Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,886
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa safar ku tagay magaalada Nairobi ee Kenya, isagoo hoggaaminaya wafdi ka socda dowladda Federaalka. Socdaalkaas waxaa lagu sheegay inuu salka ku hayo arrimo dhowr ah, oo ay ugu weyn tahay xalinta xiisadda siyaasadeed ee ka dhex oogan dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo hannaanka maamul ee Jubbaland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah ugu eedeeyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, in uu qabtay hanaan doorasho oo aan sharciyad lahayn, isagoo ku tilmaamay in Madaxweyne Madoobe uusan sharci ahaan u xaq lahayn inuu markale xilka qabto maadaama muddo xileedkiisu dhamaaday. Dhinaca kale, safarkan ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, oo ay ku jiraan iskaashiga amniga, horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga, waxbarashada, iyo dalxiiska. Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexeyso dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, wuxuuna khilaafka gaaray meeshii ugu sarreysay, kadib tallaabooyin dheeraad ah oo ay ku jiraan isku adeegsiga ciidamo oo ay qaadeen labada dhinac. Xiisadda ayaa u muuqata inay sii baaheyso, waxayna gaartay dalalka dariska, sida Kenya iyo Itoobiya oo labaduba saameyn ku leh arrimaha gudaha Soomaaliya, Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maanta wafdi ka socda dowladsa Soomaaliya uu kusii jeedo magaalada Niarobi, kaas oo dowladda Kenya kala hadli doono xiisadda ka taagan Jubbaland. Ujeedka wafdigan ayaa lagu soo warramayaa inuu la xiriiro sidii meesha looga saari lahaa taageero xukuumadda Naironi siiso Axmed Madoobe oo mar kale dib loo doortay. Kenya ayaa weli ka aamusan xaaladaha soo kordhay ee gudaha dalka, gaar ahaan dagaalka siyaasadeed ee Villa Soomaaliya iyo maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe. Horay xukuumadda Nairobi ayaa isugu deyday inay dhex-dhexaadiso labada dhinac, laakiin waxba kama soo bixin, waxaana taasi beddalkeeda ay xiisadda isku rogtay gacan ka hadal. Dhinaca kale dowladda Itoobiya ayaa iyaduna dhankeeda soo faragelisay xiisadda, kadib markii ciidamadeeda dhaq-dhaqaaqyo ay ku tageerayaan Jubbaland ka bilaabeen gobolka Gedo. Arrintan ayaa u muuqata mid ay Itoobiya uga faa’iideysaneyso xiisadda dowladda dhexe iyo Jubbaland, maadaama aynan xilligan isku wanaagsaneyn Muqdisho iyo Addis Ababa oo horay isugu qabtay heshiiska badda ee uu Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland. Si kastaba, horay dowladda Soomaaliya ayaa Itoobiya ugu eedeysay inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, ayna sidoo kale ciidamadeeda la wareegeen garoomada iyo waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo farageliyay kiiska askari shalay lagu dhaawacay gudaha xarunta Villa Hargeysa, kadib markii uu si xun u feeray mid kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya. Hab-dhawraha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) oo booqday dhaawaca askariga ayaa ka hadlay falkan, wuxuuna tilmaamay inuu fog yahay anshaxa baarlamaanka, wuxuuna tilmaamay in xildhibaanka uu aragtidiisa ku cabiri karo hadal oo kaliya, balse aan oo loo ogoleyn gacan ka hadal. Nuux ayaa sidoo kale tilmaaay in arrinta dhacday ay tahay fadeexo wayn, uuna aad uga xun yahay in lagu xadgudbo ilaalada baarlamaanka. “Xildhibaanka aragtidiisa hadal wuu ku cabiri karaa,laakiin gacan qaad maya, falkaasi wuxuu ahaa mid ka fog anshaxa iyo la dhaqanka ilaalada golaha, xasaanadda xildhibaanka ma ahan in dhib geysan karo, taasi waa fadeexo,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux). Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in guddoonka baarlamaanka uu qaadi doono tallaabo adag oo la xiriirta kiiskan, si loola xisaabtamo xildhibaankii ka dambeeyay. “Guddoonka baarlamaanka tillaabo ayuu qaadaya sharciga ayaana lagu laaban doona, si loola xisaabtamo cidda ka dambeysa dhibaatadan” ayuu yiri Hab-dhawraha baarlamaanka. Dhankiisa, Senator Cabdiweli Ibraahim Garyare oo madasha ka hadlay ayaa soo jeediyay in la abaal-mariyo askariga dhibaatadu gaartay, maadaama uu si hufan u gutay shaqadiisa. “Madaxda Qaranka waxaan u dirayaa fariin ah in la dalacsiiyo askariga dhaawaca ka soo gaaray Feertii Xildhibaanka” ayuu isna yiri Senatior Cabdiweli Ibraahim Garyare. Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xoogan, kadib markii muuqaalka askariga lagu baahiyay baraha bulshada, waxayna dadka ka xumaadeen xad-gudubka loo gaystay, isaga oo aan wax jawaab ah ka bixin weerarka xildhibaanka oo ay kaamirada soo qabtay.
  4. Mogadishu (HOL) — Somalia and Serbia have signed an agreement to deepen their security cooperation. Source: Hiiraan Online
  5. Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa maanta oo Khamiis ah doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen rasmi ah, sida lagu shaaciyay warsaxaafadeed ka soo baxay PEC. Dhammaan xubnaha guddiga doorashooyinka Puntland oo ka kooban 14 xubnood ayaa cod gacan taag ah ku doortay guddoomiyaha rasmiga ah ee PEC Axmed Maxamuud Cumar oo horay u ahaa guddoomiye KMG ah. “Guddoomiyaha Guddiga ayaa si buuxda loogu doortay Mudane Ahmed Mohamoud Omar oo horay u ahaa Guddoomiyaha KMG ah ee Guddiga mana jirin cid la tartantay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay guddiga doorashooyinka. Guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa sidoo kale loo doortay Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq kadib markii ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen dhammaan xubnaha PEC. “Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga ayaa si rasmi ah loogu doortay mudane Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq( Abdinur Sheikh), mana jirin cid la tartantay” ayuu sii raaciyay warsaxaafadeedka. PUNTLAND POST The post Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC oo maanta doortay guddoon rasmi ah appeared first on Puntland Post.
  6. Mogadishu (HOL) — A Somali lawmaker is under investigation following an incident that left a parliamentary guard injured during a heated session at the national parliament on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo loo haysto kiis xasaasi ah, isla markaana la yaab ku noqday dad badan. Cabdiraxmaan oo 18 jir ah ayaa lagu xiray saldhigga degmada Xamarjajab, waxaana loo haystaa inuu ku kacay fal anshax xumo, sida uu shaaciyay Booliska Soomaaliya. “Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Xamar Jajab ayaa soo xiray eedeysane, Cabdi raxmaan Maxamed Cumar 18 jir ah kuna eedeysan in uu ku kacay falal Anshax-Xumo oo lidi ku ah diinteena suuban iyo Dhaqanka Soomaaliyeed” ayuu lagu yiri warsaxaafadeedka. Kiiska sida gaarka ah loogu haysto wiilkan dhalinyarada ah ayaa ah inuu soo xirtay dharka dumarka, isaga oo iska dhigayay gabar, laakiin ay soo qabteen ciidanka Booliska. Sidoo kale taliska ayaa farriin u diray shacabka, wuxuuna ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga oo ay soo sheegaan wax kasta oo liddi ku ah amniga, haddii ay la kulmaan. “Muwaadin hadii aad la kulanto ama ay kusoo gaarto falal amaanka liddi ku ah la soo xiriir xafiiska Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991 ama kusoo hagaaji banadir@police.g.v.so” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Ragga xiranaya dharka dumarka ayaa soo badanayay maalmahan ee iska dhigaya gabar, waxaana u dambeeyay wiil lagu qabtay Nairobi oo muddo dheer iska dhigay qof haween ah iyo nin kale oo lagu qabtay isla Muqdisho, isaga oo xiray dharka dumar, waxayna arrimahaan la yaab ku noqdeen inta badan dadka Soomaaliyeed.
  8. Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Serbia Mudane Ivica Dačić, ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo kor loogu qaadayo xiriirka labada dal, gaar ahaan ahaan dhinacyada amniga iyo tababarrada ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Wasiirka Amniga Soomaaliya, ayaa sheegay in heshiiskani uu wax weyn ka beddelayo iskaashiga labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tababarrada iyo tayeynta ciidanka amniga Soomaaliya. “Xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia, waa mid qoto dheer oo soo jiray sanado badan, tallaabada maanta aan ku saxiixnay heshiiskanina waxa ay sii xoojin doontaa taageerada iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ay wadaaggaan labada waddan”. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Serbia, ayaa tallaabo taariikhi ah ku tilmaamay heshiiska ay gaareen labada dal, waxa uuna hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal. Serbia waxa ay door muhiim ah ka qaadata dadaallada dib-u-dhiska dowladnimo ee Soomaaliya, gaar ahaan tababarka Ciidammada iyo horumarinta hey’adaha amniga Qaranka. Source: goobjoog.com
  9. Mogadishu (HOL) — Somalia's federal government has reportedly issued an Interpol Red Notice request for the arrest of Jubaland President Ahmed Mohamed Islam, known as "Madobe," escalating a political standoff with the Federal Member State. The Banadir Regional Court in Mogadishu, which authorized the request on Wednesday, accuses Madobe of treason, collusion with foreign governments, and undermining Somalia's unity. Source: Hiiraan Online
  10. Balcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn xoogan oo xalay diyaarado dagaal ay ka fuliyeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Duqeynta oo ahayd bartilmaameed ayaa si gaar ah uga dhacday agagaarka deegaanka Xawaadley, halkaas oo uu shalay ka dhacay weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen ciidamada dowladda, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in duqeynta lala eegtay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, waxaana gaaray maleeshiyada khasaare culus. Xogta ayaa sidoo kale sheegeysa in la burburiyay gawaari ay kooxda soo dhoobtay halkaasi, kadib markii ay ka war heleen diyaaradaha oo dhowr madfac ku dhuftay goobta. Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan duqeyntaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Xawaadley oo ay horay uga baxeen ciidamada ATMIS ayaa waxaa maalmahan culeys soo saaray kooxda Al-Shabaab oo weeraro ku haysay saldhigyada ciidamada dowladda. Si kastaba, xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
  11. The Chinese Embassy in Mogadishu has strongly condemned statements made by a member of the U.S. Congress, which supported the relationship between Taiwan and Somaliland and attacked the cooperation between China and Africa. A spokesperson for the Chinese Embassy stated that the Taiwan administration is specifically interfering in Somalia’s internal affairs by establishing connections with certain groups within the Somaliland administration to further its separatist agenda. These actions, the spokesperson said, are causing significant harm to the unity and common interests of the Somali people, including those in Somaliland. “China will work together with Somalia to safeguard national unity, sovereignty, and territorial integrity,” the embassy spokesperson said. The Chinese government highlighted that its cooperation with Africa is based on genuine friendship, mutual respect, and shared benefits. This cooperation, China stated, has brought tangible benefits to the African people, with the aim of building a shared community between China and Africa. The embassy added that any political agenda aiming to disrupt the relationship between China and Africa will not alter the strong unity and cooperation between the two sides. This statement comes at a time when diplomatic tensions between the United States and China are escalating, especially concerning Taiwan and China’s influence in Africa. Qaran News
  12. Falcelin xooggan ayaa ka dhalatay dhacdadii lagu jirdiley sargaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed oo u xilsaarnaa ilaalinta nabad-gelyada xarunta golaha shacabka, islamarkaana uu u gacan qaaday xildhibaan ka tirsan baarlaamanku. Masuuliyiin dowladda ka tirsan, mudaneyaal iyo senatorro baarlamaan, iyo saraakiil ciidan ayaa isbitaalka Madiino ku booqday kormeere 3-aad Xuseen Maxamed oo xaaladdiisa caafimaad ay culustahay. Dhammaan dadkii ka falceliyay dhacdadan ayaa sheegay in loo baahanyahay in lala xisaabtamo xildhibaankii falka geystay, sidoo kalena la dalacsiiyo sargaalkan maadaama uu ilaaliyay anshaxa ciidannimada, islamarkaana uu ka gaabsaday inuu la dagaallamo xildhibaanka soo weeraray. Si kastaba ha ahaatee ciidanka ayaa ah laf-dhabarka dowladnimada iyo xasilloonida dalka, sidoo kalena waxay ku shaqeeyaan daruufo adag, balse in masuuliyiintii uu nabad-gelyadooda ilaalinayay ay dhaawac gaarsiiyaan ayaa la yaab noqatay. Source: goobjoog.com
  13. A controversial American live-streamer is facing the prospect of prison in South Korea for his offensive antics, in a case that is shining a light on the rise of so-called “nuisance influencers” seeking clicks overseas. Source: Hiiraan Online
  14. Hargeisa (HOL) — In Somaliland's capital, Hargeisa, the streets are quieter now. The celebrations that followed Abdirahman Mohamed Abdullahi "Irro's" landslide election victory on November 13 have faded, leaving a nation to face its realities. Irro's 64% triumph ended 14 years of Kulmiye party rule and ushered in a new chapter for the unrecognized state, long hailed as a beacon of democracy in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  15. Liverpool is 100% on top of the Champions League after dumping title holder Real Madrid into an almost unbelievable 24th place in the 36-team standings on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  16. Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland, ahna Senetar ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa ku baaqay in wada-hadal siyaasadeed lagu xalliyo xiisadda ka taagan Jubaland. Senetar Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay wararka ku saabsan suurta-galnimada dagaal hubaysan oo ka dhaca Jubaland, kadib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ciidamo ku daabushay degaanno ka tirsan Jubaland, xilli uu khilaaf siyaasadeed xooggan u dhexeeyo Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe. “Waxaan aad uga walaacsanahay wararka ku saabsan suurta-galnimada dagaal hubaysan oo ka dhaca Jubaland, kaddib markii cutubyada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) lagu soo daabulay gobolka Jubbada Hoose iyadoo loo adeegsaday diyaarado” ayuu yiri Sen. Faroole oo baaq ka soo saaray xiisadda Jubaland. Sidoo kale, waxa uu sheegay in uu jiro walaac weyn oo ah in Soomaaliya dib ugu laabato dagaal Sokeeye, haddii uu Jubaland ka bilowdo dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka ee loo diray halkaasi iyo ciidamada Jubaland, kaasi oo sababi kara bara-kac weyn oo shacab. “Haddii dagaal ka dhaco Jubaland, oo dhex mara ciidamada SNA ee Muqdisho laga soo diray iyo kuwa Jubaland/ciidamada maxalliga ah ee taageeraya, waxaa jira walaac weyn oo ah in Soomaaliya ku sii socoto jihada dagaallo sokeeye, rabshadaha siyaasadeed, iyo barakaca weyn ee shacabka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynihii hore ee Puntland Sen. Cabdiraxmaan Faroole. Sidoo kale, wuxuu ka digay in xiisadda laga abuurayo Jubaland ay wiiqayso dagaalka ka dhanka ah mileeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab, islamarkaana uga sii darayso kala qeybsanaanta siyaasadeed iyo rabshadaha gudaha ee Soomaaliya. “Ciidamada SNA iyo kuwa Jubaland oo isku diyaarinaya inay adeegsadaan kheyraadkooda si wadajir ah oo ay uga hor tagaan argagixisada, taasoo khatar galinaysa la dagaallanka Al-Shabaab. Ciidamada SNA oo loo adeegsado danaha siyaasadeed, iyadoo ay dhici karto inay ka sii daraan kala qeybsanaanta siyaasadeed iyo rabshadaha gudaha dalka” ayuu yiri Faroole. Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu sidoo kale kula taliyay in uu joojiyo dhammaan dhaq dhaqaaqyada ciidan ee uu ka abuuray Jubaland, islamarkaana ku baaqo wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, si hoggaanka Jubaland dib loogu soo celiyo miiska wada-hadalka. PUNTLAND POST The post Sen. Cabdiraxmaan Faroole oo si weyn uga digay in xiisadda laga abuuray Jubaland ay Soomaaliya u jihayso dagaal sokeeye appeared first on Puntland Post.
  17. Hargeisa (HOL) — The Somaliland Supreme Court has officially validated the results of the November 13 presidential election, cementing a historic victory for the Waddani Party and signalling a peaceful political transition in the self-declared republic. Source: Hiiraan Online
  18. Dowladda Soomaaliya iyo dowladda dalka Serbia ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca Amniga iyo tayeynta ciidamada ah. Heshiiska labada dowladood waxa kala saxiixday wasiirka Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka ahna wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga ee Serbia. Qoraal kooban oo uu saaka soo saaray wasiirka Amniga Soomaaliya ayuu ku sheegay in heshiiskani uu yahay mid ku saabsan tababarrada iyo tayeynta ciidanka amniga dowladda Federaalka Soomaaliya. “Waxaan maanta kala saxiixanay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Serbia, heshiis muhiim oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, gaar ahaan tababarrada iyo tayeynta ciidanka amniga Soomaaliya” ayuu yiri Fartaag. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis iskaashi amni oo lagu tayeynayo ciidamada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  19. Dacwad oogaha Maxkamada Caalamiga ah ee Dambiyada ICC ayaa ka codsaday garsoorayaasha, in ay jaraan waraan lagu soo xiro hogaamiyaha taliska militariga Myanmar, kaas oo wajahaya danbiyo ka dhan ah Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Rohinga. Sarreeye Guuto Min Aung Hlaing, oo xukunka awood ugala wareegay hogaamiyaha la doortay ee Aung San Suu Kyi sannadki 2021, ayaa lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo lagu dhibaateeyay qowmiyadda Rohingaha Barma. Ku dhawaad hal milyan oo qof ayaa lagu qasbay in ay galan dalka ay dariska la ah Myanmar ee Bangaladesh si ay uga baxsadaan olole isir-sifeyn ahaa oo isugu jiray kufsi wadareed, dil iyo dab la qabadsiiyay guryaha. Isagoo dib uga soo laabtay booqasho uu ku tagay xero qaxooti oo ku taal Bangladesh, ayuu dacwad oogaha ugu sareeya Maxkamadda ICC, Karim Khan uu sheegay, in uu dhawaan soo saari doono codsiyo kale oo uu maxkamadda uga dalbanayo waaranno lagu soo xirayo saraakiil kale oo ka tirsan millatariga Myanmar. PUNTLAND POST The post Dacwad oogaha Maxkamadda ICC oo codsaday in la soo xiro Hoggaamiyaha Militariga Myanmar appeared first on Puntland Post.
  20. ABU DHABI (WAM) -- Dr. Omar Habtoor Al Darei, Chairman of the General Authority of Islamic Affairs, Endowments and Zakat, and Abu Bakr Jilani Sheikh, Minister of State for Religious Affairs and Endowments of the Federal Republic of Somalia, discussed ways to strengthen cooperation in religious issues and enhance communication relations. Source: Hiiraan Online
  21. RIYADH: The Saudi aid agency KSrelief signed a cooperation agreement with a civil society organization to implement the third phase of the Back to School project in Yemen. Source: Hiiraan Online
  22. NAIVASHA, Kenya (Xinhua) -- Kenya has witnessed a sharp decline in terrorist attacks and violent extremism countrywide amid heightened vigilance by communities and security personnel, senior officials said Wednesday. Source: Hiiraan Online
  23. (Burma (Caasimada Online) – Madaxa dacwad oogaha Maxkamada Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa Arbacadi ka codsaday garsoorayaasha, in ay jaraan waraan lagu soo xiro hogaamiyaha taliska militariga Myanmar, kaas oo wajahaya danbiyo ka dhan ah Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Rohinga. Sarreeye Guuto Min Aung Hlaing, oo xukunka awood ugala wareegay hogaamiyaha la doortay ee Aung San Suu Kyi sannadki 2021, ayaa lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo lagu dhibaateeyay qowmiyadda Rohingaha Barma. Ku dhawaad hal milyan oo qof ayaa lagu qasbay in ay galan dalka ay dariska la ah Myanmar ee Bangaladesh si ay uga baxsadaan olole isir-sifeyn ahaa oo isugu jiray kufsi wadareed, dil iyo dab la qabadsiiyay guryaha. Isagoo dib uga soo laabtay booqasho uu ku tagay xero qaxooti oo ku taal Bangladesh, ayuu dacwad oogaha ugu sareeya Maxkamadda ICC, Karim Khan uu sheegay, in uu dhawaan soo saari doono codsiyo kale oo uu maxkamadda uga dalbanayo waaranno lagu soo xirayo saraakiil kale oo ka tirsan millatariga Myanmar. Isha: VOA
  24. Ciidanka booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga degmada Xamar-jajab ayaa soo xiray eedeysane lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo 18jir ah,kaas oo dharka dumarka xirnaa xilligii laamaha nabad-gelyadu ay soo bandhigeen. Eedeysanahan ayaa loo heystaa in uu ku kacay falal anshax-xumo ah, kuwaas oo lidi ku ah dhaqanka iyo diinta suuban ee Islaamka, waxaana la filayaa in maxkamad galdacwadeedkiisa awood u leh la horgeyn doono. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli maamulka gobalka Banaadir uu dhowaan soo saaray amarro dhaqan xumada caasimadda ka jirta wax looga qabanayo. Source: goobjoog.com
  25. Istanbul (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay in mas’uuliyiinta Turkiga ay gacan ka gaysteen soo qabashada tuhmanayaal lagu eedeeyay dilka Raabi Israa’iili ah oo ka dhacay Imaaraadka. Warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee dowladda, ayay wasaaraddu uga mahadcelisay mas’uuliyiinta Turkiga “la-shaqeynta ay ka sameysay soo qabashada dembiilayaasha”, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah bixin. Mas’uuliyiinta Imaaraatka ayaa sheegay inay xireen saddex nin oo Uzbekistani ah oo looga shakisan yahay inay dileen Zvi Kogan, oo ahaa 28 jir Raabi ah, kaasi oo ku noolaa Imaaraadka sidoo kalena haystay dhalashada Moldova. Saddexda tuhmane ayaa laga qabtay magaalada Istanbul, hawlgal qarsoodi ah oo ay dabayaaqadii todobaadkan fuliyeen sirdoonka iyo booliska Turkiga, iyaga oo raacaya codsiga dawladda Imaaraadka Carabta, sida laga soo xigtay il-wareeydo dhinaca ammaanka oo Turkish ah. Sirdoonka Turkiga ayaa ogaaday duulimaadka ay tuhmanayaasha ku yimaadeen Istanbul, waxaana booliska Turkiga ay qabteen markii ay ka tageen garoonka, sida ay sheegeen ilo-wareedyada. Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale sheegay in Turkiga uu eedeysanayaasha u gacan galiyay Imaaraadka. Lama shaacin xaaladda ku hareereysan dhimashada Kogan, mana cadda in madaxda Imaaraatka ay go’aamiyeen sabab dhiiri-gelisay ama halka ay ku sugnaayeen saddexda tuhmane markii la xirayay. Saraakiisha Israel ayaa sheegay in Kogan loo beegsaday sababtoo ah inuu ahaa Yuhuudi waxayna, dilkiisa ku sifeeyeen weerar Yahuud nacayb ah. Hay’adaha Israa’iil ayaa gacan ka geysanaya baaritaanka. Kogan waxa uu ku noolaa dalka Imaaraatka muddo dhowr sano ah, waxaana uu ku lug lahaa wacyigelinta bulshada Yuhuuda ee dalkaas. Khamiistii ayaa la sheegay in la waayay, waxaana meydkiisa la helay Axaddii. Saraakiisha Uzbekistan ayaa sheegay in xukuumadda Tashkent ay ka caawinaysay Imaaraatka iyo mas’uuliyiinta Israel baaritaanka. Laba ka mid ah eedeysanayaasha la xiray ayaa da’dooda lagu sheegay 28-jir, halka midka saddexaadna uu yahay 33-jir.