-
Content Count
212,886 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Demonstrators took to the streets of Mogadishu on Tuesday in support of a one-person, one-vote electoral system. The protest comes after parliament confirmed a bill on election amendments on Saturday to move toward universal suffrage after decades of a clan-based voting system. Source: Hiiraan Online
-
Gudoomiyaha Golaha Midowga Yurub H.E. Charles Michel ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub marwo Khadiija Cosoble Cali. Danjire Khadiija Cosoble Cali ayaa si Rasmi ah Waraaqaheeda Aqoonsiga Safiirnimo ugu gudbisay Gudoomiyaha Golaha Midowga Yurub H.E. Charles Michel, waxaana ay ka wada-hadleen Xoojinga Iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub. Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub marwo Khadiija Cosoble ayaa sheegtay in ay Charles Michel kala hadashay Xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub. Danjire Khadiija ayaa tilmaantay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya Midowga Yurub, si wax looga qabto caqabadaha adag ee ka taagan gobolka, loona helo xasillooni waarta. PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha Golaha Midowga Yurub oo Waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.
-
Ayadoo dhowaan ay magaalada Ceerigaabo ka dhacday shaqaaqo u dhexaysa dad kala taageersan Soomaaliland iyo Khaatumo ayaa maamulka SSC-Khaatumo wuxuu Soomaaliland ku eedeeyay in wixii meesha ka dhacay ay masuul ka ahayd. Wasiirka warfaafinta Maamulka Khaatumo Najiib Barkhadle Warsame oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la weeraray dad rayid ah oo ku sugnaa magaalada Ceerigaabo, islamarkaana 5 qof halkaas lagu diley, 4 kalena lagu dhaawacay, wuxuuna eedda dhacdadaas dusha ka saaray Soomaaliland. Soomaaliland ayaa dhankeeda sheegtay inay ku howlantahay soo qabashada dadkii shaqaaqa ka dambeeyay, islamarkaana magaalada ay bandow ku soo rogtay sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin oo shir jaraa’id qabtay. Si kastaba ha ahaatee xaaladda Ceerigaabo ayaa hadda deggan, balse waxaa jira baaqyo dhiillo xambaarsan oo ka soo yeeraya Soomaaliland iyo Khaatumo, kuwaas oo laga cabsi qabo inay xaaladda uga sii daraan. Source: goobjoog.com
-
Hamse Abdi Barre, the Prime Minister of Somalia, was the Chairman of Jubaland Electoral Commission when President Ahmed was re-elected in 2019. Kismaayo (PP News Desk) — In 2022, during the selection of MPs and Senators to represent Jubaland State in the bicameral federal legislature of Somalia, the President of Jubaland State, Ahmed Mohamed Islam, handpicked two individuals: Hamsa Abdi Barre as an MP and Ilyaas Bedel Gaboose as a Senator. Hamsa was the Chairman of the Jubaland Electoral Commission, the body that oversaw the election of the Jubaland President in 2019. Ilyaas was a candidate for the position of second deputy speaker of the Upper House but withdrew his candidacy due to pressure from the Jubaland Administration. Unbeknownst to Ilyaas, there was a secret deal between the Jubaland President and Hassan Sheikh Mohamud, who was a presidential candidate at the time. Upon winning the election, President Hassan Sheikh Mohamud appointed Hamsa as his Prime Minister. The Jubaland State President Ahmed Mohamed Islam may be reflecting on his 2022 decisions to select two individuals who later challenged his authority illegally and violently. In 2024, when the Jubaland President fell out with President Mohamud over a one-year term extension for the Jubaland Administration to delay the federal member state’s presidential election in November 2024, Hamsa urged Senator Ilyaas Bedel Gaboose to run for the Jubaland Presidency. Ilyaas was reportedly instructed by Villa Somalia to claim to have been elected President of Jubaland State one day before the Jubaland presidential election would take place. Ilyaas briefly declared himself the winner of the Jubaland presidential election before surrendering to Jubaland Security Forces in Kismaayo. The Federal Government of Somalia viewed Ilyaas’s claim as an opportunity to brand the election as contested. Last night, Hamsa issued a statement through his council of ministers, alleging that the Jubaland President reneged on agreements he signed during the National Consultative Council summits and that the Jubaland Administration violated the federal member state’s constitution, which “bars a president from serving more than two terms.” The Federal Government of Somalia had not raised objections to amendments to the Jubaland Constitution that lifted limits on presidential terms. Villa Somalia was counting on the vote of the Jubaland President to expedite its impractical vision of one-person, one-vote elections in 2026. Ilyaas briefly declared himself the winner of the 2024 Jubaland presidential election before surrendering to Jubaland Security Forces in Kismaayo. The playbook used by Villa Somalia in 2024 is similar to the one employed by President Mohamed Abdullahi Farmaajo in 2019 to organise a parallel presidential election in Kismaayo. Both attempts pushed Jubaland further into Kenya’s security domain. Kenya, which liberated Kismaayo from Al-Shabaab in September 2012, maintains peacekeepers within ATMIS. Hamsa and Senator Bedel failed in their objective to destabilise the Jubaland electoral system. However, the Jubaland President may be reflecting on his 2022 decisions to select two individuals who later challenged his authority illegally and violently. © Puntland Post, 2024 The post Jubaland President Regrets “Supporting Hamsa and Gaboose” in Joining the Somali Bicameral Legislature appeared first on Puntland Post.
-
Golaha wasiirada Soomaaliya oo Caawa yeeshay shir deg deg ah ayaa ansixiyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya. Bayaan ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in golaha wasiirada oo caawa yeeshay shir deg deg ah ay ansixiyeen guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya. “Guddiga madaxa doorashooyinka iyo Soohdimaha, waa guddi qaran oo dastuuri ah wuxuuna mas’uul ka yahay maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka iyo in ay hirgaliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo hufan” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka. “Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’antahay in shacabka loo soo celiyo xaqa ay u leeyihiin inay doortaan cidda hoggaamineysa” ayuu sii raaciyay bayaanka. Xubnaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo Soohdimaha waxa ay kala yihiin: 1) Cabdikariim Axmed Xassan 2) Saadiq Abshir Garaad 3) Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan 4) Yusuf Cabdiqaadir Maxamed-Baafo 5) Cumar Abuukar Cumar 6) Farxiyo Maxamed Yusuf 7) Dr. Cumar Jamac Maxamed 8 )Faarax Cabdi Xasan 9) Sahro Diiriye Muuse 10) Cabdullahi Salaad Yaroow 11) Maxamed Amiin Xasan Cabdullahi 12) Cabdi Cadow Maxamed 13) Cabdishakuur Abiib Haayir 14) Khaalid Ibrahim Ismaaciil 15) Aamina Sh. Cusmaan Maxamed 16) Naasir Maxamed Shire 17) Cabdiraxiim Cabdillahi Shaafici 18) Maxamed Cumar Ismaciil. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo caawa ansixiyay guddiga doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
ERIGAVO (HOL) — Authorities in Somaliland have imposed a curfew in Erigavo after deadly clashes between security forces and armed groups left multiple people dead. The decision, announced on Sunday, aims to restore order amid escalating unrest in the strategic city. Source: Hiiraan Online
-
DIRE DAWA, Ethiopia (HOL) — The arrest of Aadan Alaale, a well-known Somali Regional State politician, has sparked widespread condemnation from Somali residents in Dire Dawa and beyond. Alaale, a vocal advocate for Somali rights, was detained on Tuesday evening under circumstances that remain unclear. Source: Hiiraan Online
-
Taiwan congratulates Somaliland President-elect Abdullahi MOFA’s building in Taipei. CNA file photo Taipei, Nov. 26 (CNA) Taiwan’s government has congratulated Somaliland President-elect Abdirahman Mohamed Abdullahi on his election win earlier this month and said it looks forward to enhancing bilateral ties with his new administration. Wang Wen-lin (王文麟), an official with the Ministry of Foreign Affairs’ (MOFA) Department of West Asian and African Affairs, said Tuesday that Taiwan’s office in Somaliland has extended the country’s congratulations to the president-elect after Somaliland National Electoral Commission officially announced Abdullahi as the winner of the territory’s Nov. 13 election on Nov. 19. Abdullahi, 69, garnered 64 percent of the vote to become Somaliland’s sixth president since it broke away from Somalia in 1991. The former speaker of Somaliland’s parliament beat incumbent Muse Bihi Abdi, who took 35 percent of the vote. Ties between Taiwan and Somaliland have warmed since the two sides set up representative offices in each other’s capitals in 2020. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 and has functioned as a de facto sovereign state ever since, but is not officially recognized by any other countries. According to Wang, Taiwan and Somaliland have enjoyed robust relations and cooperation exchanges in areas covering public health, information and communications technology, agriculture, education and natural resource development. Currently, there are two major projects Taiwan is working on in Somaliland, namely, the Taiwan Road project to refurbish the road linking the Egal International Airport and downtown Hargeisa, and the Taiwan Medical Mission to upgrade health care infrastructure, Wang said. “Preparations for the two projects have been completed and we look forward to working with Somaliland’s new government to officially start construction,” Wang added. During the campaign, Abdullahi said he would maintain Somaliland’s relations with Taiwan. Abdullahi is scheduled to be inaugurated in December. Abdullahi, popularly known as Irro, joined Somalia’s foreign service in 1981 and later served as the country’s acting ambassador to the Soviet Union. Following the Somali civil war, Abdullahi fled to Finland before returning to Somaliland and entering politics as co-founder of the opposition Justice and Welfare Party (UCID) in 2002. Abdullahi previously served 12 years as speaker of Somaliland’s parliament and also unsuccessfully contested the territory’s 2017 presidential election. (By Joseph Yeh) Enditem/ASG Qaran News
-
COLUMBUS, Ohio (HOL) — The Islamic Association of North America (IANA) held its annual General Assembly on November 22-23, bringing together representatives from 39 Islamic centers across the United States. Under the theme "Unity in Times of Trials," the two-day event focused on fostering collaboration to address challenges facing Muslim communities. Source: Hiiraan Online
-
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Guddiga Madaxa Doorashooyinka iyo Soohdimaha, waa guddi Qaran oo dastuuri ah wuxuuna mas’uul ka yahay maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka iyo in ay hirgaliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo hufan. Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’antahay in shacabka loo soo celiyo xaqa ay u leeyihiin inay doortaan cidda hoggaamineysa. Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxa ay kala yihiin: 1) Cabdikariim Axmed Xassan 2) Saadiq Abshir Garaad 3) Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan 4) Yusuf Cabdiqaadir Maxamed-Baafo 5) Cumar Abuukar Cumar 6) Farxiyo Maxamed Yusuf 7) Dr. Cumar Jamac Maxamed 8 )Faarax Cabdi Xasan 9) Sahro Diiriye Muuse 10) Cabdullahi Salaad Yaroow 11) Maxamed Amiin Xasan Cabdullahi 12) Cabdi Cadow Maxamed 13) Cabdishakuur Abiib Haayir 14) Khaalid Ibrahim Ismaaciil 15) Aamina Sh. Cusmaan Maxamed 16) Naasir Maxamed Shire 17) Cabdiraxiim Cabdillahi Shaafici 18) Maxamed Cumar Ismaciil Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — Hundreds gathered at Mogadishu's Daljirka Dahsoon Monument on Sunday in a rousing display of support for Somalia's transition to a "one person, one vote" electoral system. The rally, organized in the capital, underscored growing public demand for democratic reform as the nation moves closer to abandoning its clan-based power-sharing framework. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo caawa mar kale yeeshay kulan aan caadi aheyn ayaa asixiyey Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha, kaasi oo ka kooban 18 xubnood. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa soo gudbisay guddigaan, waxaana loo gudbinayaa baarlamaanka, si loo ansixiyo, guddigaan ayaa masuul ka ah maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka iyo in ay hirgaliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo hufan. Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay xukuumadda iyo liiska xubnaha guddiga: Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Guddiga Madaxa Doorashooyinka iyo Soohdimaha, waa guddi Qaran oo dastuuri ah wuxuuna mas’uul ka yahay maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka iyo in ay hirgaliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo hufan. Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’antahay in shacabka loo soo celiyo xaqa ay u leeyihiin inay doortaan cidda hoggaamineysa. Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxa ay kala yihiin: 1) Cabdikariim Axmed Xassan 2) Saadiq Abshir Garaad 3) Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan 4) Yusuf Cabdiqaadir Maxamed-Baafo 5) Cumar Abuukar Cumar 6) Farxiyo Maxamed Yusuf 7) Dr. Cumar Jamac Maxamed 8) Faarax Cabdi Xasan 9) Sahro Diiriye Muuse 10) Cabdullahi Salaad Yaroow 11) Maxamed Amiin Xasan Cabdullahi 12) Cabdi Cadow Maxamed 13) Cabdishakuur Abiib Haayir 14) Khaalid Ibrahim Ismaaciil 15) Aamina Sh. Cusmaan Maxamed 16) Naasir Maxamed Shire 17) Cabdiraxiim Cabdillahi Shaafici 18) Maxamed Cumar Ismaciil.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya laga mamnuucay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho in haweenku ay gadaal ka raacaan mootooyinka labada lugood leh ee FECON-ta loo yaqaan. Duqa Muqdisho ayaa maanta meel fagaare ah oo dadweyne badan la isugu keenay uga dhawaaqay go’aanka haweenka looga mamnuucay inay mootoyinka gadaal ka fuulaan. “Waxaan hortiina ku mamnuuceynaa maanta gabadhii mooto Feykon ama Fespa gadaal ka raaceysa, hadii la arko gabadhana waa xarig, mootadana waa lala wareegayaa,” ayuu yiri Guddoomiye Madaale. Guddoomiyaha oo maanta ka qeyb galay isku soo bax lagu taageeray xeerarkii doorashooyinka ayaa sidoo kale sheegay in ay la dagaallamayaan dad uu ku tilmaamay in ay wdaan howlo aan sax aheyn oo Muqdisho aan looga baahneyn. “Kuwa dhahaya amniga Muqdisho ayaan muujineynaa oo jidka fasaadka iyo heesaha keenaya, kuwaasna waa mamnuuc,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Madaale. Guddoomiyaha gobolka wuxuu kaloo u digay Telefishinada qaarkood, isagoo ku eedeeyay in ay maalgelinayaan fasahaadka Muqdisho laga bilaabay, sida uu hadalkiisa u dhigay. Ma ahan markii ugu horeysay oo gobolka Banaadir soo saaro amar lagu mamnuucayo waxyaabo ay isticmaalaan dadka Muqdisho, hore ayuu maamulka gobolku u mamnuucay isticmaalka shiishada iyo Taanbuuga. Habeeno ka hor bartamaha degmada Hodan ayaa lagu qabtay barnaamij faneed aad loo soo camiray oo loogu magac daray Hodan iyo Heello, waxaana arrintaas maanta mamnuucay guddoomiye Madaale uu uga digay degmooyinka kale. Banaanbaxa uu maanta Madaale ka sheegay hadalkaan ayaa lagu taageerayey inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, waxaa lagu isugu yimid fagaaraha Daljirka Dahsoon, waxaana soo abaabulay maamulka Gobolka Banaadir.
-
Mogadishu (HOL) — Somalia’s federal government has approved the formation of the Independent National Electoral and Boundary Commission, a milestone in the country’s plan to hold direct elections for the first time in over five decades. The decision came during an emergency Cabinet meeting chaired by Prime Minister Hamza Abdi Barre. Source: Hiiraan Online
-
Somalia's government on Tuesday said it will not recognise the re-election of the southern Jubaland region's leader, highlighting a growing rift with its semi-autonomous states. Source: Hiiraan Online
-
Raaskambooni (Caasimada Online) –Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in 80 askari oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay maanta isku dhiibeen ciidankii shalay laga degiyey magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. Dowladda ayaa sheegtay in ciidanka Jubbaland ay ku biireen hawlaha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ay ka wadaan degaanka Raaskambooni. “Ciidanka Qalabka Sida ee shaley gaarey degaankaasi ayaa la wareegi doona fariisimaha ay ka baxayaan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, iyagoo dhanka kale sii wadi doona howlgalka Dalka looga xoraynayo Khawaarijta,” ayaa lagu yiri warkaan goordhow ay soo saartay dowladda Soomaaliya. Taliyaha Guutada 18-aad ee Ciidanka GorGor G/Dhexe Xasan Ciraaqi oo la hadley ciidanka kaga soo biiray dhanka maamulka Jubbaland ayaa kula dardaarmey inay si buuxda uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta. Taliye Xasan Ciraaqi ayaa ciidanka u sheegay in Jubbaland aysan duulaan ku aheyn, balse waajib qaran oo saaran ay gudanayaan qurshuhuna uu yahay in dalka oo dhan ay gacanta ku dhigaan. Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka Jubbaland ee isku dhiibay dowladda ayaa sheegay in laga soo diray Kismaayo iyo deegaano kale oo ay ku sugnaayeen, iyadoo la amray inay ka hortagaan duulaanka ciidanka xoogga dalka. Balse waxay sheegeen in amarkaasi uu u cuntami waayey oo ciidanka xoogga dalka aysan dagaal kala hortegi karin, hadana ay diyaar u yihiin inay la howlgalaan militeriga Soomaaliya, si loo dhaqan-geliyo amarka dowladda. Ciidamo kale oo Jubbaland ay doomo ka saartay Kismaayo ayaa la sheegay in hadda ay doonayaan inay is dhiibaan, ilaa 50 askari oo badda ku go’doonsan ayaa la soo xiriirtay saraakiisha xoogga dalka, waxayna cadeeyeen inay is dhiibayaan oo dagaal aysan diyaar u aheyn. Axmed Madoobe oo markii 3-aad shalay ku soo baxay doorasho u dhacday sidii uu uga soo shaqeeyey ayaa markaan wajahaya xaaladii ugu adkeed, waxaana Jubbaland lagu harqiyey ciidamada xoogga dalka. Maanta waxaa ciidamo kale laga dejiyey Garbahaarey iyo Beledxaawo, sidoo kale Haramcad ayaa qeyb ka ah ciidanka loo daabulayo Jubbaland, inkastoo ciidamada Jubbaland la sheegay in aysan dagaal la geleyn ciidanka xoogga, hadana Axmed Madoobe ayaa tuutihiisa xirtay, waxaana la sheegay in uu is difaacayo.
-
Wararka ka imaanaya magaalo xeebeedka Raaskaanbooni ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan daraawiishta maamulka Jubbalaan oo halkaas doomo lagu geeyay ay isku dhiibeen ciidanka xoogga dalka ee dhowaan la geeyay deegaankaas. Ilo ku dhow ciidanka xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in tobanaan askari oo ka tirsanaa maamulka Jubbalaan ay isku soo dhiibeen CXDS, balse Jubbalaan waxay sheegtay in daraawiishtoodu ay iska caabiyeen weerar lagu soo qaaday. Sawirro baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinaya askar saf ku jirta oo ciidamo kale ay ku hareeraysanyihiin, Jubbalaanna waxay ciidamo hor leh doomo uga daabulaysaa magaalada kismaayo. Si kastaba ha ahaatee lama oga sida ay xaaladda ku dambayn doonto dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbalaanna ciidamo ayay ku daabulayaan deegaanka oo qiyaastii 200 kmr u jira magaalada Kismaayo. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa illaa hadda aan ka hadlin dib u doorashada hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay inta badan u hambalyeeyeen xubnaha kale ee mucaaradka ku ah Xasan Sheekh Maxamuud. Farmaajo ayaa u muuqdo inuu aag culus uga baxay xubnaha mucaaradka oo ay maalmihii lasoo dhaafay ka mideysnaayeen diidmada qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah. Arrintan ayaa lama filaan ku noqotay xubnaha kale ee mucaaradka ee garab istaagay Axmed Madoobe, waxayna muujineysaa kala aragti duwanaan cusub iyo kala shaki u dhexeeya isaga iyo mucaaradka. Go’aanka uu Farmaajo uga aamusay doorashada Jubbaland ayaa sidoo kale muujinayo in xiriirka kala dhexeeya mucaaradka uu aad u hooseeyo, waxayna arrintaas soo bandhigeysaa in xiriirkooda aanu ku dhisneyn kalsoonid buuxda. Sidoo kale mowqifka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Jubbaland ayaa dhalinaya su’aalo ku saabsan mustaqbalka iskaashiga siyaasadeed ee mucaaradka, Iyadoo horay loo ogaa in madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud oo markaas mucaarad ahaa uu taageeray doorashadii Axmed Madoobe ee 2019-kii. Farmaajo ayaa illaa iyo hadda waxa ay si weyn isugu dhacsan yihiin Axmed Madoobe oo ay ku dagaalameen doorashadii hore ee Jubbaland oo gaartay heer gobolka Gedo u ka gooyo Axmed Madoobe, waxaana muuqata in illaa iyo hadda uu Farmaajo sidiisa ugu taagan yahay mowqifkiisa. Si kastaba, dhammaan xubnaha mucaaradka oo ay ugu horreeyaan Sheekh Shariif, Xasan Cali Khayre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo hoggaamiyaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay durbadii u hambalyeeyay madaxweyne Axmed Madoobe oo markii saddexaad loo doortay Jubbaland.