-
Content Count
211,074 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Wararka ayaa sheegaya in Saciid Deni diyaarad gaar ah uu ku tegay halkaasi, isaga oo kasoo ambabaxay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, waxaana Boosaaso ku soo dhaweeyay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, mas’uuliyiin kale iyo saraakiil ciidan. Madaxweynaha Puntland ayaa magaalada Boosaaso ka bilaabi doono dhaq-dhaqaaqyo culus iyo kulamo looga arrinsanayo xaaladaha ka jira magaaladaasi, isaga oo la shiri doono mas’uuliyiinta maamulka gobolka, kan degmada Boosaaso, saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in qorshaha ugu wayn ee uu Deni u tegay Boosaaso ay tahay dardar-gelinta dagaalka ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, isaga oo la kulmo saraakiisha Mareykanka. Ilo ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in madaxweynuhuu uu hoggaamin doono abaabul culus oo kooxda lagu qaadi doono, si looga saaro dhulka Puntland gaar ahaan buuraleeyda Cal-madaw iyo Cal-miskaad oo ay ku dhuumeystaan. Dhowaan ayaa Puntland ay sheegtay in ay soo afmeeri doonto kooxahaasi oo ay ku jiraan rag ajaaniib ah oo ka barbar dagaalama, halisna ku ah amniga Puntland iyo guud ahaan dalka. Dhinaca kale safarka Deni ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Boosaaso ay ka jirto xiisad culus oo u dhexeyso ciidamada PSF iyo Puntland, taas oo ka dhalatay isku haysiga garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso oo dhowaan ay digniino kasoo sareen ciidamada PSF. Xiisadda ayaa si weyn looga dareemayaa magaaladan oo ah xarunta ganacsiga Puntland oo ay horay labada dhinac ugu dagaalameen kadib khilaaf soo kala dhex galay. The post DENI oo gaaray BOOSAASO xilli ay weli taagan tahay xiisadda kala dhexeyso PSF appeared first on Caasimada Online.
-
Xeeldheereyaasha dunida ee aqoonta u leh arrimaha militariga iyo sirdoonka ayaa si weyn u fallanqeynaya weerarkii ballaarna ee Iran ay saaacado ka hor ku qaaday maamulka Israa’iil. Qubarada ayaa tilmaamay in weerarkani uu gebi ahaanba ka duwanaa midkii bilo ka hor ay Iran qaaday, ayadoo tilmaamay in boqolkiiba 80 gantaalladii ay ciidamada Iran rideeni ay ku guulaysteen inay ku dhacaan goobihii loogu talo-galay, halka boqolkiiba 30 ay Israa’iil ka hortagtay. Weerarkan oo la sheegay inuu jawaab u yahay dilkii Ismaaciil Haniyeh ayaa yimid muddo dheer oo aamusnaan ah ka dib, taas oo keentay in Israa’iil ay aamintay in Tehran aanay wax aargoosi ah sameyn doonin. Sidoo kale weerarkan Iran waxay u adeegsatay gantaallada ballistic-ga ah ee codkooda ka dheeraya, halka kii hore ay u adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ay waqti dheer ku qaadanayso inay gaaraan bartilmaameedkooda, taas oo Israa’iil u fududaysa inay intooda badan ka hortagtay. Dhanka kale warbaahinta Israa’iil ayaa warinaysa in tiro badan oo ciidamada ka mida isbitaallada la geeyay ka dib weerarkii Iran, balse weli lama hayo xogta rasmiga ah ee waxyeellada duqeymahan oo la filayo inay tahay culus. Source: goobjoog.com
-
Buuhoodle (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa dagaal nooc cusub ka bilaabay deegaano hoostaga magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer, halkaas oo ay isku fidiyeen ciidamada ammaanku. SSC ayaa sheegtay in halkaas ay ka fulisay howlgal lagula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya, waxayna ciidamadu bartilmaameedsadeen xarumo ku yaalla halkaasi. Taliyaha Ciidanka sida gaarka ah ugu qaabilsan la dagaalanka ‘anshax xumada iyo maandooriyaha’ ayaa warbaahinta u sheegay inay cagta mariyeen goobo gaar ah oo lagu iibiyo waxyaabaha maanka-dooriya, kadib xog ay ka heleen shacabka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay soo xirxireen shaqsiyaad ku eedeysan inay ka ganacsanayeen maan-dooriyaha, kuwaas oo uu tilmaamay in la horgeyn doono sharciga. Waxaa kale oo uu taliyuhu intaasi kusii daray in dagaalkooda uu sii socon doonno ilaa inta laga soo afjarayo guud ahaan kooxaha ka ganacsada waxyaabaha maanka-dooriya. Maalmihii u dambeeyay ciidamada deegaanka ee SSC-Khaatumo ayaa howlgallo ka waday deegaanada maamulkaasi si loo xaqiijiyo amniga, loogana hortago wax kasta oo halis ku ah. Si kastaba, Khaatumo ayaa haatan wadda dadaallo dheeraad ah oo lagu hormarinayo deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaas oo horay dagaal culus ula galay Somaliland. The post SSC-Khaatumo oo dagaal nooc cusub ah ka bilowday Buuhoodle + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Somalia is intensifying its efforts to boost its search and rescue (SAR) operations in both the maritime and aeronautical sectors. Two major initiatives launched with EUCAP Somalia and other European allies aim to address the country's long-standing gaps in emergency response. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, (CAJ News) – SOMALIA is set to be the first country to benefit from China’s recently-announced Action for a Mine-free Africa initiative. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidamada Booliska Soomaaliya Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano) aya maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay taliyihii hore Jeneraal Sulub Axmed Firin, kadib munaasabad ka dhacday Muqdisho. Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, wasiirka amniga gudaha, xildhibaanno, saraakiil iyo marti sharaf kale. Taliyaha cusub oo goobta ka hadlay ayaa markii uu xilka wareegay sameeyay ballan qaadyo waa wayn, isaga oo xusay inuu wax ka qaban doono amniga iyo horumarinta Booliska. “Waxaan u taaganahay sugidda nabadda, ilaalinta xuquuqda aadanaha dhowrista sharafta Ummadda Soomaaliyeed. Waxaan ka shaqeyn doonaan sare u qaadida tayada ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sare u qaadida wada shaqeynta ka dhexeys Booliska iyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri taliyaha cusub ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu ballan qaaday inuu la imaan doono qorshayaal cusub oo lagu sugi doono amniga magaalada Muqdisho oo xudunta dalka. “Waxaan curin doonaa qorshayaal amni oo saldhig u tahay cilmi iyo aqoon oo lagu sugayo amniga caasimada, iyo sidii aan u gaarsiin lahaa adeegga bulshada gobolka kasta oo Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay. Asad Diyaano ayaa sidoo kale shaaciyay inuu ka shaqeyn doono abuurista kalsoonida ay shacabka ku qabaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay u wada shaqeeyaan. “Waxaan xoogga saari doonaa in Booliiska shacabku ku kalsoonaado Min Raas Kambooni illaa Raas Caseer” ayuu mar kale yiri taliyuhu. The post Daawo: Taliye Aasad oo xilka la wareegay, kadibna sameeyay ballan qaadyo waa wayn appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia on Tuesday imposed a long-delayed ban on single-use plastic bags to help tackle pollution, the latest African country to try to stem the tide of non-biodegradable waste. Source: Hiiraan Online
-
(ERGO) – Since mid-June, Abdirahman Ibrahim Mohamed’s family of 10 has struggled to eat a meal once a day after he lost his construction job in Berbera, in Somaliland’s Sahil region, where he had been working for several years. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Arbaco ah ku wajahan magaalada Boosaaso. Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in Madaxweyne Deni uu maanta ku sii jeedo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu halkaasi kaga dhawaaqayo dagaal ka dhan ah mileeshiyaadka Daacish ee ku dhuumaalaysta buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Tallaabadani ayaa imaanaysa xilli ay soo baxayaan warbixino ku saabsan in ay sii xoogaysanayaan mileeshiyaadka Daacish ee buuraha gobolka Bari kadib markii ay ku biireen ajaaniib horleh. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo maanta ku wajahan Boosaaso halkaasi oo uu dagaal kaga dhawaaqayo appeared first on Puntland Post.
-
Tehran (Caasimada Online) – Madaxweynaha Iiraan Massoud Pezeshkian, ayaa difaacay weerarka Iiraan ee xalay, waxaana uu uga digay Israa’iil fariin uu ku soo qoray barta X. Pezeshkian ayaa sheegay in, iyadoo lagu saleynayo ‘xuquuqda sharciga ah’ ee Iiraan iyo ujeedka ah ‘nabad iyo amni u ah Iiraan iyo gobolka, ay tani tahay ‘ jawaab ‘go’aan adag’ ah oo la siiyay Israa’iil ‘laguna difaacayo danaha iyo muwaadiniinta Iiraan’ Wuxuu uga digay Israa’iil in weerarka xalay uu ahaa kaliya ‘aragti yar’ oo ka mid ah awoodaha Iiraan isla markaana aysan ku ‘lug yeelan dagaal’ Iiraan Ciidamada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay, in weerarradu ay jawaab u ahaayeen dilka Israa’iil ee taliye sare oo ka tirsan IRGC iyo hoggaamiyeyaal ka tirsan maleeshiyaadka taageerada ka hela Iiraan ee gobolka. Waxay xuseen dilka hoggaamiyaha Xisbullah Hassan Nasrallah iyo taliyaha IRGC Abbas Nilforoshan ee Beyruut lagu dilay usbuucii hore. Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday dilka hoggaamiyaha siyaasadda ee Xamaas Ismail Haniyeh oo bishii Luulyo lagu dilay Tehran. Inkasta oo Israa’iil aysan qiran inay ka dambeysay dilka Haniyeh, haddana waxaa si ballaaran loo rumeysan yahay in ay masuul ka tahay. Sarkaal sare oo Iiraani ah ayaa u sheegay Reuters in hoggaamiyaha sare ee dalka, Ayatollah Ali Khamenei, uu si shaqsi ah amarka weerarka u bixiyay. The post IRAN oo xog ka bixisay weerarka ay ku qaaday Israel appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay weerar lagu qaaday xarunta safiirka Imaaraadka Carabta ee magaalada Khartoum. War-saxaafadeedka ay soo saartay Wasaaraddu ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si buuxda u diidday xad-gudubyada noocan oo kale ah ee saameynaya shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah. Bayaanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo ergada dublamaasiyadeed si waafaqsan cahdiga Vienna ee xiriirka diblomaasiyadeed. Warkan ayaa yimid ka dib markii dowladda Imaaraadka Carabtu ay ciidamada dalka Suudaan ku eedeysay inay duqeyn diyaaradeed ku ekeeyeen xarunta safiirkooda ee magaalada Khartuum, balse militariga dalkaas ayaa beeniyay arrintaas, ayagoo xusay in fallaagada RSF ay dhacdooyinka noocaas ah ku kacaan. Source: goobjoog.com
-
Saacado ka hor dowladda Iran ayaa in ka badan 300 oo gantaal ku garaacday magaalooyin ku yaalla gudaha maamulka Israa’iil oo ay Tel Aviv ugu horreyso iyo meelo kamida deegaannada la haysto ee falastiin. Dadka Israa’iil oo ay masuuliyiinta maamulku ugu horreeyaan ayaa galay godad dhulka hoostiisa ah intii uu weerarku socday, waxayna wararku sheegayaan in waxyeello ballaaran oo khasaaro nafeed iyo burburba isugu jirtaahi ay duqeynta ka dhalatay. Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska, Jarmalka, iyo midowga Yurub ayaa dhammaantood cambaareeyay weerarka Iran, ayagoo sheegay inay Israa’iil garab taagan yihiin, islamarkaana ay Tel Aviv xaq u leedahay inay is difaacdo. Dhanka kale Ciidamada ilaalada kacaanka Iran iyo wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas ayaa sheegay in weerarkani uu yahay wajigii koobaad, islamarkaana ay jiraan kuwo kale oo u qorshaysan haddii ay Israa’iil iyo Mareykanku ku kacaan fal gardarro ah. Si kastaba ha ahaatee xaaladda gobolka Bariga dhexe ayaa meel xun maraysa, waxaana isi soo taraysa xiisadda halkaas ka taagan ee u dhexeysa maamulka Israa’iil oo taageerada Mareykanka iyo reer galbeedka ku daaban iyo Iran oo kaashanaysa kooxaha dhankeeda u janjeera ee ku sugan Falastiin, Lubnaan, Suuriya, Ciraaq, iyo Yemen. Source: goobjoog.com
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo laga dareemayo qaban qaabada soo dhaweyntiisa. Saciid Deni ayaa magaalada Boosaaso ka bilaabi doono dhaq-dhaqaaqyo culus iyo kulamo looga arrinsanayo xaaladaha ka jira magaaladaasi. Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in qorshaha ugu wayn ee Deni iyo tagistiisa Boosaaso ay la xiriirta dardar-gelinta dagaalka ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari. Ilo ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in madaxweynuhuu uu hoggaamin doono abaabul culus oo kooxda lagu qaadi doono, si looga saaro dhulka Puntland gaar ahaan buuraleeyda Cal-madaw iyo Cal-miskaad oo ay ku dhuumeystaan. Dhowaan ayaa Puntland ay sheegtay in ay soo afmeeri doonto kooxahaasi oo ay ku jiraan rag ajaaniib ah oo ka barbar dagaalama, halisna ku ah amniga Puntland iyo guud ahaan dalka. Dhinaca kale safarka Deni ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Boosaaso ay ka jirto xiisad culus oo u dhexeyso ciidamada PSF iyo Puntland, taas oo ka dhalatay isku haysiga garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso oo dhowaan ay digniino kasoo sareen ciidamada PSF. Xiisadda ayaa si weyn looga dareemayaa magaaladan oo ah xarunta ganacsiga Puntland oo ay horay labada dhinac ugu dagaalameen kadib khilaaf soo kala dhex galay. The post Xog: Deni oo ku wajahan Boosaaso + Qorshihiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Hoggaamiyaha SSCK Cabdulqaadir Aw Cali wuxuu marar badan ku celceliyay in dadka uu hoggaamiyo aysan waxba ka tirsanaynin beel kale. Laascaanood (Faallo) — Maamulka ku meelgaarka ah ee SSC-Khaatumo oo dhowaan sanad jirsaday waxaa mar kale soo foodsaaray loollan adag oo uga imanaya madaxdhaqameedka qaar. Siyaasadda maamulka ku aaddan colaadda Sool waxay ku salaysan tahay mowqifka in maamulka Somaliland uu dhibaato geystay, iyo in waxba aysan ka tirsanayn beelo kale. Mowqifkan, oo uu hoggaamiyaha SSCK Cabdulqaadir Aw Cali ku celceliyay, marar badan waxaa ka hor yimid Garaad Jaamac Garaad Cali oo markuu dhowr bilood ka hor booqanayay Gobolka Bari eedeyn meel-ka-dhac loo arkay dusha ka saaray beesha Reer Sheekh Isxaaq. Haddii la qaato mowqifka Garaadka ma dhici doonto in siyaasiyiin lagula xisaabtamo gaboodfallo uu maamulka ay ka tirsan yihiin geystay. Haddii mowqifka maamulka SSCK la qaato waxaa dhacaysa in laga hortago colaado beeleed ama in dhib qof loogu geysto heyb beeleed. Garaad Jaamac Garaad Cali wuxuu u arkaa colaadda Sool mid beelo dhexmartay. Waa dhab in madaxdhaqameedku unkeen muumulka SSCK, hase ahaatee, dastuurka maamulku wuxuu awoodda dejinta siyaasadda siinayaa hoggaamiyayaasha siyaasadda. Markii qalalaasihii Ceerigaabo uu taagnaa dhowr toddobaad ka hor, madaxdhaqameedka SSCK, oo uu hoggaaminayay Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan, waxay soo saareen baaq taageeraya in nabadda Ceerigaabo la dhowro lana qaddariyo heshiiskii 1995kii Ceerigaabo ka dhacay. “Annagu xitaa markuu dagaalkii Laascaanood socday marnaba maynan ku baaqin in colaad laga alooso Ceerigaabo” ayuu yiri Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan. Waxaa xusid mudan in marxuum Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac iyo Garaad Ismaacill Ducaale ka mid ahaayeen madaxdhaqameedkii Sool ka socday oo heshiiskii Ceerigaabo ka qeybgalay 1995kii. Mowqfka madaxdhaqameedka SSCK ka qaateen Ceerigaabo wuxuu sii kobciyay sumcadda maamulka SSCK oo hadda loo arrko maamul aamminsan nabad-ku-wada-noolaansho, isxaq-dhowr iyo is cafin. Maamulka SSCK waxaa la gudboon inuu xakameeyo kaalinta madaxdhaqameedka oo hadda u muuqata mid kala dhantaali karta midnimada dadka SSCK. Waa in si cad loogu sheego madaxdhaqameedka inay ka waantoobaan haddallada xanafta leh oo meel-ka-dhac ku ah beelaha Soomaaliyeed. Waa waajib diini in qofku uusan waxba ka sheegin abtirsiinyada qof kale. In la is waaniyo ayaa ka wanaagsan in la isu aamuso. Qofka qaldan qabasho ayuu nagu leeyahay si maamulku u guto waajibkiisa oo haddii uu gudan waayo loola xisaabtamo. W.Q. Maxamed C. F. Xirsi The post Is Afgaranwaaga U Dhexeeya Maamulka SSCK iyo Madaxdhaqameedka Qaar appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Janaraal Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Amb. Mario Daccò Coppi. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amni ee labada dal, iyada oo ay qeyb ka tahay la dagaalanka argagixisada iyo kordhinta tababarada. Taliyaha iyo safiirka ayaa ka wadahadlay taageerada Dowladda Talyaaniga ay siiso Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa laga hadlay doorka Dowladda Talyaaniga ee ku aaddan horumarinta howlaha booliska iyo xaqiijinta nabadgelyada gudaha Soomaaliya. Dhinaca kale Taliyaha cusub ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Sarreeye-guuto Asad Cusmaan Cabdullahi ayaa kulan la qaatay Danjiraha dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya mudane Amb. Joachim Waern. Taliyaha iyo Safiirka ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga dhanka amniga ee labada dal ee Soomaaliya iyo Sweden, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay taliska booliska. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray, la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, kordhinta tababarada iyo taageeradda ay dowladda Sweden u fidiso ciidanka booliska Soomaaliyeed, oo haatan dib u dhis iyo tayeyn lagu wado. Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa maanta qaaday tallaabadiisii u horeysay, kadib magacaabisitii Khamiistii lasoo dhaafay ee Golaha Wasiirada Soomaaliya. Taliyaha cusub iyo wasiirka amniga gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, halkaas oo uu si diiran ugu soo dhoweeyay Taliyaha xilka kasii dagaya ee Booliska General Sulub Axmed Firin. The post Asad Diyaano oo la kulmay safiirkii 2-aad – Muxuu kala hadlay Danjiraha Talyaaniga? appeared first on Caasimada Online.