-
Content Count
212,886 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, waxaana ay isku rogtay dagaal toos ah, iyada oo labada dhinac ay shalay ku dagaalameen aagda deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. Warar hoose oo soo baxayo ayaa haatan sheegaya in Jubbaland oo ka hortageyso duulaanka dowladda dhexe ay ciidamo badan ku diyaarsatay deegaamo ka tirsan xadka Kenya iyo Soomaaliya, si ay qayb uga noqdaan xiisadda soo korortay. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in ciidamadaas oo loo dhammeystiray qalabkooda ay soo gaari doonaa aagga degmada Badhaadhe oo haatan ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan dowladda oo diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhammaan ciidamada Jubbaland la geliyay heegan buuxa, waxayna u dhaqaaqeen deegaannada hoosyimaada Raas-gambooni iyo Kismaayo oo hadda ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Jubbaland oo ka hadashay dhaq-dhaqaaqyadan ayaa sheegtay inay la dagaalameyso wax ay ku sheegtay maleeshiyo beeleedyo laga soo abaabulay magaalada Muqdisho. Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dhankooda ciidamada dowladda ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo culus oo ay ku doonayaan inay usgu ballaariyaan gobolka Jubbada Hoose. Waxaa kale oo jirta in ku dhowaad 100 askari oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland inay shalay isku dhiibeen dowladda, taas oo xaaladda kusii xumeyneyso Axmed Madoobe. Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo ka hortimid dub u doorashada Axmed Madoobe ayaa dooneyso in gebi ahaanb lasoo afjaro maamulkiisa, si meesha looga saaro.
-
Maxkamadda sare ee distooriga ee Somaliland ayaa si rasmiya u shaacisay in madaxweynaha la doortay ee Somaliland yahay Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo ku xigeenkiisa Amb. Maxamed Cali Aw Cabdi kadib markii ay maxkmaddu wayday wax dacwad ah oo lagaga cabanaayo doorashadii dhacday 13kii November ayay maxkamadda sare ay ansixisay natiijadii hordhaca ahayd ee ay gudiga doorashadu ku dhawaaqday ayay màntana maxkamadu ay si rasmi ah u ansxisay https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/11/AQMkpX0gEZeK0jfwiFIYh7Nsin1u_Nj-aEgJqL1-TpMaCtTNVzGYq_IJAg0YUfSTZVQxJQ_7D8jjNbxFI8Jb2rTg-1.mp4 Qaran News
-
Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Maanta Fadhi wadajir ah ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ayaa ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka. Fadhiga Maanta ee Baarlamaanka ayaa waxa hareeyay buuq iyo sawaxan kadib markii ay Firinbi yeeriyeen Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal oo laga soo doorto Jubaland kuwaasi oo diiddanaa Ansixinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa buuq iyo sawaxan kadib ku dhawaaqay in Xildhibaannada Labada Aqal ansixiyeen Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay in 169 xildhibaan u codeeyeen Ansixinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha halka sida uu tilmaamay 6 mudane diideen islamarkaana cid ka aamustay aysan jirin. Guddigan oo sidoo kale ay Xalay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa sida Dowladdu sheegtay wuxuu mas’uul ka yahay maamulidda Doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka iyo in ay hirgaliyaan doorashooyin qof iyo cod ah. PUNTLAND POST The post Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Fadhi wadajir ah ku ansixiyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka appeared first on Puntland Post.
-
Ankara (Caasimada Online) – Hay’adda Shidaalka ee Soomaaliya ayaa maanta heshiis cusub oo ku qotoma sahminta shidaalka la gashay dhiggeeda shirkadda Tamarta ee dalka Turkiga, TPAO (Turkiye Petroleri Anonim Ortakligi), si loo sii amba qaado qodista shidaalka. Warbixinno kala duwan oo kasoo baxay labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkuga ayaa waxaa lagu sheegay in heshiiskan cusub uu la xiriiro sahaminta kaarboon-carbon oo si wadajir ah u sameyn doonaan labada dal, sida uu sheegay Wasiirka Tamarta ee Turkiga. Sida uu wasiirku tilmaamay waxaa heshiiskan fulin doono quburo cilmi baaris oo diiradda saari doono gaaska iyo saliidda Soomaaliya. “Heshiiskan, waxaan ku fulin doonnaa hawlgallo cilmi baaris oo saliid iyo gaas ah oo ku saabsan dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Tamarta Alparslan Bayraktar. Horay Muqdisho iyo Ankara ayaa u galay heshiis shidaal baaris ah oo beegsanaya keydka shidaalka ee aagga dhaqaalaha badda Soomaaliya, oo aan wax horumarin ah lagu sameyn tan iyo markii ay buburtay dowladdii kali-taliska aheyd ee Soomaaliya 1991-kii. Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah sahmin dhanka dhulka ah. Sidoo kale labada dowladood ayaa isku raacay in shidaal qodista si rasmi ah loo bilaabayo sanadka soo socda ee 2025-ka. Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso inay ka faa’ideysato khayraadka ee Alle ku maneystay, waxaana heshiis ay kula gashay dowladda Turkiga.

Doolow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta gobolkaas ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabeen ciidamada Itoobiya, waxayna qaadeen tallaabo culus oo la xiriirta xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo Jubbaland. Itoobiya ayaa lasoo warinayaa inay toos usoo faragelisay xiisadda taagan, waxayna bilowday dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwa ciidan oo ay ku taageerayso maamulka madaxweyne Axmed Madoobe oo mar kale dib loo doortay hoggaaminta Jubbaland. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in xadka gobolka Gedo uu la leeyahay dhinaca Itoobiya ay kasoo gudbeen ciidamo wata gaadiidka gaashaaman, isla markaana aanu qayb ka ahayn howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo howlgallo bilaabay. Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya mas’uuliyiintii gobolka ee taageersanaa Jubbaland diyaarad gaar ah lagu geeyey magaalada Godey oo ay hadda kula shirsan yihiin saraakiil Itoobiyaan ah, waxayna kala hadlaan xaaladda kasoo cusboonaatay gobolka, kadib markii ciidamo dheeraad ay ku daabushay dowladda federaalka Soomaaliya. Arrintan ayaa u muuqata mid ay Itoobiya uga faa’iideysaneyso xiisadda dowladda dhexe iyo Jubbaland, maadaama aynan xilligan isku wanaagsaneyn Muqdisho iyo Addis Ababa oo horay isugu qabtay heshiiska badda ee uu Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland. Dhaq-dhaqaaqyada ciidamada Itoobiya ayaa si weyn looga dareemayaa gobolka Gedo oo sidoo kale dowladda federaalka ay dooneyso inay isku ballaariso, waxayna ciidamo gaysay degmooyinka Garbahaarey iyo Beledxaawo, si ay qayb uga noqdaan howlgallada socda. Si kastaba, horay dowladda Soomaaliya ayaa Itoobiya ugu eedeysay inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, ayna sidoo kale ciidamadeeda la wareegeen garoomada iyo waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada gole ee baarlamaamka oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay Muqdisho ayaa meel-mariyay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo sohdimaha ee ay xalay soo magacaabeen golaha wasiirada Soomaaliya. Xildhibaannada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay guddiga doorashooyinka, waxaana ogolaaday 169 Mudane, waxaa diiday 6 xildhibaan, mana jirin xildhibaan ka aamusay, sida uu shaaciyay guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe). Intaas kadib xubnaha guddiga doorashada oo ka kooban illaa 18 xubnood ayaa isla fadhiga maanta lagu dhaariyay, si ay u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaaday. Dhinaca kale, waxaa kulanka inta uu socday hareeyay buuq ay sameeyeen xildhibaannada qaar oo gacmaha iskula tegay, sida laga arki arko muuqaalo ka yimid baarlamaanka. Xildhibaannada buuqa sameeyay ayaa u badan kuwa mucaaradka iyo xubno kale oo taabacsan maamulka Jubbaland, balse ugu dambeyn waa laga cod badiyay. Guddiga la ansixiyay ayaa ka shaqeyn doono maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalk iyo in ay hirgeliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo hufan. Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa soo gudbisay guddigaan, waxaana xalay ku dhawaaqay golaha wasiirada oo kulan deg-deg ah ku yeeshay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Tallaabadan ayaa kusoo aadayeysa, xilli xasaasi ah oo ay weli taagan tahay xiisad ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka, ayada oo qorshaha Villa Soomaaliya ay si weyn uga biyo diidan yihiin Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa ku dhawaaqay in 160 xildhibaan ay ansixiyeen xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka. Kulanka baarlamaanka oo ka dhacay Villa Hargeysa ayaa lagu meel mariyay guddiga cusub oo loo xil saaray qabashada iyo maamulka doorashooyinka heer qaran. Guddoomiyaha ayaa sheegay in hindisahan uu yahay mid muhiim ah si dalka uu ugu gudbo nidaamka doorashooyin toos ah. Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxa ay kala yihiin: 1) Cabdikariim Axmed Xassan 2) Saadiq Abshir Garaad 3) Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan 4) Yusuf Cabdiqaadir Maxamed-Baafo 5) Cumar Abuukar Cumar 6) Farxiyo Maxamed Yusuf 7) Dr. Cumar Jamac Maxamed 8 )Faarax Cabdi Xasan 9) Sahro Diiriye Muuse 10) Cabdullahi Salaad Yaroow 11) Maxamed Amiin Xasan Cabdullahi 12) Cabdi Cadow Maxamed 13) Cabdishakuur Abiib Haayir 14) Khaalid Ibrahim Ismaaciil 15) Aamina Sh. Cusmaan Maxamed 16) Naasir Maxamed Shire 17) Cabdiraxiim Cabdillahi Shaafici 18) Maxamed Cumar Ismaciil Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta magaalada Muqdisho keenti ku dhowaad 100 askari oo ka tirsanaa Daraawiishta Jubbaland oo shalay isku soo dhiibay ciidamada Xoogga ee la geeyay aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda dhexe ay diyaarad u dirtay ciidamadaasi, si loogu soo wareejiyo magaalada Muqdisho oo soo dhoweyn loogu sameyn doono. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa u sheegay Caasimada Online in ciidamadan la siin doono abaal-marin iyo xuquuqaad kale oo ay kamid yihiin mushaaraad iyo dalacsiin. Sidoo kale dowladda federaalka ayaa ciidamada kale ee Jubbaland ugu baaqday inay isaga soo tegaan halka ay joogaan, ayna isku soo dhiibaan dowladdooda. Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka Jubbaland ee isku dhiibay dowladda oo dhankooda hadlay ayaa sheegay in laga soo diray Kismaayo iyo deegaano kale oo ay ku sugnaayeen, iyadoo la amray inay ka hortagaan duulaanka ciidanka xoogga dalka. Balse waxay sheegeen in amarkaasi uu u cuntami waayey oo ciidanka xoogga dalka aysan dagaal kala hortegi karin, hadana ay diyaar u yihiin inay la howlgalaan militeriga Soomaaliya, si loo dhaqan-geliyo amarka dowladda. Ciidamo kale oo Jubbaland ay doomo ka saartay Kismaayo ayaa la sheegay in hadda ay doonayaan inay is dhiibaan, ilaa 50 askari oo badda ku go’doonsan ayaa la soo xiriirtay saraakiisha xoogga dalka, waxayna cadeeyeen inay is dhiibayaan oo dagaal aysan diyaar u aheyn. Arrintan ayaa salka ku hayso xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland ee ka dhalatay dib u doorashada Axmed Madoobe oo markii saddexaad loo doortay Jubbaland. Si kastaba, dowladda dhexe ayaa hadda adeegsaneyso xeelad milatari, si loo soo afjaro maamulka Axmed Madoobe, waxaana ciidamo badan ay gaysay aagga Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose iyo magaalooyinka Garbahaarey iyo Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay tallaabadii ay xalay qaadeen xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya, kadib markii ay kulan deg-deg ah oo ay yeesheen ku ansixiyeen guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo sohdimaha. Guddiga oo ka kooban 18 xubnood ayaa ka shaqeyn doono maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka iyo in ay hirgaliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo hufan. Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa soo gudbisay guddigaan, waxaana sidoo kale loo gudbinayaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya, si loo ansixiyo. Tallaabadan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo ay weli taagan tahay xiisad ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka, ayada oo qorshaha Villa Soomaaliya ay si weyn uga biyo diidan yihiin maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka. Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada ay qaadeen golaha wasiirada Soomaaliya? Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay magacaabista guddiga qaran ee doorashooyinka dalka. Cabdiraxmaan Cismaan Maxamed “Xagee ka hirgalee doorasha lagu muransanyahay cirka maa lagu qaban dhulka anaga ayaa joognee!?”. Cabdinaasir Garweyne “Doorashada waa toos, waana qof iyo cod ninkii is hubaa shacabka Soomaaliyeed ha hor yimaado”. Ciise Cabdullaahi “Dadkaan xagee laga soo aruurshay aan hal qof caan ka aheyn ma Raage Ceelle iyo Godey”. Maxamed Cabdullaahi Xasan “Teendhadu waa lagama maarmaan bulshaduna idin fahantay adeer”. Zakariye Cali Dayib “Hambalyo, waxaan u rajeynaa doorashada inay u qabtaan si hufan oo cadaalad ah”. Cabdifitaax Macallin “Waan soo dhawaynaynaaa..Dalka dabarka ku xiran in Laga furo waa laga maarmaan”. Cabdi Cali Maxamed ayaa isaguna falcelintiisa ku yiri “Looma dhamo guddi ma noqon karaan”.
-
Waxaa la filayay maamulka Firdhiye inuu si cad u sheego in kala mowqif yahay Puntland iyo Jubaland arrimmaha doorashada qof iyo cod ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku doonayso muddo kordhin. Laascaanood (Faallo) — Hoggaamiyaha maamulka ku meelgaarka ah ee Sool, Sanaag, Cayn ee Khaatumo Cabdulqaadir Aw Cali (Firdhiye) waxaa soo foodsaaray caqabado siyaasadeed oo sababi kara inuu gudan waayo xilka saaran. In dadka Buuhoodle ku bannaanbexeen Firdhiye maalin kaddib markii uu khudbad ka jeediyay masjid ku yaalla magaalada waxay muujinaysaa inuusan si buuxda u fahansanayn sida la iskaga dhowro in loo arko hoggaamiye ay dad koobani u sheegaan beelaha uu la kulmi karo iyo beelaha kale. Xiriirkiisa dadweynuhu aad buu u hooseeyaa waayo ilaa hadda kama jawaabin tabashada ay soo gudbiyeen dadka sheegay inuu hoggaamiyaha SSCK ka soo qeybgali waayay martiqaad ay u fidiyeen isaga. Dad badan ayaa aamminsan in kooxda abaabushay booqashadiisa Buuhoodle ay kula taliyeen inuusan la kulmin qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha dhaqanka iyo siyaasadda ee Buuhoodle. Aamusnaantiisu waxay sii xoojinaysaa tuhunkaas. Intaas waxaa dheer in toddobaad gudahiis uu maamulka SSCK weeraray siyaasadaha Puntland iyo maamulka Somaliland. Puntland waa maamul aqoonsan SSCK. Weli labada maamul ma kala bixin. Waxaa xusid mudan mowqifka uu dhowaan soo gudbiyay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Lugatoor ku saabsan in ay jirto siyaasad ah in madaxda Puntland aysan ka hadlin maamulka SSCK. Lugatoor wuxuu dhaliilay Wasiirka Qorsheynta ee Puntland Daa’uud Bisinle oo jebiyay siyaasaddaas. Firdhiye wuxuu dib ugu noqday jeedinta khudabadaha uusan ka baaraandegin. Tusaale, khudabaddii uu ka jeediyay masjidka Buuhoodle muu uga faa’iideysanin inuu ku soo gudbiyo siyaasadda SSCK ku salaysan nabad ku wada noolaansho iyo aamminsanaanta qarannimada Soomaaliya. Maamulka Somaliland ayaa sheeganayay “Jamhuuriyad” markii ciidammadiisu duqaynayeen Laascaanood. Firdhiye wuxuu u hadlay sida hoggaamiye u xilsaaran la dagaallanka mabda’a goosashada oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya si dadban u taageersan tahay waayo waxay heshiis la saxiixatay maamulka Muuse Biixi bishii Diseembar 2023 colaadda Sool oo weli taagan. Firdhiye wuxuu ku tilmaamay heshiiskaas mid midnimada Soomaaliya lagu dhowrayo. Heshiiskii is afgarad ee badda ay Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed kala saxiixdeen ayaa muujiyay in dowladda federaalku goosatay miraha dibindaabyada ay u geysatay dadka SSCK. Dhinacyo badan baa ka soo horjeeda himilada dadka SSCK, hase ahaatee siyaasadda is burinta badan ee Firdhiye ayaa ah halista ugu weyn. Firdhiye maamulkiisu wuxuu taageeray doorashada Jubaland. Baarlamaanka SSCK wuxuu iska gartay dabinkii guddigii wax ka beddelka Dastuurka Federaalka oo booqanayay Laascaanood. Baarlamaanka SSCK wuxuu soo jeediyay in dowladda Federaalka Soomaaliyeed raadiso maamullada Puntland iyo Jubaland oo diiddan wax ka beddelka aan sharciga ahayn ee Dastuurka Federaalka. Waa wax aan la fahmi karin in maamulka SSCK uu taageersan yahay xubinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay inay u magacowday Guddiga Doorashooyinka uu Golaha Wasiirrada ee Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre uu soo gudbiyay. Waxaa la filayay maamulka Firdhiye inuu si cad u sheego in kala mowqif yahay Puntland iyo Jubaland arrimmaha doorashada qof iyo cod ay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ku doonayso muddo kordhin. Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan: “Marnaba maannu taageerin in colaad laga alooso Ceerigaabo.” Maamulka Firdhiye wuxuu aamminsan yahay in SSCK ka qeybgali doonto doorashada soo socota heer federaal inkastoo ay Puntland ka soo horjeeddo sii jirista metelaadda xildhibaannada iyo senetarrada Dirta Waqooyi oo maamulka ay metelaan uu ka soo horjeedo qarannimada Soomaaliya. Hoggaamiye Firdhiye ma dhaliili karo goosasho-doonka (secessionists) isaga oo taageersan in maamulka Somaliland metelaad federaal ku leeyahay Labada Aqal iyo Dowladda Federaalka. Arrinta kale uu maamulka SSCK ku haftay waa dadka SSCK beel ahaan ku abtirsada laakiin ku nool Ceerigaabo. Degmada Ceerigaabo waxay beeluhu ku deggan yihiin heshiis dhacay 1995kii. Waxaa degmada ka taliya maamulka Somaliland oo uu saaran yahay waajibka dhowrista nafta iyo maamulka dadka ku nool magaalada. Axmed Karaash, Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Puntland, wuxuu doonayay in maamulka SSCK uu weerar ku qaado Ceerigaabo. Waxaa ka hor yimid madaxdhaqameedka SSCK. Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan ayaa sheegay in dadka SSCK marnaba aysan ku baaqin colaad ka dhan ah Ceerigaabo xitaa markii uu socday dagaalkii Laascaanood. Maamulka SSCK wuxuu dhowri karaa nolosha iyo hantida dadka ku nool degmooyinka maamulku ka taliyo. Maamulka SSCK xog buuxda kama hayo sababaha keenay dhimashada iyo dhaawaca dadka ku nool Ceerigaabo uu maamulku beel ahaan u metelo. Ma dhab baa in colaaddii ay Laascaanood ay sababtay in maamulka Somaliland beegsanayo dadka SSCK ka soo jeeda ku nool Ceerigaabo? Ma SSCK baa diiddan in dadka SSCK ka soo jeeda ku hoos noolaadaan Maamulka Somaliland? Su’aalahan iyo su’aalo kale waxay u baahan yihiin jawaabo laga baaraandegay. Waa in maamulka SSCK uusan soo saarin warqado xambaarsan hanjabaad ama xogo aan sugnayn waayo Firdhiye kama jawaabi karo su’aasha: Miyuu maamulka SSCK kala xiriiray maamulka degmada Ceerigaabo dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray dadka ku nool magaalada oo maamulkaagu metelo beel ahaan? Maamulka Firdhiye kuma socon karo siyaasadaha halista ku ah danaha dadka SSCK oo naf iyo maal u huray in aan lagu qasbin mabda’ lagu kala goynayo Soomaaliya. Si uu xilka u sii hayo waa inuu Firdhiye si degdeg ah u turxaanbixiyo siyaasadaha gurracan ee hoggaamintiisu hadda ku salaysan tahay. W.Q: Siciid M. Sheekh Cali The post Firdhiye waa inuusan noqonin aalad ay dowladda federaalku ku adeegato appeared first on Puntland Post.
-
Liibaan Bedel Shiikh Maxamuud ayaa si rasmi ah uga mid noqday Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, kadib markii Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha ay soo jeediyeen buuxinta kursi bannaan. Guddiga ayaa go’aankan ku saleysay qodobbo Dastuurka Dawladda Puntland iyo Xeer-hoosaadka Golaha, oo ay ka mid yihiin: Qodobka 61-aad ee Dastuurka Puntland, Lifaaqa 4-aad ee Dastuurka Puntland, iyo Qodobka 62.3 farqadiisa 6-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, oo taariikhaysan 25 September 2024, ayaa lagu caddeeyay soo jeedinta xubintan. Sidoo kale, Isimka saxixaha kursiga ayaa soo gudbiyay warqad rasmi ah 10 October 2024, taas oo lagu xaqiijiyay in Liibaan Bedel Shiikh Maxamuud uu buuxiyay dhammaan shuruudaha xubinnimada Golaha. Guddigu waxa uu sheegay in muhiimad gaar ah loo arkay buuxinta kursiga bannaan, si loo dardargeliyo hawlaha Golaha. Xildhibaanka cusub ayaa Golaha ka hor akhriyey taariikh nololeedkiisa ka hor inta Garsoore ka socda Maxkamadda sare aanu dhaarin. Xildhibaanka cusub ayaa ku biiri doona Golaha Wakiillada Puntland, iyadoo muddada xileedkiisu ay dhammaaneyso 31 December 2029, haddii Alle idmo. PUNTLAND POST The post Liibaan Bedel Shiikh Maxamuud oo si rasmi ah uga mid noqday Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Israa’iil iyo dhaq dhaqaaqa Xisbullah ayaa kala saxiixday heshiis xabbad joojin ah oo dhaqan-galaya maanta oo Arbacada ah, sidaasi waxaa xaqiijiyay madaxweynaha xilka ka sii dagaya ee Mareykanka Joe Biden. Heshiiskan oo ay dhex-dhexaadiyeen dowladaha Mareykanka iyo Faransiiska ayaa jidka u xaaraya dhammaadka colaaddii ka gaagneyd xadka Israa’iil iyo Lubnaan, taas oo gallaafatay nolosha kumannaan qof oo u badan Lubaaniis, tan iyo sannadki hore. Biden ayaa hadalkan kaga dhawaaqay xafiiskiisa Aqalka Cad wax yar kaddib markii ay golaha wasiirrada Israa’iil dhankooda ka ansixiyeen xabbad-joojinta. Wuxuu sheegay in uu la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan Najiib Miiqaati. Sida ku cad heshiiska labada dhinac ee Israa’iil iyo dhaq dhaqaaqa Xisbullah waxaa dagaalkii dhamaaday saaka afarti subaxnimo ee xilliga Bariga Dhexe. Madaxweyne Biden ayaa sheegay, in Israa’iil ay si tartiib tartiib ah ula bixi doonto ciidamadeeda mudda 60 maalmood ah iyadoo ciidamada Lubnaan ay la wareegayaan dhulka u dhow xadka ay la wadaagaan Israa’iil. PUNTLAND POST The post Israa’iil iyo dhaq dhaqaaqa Xisbullah oo kala saxiixday heshiis xabbad joojin ah oo maanta dhaqan-galaya appeared first on Puntland Post.
-
Badhaadhe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose, Maxamed Ibraahim Fanax ayaa noqday mas’uulkii labaad ee ka baxa garabka Axmed Madoobe, wuxuuna si toos ah ula saftay dowladda federaalka Soomaaliya. Fanax oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka warbixiyay xaaladda degmadaas iyo deegaannada u dhow oo ay dowladda Soomaaliya gaysay ciidamo fara badan, wuxuuna sheegay in iyagu ay dalbadeen ciidamadaasi, si ay u sugaan amniga, ugana hortegaan weerarada Shabaab. Ujeedka waxa uu tilmaamay inuu yahay in buuxaan booska ay banneeyn ciidamada howlgalka ATMIS oo faarujiyay saldhigyadii ay ku lahaayeen halkaasi. “Aniga ayaa ka codsaday DFS in meelihii ay ka baxeen ATMIS in ay buuxiyaan ciidamada Xoogga dalka, wayna nooga jawaabeen,” ayuu yiri guddoomiye Fanax. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Runtii waan ka xumahay ciidan markii hore loo waayay meelihii loogu talagalay in uu buuxiyo, hadane markii la helay wax buuxiyo in lasoo duulo”. Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Badhaadhe ay kamid tahay degmooyinka kale ee dalka ee ay joogaan ciidamada dowladda Soomaaliya. “Ciidamada federaalka waxa ay joogaan gobolka Gedo, gobolka Jubbada Hoose, sida Kismaayo, Afmadow iyo Dhoobley, Badhaadhane waxay kamid tahay Soomaaliya” ayuu mar kale yiri. Guddoomiye Fanax waxaa ka horreeyay oo guddoomiyaha gobolka Gedo, Cabdullaahi Shimbir oo isna toos ugu soo wareegay dhinaca dowladda, wuxuuna shalay isaga oo wata ciidamo ka tirsan kuwa dowladda uu ka dagay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi. Si kastaba, Jubbaland oo arrintan ka xumaatay ayaa xilalkii ka qaaday labada mas’uul, si ay uga jawaato tallaabada dowladda oo kal fur furis ku hayo maamulka Axmed Madoobe.
-
Israa’iil iyo Xisbullah ayaa gaaray heshiis xabbad joojin ah oo dhaqan-galaya maanta oo Arbacada ah, sidaasi waxaa xaqiijiyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden. Heshiiskan oo ay dhex-dhexaadiyeen dowladaha Mareykanka iyo Faransiiska, ayaa waddada u xaaraya dhammaadka colaaddi ka gaagneyd xadka Isra’il iyo Lubnan, taas oo gallaafatay nolosha kumannaan qof oo u badan Lubaniis, tan iyo sannadki hore. Biden ayaa hadalkan kaga dhawaaqay xafiiskiisa Aqalka Cad wax yar kaddib marki ay golaha wasiirrada Isra’il dhankooda ka ansixiyeen xabbad-joojinta. Wuxuu sheegay in uu la hadlay Ra’isul Wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu iyo Ra’iisul Wasaaraha Lubnan Najiib Miiqaati. Sida heshiiska ku cad, dagaalka ayaa dhamaaday saakay afarti subaxnimo ee xilliga Bariga Dhexe. Madaxweyne Biden ayaa sheegay, in Israa’iil ay si tartiib tartiib ah ula bixi doonto ciidamadeeda muddo 60 maalmood ah iyadoo ciidamada Lubnaan ay la wareegayaan dhulka u dhow xadka ay la wadaagaan Israa’iil si loo hubiyo buu yiri in Xisbullah aysan dib u dhisin kaabayaasheeda aaggaasi. Source: goobjoog.com
-
AQNQvXx6DbHXKYF4AjPzjNKyaFTqgCHZD-NTSzZgyWk-h8uT9Byr3PtvaD_t3xxEyBjvyQ29-BqBsnPK78fP-F6K Qaran News
-
Kenya plans to establish a carbon market, allowing public and private entities to trade emission reduction units, offsets and mitigation outcomes, an industry official said Monday. Source: Hiiraan Online