Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,886
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa maanta kulan isugu yeeray odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee 135-ta ee wax kasoo dhisay dowladda Soomaaliyeed. Wasiir Xoosh ayaa odayaasha ku martigeliyey xarunta wasaaradda arrimaha gudaha, halkaas oo ay ku yeesheen kulan xasaasi ah oo looga hadlay doorashooyinka dalka. Ugu horreyn wasiirka ayaa odeyaasha dhaqanka warbixin guud ka siiyey ka siiyay qorshaha dowladda ee doorashooyinka qof iyo codka ah oo uu ka taagan yahay muran xoogan. Sidoo kale wasiirka ayaa odayaasha uu la kulmay la wadaagay illaa iyo hadda tallaabooyinka la qaaday iyo xeerarka muhiimka ah ee la ansixiyay sida; (1). Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha (2). Xeerka Ururrada Iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (3.) Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isaga oo ku dheeraaday heerarka ay soo mareen, waxaa uuna carabka ku adkeeyey in dhaqanka ay weliba hormuud ka yihiin hagidda bulshada. Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda si weyn u taageeray xeerarkaas ee uu Baarlamaanku ansixiyey, iyaga oo intaa raaciyey in isbadalkaasi uu yahay horusocod wanaagsan, taasina ay ku garab taagan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale odeyaasha ayaa tallaabo muhiim ah oo taageero mudan ku tilmaamay in shacabka loo celiyo codkooga, iyaga oo ka dalbaday umadda in ay u diyaargaroobaan in ay toos u doortaan dadkii matali lahaa, doorashada qof iyo cod ahna ay tahay cadaalad la iska dhex arkayo. Ugu dambeyn dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS dadaallada ay mar weliba sameyso ee la xiriira dowlad dhiska oo ay shuruucdani ka mid yihiin.
  2. Jubbaland ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ciidankeeda ay maanta iska caabiyeen weerar ay ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shalay la keenay degaanka Raas-kambooni oo ka tirsan degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose. Dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ee ku sugan degaanka Raas-Kambooni ujeedada loo keenay ay tahay dano siyaasadeed islamarkaana ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen ciidamada Jubaland oo saldhigyo ku lahaa degaankaasi Raas-Kambooni. “Malayshiyaad dowladda fadaraalka Soomaaliya ay labadii maalin ee u dambeysay kusoo daabuleysay Deegaanka Raaskaambooni ee Dagmada Badhaadhe kuwaa oo ay ujeedo siyaasadeed ka lahayd ayaa weerar gardarro ah ku qaaday ciidamada Jubbaland ee fariisimaha ku lahaa deegaanka Raaskaambooni” ayay qoraalkeeda ku sheegtay Jubaland. “Ciidamada geesiyaasha ah ee Jubbaland oo gacanna kula dagaalamaya kooxaha Khawaarijta ah ayaa iska caabiyay Maleeshiyaadka Muqdisho looga keenay khalkhal galinta amniga iyo xasiloonida ay ahaystaan shacabka Jubaland” ayay sii raacisay dowlad goboleedka Jubaland oo si adag uga digtay dhaq dhaqaaqyada ciidan ee dowladda Federaalka. PUNTLAND POST The post Jubaland oo ka hadashay dagaal maanta Raas-Kambooni ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland appeared first on Puntland Post.
  3. The Islamic Association of North America (IANA) convened its annual General Assembly in Columbus, Ohio, on November 22-23, bringing together representatives from 39 Islamic centers across the United States under the theme “Unity in Times of Trials.” The event attracted a diverse group of Imams, scholars, community leaders, and representatives from humanitarian organizations, all focused on fostering collaboration and addressing the pressing challenges facing Muslim communities. Source: Hiiraan Online
  4. Badhaadhe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in goordhow dagaal u dhexeeyo Daraawiishta Jubbaland iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ay gaysay gobolkaasi uu ka qarxay aagga deegaanka Raaskambooni. Dagaalka ayaa salka ku hayo xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo mar kale shalay lagu doortay Kismaayo, laakiin waxaa dib u doorashadiisa diiday dowladda dhexe. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada ciidan ay isku dhaceen, isla markaana uu dhex-maray iska hor imaad, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay. Qoraal kooban oo lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii ay weerar kusoo qaadeen ciidamada dowladda goob ay ku sugnaayeen ciidamada Daraawiishta ee maamulkaasi. “Malayshiyaad dowladda fadaraalka Soomaaliya ay labadii maalin ee u dambeysay kusoo daabuleysay Deegaanka Raaskaambooni ee Dagmada Badhaadhe kuwaa oo ay ujeedo siyaasadeed ka lahayd ayaa weerar gardarro ah ku qaaday ciidamada Jubbaland ee fariisimaha ku lahaa deegaanka Raaskaambooni” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidamada geesiyaasha ah ee Jubbaland oo gacanna kula dagaalamaya kooxaha Khawaarijta ah ayaa iska caabiyay Maleeshiyaadka Muqdisho looga keenay khalkhal galinta amniga iyo xasiloonida ay ahaystaan shacabka Jubaland”. Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, iyada ay dowladda Soomaaliya ay haatan go’doomin ku hayso maamulka Axmed Madoobe, waxaana maanta iyo shalay ciidamo badan lagu daabulay gobolka Jubbada Hoose iyo gobolka Gedo, si ay uga howlgalaan halkaasi. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa go’aamisay in laga hortayo Axmed Madoobe iyo maamulkiisa, kadib markii ay sharci darro ku tilmaamtay dib u doorashadiisa, waxaana xalay golaha wasiirada ay soo saareen go’aan lagu maxkamadeynayo Axmed Madoobe.
  5. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/11/AQNhnPxQgYLKefuSDNL7cb27r2tlsZsE6Ut5fwbbJUR6YPt0Tv5vGZz4c1Q4fxi3ceKGhpsp6gn_j5Gj4nmXEMjY.mp4 Qaran News
  6. Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulam la qaatay qaar kamida duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ee saamaynta ku lahaa doorashooyinkii dadbanaa waxa uuna ugu horeyn warbixin ka siiyey 3-da xeer ee doorashada ee Baarlamaanka ansixiyay , kuwaas oo kala ah, Xeerka dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ,Xeerka ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , iyo Xeerka doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa si qoto-dheer u faahfaahiyay heerarka ay soo mareen xerarkaasi, waxaa uuna carabka ku adkeeyey in dhaqanka ay mar walba hormuud ka yihiin hagidda bulshada Soomaaliyeed. Dhankooda odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa si weyn u taageeray xeerarkaas doorashada ee Baarlamaanku ansixiyey, iyaga oo intaa raaciyey in isbadalkaasi uu yahay hor-usocad wanaagsan. Source: goobjoog.com
  7. Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Cabdullahi Jaamac Shimbir oo indhowaanahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay gobolkaasi, isaga oo ka dagay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi. Shimbir ayaa si buuxda u garab istaagay dowladda Soomaaliya, waxaana markii uu tegay Garbahaarey uu la hadlay shacabkii soo dhaweeyay oo uu mahadceliyay. Intaas kadib guddoomiyaha ayaa farriin u diray maamullada kale ee degmooyinka gobolka, wuxuuna sheegay inay jirin meel dhexe oo la istaago, sidaas darteedna wuxuu u qabtay in mudd 48 saac ay ku caddeeyaan mowqifkooda ku aadan khilaafka dowladda iyo Jubbaland. “Waxaan ka mahadcelinayaa sida la iigu soo dhoweeyay degmada Garbahaarey, waxaan rabaa in guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka ay 48 saac ku cadeeyaan mowqifkooda.” ayuu yidi guddoomiye Cabdullahi Shimbir. Sidoo kale waxaa Garbahaarey la geeyay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo lasoo wariyay inay la wareegeen amniga garoonka iyo xarumaha muhiimka ah ee degmadaasi. Guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa toos uga baxay garabka Axmed Madoobe, waxaana Jubbaland ay xalay Jubbaland shaacisay inay xilka ka qaaday Shimbir, kadib markii ay wasaaradda arrimaha gudaha maamulkaasi ay ku eedeysay inuu leexday deeq loogu talagalay reer Gedo. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo ay sii xoogeysaneyso xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland, waxaana xalay qaraar ka dhan ah doorashadii Jubbaland soo saaray golaha wasiirada oo Garyaqaanka guud faray inuu dacwad kusoo oogo Axmed Madoobe, si loo maxkamadeeyo. Tallaabadan waxaa kasii horreyso mid kale oo ay milatari oo ay dowladdu qaaday, kadib markii ciidamo badan ay shalay ku daabushay magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa cirka isku shareertay kadib markii Axmed Madoobe uu qabsaday doorasho gaar ah. Doorashadan oo shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa waxaa markale madaxweynaha Jubbaland loogu doortay Axmed Madoobe, taasi oo horey loo sii ogaa, maadaama uu asaga qaban-qaabsaday doorashada. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay doorashooyinka ka dhacay maamulka Jubbaland iyo dib u doorashada Axmed Madoobe oo ay ku tilmaamtay “sharci darro”. Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo xalay yeeshay kulan deg-deg ah ayaa waxay garyaqaanka guud ee dowladda fareen inuu maxkamadda sare ee dalka u gudbiyo dacwad ka dhan ah Axmed Madoobe. Golaha wasiirrada ayaa qaraarkooda ku cadeeyey in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka 3-aad ee Jubbaland ay labaduba baal-marsan yihiin shuruucda dalka, sidoo kalena uu dastuurka Jubbaland dhigayo in labo jeer ka badan uusan hal madaxweyne hoggaami karin maamulka, halka Madoobe uu is dooranayo markii 3-aad. Haddaba, Xaggee ayuu ku dambeyn doonaa khilaafkan? Maxamed Mukhtar oo ah fallanqeeye arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in khilaafkan oo salka ku haya awoodda labada heer dowladeed, uu ku dambeyn doono sida muuqata in lagu soo laabto waddadii hore. “Axmed Madoobe inuu noqdo qofka markaas haya maamulka rasmiga ah oo la yirahdo wixii aan qaban karno aan qabano si aanu dalka u sii kala daadan marka ma filayo in hab militari ama dagaal uu dhacayo, balse waxaan filayaa in muddo la kala taagnaan doono marka dambana la isku khasbanaan doono oo la wada-shaqeeyo,” ayuu yiri Maxamed Mukhtaar. Waxa uu intaas kusii daray “Dabcan waxaa adkaaneyso inay madashadii ay soo laabato oo ay wada-shaqeyntii ay soo laabato, buuqaan siyaasadeed waxaa laga yaabaa inuu daba-dheeraado uu gaaro ilaa inta ka hartay muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh.“ Sidoo kale wuxuu tilmaamay in khilaafkan oo kale uu hakad galinayo wada-shaqeyntii dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka, taas oo sababeysa in laga mashquulo waxyaabihii hortebinta lahaa sida amniga iyo xasilinta dalka iyo dhaqaalaha. “Runtii saameyn weyn ayay ku yeelaneysaa ha noqoto kalsoonidii dadka Soomaaliyeed isku qabay sababtoo maamullada waxay leeyihiin kummaanaan dad oo taageerayaal u ah taas marka waxay sababeysaa inay cuqdad soo kala dhex-gasho waxayna sii badineysaa shakiga dadka Soomaalida ah.”
  9. Madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro ) oo maanta socod lug ah kaga baxay gurigiisa ayaa booqasho iyo duco ugu tagay madaxweyne ku xigeenkii Somaliland Muj Xassan Ciise Jaamac . Muj Xassan Ciise ayaa u jiifa xaalad caafimaad , waxaana la filayaa in dhawaan dhakhtar dibadeed loo qaado . Madaxweynaha la doortey ayaa alleh uga baryey inuu caafimaad taam ah siiyo , isla markaana waxuu cadeeyey in maanta qarankiisu garab taagan yahay , xaaladiisa caafimaad . Muj Xassan Ciise Jaamac ayaa madaxweynaha la doortey uga mahadnaqey booqashadiisa , waxaana uu alleh uga baryey in xilka dhawaan loo doortey eebe ku garab galo . Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxaa maanta ka dhacay banaanbax lagu taageerayo hanaanka doorasho qof iyo cod, xilli ay cirka isku sii shareertay xiisadda ka dhalatay doorashadii Kismaayo ka dhacday. Banaanbaxan oo uu qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxaa lagu taageeray go’aankii labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ay ku meel-mariyeen xeerarkii doorashooyinka, xisbiyadda iyo guddiga doorashada iyo sohdimaha dalka. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa boqolaalka shacab ee isugu soo baxay caasimada kala qeyb-galay banaan-baxa lagu taageerayo hanaanka doorasho ee lagu muransan yahay. “Shacabka isugu soo baxay taalada Daljirka Dahsoon ayaa waxa ay cod dheer ku taageereen go’aanka madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumada Dan-Qaran ee ah in dalka uu aaday doorasho qof iyo cod, si muwaadinka uu u helo xuquuqdiisa dastuuriga ah ee uu ku dooran karo madaxda dalka,” ayaa lagu yiri qoraal uu maamulka gobolka Banaadir kasoo saaray banaanbaxa maanta ka dhacay Muqdisho. Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni iyo in lagu kalsoonaado doorasho qof iyo cod, si muwaadin kasta oo codkiisa u dhiibto. Sidoo kale waxaa isku soo baxa maanta goobjoog ka ahaa guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Yabooh, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, madaxda ururada dhalinyarada, haweenka iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada caasimadda. Si kastaba, hanaanka doorasho qof iyo cod ee sida weyn ugu dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmaya diidmo culus, kadib markii ay ka horyimaadeen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo iyagu u arka in madaxweynaha uga dan leeyahay damac muddo kororsi sharci darro ah. default
  11. Dibad-baxayaasha Pakistan ee dalbanaya in la sii daayo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Imran Khan ayaa Talaadada maanta ah dilay afar ka mid ah ciidamada ammaanka, sida ay sheegtay dowladda, ayada oo dadkan isu soo baxay ay iska caabiyeen booliska oo ay xireen bartamaha caasimadda. Kolonyada dibad-baxayaasha ah ee taageersan Khan ayaa ku socday Islamabad tan iyo Axadii, iyaga oo dhinac isaga riixay jidgooyooyinka loo dhigay, lana dagaalamay ciidamada booliska iyo kuwa milatariga oo adeegsanayey rasaasta rabadhka ah iyo sunta dadka ka ilmeysiisa. In kasta oo la mamnuucay isu imaatinka dadweynaha, haddana saxafiyiin ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warramay in ay arkeen in ka badan toban kun oo mudaaharaadayaal ah oo ku sugnaa bartamaha Islamabad. Qaarkood waxay ku hubaysnaayeen ulo iyo farganno, waxayna kaliya 1.6 km u jireen fagaare ku yaalla xeendaabka dawladda oo ay doonayaan inay qabsadaan. Khan ayaa laga mamnuucay inuu u istaago doorashadii Febraayo oo ay hareeyeen eedeymo ku saabsan wax is-dabamarin, iyadoo ay garab socdeen daraasiin kiisas sharci ah oo uu ku andacooday in lagu xukumay si looga hortago soo laabashadiisa. PUNTLAND POST The post Taageerayaasha Imran Khan oo maanta xoog ku galay bartamaha Islamabad appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay dib u doorashada Axmed Madoobe, ayadoo xalay shir deg-deg ah oo ay yeesheen golaha wasiirada ay garyaqaanka guud ee dowladda ku fareen inuu maxkamadda sare ee dalka u gudbiyo dacwad ka dhan ah Axmed Madoobe. Afhayeenka xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale oo qaraarka xalay soo baxay warbaahinta u akhriyay ayaa dul istaagay illaa saddex qodob oo lagu xaaraantinimeeyey gabi ahaanba doorashadii shalay ka dhacday Kismaayo. Golaha wasiirrada ayaa qaraarkooda ku cadeeyey in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka 3-aad ee Jubbaland ay labaduba baal-marsan yihiin shuruucda dalka, sidoo kalena uu dastuurka Jubbaland dhigayo in labo jeer ka badan uusan hal madaxweyne hoggaami karin maamulka, halka Madoobe uu is dooranayo markii 3-aad. Tallaabadan ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, ayadoo dadka ka fal-celiyay ay ku kala aragti duwanayeen, oo qaarkood ay soo dhaweeyeen in lasoo xiro Axmed Madoobe, halka kuwa kalena u arkaan in go’aankan uu sii fogeynayo xalka xiisadda taagan. Haddaba, sidee looga fal-celiyay arrintaan? Ismaaciil Axmed Maxamed: “Axmad Madoobe ha lasoo xiro, Jubbaland shaqsi uma afduubnaan karto. Madaxweyne Xasan Sheekh dalkaan asagaa masuul ka ah.” Yusra Cali ayaa tiri “Waa intii Farmaajo sheegi jiray un baad noo sheegtreb wax kale la imaada, Jubbaland State iyadaa xor u ah dastuurkiisa iyo doorashadooda.” “2019 iyo 2024 isku ekaaa, Xasanow shalay ayay talo kula gudbooneyd markad sharci darada u sacab tumaysay adoo ku xumeeenaya Farmaajo,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Ismaaciil. Maxamed Deeq: “Been bad isu shegaysan Axmed Madoobe Kismaayo jooga soo xira hada wax haysaan.” Xiis Mawliid ayaa sidoo kale wuxuu yiri “War umadiina ha u horseedina dhiig daata iyo dhibaato qas iyo qalaase horay qayrkeen inooga reebay.” Cabdullaahi Axmed Xasan: “Bahasha yaan laga dhigin Mogadishu Clan iyo Daarood hadeey dhawdahay meel aysan kasoo noqon karin yaan la gaarsiin hala isku tanaasulo.” “Sharci daro sharci daro loo cuskanayo, heshiiska doorashooyinka ay xukuumada cuskatay yaa ku heshiiyay oo isku raacsan, waxaa kaga daran xataa madaxweynaha ma saxiixin. Hal bowli ah nirig xalal ma dhasho,” ayuu yiri Aadam Maxamed Yuusuf. Cumar Cali: “Axmed Madoobe way ka hoos baxdey markii hore inuu saxiixo ma aheyn. Inuu ka fikiro doorashadiisa so socota aheyd waqtigii Deni ka maqnaa sharciga cusub.” Axmed Cabdullaahi Yuusuf ayuu sidoo kale yiri “Qodobka ah in aan hogaamiyaha la dooran karin labo mudo xileed wax ka badan hada dastuurka federaalka waa la badalay oo Xasan Sheekh waxaa uu rabaa in uu mar saddexaad dorashada isku soo taago Axmed Madoobe-na waxay na leeyihiin ma la dooran karo.” “Inaad gobolka Gedo ciidan gaysaan bay aheyd oo Ethiopia wajahdaan hadaa tabar haysaan,” ayuu yiri Cabdiqafaar Sheekh Ibraahim. Khaliif Cabdull Khaliif: “Mudane qodobadan aad tirinaysay waxay dhaqan-gali lahayeen 2026. Waxba kama quseyan sanadkan khaladadka aad galaysan waxaad jeebkiina kala so baxdeen ayaad inoo soo tabinaysaan.”
  13. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay u hoyday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa halkaasi ka bilaabay shirar ku saabsan arrimaha amniga. Madaxweyne Siciid Deni oo ku sugan xerada ciidamada PMPF ee magaalada Boosaaso ayaa sida wararku sheegayaan shirar la yeeshay saraakiisha laamaha amniga oo uu ku wargeliyay in ay u diyaar-garoobaan dagaal ka dhan ah mileeshiyaadka Daacish. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in uu saacadaha soo socda shirar la yeesho mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo kuwaasi oo uu kala hadlayo adkaynta amniga iyo u diyaar-garowga dagaalka lagu wiiqayo kooxaha argagixisada ah ee Daacish. Mileeshiyaadka Daacish ee ku sugan buuraha CALMIS ee gobolka Bari ayaa waayadan danbe sii xoogaysanaya kadib markii ay ku biireen ajaaniib badan sida ay muujiyeen warbixino amni oo soo baxayey dhawaanahan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Boosaaso ka wada abaabulka dagaal ka dhan ah mileeshiyaadka Daacish appeared first on Puntland Post.
  14. On November 20, 2024, Somaliland’s National Election Commission announced the results of Somaliland’s latest elections: Abdirahman Mohamed Abdullahi “Irro,” the head of the opposition Waddani Party triumphed, blocking incumbent President Muse Bihi’s attempt to win a second term. The election continues Somaliland’s long history of truly democratic elections and peaceful transfers of power. Somaliland’s success also stands in sharp contrast to Somalia itself which has repeatedly failed to hold one man, one vote elections despite billions of dollars in external assistance. Mogadishu’s excuses fall short given Somaliland’s repeated and regular success now over decades; donors must ask why Somaliland can hold transparent, free, and successful elections at less than one percent of the cost that Somalia, the world’s most corrupt country, demands. Somalilander politics are often more about patronage and balance than ideology, and the unrecognized country has a long history of punishing incumbency. Change stymies corruption and prevents any one faction from sinking such deep roots that they begin to see their rule as a right rather than a privilege. Not all change would be good, however. For the first time in 65 years, there is real momentum for Somaliland’s recognition in both Washington and London. Within the United States, Somaliland has vocal supporters in the White House, Congress, Pentagon, and intelligence community. While the State Department has been traditionally hostile to Somaliland due to its embrace of Somalia’s narrative and wishful thinking about Somalia’s ability to live at peace with itself and its neighbors, on November 19, 2024, the U.S. Embassy in Mogadishu congratulated Somaliland on its successful elections. The cracks in State Department hostility will likely widen during the President-elect Donald Trump’s second term as likely appointees to the State Department’s Africa bureau recognize both the moral and strategic case for Somaliland recognition. Such progress did not happen in a vacuum, however. In Bashir Goth, Somaliland has perhaps the most agile ambassador in Washington, DC of any African country. He is a notable Somali poet and the son of a famous cleric with service both in Mogadishu and the Somaliland capital Hargeisa. He has carefully built relationships across Washington, both in Congress and in then private realm not because he could purchase lobbyists—Somalia’s main strategy—but rather based on his ability to make Somaliland’s case intellectually and persuasively. He also represented Somaliland’s true democratic nature by promoting the state rather than Bihi’s party. During his entire tenure, no American heard him criticize any Somaliland politician; quite the contrary, he has discussed and depicted each of the party leaders including Irro equally. While Irro might wish to dispense patronage—including the Washington posting—to his immediate supporters, this would risk returning Somaliland’s mission to the starting line in the race to gain recognition. Relationships take years to build; they cannot easily be handed off. One of the reasons why Bihi succeeded in raising Somaliland’s profile was because he established relations with Taiwan. While Taiwan once had ties with countries across Africa, today only Somaliland and Eswatini [Swaziland] formally recognize the Republic of China. When Bihi embraced Taiwan, Beijing grew furious. The Chinese ambassador in Mogadishu first tried to cajole, then bribe, and finally armed insurgents in Somaliland’s east. Wadani party members previously questioned Somaliland-Taiwan ties, especially with China so eager to offer gifts. Irro should realize both that Somaliland-Taiwan ties jumpstarted Somaliland’s recognition drive in Washington and that if Somaliland does distance itself from Taiwan, it becomes just one of many countries in Africa with China ties and so will not be able to juxtapose itself favorably against neighbors like Djibouti, Ethiopia, or Somalia, or myriad other countries like Benin, Equatorial Guinea, or the Democratic Republic of Congo. In short, to change its China policy would be to snatch defeat from the jaws of victory. For too long, the world has ill-treated Somaliland and the United States especially has subordinated its own interests to those of China’s Communist Party and corrupt Somali leaders in Mogadishu. Bihi’s legacy has been to position Somaliland for Washington’s formal recognition. Somaliland today is more likely than Palestine or Kurdistan to gain acceptance as the world’s next country. Irro must choose: Reverse Bihi’s policies to demonstrate his own power or be the president who welcomes the next U.S. president on his first state visit to the Republic of Somaliland. About the Author: Dr. Michael Rubin Michael Rubin is a senior fellow at the American Enterprise Institute, where he specializes in Iran, Turkey, and the broader Middle East. A former Pentagon official, Dr. Rubin has lived in post-revolution Iran, Yemen, and both pre- and postwar Iraq. He also spent time with the Taliban before 9/11. For more than a decade, he taught classes at sea about the Horn of Africa and Middle East conflicts, culture, and terrorism, to deployed US Navy and Marine units. Dr. Rubin is the author, coauthor, and coeditor of several books exploring diplomacy, Iranian history, Arab culture, Kurdish studies, and Shi’ite politics, including “Seven Pillars: What Really Causes Instability in the Middle East?” (AEI Press, 2019); “Kurdistan Rising” (AEI Press, 2016); “Dancing with the Devil: The Perils of Engaging Rogue Regimes” (Encounter Books, 2014); and “Eternal Iran: Continuity and Chaos” (Palgrave, 2005). Dr. Rubin has a PhD and an MA in history from Yale University, where he also obtained a BS in biology. In this article:Africa, Somaliland Written By Michael Rubin Now a 1945 Contributing Editor, Dr. Michael Rubin is a Senior Fellow at the American Enterprise Institute (AEI). Dr. Rubin is the author, coauthor, and coeditor of several books exploring diplomacy, Iranian history, Arab culture, Kurdish studies, and Shi’ite politics, including “Seven Pillars: What Really Causes Instability in the Middle East?” (AEI Press, 2019); “Kurdistan Rising” (AEI Press, 2016); “Dancing with the Devil: The Perils of Engaging Rogue Regimes” (Encounter Books, 2014); and “Eternal Iran: Continuity and Chaos” ( Somaliland Shouldn’t Snatch Defeat from the Jaws of VictoryHow Many B-21 Raider Bombers Does the U.S. Air Force Need?Why the U.S. Air Force Wants the F-15EX Eagle II FighterNGAD: The 6th Generation Fighter the U.S. Air Force Has ‘On Pause’Was Joe Biden’s ATACMS Call the Right Move? Qaran News
  15. Wefdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac Shimbir oo dhowaan Jubbalaan ay sgeegtay inay shaqada ka joojisay ayaa saaka degmada Garbahaaray ee xarunka gobolka Gedo. Wefdigan oo la sheegay inay la socdaan ciidamo aad u hubaysan ayaa hadda ku sugan gudaha magaalada, waxaana jira warar sheegaya in garoonka degmada ay gacanta ku dhigeen ciidamo ka tirsan xoogga dalku. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli khilaafka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbalaan uu cirka isku shareeray, islamarkaana dowladdu ay sheegtay inaysan aqoonsanayn doorashadii dhowaan uu ku guulaystay Axmed Maxamed Islaam. Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa ka digay in la iska indho tiro sharciyada QM, Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga, kuwaas oo sii hurin kara xiisadda gobolka haddii aan lagu dhaqmin. Fiqi oo ka qeyb-galay shirkii 8-aad ee madasha aragti-wadaagga machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage oo shalay ka furmay Jabuuti ayaa isdul-taagay xad-gudubka ay ku kacday Itoobiya iyo sida ay iskaga indho tirtay shuruucda caalamiga. “Haddii sharciyada UN, AU iyo kuwa kale la iska indho tiro, waxa sii kordhaya isku dhacyada iyo khilaafaadka gobolka. Laakiin haddii la dhaqan-geliyo iskaashi ku dhisan ilaalinta shuruucdaas, waxa si wadajir ah looga faa’iideysan karaa kheyraadka dabiiciga ah ee kala duwan, sida badda;wabiyada, iyo beeraha, oo dal kastaa leeyahay qeyb u gaar ah” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Wasiir Fiqi ayaa soo hadal qaaday dhacdii la xiriirtay xad-gudubkii Itoobiya ee shir madaxeedkii ka dhacay xarunta Midowga Afrika ee Addis Abbaba ee dowladda Itoobiya kula kacday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo keentay in saacado uu qalqal ku jiro kadibna uu ku khasbanaado inuu raaco gaariga madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. “Mar uu madaxweynaheena ka qeyb-galayay shir ka dhacay xarunta AU, waxaa lagu sameeyay xad-gudub hab-maamuus ah, taas oo keentay in saacado uu qalqal ku jiro ka dibna uu ku khasbanaado inuu raaco gaariga madaxweyne Geelle. Tani waxay muujinaysaa in aan la ixtiraameyn shuruucda iyo hab-dhaqanka caalamiga ah” ayuu yiri wasiir Fiqi. Shirka madasha aragti-wadaagga machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage ayaa maalintiisa labaad galay, kaas oo sanadkaan diiradda lagu saarayo xooojinta xasilloonida gobolka, gaar ahaaj muhiimadda u hoggaansanaanta iskaashi ku salaysan shuruucda, ganacsiga, iyo nabadda Geeska Afrika. Madashan ayaa inta ay socota waxaa lagu soo bandhigi doonaa cilmibaarisyo, dood cilmiyeysan, iyo hadal-jeedinno lagu lafagurayo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, xiriirka, xasilloonida, iyo dhaqaalaha Geeska Afrika, xal waarana loogu heli lahaa xiisadaha ka aloolsan gobolka.
  17. A brewing standoff between the Federal Government of Somalia and the Jubaland State over the latter’s decision to defy a switch to one-man one-vote electoral system is nearing armed confrontation, Somalia-based media organisations reported on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  18. Türkiye is gearing up to test its advanced ballistic missile systems, including the long-range Tayfun and Cenk, at a new military base under construction in Somalia. Source: Hiiraan Online
  19. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa hambalyeeyey Axmed Madoobe oo markii saddexaad doorasho uu qabsaday kusoo baxay, taas oo shalay ka dhacday magaalada Kismaayo. Madaxweyne Deni ayaa wuxuu ugu baaqay maamulka Jubbaland iyo shacabkaba in la ilaaliyo, islamarkaana laga wada shaqeeyo amniga iyo xasiloonida maamulka Jubbaland, oo haatan ka taagan tahay xiisad xooggan. “Waxaan u hambalyeeynaynaa madaxweynaha la doortay ee Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaanada baarlamaanka Jubaland,” ayuu yiri Saciide Deni. Madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu intaas kusii daray “Waxaan Allaah uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday.” Deni ayaa kula dardaarmay Axmed Madoobe oo shalay markale kusoo baxay doorashadii uu qabsaday in wixii kala aragti duwanaansho ah uu ku xaliyo wada-hadal iyo jawi nabdoon. “Jubaland waxaan u rajeynaynaa nabad iyo horumar, waxaana ugu baaqaynaa dowladda Jubaland iyo shacabkaba in la illaaliyo oo laga wada shaqeeyo amniga iyo xasilloonida Jubaland,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Deni. Axmed Madoobe ayaa shalay markii saddexaad loo doortay xilka madaxweynaha Jubbaland, kadib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Madoobe ayaa kusoo baxay wareegga koowaad ee doorashada, wuxuuna helay 55 cod, sida uu shaaciyay guddoomiyaha golaha wakiilada Jubbaland ee isna dhawaan la doortay. Ninkan ayaa ku guuleystay saddex meelood labo meel oo ah aqlabiyada baarlamaanka Jubbaland, iyadoo soo bixistiisa lasii ogaa, maadaama uu asaga qabsaday doorashadaan, oo si adag u diiday dowladda dhexe.
  20. Magaalada Muqdisho, gaar ahaan fagaaraha Daljirka dahsoon waxaa ka socda dibedbax ballaaran oo lagu taageerayo qorshaha dowladdu ay ku doonayso in doorasho qof iyo cod ahi ay dalka ka dhacdo. Dibedbaxan oo ay hor boodayaan masuuliyiin ka tirsan dowladda dhexe iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb-galaya boqolaal dadweynaha caasimadda kamid ah. Bannaanbaxan ayaa imaanaya xilli magaalada Kismaayo ay dhowaan ka dhacday doorasho uu gaar u qabsaday maamulka Jubbalaan, islamarkaana mar seddaxaad uu ku guulaystay Axmed Maxamed Islaam madoobe. Source: goobjoog.com
  21. Golaha Wasiirrada Xukuumadda federaalka Soomaaliya oo shir degdeg ah ka yeeshay xaaladda Jubbalaan iyo dib u doorashada hoggaamiye Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa garyaqaanka guud ee qaranka faray inuu ka howl-galo oogista dacwad ka dhan ah doorashadii ka dhacday Kismaayo. Dacwadan ay golaha wasiirradu gudbiyeen ayaa dad badani u arkaan in looga golleeyahay in xukuumaddu ay sharciyad u hesho inay tillaabo ka qaaddo madaxweynaha Jubbalaan oo markii seddaxaad ku guulaystay doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo. Fallanqeeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba in dacwaddani aysan wax weyn ka badeli karin mowqifka hoggaamiyaha Jubbalaan oo dhowaan si cad u sheegay inaanu dowladda dhexe aqoonsi iyo sharciyad midna uga baahnayn, balse in garsoorka dalku uu soo saaro amarro ka dhan ah maamulkiisa ayaa Xukuumadda awood u siinaysa inay qaaddo tillaabooyin ka dhan ah Jubbalaan. Si kastaba ha ahaatee khilaafka dowladda Soomaaliya iyo maamulka oo halkii ugu sarraysay gaaray ayaan la ogeyn halka uu ku dambayn doona, dowladda federaalkuna waxay ciidamo aad u hubaysan geysay deegaanno ka tirsan maamulkaas. Source: goobjoog.com
  22. Madaxweynaha Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xasan Nuur Cabdi u magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Badhaadhe. Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaalada Raaskambooni, oo hoos timaada degmada Badhaadhe, lagu daabulay boqolaal askari oo ka tirsan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha Jubbaland ayaa doonaya in uu ka hortaggo saameynta Ciidanka dowladda ee halkaasi la geeyay. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay in doorashadii Madaxweynaha Jubaland ee shalay loo arkay mid sharci-darro ah. Dowladda Federaalka ayaa amartay in Garyaqaanka Guud ee Qaranka uu diyaariyo dacwad ka dhan ah arrintaas, si loo horgeeyo Maxkamadda Sare ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com