-
Content Count
211,074 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud has accused Ethiopia of seizing control of critical infrastructure in the southern Gedo region, an act he condemned as a violation of Somalia's sovereignty. Ethiopian troops have reportedly taken over airports in Luuq, Dolow, and Bardhere, citing security concerns about Egypt's involvement in the region. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Ethiopia's Foreign Minister Taye Atske-Selassie took the podium at the United Nations General Assembly in New York to defend his country's informal agreement with Somaliland. The pact, signed earlier this year, has drawn fierce criticism from neighbouring Somalia, but Ethiopia maintains it is a legitimate effort to promote regional development. Source: Hiiraan Online
-
Riyadh (Caasimada Online) – Bayaan maanta ay soo saartay dowladda Sacuudiga, ayaa waxay ku sheegtay in Sacuudiga uu taageerayo Lubnaan, iyadoo dhanka kalana ku baaqday in la ilaaliyo “madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed” ee Lubnaan. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa sheegtay, inay isha ku hayeen dhacdooyinka muddooyinii u dambeeyay ka dhacayay dalka Lubnaan, ayna ka ‘walwalsanaayen’ in kastoo Sacuudiga uusan ka hadlin dilki hogaamiyaha Xisbullah, Xassan Nasrallah. Waxay sidoo kale beesha caalamka ugu baaqday inay ka shaqeeyaan ilaalinta amniga gobolka, ayna ka hor tagaan falalka hor seedi karaa xaalado bini’aadanimo. Dhinaca kale, duqeymaha Israa’iil ee sii socda ayaa laga yaabaa inay ilaa hal milyan oo qof ku qasbaan inay ka barakacaan guryahooda guud ahaan dalka Lubnaan, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati. “Waa barakaca ugu weyn ee abid laga cabsi qabo inuu dhaco,” ayuu yiri Mikati. Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay, in in ka badan 50 qof ay ku dhinteen duqeymihi Axaddii, laba maalmood ka dib markii Israa’iil ay Beirut ku dishay, hogaamiyihii kooxda Xisbullah, Xassan Nasrallah, Ha yeeshe Xisbullah ayaa gantaallo dheeri ah ku tuurtay waqooyiga Israel. Dhanka kale, Israel ayaa sheegtay inay fulisay “duqeymo ballaaran” oo lagu beegsanayo, bartilmaameedyada milatari ee xuutiyiinta dalka Yemen oo Iran ay taageerto. The post Sacuudiga oo qaadayo tallaabo ka dhan ah duqeymaha ISRAEL ee Lubnaan appeared first on Caasimada Online.
-
Israa’iil ayaa sheegtay in ay duqeysay bartilmaameedyo ay Xuutiyiinya ku leeyihiin dalka Yemen, iyada oo weerarkaan ku sheegtay mid ay uga jawaabeyso madaafiic ay Xuutiyiinta ku garaacayeen labadi maalin ee lasoo dhaafay Israa’iil. Weerarkan ayaa ka dhigaya furin saddexaad oo ay ay Isra’il kaga dagaallameyso mandiqadda Bariga Dhexe, laba maalin kaddib marki ay Beyrut ku dileen hoggaamiyihii ururka Xisbullah ee Lubnan, Sayyed Xasan Nasrallah. Duqeynta cirka ah ee ay Isra’il ku qaadday Yemen ayay ku beegsatay dekadda magaalada Xudeyda. Wasaaradda caafimaadka ee Xuutiyiinta hoos tagta ayaa ku warrantay in duqeynta lagu dilay afar qof isla markaana ku dhaawacmeen 29 kale. Dadka magaalada Xudeyda ayaa wakaaladda wararka ee Reueters u sheegay, in madaafiicda ay jareen inta badan adeegga koronta. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo duqayn xooggan ku garaacday dekadda Xudeyda ee dalka Yemen appeared first on Puntland Post.
-
Maamulka Abii Axmed ayaa ku jira xaalad go’doon ah oo ka dhalatay hab-dhaqankiisa anshaxa deris wanaagga iyo midka diblumaasiyaddaba ka baxsan ee uu caadaystay, waxayna arrintaani horseeday inay dalalka bariga Afrika intooda badan isku dhacaan. Billowgii sanadkan Abii Axmed wuxuu is afgarad xadgudub iyo meel ku ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la saxiixday Soomaaliland, taas oo keentay xiisad xooggan oo cadaawad isku badeshay, waxaana muuqanaysa in miyir la’aanta iyo qar iska xoornimada taliska Addis Ababa uu keeni doono dagaal toos ah. Dhanka kale Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Abii Axmed iskuma niyad sama oo illaa billowgii horraantii sanadkan waxaa u dhexeeyay mad-madow aan weli xiisad diblumaasiyadeed isku badelin, balse is aaminaaddii labada dhinac meesha ka saaray, arrintaasina waxay ku salaysantahay damaca guracan ee Itoobiya oo dekadaha iyo dhaqaalaha Jabuuti halis ku ah. Sidoo kale Eritrea iyo Sudan ayaa labaduba baalka cadowtinimada ku xariiqday Itoobiya, waxayna xukuumadaha Asmara iyo Addis Ababa is dhaafsadeen hamjabaado kulul, ayadoo Abii Axmed uu sheegay in madaxweyne Isaias Afwerki iyo dowlwddiisu ay sida Qasa isku badeli doonaan haddii ay Itoobiya faraha la soo galaan. Dhankiisa hoggaamiyaha militariga Sudan Cabdifitaax Al-Burhani ayaa khodbaddii uu dhowaan ka jeediyay kulanka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay wuxuu ku sheegay in dowladaha deriska qaarkood ay dhaqaale iyo hub ku taageeraan fallaagada RSF, waxayna xeeldheereyaashu hadalkan ku macneeyeen inuu ula jeedo Itoobiya iyo Kenya. Si kastaba ha ahaatee maamulka dhammaan albaabada diblumaasiyadda iyo saaxiibtinimada dunidu ay ka soo xirmeen ee Abii Axmed hoggaanka u yahay ayaa wajahaya xaalad jahwareeer ah, waxaana socda abaabulka isbahaysi seddax geesood ah oo cimrigiisa soo gaabin doona haddii aanu hab-dhaqankiisa wax ka badelin. Source: goobjoog.com
-
Isra’iil ayaa sheegtay inay duqeysay bartilmaameedyo ay Xuutiyiinya ku leeyihiin dalka Yemen, iyada oo weerarkaan ku sheegtay mid ay uga jawaabeyso madaafiic ay Xuutiyiinta ku garaacayeen labadi maalin ee lasoo dhaafay Israa’iil. Weerarkan ayaa ka dhigaya furin saddexaad oo ay ay Isra’il kaga dagaallameyso mandiqadda Bariga Dhexe, laba maalin kaddib marki ay Beyrut ku dileen hoggaamiyihii ururka Xisbullah ee Lubnan, Sayyed Xasan Nasrallah. Duqeynta cirka ah ee ay Isra’il ku qaadday Yemen ayay ku beegsatay dekadda magaalada Xudeyda. Wasaaradda caafimaadka ee Xuutiyiinta hoos tagta ayaa ku warrantay in duqeynta lagu dilay afar qof isla markaana ku dhaawacmeen 29 kale. Dadka magaalada Xudeyda ayaa wakaaladda wararka ee Reueters u sheegay, in madaafiicda ay jareen inta badan adeegga koronta. Dhanka kale, ciidamada Isra’il ayaa sii wada madaafiicda ay labadi todobaad ee lasoo dhaafay ku garaacayeen Lubnan. Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa sheegtay, in duqeymihi ugu danbeeyay ee Axaddi shalay lagu dilay ugu yaraan 105 qof. Dadka la dilay ayaa ku jira 14 qof oo ka mid ah shaqaalaha gurmadka deg degga ah. Source: goobjoog.com
-
Sanca (Caasimada Online) – Isra’il ayaa sheegtay in Axaddi shalay ay duqeysay bartilmaameedyo ay Xuutiyiinya ku leeyihiin dalka Yemen, iyada oo weerarkaan ku sheegtay mid ay uga jawaabeyso madaafiic ay Xuutiyiinta ku garaacayeen labadi maalin ee lasoo dhaafay Israa’iil. Weerarkan ayaa ka dhigaya furin saddexaad oo ay ay Isra’il kaga dagaallameyso mandiqadda Bariga Dhexe, laba maalin kaddib marki ay Beyrut ku dileen hoggaamiyihii ururka Xisbullah ee Lubnan, Sayyed Xasan Nasrallah. Duqeynta cirka ah ee ay Isra’il ku qaadday Yemen ayay ku beegsatay dekadda magaalada Xudeyda. Wasaaradda caafimaadka ee Xuutiyiinta hoos tagta ayaa ku warrantay in duqeynta lagu dilay afar qof isla markaana ku dhaawacmeen 29 kale. Dadka magaalada Xudeyda ayaa wakaaladda wararka ee Reueters u sheegay, in madaafiicda ay jareen inta badan adeegga koronta. Dhanka kale, ciidamada Isra’il ayaa sii wada madaafiicda ay labadi todobaad ee lasoo dhaafay ku garaacayeen Lubnan. Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa sheegtay, in duqeymihi ugu danbeeyay ee Axaddi shalay lagu dilay ugu yaraan 105 qof. Dadka la dilay ayaa ku jira 14 qof oo ka mid ah shaqaalaha gurmadka deg degga ah. Xisbullah iyo Isra’il ayaa duqeymo is weydaaranayay tan iyo 7-badi October, markaas oo ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il. Weeraradi ugu danbeyay ee ay Isra’il ka fulisay Isra’il waxay Sabtidi sheegtay, in ay dishay ugu yaraan 20 ka mid ah madaxda iyo saraakiisha ugu sarreysa ee ururka Xisbulllah oo ay ku jiro Xasan Nasrallah. The post Israel oo duqeysay dekadda Xudeyda ee Yemen appeared first on Caasimada Online.
-
Malaayiin qof oo ku nool gobollada Koonfur-bari ee Maraykanka ayaa bilaabay howlo isugu jira nadiifin iyo dayac-tir, kaddib marki roobab watay dabaylo iyo daadad ka dhashay duufaanta Helene ay burburiyeen guryo badan, waddooyin iyo buundooyin, laga soo billaamin Florida ilaa Virginia. Sida ay ku warrantay CNN-ta, duufaanta ayaa gobollada South Carolina, Florida, Georgia, North Carolina iyo Virginia ku dishay dad gaaraya ugu yaraan 89 oo qof. Wakaaladda wararka ee ayaa iyaduna sheegtay in tirada dhimashada ay tahay 69. Hase yeeshee saraakiisha dowladda ayaa ka cabsi qaba in tirada dhimashada ay intaasi ka badnaan doonto, maadaama wali la la’yahay dadka qaar. Dadka ugu badan ayaa laga diiwaangeliyay gobolka South Carolina, halkaas oo ay saraakiishu sheegeen in duufaantu dishay ilaa 25 qof, kuwaas oo intooda badani ay ku soo dul dhaceen geedo. Qiyaasta hantida ku burburtay ayaa lagu qaddaray cadad u dhaxeeya 15 ilaa 100 bilyan oo dollar. PUNTLAND POST The post Duufaanta Helene oo 89 qof ku dishay dalka Maraykanka appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay, ka dib safar uu ugu maqnaa dalka dibadiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta oo Axad ah dalka dib ugu soo laabtay, xilli fiidnimadii hore, ka dib safar gaar ah oo uu maalmo qaatay ugu maqnaa dalka Faransiiska. Madaxweyne Geelle ayaa marka uu sidaas ku soo xidho ajandihiisa gaarka ah waxa uu fariin adag u diraya rabitaankiisa ah in uu si buuxda ugu huray hawlaha qaranka iyo in uu awoodiisa isugu geeyo sidii uu uga hortagi lahaa caqabadaha dalkeena iyo dadkeena haysta. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/09/VID-20240929-WA0010.mp4 Qaran News
-
Mustafe Qodax waa nin dhib iyo dibin daabyo u soo gaystay qaddiyadda Somaliland mana ah nin aaminsan qaddiyadda Somaliland. Muuse Biixi waxa uu dadka taageera u sheegaa hadii uu Waddani xilka qabto waxa uu inoo wadaa Xamar arinkaasi oo ah waxba kama jiraan. Muuse waxavuu maanta inoo keenay in kuwii markii hore Kulmiye ahaa ee tagay Xamar ee hadana soo laabtay ma garan karo sida qof Somaliland duminaayay maanta xil loogu magacaabo Qodax intii aanu Xamar xilka u doonan waxa uu ahaa Kulmiye oo markii uu soo laabtayna xilkani loo magacaabay. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/09/461552541_503866462532975_5278289854649180824_n-1.mp4 Qaran News
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada hadal hayn weyn ka dhalisay xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana baraha bulshada lagu faafiyey in madaxweyne Geelle xanuunsaday oo isbitaal loola cararay. Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta ee Jamhuuriyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa bartiisa Twitter-ka (X) kaga hadlay xaaladda Madaxeynaha, isagoo ku bilaabay qoraalkiisa ‘‘Waan ka xumahay Necbanayaal.” Wasiir Dawaare ayaa qoraalkiisa ku yiri “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waa fiican yahay, weliba aad ayuu u fiican yahay runtii, qof waa ka heli wayn karaa hoggaamiye, laakiin qof ma necbaa kartid heer aad gaarto inaad ku habaarto dhimasho qof muslim ah, haa waa jirtaa dhibaato uu ka qabo jilibka midig, maxaa ku jaban, waa qof bini’aadam ah oo aniga iyo idinkaba idinla mid ah.” Wasiirka Maaliyada iyo qorshaynta Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaan faahfaahin ka sii bixin safarka madaxweynaha iyo waxa ka jira wararka lagu baahiyey baraha bulshada ee ku saabsan xaaladda caafimaad ee madaxweynaha. Waxaa jira warar sheegaya in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu dibadda safar dibada ah u aaday daweyn, basle ma jirto xaqiijin madax-banaan oo warbaahintu heshay. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa muddo dheer xukunka joogay, wuxuuna yeeshay mucaarad badan, ilaa heer uu gaaray in maanta laga sameeyey been abuur sheegaya “inuu dhintay” balse Caasimada Online waxay xaqiijisay inuu noolyahay oo weliba socon karo. Waxaa caawa la arkay Madaxwayne Ismaaciil oo kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti, waxaana garoonka ku soo dhaweeyey wasiirro ka tirsan xukuumadiisa, waxaana muuqata in halis caafimaad uusan ku jirin. The post Xogta Ismaaciil Cumar Geelle – Maxaa ka jira in Madaxweynaha Jabuuti uu xanuunsan yahay? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabdulqaadir Soomow ayaa galabta ka badbaaday isku day dil, kadib markii loo dhigay Qarax Miino, balse fashilmay oo aan qarxin. Sheekh Soomow ayaa u socday guriga Hooyadiis oo ku yaalla degmada Yaaqshiid, waxaana jidka loo dhigay Miino nooca soo boodada ah, balse Allaah ayaa fashiliyey. Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa faniinay taleefan yar oo miinada laga qarxiyo, sidaas ayuu ku fashilmay qaraxii. Ilo wareedyo ka ag dhow Sheekh Cabdulqaadir Soomow ayaa Caasimada Online u sheegay in gaariga uu Shiiqu watay uu ahaa gaari nooca aysan xabaddu karin oo Buruuf ah. Sheekh Soomow iyo ilaaladiisa oo bad-qaba ayaa ka gudbay goobtii uu qaraxu yaallay, waxaana halkaas ku baxay ciidamada ammaanka ee degmada Yaaqshiid. Shaki badan ayaa jira, waxaana kala shakigaan uu saameeyey wasaaradda diinta oo Sheekh Soomow uu ka tirsan yahay. Kiis kale ayaa xalay dhacay kadib markii gaari lagu hor jaray Wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble, waxaana loo diiday in uu kasoo galo isgoysyada Siinaay, Darjiinka iyo Sanca, kadibna gaarigiisa ayaa lagu hor jaray gaari kale. Culumadaan ayaa ka tirsan dariiqada Suufiyada ee Ahlusunna, waxaana jirta tabasho ay ka qabaan wasaaradda diinta oo ay maamulaan Wasiir iyo Agaasime lagu xagliyo inay lasoo shaqeeyeen Al-Shabaab. The post Xog: Sheekh Cabdulqaadir Soomow oo maanta dil ka badbaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Beirut (Caasimada Online) – Haashim Safi Al-Diin, oo ah ninka beddeli kara Hassan Nasrallah, hoggaamiyihii ay ilmo habreedka ahaayeen ee Xizbullah, waa mid ka mid ah xubnaha ugu caansan Xizbullah, wuxuuna xiriir dhow la leeyahay dalka taageera kooxda ee Iran. Haashim Safi Al-Diin waxa uu muuqaal ahaan aad u shabahaa Nasarallah, hase yeeshee dhowr sano ayuu ka yahay. Waxaa da’diisa lagu qiyaasaa 50 dhammaad ama 60 horraad. Ilo-wareedyo ku dhow Xizbullah, oo codsaday inaan la magacaabin maadaama aan loo ogoleyn in ay la hadlaan warbaahinta, ayaa sheegay in Haashim uu yahay “musharaxa ay u badan tahay inuu qabto xilka sare ee kooxda. Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa Haashim, oo xubin ka ah Golaha Shuurada ee gaara go’aanada Xizbullah, ku daray liiskooda “argagixisada” 2017. Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa ku qeexda “hoggaamiye sare” oo ka tirsan Xizbullah iyo “xubin muhiim ah” oo ka mid ah fulinteeda. Inkasta oo hoggaamiye ku-xigeenka Xizbullah Naim Qassem uu islamarkiiba la wareegayo hoggaanka kadib geerida Nasrallah, haddana Golaha Shuurada ayey qasab tahay in ay kulmaan oo ay doortaan xoghaye guud oo cusub. Haashim wuxuu xiriir xooggan la leeyahay Iran kadib markii uu waxbarasho diineed ku soo qaatay magaalada barakeysan ee Qom. Wiilkiisa waxa uu qabaa gabadha Jeneral Qassem Soleimani, taliyihii howlgallada dibdda ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, kaasi oo 2020 lagu dilay duqeyn Mareykanka uu ka fuliyey Ciraaq. Haashim Safi Al-Diin waxa uu wataa darajada Sayyed iyo qamiiska madow, si la mid ah Nasrallah, taasi oo lagu muujiyo inuu faraciisa galo qoyska Nebi Muxamed Calayhi Salaam, sida Shiicadu qabto. Si ka duwan Nasrallah, oo muddo sanado ah ku noolaa dhuumaaleysi, Haashim ayaa si furan uga soo muuqanayey dhacdooyinka siyaasadeed iyo kuwa diineed. – Musharaxa ugu xooggan – Isaga oo caadiyan ah ah nin aad u degan, haddana wuxuu hadal aad u kulul ka jeediyey tacsiyadii dagaal-yahanno ka tirsan Xizbullah oo ku geeriyooday dagaalka sanadka ku dhow ka socda xuduudda ee ay kula jiraan Israel. Amal Saad, oo ah cilmi-baare ku takhasustay Xizbullah oo ka tirsan Jaamacadda Cardif, ayaa sheegtay in muddo sanado ah, ay dadka sheegayeen in Haashim Safi Al-Diin uu yahay “midka ay ugu badan tahay inuu beddelo” Nasrallah. “Hogaamiyaha xiga waa inuu ka tirsan yahay Golaha Shuurada, oo ka kooban xubno aad u yar, waana inuu noqdaa qof diinta yaqaan,” ayay tiri. Haashim “waxa uu leeyahay awood badan…waa musharaxa ugu xooggan,” ayay raacisay. Xizbullah waxaa lagu aas-aasay hindisaha Ilaalada Kacaanka Iran, waxayna magaceeda “Muqaawamada” ku heshay in ay la dagaalameysa ciidamada Israel ee hyastay Koonfurta Lubnaan illaa 2000. Dhaq-dhaqaaqa ayaa la aas-aasay intii uu socday dagaalka sokeeye ee Lubnaan kadib markii Israel ay go’doomisay caasimadda Beirut 1982-kii. Bishii Luulyo, khudbad uu ka jeediyay xaafadaha duleedka koonfureed ee Beirut, Haashim wuxuu qeexay sida ay Xizbullah u aragto beddelka hoggaankeeda. “Iska caabinteena… markii hoggaamiye kasta uu shahiido, mid kale ayaa calanka qaata oo sii wada, isaga oo leh go’aan cusub, hubaal ah, oo adag,” ayuu yiri. The post Waa kuma Haashim Safi Al-Diin – Ninka beddeli kara Nasrallah? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay shirka sannadlaha ah ee Midowga Bangiyada Soomaaliyeed. Shirkan oo sanadle ah ayaa diiradda lagu saaraya maalgashig, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo talooyinka ku aaddan dib u habaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka. Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed dadaalkooda ku aaddan horumarinta dalka, waxa uuna ku adkeeyey in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan bixinta canshuuraha, ilaalinta shuruucda dalka iyo xoojinta dowladnimada, si loo helo nabad-galyo waarta oo horseedda horumar ganacsi iyo maalgashi caalami ah. “Dowladnimo waa qawaanin iyo dhaqan-gelinta sharciyada, si taas loo helo waa inaad bixisaan canshuurta, dowladdu ma shaqeyn karto canshuur la’aan, bangiyada iyo hay’adaha isgaarsiinta waan bogaadinayaa laakin waxaan ku adkeeynaya ganacsatada in ay bixiyaan canshuurta oo aysan ka dhuuman hannaanka iyo xeerka loo dejiyey,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa uga digay ganacsatada inay isku-dayaan ka dhuumashada canshuurta ay dowladda soo rogtay, “haddii laga dhuunto waa tuuganimo iyo danbi waana lagugu ciqaabaya, sax ma ahan inaad badasho lambarka Merchant-ga, ogaada canshuurta shacabka ayaa bixiyo idinkuna fududeeyayaal ayaa tihiin, waxaana lagu qabanaya canshuurta adeegyada bulshada iyo sugidda amniga.” Madaxweynaha ayaa sidoo kale wuxuu dul istaagay caqabadihii kala duwana ee laga soo maray, si loo soo gaaro marxaladdan ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ahmiyadda gaar ah ay siisay dhisidda hay’addaha muhiimka u ah horumarinta bangiyada iyo hirgelinta xeerarka hagaya. Tan ayuu madaxweynaha sheegay inay sahashay kalsoonida lagu qabo shaqadooda iyo guusha weyn ee suurta-galisay qabsoomidda shirkan sanadlaha ah ee Midowga Bangiyada Soomaaliyeed. “Kalsoonidii caalamka ee ku aaddanayd nidaamkeenna dowladeed waa wanaagsan yahay. Bangiyada waxaa looga baahan yahay in iyaguna kalsoonida ay ku qabaan maalgashiga iyo shacabka Soomaaliyeed oo ay xoojiyaan Sharciyada iyo nidaamyada hagaya dhaqaalaha iyo maalgashiga waxaan ku wadnaa dib u habayn.” The post Sawirro: Xasan Sheekh oo shir muhiim ah ka furay Muqdisho, digniina u diray… appeared first on Caasimada Online.
-
Ayadoo ay saacadihii la soo dhaafay warbaahintu warinaysay warar ku saabsan xaaladda Caafimaad ee madaxweynaha Jabuuti, islamarkaana xogaha qaar ay tilmaameen inuu madaxweynuhu geeriyooday, ayay dowladda dalkaas arrintaas faahfaahin ka bixisay. Masuuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti oo uu kamid yahay wasiirka Maaliyadda mudahe ilyees Muuse Dawaale ayaa sheegay in madaxweynaha xaaladdiisu ay aad u wanaagsantahay, islamarkaana xanuunkiisu uu yahay mid jilibka midig ku kooban ee aanu dhibaato kale qabin. “Madaxweynuhu wuu shaqaynayaa, aad buuna u wanaagsan yahay, waad necbaan kartaa hoggaamiye ilaa heer aad dhimasho ku tilmaanto qof muslim ah, haa jilibka midig waa ka xanuunsaday waa bin’adan” ayuu yiri wasiir Ilyaas Dawaale. Si kastaba ha ahaatee masuuliyiinta Jabuuti xog intaas dhaafsan oo ku saabsan xilliga madaxweynuhu uu dalka ku soo laabanayo iyo haddii uu qalliin galay ma aanay bixin. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta soo saaray amar cusub oo qoysaska iyo dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Muqdisho lagu furayo inay isdiiwaan-geliyaan. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa ku dhawaaqay in ay billaabayaan diiwaan-galintan ku cusub caasimadda. “Maamulka gobolka Banaadir markii ay arkeen tiro koob la’aanta ka jirta dalka, gaar ahaan caasimadda si loo helo xog sugan oo la xiriira waxaa la billaabaya diiwaan-galinta,” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir. Waxa uu intaas kusii daray “Qoys kasta waxaa laga rabaa in ay soo gudbiyaan tirada carruurta, oo ay kamid yihiin magacyadooda, kuwa labada waalid, meelaha ay ku dhasheen iyo xogta cid kasta oo la nool qoyska iyo guud ahaan dhacdooyinka kusoo kordha sida; dhalasho cusub, dhimasho iyo ka guurid goobta ay degan yihiin.” Sidoo kale waxa uu sheegay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir in amarkaan uu dhaqan-gali doono 1-da bisha soo socota ee October. Afhayeenka ayaa tilmaamay in diiwaan-gelinta qoyska uu ka caawin doono qoysaska degan caasimadda inay helaan adeegyo dowladood oo ay kamid yihiin helitaanka adeegyada aas-aasiga ah ee dadweynaha oo ay kamid tahay daryeelka caafimaadka. Tallaabadan ayaa la rumeysan yahay inay wax badan ka tari doonto sugnaanta xogta iyo inay adkaato in qofka ka been sheego diiwaankiisa, waana mid aad loogu baahna haddii uusan noqon mashruuc cusub oo shacabka lacag looga aruursanayo. The post Maamulka gobolka Banaadir oo amar cusub kusoo rogay dadka ku nool Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Kenya iyo ku-xigeenkiisa ayaa gaaray meeshii u xumeyd, kadib markii Rigathi Gachagua oo ah madaxweyne ku xigeenka Kenya uu shaaciyay in Ruto uu wado qorshe xilka looga xayuubinayo. Mr. Rigathi Gachagua ayaa ku eedeeyay madaxweyne William Ruto inuu gadaal ka riixayo mooshin la doonayo in isaga xilka looga qaado, isagoo sheegay in xildhibaanada baarlamaanka loo soo badhigay midkiiba 5 milyan oo shilin, si ay u taageeraan xil ka qaadista isaga ka dhanka ah. Xildhibaanada baarlamaanka Kenya qaarkood ayaa iska diiday inay qaataan lacagtaasi si ay u meel-mariyaan rabitaanka Ruto, sida uu warbaahinta maxalliga u sheegay Rigathi Gachagua. “Isku-deygaas marnaba hakad gelin maayo dadaalkeyga ku aaadan in aan u ololeeyo danaha shacabkeygii i doortay,” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Kenya oo si weyn u weeraray William Ruto. Hadalka Gachagua ayaa imanaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in mooshinka ka dhanka ah madaxweyne ku-xigeenka la horgeyn doono baarlamaanka 1-da bisha 10-aad oo ku aadan maalinta Talaadada ee toddobaadkan, iyadoo saxiixyo kor u dhaafaya 300 la aruuriyay. Gachagua ayaa lagu eedeeyay inuu ku kacay siyaasad ku salleysan kala qaybin, wiiqidda shaqada madaxweynaha iyo inuu qayb ku lahaa kacdoonadii looga soo horjeeday sharciga canshuur kordhinta ee dalkas ka dhacay bilihii lasoo dhaafay. Si xilka looga qaado madaxweyne ku-xigeenka waa in la helo ugu yaraan saddex-meelood laba meel xubnaha labada aqal ee baarlamaanka, kuwaas oo “Haa” ugu codeeya mooshinka xil ka qaadistiisa. 1989-kii ayey aheyd markii ugu dambeysay ee madaxweyne ku-xigeen Kenya ah xilka looga xayuubiyay eedeymo lamid ah kuwa Gachagua uu wajahayo, waxaana si dhow isha loogu hayaa go’aanka uu baarlamaanka ka gaari doono mooshinkan. The post Khilaafka RUTO iyo ku-xigeenkiisa oo meel xun gaaray – Maxay isku hayaan? appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Jabuuti ayaa beeniyay warar ku saabsan caafimaadka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyay baraha bulshada. Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in uu wanaagsan yahay Caafimaadka madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle kadib markii ay saacadihii lasoo dhaafay soo baxeen wararkaasi ka deyrinaya xaaladiisa caafimaad. Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale ayaa xaqiijiyay in uu caafimaad qabo madaxweyne Geelle balse xanuun ka dareemayo jilibka midig inkastoo uusan faahfaahin ka bixin xanuunkaasi. “Madaxweynuhu wuu shaqaynayaa, aad buuna u wanaagsan yahay, waad necbaan kartaa hoggaamiye ilaa heer aad dhimasho ku tilmaanto qof muslim ah… haa jilibka midig waa ka xanuunsaday waa bin’adan” ayuu yiri wasiir Ilyaas Dawaale. PUNTLAND POST The post Dowladda Jabuuti oo beenisay warar laga faafiyay Caafimaadka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa fasaxay magacaabista saddex siyaasi oo reer Puntland ah 72 saac ee lasoo dhaafay. Waxaa ku jira taliyihii hore ee ciidanka PSF Asad Cusmaan Diyaano iyo wasiirkii hore ee amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan. Magacaabistan waxay 72 saac ka dambeysay baaq nabadeed oo Saciid uu kasii diray magaalada Garoowe, isagoo dalbanaya in dowladda federaalka ah fagaare ku wada hadlaan. Xasan Sheekh oo aan ka jawaabin baaqii Deni ayaa bixiyay kuraas uu billooyin kahor siiyay xubno reer Puntland ah. Waxaa durba lala aaday in uusan Xasan diyaar u aheyn inuu Deni la heshiiyo, maadaama uu xilal siiyay mucaaradka Saciid Deni, laakiin xaajadu halkaa ma jirto. Dhowr arrimood in la fahmo waa muhiim. 1. Dalabka wada-hadalka Farriinta wada-hadalka ee ka timid Deni iyo aqbalaada Xasan Sheekh midna khiyaarkooda ma ahan ee waa cadaadis ka yimid beesha caalamka. Inay diidaan ama kulmaan waxaa laga eegaya dhinaca Xalane. 2. Xilal bixinta Xasan Sheekh Madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii uu xafiiska kusoo laabtay majiro hoggaamiye gobolleed laga talo-geliyay xilalka la siinayo dadka kasoo jeeda maamulkiisa. Madaxda Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle midna lagalama tashado wixii federaalka laga siinayo dadka kasoo jeeda deegaanadooda. Deni waa lamid, sidaas awgeed iskuma xirnaan karo magacaabisyadan qorsheysnaa iyo wada-hadalka Deni iyo Xasan Sheekh. Haddii la yiraahdo waa xubno mucaarad ku ah Saciid Deni, sidoo kale xubnaha federaalka xilalka ka haya ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed iyo Galmudug waa kuwo mucaarid ku ah Qoor-Qoor iyo Lafta-gareen, sidaas awgeed isma quseeyaan 3. Bixin qorsheyneyd iyo wada-hadalka Saciid Deni waa ogaa in Xasan Sheekh xilal u ballan-qaaday Asad Diyaano, Gallan iyo xubno kale oo reer Puntland ah. Waxaa kasii horeeyay Cali Xoosh oo laga dhigay wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah, kaas oo isna kamid ah mucaaradka Saciid Deni. Ballan qorsheysneyd dalabka Deni kahor in loo bur-buriyo baaqaas dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaan midna sax ma ahan. 4. Wada-hadal cusub iyo shuruudo cusub Saciid Deni iyo Xasan Sheekh colaadooda waxay la xiriirtay kursiga ra’iisul wasaaraha, laakiin hadda waxaa lasoo gaaray waqtigii laga hadli lahaa doorashada dalka. Deni wuxuu rabaa in arrinta doorashada iyo dastuurka laga heshiiyo. Shuruudihiisa hadda kuma dhiso karo xilal xubno reer Puntland ah laga siiyay dowladda federaalka ah. Haddii uu Saciid Deni weli leeyahay damac madaxweyne Soomaaliyeed ah waa inuu dooddiisa sal uga dhigaa arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka. 5. Dabacsanaan guud Soomaaliya waxay taagan tahay isgoys halis ah, waa xilligii loogu baahida badnaa midnimo iyo wada-jir. Labada nin ee Xasan Sheekh iyo Saciid Deni waa inay dabacsanaan u muujiyaan danta dalka iyo midnimada umadda, oo meesha laga saara qodobadda yaryar ee la xiriira danaha shaqsiga ah. The post Halka ay iska qaadan karaan tallaabooyinki u dambeeyay ee Xasan Sheekh iyo baaqii DENI appeared first on Caasimada Online.