-
Content Count
211,032 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Cirka Soomaaliya ayaa si toos ah ugu biiray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka, si ay doorkooda uga qaataan howlgallada xoreynta ah ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa ciidanka Cirka kusoo badhigtay furimaha hore ee dagaalka, waxayna sheegtay inay ka qayb-qaataan halganka xoreynta ah ee haatan socda. Ciidamadan ayaa wata qalab dhameystiran iyo diyaaradaha dagaalka, gaar ahaan kuwa qumaatiga u kaca oo ka qayb qaadanaya howlgallada ka socda gobollada dalka. Diyaaradahan ayaa waxaa leh dowladda Soomaaliya, waxayna soo iibsatay markii laga qaaday cunaqabateynta hubka oo ahayd guul wayn oo usoo hoyatay Soomaaliya. Ujeedka ugu wayn ee ciidamada cirka iyo biiristooda dagaalka ayaa ah inay hawada ka taageeraan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee la dagaalamaya Al-Shabaab. Tani ayaa ka qayb-qaadaneyso in hormar laga gaaray howlgallada ka socda dalka, waxaana tallaabo kale oo loo qaaday dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka iyo qalabeyntooda. Soomaaliya waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo lagu xoreeyay dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka. The post Diyaaradaha dagaalka iyo ciidanka cirka Soomaaliya oo ku soo biiray dagaalka… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batrolka Macdanta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa shaaciyay xog cusub oo ku aadan qodista ceelka shidaalka ee ku yaalla gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya. Wasiirka oo faah-faahinayay heshiiska shidaal qodista Soomaaliya ayaa sheegay in shirkad laga leeyahay dalka Qatar ay kula heshiiyeen ceelka shidaalka ee Hol-Hol, isla markaana ay dhawaan bilaabi doonto shaqada. Cabdirsaaq Cumar Maxamed ayaa ka gaabsaday inuu faah-faahin dheeraad ah ka bixiyo sida loo wajaho shidaal qodista, balse wuxuu xaqiijiyay in shirkaddu ay la galeen heshiis rasmi ah. “Waxaan rajeynayaa in Hol-hol shirkadda Qatar ee aan heshiiska la galnay way sameyn doonaan wixii baaris ah, heshiiska ayayna qayb ka tahay intaas ayaa uga baxaa ma rabo inaan faah-faahin kale sii galo, jadwal ay leeyihiin, kaas ayaynka ku soconayaan” ayuu yiri wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta Puntland oo si weyn u diidan, wuxuuna sheegay inay isku dayeen inay qanciyaan, balse ay ka biyo diiday arrimaha shidaalka iyo baaristiisa. “Waa isku deynay in dhanka Puntland aan ka sameyno cabir nasiib darro State-ka Puntland waxaan aargnaa in uusan diyaar u ahayn in cabir loo sameeyo” Wasiirka Batrolka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in heshiiskan aan la horgeyn doonin baarlamaanka, isaga oo ku dooday inuu yahay mid u dhexeeyo kaliya wasaaradda iyo shirkadda Qatar ee la saxiixay ceelka shidalka ee Hol-Hol “Waxaan kale oo aan rabaa inaan sheego heshiisyada aan galnay looma baahna baarlamaanka in la marsiiyo oo ma’aha heshiisyo caalami ah, waa heshiisyo shirkad iyo wasaaradda ka dhexeeya” ayuu sii raaciyay. Soomaaliya ayaa dhowaan qorsheyneysa inay bilowdo shidaal qodista, waxaana tallaabadii ugu horreysay arritaan u qaaday dowladda Turkiga iyo marab baaris ah usoo dirtay Soomaaliya. The post Xog cusub oo ku saabsan qodista ceelka shidaalka Hol-Hol ee laga helay gobolka… appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ganaaxay xisbiyada Waddani iyo Kulmiye, kuwaasi oo haatan si weyn ugu loolamaya doorasooyinka Somaliland. Guddiga anshaxa iyo kormeerka doorashooyinka Somaliland ayaa labada xisbi ku xukumay ganaax lacageed, kadib markii uu sheegay inay jabiyeen xeerka anshaxa iyo hab-dhaqanka xisbiyada iyo ururrada siyaasadda Somaliland. Labada xisbi ayaa waxaa midkiiba la dul dhigay ganaax lacageed dhan 10 milyan oo lacagta Somaliland ah, iyada oo guddiga uu ku hanjabay in hadii labada xisbi ay u hogaansami waayan xeerarka doorashooyiinka iyo xilliyada loo asteeyay ololaha in laga joojin doono maalmaha ay xaqa u leeyihiin. “Waxaanu ku ganaaxnay labada xisbi ee kala ah Waddani iyo Kulmiye min 10 milyan oo shilinka Somaliland ah, sidoo kale waxaan ka joojinya socdaalada ollolaha u eg ee ay ku jiraan labada xisbi,” ayuu yiri Aadan Xuseen Maxamed oo ah guddoomiyaha guddiga anshaxa. Waxa uu intaas kusii daray ““Cidii aan u hoggaansamin awaamiirtan waxa ay weyn doontaa mid kamid ah maalmeheeda olole ee ay xaqa u leedahay.” Guddiga ayaa sidoo kale waxay maanta soo saareen go’aamo adag oo lagu mamnuucay ololaha iyo isu-soo-baxyada xisbiyada/ururrada ee ka horeeya maalinta loo cayimay in uu bilaabmo Ololaha rasmiga ah oo ku beegan Sabtida 19 October 2024. Sidoo kale waxa uu guddiga mamnuucay in ololaha doorashada loo adeegsado gaadiidka dowladda, iyada oo looga digay shaqaalaha iyo laamaha amniga inay ku lug yeeshaan ololaha doorashada. The post Kulmiye iyo Waddani oo la ganaaxay maanta + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Beesha Arab ee gobolka Saaxil oo ku biirtay xisbiga Waddani
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
463208641_914490823874645_6404673939693613384_n Qaran News -
Qaahira (Caasimada Online) – Masar ayaa billowday inay dhisto howlgalkeeda milateri ee Soomaaliya ka hor inta aan la gaarin 31-ka December markaasi oo ku beegan xilliga ay dowladda Soomaaliya u qabatay in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan dalka, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo. Qaahira waxa ay sidoo kale tababareysaa oo ay taageeraysaa ciidamada ammaanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al-Shabaab. Masar iyo Soomaaliya, oo xubno ka wada ah Ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigiisu yahay magaalada Qaahira, ayaa bishii August kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca milateriga ah. Masar ayaa tan iyo markaas u soo dirtay Muqdisho hub, la-taliyayaal ciidan, tababarayaal iyo kumaandooska la-dagaalanka argagixisada. Kumanaan ka tirsan ciidamada Masar ayaa la filayaa in ay ku lug yeeshaan howlgalka milatari dhammaadka sanadka, sida ay sheegeen ilo-wareedyada. Itoobiya ayaa la rumeysan yahay inay Soomaaliya ka joogaan ilaa 22,000 oo askari. Ciidamada Itoobiyaanka waxay dalka ku joogaan heshiisyo laba geesood ah, halka qayb kale ay ku joogaan in ay ka mid ka yihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS. Masar ayaa ku dhawaaqday inay doonayso inay badasho ciidamada nabad ilaalinta ee Itoobiya dhamaadka sanadkan, iyadoo Soomaaliya ay si cad u taageertay. Qaar ka mid ah ciidamada Soomaalida oo ay taageerayaan la-taliyayaal Masaari ah, ayaa ilo-wareedyadu sheegeen, in mar hore loo diray marinnada saadka ciidamada Itoobiya, si ay uga hortagaan, haddii loo baahdo, isku day kasta oo Addis Ababa ay ku doonayso inay ciidamo dheeraad ah ugu soo dirto dalka ka hor inta aan la gaarin wakhtiga kama dambaysta ah ee bixitaanka. Ilo wareedyada ayaa shaaciyey in Itoobiya ay kordhisay ciidamadeeda Soomaaliya oo ay ku dartay 7,000, kana dhigtay 22,000 oo askari maalmo kadib markii ay Masar billowday inay hub iyo ciidan u dirto Soomaaliya. Waxay sidoo kale si dadban u dhaleeceysay doorka milateri ee Masar ay ku leedahay Soomaaliya. Madaxweynaha Itoobiya Taye Atske Selassie, oo xilligaas ahaa wasiirka arrimaha dibadda, ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in hubka “xoogagga dibadda ay uga sii dari doonto ammaanka jilicsan [Soomaaliya] oo uu ku danbeyn doono gacanta argagixisada”, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Itoobiya, isaga oo ula jeeday Al-Shabab. Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka jawaabaya hadalkaas ayaa yiri: “Sababta Itoobiya ku qasabtay hadalladan sumcad-xumada ah waa isku day ay ku doonayso in ay ku qariso hubka sharci darrada ah ee laga soo geliyo xudduudaha Soomaaliya, kaas oo gacanta u gala shacabka iyo argagixisada.” Masar iyo Itoobiya ayaa in ka badan 10 sano waxaa ka dhaxeeyey xiisad ka dhalatay biyo-xireenka Addis-Ababa ay ka sameysay webiga Nile oo ay halis u aragto Qaahira, oo 97% biyaheeda ugu tiirsan Nile. Ficilada Qaahira ee Soomaaliya iyo xiriirka sii kordhaya ee Eritrea ayaa xoojinaya go’aanka sii kordhaya ee Masar ay ku cadaadineyso Itoobiya inay heshiis ka gasho biya xireenka. Soomaaliya iyo Eretria labaduba waxay ku teedsan yihiin konfurta badda cas waxayna Itoobiya ka kala xigaan oo ay deris ka yihiin koonfurta iyo woqooyi siday u kala horreeyaan. Toddobaadki hore, madaxweynaha Masar Cabdifataax El Sisi iyo hogaamiyayaasha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ku kulmay magaalada Asmara halkaas oo uu ka dhacay shir madaxeed si weyn loo hadal hayay. El Sisi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea ayaa sheegay in dalkiisu “uu taageero nooc kasta ah u fidin doono dowladda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya si ay u soo celiso ammaankeeda” “Waxaan ka wada hadalnay talooyinka wax ku oolka ah si aan u bixinno caawimaaddan,” ayuu raaciyay. “Masar lama hari doonto wax dadaal ah ama talo ah si aan ugu u adeegno ujeedooyinka dadkeena iyo rabitaanka ummadaheena Geeska Afrika.” The post Xog: Masar oo billowday inay dhisto howlgalkeeda milateri ee Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay, qaar ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo uu kala hadlay in ay ka qeyb-qaataan dadaalada lagu xoojinayo Nabadda, dib u heshiisiinta, wadajirka bulshada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Kulankan oo uu ka qayb galay Taliye ku xigeenka koowaad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif) ayeey culimadu kusoo bandhigeen talooyin ku aaddan ilaalinta ammaanka dalka, dowlad dhiska iyo la dagaallanka aragtiyada gurracan ee kooxaha Argagixisada ah. Taliyaha ciidanka booliska oo dhowaan xilkaas loo magacaabay ayaa wada kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo masuuliyiinta laamaha nabad-gelyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Source: goobjoog.com
-
Munaasabadda Daah furka Qoraalka qorshaha Isbadalka Qaranka ayaa ka socota Magaalada Muqdisho waxaana goob joog ah munaasabadda Madaxweynaha Qaranka oo isagu si rasmi ah u daah furaya Barnaamijkaan, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda DanQaran iyo ku xigeenkiisa. Golaha Wasiirada Xukuumadda, xildhibaanno, masuuliyiin ka socota Beesha Caalamka iyo Marti sharaf kale oo lagu casuumay ayaa sidoo kale ka qeyb galaya Munaasabadda. Madaxweynaha iyo Madaxda kale ee Qaranka ayaa kormeeray qeybaha Laababka ee loo qeybiyey Barnaamijka isagoo Warbixin ka dhageystay Masuuliyiinta hormuudka ka ah qeybahaas. Source: goobjoog.com
-
Wefdi ka socda dowladda Masar oo maalgashanaya dekedaha Soomaaliya ayaa ku soo wajahan magaalada Muqdisho sida uu shaaciyay wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene. Wasiirka wasaaradda Dekedaha dalka Masar H.E. Kamel El Wazir iyo ganacsato u dhashay dalkaasi Masar oo maalgashanaya dekedaha Soomaaliya ayaa dhawaan imaanaya magaalada Muqdisho sida uu xaqiijiyay wasiir Beene-beene oo la hadlay wakaaladda SONNA. Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene ayaa tilmaamamay in ujeeddada safarka wefdigaasi ay tahay in ay dalka Soomaaliya ka hirgeliyaan mashaariic waaweyn islamarkaana maalgashiyo ku samaysan doona dekedaha dalka. Xiriirka u dhexeeya Masar iyo Soomaaliya ayaa sanadkan sare u kacay sabab la xiriira khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya kaasi oo ka dhashay heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi. PUNTLAND POST The post Dowladda Masar oo la sheegay in ay maalgashanayso dekedaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Maalinta Cuntada Adduunka, oo la xuso 16-ka Oktoobar sanad walba, waxay ku beegan tahay maalintii la aas-aasay Barnaamijka Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) sanadkii 1945. Munaasabaddan caalamiga ah ayaa loogu talagalay in lagu wacyigeliyo bulshooyinka caalamka ee ku saabsan muhiimadda cunnada, iyo sida looga hortagi karo cunto yaraanta, gaajada, iyo nafaqo-darrida ka jirta meelo badan oo dunida ah. Sidoo kale, xuskan wuxuu hoosta ka xariiqaa muhiimadda beeraha iyo sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka gudaha. Beeraleyda Soomaaliyeed iyo Dhibaatada Cunto Yarida. Dhinaca kale, 16-ka Oktoobar sidoo kale waxaa loo aqoonsaday maalinta lagu xuso Beeraleyda Soomaaliyeed, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaara sugnaanta cunnada dalka. Beeraha Soomaaliya ayaa ahaa isha ugu weyn ee dalka uu cunto uga helayay sanado badan, iyada oo gobollada Shabeelaha Hoose, Hiiraan, iyo Jubbooyinka ay ku caanbaxeen wax-soo-saar ballaaran oo kaalin weyn ka qaadan jiray amniga cunnada. Si kastaba ha ahaatee, beeraleyda Soomaaliyeed waxay weli la daalaa dhacayaan caqabado fara badan oo ay ka mid yihiin: Doorka Xukuumadda: Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn loogu dhaleeceeyay doorkeeda ku aaddan taageeridda beeraha. Ma jirto siyaasad qaran oo cad oo beeraleyda ka caawinaysa horumarinta wax soo saarka. Beeraleydu waxay la tacaalayaan dhibaatooyin sida helitaanka tababarro casri ah, qalabka wax soo saarka, iyo agabka beeraha, iyagoo inta badan ku tiirsan juhdiga gaarka ah ee bulshadooda. Saameynta isbedelka cimilada: Isbedelka cimilada oo sababay abaaro iyo fatahaado soo noqnoqday ayaa si weyn u dhaawacay wax soo saarka beeraha. Tan ayaa horseedday hoos u dhac ku yimaada isku filnaanshaha cunnada dalka, iyadoo beeraha badankood aysan la qabsan karin cimilada beddalka ah oo aan saadaalin karin. Hoos u dhac ku yimid tirada beeraleyda: Tirada beeraleyda Soomaaliyeed ayaa hoos u dhacday sanadooyinkii u dambeeyay, taas oo ugu wacan dhulalka beeralayda oo noqday kuwo colaado iyo abaaro ku dhaceen, iyo dhalinyaradii oo u hayaamay magaalooyinka ama qurbaha si ay shaqo u raadsadaan. Tani waxay sii kordhisay dhibaatada wax soo saarka gudaha. Xalka iyo Fursadaha Soomaaliya: Xoojinta Taageerada Beeraleyda: Dowladdu waa inay dejisaa qorshayaal istiraatiijiyadeed oo lagu horumarinayo beeraha iyo kaabayaasha ay u baahan yihiin beeraleyda. Tababarro farsamo iyo taageero dhaqaale ayaa muhiim u ah sidii loo kobcin lahaa wax soo saarka cuntada gudaha. Dhiirrigelinta Ganacsiyada Yaryar iyo Greenhouse-yada: Waxaa loo baahan yahay in si gaar ah loo taageero ganacsiyada yaryar ee beeraha iyo hirgelinta Greenhouse-yada si kor loogu qaado wax-soosaarka, gaar ahaan meelaha ay saamaynta cimilada iyo xaaladaha colaadeed culayska ku hayaan. Ka-hortaga Abaaraha iyo Isbedelka Cimilada: Dowladdu iyo hay’adaha caalamiga ah waa inay qaadaan tallaabooyin lagu yareynayo saamaynta isbedelka cimilada, sida soo celinta nidaamka waraabka iyo dhismaha kaydka biyaha. Dhiirrigelinta Suuqyada Maxalliga ah: Waxaa loo baahan yahay in la abuuro suuqyo furan oo beeraleyda Soomaaliyeed ay ku iibsan karaan wax-soosaarkooda, iyadoo la xoojinayo ganacsiga beeraha. Wada shaqaynta Dowladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah: Dowladda Soomaaliya waa inay si dhow ula shaqeyso hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah si loo hubiyo in taageerada la siiyo beeraleyda ay tahay mid waxtar leh oo waqti dheer lagu shaqayn karo. Gabagabadii, iyadoo Soomaaliya ay leedahay fursado ballaaran oo dhanka beeraha ah, haddana waxaa looga baahan yahay qorshe cad iyo taageero joogto ah si loo gaaro iskutashi cunnada ah oo dalka oo dhan laga hirgeliyo, taasoo si gaar ah u caawinaysa beeraleyda iyo bulshada ka soo barakacday abaaraha iyo colaadaha. Maalinta Cuntada Aduunka iyo xuska maalinta Beeraleyda Soomaaliyeed waa fursad loo adeegsan karo in lagu baraarujiyo xaaladda cakiran ee dhinaca cunnada iyo wax soo saarka, iyadoo loogu baaqayo dowladda iyo hay’adaha inay gacan ka geystaan xal waara oo loo helo Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Dowladaha Masar iyo Jabuuti ayaa kala saxiixday heshiis qandaraas heerkiisu sarreeyo oo ku saabsan dhismaha xarun Quwadda laga dhaliyo Cadceedda taasi oo laga dhisayo Jabuuti. Heshiikani oo lagu kala saxiixday shir fogaan-arag ah ayaa waxa mashruuciisa hirgelineysa islamarkaana maalgelineysa dowladda Masar waxaana la doonayaa in xarunta quwadda laga sameeyo gudaha magaalada Jabuuti. Heshiiskan ayaa waxaa Masar u saxiixay Wasiirka Korontada iyo Tamarta la Cusbooneysiin karo Maxamuud Essmat halka uu Jabuuti u saxiixay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jabuuti Yoonis Cali Guuleed. Wuxuu sidoo kale ka tarjumayaa sida ay labada dal xoogga u saarayaan in xal loo helo tamarta la cusbooneysiin karo loogana faa’iideysan karo khibradda ay Masar u leedahay horumarinta tamarta la cusbooneysiin karo. Jabuuti ayaa hadda inta badan korontadeeda waxay ku xiran tahay Itoobiya oo dhanka galbeed ay deris ka yihiin balse waxaa Jabuuti looga baahnaan doonaa inay la timaaddo hannaan ay uga bixi karto in ay dal kale ku tiirsanaato. PUNTLAND POST The post Dowladaha Masar iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis heerkiisu sarreeyo appeared first on Puntland Post.
-
Koox hubeysan ayaa Saddex ruux oo la sheegay in ay ahaayeen ganacsato ku leh dukaamo xaafadda Zoonakey ee degmada Hodan ku toogtay halkaasi sida ay xaqiijiyeen Goobjoogayaal. Dukaamada ayaa la sheegay in ay ku dhex jireen ragga la dilay. waxaana falkaan loo aaneeyay in ganacsatadaan dhawaan ay xirteen Kaamirooyinka amniga. Laba ka mid ah dadka la toogtay ayaa la sheegay in ay geeriyoodeen markii isbitaalka la geeyay. Dukaamada uu falku ka dhacay ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo isku dhagan. Kooxda dilka geystay ayaa goobta ka baxsatay iyadoo halkaasi ay gaareen Ciidanka Ammaanka Soomaaliya. Ciidanka Ammaanka ayaa soo furtay Kaamirooyinkii ku xirnaa dukaanka si loo aqoonsado Kooxda falka geysatay. Source: goobjoog.com
-
O Xoghayihii golaha dhexe ee Kulmiye Mustafe Waxdad oo is casilay kuna biiray Waddani iyo Xoghayihii hore ee xisbiga Kulmiye Xasan Siciid . Dhanka kale waxa jira xubno xilal ka haya xukuumadda Muuse Biixi oo wada hadal uu u socdo xosbiga Waddani kuwaasi oo lagu waddo in ay dhawaan ku soo biiraan xisbiga Waddani Qaran News
-
Guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Maxamed Mahdi ayaa ku baaqay in ay fadhi aan caadi ahayn isugu yimaadaan golaha dhexe ee Ururkaasi. Qoraal ka soo baxay guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Maxamed Mahdi ayuu ku ballamiyay in ay fadhi aan caadi ahayn isugu yimaadan dhammaan xubnaha golaha dhexe ee ONLF. Fadhiga oo qabsoomi doona 26 bishan October ayaa dib loogu qiimayn doonaa heshiiskii dhexmaray ONLF iyo Itoobiya lix sano ka hor oo ku beegnayd sannadkii 2018. Fadhiga ayaa sidoo kale dib loogu qiimayn doonaa xaaladda guud ee Itoobiya iyo tan Geeska Afrika iyo in laga doodo istiraatiijiyaddii ONLF ee mustaqbalka gobolkaas ee ay ku hawlgali lahayd. Halkan ka akhriso qoraalka PUNTLAND POST The post Golaha dhexe ee Ururka ONLF oo dib u qiimaynaya Heshiiskii ay kula jireen dowladda Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhowaan dalka imaanayaan wefdi ka socda Masar oo uu hoggaaminayo wasiirka dekadaha, islamarkaana ay weheliyaan qaar kamida madaxda shirkadaha waaweyn ee dalkaasi. Wasiirka Qorshaynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Beena-beene ayaa sheegay in wefdigani ay Soomaaliya kala xaajoon doonaan inay maalgshadaan dekadaha dalka, asagoo sheegay inay dhankooda qorshahaas aad u soo dhaweynayaan. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay xiisad xooggan badda ku saabsani ay kala dhexayso maamulka Abii Axmed ee hoggaanka u haya Itoobiya, islamarkaana Masar ay la safantahay dhinaca Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Islamic finance, established in the 1960s, has gained global traction due to its universal ethical principles. Even in the United States, it has been widely embraced, thanks to favorable environments and political backing. The country, known for financial innovation and economic prowess, has seen a surge in Islamic finance, rooted in ethical principles and Sharia compliance. This alternative financial system has piqued the interest of both Muslim and non-Muslim communities across the nation. Of particular appeal are Sukuk (Islamic bonds), which can be utilized by American entities and the US government to raise funds for various business, social, and educational initiatives. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Italy has pointed the finger at bureaucratic red tape for its abrupt halt in issuing visas to Somali nationals—a move that left many puzzled. Ambassador Pier Mario Daccò Coppi, in a rare candid statement, dismissed rumours of political maneuvering, attributing the freeze to administrative snags in the visa processing system. Source: Hiiraan Online
-
Maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa diidday codsi ay qareennada madaxweyne ku xigeenka Kenya ku doonayeen in golaha senate-ka laga joojiyo ka doodista mooshinka xil ka qaadistiisa. Xildhibaanada baarlamaanka Kenya ayaa Todobaadkii hore ansixiyay mooshin xilka looga xayuubinayo madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua kadib eedeymo loo jeediyay. Mooshinka xil ka qaadista madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua ayaa waxaa baarlamaanka ku ansixiyay 281-44 cod waxaana loo gudbiyay aqalka senate-ka kaasoo bilaabanaya maantaba. Gachagua ayaa wajahaya xil ka qaadis ka dhan ah musuq maasuq iyo wax is daba marin kale oo ay ku jiraan eedeymaha loo soo jeediyay ee ah inuu taageeray mudaaharaadyadii dowladda looga soo horjeeday bishii June. PUNTLAND POST The post Mooshinkii xilka qaadista Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo marxalad adag galay appeared first on Puntland Post.