-
Content Count
211,074 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa waxaa lala beegsaday guriga ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee ku yaalla Caesarea, wuqooyiga Israa’iil, sida uu sheegay afhayeenkiisu. Netanyahu kuma sugnayn dhismaha, wax khasaare ahna kama dhalan, ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Milatariga Israa’iil ayaa goor sii horreysay sheegay in saddex diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn loo soo ganay dhanka magaalo xeebeedaan subaxnimadii hore ee Sabtida. Mid ka mid ah ayaa ku dhacday dhisme, halka labada kalena la qabtay, ayay sheegeen milatarigu. Source
-
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Kampala ayaa Kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Museveni. Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay labada Madaxweyne ka wada-hadleen xiriirka labada dal, arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Uganda. “Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Uganda” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Villa Somalia. Madaxtooyada Soomaaliya waxay sheegtay in labada Madaxweyne ee Xasan Sheekh iyo Yoweri Museveni ay ku heshiiyeen Xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo horumarka, iyadoo la isla qaatay in la kordhiyo iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga. Waxay sidoo kale ku heshiiyeen Taageerada Ciidamada Amniga Soomaaliya iyo hawlgalka cusub ee AUSSOM iyo Soo dhoweynta xubinnimada cusub ee Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo matalaadda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadaha 2025-2026. Dowladda Uganda ayaa sidoo kale soo dhaweysay qaadista cunaqabataynta hubka ee saarnayd Soomaaliya, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo u ogolaaneysa Soomaaliya inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga qaranka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Uganda oo ku heshiiyay Xoojinta Iskaashiga Amniga labada Waddan appeared first on Puntland Post.
-
Tariq Lamloum oo xuquuqda aadanaha u dooda ayaa ku dhawaaqay geerida saddex qof oo Soomaaliyeed intii lagu guda jiray billihii Sebtembar iyo Oktoobar, kuwaas oo lagu dhex dilay bakhaarro iyo guryo ay ku haystaan Kooxda Magafayaasha ee Liibiya. Lamloum ayaa warqad uu u diray wargeyska Asharq Al-Awsat ku sheegay in qoysaska dhibbanayaasha saddexdaas qof ay soo wacaan “kooxo afduubayaal ah oo gudaha magaalada Bani Walid ku sugan,” kuwaas oo qoysaskaas u soo diray muuqaallo muujinaya jirdil. Wuxuu sheegay in markii uu sameeyay baaritaano uu soo ogaaday Saddex qof oo ka mid ah dadkaasi ay u dhinteen Jirdilkii loo geystay kuwaasoo ahaa wiilal dhalinyaro ah. “Waa muuqataa in muhaajiriinta lagu hayo guryo gaar ah,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in “tan iyo 2019-kii ay sii kordheen xarigga muhaajiriinta lagu hayo guryaha magaalooyinka, kaddib markii amniga la adkeeyey, taasoo xaddiday dhaqdhaqaaqa kooxaha ka ganacsada dadka ee saxaraha; qaar ka mid ah hay’adaha ammaankana ay burburiyeen bakhaaradooda ku yaallay Kufra, Shuwayrif, iyo Tobruk.” Lamloum wuxuu ku baaqay in mas’uuliyiinta maxalliga ah iyo waxgaradka magaalooyinkaasi ay dadaalkooda kordhiyaan si loo raadiyo dadka la afduubtay, gudaha iyo dibadda magaalooyinka, isagoo xusay: “Gobol kasta wuxuu si fiican u yaqaan dadka ku lugta leh kooxahan iyo ka ganacsiga dadka.” Sida uu sheegay Antonio Vitorino, madaxa Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), tirada muhaajiriinta lagu hayo xarumaha rasmiga ah ee lagu xiro muhaajiriinta ee Libya waxay gaartay 5,000 oo qof. Laakiin waxaa kasii badan inta Guryaha lagu heysto. Source: goobjoog.com
-
Ciidanka Isra’il ayaa Duqaymo ka fuliyay magaalada Beit Lahia, ee waqooyiga Qaza, waxaa ku dhintay ugu yaraan 73 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur, sida ay sheegeen maamulka Falastiiniyiinta ee Xamaas. Sidoo kale ku dhawaad boqol qof ayaa ku dhaawacantay, qaar badanna weli waxay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha ka dib duqeyntii xalay, sida ay saraakiishu intaa ku dareen. Israa’iil ayaa sheegtay inay hubineyso wararka sheegaya khasaaraha balse waxa ay beeniyeen tirooyinka ay soo bandhigeen mas’uuliyiinta Xamaas waxa ayna ku tilmaameen “Buunbuunin” oo aanay isu dhigmin xogta ay hayyaan ciidankooda. Duqeymaha ayaa ku soo aadaya saacado uun kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in “rasaas culus” ay ciidamada Israa’iil ku fureen isbitaalka Indonesia ee ku yaalla bartamaha magaalada. Saraakiisha caafimaadka Qaza waxaa kale oo ay sheegeen in dagaalka iyo duqeymaha haatan ka jira magaalada Beit Lahia, ay saameyn ku yeesheen isgaarsiinta iyo adeegyada internetka gobolka. Xafiiska warbaahinta dowladda ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday “xaafado badan” ayna ku dhinteen 73-qof, halka tiro kalena ay sheegtay wasaaradda difaaca rayidka ee Qaza, BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto tirooyinka. Sida ay ku warantay wakaalada wararka Falastiin ee Wafa, waxaa gebi ahaan duqeymaha ku burburay dhismeyaal la deganaa. Source: goobjoog.com
-
Prabowo Subianto oo bishii Febraury loo doortay xilka madaxweynaha Indonesia ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu si rasmi ah u fariisto xafiiska madaxtooyada ee magaalada Jakarta. Subianto oo horay u soo noqday taliyaha ciidanka gaarka ah, ayaa si weyn ugu guuleystay doorashadi madaxtinimada ee horraanti sannadkaan, kaddib marki uu ololaha ku soo galay siyaasado ay ku jireen in uu cuntada bilaash uga dhigi doono ardayda iskuullada. 73 jirkaan ayaa sagaalki bilood ee uu doornaa waqti badan geliyay dhisidda isbaheysi adag oo uu ka dhex sameystay gudaha baarlamaanka. Marka la dhaariyo maanta ayuu noqon doonaa madaxweynaha sideedaad ee soo mara Indonesia, isaga oo xilka kala wareegi doono madaxweynaha xilka ka dagayo Joko “Jokowi” Widodo. Subianto ayaa waxaa madaxweyne ku xigeen u noqon doono, Gibran Rakabuming Raka oo ah curadka wiilasha madaxweynaha xafiiska banneynaya Joko Widodo. Gibran ayaa ah 37 jir. PUNTLAND POST The post Prabowo Subianto oo maanta si rasmi ah u noqonaya Madaxweynaha dalka Indonesia appeared first on Puntland Post.
-
Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badar Abdelatty, ayaa shaaca ka qaaday in Masar ay dhawaan ciidamo u soo diri doonto Soomaaliya, si ay uga qeyb-qaataan howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika. Masar iyo Soomaaliya ayaa bishii August kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca milateriga ah. Masar ayaa tan iyo markaas u soo dirtay Muqdisho hub, la-taliyayaal ciidan, tababarayaal iyo kumaandooska la-dagaalanka argagixisada. Wareysi uu siiyay Al-Qahera News ayuu Abdelatty ku sheegay in Masar ay weli ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto adkeynta ammaankeeda. “Masar waxa ay diyaar u tahay in ay bixiso gargaar kasta oo ay u baahan karaan dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirka, isagoo farta ku fiiqay dadaallada ciidan iyo iskaashigan sii kordhaya ee saddexda dal. Kumanaan ka tirsan ciidamada Masar ayaa la filayaa in ay ku lug yeeshaan howlgalka milatari dhammaadka sanadka, sida ay sheegeen ilo-wareedyada. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u xaqiijisay inay taageereyso imaatinka ciidamada Masar. Toddobaadki hore, madaxweynaha Masar Cabdifataax El Sisi iyo hogaamiyayaasha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ku kulmay magaalada Asmara halkaas oo uu ka dhacay shir madaxeed si weyn loo hadal hayay. El Sisi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea ayaa sheegay in dalkiisu “uu taageero nooc kasta ah u fidin doono dowladda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya si ay u soo celiso ammaankeeda” “Waxaan ka wada hadalnay talooyinka wax ku oolka ah si aan u bixinno caawimaaddan,” ayuu raaciyay. “Masar lama hari doonto wax dadaal ah ama talo ah si aan ugu u adeegno ujeedooyinka dadkeena iyo rabitaanka ummadaheena Geeska Afrika.” Masar iyo Itoobiya ayaa in ka badan 10 sano waxaa ka dhaxeeyey xiisad ka dhalatay biyo-xireenka Addis-Ababa ay ka sameysay webiga Nile oo ay halis u aragto Qaahira, oo 97% biyaheeda ugu tiirsan Nile. Ficilada Qaahira ee Soomaaliya iyo xiriirka sii kordhaya ee Eritrea ayaa xoojinaya go’aanka sii kordhaya ee Masar ay ku cadaadineyso Itoobiya inay heshiis ka gasho biya xireenka The post Masar oo war cusub ka soo saartay ciidamada la filayo in ay usoo dirto Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Uganda ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Uganda. Kulanka Labada Madaxweyne ayaa waxaa ka soo baxay; Xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo horumarka, iyadoi la isla qaatay in la kordhiyo iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga. Taageerada Ciidamada Amniga Soomaaliya iyo hawlgalka cusub ee AUSSOM. Soo dhoweynta xubinnimada cusub ee Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo matalaadda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadaha 2025-2026. Dowladda Uganda waxay soo dhaweysay qaadista cunaqabataynta hubka ee saarnayd Soomaaliya, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo u ogolaaneysa Soomaaliya inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga qaranka. Source: goobjoog.com
-
Gaza (Caasimada Online) – Saacado kaddib marki uu ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Natanyahu uu sheegay in diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn lagu bartilmaameedsaday gurigiisa xilli uu ka maqnaa, ayay millatariga Isra’il Sabtidi shalay duqeymo cirka ah ku garaaceen qeybo ka mid ah magaalooyinka Beyrut iyo Gaza. Afhayeen u hadlay Isra’il ayaa sheegay in Netanyahu uu ka maqnaa guriga, balse ma cadda in hooygiisa la wax yeelleeyay iyo in kale. Natanyahu ayaa falkaasi ku dilmaamay isku day dil, iyo qalad weyn oo laga shallay doono. Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in duqeymo ay millatariga Isra’il ku garaaceen guryo dabaqyo ah oo ku yaalla degmada Beyt Laxiya ee waqooyiga Gaza ay ku dileen ugu yaraan 73 qof, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen tobnaan kale. Ilaha caafimaadka ee isbitaallada Gaza ayaa iyaguna sheegay, in 24-ki saac ee lasoo dhaafay ay Isra’il ku dishay guud ahaan Gaza in ka badan 100 ruux oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan dumar iyo carruur. Isla Sabtidii shalay, diyaaradaha Israel ayaa ku daadiyay koonfurta Gaza waraaqo lagu dhajiyay sawirka Sinwaar lana soo raaciyo farriin ah: “Xamas mar dambe ma xukumi doonto Gaza”. Dhinaca Lubnaan, nawaaxiga koofureed ee Beyruut ayay milatariga Isra’il duqeymo culus ku bartilmaameedsadeen sida ay xaqiijiyeen ila wareedyada iyo sawirro laga soo qaaday xarumaha la qarxiyay. Milatariga Isra’il ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen bakhaarrada hubka ee Xisbullah iyo xarumaha dhexe ee dhinaca mukhaabaraadka. Wali lama oga khasaaraha dhimashada. Dhanka Isra’il, milatariga ayaa sheegay in dhinaca Lubnan looga soo tuuray ilaa 200 oo gantaal. Ilaha caafimaadka Isra’il ayaa sheegay in nin 50 jir ah uu ku dhintay kaddib marki uu madfac ugu tagay waqooyiga Isra’il, sidoo kale afar qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhaawacmeen. The post Wararkii ugu dambeeyay duqeymo ISRAEL ka fulisay Beyrut iyo Gaz appeared first on Caasimada Online.
-
Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay booqasho rasmi ah ku tagay dalka Uganda ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Uganda. Kulanka Labada Madaxweyne ayaa waxaa ka soo baxay; 1- Xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo horumarka, iyadoi la isla qaatay in la kordhiyo iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga. 2- Taageerada Ciidamada Amniga Soomaaliya iyo hawlgalka cusub ee AUSSOM. 3- Soo dhoweynta xubinnimada cusub ee Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo matalaadda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadaha 2025-2026. 4- Dowladda Uganda waxay soo dhaweysay qaadista cunaqabataynta hubka ee saarnayd Soomaaliya, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo u ogolaaneysa Soomaaliya inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga qaranka. Kulanka ayaa imanaya ayada oo xiisad u dhaxeysay Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka taagan tahay gobolka, taasi oo ka dhalatay heshiiska ay Addis-Ababa la saxiixatay Somaliland. Dowladda Soomaaliya ayaa dalbatay in ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan kama dambeys 31-ka December, haddii aanay ka laaban heshiiska ay la gashay Somaliland. Ciidamada Itoobiyaanka waxay dalka ku joogaan heshiisyo laba geesood ah, halka qayb kale ay ku joogaan in ay ka mid ka yihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS. Masar ayaa ku dhawaaqday inay doonayso inay badasho ciidamada nabad ilaalinta ee Itoobiya dhamaadka sanadkan, iyadoo Soomaaliya ay si cad u taageertay. The post Soomaaliya iyo Uganda oo afar qodob ku heshiiyey appeared first on Caasimada Online.
-
Las Anod (PP News Desk) — The Parliament of Sool, Sanaag, Ceyn and the Khaatumo Administration (SSCK) today passed a law to protect the administration and its constituencies against the infiltration of collaborators known locally as horgale. Militia leaders and politicians from SSCK territories who have collaborated with the secessionist administration in Hargeisa make up the horgale group. The four laws passed today pertain to the punishment for horgale collaborators. Any collaborator caught fighting alongside secessionist forces will be executed by a firing squad. An officer with the rank of major, identified as a collaborator and arrested in a non-conflict situation, will face ten years in prison. A non-commissioned soldier identified as a collaborator will face a prison sentence of between five and ten years. Any collaborator in the secessionists’ Parliament or House of Elders will face ten years of imprisonment. The new law officially brings to an end the amnesty period, which some former collaborators have taken advantage of, having expressed loyalty to the new administration based in Las Anod. © Puntland Post, 2024 The post SSCK Parliament Passes New Law on “Collaborators” with Somali Secessionists appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo sheegay inuu aad ula socdo warbaahinta iyo arrimaha lagu faafiyo baraha bulshada ayaa dowladda federaalka ku eedeeyey inay ka shaqeyso suurad xumeynta Puntland. Madaxweyne Lugatoor ayaa sheegay in Puntland ay soo caayaan dhalinyaro ay dhaleen madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in magacyadooda uu sheegi doono hadii aysan ka waantoobin arrintaas. “Waxaa soo batay koox weriyaal u badan oo kooxo federaalka jooga ay u adeegsadaan in Puntland la caayo, in dadkeeda la isku diro, in Puntland iyo Khaatumo la isku diro iyo in umadaha kalaba la caayo, waxaa u badan team Youtubarro ah,” ayuu yiri Madaxweyne Lugatoor. Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay inuu ka xishoonayo in magacyada xubnahaas uu sheego, “Facebookyo badan ayaa loo furay qof kasta, si looga soo wada caayo Puntalnd.” “Waxaa jira ciyaalo madaxda qaar ay dhaleen, hadaan la deyn cayda Puntland waan soo bandhigi doonaa magacyada xubnaha ka shaqeeya waxaas, waxaan is lahaa Soomaaliya waa ka gudubtay dhaqankaas, laakiin mar kasta oo hormarka Puntland lasoo bandhigo, ragbaa soo caaya oo shaqo ka dhigtay,” ayuu hadalkiisa ku soo daray Ilyaas Lugatoor. Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa weriyaasha deegaanada maamulkaas ku nool ka codsaday inay buunbuuniyaan wararka ku saabsan deegaanada Puntland, gaar ahaan kuwa quseeya maamulka. “Wararka Federaalka ee aad buunbuunisaan iska daaya ee kuwa dowladiina qora weriyaashiina reer Puntland, warbaahinteena oo dhan mid federaalka u shaqeysa ayey noqoneysaa, teamkiina media-ha idinkaan masuul ka ah reer Puntland iyo hormarkooda, inta aan cunto cuno inta aan wararkiina eegaa ka badan,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland. Hoos ka daawo The post Daawo: Puntland oo DF u jeedisay eedeymo culus “waxaa nasoo caaya ciyaal ay madaxdu dhaleen” appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyahii Olalaha ee Xisbiga Kulmiye ee Gobalka Togdheer Maxamed Muraad ayaa iska casilay xilkii loo doortay dhawaan kaas oo kubiiray Urur Siyaasadeedka KAAH – Somaliland Muraad ayaa sheegay in aanu Muuse ka gadmayn mar danbe dadka isaga oo sheegay inuu dhisaya Cirro iyo KAAH qaatayna Go’aamadii shirka CeelAfwayn Maxamed Muraad ayaa hore usoo noqday Maayirka magaaladda Burco ee ah xarunta Gobalka Togdheer Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa howlgallo ay fuliyeen oo ka kala dhacay deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Gariile ee Gobolka Galgaduud waxaa lagu dilay ilaa 40 Khawaarij ah, halka 29 kalana lagu dhaawacay, sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed ka soo baxay dowladda. “Horjooge Sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo lagu magacaabi jiray Macalin Aarow, isla markaana ahaa horjoogaha maleeshiyada la beegsaday ayaa ka mid ah dhagar-qabayaasha lagu dilay howlgal qaatay in ka badan 24-saac oo ka dhacay Gobolka Galgaduud,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Sidoo kale, deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxay Ciidamada Sirdoonka NISA iyo Saaxiibada Caalamka uga hortageen maleeshiyaad isku abaabulayay oo Shabaab ah. “Yaaqle waxaa lagu laayay dhammaan maleeshiyaadkii lagu howlanaa abaabulkoda, iyada oo la burburiyay Saanad Ciidan oo aad u badan,” ayaa lagu yiri warkaan. Dowladda oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamka ayaa laba jibaartay howlgallada bartilmaameedka ah ee lagu beegsanayo maleeshiyaadka khawaarijta iyo horjoogeyaasha dhiigyo-cabka ah. Dowladda Soomaaliya ayaa saakay sheegtay in howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug lagu dilay in ka badan 30 Khawaarij ah oo labo horjooge ay ku jiraan. “Howlgalkaan oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday Horjoogayaal dhiigyo-cab ah iyo maleeshiyaad badan oo ay wateen, kadib markii la helay xogtooda,” ayaa lagu yiri warkaan saakay ay soo saartay dowladda Soomaaliya. Labada Horjooge ee Qeycad lagu dilay ayaa kala ah Maxamed Bashiir Muuse oo Khawaarijta ugu yeeri jireen Mukhtaar, kaasi oo ahaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Jamhadaha, una qaabilsanaa koofurta gobalka Mudug. Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyey in howlgalkaas lagu dilay Horjooge Maadey Foodey oo isna ahaa horjoogaha maleeshiyaad Khawaarijtu u diyaarinayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Gobalka Mudug. “In ka badan 40 Khawaarij ah oo dhaawacyo ay ka soo gaareen howlgalkaan aadka loo qorsheeyay ayaa la geeyey deegaanno ku dhow-dhow magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud, kuwaas oo ay hadda u la’yihiin meel ay kula tacaalaan xaaladooda,” ayaa lagu yiri warkii saakay ka soo baxay dowladda ee kan caawa ay soo saartay ka horeeyey. The post DF oo shaacisay xogta howlgallo lagu laayey Al-Shabaab iyo geerida Horjooge Sare appeared first on Caasimada Online.
-
WITH STRENGTHENING RELATIONS between South Africa and China, reports indicate that South Africa has demanded that Taiwan move its representative office out of the capital of Pretoria. This may not be surprising, seeing as South Africa is often positioned alongside China as a member of the BRICS economic framework. Taiwan has criticized the move as infringing upon its sovereignty. Consequently, the Taiwanese government is weighing its options, including ordering that South Africa also move its representative office outside of Taipei. This would be framed as a reciprocal move. Taiwan does not have official ties with South Africa, though it does have substantial business ties, and there are Taiwanese communities in South Africa. Taiwan maintained ties with South Africa even during the course of international condemnation because of South Africa’s apartheid policies. This proves similar to how Taiwan maintained substantive ties with other countries that have been widely condemned internationally as abusing human rights, such as Israel. This is the case even if at present Taiwan only has formal diplomatic relations with a handful of countries, which are all smaller than it in terms of the size of population or economy. Taiwan’s only formal diplomatic ally in Africa is Eswatini. Eswatini’s government is an authoritarian one, as a country in which freedom of political association is forbidden and ruled over by one of the world’s last absolute monarchs. The constitution was voided in 1973 and political parties were banned, as a result of which free and fair elections still do not take place in Eswatini today. Although Mswati agreed to constitutional changes in 2005, he retains his grip on power. Pro-democracy protests rocked Eswatini in the summer of 2021, with the public calling for the right to vote. In the violence that followed, 28 were shot, with demonstrators alleging that at least twenty were killed. Tear gas was used by police against demonstrators and Internet services suspended, with a curfew declared in major urban centers in which buildings were burned during the turmoil, including Manzini and Mbabane, as well as the industrial center of Matsapha. The Eswatini government denied reports that Mswati III had fled the country during the demonstrations. Photo credit: Jérôme Bon/WikiCommons/CC BY 2.0 Otherwise, Taiwan has strengthened ties with Somaliland in past years. Somaliland, like Taiwan, is not acknowledged by the majority of the world’s countries. Somaliland declared independence from Somalia in May 1991, following the Somali Civil War, and is otherwise considered one of several autonomous regions of Somalia. In particular, Somaliland has its own government, issues its own currency, possesses a military, and holds regular democratic elections, as well as maintains informal diplomatic relations with some of its surrounding countries. Taiwan opened a representative office in Somaliland in 2020, though the two have yet to set up formal diplomatic ties. By contrast to the absolute monarchy in Eswatini, Somaliland does seem to be an example of a polity that Taiwan shares common values with. Though China refrained from doing so when the Ma administration was in power, to signal its favoritism toward KMT governments. China resumed poaching diplomatic allies of Taiwan once the Tsai administration took office. Given Taiwan’s limited foothold in Africa, the move by South Africa is likely to be framed by the KMT as showing how the Lai administration is unable to conduct diplomacy in a manner that would keep China happy. The KMT has traditionally campaigned on the political claim that it is the only political party in Taiwan able to maintain stable cross-strait relations with China. It would be new in China’s playbook to push countries that already do not have formal diplomatic relationships with Taiwan to relocate representative offices outside of capitals, as a means of inconveniencing those with ties to Taiwan, and as a means of further international bullying Taiwan. It is to be seen if other countries apart from South Africa carry this out in the future. Source newbloommag Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo aad u xanuunsan ayaa galabta loola cararay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii ay soo wajahday xaalad caafimaad oo halis ah. Diyaarad Ambulance ayaa Xildhibaan Jacfar looga qaaday Muqdisho, waxaana la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu Muqdisho ku xanuunsanaa. Ilo wareedyo ka ag dhow xildhibaan ayaa Caasimada Online u sheegay in seddax habeen uu ku jiray qeybta gargaarka deg degga ah ee isbitaalka Digfeer. Shalay gelinkii dambe, xalay iyo saakay ayey darsatay xaaladda xildhibaanka, waxaana galabta loo qaaday caafimaad dibadda ah, gaar ahaan magaalada Nairobi. Dhakhaatiirta Isbitaalka Digfeer ayaa ka gaabsaday inay faahfaahiyaan xanuunka la soo dersay xildhibaanka iyo xaaladiisa dhabta ah, balse xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa sheegay in xanuun aad u daran uusan qabin xildhibaan Jacfar. Maxamed Abuukar Jacfar wuxuu ka mid yahay Xildhibaanada loogu jecelyahay golaha shacabka, waa sarkaal ka yimid ciidanka xoogga, sidoo kale wuxuu soo noqday guddoomiyaha degmada Deyniile oo aad looga jeclaa, kadib markii uu ku guuleystay dib u dhiska iyo amni ku soo dabaalidda degmadaas. Caafimaad iyo inuu deg deg u soo bogsado ayaan u rajeyneynaa Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo hadda xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya. The post Xog: Xildhibaan Jacfar oo galabta loola cararay dalka dibadiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Maxaas (Caasimada Online) – Wararka aynu ka heleyno gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda, kuwa dadka deegaanka iyo Booliska maamulka HirShabelle ay ka hortageen weeraro qaraxyo ah oo ay soo maleegeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab Qaraxyada oo ahaa miinooyin ayaa la doonayay in lasoo geliyo degmada Maxaas, waxaase ka hortegay ciidamada oo helay xogta dhagarta ay soo maleegtay Khawaarijta. Guddoomiye ku xigeenka amniga maamulka degmada Maxaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la fashliyay qaraxyada, sidoo kalena loo soo xiray qof oo eedeysanayaal ah, halka ay ku raadjoogaan dad kale oo baxsad ah. “Ciidamada deegaanka, milatariga, nabad-sugiddda iyo ciidamada booliska oo arrimahaas aad uga feejgan ayaa ka hortegay qaraxyada, waxaa u xiran 2 qof oo eedeysanayaal ah, in kale oo badana waa ku raad-joogaan” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga Maxaas. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in maamulka iyo shacabka degmada ay mar hore u diyaar garoobeen inay si wadajir ah uga hortagaan weerar kasta oo ka yimaada Shabaab. “Qof kasta oo ku sugan degmada Maxaaseed wuxuu u diyaarsan yahay sidii uu uga hortagi lahaa dhagarta ay maleegayaan kooxda Al-Shabaab” ayuu sii raaciyay. Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana weli degmada Maxaas iyo deegaanada u dhow howlgallo ka wada ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka. Maxaas ayaa kamid ah degmooyinka uu weli ka socdo gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana horay u tegay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. The post Qaraxyo ay soo dhiibeen Al-Shabaab oo la qabtay iyo rag loo soo xiray appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa maanta magaalada Kismaayo kusoo xiray shirweynaha dib u heshiisiinta beelo dhawaan ku dagaalamay Degmada Luuq. Shirkan oo muddo ka socday Aqalka Martida ee madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo soo afjari lahaa colaadda uu dhiigga ku dadaanayo ee ka taagan halkaasi. Axmed Madoobe oo xiritaankii shirka ka hadlay ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay in beelaha walaalaha ah ee dagaalamay inay garowsadeen muhiimada ay nabaddu leedahay iyo in dadka ku wada nool Degmada Luuq ay is huran yihiin loona baahan yahay in nabadd lagu wada noolaado. Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay dhammaan odayaasha dhaqanka gaar ahaan Malaaqyadda, Ugaasyadda iyo waxgaradka deegaanka oo u hogaansamay awaamiirta maamulka ee ah in laga wada shaqeeyo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada. Inta uu socday shirkan odayaasha labada beelood ee ku dagaalamay Degmada Luuq ayaa heshiis ka gaaray waxyaabahii dhacay inta uu dagaalku socday iyagoo sidii dhaqanku uu ahaa sabeen isku xiray kana garaabay waxyaabahii soo kala gaaray labada dhinac. Dhanka kale, madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in maleeshiyaadka colaadaha hurinaya aan laga ogolayn deegaanada Jubaland isla markana talaabo laga qaadi doono hubka oo gacanta shacabka gala iyo abaabulka maleeshiyada qabiilkana aan marna la aqbali doonin. Sidoo kale, Maxkamaddaha iyo hay’adaha cadaaladda ayuu sheegay in ay gudan doonan shaqadooda isla Markana xukunadda qisaasta ah aan lagaga gaban doonin in mag ay kala qaataan qabaa’ilka iyadoo xukunka qisaasta ah oo la fuliyo ay yarayn doonto dilalka macno darada ah. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan loo baahan yahay in ay gacan ka gaystaan sidii dhaqangal uu u noqon lahaa heshiiska maanta la gaaray Dowladduna ay ka go’antahay in mar danbe ayna soo laaban colaadaha noocan oo kale ah. Ugu dambeyn wuxuu madaxweynahu ka digay in xukun loo doonto Khawaariijta, isaga oo ku eedeeyay in hurineysay dagaal beeleedka degmada Luuq ee gobolka Gedo. The post Axmed Madoobe oo qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka LUUQ + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dekedda wayn ee magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray markab sida shixnad gargaar ah, kaas oo ay soo dirtay dowladda Turkiga. Markabkan ayaa waxaa la wareegay dowladda federaalka, ayada oo ra’iisul wasaare ku xigeenka, guddoomiyaha SoDMA, safiirka Turkiga iyo mas’uuliyiin kale ay tageen dekedda. “Munaasbad kooban oo ka dhacday Dakedda weyn ee Muqdisho, ayaa maanta DFS waxa ay kula wareegtay Markab weyn oo sida shixnad gargaar ah oo dowladda Turkiga ugu talagashay shacabka Soomaaliyeed ee talabaalaysan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay SoDMA. Sida ay hay’addu sheegtay markabka ayaa sida gargaar leh qaybo kala duwan, isla markaana gaarayo 3,000 oo tan oo ay ku jiraan raashin, teendhooyin iyo agab kale. “Gargaarkaan ayaa ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, Teendhooyin iyo waxyaabo kale oo aas-aasi u ah nolasha, kuwaas oo dhan 3,000 oo tan” ayaa la sii raaciyay warsaxaafadeedka kasoo baxay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya. SoDMA ayaa balllan qaaday in gargaarkan loo geyn doono dadka mudan ee haatan ku tabaaleysan gudaha Soomaaliya. “Gargarkaan dadkii mudnaa ayaan gaarsiin donnaa , waana uga mahadcelinaynaa dowladda Turkiga garab istaagooda.” ayuu yiri guddoomiye Maxamuud Macallin. Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac oo goobjoog ahaa munaasabadda ayaa dawladda Tukiga uga mahadceliyey iskaashiga iyo garab istaagga walaaltinimada iyo saaxiibnimada ku dhisan. Turkiga ayaa ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, waxaana si weyn loogu xasuustaa garab istaagii uu u muujiyay shacabka 2011-kii, xilligaas oo ay abaar ka jirtay dalka. The post Markab ay soo dirtay dowladda Turkiga oo yimid Muqdisho – Muxuu sidaa? appeared first on Caasimada Online.