Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,074
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) — Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan gawaarida u adeegsata qaraxyada, waana mid kamid ah qaraxyada ugu saameynta badan kuwa loo adeegsado gawaarida. Gawaarida ay kooxda u adeegsato qaraxyada ayaa u badan kuwa raaxada, waxaana baaris aan sameynay ku ogaanay in gaadiidka ay qaraxyada u adeegsato kooxda inta badan ay yihiin kuwa lasoo dhacay. Qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmada Xamar Weyne ayaa waxaa loo adeegsaday gaari nuuca Feilder loo yaqaan, waxa uuna ahaa gaari lagu dhacay gudaha degmada Afgooye sanadkii hore. Gaarigan oo uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo la sheegay in la dilay ayaa waxay kooxda u adeegsatay gaarigiisa inay qarax uga fuliso gudaha caasimadda. Gaarigan ayaa caadi ahaan ay xogta taargadu ahayd mid saxan, balse sida muuqata aan xogtiisa la baafin markii la dhacay ama aan laga taxadarin, islamarkaana aan la keydin xogta taargada gaarigan maadaama la dhacay. Sidoo kale waxaa la rumeysan yahay in baabuur badan oo la dhacay ay jiraan dhanka kooxda Al-Shabaab, si ay ugu isticmaalaan qaraxyada. Khubarada amniga ayaa qaba in hay’adaha amniga ay helaan dhammaan xogta gaadiidka la dhacay ee ka baxay gacanta muwaadiniinta, lana baafiyo, xogtoodana la dhigaa baraha ciidanka. Dadka aad u taxliiliya ama ka faallooda arrimaha amniga ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay xilligaan ku adag tahay inay baabuur cusub soo iibsadaan ama la soo degaan sababo la xariira cuna-qabteyna dhinacayada badan laga saaray, sidaas darteedna ay bilaabeen in ay dhacaan baabuurta ka dibna ay ku fuliyaan qaraxyada. Sidoo kale dadka muwaadiniinta ayaa iyagna waxaa la gudboon in markii laga dhaco baabuurtooda ay soo wargaliyaan laamaha ammaanka, si loo diiwaan-galiyo, ayna iyaga hadhoow wax dhibaato ah uga imaanin, islamarkaana looga hortago. The post Xog: Sidee AL-SHABAAB ku hesha baabuurta ay qaraxyada u adeegsato? appeared first on Caasimada Online.
  2. Mogadishu (HOL) – Jubaland regional state leader Ahmed Mohamed Islam Madobe arrived in Mogadishu on Wednesday to participate in the upcoming National Consultative Council (NCC) meeting. Source: Hiiraan Online
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ka furmay Madaxtooyada Qaranka ee Caasimadda Muqdisho. Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, dhameystirka hanaanka dimuqraadiyeynta, iyo fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran. Waxaa kale oo laga wada hadli doonaa dhismaha dowladnimo iyo iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka dalka. Shirka waxaa kasoo qaybgalay Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Madaxweynaha Hirshabeelle, Mudaney Cali Cabdullaahi Xuseen. Source: goobjoog.com
  4. Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Masuuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa ka qeybgali doona shirka madasha wadatashiga oo dhawaan ka furmi doona Magaalada Muqdisho. Shirkaan oo uu Gudoomin doonna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale looga hadli doonnaa sidii loo adkeyn lahaa amniga deegaanadii laga xoreeyay Shabaab iyo sii amba qaadida howlgalka. Source: goobjoog.com
  5. Stockholm (Caasimada Online) – Booliska dalalka Sweden iyo Denmark ayaa sheegay in ay baarayaan toogasho iyo qaraxyo xalay laga maqlay meelo u dhow safaaradaha Israel ay ku leedahay Stockholm iyo Copenhagen. Dalka Denmark, laba qarax ayaa xalay laga soo sheegay “meel u dhow” safaaradda Israel ee Copenhagen, sida uu saaka saxaafadda u sheegay afhayeenka booliska Denmark Jakob Hansen. Dalka Sweden, booliska ayaa xaqiijiyey in safaaradda Israel ee Stockholm lala beegsaday toogasho habeenkii Talaadadii, ka hor 6:00 maqribnimo. Lama soo sheegin cid wax ku noqotay labada dhacdo. “Weli ma sheegi karno haddii uu jiro xiriir” ka dhexeeya qaraxyada iyo safaaradda Israel,” Hansen ayaa sidaas ka yiri dhacdada Copenhagen. Subaxnimadii hore, aagga safaaradda ee Copenhagen ayaa la xiray, waxaana goobta ka shaqaynayay saraakiil boolis ah, sida uu soo sheegay weriye ka tirsan AFP. Hay’adda sirdoonka Denmark ee PET, ayaa sheegtay inay si dhow ula socdaan xaaladda, ayna ka caawinayaan booliska baaritaankooda. “Waxaan sidoo kale wadahadal kula jirnaa safaaradda Israel oo ku saabsan amniga, waxaana si joogto ah u qiimeyneynaa baaxadda tallaabooyinka amniga ee horay loo fuliyay ee la xiriira dhowr goobood oo Yuhuudda ah,” PET ayaa sidaas ku tiri bayaan ay siisay AFP. Danjiraha Israel ee Denmark David Akov ayaa barta X ku soo qoray “inuu aad uga naxay falkan xun ee ka dhacay meel u dhow safaaradda.” Booliska Copenhagen ayaa goor dambe shaaciyey in ay xireen saddex qof oo lala xiriirinayo labada qarax ee caasimadda Denmark. “Laba nin ayaa tareen laga soo qabtay, xarunta dhexe ee tareenada Copenhagen, waxaa intaa dheer in subaxnimadii hore aan nin ka soo qabanay meel kale oo ka tirsan Copenhagen,” ayuu booliska ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta X. Dhinaca kale, booliska Sweden ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xogta ay muujinayso in dhismaha safaaradda Israel ay rasaas ku dhacday. “Waxaan sameynay baaritaanno muujinaya toogasho ka dhacday safaaradda Israel, balse ma doonayno inaan si dhab ah u shaacino waxa lagu ogaaday baaritaanka maadaama weli uu socdo,” Waxaa sidaas AFP u sheegtay Rebecca Landberg, oo warbaahinta u qaabilsan booliska Stockholm. Landberg ayaa intaa ku dartay in aysan jirin cid wax ku noqotay, waxaana la furay baaritaan ku saabsan fal dambiyeedka culus ee hubka, halis gelinta dad kale iyo hanjabaado sharci darro ah. Booliska ma aysan xirin cidna, laakiin Landberg ayaa sheegtay in aagga ay si aad ah isha ugu hayeen kaamirooyinka, islamarkaana booliska ay si firfircoon u ururinayeen oo ay u falanqeynayeen agabyo. Toogashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo xiisadda ka taagan Bariga Dhexe ay cirka isku sii shareerayso, kadib markii Iran ay xalay gantaalo badan ku garaacday Israel, halka Israel na ay wacad ku martay in Iran “ay mari doonto cawaaqibka” weerarka. Tan iyo markii uu qarxay dagaalka Israel iyo Xamas bishii October 2023, dhowr dhacdo oo sida muuqata lagu bartilmaameedsanayo danaha Israel ee Sweden ayaa la soo weriyey. Bishii Febraayo, booliska ayaa bam gacmeed ka helay barxadda dhismaha safaaradda Israel, kaasi oo uu safiirku sheegay inuu ahaa isku day weerar. Bartamihii May, rasaas ayaa laga maqlay bannaanka safaaradda Israel, taasi oo keentay in dalka uu sare u qaado tallaabooyinka ammaan ee danaha Israel iyo hay’adaha bulshada Yuhuudda. Hay’adda sirdoonka dalkan Scandinavian-ka ah ee Sapo ayaa sheegtay dabayaaqadii May in Iran ay shaqaaleysiisay xubno ka tirsan burcadda Sweden si ay u geystaan “falal xun” oo ka dhan ah Israel iyo danaha kale ee Sweden – sheegashadaas oo Iran ay beenisay. Dalkan Waqooyiga Yurub ku yaalla ayaa sidoo kale sheegay inay kordheen dambiyada nacaybka ee ka dhanka ah Yuhuudda tan iyo markii uu dagaalka Gaza billowday. Horraantii Juun, booliiska ayaa sheegay in ay “aalad la tuhunsan yahay inay tahay walxaha qarxa” ka heleen bannaanka xafiisyada shirkadda teknoolojiyadda milatariga Israel ee Elbit Systems, oo caan ku ah in ay soo saarto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ay ku leedahay magaalada labaad ee ugu weyn Sweden ee Gothenburg. VOA The post Toogasho iyo qaraxyo xoogan oo ka dhacay safaaradaha Israel ee Denmark iyo Sweden appeared first on Caasimada Online.
  6. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Madaxweyne Siciid Deni oo diyaarad Khaas ah ka qaadday garoonka diyaaradaha caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa duhurnimadii maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso. Madaxweynaha Puntland waxa garoonka diyaaradaha Boosaaso ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Puntland Wararka dhinaca Amniga ah ayaa sheegaya in Madaxweynuhu halkaasi ka abaabulayo dagaal ka dhan ah mileeshiyaadka Daacish ee ku dhuumaalaysta buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari kuwaasi oo dhibaato ku haya Amniga ganacsiga Boosaaso. Tallaabadani ayaa imaanaysa xilli ay soo baxayaan warbixino ku saabsan in ay sii xoogaysanayaan mileeshiyaadka Daacish ee buuraha gobolka Bari kadib markii ay ku biireen ajaaniib horleh. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo maanta diyaarad khaas ah ku tegey magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  7. 461765797_1086877062808849_6548438142055835744_n Qaran News
  8. Xudur (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta hub horleh gobolkaasi ay gaystay Itoobiya, kaas oo lagu keenay gaadiidka nooca xamuulka qaada oo kasoo gudbay xadka Soomaaliya. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkeen illaa 4 gaari oo kasoo tallaabay dhanka xadka labada dal, isla markaana gaaray deegaanka Qurac-joome ee gobolka Bakool. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in hubka la geeyay xero ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin duleedka deegaankaas, halkaas oo illaa iyo hadda ku sugan yihiin baabuurta. Afarta gaari ee hubka lagu geeyay Bakool ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Godey, waxaana ugu dambeyn maanta lasoo geliyay gudaha Soomaaliya, iyada oo ay galbinayeen ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah. Lama oga ujeedka hubkan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed Soomalaiya iyo saraakiisha ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi. Horay Itoobiya ayaa hub usoo gelisay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan dhanka Galmudug iyo Puntland oo gaadiid lagu geeyay saanad ka timid dhanka Addis Ababa, hayeeshii hubkii tegay Galmudug ayaa waxaa lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Arrintan ayaa sii kordhineyso xiisadda haatan u dhexeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska baddda ee Abiy Axmed uu la galay maamulka Somaliland. Xiisadda ayaa dhowaan waji cusub yeelatay, kadib markii Soomaaliya ay heshiis difaac la gashay Masar oo ay is hayaan Itoobiya, waxayna taasi keentay in maamulka Abiy uu qaado tallaabooyin kale oo dheeraad ah oo kamid ah in ciidamadiisa ay la wareegeen garoomada gobolka Gedo, sidoo kalena ay dhaq-dhaqaaq milatari ka sameeyaan gudaha Soomaaliya. The post Itoobiya oo hub hor leh soo gelisay gudaha Soomaaliya iyo halka la geeyay – Xog appeared first on Caasimada Online.
  9. 461707973_417656534686717_6574984494115769749_n Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Laftagareen ayaa garoonka Aadan Cadde kasoo dagay, isaga oo wata askar ka tirsan ciidamadiisa ilaalada gaarka ah oo uu kasoo watay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, waxayna arrintan bannaanka keeneysaa heerka ay gaarsiisan tahay xiisadda kala dhexeysa dowladda federaalka. Ujeedka madaxweynahaa Koonfur Galbeed ayaa ah ka qayb-galka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo la filayo inuu maalmaha soo socda ka furmo magaalada Muqdisho. Sidoo kale Laftagareen ayaa kulan gaar ah la qaadan doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo horay uga shaqeeyay sidii uu ku imaan lahaa caasimada, iyada oo loo diray ra’iisul wasaaraha iyo taliyaha ciidanka Asluubta, si ay ugu kala dabqaadaan labada dhinac. Wararka ayaa sheegaya in wada-hadallada u bilaabanaya Villa Soomaaliya iyo maamulka Laftagareen diiradda lagu saari doono sidii xal loogu heli lahaa xiisadda taagan, gaar ahaan soo afjarida khilaafka labada dhinac oo ay uga sii dartay xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya. Madaxda kale ee maamul goboleedyada ayaa iyagana imaanaya Muqdisho, marka laga reebo hoggaamiyaha Puntland, waxayna ka qayb-galayaan shirka uu iclaamiyay madaxweynaha oo ku soo aaday xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo shaki kala dhex dhigtay dhinacyadan. Waxaa qorshuhu yahay in shirkan lagu soo qaado arrimaha doorashooyinka oo uu muran xoogan ka taagan yahay, gaar ahaan kuwa maamul goboleedyada oo illaa iyo hadda la’isku fahmin hanaanka loo wajahayo, xilli uu dhamaaday muddo xileedka madax goboleedyada. Soomaaliya ayaa waxaa mar kasta oo la gaaro xilliga doorashada, waxaa soo baxa is qabqabsiyo u dhexeeyo madaxda Soomaaliyeed, kaas oo dhaliyo kala tag siyaasadeed, inkastoo inta badan ay kusoo baxdo beesha caalamka, kadibna xal waara laga gaaro. The post Lafta-gareen oo ciidamo la yimid MUQDISHO + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  11. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho. Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen iyo Wefdi uu Hogaaminayo ayay mas’uuliyiin kala duwan ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Labadda aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin ayaa garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho kuso dhoweyey Wafdiga Madaxweyne Laftagareen uu Hogaaminayey. Socdaalka Madaxweyne Lafta Gareen ayaa ah ka qeybgalka Shirk Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado inuu ka furmo Magaalada Muqdisho kaasi oo looga hadli doono arrimaha doorashooyinka iyo Xaaladaha guud ee ka jira dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Maanta lagu soo dhaweeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  12. Mogadishu (HOL) – A delegation led by Southwest regional state leader Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen arrived in Mogadishu on Wednesday to attend the upcoming National Consultative Council (NCC) meeting. Source: Hiiraan Online
  13. ’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad ay xililka kula kala wareejiyeen Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliyeed, Sarreeyo Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo Taliyihii hore, Sarreeyo Gaas Sulub Axmed Firin. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Taliyihii hore, dadaalkiisii iyo hoggaamintiisii wanaagsanayd intii uu xilka hayay. Isaga oo kula dardaarmay taliyaha cusub in uu sii amba-qaado hawlaha muhiimka ah ee ciidamada Booliska, kana shaqeeyo horumarinta amniga iyo nabadgelyada dalka. Mudane Xamsa ayaa sheegay in Booliska Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin dowladnimada, isla markaana looga baahan yahay in ay ilaaliyaan waajibaadka loo igmaday, si kalsoonida ay ku qabaan bulshadu u noqoto mid sarreysa. Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo xalay laga maqlay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kuwaas oo si gaar ah loola beegsaday goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi. Qaraxyada oo ahaa miinooyin ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu xiray dukaan iyo kaalin shidaal oo ku taalla gudaha degmada Dayniile, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in goobaha la qarxiyay dhowaan lagu xiray Kaamirooyinka CCTV oo ay amartay dowladda Soomaaliya si loola socda dhaq-dhaqaaqooda. Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in khasaare nafeed aysan gaysan qaraxyada, laakiin waxaa jira burbur soo gaaray dhismaha goobaha ganacsiga iyo hatida tiilay. Mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha amniga ayaa sheegay in haatan ay wadaan baaris ku aadan ciddii ka dambeysay qaraxyadaas oo loo badinayo Al-Shabaab. Kooxda ayaa horay u beegsatay goobo ganacsi oo ku yaalla gudaha Muqdisho, gaar ahaan suuqyada waa weyn, kadib markii lagu xiray Kaamirooyinka qarsoon ee CCTV. Dhowaan ayay sidoo kale ahayd markii duleedka Muqdisho laga fuliyay laba weerar oo lagu qarxiyay suuqa Ceelasha Biyaha iyo kan Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo kaamirooyin lagu xiray. Si kastaba, weeraradan ayaa dhacaya xilli dhankeeda dowladda Soomaaliya ay kordhisay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab iyo howlgallada ka socda magaalada Muqdisho. The post Goobo ganacsi oo ku yaalla Muqdisho oo xalay qaraxyo lagu burburiyay + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  15. Magaalada Muqdisho ayaa la filaayaa in uu ka furmo maalmaha soo socda shirka golaha wadatashiga qaran oo ka kooban dawlada federaalka, madaxda dawlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Shirkaan waxaan ka qeyb gali doonin maamulka Puntland oo labadii Shir ee hore ka maqnaa. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Laftagareen ayaa goor dhow lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho si uu uga qeybgalo Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka. Xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay soo dhaweynta Madaxweynaha. Villa Somalia ayaa ajandaha shirka ku sheegtay in looga arrinsanyo arrimo masiiri ah oo ay kamid yihiin dhameystirka dastuurka , Doorashooyinka la dagalaanka Al-shabaab. Shirkaan oo uu Gudoomin doonna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale looga hadli doonnaa sidii loo adkeyn lahaa amniga deegaanadii laga xoreeyay Shabaab iyo sii amba qaadida howlgalka. Source: goobjoog.com
  16. Khartoum (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar todobaadkan lagu qaaday guriga safiirka Imaaraadka Carabta ee dalka Sudan, kaas oo lagu eedeeyay ciidamada dowladda Sudan. Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo garab istaag loogu muujiyay Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka kasoo horjeedo xadgudubkaas oo kasoo horjeedo xeerarka caalamiga ah iyo diblumaasiyadda. “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa weerarkii lagula kacay xarunta Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Khartoum, iyadoo xaqiijisay diidmada adag ee ku xadgudubka noocan ah ee shuruucda iyo dhaqanka caalamiga ah” ayaa lagu yiri bayaanka. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay“Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa mowqifkeeda adag ee ka dhanka ah falalkan, kuwaas oo ah jebinta cad ee shuruucda caalamiga ah iyo anshaxa diblomaasiyadda” Imaaraadka Carabta ayaa horay si caro leh uga falceliyay kadib markii la weeraray, oo si xun loo waxyeeleeyey guriga safiirka u fadhiya dalka ay dagaaladu aafeeyeen ee Sudan.. “Imaaraadka Carabta wuxuu si kulul u cambaareynayaa weerarkii foosha xumaa ee lagu beegsaday hoyga uu magaalada Khartoum ka degan yahay madaxa howlgalka Imaaraadka Carabta, oo ay geysatay diyaarad ay leeyihiin ciidamada Sudan, kaasi oo burbur xooggan uu ka soo gaaray dhismaha,” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay wakaaladda wararka rasmiga ah ee WAM. Dhankooda ciidamada Sudan ayaa iska fogeeyay eedeynta loo jeediyay, waxayna ku jawaabee “inay cambaareynayaan oo ay beeninayaan eedeynta” Imaaraatka Carabta, waxaynta intaas ku dareen in aysan “bartilmaameedsan xarumaha diblomaasiyadeed, hay’adaha Qaramada Midoobay ama hay’adaha mutadawiciinta ah, oo aysan u rogin saldhigyo ciidan, islamarkaana bililiqaysan hantidooda.” “Cidda fulinaysa falalkan foosha xun ee fulaynimada ah waa argagixisada, Jabhadda (Dacmu Sariic)… oo in ay waxaas oo dhan ku kacaan ay ku taageeraan dalal laga yaqaan caalamka,” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada. The post Somalia oo garab istaagtay Imaaraadka Carabta kadib weerarkii lagu qaaday… appeared first on Caasimada Online.
  17. Islamic State in Somalia has approximately doubled in size over the past year, the chief of U.S. Africa Command told VOA. Source: Hiiraan Online
  18. Mogadishu (HOL) — A record-breaking number of nearly 4,000 students participated in the National University Admission Test for Somali National University this year, marking the largest turnout in the university's history. Source: Hiiraan Online
  19. Siyaasi Khaliif Maxamed Warsame (Xiinwaal), oo muddo dheer ka tirsanaa xisbiga Kulmiye ayaa maanta shaaciyay in uu iska casilay xisbigaasi kuna biiray xisbiga WADDANI Qoraal uu baahiyay siyaasi Khaliif waxa uu u dhignaa sidan hoos ku xusan “Maanta oo ay Taariikhdu tahay Arbaca, 2da October 2024, waxa aan halakan ku caddaynayaa in aan iska casilay xubinnimadii iyo Golihii Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo aan muddo dheer ka tirsanaa. Taas beddelkeeda, waxa aan go’aansaday in aan tamartayda iyo waayo’aragnimadayda ku biiriyo Xooggaga Isbeddeldoonka ee lagu samatabixinayo Somaliland. Waxaan guud ahaan bulshada Somaliland iyo Gaar ahaanna taageerayaashayda u caddaynayaa in aan ku biiray maanta laga bilaabo Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI. Ballanteennu waa badbaadinta Somalilandtii tacabka badani innaga galay. Khaliif Maxamed Warsame. Qaran News
  20. The Minneapolis Police Department has recently added 23 officers. with two of them making history. One is a Somali-American woman, Ikran Mohamed. Another is a woman, Lesly Vera, who came to the U.S. from Mexico when she was four and became a permanent resident. Source: Hiiraan Online
  21. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay in la maalgeliyo waaxda beeraha dalka, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay fursado waaweyn oo lagu horumarin karo wax-soo-saarka. Ka dib hadal uu ka jeediyay shirka caalamiga ah ee ku saabsan maalgelinta silsiladda qiimaha beerta, oo ay wada qabanqaabiyeen Midowga Yurub, ayuu Madaxweynaha sheegay in dalka uu leeyahay awood aan kaliya naftiisa quudin karin, balse sidoo kale uu dhoofin karo wax-soo-saar dhinacyo kala duwan oo adduunka ah. Madaxweynuhu wuxuu caddeeyey in Soomaaliya ay leedahay dhul bacrin ah oo ku habboon in lagu soo saaro noocyo kala duwan oo dalag ah, wuxuuna carabka ku adkeeyey in fursadahaas ay weli yihiin kuwo aan si buuxda loo isticmaalin. “Maalgashadayaasha caalamiga ah waxay door muhiim ah ka ciyaari karaan dib u soo nooleynta waaxda beeraha,” ayuu yiri. Isagoo xusay fursadaha maalgashi, Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay si gaar ah ugu habboon tahay in laga dhigo xarun loojistik ah oo dhoofin ah, iyada oo dekedaha Kismaayo, Muqdisho, iyo Berbera ay yihiin tusaalayaal muujinaya awoodda gaadiidka. Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in la maalgeliyo kaydinta, gaadiidka, iyo habeynta wax-soo-saar si kor loogu qaado dhoofinta, isagoo tusaale u soo qaatay guulaha la xiriira wax-soo-saarka Sisinta oo dalka laga dhoofiyo. Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay in dhalinyarada Soomaaliya ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan dib u dhiska waaxda beeraha, isagoo tilmaamay in ay diyaar u yihiin inay qaataan hal-abuurka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusay in dowladda ay dejisay shuruuc iyo siyaasado taageeraya maalgashiga, sida Shuruucda Maalgashiga iyo Ilaalinta Maalgashiga. “Qorshaha Isbeddelka Qaranka ayaa dhidibada u taagay sidii loo hirgelin lahaa aragtidan,” ayuu yiri, isagoo muujinaya ballanqaadka dowladda ee horumarinta kaabayaasha beeraha iyo dhiirrigelinta ka-qaybgalka qaybta gaarka ah. Gabagabadii, Madaxweynuhu wuxuu ku adkeeyey in waqtigii lagu maalgelin lahaa beeraha Soomaaliya la joogo, isagoo ku baaqay in la wada shaqeeyo si loo gaaro mustaqbal ifaya oo barwaaqo ah. Source: goobjoog.com
  22. Mogadishu (HOL) — Haluk Bayraktar, CEO of Turkey's defence giant Baykar and manufacturer of the internationally renowned Bayraktar TB2 drone, visited Mogadishu over the weekend, signalling the strengthening of ties in the already robust relationship between Somalia and Turkey. Source: Hiiraan Online
  23. Ugu yaraan 45 qof ayaa ku dhintay ka dib markii labo doonyood oo muhaajiriin ah ay ku dagtay xeebaha dalka Jabuuti, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay. “Doomuhu waxay ka tageen Yemen, waxaana saarnaa 310 qof,” waxaa sidaas sheegtay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM, iyadoo intaas ku dartay in qaar badan oo dadkaas kamida weli la la’yahay. Waa masiibadii ugu dambeysay ee marinka halista ah ee loogu yeero Jidka Bari ee muhaajiriinta ka imaanaya Afrika. Ku dhawaad ​​32 qof oo badbaaday ayaa la soo badbaadiyay, IOM ayaa sheegtay in X, IOM ayaa sheegtay inay gacan ka geysanayso goobidda iyo samatabbixinta. Sannad kasta tobanaan kun oo muhaajiriin ah ayaa ku dhiirada Jidka halista badan ee isku xira waqooyiga Afrika iyo Yurub, iyaga oo doonaya in ay ka baxsadaan iskahorimaadka, masiibooyinka dabiiciga ah ama rajo-xumo dhaqaale iyaga oo ka gudbaya Badda Cas una sii jeeda Gacanka qaniga ku ah saliidda. Qaar badan ayaa isku dayaya in ay gaaraan Sacuudiga iyo dalalka kale ee Khaliijka Carabta halkaas oo ay ka heli karaan shaqo shaqaale ama shaqaale guri. Bishii Agoosto, ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay markii doon ay saarnaayeen ku degtay xeebta degmada Taez ee dalka Yemen. Muhaajiriinta gaarta Yemen ayaa inta badan la kulma khataro dhanka ammaankooda ah, maadaama dalka ugu saboolsan Jaziirada Carabta uu dagaal sokeeye hareeyay muddo ku dhow toban sano. Source: goobjoog.com
  24. As Minnesota’s Somali population has grown, it’s increasingly looking to flex its political muscle. That’s especially true in St. Cloud, where the Somali American population has surged dramatically in recent years. Source: Hiiraan Online