo ku yaalla waqooyiga Gaza. Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Falastin ayaa sheegtay, in ugu yaraan 24 ka mid ah dadkaasi lagu dilay madaafiic lagu burburiyay guri ka koobnaa saddex dabaq oo ku yaallay xerada Jabaaliya. Dadka la dilay ayaa waxaa ku jiray dumar iyo carruurr sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka. Milatariga Isra’il ayaa sheegay in ay duqeeyeen guri ku yaalla deegaanka Jabaaliyah, halkaas oo ay sheegeen in ay ka howlgalayeen kooxo argagixiso ah. Isr’ail ma aysan bixin wax caddeyn ah oo arrintaasi muujinaya. Duqeyn kale oo ay ciidanka Isra’il ka fuliyeen xaafadda Sabra ee magaalada Gaza ayay ku dileen sarkaal ka tirsanaa wasaaradda daryeelka, kaas oo lagu magacaabi jiray Waa’il Al Khuur. Weerarkaas ayaa sidoo kale lagu dilay xaaskiisa, wiil iyo laba gabadh ay dhaleen iyo carruur uu awoode u ahaa. Dhanka Lubnan, duqeymo ay Isra’il ku garaacday tuulada Caalmat ee waqootiga Lubnan, ayay saraakiishu sheegeen in lagu dilay 23 qof oo ay ku jireen 7 carruur ah. Ra’isulwasaaraha Isra’il Banjamin Natanyahu ayaa isna Axaddii shalay sheegay in saddex jeer uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump tan iyo Talaadadi. The post ISRAEL oo dilal horleh ka gaysatay Gaza iyo Lubnaan appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga, halkaas oo ay kaga qeyb-galayaan shirar degdeg ah oo ay yeelanayaan madaxda dalalka Islaamka iyo Carabta. Madaxda ayaa ka wadahadlaya colaadda iyo gumaadka ka dhanka ah dadka Falastiin iyo Lubnaan, gaar ahaan joojinta xasuuqa iyo sidii gurmad degdeg ah ay u heli lahaayeen dadka reer Qasa ee dhibaataysan, iyadoo shirka ay ka soo qeyb-galayaan madax iyo wufuud ka socoto dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka. Inta lagu guda jiro shirkan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda, Boqorrada, Amiirrada iyo Hoggaamiyeyaasha Islaamka ee shirka ka soo qeyb-galaya, si loo xoojiyo xiriirka dalkeennu uu la leeyahay Caalamka Islaamka iyo Carabta. Source: goobjoog.com
  3. Somaliland Vice President Endorses SL’s Main Opposition Candidate, Dr. Irro The Somaliland Vice President (Incumbent), Abdirahman A. Zaylici has formally endorsed the presidential candidate of the main opposition party, WADDANI, Dr. Abdirahman A. Irro. The Vice President called for the public, specifically the registered voters to provide unwavering support to the coalition of the opposition parties led by Waddani. This endorsement comes in a critical moment—two days prior to the election date scheduled on November 13, 2024. It was only mid last October 2024 when the major clans in eastern Somaliland endorsed the opposition candidate, followed by today’s endorsement of the Awdal region supreme leader, Ugaas Abdirashid Ugaas Doodi.. These successive endorsements boosts further the chances of the opposition part to secure a landslide victory. Qaran News
  4. by Solan Kolli As the clock ticks down to Somaliland’s presidential election, the breakaway region of Somalia changes colour every day as political parties take turns to stage their campaign rallies. From Borama in the west to the Erigavo mountains in the northeast and the capital Hargeisa, cities and towns have erupted in a riot of colour. One day it was the green and yellow of the incumbent president Muse Bihi’s party Kulmiye (Unity), another the orange of Wadani (National Party), or the dark green of the Social Justice Party. The self-proclaimed republic, which unilaterally declared independence from Somalia in 1991, is holding a direct election on Wednesday to choose a president. The vote comes amid high tensions in the Horn of Africa over a maritime deal between Somaliland and Ethiopia that has enraged Mogadishu, which rejects Hargeisa’s independence claim. Universal suffrage is a rarity in Somalia, where a complex clan-based indirect voting system has been in place for more than half a century. Bihi, who has led Somaliland since 2017, is facing challenges from Wadani’s Abdirahman Mohamed Abdullahi, also known as “Irro”, and Faysal Ali Warabe of the Social Justice Party. The multi-party system is the pride of Somaliland’s six million inhabitants, who believe their peaceful democratic norms should earn them the international recognition they have been seeking for 33 years. “There is no country in the world where people campaign like this,” says Abdisamad, a 34-year-old social worker. “Democracy is a habit here. “It’s much better than an American election,” he smiles, referring to the tense climate of the campaign in the United States that led to Donald Trump’s November 5 election victory. The campaign has often been heated — with the opposition for example accusing Bihi of dividing Somaliland — and the outcome between the incumbent and his main rival Abdullahi is up in the air. But in the streets and at the campaign rallies, the mood is more festive, with the crowds, mostly women and young people, shouting with joy. On Saturday, Hargeisa and other cities were filled with Bihi supporters waving umbrellas, flags and green and yellow caps, singing and dancing to the sound of the party’s anthems. The day before, the same streets were filled with the blaring horns of Wadani’s orange cars, buses and trucks and activists chanting “Muse out!” and “Wadani, victory, victory, victory!” Like the last three direct presidential elections since 2003, “we want this election to be peaceful,” says Anab Jamal Muhammad, an unemployed mother of nine, who says she will cast her ballot for Abdullahi. In a region of East Africa where elections often give rise to violence, many Somaliland voters say they want to show off their democratic model to the world, hoping it will help win the recognition of the international community. “Somaliland is a functional government, the people of Somaliland are democratic, they use direct democracy, they have held elections, elected their representatives, their presidents,” says Mahmoud Mohamed Hassan, a 38-year-old social sciences professor. Qaran News
  5. Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga. Wafdiga Madaxweynaha ayaa halkaas uga qeyb galaya shirar degdeg ah oo ay yeelanayaan madaxda dalalka Islaamka iyo Carabta. Madaxda ayaa ka wadahadlaya colaadda iyo gumaadka ka dhanka ah dadka Falastiin iyo Lubnaan, gaar ahaan joojinta xasuuqa iyo sidii gurmad degdeg ah ay u heli lahaayeen dadka reer Qasa ee dhibaataysan. Shirarkaas oo ah kuwo xasaasi ah waxaa ka soo qeyb galaya madax iyo wufuud ka socota dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka. Inta lagu guda jiro shirarkaas ayay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa waxay kulamo doceedyo la qaadan doona Madaxda, Boqorrada, Amiirrada iyo Hoggaamiyeyaasha Islaamka ee shirka ka soo qeyb-galaya. Dowladda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siineysa xoojinta xiriirka dalkeennu uu la leeyahay Caalamka Islaamka iyo Carabta. Sidoo kale Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa aad u difaacda qadiyadda dadka reer Falastiin, waxayna Soomaalidu ugu horeysaa muslimiinta u hiilisa dadkaas islaamka ah ee Israa’iil ay xasuuqeyso. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo safar deg deg ah ugu baxay Sacuudi Carabiya + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  6. Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Caawa ansixiyay magaabista Taliyaha cusub ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed kadib Shir deg deg ah oo ay yeesheen Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in Shirkaasi deg deg ah lagu ansixiyay Taliyaha cusub ee Ciidamada Xoogga dalka S/Gaas Odowaa Yusuf Raage oo horay xilkan u soo qabtay. Qoraalka Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidoo kale tilmaamay ansixinta magacaabista Taliye Odowaa Yuusuf ay soo jeedisay Wasaaradda Gaashaandhiga dalka si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Argagixisada ah. “Kulanka degdeg ah ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay S/Gaas Odowaa Yusuf Raage, si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta” sida lagu sheegay qoraalka Xafiiska Ra’iisul wasaare Xamse. S/Gaas Odowaa ayaa xilka kala wareegaya Gen. Ibraahim Sheekh Muxiyadiin Caddoow oo la magacaabay 19 June 2023 islamarkaana xilkaasi kala wareegay Gen. Odowaaga hadda la magacabay. PUNTLAND POST The post Gen. Odowaa Yuusuf Raage oo mar kale loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo caawa lagu magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Odowaa Yusuf Raage, si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ayaa sidoo kale lagu ansixiyey heshiis cusub. Golaha Wasiirrada ayaa caawa shirkooda deg degga ah ku ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Diiwaangalinta Mulkiilaha shirkadaha iyo Heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Sacuudiga, kaas oo ku saabsan horumarinta arrimaha dhallinyarada iyo isboortiga. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulanka shir guddoomiyey, waxaana looga hadlay xaaladda amni ee dalka iyo dardargalinta howlaha Xukuumadda, sida lagu shaaciyey qoraal laga soo saaray shirkaas. Magacaabidda Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage waxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu soo wajahay culeys sababay inuu dib u raadiyo sarkaal uu horay xilka uga qaaday, taasi oo muujineysa inuu ku qasaaray xulashadiisii Taliyaha hadda laga bedelay hoggaaminta ciidanka xoogga. Jeneraal Odawaa ayaa lagu amaanaa xoreyntii wadanka mudadii uu Taliyaha xoogga ahaa, waxaana muuqata in shaqadii looga maarmi waayey, waxaana caawa mar kale loo magacaabay Taliyaha ciidanka xoogga dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr mar oo hore la xaqiijiyey in Jeneraal Odawaa uu ka codsaday inuu aqbalo in mar kale oo noqdo Taliyaha ciidanka xoogga dalka, balse waxaa jiray shuruudo uu la yimid, in kastoo aan hadda la shaacin waxa iska bedelay iyo waxa laga aqbalay shuruudahaas. Toddobaad ka hor ayay aheyd markii Taliyaha ciidanka dhulka loo magacaabay Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar oo loo yaqaano Khaalid, kaasi oo mar soo noqday Taliyaha Sirdoonka Jubbaland, isla markaana ah sarkaal dhalinyaro ah oo kaalin ka qaadan kara howlgalka la qorsheynayo in mar kale dib boorka looga jafo ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta. The post Golaha Wasiirrada DF oo ansixiyey heshiis Soomaaliya ay la gashay Sacuudiga appeared first on Caasimada Online.
  8. K AQOsUCXfSInvWIYWccBFDo3dMxUMXOOSY_vLWI_1xNIjAa-jx3DZn5l3AUv-h3ln59mfzhj-8K2KbU_qvVK3VgNN Qaran News
  9. AQMOPI6LU3aIbPCB5PLK6Wby0KjAjxf2bgawWdFmGuwLwPvjSPR-X7X89Aa9lfwGkq_FgIa8C-xZc6KFFpScUErc Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS, oo caawa yeeshay kulan degdeg ah ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay S/Gaas Odowaa Yusuf Raage, si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah. Magacaabidda Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage waxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu soo wajahay culeys sababay inuu dib u raadiyo sarkaal uu horay xilka uga qaaday, taasi oo muujineysa inuu ku qasaaray xulashadiisii Taliyaha hadda laga bedelay hoggaaminta ciidanka xoogga. Jeneraal Odawaa ayaa lagu amaanaa xoreyntii wadanka mudadii uu Taliyaha xoogga ahaa, waxaana muuqata in shaqadii looga maarmi waayey, waxaana caawa mar kale loo magacaabay Taliyaha ciidanka xoogga dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr mar oo hore la xaqiijiyey in Jeneraal Odawaa uu ka codsaday inuu aqbalo in mar kale oo noqdo Taliyaha ciidanka xoogga dalka, balse waxaa jiray shuruudo uu la yimid, in kastoo aan hadda la shaacin waxa iska bedelay iyo waxa laga aqbalay shuruudahaas. Toddobaad ka hor ayay aheyd markii Taliyaha ciidanka dhulka loo magacaabay Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar oo loo yaqaano Khaalid, kaasi oo mar soo noqday Taliyaha Sirdoonka Jubbaland, isla markaana ah sarkaal dhalinyaro ah oo kaalin ka qaadan kara howlgalka la qorsheynayo in mar kale dib boorka looga jafo ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta. The post Jeneraal Odawaa Yuusuf oo mar kale loo magacaabay taliyaha ciidanka xoogga appeared first on Caasimada Online.
  11. AQOgmiITbhZWFAyLbf8aFB7x1BOn8-lrIYiqmvk9YJFc_V9bgIQ1BuuNrsiH98sw-qyJNW5tDhvcH7Ou7Rn21cJE Qaran News
  12. Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa mar kale loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidanka, waxaana magacaabistii meel mariyay golaha wasiirrada. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo caawa yeeshay kulan degdeg ah ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay S/Gaas Odowaa Yusuf Raage. Magacaabista Janaraalka 5-ta sano soo hoggaaminayay ciidanka, ku dhawad 20-ka sanona ka tirsanaa militariga ayaa lagu macneeyay in looga maarmi waayay dardargelinta difaaca dalka iyo la dagaallanka Alshabaab. Source: goobjoog.com
  13. AQOYQhf-q8Ni1bils0UV9S8lrDUrseALa0ieI0uE-fBvDGkPp2y-hUa4cxcu_58x2FwmZ8nGqOxywWrrW-aNxBdh Qaran News
  14. The Amhara-Ethiopian communities organized a large rally on Saturday in Frankfurt, Germany, to raise awareness about the ongoing killings of ethnic Amharas, which ethnic Amhara activists have described as genocide. Source: Hiiraan Online
  15. Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay waxyeellada ka dhalatay dagaal xooggan oo saaka hiirtii hore deegaanka Masagawaa ee gobolka Galguduud ku dhex maray ciidanka xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa mawacislayda iyo dagaalamayaal ka tirsan kooxda Alshabaab. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukar Maxamed ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay laba jeer soo weerareen deegaanka Masagawaa, balse ciidanka xoogga iyo dadka deegaanku ay si adag isaga difaaceen, khasaare lixaad lehna gaarsiiyeen. Afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamadu ay dileen 8 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab, sidoo kalena 14 kale ay dhaawaceen, balse ma sheegin waxyeello soo gaartay ciidanka iyo dadka deegaanka. Dagaalka saaka ka dhacay deegaanka Masagawaa ee gobolka Galguduud ayaa lagu tilmaamay mid kamida weeraradii ugu xoogganaa ee kooxda Alshabaab ay qaadaan waayadan, balse ciidanka xoogga dalka iyo kuwa macawislayda ayaa si adag isaga difaacay, kana hor istaagay inay magaalada qabsadaan sida saraakiishu ay sheegeen. Source: goobjoog.com
  16. Inaari laahu wa inaa ilayhu raajicuun. Dhamaan shaqaalaha iyo maamulka guud ee shabakadda caalamiga ah ee qarannews.com, waxa aanu tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyskii,qaraabadii eheladii ay ka baxday walaasheen marxuumad Koos Adan Haybe oo maanta lagu aasay magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Waxa aanu tacsi gaar ah u diraynaa qoyska reer Adan Haybe khaasatan wsxa aanu halkan su gaar ah uga tacsiyadaynaynaa siyaasi Farxaan Adan Haybe oo ay marxuumada walaalo ahaayeen. Waxa aan marxuumada Ilahay uga baryaynaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo dhamaanteena uu samir iyo iimaan inaga siiyo Aasmiiin Qaran News
  17. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/11/AQOmAJB7bhqJM6V5pbuwsgz_1lSEXcooSQbYgnyQaSdquo9kpEyr5MRmNZW0t-gDx-7n3ijqlInPHDLturgicNG.mp4 Qaran News
  18. AQM0vY8Q0WrTppeuVsE1UrndhwANzpCCt2g371BmRzLHWuXtmW-hp21o6Ic-0xlIER0bZgPJffWXuFFCv1_frTej Qaran News
  19. Firdhiye: “We will defend ourselves against any aggression. On 25 August 2023, our administration expressed a desire to end the conflict peacefully.” Las Anod (PP News Desk) — Abdulkadir Aw Ali (Firdhiye), the leader of Sool, Sanaag, Ceyn, and Khaatumo interim administration stated today that relations between his interim administration and the Federal Government of Somalia are unsatisfactory. “Our administration is one year old and has chosen to be loyal to the Federal Government of Somalia. If our constitutional rights are denied, we will have to rely on ourselves,” said Firdhiye, addressing the delegation of the Independent Constitutional Review and Implementation Commission, which is visiting Las Anod to consult on proposed amendments to the provisional constitution. “The delegation’s visit is a tokenistic exercise aimed at giving illegal constitutional amendments a veneer of consensus,” commented a retired MP in Mogadishu. Observers have questioned the purpose of the delegation’s visit to Las Anod, as the Federal Government of Somalia asserts that the bicameral legislature has already voted on the proposed amendments. Firdhiye accused the secessionist Somaliland administration of instigating renewed conflict in Qorilugud, Togdheer. “We will defend ourselves against any aggression. On 25 August 2023, our administration expressed a desire to end the conflict peacefully,” he added. The Independent Constitutional Review and Implementation Commission’s delegation cannot visit territories under Puntland State of Somalia or those governed by the Hargeisa-based secessionist administration. Questions remain over the participation of MPs and Senators from “Somaliland constituencies” in the next federal indirect elections, especially while the Hargeisa administration claims to have leased coastal territory to Ethiopia for fifty years. © Puntland Post, 2024 The post SSC-Khaatumo Leader Expresses Dissatisfaction with Federal Government Relations appeared first on Puntland Post.
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xarunta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay goobj-oogayaal caalami ah oo ka socda dalal kala duwan oo caalamka ka yimi, kuwaas oo dalka u yimi inay kormeeraan doorashooyinka Madaxtooyada iyo ururrada/xisbiyada ee qorshaysan toddobaadkan aynu ku jirno. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu horrayn xubnaha goob-joogayaasha ah ugaga mahadnaqay inay kusoo dhiirradaan kormeerka doorashooyinka dalka ka dhacaya, waxana uu uga war bixiyey hannaanka Dimuqraaddiyadda iyo is doorashada daaha furan ah ee ay Somaliland kusoo caano maashay muddadii ay jirtay, taas oo aan ka hirgeli Karin meelo badan oo qaaradda Afrika iyo caalamka kaleba kamid ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu goob-joogayaasha warbixin guud ka siiyey hannaanka ay Somaliland ku caano maashay ee ay halkan ku soo gaadhay inay tahay kala danbayn, isu-tanaasul iyo shacab qiimo badan oo dareensan qiimaha waddaniyaddu leedahay, taas oo sababtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay u hirgalaan wax badan oo aan ka hirgelin adduunka intiisa kale, maantana Somaliland lagaga daydo. Madaxweynuhu waxa uu goobjoogayaasha ku bogaadiyey inay usoo ban baxeen sidii ay indhahooda ugu soo arki lahaayeen horumarka iyo Dimuquraaddiyadda ka hana qaadday guud ahaan Somaliland, isaga oo ka codsaday inay adduunka intiisa kalena gaadhsiiyaan wixii ay la kulmaan, noqdaanna kuwo ka markhaati kaca waxa ay Somaliland ka sugayso beesha Caalamka oo ah aqoonsi buuxa maaddaama ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa dal madax bannaan. Sidoo kale, goobjoogayaashu waxay dhinacooda madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland ku bogaadiyeen horumarka ballaadhan ee dhinac kasta ah ee ay ku tallaabsadeen, kuna gaadheen inay qabsadaan doorashooyin daah-furan, xilalkana la isugu wareejiyo si Dimuqraaddi ah. Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud, Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan Dalalka Maraykanka iyo Canada Amb Bashiir Sheekh Cumar Good. ALLAA MAHAD LEH Naasir Yusuf Daahir Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Source
  21. Dowlad goboleedka Jublaland ayaa sheegtay inay hakisay xariirkii iyo wada-shaqayntii kala dhexaysay dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana war saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha maamulkaas lagu yiri sidan: “Dowladda Jubaland waxaa ka go’an ilaalinta nidaamka dawladnimada, ku dhaqanka Dastuurka iyo shuruucda dalka, iyadoo laga hortagayo wax kasta oo qalqal galinaya midnimada iyo wada jirka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Jubaland. lyadoo midaas laga duulayo ayay Dowladda Jubaland cadaysay in ay diyaar utahay lashaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo ku dhaqanka dastuurka dalka iyo go’aan ka gaarista arimaha masiiriga ah ee dalka iyadoo loo marayo tubta wadar ogolka. Dowladda Jubaland waxay ku muujisay doodeeda fagaarayaasha la iskugu yimaado iyadoo qadarinaysa rabitaanka shacabweynaha Jubaland, Halka ay Dowladda Federaalku hormuud unoqotay hagardaamada himilooyinka shacabka Jubaland, iyo Khalkhal galinta joogtada ah ee anniga Jubaland, iyadoo ku kacday qodobadaan soo socda: 1. Hagardaameynta dadaalada lagula dagaaalamayo khawaarijta loogana sifeynayo deegaanaada Jubaland, iyadoo Dowladda Federaalku si weyn u xagal daacisey hawlagalka wajiga labaad ee ay Jubaland bilowday, iyadoo xakameyn wayday ciidamadii kasoo baxay aagaga dagaaalka, kana shaqaynaysey sidii ay u kala fufuri lahayd qaybaha kala duwan ee ciidama Jubaland iyo kuwa XDS, isla markaana ka cagajiidey in ciidama diidey gudashada wajibaadkooda lagu badalo ciidamo isku dhaf ah oo degaanka laga xulo buuxinayana kaalintii CXDS ee furumaha baneeyey. 2. Hor istaagtay in ay Jubaland qabsato doorashooyinkeeda ay umadax banaantahay, iyadoo xalay soo saartay warmurtiyeed aan sharciyad ku salaysnayn isna burinaya, cadaynaya mawqifka saxda ah ee ay qabaan madaxda DFS oo ah dalka in lagaliyo faraaq dastuuri ah, lagana shaqeeyo in Hay’adaha DXDF ay noqdaan kuwo aan sharciyad haysan kuna joogaan awooda ku darsasho aan sharciga waafaqsaneyn, sida ay ku cadaysay Warmurtiyeedka ay soo saartay Wasaaradda Arimaha Gudaha. Sidaas awgeed Dowladda Jubaland waxay cadaynaysaa qodobada soo socda: 1. Iyadoo raacaysa Dastuurka kumeel gaarka ah ee DFS iyo kan Jubaland kana dheeraanaysa waxkasta oo horseedi kara sharci daro iyo firaaq dastuuri ah in ay umadaxbanaantahay qabashada iyo maamulidda doorashada Jubaland, sida uu qabo qodboka 120aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah ee DFS iyo qodobada 62aad iyo 80aad ee Dastuurka Jubaland. 2. Dowladda Jubaland waxay markasta ka digaysaa in la siyaasadeeyo si khaldana loo isticmaalo CXDS iyo kuwa nabad ilaalinta u jooga dalka ee (ATMIS), iyadoo sharciyadoodu tahay ladagaalanka argagixisada iyo sugida amaanka xarumaha dawlada. Go,aan: Hadaba Dowladda Jubaland waxay cadaynaysaa in ay hakisay xiriirkii wadashaqeeneed ee ay lalahayd Xukuumada Federaalka Soomaaliya inta ay uga hogaansamayso Dastuurka dalka, ixtiraamaysana rabitaanka shacabka Jubaland”. Source: goobjoog.com
  22. Madaxtooyada Jubaland ayaa shaacisay in ay xiriirkii u jartay dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii uu cirka isku shareeray Khilaafkii labada dhinac. Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland ayay ku sheegtay in ay xiriirkii u jartay xukuumadda Federaalka Soomaaliya inta ay ku soo laabanayso dastuurkii dalka islamarkaana tixgelinayso Rabitaanka shacabka Jubaland. “Dowladda Jubbaland waxay caddeyneysaa inay hakisay xiriirikii wada-shaqeyneyd ee ay la laheyd xukuumadda federaalka Soomaaliya inta ay uga hoggaansameyso dastuurka dalka, ixtiraameysana rabitaanka shacabka Jubbaland” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Jubaland. Go’aanka ka soo baxay Jubaland ayaa jawaab u ahaa qoraal ay soo saartay wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya kaasi oo ay ku diiday guddigii doorashada Jubaland ee Axmed Madoobe xalay magacaabay. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Madaxtooyada Jubaland oo ku dhawaaqday in ay xiriirkii u jartay Dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  23. Kismayo (HOL) — Jubbaland Regional State administration suspended cooperation with the federal government, citing federal non-compliance with Somalia's constitution and disrespecting Jubbaland's autonomy. Source: Hiiraan Online
  24. AQP-PGEJ30G45j09E3d2nrFTX7ehBgv_YVDKtLbcE8B-XnWLYz1krnWCZWsDIzW2J80AV8tGhBvMYaBRo-ihCmAW Qaran News