-
Content Count
211,032 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) — Years of conflict, poverty, and displacement have left Somalia grappling with a mounting mental health crisis that remains largely unaddressed, according to Doctors Without Borders/Médecins Sans Frontières (MSF). In a recent report, MSF highlighted the worsening psychological toll on vulnerable communities, with women and children bearing the brunt of the distress. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa, Ethiopia (HOL) — Somaliland's Foreign Minister, Dr. Essa Kayd, took a bold step on Wednesday by laying the foundational stone for what they said would be the breakaway country's new embassy in Addis Ababa. Ethiopia's government donated the land, symbolizing the deepening diplomatic relations between the two countries. The move will likely exacerbate the already tense relations in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho, Somalia – Dilalka lagu bartilmaameedsaday ganacsato ku sugnaa degmooyinka Hodan, Dayniile, iyo Hiliwaa ayaa cabsi xoogan ku beeray bulshada magaalada. Todobo ruux ayaa la toogtay iyagoo ku guda jiray hawlahooda shaqo, waxaana dilalkaas fuliyey kooxo hubeysan oo katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo kasoo horjeeda xirashada kaamirooyinka CCTV ee amniga suurtagaliya. Ganacsade Xasan Cali oo ku shaqeeya dukaan ayaa tilmaamay cabsi weyn ay soo wajahday ganacsatada maadaama dukaamadoodii lagu dhex beegsanaayo. “Markaan aragno ganacsato la laayay , waxaan dareemaynaa in nolosheena halis weyn ku jirto. Ma hubno inaan ganacsiyada furan karno subaxda xigta,” ayuu yiri Xasan. Saameynta Dilalka iyo Cabsida Ganacsatada Sida ay aaminsan yihiin Khubarada dhaqaalaha waxaa ka dhalan karta saameyn weyn beegsiga ganacsatada waxaa ka mid ah: Hoos u dhac ku yimaada ganacsiga iyo dhaqaalaha maxalliga ah: Dilalka ganacsatada waxay sababi karaan xiridda meherado badan oo muhiim ah, taasoo keeni karta hoos u dhac dhaqaale. Ganacsatada waxay ka baqi karaan inay furtaan goobahooda sababo la xiriira cabsi amni, taas oo saameynaysa ganacsiga iyo shaqaalaysiinta. Xaaladda amni oo kasii dareysa: Kooxda Shabaab waxay bartilmaameedsanayaan ganacsatada xiranaya CCTV si ay uga hortagaan isku dayada la doonayo in lagula socdo dhaqdhaqaaqyadooda. Tani waxay niyad-jabinaysaa dadka daneynaya inay hirgeliyaan tallaabooyin amni oo casri ah. Kalsoonidarro sii xoogeysanaysa ganacsatada iyo macaamiisha: Macaamiishu waxay cabsida awgeed ka fogaadaan goobaha ganacsi ee bartilmaameedka u noqon kara kooxda, taasoo hoos u dhigaysa isku socodka suuqa. Isla markaana, ganacsatada laftoodu waxay dareemayaan kalsoonidarro, iyagoo cabsi ka qaba in lagu bartilmaameedsado maadaama aysan jirin falcelin cad oo uga timaada booliska iyo NISA. Gacan ka hadal la’aanta hay’adaha amniga Tan iyo dhacdadii dilalka: booliska iyo NISA ayaan weli muujin tallaabo cad oo ay ku soo afjarayaan falalkaas amni darro. Tani waxay abuureysaa niyad-jab ku yimaada shacabka iyo ganacsatada, kuwaas oo filayey inay heli doonaan badbaado iyo ilaalin. Xasan Cali ayaa ugu dambeyn sheegay: “Waxaan dareemayaa inaan ku shaqeynayo cabsidii ugu badneyd. Ganacsato badan waxay bilaabeen inay albaabada u laabaan, ama ugu yaraan yareeyaan saacadaha ay furanyihiin.” Kaamirooyinka lagu xiray qeybo ka mid ah Muqdisho ayaa si weyn uga qeyb qaatay sugitaanka Amniga Caasimadda. waxaa tan iyo markii la xiray gacanta lagu dhigay xubno badan oo ka tirsan Shabaab oo geysanayay dilal iyo Qaraxyo ka dib markii Wajiyadooda la aqoonsaday. falkaan ayaa ka caraysiiyay Kooxda oo bilowday beegsiga ganacsatada. Source: goobjoog.com
-
NAIROBI, Kenya (HOL) — Conservationists are urging the Kenya Wildlife Service (KWS) to intensify efforts to protect Somali giraffes and ostriches, as rampant poaching and severe drought conditions threaten these iconic species with extinction. The North-Eastern Wildlife Conservancies Association (Neca) has called for immediate intervention, warning that the illegal hunting of these animals is escalating, with giraffe and ostrich meat reportedly being openly sold in northern Kenya and smuggled into Somalia. Source: Hiiraan Online
-
washington — Police in Somalia say a suicide bomber killed at least seven people Thursday when he detonated an explosives-laden vest in front of a crowded restaurant in the capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Saacadihii la soo dhaafay waxaa warbaahinta qabsaday xogo ku saabsan dilka hoggaamiyihii ururka maxaas yaxye Sinwaar oo ciidamada maamulka Israa’iil ay sheegeen inay ku dileen marinka Qasa, islamarkaana ay meydkiisa helaan oo xaqiijiyeen inuu asagii yahay. Sidoo kale Mareykanka ayaa ku dhawaaqay dilka hoggaamiyahan laf-dhabarka u ahaa dagaalka wax iska caabinta ah ee Falastiiniyiinta, ayadoo madaxweyne Joe Biden iyo ku xegeenkiisuba ay arrintan siyaabo kala duwan uga hadleen. Sheegashada dilka Yaxye Sinwaar ayaa ku kooban dhinaca Israa’iil iyo Mareykanka, Xamaasna weli kama hadlin, sidaa darteed madaxda dalalka dunida intooda badani wax war ah kama soo saarin. Israa’iil ayaa dhowr jeer horay u sheegatay dilka Yaxye Sinwaar iyo hoggaamiyaal kale oo uu ku jira abaanduulayaha guutada Al-Qassaam Muxamed dayf, balse markan Mareykanka ayaa ku dhawaaqay, waxaana la sheegay in la xaqiijiyay ka dib markii DNA laga qaaday meyd la helay, haddana weli xogtu ma sugna haddii aysan kooxda Xamaas arrintaas shaacin. Source: goobjoog.com
-
Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa iska dhogo tiray go’aankii ganaaxa ahaa ee ay 3 cisho ka hor ay soo saareen Gudida anshax marinta doorashooyinka, kaasi oo mamnuucaayay in xisbina uu qabsado wax xaflad ah ka hor ololaha xisbiyada loo asteeyay. Hadaba sida ku cad sawiradani iyo muuqaalo la baahiyay waxa 17/10/24. Gabiilay ka qabsoontay xaflad ay madaxda ugu saraysa ee xisbiga Kulmiye ka soo qayb galeen taasi oo qaybo ka mid ah beesha reer Xareed ee Jibriil Abokor ay sheegeen in ay taageero ugu muujiyeen xisbiga Kulmiye. Madaxda xisbiga Waddani ayaa doraad baajiyay xaflad si heersare ah loo agaasimay oo ka dhaci lahayd degmooyinka Sabawanaag iyo Cadaadley. Hadaba hadii Gudida anshax marinta doorashooyinka ee Somaliland aycarinkani talaabo ka qaado waayaan waxa loo arkayaa in ayna arimaha doorashooyinka ayna dhex ka ahayn. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/10/463897439_906213937596635_8216823236339536363_n.mp4 Halkan hoose ka daawo hadalkii gudiga anshax marintu soo saaray. Qaran News
-
Waxaa si rasmiya caawa ugu biiray xisbiga WADDANI xildhibaano, Xildhibaan Eng Saleeban Axmed Carab oo ka tirsan Golaha Wakiilada JSL , Maayir ku xigeenkii hore oo degmadda Burco Dr. Mukhtar Cabdi Baaryare iyo Xildhibaan Khalid Xassan X . Diiriye oo ka tirsan Golaha Degaanka Burco . Xildhibaanadan ayaa dhamaantood ka tirsanaa Xisbiga Kulmiye , waxaana ay caawa si rasmi ah ugu biireen xisbiga WADDANI . Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro iyo Gudoomiyaha xisbiga WADDANI ayaa si wada jir ah u qaabilay Xildhibaanadan isla markaana uga mahad celiyey inay ku soo biraan xisbiga wakhti aad loogu baahanyahay cududooda iyo garab istagooda xisbiga. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo qoraal ka soo saaray qaraxii galabta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa si adag u cambaareeyey weerarkaas argagixiso ee qof naftiisa haligay uu la beegsaday goob ay bulshadu ku nasato oo ku taalla Akademiyada Booliska ee Jeneraal Kaahiye. “Waxaan tacsi u dirayaa ehellada dadkii ku dhintay weerarka, anigoo Alle uga baryaya inuu caafimaad degdeg ah siiyo dadka dhaawacmay,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa tacsi gaar ah u diray qoyska, ehellada, iyo bahda suugaanta ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Abwaan Sugaal Cabdulle, oo ahaa halgamaa door weyn ka qaatay dhismaha dowladnimada iyo geeddi socodka nabadda Soomaaliya. Abwaan Sugaal Cabdulle ayaa ka mid ahaa kooxda fanka ee Booliska Soomaaliya ee Heegan, wuxuu ahaa sarkaal nabadda u ololeeya oo weligiis aan dalka ka bixin, wuxuu ahaa Macalinka kooxda Heegan iyo Abwaan marjac u ahaa fanka. Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Guure ayaa yiri “Waxyaabaha lagu yaqaan waa wacyigalinta bulshada iyo wadaniyada uu dadka kala hadli jiray oo suugaantiisu u badan tahay, wuxuu ahaa nin jilaa ah, fanaan heesaha qaada, abwaan iyo sarkaal boolis ah, intaasba waa isku ahaa.” Sidoo kale Abwaan Guure ayaa sheegay in Abwaan Sugaal Cabdulle uu ahaa shaqsi aad u wanaagsan oo sheeko badan, farxad badana ay ka muuqato. “Shakhsiyadiisa haddii aan kuu soo koobo, wuxuu Abwaan Sugaal ahaa qof lala sheekeysto oo lala fariisto oo la barto oo ka fiican waa yar yahay, sababtoo ah wuxuu ahaa nin in yar haddii aad la sheekeysato aad la yaabeyso xigmadiisa, sida uu u fikirayo, siduu kaaga farxinayo,” ayuu yiri Abwaan Guure oo aad u yaqaanay Abwaan Sugaal oo maanta la dilay. Abwaan Sugaal oo horay uga sheekeeyey taariikhdiisa ayaa sheegay in markii uu fanka ku soo biiray uu ku sugnaa magaalada Galkacyo, isagoo yarna uu ku soo biiray kooxda Heegan ee ciidanka Booliska Soomaaliya. “Aniga waxaa la ii soo qoray aniga oo Galkacyo jooga oo gabya, waxaana isoo qortay booliska oo sidaas ayaan ugu biiray Heegan,” ayuu sheegay Abwaan Sugaal intii uu noolaa. The post Sheekh Shariif oo war culus ka soo saaray qaraxii galabta iyo geerida Abwaan Sugaal appeared first on Caasimada Online.
-
Somaliland is positioned in the Gulf of Aden and near the entrance to the Bab al-Mandab Strait, through which nearly a third of the world’s maritime cargo passes. Israel is interested in establishing a military base in northern Somalia in order to keep tabs on Yemen and the Bab al-Mandab Strait, Middle East Monitor, the Qatari state-funded news site reported on Tuesday. According to the report, in exchange, Israel would establish relations with Somaliland, which controls northern Somalia but is not currently recognized by Israel. Middle East Monitor noted that Somaliland is geographically strategic. It is a former British colony that borders Ethiopia, Somalia, and Djibouti. Somaliland was considered an autonomous region of Somalia that declared independence in 1991. Somaliland is positioned in the Gulf of Aden and near the entrance to the Bab al-Mandab Strait, through which nearly a third of the world’s maritime cargo passes. Somaliland has 740 kilometres of coastline along the Gulf of Aden and could play a key role in safeguarding the Bab al-Mandab Strait and the Red Sea from piracy, terrorism, and smuggling, Middle East Monitor wrote. Danish frigate Iver Huitfeldt sets off for the Gulf of Aden, from the Naval Station in Korsoer, Denmark, January 29, 2024. The Danish frigate will contribute to strengthening maritime security in and around the Red Sea. (credit: RITZAU SCANPIX/MADS CLAUS RASMUSSEN VIA REUTERS) Various international shipping companies have grown hesitant to charter merchant vessels through the Bab al-Mandab Strait due to attacks by Yemen’s Houthis, disrupting global trade and triggering multinational naval action. Traders are scrambling to find alternative shipping routes to get consumer goods to retailers, with journeys around Africa adding roughly 10 days to voyage times. US Defense Secretary Lloyd Austin announced in late 2023 the establishment of Operation Prosperity Guardian, a new multinational security initiative involving key countries such as the UK, France, the US, and Italy. Securing Israel from afar According to the report, Israel seeks to enhance its national security from afar and challenge the Houthis presence in Yemen, along with other potential economic opportunities that could be spurred from diplomatic relations. Potential economic opportunities include growing investments in agriculture, energy, and infrastructure. Israel’s historic success in agriculture and knowledge of this field, such as its kibbutz model, could be used to leverage and secure a military base in Somaliland, Middle East Monitor stated. The United Arab Emirates (UAE) has ties with both Israel and Somaliland and has maintained a base in Somaliland since 2017. The UAE was one of the first countries in the region to recognize the Republic of Somaliland and has invested in the area, Middle East Monitor wrote. The UAE is mediating on behalf of Israel to establish a military base in Somaliland, Middle East Monitor reported, citing diplomatic sources that could not be verified. Potential economic opportunities include growing investments in agriculture, energy, and infrastructure. Israel’s historic success in agriculture and knowledge of this field, such as its kibbutz model, could be used to leverage and secure a military base in Somaliland, Middle East Monitor stated. The United Arab Emirates (UAE) has ties with both Israel and Somaliland and has maintained a base in Somaliland since 2017. The UAE was one of the first countries in the region to recognize the Republic of Somaliland and has invested in the area, Middle East Monitor wrote. The UAE is mediating on behalf of Israel to establish a military base in Somaliland, Middle East Monitor reported, citing diplomatic sources that could not be verified. Source Jerusalem Post Qaran News
-
Israel says its forces have killed Hamas leader Yahya Sinwar in Gaza. Source: Hiiraan Online
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa sheegay inay dib u qiimaynayaan heshiiskii nabada ay la galeen dowlada Itoobiya sanadkii 2018-kii, kaas oo afjaray dagaal ahli ah oo muddo 30 sano ka badan socday, waxaa warkaan cusub ee ururka ka soo baxay lagu sheegay inay dhaqan gelinayaa. qaar kamid ah qodobadii lagu heshiiyay 6 sano ka hor. Afhayeenka ururka ONLF Cabdulqaadir Xasan Hirmooge (Caddaani) oo la hadlay BBC ayaa sheegay in heshiiska uu ahaa in hadafkii ONLF ee ahaa in xuquuqda dadka iyo dhulka ay dagaalka ku raadin jirtay ay nabad ku raadiso. “Waxaa kale oo uu ku saabsanaa in dhibaatada dhex taalla Soomaalida iyo Itoobiya ama dadka Soomaaliyeed ee Ogaadeeniya oo laga wadahadlo khilaafka asalkiisii oo xal loo raadiyo, loona saaro guddiyo heer deegaan ah, kuwa Federaal iyo xubno ka tirsan ONLF, si loo helo xididka dhibaatada la isku hayo,” ayuu yiri Cadaani. Wuxuu intaas ku sii daray, “In dadkayagii uu dagaalka saameeyay oo u qaxay dalalka dariska ah ee Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti iyo dalal kaleba dib loo soo celiyo oo dib u dejin loo sameeyo iyo meeleynta ciidankii xoreynta Ogaadeeniya ee ururka xubnihiisa ahaa.” Afhayeenka ONLF ayaa sheegay in heshiiskaas uu keliya ka dhaqan galay in nabad lagu wada joogo oo 6-daas sano, balse qodobadii ku saabsanaa ciidanka ayuu sheegay in aysan hirgelin. “Qodobbadii ku saabsanaa ciidanka iyo dib u dejinta dadkii ay dagaalladu saameeyeen ma hirgelin, guddiyadii in wadahadalka inuu sii socdo ahayd ee lagu raadinayay xalka dhibaatada aasaaskeeda iyo meesha ay ka timid wax yar baa ka bilowday, horeyna uma soconin,” ayuu yiri Cabdulqaadir Hirmooge. Sidoo kale wuxuu sheegay in Itoobiya ay waqti siiyeen, xiligii kala guur ahaa ee Abiy Axmed uu taliskiisa xoojinayey, “Garbay ahayd inaan waqti siino, isbadal baa ka dhacay deegaankayaga, tan kale marar badan baan qiimeynay oo qoraal baan u dirnay dowladda Itoobiya, inagoo xusnay arrintan marka qiimeyntan waxa ay ka mid tahay kuwii hore un balse waxa ay ku aadday xilli xasaasi ah oo Geeska Afrika ay xaalado ka taagan yihiin,” ayuu yiri Afhayeenka ONLF Bishii September ee sannadkan Ururka ONLF ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray taliyaha militariga dalka Itoobiya Birhanu Jula, waxayna ururka ONLF sheegeen in ay dowladda Itoobiya uga fadhiyaan in ay faahfaahin ka bixiso, isla markaana ay kala caddeyso hadalka taliyaha, balse Itoobiya weli kama jawaabin farriintii ONLF. The post ONLF oo dib u qiimeyneysa heshiiskii nabadda ee Abiy Axmed ay la galeen 6 sano ka hor appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Nin degan gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu isku dayay inuu taageero agab ah siiyo kooxda Daacish ee Soomaaliya, waxaa sidaas Arbacadii ku dhowaaqay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Mareykanka ee Qeybta Maryland. Michael Sam Teekaye Jr., oo 21 jir ah, kuna nool magaalada Hanover, Maryland, ayaa 14-kii Octobar lagu xiray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Baltimore Washington, waxaana tan iyo xilligaas uu ku jiray xabsi. Waxa uu ka soo hor muuqday garsoore maxkamadeed Erin Aslan ka dib markii la xiray. Sida lagu sheegay galka dacwaddiisa, Teekaye wuxuu wadahadalo badan la yeeshay sarkaal is-qariyey intii u dhaxaysay Maarso iyo April 2023, isagoo u muujiyay rabitaankiisa ku biirista kooxda Daacish, una safro Afrika si uu ugu dagaallamo kooxda argagixisada. Waxa uu sidoo kale u sheegay sarkaalka in haddii qorshihiisa socdaal uu shaqeyn waayo, uu qorshihiisa Plan B ahaa in uu Mareykanka ka fuliyo weerar ka dhan ah shaqsiyaadka taageera Israel. Bilihii May iyo June 2024, Teekaye waxa uu iibsaday rasaas iyo waqtiga goob toogashada lagu sameeyo oo ku taalla Severn, Maryland, taasi oo qayb ka ah waxa uu ku tilmaamay “tababar.” Markii dambe waxa uu isku dayay in uu iibsado qoriga Kalashnikov K-9 9mm bishii July 2024, balse waa loo diiday sababo la xiriira in kiis dambi ugu jiray diiwaanka gobolka. Warqadaha dacwadda ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey xiriir Teekaye uu la sameeyay dagaal-yahannada Daacish ee Soomaaliya, isaga oo kala shaqeynaya qorshihiisa safarka. Teekaye ayaa helay fiisaha elektaroonigga ah ee Itoobiya, iyo ticket diyaarad oo uu ka helay dagaal-yahanada Daacish, si uu uga safro garoonka diyaaradaha BWI isaga oo ku socda Soomaaliya, siina maraya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kadib marka uu ku hakado magaalada London. 10-kii October, Teekaye waxa uu sarkaal is-qariyey u diray sawir isaga oo maaskaro xiran oo baangad sita, iskuna sheegaya in uu yahay “Cabdullaahi, dilaaga islaam nacaybka”. Teekaye ayaa lagu xiray BWI October 14 ka dib markii uu maray hubinta kahor duulimaadkiisa. Markii la xiray kadib, Teekaye ayaa la sheegay inuu ku yiri wakiilada FBI-da, “Waxaan xabsiga ka soo bixi doonaa 20 sano kadib oo aan wax ka qaban doono halkan… Jihaadku waligii ma joogsan doono.” Kadib waxaa la sheegay in uu laad ku dhuftay mid ka mid ah wakiiladii FBI-da ee soo xiray intii ay hadalka is-dhaafsanayeen. Haddii lagu helo dambiga, Teekaye waxa uu wajahayaa ugu badnaan 20 sano oo xarig ah oo federaal ah sababo la xiriira uu isku dayay in uu taageero agab ah siiyo urur argagixiso oo shisheeye ah. VOA The post FBI-da Mareykanka oo xirtay nin u socday Soomaaliya oo damacsanaa arrin xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan u dhexeyso dowladaha dariska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Fiqi ayaa si qoto dheer uga hadlay xiisadda kasii dareysa labada waddan iyo sababta ay dowladda federaalka go’aan uga qaadan la’dahay safaaradda Itoobiya ee Muqdisho oo weli sii shaqeyneyso, taas oo weliba ku dhex-taallo gudaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in safaaradda Itoobiya ay Villa Soomaaliya degtay sanadkii 2007-dii, xilligaas oo ay ciidamadooda gudaha usoo galeen Muqdisho, wuxuuna sheegay in xilligan dowladda federaalka aysan ku dag dagi karin inay rarto dhismaha xarunta Madaxtooyada. Sababta waxa uu ku sheegay in go’aankaas uu saameyn karo safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Addis Ababa, oo uu tilmaamay inay ku taallo meel muhiim ah. “Itoobiya markii ay magaalada qabsadeen sanadkii 2007-dii ayay degeen madaxtooyada dalka, waxaana raali uga ahaa madaxdii xilligaas joogtay. Ka bixistooda waxay haatan ku xiran tahay marka xaaladda dalku degto in safaaradaha oo dhan loo sheego inay guuraan meelo dowladdu u cayimtay,” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in go’aanno kale ay ka qaadan doonaan Itoobiya, sida ciidamadeeda inay isaga baxaan dalka, qaybna aysan ka noqon howlgalka xiga ATMIS. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa hal shuruud ku xiray Itoobiya oo ah inay ka laabato heshiiska badda ee ay la gashay Somaliland, sidaas oo kaliyana uu kusoo noqon karo xiriirka,ayna sidaas ciidamadooda kusii joogi karaan gudaha dalka Soomaaliya. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kala kacay wada-hadalladii uga socday Ankara, kadib markii ay Itoobiya ku adkeysatay go’aankeeda, halka Soomaaliya ay iyadana ku dhegtay in marka hore Addis Ababa buriso heshiiska sharci darrada ahaa ee ay la gashay Somaliland. The post FIQI oo shaaciyay sababta safaaradda Itoobiya looga rari la’yahay Madaxtooyada appeared first on Caasimada Online.
-
Qarax ismiidaamin ah ayaa galabta ka dhacay maqaayad ku taalla gudaha dugsiga tababarka Booliska Gen. Kaahiye (Iskuul Buluusiya) ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa waxaa fuliyay ruux isku soo xiray waxlaha qarxa, kaas oo beegsaday maqaayada oo ay fadhiyeen dad badan oo isugu jiray ciidan iyo shacab. Inta la xaqiijiyay 7 qof oo isugu jira ciidan iyo shacab ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 6 ruux, sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidanka Booliska Soomaaliya. ”Maanta oo taariikhda tahay 17-Oct-2024 abaaro 15:27 ama 03:27pm ruux naftii halige ah oo isku soo xirey walxaha qarxa ayaa ku qarxay xaafada isku raranta ah ee kasoo horjeeda barxada Iskool Boliisiya, halkaas oo ay ku yaalaan geedo ay dadka meesha degan harsadaan. Qasaaraha hordhaca ah oo la xaqiijiyey waxay kala yihiin:- Dhimashada 7 ruux oo isugu jira ciidan iyo shacab, dhaawacana waxaa la arkay ilaa hadda 6 ruux” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska. Dadka qaraxa ku dhintay waxaa ka mid ah sarkaal magaciisa lagu soo koobay Cabdixakiin oo ahaa madaxa amniga ee Isbitaalka Yardemeli iyo Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar. PUNTLAND POST The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in teknoolojiyaddu yaraysay musuq-maasuqa, sidoo kalena ay qeyb wayn ka qaadatay fududaynta bixinta mushaharaadka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in hadda adduunka u wareegay adeegsiga teknoolojiyada, sidaa awgeed waxa ka go’an xukuumadda diyaarinta shuruucdii lagu ilaalin lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee maalgelinta xooggan galisay horumarinta teknoolojiyadda maaliyadeed ee Soomaaliya. Mudane Xamza ayaa tilmaamay in dowladda dhiiri-galinayso ganacsiyadda gaarka loo leeyahay, isagoo ku bogaadiyey shirkada isgaarsiinta Hormuud doorka wayn ee ay ka ciyaarayso horumarinta dhaqaalaha dalka. Ra’iisul wasaaraha oo hadalkan ka jeediyey xiritaanka shirwaynaha bandhigga teknoolojiyadda maaliyadeed ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in hadda dowladda ay xoogga saareyso isticmaalka adeegsiga teknoolajiyada. Teknoolojiyadda ayaa sanadihii dambe si weyn uga hanaqaaday Soomaaliya, ayada oo ay ku tiirsan yihiin adeegyada muhiimka ah ee dadweynaha, waxaana sare u kacaya hal abuurka teknoolojiyadeed ee dalka. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa inta badan adeegyada ay bixiso iyo dakhli qabashada haatan u bedeshay nidaamyo casri ah, kuwaas oo qeyb ka ah qorshaha la-dagaalanka musuq-maasuqa, oo si weyn u curyaamiyay Soomaaliya. The post Xamza oo shaaciyay arrin qeyb weyn ka qaadatay yareynta musuqa dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray qarax xooggan oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxan oo uu fuliyay naftii halige isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxa uu ka dhacay barxadda dugsiga tababarka booliska ee Iskuul Buluusiyo, iyada oo uu ka dhashay khasaare kala duwan. Booliska ayaa shaaciyay in qaraxa ay ku geeriyoodeen 7 ruux oo isugu jira ciidan iyo shacab, halka ay ku dhaawacmeen illaa 6 ruux oo kale. Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay guryo isku raran ah oo ku yaalla kasoo horjeedka barxadda xerada, halkaas oo ay ku yaallaan geedo waaweyn oo la harsado, sida uu sheegay booliska. Qaraxa ayaa ahaa mid jugtiisa laga maqlay inta badan gudaha magaalada, waxaana uu dhacay xilli uu maanta ababar askar badan uga socday xerada. Dhawaan unbey aheyd markii kooxda Al-Shabaab ay gaari walxaha qarxa kasoo buuxisay ku weerartay bar-koontarool oo ku yaalla degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir, kaasi oo ay dagan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda Soomaaliya. Kooxda oo howlgallo ka dhan ah ka socdaan gobollada dhexe ayaa u muuqata mid culeys soo saareysa caasimada, si ay weli u muujiso inay awood u leedahay fulinta weeraro, kuwaas oo inta u badan waxyeello kasoo gaarto dadka shacabka. The post Booliska oo war kasoo saaray qaraxa Iskuul Buluusiyo + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.