Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Onine) – Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta loo magacaabay inuu noqdo agaasimaha guud ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha, kadib soo jeedin ka timid wasaaradda amniga gudaha. Magacaabista Dhuxulow ayaa waxaa isla maanta go’aan ka gaaray golaha wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay, kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho. “Golaha Wasiirrada xukuumadda jamhuuriyadda federaalka soomaaliya ayaa ansixiyey soo jeedinta wasaaradda amniga gudaha ee magacaabista Agaasimaha Guud ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha, in uu noqdo Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha oo lagu shaaciyay magacaabistan. Mustafe Dhuxulow oo ah siyaasi rug-cadaa ah aya beddalaya Axmed Siciid Maxamed oo horay xilkan u hayay, isla markaana la magacaabay markii uu dalka ka cararay agaasimihii hore ee hay’adda Cabdul oo mar lagu eedeeyay musuq-maasuq, balse lagu waayay. Magacaabista Dhuxolow ayaa la hadal-hayay maalmahan, waxaana ugu dmabeyn maanta shaaciyay xubnaha golaha wasiirada oo ku magacaabay shirkooda todobaadlaha ah. Dowladda Federaalka ayaa haatan wadda tallaabooyin isbeddal ah, waxaana ay ahayd maalin kahor markii xilka laga qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo lagu beddalay Maxamed Axmed Amiir. Waxaa sidoo kale la filayaa inay dhacaan isbeddallo kale oo saameynayaa shaqsiyaad iyo hay’ado waa wayn oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
  2. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo bayaan soo saaray ayaa ka horyimid Heshiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee ku saabsan in Itoobiya marin badeed ka hesho badda Soomaaliya, kaasi oo ay u isticmaali doonto deked ay adeegsato. “Itoobiya waxa ay duullaan qaawan ku soo qaadday dalkeenna, ka dib markii ay heshiis is afgarad ah oo sharcidarro ah la saxiixatay Madaxweynihii hore ee Somaliland. Umadda Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba waxa ay ka gilgisheen duullaankaas, waxa ayna madaxda Dowladda Federaalku ballanqaadeen in aaney wadahadal la geli doonin Itoobiya iyadoo aan si rasmi ah uga laaban heshiiskaas xadgudubka ku ah qarannimada Soomaaliyeed “ “Waxaa ayaandarro ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu gorgortan la galo Itoobiya oo weli ku adkeysanaysa is afgaradkii halista ku ahaa midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya. In Madaxweyne Xasan Sheekh uu wadahadal la galo Itoobiya iyadoo aan la laalin is afgaradkii sharcidarrada ahaa, Itoobiyana u ogolaado baddeenna, waa xadgudub hor leh oo lagula kacay qarannimada Soomaaliya oo Madaxweynaha dalku garwadeen ka yahay” ayuu yiri Xasan Khayre. “Heshiiskii is afgaradka ahaa ee 1dii Jannaayo 2024 waa folkaano u aasan dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo qarxi karta xilli waliba. Si khatartaas looga gaashaanto waa in wadahadal kasta oo Itoobiya lala gelayo ay shardi u ahaataa in ay heshiiskaas si rasmi uga laabato. Waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa in aanu halistaas u hoosaasin dadka iyo dalka, gorgortan siyaasadeedna ku gelin qarannimada Soomaaliyeed, mudnaanta koowaadna siiyo daminta colaadaha iyo xiisadda siyaasadeed ee ka aloolsan gudaha dalka iyo adkeynta midnimada iyo wadajirka umadda oo maanta kala dhantaalan” ayuu sii raaciyay Khayre. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Federaalka in ay ka feejignaato halista ku geedaamaan heshiiskaas oo uu ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo aan laga baaraandegin islamarkaanacdhaawac ku noqon doona madaxbannaanida, midnimada, iyo mustaqbalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare hore Xasan Khayre oo ka horyimid Heshiiskii xalay dhexnaray Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  3. Mogadishu (HOL) — Veteran Somali lawmaker Mustaf Ali Duhulow has been appointed Director General of the Immigration and Naturalization Agency. The decision was announced Thursday during a cabinet meeting chaired by Prime Minister Hamza Abdi Barre. Source: Hiiraan Online
  4. Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei ayaa sheegay in dhaawaca ku yimid udub dhexaadkii iska caabinta ee Israel ka soo horjeeday, iyo tuuristii Bashaar Al-Asad aysan waxba u dhimi doonin awoodda Iran. Hadalkii ugu horreeyey ee uu jeediyey ka dib markii al-Asad xilka laga tuuray ayuu Ayatollah Khamenei uu sheegay in dadku aanay aqoon waxa iska caabintu tahay. Waxa uu yiri, “waxay moodayaan in marka kooxaha iska caabintu ay daciifaan ay Iran-na daciifayso. Iran waa xoog awood leh, wayna ka sii xoog badnaan doontaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Xoogaggii mucaaradka ee ku sugnaa dhinaca Woqooyi Galbeed ee dalka ayaa soo afjaray xukunkii dheeraa ee qoyska reer Asad, kaas oo xulufo la ahaa Iran. Hogaamiyaha Sare ee Iran oo ah qofka ugu dambeeya ee go’aamiya arrimaha dalka ayaa Maraykanka iyo waxa uu ugu yeeray taliska Sahyuuniyadda ee Israel ku eedeeyey inay rideen Bashaar Al-Asad. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iran oo ka hadlay ridistii Bashar Al Asad appeared first on Puntland Post.
  5. Mogadishu (HOL) — Former Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire has condemned the recent Ankara Agreement between Somalia and Ethiopia, labelling it a grave threat to Somalia's sovereignty. The deal, brokered by Turkish President Recep Tayyip Erdoğan, reaffirms Somalia's territorial integrity but fails, Khaire argues, to address Ethiopia's controversial maritime ambitions and its unilateral agreement with Somaliland. Source: Hiiraan Online
  6. AQMjmIfOrMMgW9YVHaynkgzzgPpXLFU3kAmFUnoa92xjkksrYE9RBxU266hcebJCi3Zpa7iASI5TRUFVATBKNSoD Qaran News
  7. Mogadishu (HOL) — Somalia's Federal Government has accused Jubbaland's administration of collaborating with Al-Shabaab militants in a recent attack on government forces in Raas Kambooni, a strategic coastal area in Lower Jubba. The incident, which forced Somali National Army (SNA) troops to withdraw, has further strained Mogadishu's relations with the semi-autonomous region. Source: Hiiraan Online
  8. AQOzFNGeL_DjiRIuQuXOuMjAkUg6l_ALDomYdYWYAb6IkHIvtMjRDFJL8mymbRUZ4wmns9212ds4p9MIfojQ88sA Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Raaskambooni ee lagu jabiyay ciidamada ay dowladda gaysay halkaasi. Ugu horreyn golaha ayaa cambaareeyay weerarka ay qaadeen ciidamada Jubbaland ee ugu dambeyn la wareegay magaalada oo dhan. Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale ku dhowaaqay go’aan culus oo ka dhan ah Axmed Madoobe, waxayna ku eedeeyeen inuu xiriir kala dhexeeyo kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale golaha ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya baaris ay sheegeen in lagu sameeya nooca xariir ee ka dhexeeya Axmed Madoobe iyo Khawaarijta. “Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa guddi u saaray inuu baaris ku sameeyo nooca xiriir ee ka dhexeeya eedaysane Axmed Madoobe iyo kooxaha Khawaarijta ah, falkii uu ku weeraray deegaanka Raaskambooni oo ay ka dhalan doonto isla-xisaabtan iyo ciqaab” ayaa lagu yiri go’aanka golaha wasiirada. Sidoo kale waxaa warbaahinta la hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo faah-faahiyay kulankooda iyo go’aanka kasoo baxay, wuxuuna sheegay in ciidamada weeraray Raaskambooni ay soo dhex-mareen kooxda Al-Shabaab. Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in arrinta ay sii xoojineyso tuhun markii hore laga qabay Axmed Madoobe oo ku aadan inuu xiriir iyo wada shaqeyn la leeyahay Al-Shabaab. “Dhul badan oo Khawaarijta ay joogto ayay soo dhex mareen ciidamadii goobtaas weeraray arrintaas oo khatarteeda leh, waxayna xoojineysaa shakiga horay looga qabay eedeysane Axmed Madoobe iyo Khawaarijta uu xiriir ka dhexeeyo” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala.
  10. Kismaayo (Caasimada Online) – Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta kusoo dhigtay taliyihii hoggaaminayay ciidamada ay dowladda gaysay magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, iyada oo soo bandhigtay, kadibna baahisay sawirradiisa. Qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada dadaraawiishta oo howlgal sameeyay ay soo qabteen taliye Xasan Ciraaqi oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeay ciidamaday ay dowladda ku daabushay aagga Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. “Ciidamada amniga Jubbaland oo xaqiijinaya nabadgelyada guud ee deegaanka Raaskambooni ayaa gacanta kusoo dhigay horjooge Xasan Ciraaqi, kaasi oo subaxnimadii hore ee shalay ka baxsaday goobihii ay dagaalladu ka socdeen” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Xasan Ciraaqi oo ahaa hogaamiyaha ciidamadii laga keenay Xamar ayaa ciidankiisa ka cararay shalay subax abaare 11:30 barqanimo, markii uu dagaalku bilowday” Waxaa kale oo ay Jubbaland sheegtay in dowladdu haysay hoggaan xumo, taas oo dhibaato u horseeday ciidamada laga geeyay deegaannadeeda, sida ay hadalka u dhigtay. “Arrintan ayaa muujinaysa hogaamin xumo iyo dhibaatooyin baahsan ee haystay ciidamada lagu soo daabulay Raaskambooni” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Ciidamada Jubbaland ayaa hadda si buuxda u maamulayo deegaanka Raaskambooni oo fadhi u ahayd ciidamada dowladda oo haatan qaarkood ay gudaha u galay dalka Kenya.
  11. (Bloomberg) -- The semi-autonomous region of Puntland is planning a new offensive to combat a growing Islamic State insurgency in Somalia’s mountainous north. Source: Hiiraan Online
  12. Hargeisa (HOL) – Somaliland's newly elected President, Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro, was sworn in as the breakaway's president at a ceremony in the capital, Hargeisa, on Thursday. Source: Hiiraan Online
  13. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQP3akHDvFxHXgrEOsXG8TYgBmUXAOX8TsO5xXEzmO7DNYSRi-X_73JL68xIpwSJOgeop4mDocOLqGbV6oTGLiGr.mp4 Qaran News
  14. Golaha wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow u magacaabay agaasimaha cusub ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dalka. Qoraal kooban oo ka soo baxay golaha wasiirrada XFS ayaa lagu yiri “Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, in uu noqdo Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow”. Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali dhuxulow oo muddo dheer ka tirsanaa baarlamaanka dalka ayaa horay u soo noqday wasiirka warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya xilligii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh. Source: goobjoog.com
  15. ANKARA, Turkey — The Ankara Agreement, brokered by Turkey on December 11, 2024, has dramatically reshaped the geopolitics of the Horn of Africa. This landmark accord, mediated by Turkish President Recep Tayyip Erdoğan, has nullified Ethiopia's contentious Memorandum of Understanding (MoU) with Somaliland, reaffirmed Somalia's territorial sovereignty, and placed Turkey at the center of the region's power dynamics. Source: Hiiraan Online
  16. Kismayo (HOL) – Jubbaland forces have taken full control of Raskamboni, a strategic town in Somalia's Lower Jubba region, following fierce clashes with federal troops, a regional official said Thursday. Source: Hiiraan Online
  17. Kismayo (HOL) – Jubbaland forces have taken full control of Raskamboni, a strategic town in Somalia's Lower Jubba region, following fierce clashes with federal troops, a regional official said Thursday. Source: Hiiraan Online
  18. Ankara (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay heshiiska ay xalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ku gaareen Ankara, kaas oo uu fududeeyey madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan. Itoobiya ayaa marka hore si rasmi ah u xaqiijisay in ay ilaalineyso oo ay ixtiraameyso qarannamada, madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, halka Soomaaliya ay Itoobiya u ogolaaneyso marin badeed hoos imanaya maamulkeeda, oo dib looga wada-hadli doono qaabka uu noqonayo. Labada dhinac waxay isla qireen faa’iidooyinka ballaaran ee ka dhalan kara in Itoobiya ay hesho marin rasmi ah oo ammaan ah oo badda ah, iyada oo la ixtiraamayo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay isku raaceen in ay billaabaan wada-xaajoodyo farsamo oo daacad ah oo ku saleysan arrimahan, oo la billaabayo wax aan ka dambeyn bisha Febraayo 2025, iyadoo ay fududeynayso Turkiga, lana dhammeystiro heshiiska muddo afar bilood gudahood ah. Haddaba sidee looga fal-celiyay heshiiska Somalia iyo Itoobiya? Cali Yare Cali oo ah guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir ayaa fal-celintiisa ku yiri “Waa heshiis mirodhal ah haddiiba ay xabashidu aqbashay ilaalinta madaxbanaanida dalkeenna”. Yuusuf A. Xasan “Ethiopia waa cadow halkaas hanooga harto qiiro jabankii hadda waa soo dhammaaday”. Cabdiraxmaan Haariz “Wan ku faraxsanahay in aan ka guuleysanay xabashida dhul boobka waday”. Siyaad Maxamed Dool “Lama kulmaayo oo mahor fariisanayo Abiy, illaa uu ka laabto MOU-ga sidaan miyaa ka dambeysay?, Allow Alle”. Magan Warfaa “Xasan go’aan malahan Abiy go’aankiisa wuu cad yahay inuu marin biyood helo kamana tanaazulin, laakiin madaxwaynaha go’aan malahan”. Maxamed Shiiqow “Waa guul weyn haddiiba lagu qasbay Ethiopia inay ka laabato heshiiskii MOU, runtii waa guul usoo hoyatay Somali Maxamed”. Mascuud Cilmi “Wixii 1000 sano ka badan Itoobiya ee xoog nooga qaadi waysay bay maanta si fudud qalin nooga qaadatay”.
  19. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQORDHupeSB70mErONl0aaVlE52DVort6gpLVSWDI9xMYQPlqx21IHXj3XA2WEcshberTK_BEGFVNRSRUr6XBumK.mp4 Qaran News
  20. Waxaa maanta degan xaaladda deegaanka Raaskambooni oo shalay ay ka dhaceen dagaallo qaraar oo u dhaxeeyay ciidanka Dowladda iyo kuwa Jubbaland. Ciidanka Jubbaland ayaa gacanta ku haya deegaanka. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidankeeda ay ka saartay magaalada. Dowladda ayaa ku eedeysay madaxweynaha maamulka Jubaland inuu go’aansaday inuu iska horkeeno labada ciidan, iyadoo intaasi raacisay in ciidamadu aaney amar u haysan in ay la dagaallamaan cid aan ka ahayn Al-Shabaab. Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Amniga Gudaha Jubaland Aadan Axmed Xaaji oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dagaal saacado badan qaatay ay ciidamada maamulkiisu kula wargeen deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose. Wuxuu ku eedeyay dowladda federaalka in ciidamadii caalamku u tababaray ay si qaldan u adeegsatay, isagoo sidoo kale sheegay in dagaalka ay ku qabteen ciidan hub iyo gaadiid isla markaana ay jiraan ciidamo ka dhaawacmay dhanka dowladda oo ay gacanta ku hayaan, waxaana uu xusay in si wanaagsan loola dhaqmayo ciidamadaas dhaawacyada qaba. Source: goobjoog.com
  21. Badhaadhe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka xaalad deganaasho ah laga dareemayo deegaanka Raaskambooni oo ay shalay ka dhaceen dagaallo qaraar oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, waxaana guud ahaan deegaanka la wareegay daraawiishta Jubbaland. Xaaladda ayaa haddaxasilloon, waxaana deegaanka iyo nawaaxigiisa ku sugan ciidamada Jubbaland oo fariisimo cusub ka sameystay halkaasi. Jubbaland oo war qoraal ah soo saartay ayaa sheegtay in wax dhibaato ah aysan ka jirin deegaanka, isla markaana uu soo galay gacanteeda. Sidoo kale waxa ay ku eedeysay ciidamadii dowladda federaalka ee la geeyay halkaasi in muddada ay joogeen ay dhibaatooyin kala duwan ka gaysteen aagga Raaskambooni. “Maleyshiyaadka uu eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud iyo Kooxdiisa diyaaradaha ku geeyeen deegaanka nabada ahaa ayaa inta ay joogeen Shacabka ugeysanayay dhac iyo boob lkn Ciidamada geesiyaasha ah ee Jubbaland ayaa arintaas ka hortagay soona afjaray Shalay galinkii dambe” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay Jubbaland. Ciidamada dowladda ayaa isaga baxay deegaanka, waxayna u gudbiyeen dhinaca dalka Kenya, waxaana barta Twitter-ka ee Hey’adda ka hortagga Dambiyada Argagixiso ee dowladda Kenya lagu baahiyey sawirrada askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo isku dhiibay ciidamada Kenya, kadib markii ay ka gudbeen xuduudda. Sawirrada ayaa muujinaya ciidamada oo hubkooda dhigaya iyo kuwa Kenya oo soo dhaweynaya, xaaladda Raaskambooni in xog rasmi ah laga helo ayaa aad u adag, maadaama aysan jirin wax isgaarsiin ah. Si kastaba, waxaa Jubbaland ay ku dhawaaqay inay gebi ahaan soo afjartay howlgalkeeda ku aadanaa Raaskambooni, gebi ahaana ay ka saartay ciidamadii dowladda, taas oo meesa ka saaray dhaq-dhaqaaq culus oo labadii todobaad ay ka wadday dowladda federaalka.
  22. AQNkfpAAq8ixoJv2YnKuKVqHcKTUmeIFxYmBWwyerUleS4iUCX6KtIvz_3xG1q9MbLMvcRJDQfda7gX7UG8bx_qJ Qaran News
  23. Doha (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dagaalkii Raaskambooni ku dhex-maray ciidamada Dowladda Federaalka iyo Jubaland uu ka dhigan yahay dhaawaca soo gaaray dowlad-dhiska Soomaaliya. Dagaalkaas ayaa horseeday in ciidamada dowladda ay isaga baxaan Raaskambooni, iskuna dhiibaan ciidanka Kenya ee ku sugan xuduudda. Dowladda Federaalka ayaa cadeysay in ciidanka laga qabsaday Raaskambooni aysan amar u heysan in ay la dagaalamaan cid aan aheyn Khawaarijta Al-Shabaab. “Ciidamada Xoogga Dalka ma qabin wax amar ah oo ay dagaal kula galaan cid aan ahayn Khawaarijta, waxaana ka go’an in ay wadiiqo kasta oo suurtagal ah ku gutaan waajibaadkooda Qaran ee ilaalinta Dalka, Dadka iyo Diinta,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka caawa ka soo baxay dowladda. Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo Dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Raaskambooni ee dhex maray Ciidan Soomaaliyeed oo walaalo ah, lehna hal cadow oo ah argagixisada dhibaatada ku ah dadkeenna waxa uu muujinayaa xaaladda adag ee dalku uu ku jiro iyo dhaawaca soo gaaray dowlad-dhiska Soomaaliya. Waxaan ka murugaysannahay dhibaatada soo gaartay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo sanadahan ay soo food saartay caqabado waaweyn oo wiiqay awooddooda, hoggaamin xumo iyo gelinta dagaallo aan qorsheysnayn, taas oo u muuqata burburinta awooddooda iyo dib u celinta dadaalladii muddada soo socday ee ku salaysnaa dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed si ay dalka uga xoreeyaan argagixisada. Sida aan marar badan ka dignay, waxaan shaki ku jirin in wax-ka-beddelka sharci darrada ah iyo laalidda Dastuurka heshiiska lagu yahay ay ka dhalanayso colaado sokeeye oo dib u celinaya dowlad-dhiska Soomaaliya, sidaas awgeed waxaan adkaynayaa baaqyada madaxda iyo hormuudka siyaasadeed ee ku aaddan in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo nidmaakiisu ay ku soo laabtaan dhabbaha sharciga ah, kana waantoobaan go’aammada aan loo dhammayn ee masiiriga ah ee wiiqaya midnimada iyo wadajirka dadkeenna. Ugu dambeyn, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan qaybaha bulshada, culimaa-uddiinka, waxagaradka iyo hormuudka siyaasadda in ay u istaagan samata-bixinta Dastuurka dalka, xoojinta nabadda iyo xasilloonida, si wadajir aynu uga gudubno caqadaha haysta qarankeenna oo ay ugu horreyso wiiqidda awoodda ciidamada, laalidda dastuurka, musuq-maasuqa iyo hubanta la’aanta siyaasadeed ee ku habsatay dalka.
  24. Mogadishu (HOL) — A two-day workshop organized by EUCAP Somalia and the Ministry of Fisheries and Blue Economy in Mogadishu aims to empower women in Somalia’s fisheries sector by addressing systemic barriers and fostering leadership opportunities. Held on December 9-10, 2024, the event drew participants from across the industry to discuss challenges and create pathways for sustainable development. Source: Hiiraan Online
  25. Ferran Torres scored twice as FC Barcelona claimed a valuable 3-2 win away to Borussia Dortmund that moves it closer to assuring direct qualification for the last-16 of the UEFA Champions League. Source: Hiiraan Online