Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,886
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Recurrent and protracted displacement has been a major problem in Somalia. An estimated millions of Somalis are internally displaced due to climate-induced disasters and conflict. Mogadishu, Baidoa, and Kismayo have the highest IDP populations and returnee concentrations. These locations are key destinations due to their relative peace and access to services and economic opportunities. Source: Hiiraan Online
  2. Mogadishu (HOL) — The Somali federal government has deployed Turkish-trained elite forces in Raskamboni, a remote settlement in Lower Jubba, signalling a calculated move to assume control from African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) forces. The deployment comes amid heightened tensions between Mogadishu and Jubaland President Ahmed Madobe, whose recent re-election remains unrecognized by the federal government. The Somali leadership accuses Madobe of undermining constitutional reforms aimed at centralizing authority and transitioning to universal suffrage. Source: Hiiraan Online
  3. The Ottawa paramedic who treated Abdirahman Abdi in the aftermath of his violent altercation with two police officers says he doesn't recall police telling him about the head blows one of the officers had delivered to Abdi that morning. Source: Hiiraan Online
  4. Taiwan’s Ministry of Foreign Affairs expressed congratulations to Abdirahman Mohamed Abdullahi, the new president-elect of Somaliland, for his victory over incumbent president Muse Bihi Abdi as leader of the main opposition party. Abdullahi, commonly known as “Irro” by the people, promised that the relationship with Taiwan “will not change in any way,” the Ministry added. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (HOL) — The political standoff between Somalia’s federal government and Jubaland has reached a critical juncture, with courts from both sides issuing arrest warrants for their respective leaders. Mogadishu’s Banadir Regional Court accused Jubaland President Ahmed Madobe of treason, while Jubaland’s First Instance Court countered by charging Somali President Hassan Sheikh Mohamud with constitutional violations and incitement to rebellion. Source: Hiiraan Online
  6. Mogadishu (HOL) — The Jubaland First Instance Court has issued an extraordinary arrest warrant for Somali President Hassan Sheikh Mohamud, accusing him of treason, inciting rebellion, and undermining constitutional governance. The warrant, which had not been officially publicized through Jubaland's formal channels as of Wednesday evening, represents a dramatic escalation in the tense political and military standoff between the federal government in Mogadishu and the semi-autonomous Jubaland administration. Source: Hiiraan Online
  7. Ka dib doorashooyinkii Somaliland ka qabsoomay 13-kii Noofambar ee bishan, waxa suurogal ah in loollanka Taywan iyo Shiinuhu ka wadaan gobolku u janjeedhsamo dhinaca Shiinaha. Muddo ka hor doorashooyinkan, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu iskaashi iyo xidhiidh adagba la sameeyey dalka Taywan, waxaanay ku dedaaleen in Shiinuhu ka caago badda cas, si Somaliland u kasbato reer Galbeedka, una aqoonsadaan, sidaasna Muuse Biixi mar kale ku helo kursiga. Bishii Jeenawari ee sannadkan, doorashooyinka oo aad usoo dhawaa, welina aan hal dal aqoonsan Somaliland, Muuse Biixi waxa uu is-afgarad la saxiixday dalka Itoobbiya. Tallaabadani waxa ay ahayd tallaabadii u dambaysay ee istiraatiijiyadda Muuse ee aqoonsiga, waxaanu rabay in Itoobbiya oo xarunta Midawga Afrikana ku taallo ay Somaliland aqoonsato, albaabka aqoonsigana u noqoto. Dhammaan tallaabooyinka Muuse isku dayay ee aqoonsigu waa ay guuldarraysteen, horumar badanna lagama gaadhin adkaynta xidhiidhka Taywan iyo dhammaystirka is-afgaradka Itoobbiya. Gudaha Somaliland tallaabooyinkani waxa ay ka abuureen kala qaybsanaan daran. Waxa kale oo ay abuureen dagaallo gobollada qaar ah iyo khilaaf baaxad leh, arrimahan ayaa sumcad dilay deggenaanshihii Somaliland ku tilmaamnayd muddo dheer. Dhaawaca soo gaadhay xasilloonida iyo dimuqraadiyadda Somaliland waxa uu sii fogeeyey aqoonsigii Somaliland ku taamaysay muddada fog, xaajooyinkan isbiirsaday waa waxyaabaha loo aanayn karo guuldarradii Muuse Biixi kala kulmay doorashadii madaxweynannimada. Dhinaca kale, waxa fursad helay Cabdiraxmaan Cirro, ka dib markii dadku ka gadoodeen tallaabooyinka xukuumadda Kulmiye qaadday sannadihii dambe, sida in Somaliland bad u saxeexday Itoobbiya iyo wadahadallada madhalayska ah ee Soomaaliya lala yeesho. Ajandayaasha xisbiga Waddani ee doorashada ka dib waa isu keenidda bulshada, dhammaynta khilaafka ka dhex taagan beelaha iyo dib-usoo-celinta dimuqraadiyadda. Si kasta oo ay ahaataba, soo laabashada Donald Trump waxa ay xaalad hubanti la’aan ah gelinaysaa Geeska Afrika, iyada oo Maraykanka iyo dawladaha la jiraa si toos ah u waajahayaan awoodda Shiinaha ee Geeska ku fidaysa. Maqaalkani waxa uu dul istaagayaa saamynta doorashada Somaliland ku yeelan karto mustaqbalka Geeska. Istiraatiijiyadda Somaliland ee Taywan Doorashada ka hor, Muuse Biixi waxa uu dejiyey istiraatiijiyadda Taywan. Soddon sano ka dib oo aanay Somaliland helin wax aqoonsi ah, doorashadii dhacday bishan aqoonsiga Somaliland waxa uu ahaa tiir weyn oo ka dhex muuqday ololaha dhinacyada tartamayay. Ka dib markii Muuse Biixi talada qabtay 2017-kii, waxa soo jiitay qaabka Taywan, oo aan la aqoonsanayn, xidhiidho aan rasmi ahayn ula samayso dalalka dunida, arrinkan oo keenay in dalal badan garab u noqdaan, iskaashina la sameeyaan Jasiiradda. Waxa uu dejiyey istiraatiijiyad Somaliland ku samaynayso xidhiidhada aan rasmiga ahayn ee ay Taywan muddada badan kusoo caano maashay. Kawdii Julaay ee 2020-kii waxa uu Taywan la saxiixday iskaashi, labada dhinacna mid kastaa waxa uu ka kale ka furtay xafiis danaha labada dhinac loogu adeego. Ujeeddada ugu muhiimsan ee xidhiidhka iyo iskaashiga Somaliland iyo Taywan, sida uu sheegay ergayga Taywan usoo dirsatay Somaliland Allen C Lou, waa “In laga hortago in Shiinuhu ku awoodaysto Badda Cas”, lana ilaaliyo marinka Badda Cas. Sannadihii 2023 iyo 2024, xidhiidhka Somaliland la leedahay Taywan waxa uu caawiyey dedaallada Somaliland u gashay in Maraykanku aqoonsado. Ka hortagidda in Shiinuhu awooddiisa ku ballaadhiyo Badda Cas iyo xidhiidhka adag ee ay Somaliland la gashay Taywan, ayaa ay Somaliland ku doonaysay in ay Maraykanka kaga hesho aqoonsi. Dedaalladani waxa ay keeneen in Muuse Biixi safar ku tago Maraykanka sannadkii 2022-kii. Bishii labaad ee sannadkan, Taywan waxa ay sheegtay sannadda soo socda in ay kordhin doonto xafiisyada ku meteli doona Afrika. Arrinkani waxa uu u muuqan karaa mid adag, xilli Muuse Biixi doorashada waayay, awoodda Shiinuhuna kusii fidayso Afrika ka dib shirkii sannadkan ka dhacay magaalada Bakiin ee Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha. Shirkan waxa ka soo qaybgalay dhammaan dalalka Afrika eek u jira Midawga Afrika marka hal dal laga reebo, dhammaan dalalkaas ka qaybgalay shirka oo aaminsan mabda’a midnimada Shiinaha. Dalka kaliya ee ah saaxiibka Taywan ku leedahay qaaradda ayaa ah Eswatini. Dekad lagu beddesho aqoonsi Istiraatiijiyadda labaad ee Somaliland samaysay waa is-afgaradkii Itoobbiya, oo ay ku doonayso in aqoonsiga lagu beddesho bad bad . Istiraatiijiyaddii hore ee xidhiidhka Taywan marka uu keeni waayay aqoonsigii Somaliland raadinaysay, Muuse Biixina istusay guuldarrada doorashada uu kala kulmi karo, waxa uu u gudbay in uu Itoobbiya la gaadho afgarad. Tallaabadan oo uu ka caawiyey siyaasiga reer Ingiriis ee Maykal Ellis. Waa heshiis dhigaya in Itoobbiya badda Somaliland ku yeelato dhul dhinac kasta u dhan labaatan kiiloomitir, Itoobbiya oo xarun u ah Midawga Afrika na ay Somaliland aqoonsato, kalana shaqayso in dalalka kale ee Afrika waddadaas la qaadaan. Inkasta oo Itoobiya ay Somaliland siisay dhul ay safaarad ka dhisato oo Addis Ababa ku yaalla, haddana isafgaradkii badda ee Somaliland iyo Itoobiya waa uu fashilmay, waxaanu u muuqdaa in uu keliya ahaa istiraatiijiyad Muuse Biixi ku rabay in mar kale lagu soo doorto. Dhinaca kale, isafgaradku waxa khilaaf xooggan ka abuuray gobolka iyo meelo kaxsanba, waxaanu khilaafka u weyni ka dhex abuurmay labada dal ee Itoobbiya iyo Masar, oo labaduba xidhiidh adag la leh Shiinaha, ahna laba xubnood oo ku cusub ururka BRICS. Is-afgaradkaas ka dib, waxa kale oo gobolka gilgilay heshiiska difaac ee Soomaaliya iyo Masar wada galeen, heshiiskan awgii oo ay Masar hub iyo ciidanba keentay Muqdisho laguna heshiiyey in Masar qayb ka noqoto ciidamada Midawga Afrika ee nabad ilaalin ahaan loo keeni doono Soomaaliya. Doorashada Somaliland waxyar ka hor, waxa sidoo kale isbahaysi saddex dhinac ah samaystay Soomaaliya, Eretariya iyo Masar, isbahaysigan oo ujeedkiisu yahay in laga hortago damaca Itoobbiya ku doonayso badda. Tallaabooyinka Muuse Biixi qaaday sannadihii dambe waxa ay abuureen khilaaf iyo dagaal Somaliland dhexdeeda ah. Bulshada Laascaanood oo doortay in ay ka mid noqdaan Soomaaliya, waxa ay Somaliland kaga jaawbtay dagaal ka dhacay Laascaanood, bishii Ogos ee 2023-kiina, dadka dagaalkaas ku dhintay waxa lagu qiyaasay 300 oo qof, halka boqollaal kunna ku barakaceen. Dagaalkani, waxa uu wiiqay deggenaanshihii Somaliland iyo in aanay doorasho ka dhicin qayb ka mid ah gobolka Sool. Jabkii Somaliland ka soo gaadhay dagaalka Laascaanood waxa uu hordhac u ahaa guuldarrada Muuse Biixi kala kulmay doorashadii 13-ka Noofambar. Safiirka Somaliland u jooga Taywan, Maxamed Xaaji, iyo Taywan lafteeduba waxa ay dagaalka Laascaanood ku eedeeyeen Shiinaha oo farageliyey siyaasadda Somaliland, waana eed machadka Maraykanka ah ee AEI, oo xaruntiisu tahay Washinton uu xaqiijiyey. Dagaalka bariga Somaliland waxa uu hoos u dhigay sumcaddii Somaliland, waxa kale oo uu hoos u dhac ku yimid maalgashigii, sababo la xidhiidha cabsida laga qabay in deggennaan la’aantu sii baahdo. Siyaasadda Shiinaha ee midnimada Soomaaliya Shiinuhu, waxa uu kaga jawaabay iskaashiga Somaliland iyo Taywan in uu dardargeliyo siyaasaddiisa “midnimada Soomaaliya”, oo ah siyaasad Midawga Afrikana taageersanyahay. Dhinaca kale, Itoobbiya oo ka mid ah saaxiibbada istiraatiijiga ah ee uu Shiinuhu ku leeyahay Afrika, shirkado iyo wershado badan oo Shiine ahina ku yaallaan, Shiinuhu waa uu aqbalay isafgaradka Itoobbiya iyo Somaliland, isaga oo weli aaminsan siyaasaddiisa midnimada Soomaaliya, waxaanu ku baaqay in la ilaaliyo madaxbannaanida Soomaaliya. Shiinuhu, waxa uu Taywan ku tuhmay in ay ku xadgudubtay madaxbannaanida Soomaaliya. Sannadkii 2020-kii Shiinuhu waxa uu Somaliland usoo bandhigay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, oo jidad iyo madaarro ku jiraan, isaga oo shardi uga dhigay in ay xidhiidhka u jaraan Taywan, codsigan oo ay Somaliland diidday. Doorashada ka dib, Shiinuhu waxa uu xoogga saarayaa in uu dardar geliyo iskaashi uu la sameeyo dalalka gobolka, oo ay Somaliland ka mid tahay. In kasta oo Shiinuhu laga soo bilaabo 2017-kii uu ciidan ahaan u joogay dalka Jauuti, haddana dekedda Berbera waxa uu u arkaa mid ka mid ah dekedaha ugu muhiimsan Afrika. Dalal saaxiib la ah Shiinaha, xubnana ka ah BRICS, ayaa maalgashaday Berbera, sida Imaaraadka iyo Itoobbiya, Hindiyana waxa ay Berbera u aragtaa deked lagu beddelan karo Jabuuti oo cammiran. Shiinuhu waxa uu dejiyey barnaamijka “Nabadaynta iyo Horumarinta Geeska Afrika” oo uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Shiinaha Wang Yi ku dhawaaqay 2022-kii. Shiinuhu, waxa uu Geeska Afrika u soo magacaabay ergey gaar ah, Xue Bing, si uu uga shaqeeyo fulinta barnaamijkan. Somaliland waxa ay ku jirtaa meelaha la rabo in laga fuliyo barnaamijka, sidoo kalena waxa la rabaa in nabad la dhex dhigo dalalka xurguftu dhextaallo ee Ereteriya, Itoobbiya, Soomaaliya iyo Masar. Maxaa laga filayaa Trump? Soo laabashada Trump runtii waxa ay caqabad cusub ku noqonaysaa siyaasadda Geeska Afrika, waxaanay samaynaysaa jiho cusub, Trump-na waxa uu diyaar u yahay in uu dib u eego Somaliland. Muddo-xileedkiisii hore, kolkaas oo Shiinuhu saldhig ciidan ka samaystay Jabuuti, Trump waxa uu xidhiidho aan toos ahayn la sameeyey Somaliland si uu awoodda Shiinaha ee gobolka uga hortago. Doorashadan Somaliland ka dhacday ka dibna, waxa suurogal ah in Trump sii adkeeyo xidhiidhka Somaliland, siina wado qorshihii Biden ee Maraykanku saldhig kaga dhisanayay Berbera. Waxa kale oo suurogal ah in Taywan ay Maraykanka ku qanciso in uu dardar geliyo iskaashiga Somaliland. Trump, waxa uu la kulmayaa cadaadis weyn, gaar ahaan kooxo reer Ingiriis ah oo ku riixaya in uu garab istaago dimuqraadiyadda iyo deggenaanshaha Somaliland, una aqoonsado dal madaxbannaan. Si kasta oo ay ahaataba, in Maraykanku aqoonsado Somaliland waa mashruuc aan weli far ka qodnayn. Maqaalkan waxaa laga soo turjumay madash PanAfrican Review Qaran News
  8. Madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa qaabilay kulan gaar ahna la qaatey badhasaabada Gobalada Somaliland oo booqasho , duco iyo Salaan ugu yimid. Sidoo kale waxa kulan kaas la midbahna la qaatay Xoghayaha dawladda hoose ee Hargeysa Qaran News
  9. Kismaayo (Caasimada Online) –Maxkamadda Darajada koobaad ee Degmada Kismaayo ayaa soo saartay waaran soo qabasho iyo horkeenis Maxkamadeed ah oo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ina Suuban Sabriye Axmed ay u jartay. “Maxkamadda Darajada koowaad ee Degmada Kismaayo waxa ay aqbashay Codsiga sare ku xusan ee ka soo baxay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Jubbaland.” “Sidaas Darteed, Waxaa la farayaa Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowladda Jubaland ee wargadani sida tooska ah ugu socoto in aad soo gabatid, isla markaana horkeentid Maxkamadda Darajada koowaad ee Degmada Kismaayo Eedeysane Xasan Sheekh Maxamuud Calasow ina Suuban Sabriye Axmed ku dhashay Jalalaqsi, taariikh 1955,” ayaa lagu yiri qoraalka Jubbaland. Jubballand waxay sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu jebiyey qodobo dastuuri ah, isla markaana uu ku kacay faldambiyeed lid ku ah Wadajirka iyo Midnimada Ummada Soomaaliyeed. “Wuxuu ku kacay (Khiyaamo Qaran) iyo falal u daneenaya Codowga umadda Soomaaliyeed (Khawaarijta) xilli dagaal lagula jiro,” ayaa lagu yiri eedeynta Jubbaland ay u jeedisay Madaxweynaha Qaranka. Sidoo kale Jubbaland waxay Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeysay in uu ku kacay falal dambiyeedyo burburin, dil iyo hurin dagaal Sokeeye isugu jira. “Waxaa loo heystaa abaabulidda kacdoon hubeysan oo lagu burburinayo nimaadka dastuuriga ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka uu caawa soo saaray maamulka Axmed Madoobe. Waaranka ay Jubbaland u jartay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa jawaab u ah, waaran maanta maxkamadda gobolka Banaadir ay u jartay Madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana Taliyaha Booliska la faray in Axmed Madoobe lasoo qabto oo sharciga la horkeeno.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo war ka soo saaray xildhibaanadii maanta baarlamaanka ku dhex feeray askarta ayaa si adag u cambaareeyay falkaas, isagoo ku tilmaamay “xadgudub ay qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS u geysteen askar ka tirsan ciidanka boliiska, xilli ay gudanayeen waajibaadkooda shaqo.” Qoraal ka soo baxay xafiiska Taliyaha Booliska Jeneraal Asad Cismaan Diyaano ayaa lagu yiri “Waa arrin aad loola yaabo in xubno sharci-dejiye ah oo metelaya shacabku ay ku kacaan fal noocan ah, oo dhaawacaya sharafta hay’adaha ammaanka iyo ilaalinta sharciga.” Taliyaha ayaa askarta lagu xad-gudbay ku bogaadiyey dulqaadka ay muujiyeen iyo sida ay u guteen waajibkooda, iyagoo aan ka falcelin gacan qaadkii loo geystay. “Taliska Booliska Soomaaliyeed wuxuu bogaadin iyo dhiirigelin u dirayaa askarta muujisay dulqaad, bisayl, iyo xirfad ay ku maareeyeen xaaladda, iyagoo ka fogaaday falcelin ka baxsan anshaxa shaqadooda,” ayaa lagu yiri qoraalka. Taliska booliska oo shaaciyey tallaabada la gudboon ayaa sheegay in falkaan loo gudbi doono guddiga anshaxa ee baarlamaanka iyo xeer ilaalinta qaranka, si sharciga loo marsiiyo xildhibaanadii ku kacay. “Falkaan xadgudubka ah waxa si rasmi ah loogu gudbin doonaa Guddiga Anshaxa ee Baarlamaanka iyo Xeer Ilaalinta Qaranka si tallaabo sharci ah looga qaado cid kasta oo ku lug lahayd,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay xafiiska Taliye Asad Diyaano. Dhinaca kale, Taliyaha Boliiska oo Isbitaalka Madiina ku booqday dhaawacyada askartii lagu feeray kulanka baarlamaanka, kuwaas oo lala tacaalayo xaaladooda caafimaad, isagoo u rajeynaya bogsiin degdeg ah. “Booliska Soomaaliyeed waa tiirka ugu muhiimsan ee sugaya nabadda iyo amniga, waana saaxiibka muwaadinka, mar walbana diyaar u ah inuu u adeego bulshada si hufan oo sharaf leh,” ayuu yiri Taliyaha Booliska.
  11. Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Dooxa uga qayb-galay shirka la-dagaallanka musuqmaasuqa ee dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka. Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Xasan Macalin Maxamuud ayaa ka qayb galay shirka wasiirrada ee hay’adaha fulinta sharciga ee la-dagaallanka musuqmaasuqa, oo ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar oo ayna soo qaban-qaabiyeen dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista iskaashiga ka dhaxeeya dalalka xubnaha ah Ururka Iskaashiga Islaamka si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, laguna dhiirrigeliyo isla-xisaabtanka iyo hufnaanta hay’adaha dowliga ah. Wasiir Xasan Macallin oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo iskaashi ballaaran oo heer caalami ah si loo ilaaliyo cadaaladda loona yareeyo musuqmaasuqa, asagoo soo bandhigay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka waddo hormarinta hufnaanta iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowliga ah. Wasiirka ayaa ugu dambeyn ku boorriyay dalalka xubnaha ah Ururka Iskaashiga Islaamka inay is-dhaafsadaan khibradaha iyo farsamooyinka la-dagaallanka musuqmaasuqa, si loo gaaro yoolalka guud ee lagu xaqiijinaayo cadaaladda iyo hufnaanta hay’adaha dowliga ah. Baaqa Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud ayaa qeyb ka ah dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo dhisidda hay’ado dowladeed oo hufan. Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi uga furay shir heerkiisu sareeyo oo looga arrinsanayo qorshaha gaaritaanka heshiis bulsho. Shirkaan oo sidoo kale diirada lagu saarayo sare u qaadidda dakhliga gudaha ee dowladda Soomaaliya oo hadda la qorsheynayo in la gaarsiiyo heer looga maarmi karo kaalmooyinka dibadda. Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb-galay qasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada XFS, qaar kamid ah xubnaha maaliyadda dowlad-goboleedyada, masuuliyiin kale oo ka socda Bangiga Adduunka iyo saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha maaliyadda. Sidoo kale waxaa qeyb ka ah xafiiska arrimaha bani’aadanimada ee Qaramada Midoobay iyo xubno matalayay ururada bulshada rayidka iyo qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed. Wasiirka Maaliyadda oo furitaan khudbad ka jeediyay kulanka ayaa xaqiijiyay in dowlada federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda, sare uqaadidda dakhliga gudaha iyo dhameystirka wada-xaajidka deyn cafinta Soomaaliya. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay sida ay muhiim u tahay in dakhliga gudaha ay Dowladda kor u qaado, si loo gaaro horumar dhaqaale oo qeyb ka ah adeegga bulshada. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa doodo muhiim ah iyo su’aalo ku saabsan casriyeynta, sare u qaadidda, iyo horumarinta dakhliga iyo cashuuraha oo laga weydiinayay madaxdii ka soo qeyb gashay shirka.
  13. Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay falka xadgudubka ah ee ay qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS u geysteen askar ka tirsan ciidanka boliiska, xilli ay gudanayeen waajibaadkooda shaqo. “Waa arrin aad loola yaabo in xubno sharci-dejiye ah oo metelaya shacabku ay ku kacaan fal noocan ah, oo dhaawacaya sharafta hay’adaha ammaanka iyo ilaalinta sharciga”ayaa lagu yiri war kasoo baxay taliska Ciidanka boliiska Soomaaliyeed. Taliska Boliiska Soomaaliyeed wuxuu bogaadin iyo dhiirigelin u diray askarta muujisay dulqaad, bisayl, iyo xirfad ay ku maareeyeen xaaladda, iyagoo ka fogaaday falcelin ka baxsan anshaxa shaqadooda. Falkaan xadgudubka ah waxa si rasmi ah loogu gudbin doonaa Guddiga Anshaxa ee Baarlamaanka iyo Xeer Ilaalinta Qaranka si tallaabo sharci ah looga qaado cid kasta oo ku lug lahayd. Dhinaca kale, Taliyaha Boliiska oo Isbitaalka Madiino ku booqday dhaawacyadaa askartaasi oo lala tacaalayo xaaladda caafimaad, isagoo u rajeynaya bogsiin degdeg ah. Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa goordhoweyd waaran soo qabasho u jartay Axmed Madoobe oo markii saddexaad 25-kii bishaan loo doortay madaxweynaha Jubbaland. Warqad kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu soo saaray amarkan oo dhigaya soo qabashada Axmed Madoobe, si loo horkeeno maxkamadda. “Maxkamadda gobolka Banaadir waxa ay aqbashay codsiga sare ku xusan (soo qabasho waaran) ee kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, sidaas darteed waxaa la farayaa taliyaha ciidanka booliska in aad soo qabatid, islamarkaana horkeentid maxkamadda gobolka Banaadif eedeysane Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe),” ayaa lagu yiri amarka soo qabasho ee kasoo baxay maxkamadda. Axmed Madoobe ayaa loo haystaa faldambiyeedyo lid ku ah wadajirka iyo midnimada qaranka Soomaaliya, taas oo macno ahaan noqoneysa “khiyaano qaran” sida lagu yiri qoraalka maxkamadda gobolka Banaadir. Sidoo kale waxaa qeyb ka ah eedeymaha loo haysto Axmed Madoobe faldambiyeed lid ku ah xof lala wadaago dal shisheeye, ujeedo dagaal lid ku ah qaranka Soomaaliyeed, sidoo kalena uu ku kacay faldambiyeed lid ku ah nidaamka iyo dastuurka dalka, sida ay sheegtay maxkamadda. Waaranka soo qabasho ee maxkamadda gobolka Banaadir u jartay Axmed Madoobe ayaa imanaya kadib markii golaha wasiirrada Soomaaliya ay garyaqaanka guud ee dowladda fareen inuu maxkamadda u gudbiyo dacwad ka dhan ah Axmed Madoobe. Golaha wasiirrada ayaa markaas qaraarkooda ku cadeeyey in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka 3-aad ee Jubbaland ay labaduba baal-marsan yihiin shuruucda dalka. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ciidamo u dirtay deegaanada maamulka Jubbaland, si looga hortago qorshaha Axmed Madoobe uu markale ku qabsaday xukunka, iyadoo laga deyrinayo in xiisadda isku rogto dagaal toos ah.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa goordhoweyd waaran soo qabasho u jartay Axmed Madoobe oo markii saddexaad 25-kii bishaan loo doortay madaxweynaha Jubbaland. Warqad kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu soo saaray amarkan oo dhigaya soo qabashada Axmed Madoobe, si loo horkeeno maxkamadda. “Maxkamadda gobolka Banaadir waxa ay aqbashay codsiga sare ku xusan (soo qabasho waaran) ee kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, sidaas darteed waxaa la farayaa taliyaha ciidanka booliska in aad soo qabatid, islamarkaana horkeentid maxkamadda gobolka Banaadif eedeysane Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe),” ayaa lagu yiri amarka soo qabasho ee kasoo baxay maxkamadda. Axmed Madoobe ayaa loo haystaa faldambiyeedyo lid ku ah wadajirka iyo midnimada qaranka Soomaaliya, taas oo macno ahaan noqoneysa “khiyaano qaran” sida lagu yiri qoraalka maxkamadda gobolka Banaadir. Sidoo kale waxaa qeyb ka ah eedeymaha loo haysto Axmed Madoobe faldambiyeed lid ku ah xof lala wadaago dal shisheeye, ujeedo dagaal lid ku ah qaranka Soomaaliyeed, sidoo kalena uu ku kacay faldambiyeed lid ku ah nidaamka iyo dastuurka dalka, sida ay sheegtay maxkamadda. Waaranka soo qabasho ee maxkamadda gobolka Banaadir u jartay Axmed Madoobe ayaa imanaya kadib markii golaha wasiirrada Soomaaliya ay garyaqaanka guud ee dowladda fareen inuu maxkamadda u gudbiyo dacwad ka dhan ah Axmed Madoobe. Golaha wasiirrada ayaa markaas qaraarkooda ku cadeeyey in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka 3-aad ee Jubbaland ay labaduba baal-marsan yihiin shuruucda dalka. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ciidamo u dirtay deegaanada maamulka Jubbaland, si looga hortago qorshaha Axmed Madoobe uu markale ku qabsaday xukunka, iyadoo laga deyrinayo in xiisadda isku rogto dagaal toos ah.
  16. 27/11/2024-Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa Arbacada maanta ansixisay natiijada rasmiga ah ee doorashada Madaxweynaha iyo Ku Xigeenka Madaxweynaha taasi oo muddadii uu sharcigu u ogolaanayay in laga keeno cabasho uu wakhtigeedu dhacay, geesta kale Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa sheegtay in ansixinta natiijada rasmiga ah ee doorashada Ururrada iyo Axsaabta Qaranka muddadii sharcigu u ogolaa ku egtahay maalinta sabtida ee bishu tahay 30. Maxkamadda Dastuuriga ah oo ka kooban Guddida Garsoorka ee kala ah Aadam Xaaji Cali Axmed …………………Guddoomiye Maxamed Cumar Geelle……………………Xubin Cabdiqaadir Axmed Maxamuud………Xubin Axmed Diiriye Qaalib……………………….Xubin Maxamed Faarax Siciid……………………..Xubin Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan……….Xubin Cali-shucayb Sh. Ibraahin Nuur………Xubin 8.Yaxye Cali Idiris …………………………………..Xubin Cabdilaahi Cabdi Aadam………………….Xubin Cabdiraxmaan Xasan Nuur…………….Xubin Oo ay kaalinayso Sahra Ismaaciil Cabdilaahi. Waxay ansixisay in doorashada Madaxweynaha uu ku guulaystay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal, halka Ku-xigeenka Madaxweyne uu ku guulaystay Mudane Maxamed Cali Cabdi Maxamuud oo labaduba ka sharaxnaa Xisbiga Waddani. Wa bilaahi tawfiiq. Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) — Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa raadjoogta nin ay shaacisay sawirkiisa oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ninkan oo magaca uu isticmaalo ay NISA ku sheegtay Cabdifitaax Xuseen Ibraahim Isaaq ayaa wuxuu qaraxyo soo geliyay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. NISA ayaa shaacisay sawirka ninkaan iyo magaca uu isticmaalo oo aan aheyn kiisa rasmiga ah, sida lagu sheegay wargelin rasmi ah oo kasoo baxday hay’adda. “NISA waxa ay ku raad joogtaa dhagar-qabaha sawirkiisu idiin muuqdo oo isticmaala magaca Cabdifitaax Xuseen Ibraahim Isaaq oo aan ahayn kiisa rasmiga ah, waxa uu ku eedeysan yahay in uu qaraxyo soo galiyay Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shacabka Muqdisho iyo nawaaxigeeda ku nool ka codsatay inay kusoo wargeliyaan haddii ay helaan xog ku saabsan ninkaan. “Haddaba muwaadin haddii aad heyso xogta dhagar-qabahan la wadaag Hay’adaha amniga si looga hortago dhagartiisa, sidoo kalana ku guuleyso abaalmarin,” ayaa lagu yiri qoraalka. NISA ayaa horey usoo qabatay shabakado ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo qeyb ka ahaa amni darrada magaalada Muqdisho, oo haatan kasoo reysaneysa arbushaadoo argagixisada.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) — Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa raadjoogta nin ay shaacisay sawirkiisa oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ninkan oo magaca uu isticmaalo ay NISA ku sheegtay Cabdifitaax Xuseen Ibraahim Isaaq ayaa wuxuu qaraxyo soo geliyay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. NISA ayaa shaacisay sawirka ninkaan iyo magaca uu isticmaalo oo aan aheyn kiisa rasmiga ah, sida lagu sheegay wargelin rasmi ah oo kasoo baxday hay’adda. “NISA waxa ay ku raad joogtaa dhagar-qabaha sawirkiisu idiin muuqdo oo isticmaala magaca Cabdifitaax Xuseen Ibraahim Isaaq oo aan ahayn kiisa rasmiga ah, waxa uu ku eedeysan yahay in uu qaraxyo soo galiyay Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shacabka Muqdisho iyo nawaaxigeeda ku nool ka codsatay inay kusoo wargeliyaan haddii ay helaan xog ku saabsan ninkaan. “Haddaba muwaadin haddii aad heyso xogta dhagar-qabahan la wadaag Hay’adaha amniga si looga hortago dhagartiisa, sidoo kalana ku guuleyso abaalmarin,” ayaa lagu yiri qoraalka. NISA ayaa horey usoo qabatay shabakado ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo qeyb ka ahaa amni darrada magaalada Muqdisho, oo haatan kasoo reysaneysa arbushaadoo argagixisada.
  19. Maxkamadda Gobolka Banaadir, gaar ahaan Qeybta Ciqaabta, ayaa soo saartay amar culus oo ku saabsan soo qabashada iyo horkeenista eedeysane Axmed Maxamed Islaan, oo sidoo kale loo yaqaano Axmed Madoobe. Amarkan ayaa la xiriiriyay kiisas culus oo lagu eedeeyay, kuwaas oo khatar weyn ku ah midnimada iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed. Qoraalka maxkamadda oo ku asteysan sumadda MGB/DCL/1531/2024, ayaa lagu sheegay in amarkan lagu soo saaray kadib codsi ka yimid Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyadoo eedeysanaha lagu tuhunsan yahay inuu galay dambiyo waaweyn oo ay ka mid yihiin: Khayaano Qaran – falal liddi ku ah midnimada qaranka Soomaaliyeed. La shaqeynta dalal shisheeye – iyada oo la sheegay inuu ku lug lahaa ficillo wax u dhimaya qarannimada Soomaaliya. Falal ka dhan ah dastuurka iyo nidaamka dalka – oo khilaafsan qodobo muhiim ah oo ka mid ah Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (Qod. 184, 186, iyo 217). Maxkamadda ayaa ku wargelisay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed inuu fuliyo amarkan si degdeg ah, oo eedeysanaha loo horgeeyo maxkamadda si waafaqsan sharciga dalka. Qoraalka ayaa sidoo kale xusay in tallaabadan ay lagama maarmaan tahay si loo ilaaliyo danta guud iyo jiritaanka qaranka. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamed, oo saxiixay amarkan, ayaa adkeeyay muhiimada fulinta amarada sharciga ah si loo xaqiijiyo in cid walba oo lagu helo falal wax u dhimaya qaranka lala xisaabtamo, iyadoo loo marayo nidaamka sharciga ah. Source: goobjoog.com
  20. Gudoomiyaha xisbiga Waddani mufane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa beeniyay wararka sheegaaya in uu noqon doono wasiirka cusub ee arimha gudaha iyo wasaarad kale toona ee xukuumadda madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu soo dhisi doono. Gudoomiye Xirsi waxa uu sheegay in aanu wax xil ah aanu ka rabin xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro ee uu ku eekaan doono armiha xisbiga Waddani ee gudoomiyaha ka yahay. Waxa suuqa aad ugu jira warar kala noc nooc ah oo lagu faafinaayo baraha bulshada iyo maqaaxiyaha ay bulshadu ku kalanto oo wasaarad kasta la sheegaayo wasiirka cusubee qaban doona taasi oo lagu tisaayo shaqsiyaad aan waxba kala socon oo laga been abuuranaayo. Hadaa masuul ka tirsan xisbiga Waddani ayaa noo xaqiijiyay in aan cida uu madaxweyne Cirro magacaabo doono aan isaga mooyee cid kale ogayn dhamaan wararka suuqa yaacayaana ay been yihiin waxana uu raaciyay in la arki foono uun marka uu isagu ku dhawaaqo Qaran News
  21. The Court of Benadir, a region of the Somali capital Mogadishu, has issued an arrest warrant against the president of the Jubail regional state, Ahmed Islam Mohammed, known as “Madobe”. Source: Hiiraan Online
  22. Hargeisa (HOL) — Somaliland’s Supreme Court on Wednesday officially declared opposition candidate Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro the winner of the presidential election, endorsing the earlier announcement by the Somaliland National Electoral Commission. Source: Hiiraan Online
  23. Cooperation with Somaliland will continue under newly-elected President Abdirahman Mohamed Abdullahi, Wang Wen-Lin , a counselor in Taiwan foreign ministry’s Department of Asian and African Affairs, said on Tuesday (Nov. 26). Wang said Abdullahi remains committed to seeking international recognition for Somaliland, Liberty Times reported. During the presidential campaign, Abdullahi reiterated that ties with Taiwan would not change under his leadership. Wang mentioned that the Taiwan representative office in Somaliland maintains connections with his Waddani Party. The counselor said Taiwan and Somaliland cooperate in public health, information technology, agriculture, and education. Two key projects in Somaliland are underway, including a road infrastructure project and a medical center. The “Taiwan Road” was announced in September and will connect the nation’s Egal International Airport to its capital Hargesia. The Taiwanese government agreed to provide US$1.85 million, approximately 70% of the total cost, with Hargeisa Municipality covering the remaining 30%. In October, Taiwan pledged US$22 million to design and construct a medical center at Hargeisa Group Hospital. The Taiwan Medical Center will be a two-story building with 97 beds to increase the hospital’s capacity to nearly 600 beds, according to Representative Allen C. Lou (羅震華). The representative office said Taiwan “is proud to support Somaliland’s democratization.” The office looks forward to advancing people-centered cooperation between the two countries. By Taiwan news Qaran News
  24. Kismaayo (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, waxaana ay isku rogtay dagaal toos ah, iyada oo labada dhinac ay shalay ku dagaalameen aagda deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. Warar hoose oo soo baxayo ayaa haatan sheegaya in Jubbaland oo ka hortageyso duulaanka dowladda dhexe ay ciidamo badan ku diyaarsatay deegaamo ka tirsan xadka Kenya iyo Soomaaliya, si ay qayb uga noqdaan xiisadda soo korortay. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in ciidamadaas oo loo dhammeystiray qalabkooda ay soo gaari doonaa aagga degmada Badhaadhe oo haatan ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan dowladda oo diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhammaan ciidamada Jubbaland la geliyay heegan buuxa, waxayna u dhaqaaqeen deegaannada hoosyimaada Raas-gambooni iyo Kismaayo oo hadda ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Jubbaland oo ka hadashay dhaq-dhaqaaqyadan ayaa sheegtay inay la dagaalameyso wax ay ku sheegtay maleeshiyo beeleedyo laga soo abaabulay magaalada Muqdisho. Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dhankooda ciidamada dowladda ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo culus oo ay ku doonayaan inay usgu ballaariyaan gobolka Jubbada Hoose. Waxaa kale oo jirta in ku dhowaad 100 askari oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland inay shalay isku dhiibeen dowladda, taas oo xaaladda kusii xumeyneyso Axmed Madoobe. Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo ka hortimid dub u doorashada Axmed Madoobe ayaa dooneyso in gebi ahaanb lasoo afjaro maamulkiisa, si meesha looga saaro.