-
Content Count
211,032 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) — Somalia has launched an ambitious 50,000-home residential project in Mogadishu's Kaaraan district to provide new housing and stimulate economic growth in the coastal capital. President Hassan Sheikh Mohamud laid the foundation stone for the Xeebta-Luulka ("Pearl Beach") project earlier this week, marking the start of a major urban development in Mogadishu's Kaaraan district. Source: Hiiraan Online
-
In the Horn of Africa, the time is now for preventative diplomacy. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya waxay sanad walba mushaar ahaan u qaatan lacag ku dhow 20 milyan oo dollar. Qarankan la kabo ee Soomaaliya ayaa mushaarka xildhibaannadiisa gaarsiiyay min 5,000 dollar bishii. 329 mudane oo labada aqal ah ayaa saddex meelood meel kamid ah aanay shaqeynin marka loo qeybiyo tirada maqnaashahooda sida ay sheegayaan howl-wadeenada baarlamaanka. Taas oo ka dhigan in 109 mudan aanay wax shaqo ah dalka u qaban sanad kasta, haddana ay mushaar joogto ah qaatan. Dhawaan waxaa banaanka usoo baxday doodda kursiga aqalka sare ee uu ku fadhiyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Jaamac, kaas oo la sheegay in uusan xaadirin fadhiyada golaha muddo labo sano iyo lix bilood ah. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka 30-kaas bilood waa qaadanayay mushaarka aqalka sare, isaga oo la sheegay in uusan shaqada xaadirin. Dagaal culus iyo buuq siyaasadeed ayuu kiciyay Saalax, kaas oo gaaray illaa madaxweynaha kadib markii loo sheegay inuu kursiya lumiyay, lana siiyay qof kale oo ku shaqeeya. Xiisadda ayaa markii dambe ku dhamaatay in Cabdi Xaashi lagu qanciyo inuu iska dhaafo isbedelka kursigaas. Dad badan ayaa la yaabay inuu ra’iisul wasaare ku-xigeenkii dalka u dagaalamayo xuquuq uusan shaqeysan, xilli laga sugaayay inuu isagu dabaqo dhaqan dowladeed oo wanaagsan. Hadda xafiiska ra’iisul wasaaraha kuma canaanan karo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda soo xaadirada shaqada ama xuquuqda ayaa la idinka jari doona, sababta oo ah ra’iisul wasaare ku-xigeenkii ayaa diiday inuu xuquuqdiisa lacageed ku waayo maqnaasho. Si lamid ah labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya muddo xileedkan iyo midkii ka horreeyay waxaa jiray xubno aan sanad tegi jirin golaha iskana qaadan jiray lacagta. Soomaaliya waxaa la kabaa 40 illaa 50% guud ahaan kharashaadka ku baxa dowladnimada, haddana lacagtaas waxaa qaata dad aan wax shaqo ah u hayn dowladnimada. Ka sakow inay tahay musuq, ceeb iyo mid aan diiniyan fiicneyn in aadan gudanin waajibkii lagugu siiyay mushaarka, haddana tani waxay sii dheereynaysa rejada laga qabo inay dowladnimada Soomaaliya waqti dhow cagaheeda isku taagto, sababta oo ah qaran aan laga shaqeyn oo mushaar un laga qaato ma buuxin karo shuruudaha isku filnaansho dowladeed. Madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweynaha ayaa dhowr jeer ku baaqay isla xisaabtan, laakiin ma shaqeyn karo isla xisaabtanka haddii uusan dadka oo dhan wada gaarin oo ay ku jiraan xubnaha labada aqal, wasiirada, madaxda hay’addaha dowladda iyo guud ahaan xafiisyada sare ee dalka. In shaqaale hoosaadka oo keliya la xisaabiyo ma ahan xalka qarankan. Iyada oo mushaaraadku ay yihiin kuwo badan marka loo eego dhaqaale xumada ka jirta Soomaaliya, haddana in aanay shaqo qabanin dadkii lacagtaas qaadanayay waa xaqiijinta in aanay cidna ku mashquulsaneyn hagaajinta dowladnimada Soomaaliya. The post Soomaaliya: Qaranka aan loo shaqeyn ee laga shaqeysto – Maxaa socda? appeared first on Caasimada Online.
-
In any federal system, the separation of powers is a cornerstone of effective governance. This principle ensures that the executive, legislative, and judicial branches operate independently, each with distinct roles and responsibilities. The separation of powers prevents the concentration of authority in one branch and fosters a system of checks and balances that promotes accountability and limits overreach. In a federal country like Somalia, where regional governments wield not insignificant powers, the need for a strict separation of powers is even more critical to maintain stability and prevent the overextension of the central government’s influence. Source: Hiiraan Online
-
Ku xigeenka Madaxa Xafiiska Siyaasadda Xamaas Khaliil Hayya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay dhimashada Hoggaamiyihii Xamaas Yaxye Sinwaar oo shalay Israa’iil sheegtay in ay dagaal toos ah ku dishay. Bayaan ka soo baxay Xafiiska Ku xigeenka Madaxa Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa lagu sheegay in Hoggaamiye Yaxye Sinwaar ay dishay Israa’iil isaga oo u dagaallamaya si geesinimo leh oo hubkiisa gacanta ku haysta. “Wuxuu naftiisa u huray xorriyaddayada…. wuxuu u dhintay si geesinimo leh, madaxiisa kor u taagaya, oo haysta hubkiisa, oo rasaas ku ridaya ilaa neefta ugu dambeysa, ilaa daqiiqada ugu dambeysa ee noloshiisa” ayaa lagu yiri bayaanka Ururka Xamaas. Israa’iil ayaa ku dhawaaqday Khamiista in ay dishay Hoggaamiyihii Xamaas Yaxye Sinwaar oo ay ku tilmaantay shakhsigii abaabulay weerarkii October 7, 2023, ee dhaliyay dagaalka weli ka socda marinka Gaza. Yaxye Sinwaar waa Hoggaamiyihii labaad ee Xamas ee Israa’iil ay disho tan iyo markii uu dagaalka Gaza bilowday sanad ka hor. Israa’iil ayaa horey u dishay Ismaaciil Hanniyeh. PUNTLAND POST The post Xamaas oo si rasmi ah u shaacisay in Hoggaamiyahoodii Yaxye Sinwaar ay dishay Israa’iil appeared first on Puntland Post.
-
Gaza (Caasimada Online) – Kooxda Xamaas ayaa goordhow xaqiijisay geerida Yaxye Sinwar, oo isagu dhawaan beddelay hoggaamiyihii hore ee Ismaaciil Haniyah. Dilka hoggaamiye Sinwar ayaa waxaa horey u sheegtay Israel oo ayadu si weyn u daba joogtay, kuna tilmaamtay “maskaxdii ka dambeysay xasuuqa iyo xadgudubyada” 7-dii October. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israel Katz oo horey u shaaciyay geerida hoggaamiyihii Xamaas Yaxye Sinwar ayaa ka dhacay Marinka Gaza, isagoo ku tilmaamay guul militari oo muhiim u ah Israel. “Tan waa guul militari oo muhiim u ah Israa’iil iyo guul dunida xorta ah usoo hoyatay oo ka dhan ah xagjirnimada Islaamka ee Iiraan ay hoggaamiso,” ayuu yiri Katz. Waxa uu intaas kusii daray “Cirribtirka Sinwar waxay fureysaa suurtogalnimada sii deynta degdegga ah ee la heystayaasha waxayna waddada u xaareysaa isbeddel horseedi doonaa xaqiiqda cusub ee Qasa, oo ka maran maamulka Xamaas iyo Iiraan.” Raadiye u ku hadla afka ciidamada Israel ayaa ku warramay in dhacdadan ay dhacday mar howlgal uu ka socday magaalada koofurta Qasa ku taalla ee Rafax. Yaxya Sinwar waa bartilmaameedka ugu horreeya ee Israel ee Qasa, waxaana lagu eedeeyaa inuu mas’uul ka ahaa inuu ka dambeeyay weerarkii 7-dii Oktoobar ee sanadkii hore gudaha Israa’iil lagu qaaday, kaasoo ay ku dhinteen ilaa 1200 oo qof. Sawirro googo’an oo lagu soo wadaagay baraha bulshada ayaa muujinayay qof u ek Sinwar oo dhex yaalla burburka dhisme. Ninkan ayaa tan iyo 2017-kii, waxa uu ahaa hoggaamiyaha kooxda ee gudaha marinka Qasa. Wuxuuna dhawaan ahaa hoggaamiyaha garabkooda siyaasadeed. The post XAMAAS oo ku dhowaaqday geerida Yaxye Sinwar appeared first on Caasimada Online.
-
Hamas ayaa xaqiijisay in hogaamiyaheedii Yahya Sinwar lagu dilay Gaza. Khalil Hayya, madaxa Hamas ee Gaza, ayaa xaqiijiyay in ciidamada Israel dileen hogaamiyaha Hamas, Yahya Sinwar. Hoggaamiye sare oo ka tirsan Hamas oo khudbad jeediyay sheegay in ay dhawaan shaacin doonaan Hoggaamiyaha Bedeli doono. Waxaan helaynaa warar sheegaya in Khalil Hayya, madaxa Hamas ee Gaza, uu khudbad jeedin doono goor dhow. Source: goobjoog.com
-
Allaha u naxariistee waxaa qarax ka dhacay maqaayad ku taalla aagga iskool buluusiya ku geeriyooday Abwaan Sugaal Cumar oo kamid ahaa hoollada qaranka waaberi iyo kooxda heegan ee Ciidanka booliska Soomaaliyeed. Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar wuxuu ku dhashay gobolka Mudug sida uu ku sheegay wareysi uu horey u siiyay goobjoog TV, balse ma uunu xaqiijin xilliga rasmiga ah ee dhalashadiisa maadaama uu ku dhashay dhul miyi ah, balse waxaa lagu rumeysanyahay inay ahayd hillaada 1950-meeyadii. Yaraantii asagoo miyiga ku nool ayuu tumi jirey cayaarta dhaantada oo uu weli aad ugu wanaagsanaa sida uu sheegay, wuxuuna magaalada Muqdisho u soo wareegay sanadkii 1965-tii xilligaas oo asagoo magaalada Gaalkacyo gabayo ka tiriya ciidanka booliska Soomaaliyeed ay qorteen, ka dibna Xamar loo soo badelay. Markii uu booliska ku biiray Abwaanku wuxuu kamid noqday kooxdii heegan ee Ciidanka Booliska, wuxuuna sameeyay heeso badan oo wadani ah oo qaarkoodna uu asaga qudhiisu qaaday, qaar kalena uu erayadooda lahaa. Dagaalkii 77-dii Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar wuxuu ka mid ahaa Fanaaniintii Ciidanka gubaabinayay, waxayna riwaayado iyo Suugaan dhiirigelin ah ka dhigeen dhammaan goobihii Dagaalka ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa xabashidu ku dirirayeen. Suugaanta Abwaan Sugaal ayaa isugu jirta gabayo, heeso, riwaayado, laxan iyo music, waxaana riwaayadiisa kamid ah Xujo guur iyo xaal masruuf, magaalo joognimo xumo iyo kuwa kale. Gabayada iyo maasooyinka Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar waxaa ayagana kamid ah: – Duuduub Haloo Liqo -Gardarada Ciraaq -Garwaaqsi -Belaayadu Fal Weeyee -Wadajir -Dhalanteed -Alloow Boogta Dawee -Ikhyaareey -Shahiid -Dagaal Gelin 1977 -Midnimo – miyaydnaa arkayn iyo qaar kale. Halka heesihiisana ay ugu caansanyihiin: – Layla oo uu asaga qudhiisu ku luuqeyn jirey. -Allaahu Akbar oo ay qaaddo kooxda Heegan -Anba Waan Hiloobay oo qaadaan Cabduqadir geeddi iyo Xabiibo Bashiir) -Anigu Soomaali Baan Ahay(Faadumo Duur) -Baloolleey oo ay qaaddo kooxda Heegan) – Basra oo ay qaaddo Siciid Toom -Ciiddeennu Waa Dahab oo uu qaado Cali Cismaan (Cali Ukun) -Cuna Mallayga oo uu qaado Maxamed Cumar (Jirde) -Qabyaaladda Waa Lagu Curyaamaa oo ay asaga kooxda heegan isku jiibiyaan iyo kuwa kale. 12)- Dab Ku Shida Gumaysiga(Luul Xasan & Timiro Xasan) 13)-Dad Waa Is Baran(Heegan) 14)-Dalka Hooyo(Sugaal) 15)-Dalkaygaan Doonayaa(Aadan Cumar -Aadan Biid) 16)-Degmada Dhulkayga(Maxamed Maxamuud Gaafoow) 17)-Dhagax Buur(Muxsin Cabdalla) 18)- Dhaqaalaha Waddanigaa 19)-Dhasheeday Aamintaa( Mowliid Maxamed Cismaan) 20)- Dhaayaha Waddaniga(Heegan) 21)-Fadhigaad Eersateen(Mawliid Maxamed Cismaan) 22)-Geeddiga Wadaay(Sugaal) 23)-Gobonnimo Macaanaa(Axmed Cawed Ismaaciil) 24)-Hala Helo Dan Guud(Axmed Nuur Jaangow, Cabdullaahi Xalwo & Sahra Ciileeye) 25)-Hanadoow(Sahra Daahir Yuusuf) 26)-Himilo( Siciido Cabdi Muuse) 27)-Hurdo Miyaan Ledaa(Sugaal) 28)-Kacaankeennu Guullanaa(Heegan) 29)-Kaaha Ubaxa(Ibraahim Baadil & Luul Axmed) 30)-Layla(Sugaal) 31) Laydii Labaad(Sugaal) 32)-Ma Iska Kaa Hilmaamaa(Siciido Cabdi Muuse) 33)-Ma Oggolin(Cawil Maxamed Shirwac) 34)-Magacii Baa Ba,ay(Sugaal) 35)-Marwo Haween(Maxamuud Amoore & Samsam Cali Rooble) 36)- Nabadeey Kaalay( Sugaal) 37)-Nabsi Gaaxday(Sahra Xasan Maxamed) 38)-Qabyaaladda Waa Lagu Curyaamaa(Sugaal & Kooxdii Heegan) 39)-Qurratul Cayn( Ibraahim Baadil) 40)-Rafiiq( Siciid Toom & Sahra Xasan) 41)-Saara Nacabka( Heegan) 42)-Ha Ku Socoto Sidii Loogu Talo Galay( Heegan) 43)-Soo Socdaay(Maxamuud Cabdille Guuleed & Sahra Daahir) 44)-Sow Ma Diidin Samihii( Heegan & Ubaxa) 45)-Sow Ma Aha Gartay?( Sugaal) 46)-Summad(Faadumo Duur) 47)-Tacabka( Heegan) 48)-Udub Naga Dhexeeya( Heegan) 49) Urugo Kalgacal(Deeqa Axmed Raage) 50)-Waa Cadaab Gumaystuhu(Cismaan Axmed Jacayl) 51)-Waa Tallaal Xorriyaddu(Cabdullaahi Xalwo & Xaliima Muuse Milaano) 52)-Waddaniga Ordaayoow(Mowliid Maxamed Cismaan) 53)-Waddadan Toosan(Maxamed Cabdille Guuleed) 54)-Wax Qabasho Wacad Ku Qaad(Cabdulqaadir Maxamed Shabeeley) 55)-Xorninada U Dhiidhiya( Deeqa Axmed Raage & Heegan) 56) Haddii Aan Ka Tago Xamar Xamdiyeey Iyo Qaar Kaloo Badan. Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar Allaha u naxariistee wuxuu ahaa hal-abuure suugaantiisu ay ku suntahay baalka gobanima doonka, islamarkaana maasooyinka diiradda ku saari jirey guubaabada bulshada. Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa maanta bariga gobolka Galgaduud dowlad-goboleedka Galmudug ka dhacay duqeyn xooggan oo ay fuliyeen diyaaradaha duuliyaha laheyn ah ee saaxiibada caalamiga ee Soomaaliya ka taageera dagaalka argagixisada. Xogaha hordhaca ah ee kasoo baxaya duqeyntan ayaa sheegaya in deegaanada ay duqeynta ka dhacday, ka socdeen howlgallo xooggan oo iska kaashanayaan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiileyda. Duqeyntan ayaa lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo halkaasi ku sugnaa, inkasta oo wax faah-faahin ah aysan weli kasoo bixin dowladda federaalka. Sidoo kale waxaa weli duqeyntan ka hadlin taliska Mareykanka u qaabilsan howl-gallada qaaradda Afrika ee loosoo gaabiyo AFRICOM oo inta badan ay dowladda iska kaashadaan weerarada dhanka cirka ah. Asbuuc kahor unbey aheyd markii sidaan oo kale ayay duqeymo xooggan uga dhaceen deegaannadaan, markaas oo dowladda Soomaaliya sheegtay in lagu dilay tobonneeyo xubnood oo katirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa goobaha la beegsaday. Wixii faah-faahin ah ee kasoo kordha waxaa idinkula wadaagi doona wararkayaga dambe Insha Allah. The post Duqeyn culus oo maanta ka dhacday bariga gobolka GALGADUUD appeared first on Caasimada Online.
-
Qaahira (Caasimada Online) – Dowladaha Masar iyo Sacuudiga ayaa isku raacay in la taageero madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyada oo Riyadh soo dhaweysay kamid noqoshada Masar ee howlgalka cusub ee Soomaaliya. Masar ayaa haatan qorsheynaysa inay qeyb ka noqoto ciidamda cusub ee Midowga Africa ee Soomaaliya imaan doona sannadka soo socda, iyadoo durba bilowday dhaq-dhaqaaqeeda Soomaaliya. Kulan ay magaalada Qaahira ku wada yeesheen madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Siisi iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga ahna ra’iisul wasaaraha dalkaas, Maxamed bin Salmaan ayay labada dal xoogga ku saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga iyo nabadda ee gobolka, gaar ahaan Soomaaliya. Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen labada ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Sacuudiga iyo Masar ay ka go’an tahay hirgelinta go’aankii Jaamacadda Carabta ee horaantii sanadkaan, kaasi oo ku aadana taageeridda amniga, xasilloonida, midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Sidoo kale waxay labada dowladooda xoojiyeen muhiimadda ay leedahay u hogaansanaanta mabaadi’da deris-wanaagga, horumarinta nabadda iyo ka fogaanshaha xiisadaha iyo colaadaha ka dhici kara gobolka. Sacuudiga ayaa haatan muhiimad gaar ah siinaya ka qeyb noqoshada Masar ee howlgalka Soomaaliya, isagoo soo dhaweeyay dadaallada joogtada ah ee Qaahira ay ugu jirto xasilloonida iyo ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, Waxa uuna si gaar ah ugu mahad-celiyay Masar dalabkeeda ku aaddan ka qeyb-galka howlgalka cusub ee nabad ilaalinta ee Soomaaliya, kaasi oo la filayo inuu door muhiim ah ka ciyaaro xaaladda Geeska Afrika. Si kastaba, arrintan ayaa imaneysa xilli ay kasii dareyso xiisadda Soomaaliya kala dhaxeyso Itoobiya, taas oo soo bilaabatay horraantii sanadkaan kadib markii Addis Ababa ay is-afgarad la saxiixatay Somaliland, kaasi oo dowladda Soomaaliya ku tilmaamay xad-gudub ka dhan ah qaranimadeeda. The post Sacuudiga oo taageeray qorshaha Masar ee Somalia xilli ay kasii dareyso xiisadda Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Sarah Mohamed Khalif, a Somali-born Belgian citizen, has been re-elected to the municipal council of Leuven, Belgium, solidifying her role as a trailblazer in European politics. Sarah, the first Somali, Muslim, and immigrant woman to hold such a position, won her second term following a hard-fought election. Source: Hiiraan Online
-
Madaxda dowladda Mareykanka iyo maamulka Israa’iil oo saacado ka hor ku dhawaaqay dilka hoggaamiyihii ururka Xamaas Yaxye Sinwaar ayaa jeedinaya hadallo u muuqda hambalyo ku aaddan howl muhiim ah oo ay ku guulaysteen. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dilka Yaxye Sinwaar uu ka dhiganyahay waa samaad oo u beryay Israa’iil iyo Mareykanka, islamarkaana dadka reer Falastiin ee marinka Qasa mustaqbalkooda hagaagayo Xamaas la’aanteed. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha maamulka Israa’iil ayaa sheegay in dagaalka Qasa uusan ku joogan doonin dilka Yaxye Sinwaar, dhinaca Xamaas’se wax war ah oo arrintaan ku saabsan weli lagama hayo, sidaa darteed warbaahinta illaa haatan boqolkiiba boqol ma hubto warkan. Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Baarlamaanka Kenya ayaa ugu dambeyn soo gaba-gabeeyay toddobaadyo mowjado siyaasadeed oo dalkaasi uu dhexda ka galay, kaas oo salka ku hayay khilaafka madaxweyne William Ruto iyo ku-xigeenkiisii hore Rigathi Gachagua, iyada uu xilkii la waaday Gachagua. Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa soo magacaabay ku-xigeenkiisa cusub, taas oo uu ogolaansho u siinay dastuurka dalkaasi, wuxuuna xilkaasi siiyay Prof Kithure Kindiki oo ah wasiirka arrimaha gudaha dalkaas. Ninkaan iyo William Ruto ayaa ah saaxiibo dhanka siyaasadda ah weliba isaga dhow ninka lagu beddelay. Baarlamaanka Kenya ayaa heysta muddo 60 maalmood ah in ay ku aqbalaan inkasta oo loo badinayo in xildhibaannadu u codeyn doonnaan maadaama uu dhanka madaxweyne William Ruto kala dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo wada-shaqeyn ah. Ruto ayaa ku-xigeenkiisii hore waxa uu majaha u geliyay dabin siyaasadeed oo ah in uu musuq ama xatooyo uu sameeyay waana tan keentay in Rigathi Gachagua inuu ku waayo xilkiisa ka horna laga saaray baraha madaxtooyada gaarka u ah. Haddaba, waa kuma madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Kenya? Abraham Kithure Kindiki waa 52 jir ku dhashay Tharaka-Nithi County, waxbarashadiisa waxa uu wax kusoo kala bartay dalkiisa Hooyo ee Kenya iyo Koofur Afrika. Sidoo kale waxa uu heystaa shahaadooyin kala duwan oo dhanka waxbarashadiisa ah. Kithure, waxa uu siyaasadda soo galay sanadkii 2013kii kaddib markii uu ku guuleystay kursiga Senate-ka laga soo doorto, halka uu ku dhashay ee ah Tharaka-Nithi County. Waxa uuna kaalin hagar la’aan ah kasoo qaatay ololihii doorashada madaxweynaha haatan magacaabay ee William Ruto. The post Waa kuma madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Kenya ee beddelaya Gachagua la cayriyay? appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa maanta oo Jimce ah magacaabay saddex wasiir oo kamid noqday Xukuumaddiisa. Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa lagu magacaabay saddex wasiir oo ka bannaanaa Xukuumadda dalkaasi Ethiopia. Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa u magacaabay Wasiirka cusub Arrimaha dibadda Ethiopia Dr. Gideon Tomotios, sida ku cad dikreetad ka soo baxday Xafiiskiisa. Wasiirka Cadaaladda ayuu sidoo kale Ra’iisul Wasaare Abiy u magacaabay in ay noqoto marwo Hana Aryaslase, halka wasiirka Dalxiiska uu u magacaabay Marwo Seifit Kasa. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia oo magacaabay saddex wasiir oo ka bannaanaa Xukuumaddiisa appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa u magacaabay wasiirka arrimaha gudaha dalkaas Prof Kithure Kindiki inuu noqdo madaxweyne ku xigeenka cusub ee bedelaya Rigathi Gachagua oo saacado ka hor xilka laga qaaday. Magacaabista Kindiki ayaa u baahan ansixinta golaha sharci-dejinta, balse waxa ay u badan tahay in la meel mariyo doono maadaama Ruto uu haysto aqlabiyad baarlamaanka dalka. Tillaabadan ayaa timid ka dib todobaadyo is mari waa siyaasadeed uu ka aloosnaa Kenya, kaas oo u dhexeeyay madaxweyne Ruto iyo ku xegeenkiisii hore mudane Rigathi Gachagua oo baarlamaanka ugu dambeyn ay xilka ka qaadeen. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ayiday go’aan horey uga soo baxay dowladda federaalka, kaas oo lagu mamnuucay bacaha halka mar la isticmaalo. Axmed Madoobe oo shir gudoomiyay kulanka golaha wasiiradda oo lagaga hadlay arrimaha amniga, xaalada guud ee siyaasada dalka, ayey qeyb ka aheyd doodda xeer ku saabsan joojinta bacaha halka mar la isticmaalo oo ay soo gudbisay wasaaradda deegaanka iyo isbadalka cimiladda. Sidoo kale waxaa shirka golaha wasiirada maamulka Jubbaland diirada lagu saaray horumarinta xabsiyad iyo qodobo kale oo muhiim u ah maamulkaasi. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan mamnuucday ka ganacsiga iyo isticmaalka bacda halka mar la isticmaalo, taas oo dhibaato weyn ku ah badqabka deegaanka. Sidoo kale wasaaradda rekadaha iyo gaadiidka badda XFS ayaa bixisay amar lagu joojinayo in dekadaha dalka laga soo dejiyo bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo. Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in macdu ay khatar ku tahay deegaanka, islamarkaana aan laga sii isticmaali karin deegaanka, maadaama ay leedahay khataro badan oo dhanka deegaanka ah. Inta badan caalamka lagama isticmaalo bacahaan, waxaana la xaqiijiyey inay khatar ku tahay deegaanka, dunida oo dhan waxaa ka jirta saameyn ka dhalatay isbedelka cimillada iyo wasaqowga hawada, waxaana hadda lagu dadaalayaa in la yareeyo waxyaabaha khatarta ku ah hawada iyo deegaanka, si loo helo cimilo hagaagsan. The post Axmed Madoobe oo ayiday go’aan kasoo baxay DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) —The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) officially transferred control of the Kuday Forward Operating Base (FOB) to Somali forces on Wednesday, a major step in the third phase of ATMIS’s troop drawdown and Somalia’s increasing self-reliance in security. Source: Hiiraan Online
-
Nin degan gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo oogay dacwad ah in uu isku dayay inuu taageero agab ah siiyo kooxda Daacish ee Soomaaliya. Michael Sam Teekaye Jr., oo 21 jir ah, kuna nool magaalada Hanover, Maryland, ayaa 14-kii Octobar lagu xiray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Baltimore Washington, waxaana tan iyo xilligaas uu ku jiray xabsi. Xafiiska Xeer Ilaalinta Mareykanka ee Qeybta Maryland ayaa Michael Sam Teekaye ku soo oogay dacwad ku saabsan in uu isku dayay in uu taageero agab ah siiyo kooxda Daacish ee Soomaaliya. Sida lagu sheegay galka dacwaddiisa, Teekaye wuxuu wadahadalo badan la yeeshay sarkaal is-qariyey intii u dhaxaysay Maarso iyo April 2023, isagoo u muujiyay rabitaankiisa ku biirista kooxda Daacish, una safro Afrika si uu ugu dagaallamo kooxda argagixisada. Waxa uu sidoo kale u sheegay sarkaalka in haddii qorshihiisa socdaal uu shaqeyn waayo, uu qorshihiisa labaad ahaa in uu Mareykanka ka fuliyo weerar ka dhan ah shaqsiyaadka taageera Israel. Warqadaha dacwadda ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey xiriir Teekaye uu la sameeyay dagaal-yahannada Daacish ee Soomaaliya, isaga oo kala shaqeynaya qorshihiisa safarka. PUNTLAND POST The post FBI-da Mareykanka oo xirtay nin u socday Soomaaliya si uu ugu biiro kooxaha Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa kumanaan askari oo dheeraad ah soo gelisay Soomaaliya, ayada oo aysan ka war hayn dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska The National ee Imaaraadka Carabta. Wargeyska ayaa ilo-wareedyo ka soo xigtay in Itoobiya ay Soomaaliya soo gelisay 7,000 oo askari oo dheeraad ah maalmo kadib markii ay Masar billowday inay hub iyo ciidan u dirto Soomaaliya. Itoobiya ayaa la qiyaasaa inay hadda Soomaaliya ka joogaan ilaa 22,000 oo askari. Ciidamada Itoobiyaanka waxay qeyb dalka ku joogaan heshiisyo laba geesood ah oo kala dhaxeeya dowladda federaalka, halka qayb kale ay ku joogaan in ay ka mid ka yihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS. Hase yeeshee, cidna si dhab ah uma shaacin karto tiradooda rasmiga ah, sidoo kalena ma jirto cid la socota ama xadidda dhaq-dhaqaaqyadooda, ayada oo markii ay rabaan dalka soo gala, kana baxa. Itoobiya ayaa la sheegay in ay si aad ah uga carootay iskaashiga militari ee dowladda federaalka ay la yeelatay Masar, oo ay si aad ah isku hayaan. Madaxweynaha Itoobiya Taye Atske Selassie, oo markii ay Masar saanadda militari u soo dirtay dowladda federaalka, ahaa wasiirka arrimaha dibadda, ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in hubka “xoogagga dibadda ay uga sii dari doonto ammaanka jilicsan [Soomaaliya] oo uu ku danbeyn doono gacanta argagixisada”, isaga oo ula jeeday Al-Shabab. Dowladda Federaalka ayaa dalbatay in ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan marka uu dhammaado howlgalka ATMIS bisha December, haddii aanay Addis-Ababa ka laaban heshiiska ay la gashay Somaliland. Masar ayaa ku dhawaaqday inay doonayso inay badasho ciidamada nabad ilaalinta ee Itoobiya marka ay baxaan, iyadoo Soomaaliya ay si cad u taageertay. Masar iyo Itoobiya ayaa in ka badan 10 sano waxaa ka dhaxeeyey xiisad ka dhalatay biyo-xireenka Addis-Ababa ay ka sameysay webiga Nile oo ay halis u aragto Qaahira, oo 97% biyaheeda ugu tiirsan Nile. The post Xog: Itoobiya oo kumanaan askari soo gelisay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Renowned Somali poet Sugaal Abdulle was among the seven people killed in a suicide bombing at a busy tea shop near the Mogadishu Police Academy, police confirmed. Abdulle, a celebrated figure in Somali arts and a member of the Heegan Police cultural group was known for his contributions to the arts. Source: Hiiraan Online