Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,876
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha sare arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xafiiska ra’iisul wasaraha Soomaaliya, Shamsa Cabdulqadir Daahir ayaa shaacisay inay iska casishay xilkii. Shamsa oo warqadeeda is-casilaada ku socodsiisay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxay ku sheegtay in casilaadeeda ay timid kadib markii ay aragtay cadaalad darro baahsan, ku takri fal awoodeed iyo far-gelin joogto ah. “Anigoo ah Marwo Shamsa Cabdulqadir Daahir, ahna la-taliyaha sare arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xafiiska ra’iisul wasaraha, waxaan halkaan ku caddaynayaa in aan si rasmi ah iskaga casilay xilkii aan ka hayay xafiiska, kadib markii aan arkay caddaalad darro baahsan, ku takri fal awoodeed iyo faro galin joogta ah, duudsiin xuquuq iyo caburin shaqo oo la xiriirta shaqadii la ii igmaday,” ayey Shamsa ku tiri warqadeeda is-casilaada. Shamsa ayaa sidoo kale waxay sheegtay in deegaanka ay kasoo jeedo ee Jubbaland lagu hayo beegsi, islamarkaana lagu dulmiyay xuquuqdeedii shaqo ee dastuuriga aheyd. “Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dadkii aan wada shaqaynay ee sida niyad samida ah iila shaqeeyay inta aan xafiiska joogay,” ayey tiri Shamsa oo aheyd la-taliye sare oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaare Xamza. Shamsa oo qeyb ka noqoneysa masuuliyiinta kasoo jeeda Jubbaland ee iska casilay xukuumadda federaalka, ayaa sidoo kale waxay sheegtay inay u dulqaadan weyday beegsiga sida gaarka loogu haayo bulshada maamulka Jubbaland oo ay sheegtay in si sharci daro fara-galin ugu heyso xukuumadda. Dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ayaa kala furtay kadib markii xukuumadda federaalka ay si adag uga hortimid dib u doorashada Axmed Madoobe, iyadoo waaran soo qabasha ahna u jartay Madoobe, kadib markii ay ku eedeysay fal-dambiyeedyo kamid yihiin khiyaano qaran.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhawaan waaran soo qabasho u jartay Axmed Madoobe, ayaa haatana codsi u dirtay hay’adda Interpol. Codsiga dowladda federaalka ayaa ku saabsan soo saarista digniin caalami ah (Red Notice) oo ka dhan ah madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Dowladda federaalka ayaa horey Axmed Madoobe ugu eedeysay khiyaano qaran iyo la shaqeynta dowlado shisheeye, taas oo ay u dheertahay carqaladeynta midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, sida ku qoran eedda dowladda u jeedisay Madoobe. Red Notice-ka oo Interpol ay soo saarto waa codsi caalami ah oo ku saabsan qabashada qof loo haysto dacwad, balse ma ahan amar xabsi ah oo toos ah, xilli maxkamadda gobolka Banaadir ay u jartay Axmed Madoobe waaran soo qabasho, oo lagu horkeenayo maxkamadda. Dalabka dowladda federaalka ee Interpol ayaa wuxuu qeyb ka yahay taageero caalami ah oo dowladda u raadineyso soo qabashada Axmed Madoobe ama si loo horgeeyo cadaalad, maadaama ay u jeedisay eedeymo culus oo kamid yihiin “khiyaano qaran”. Codsigan ayaa sidoo kale u muuqda mid ay dowladda ku dooneysa in Axmed Madoobe lagu qabto dal kasta oo xubno ka ah Interpol, si ugu dambeynta loogu soo gacan geliyo. Si kastaba, xiisadda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa cirka isku shareertay kadib markii uu Axmed Madoobe mar saddexaad qabsaday doorasho uu kusoo baxay, waxaana laga cabsi qabaa inay dagaal toos ah isku rogto xiisaddu, maadaama deegaano ka tirsan maamulka ay isku horfadhiyaan ciidamo kala taabacsan labada dhinac.
  3. Ciidanka Booliska Puntland ayaa hawlgal lagu la dagaallamayo gubista dhirta iyo dhuxulaysiga ka sameeyay degaanno ka tirsan degmada SHAXDA ee gobolka Karkaar. Warbixin uu soo saaray Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayuu ku sheegay in hawlgalkaasi lagu burburiyay 15 hog oo ay kooxo dhuxulaysato ah ka sameeyeen degaanno ka tirsan degmada SHAXDA ee gobolka Karkaar. “In kabadan 15 Hog ayay Ciidamada Booliska Cagta mariyeen iyagoona sheegay tani ay qeyb ka tahay Ka hortagista waxyeelada Degaaanka” ayaa lagu sheegay warbixinta Booliska Puntland. Taliska Booliska Puntland ayaa sidoo kale warbixintiisa ku sheegay in ay hawgalka ku qabteen saddex maxbuus oo kamid ahaa kooxaha dhirta gubay ee 15 hog dhuxusha ka sameeyay. PUNTLAND POST The post Booliska Puntland oo hawlgal ku burburiyay hogihii dhuxulaysatada ee degmada SHAXDA appeared first on Puntland Post.
  4. Mogadishu (HOL) — Tensions have boiled over on the volatile border between Somalia’s Hiiraan and Middle Shabelle regions, as rival clan militias mobilize for what many fear could be another bloody confrontation. Armed groups from the Hawadle and Abgaal clans have entrenched themselves near the village of Halfooleey. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (HOL) — Somalia is turning to Germany for assistance in transforming its immigration systems, a crucial step in the East African nation’s broader journey toward recovery and modernization. During a working visit to Berlin, Ahmed Said Mohamed, Director General of Somalia’s Immigration and Citizenship Agency (ICA), met with senior German officials to discuss training programs, visa facilitation, and developing advanced immigration technologies. Source: Hiiraan Online
  6. Mogadishu (HOL) — The resignation of a senior advisor in Somalia's Prime Minister's Office has exposed deepening fissures in the country's fragile federal system, with allegations of injustice, abuse of power, and systemic discrimination raising new questions about Mogadishu's governance. Source: Hiiraan Online
  7. Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa KMG ah u magacaabay ninkii isaga beddeli lahaa haddii uu geeriyoodo ama is casilo. Bayaan uu soo saaray ayuu Cabbaas ku sheegay in guddoomiyaha Golaha Qaranka Falastiin uu si ku meel gaar ah u hayn doono xilka, wax aan ka badan 90 maalmood, xilligaasi oo ay tahay in la qabto doorasho madaxweyne. Guddoomiyaha hadda ee guddiga ugu sarreeyaa go’aan gaarista Falastiin waa Rawhi Fattouh, oo 75 jir ah, oo sidoo kale muddo kooban soo noqday hoggaamiye ku-meel gaar ah ka dib geeridii Yaasir Carafaat ee 2004. Cabbaas, oo 89 jir ah, waxa uu ahaa madaxweynaha Falastiin tan iyo 2005, waxaana sannadihii u dambeeyay uu wajahayey dhibaatooyin caafimaad oo joogto ah, taasi oo keentay in la isla dhex maro cidda beddeli karta haddii uu meesha ka baxo. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Falastiin oo si KMG ah u magacaabay ninkii isaga beddeli lahaa haddii uu xilka banneeyo appeared first on Puntland Post.
  8. Ugu yaraan 130 qof ayaa la la’yahay, halka 17 qof ay ku dhinteen dhul go’ ka dhacay bariga Uganda, sida ay booliisku sheegeen. Dhul go’a ka dhashay roobabka xooggan ayaa saameeyay tuulooyin badan oo ka tirsan degmada Bulambuli, oo qiyaastii 280 km (178 mayl) u jirta caasimadda Kampala. Hawlgal samatabbixin ah ayaa socda kadib markii ugu yaraan 40 guri ay biyuhu la tageen,sida uu barta X ku sheegay Ururka Laanqayrta Cas ee Uganda. Booliska Uganda ayaa sheegay in sidoo kale 15 meyd ah iyo 15 kale oo dhaawac ah oo la soo badbaadiyay la dhigay cisbitaalka. Roobab mahiigaan ah ayaa maalmihii u dambeeyay ka da’ayay dalka Ugandha. Arbacadii, Raiisel wasaare Robinah Nabbanja ayaa soo saartay digniin dhanka musiibada ah taas oo ay ku qortay barta X. “Dadka qaar ayaa looga shakisan yahay inay maqan yihiin, qaarkoodna waxaa laga cabsi qabaa inay ciidda ku aasmeen.” Source: goobjoog.com
  9. Arusha (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa Soomaaliya ku matalay shirkii caadiga ahaa ee 46-aad ee golaha wasiirada dalalka xubnaha ka ah bulshada bariga Afrika oo ka dhacay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania. Shirkan oo ahaa mid muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray arrimaha gobolka oo ay ka mid yihiin ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isu socodka xorta ah ee badeecadaha iyo dadka, nabadda iyo amniga. Wada-hadalladan ayaa ah kuwo muhiim u ah xoojinta isdhex-galka iyo kobcinta iskaashiga dalalka xubnaha ka ah bulshada bariga Afrika ee EAC. Shirka golaha wasiirada (EAC) ayaa waxa uu gogol xaar u yahay shir madaxeedka 24-aad ee caadiga ah ee madaxda waddamada bariga Afrika iyo munaasabad heer sare ah oo loogu dabaal dagayo sanad-guurada 25-aad ee EAC. Ka qayb-galka firfircoon ee Soomaaliya wuxuu hoosta ka xariiqayaa sida ay uga go’an tahay is-dhexgalka gobolka iyo hammigeeda ku aadan inay si rasmi ah ugu biirto EAC. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-geli doona shirka madaxda dowlad-goboleedyada, isagoo dib u xaqiijinaya in Soomaaliya ay la jaan-qaadi doonto hiigsiga bariga Afrika oo midaysan oo barwaaqo ah. Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay dallada bulshada bariga Afrika daba-yaqada sanadkii hore ee 2023, waxayna sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan, iyadoo haatan xubin firfircoon ka ah EAC.
  10. Mogadishu (HOL) — Safaricom has extended its M-Pesa Global service to Ethiopia, enabling mobile money transfers between Kenya and its East African neighbour. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) — A harrowing journey to Mayotte, a French territory in the Indian Ocean, claimed the life of 26-year-old Fathi Hussein, highlighting the deadly risks migrants face in pursuit of safety and opportunity. Fathi was among nearly two dozen Somali nationals who perished when two overcrowded boats carrying 73 people capsized off the coast of Madagascar earlier this month. Source: Hiiraan Online
  12. Mogadishu (HOL) — Italy has donated 2,000 rare books and digitized archival materials to Somalia in a bid to preserve the country’s cultural heritage and aid its recovery from decades of conflict, marking a significant step toward rebuilding its educational foundation. Source: Hiiraan Online
  13. Parents and children in Hamarweyne district of the Somali capital, Mogadishu, are excited about the opportunities offered to low income families by a new free school that opened in their area in September. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) — A heated altercation erupted in Somalia's parliament Monday, leaving a police officer injured and raising concerns over the conduct of lawmakers as the country navigates critical electoral milestones. The officer was struck while mediating tensions among MPs debating the National Electoral Commission, an incident now under investigation. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ah kuwo ka duwan shacabka caadiga marka ay timaado habka loo marayo in dacwad lagu soo oogo. Si loo ilaaliyo shaqadooda iyagoon cidna ka baqeyn ayaa loo sameeyay in aan la xiri karin. Inta badan waxa ugu muhiimsan awoodda ay leeyihiin waa in ay si xor ah u hadlaan taas oo loo arko in ay tahay mid keeneysa wanaag. Waxyaabaha kale inta badan xildhibanada adduunka la sheego in ay ku muteysteen waxaa ka mid ah in madaxbannaanidooda aysan ku imaan faragelin bannaanka ah. Xildhibaanada Soomaaliya waxay la mid yihiin kuwa adduunka, waxayna leeyihiin xasaanad ay ku shaqeeyaan si ay howlahooda welwel la’aan u gutaan. Hadaba xasaanadda xildhibaanada intee ayey gaarsiisan tahay? Baarlamaanada aduunka way kala duwan yihiin. Dal walba sharcigiisa iyo xeerarkiisa ayuu ku dhaqaa xildhibaanada. Sida uu dhigayo dastuurka Soomaaliya xildhibaanku waa in aysan dhibaato ka soo gaarin fakarkiisa. “Xildhibaanka Golaha Shacabka dhibaato kama soo gaari karto fikradda ama codka uu ka hor dhiibto Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo guddiyadiisa”. Sidoo kale dastuurka Soomaaliya waxa uu sheegayaa in aan xildhibaanka lagu qaadi karin dacwad ciqaabeed ama aan la xiri karin oo aan la baari karin hadaan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi sharci ahaan khasab ah in la soo saaro maxkamad. Arrimahasi oo dhan waxay muujinayaan in xildhibaanka si weyn looga ilaaliyay in aan si fudud loo ciqaabi karin. Dhacdadii shalay ee Baarlamaanka Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu arkay xildhibaano taagan meel aan ka fogeyn guddoonka oo qaylinaya iyo buuq ka jira gudaha baarlamaanka. Askar ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa sidoo kale iyagoo gacmaha is haysta celinayay in ay dhaafaan xildhibaanada. Askarta booliska ayaa xildhibaanada ka hortaagnaa in ay dhaafaan oo u gudbaan kuraasta guddoonka. Waxaa kaloo lagu arkay muuqaallada baraha bulshada la soo dhigay askari ka tirsan booliska oo feer lagu dhuftay. Askariga ayaan gacan qaadin, siina watay howshiisa. Ugu dambeyn askariga waxaa soo gaaray dhawac keenay in la dhigo isbitaalka. Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa sarkaalkaas booliska ku booqday isbitaalka waxay ka hadleen aragtidooda sidii ay wax u dhaceen. Senetor Cabduweli Ibraahim Aaden Garyare ayaa ku ammaanay sida askariga booliska isku xakameeyay, wuxuuna sheegay in ay tahay wax lagu farxo sida uu u dhaqmay sarkaalkaas. “Arintan waxay keeneysaa in uu hormuud u noqdo askarta kale oo ay ku daydaan”. Xildhibannada hadlay ayaa sheegay in aysan aheyn in la siyaasadeeyo oo si hoose loo xaliyo arrintan. “Hadii dhaqanka Soomaalinimada ee sida hoose wax lagu xaliyo la maro, waxay keeneysaa in baarlamaanka sidan ahaado, dalkana uusan hagaagin”. ayey tiri xildhibaan Farxiyo Muumin oo ka mid aheyd xildhibaanada isbitaalka ku booqday askariga. Xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay wax laga xumaado askariga oo taagan oo aan waxba geysan in gacan loo qaado. In xildhibaanada ay gacan qaadaan ma ahan wax ku cusub baarlamaanka Soomaaliya. Dhexdooda hore ayey u dagaallameen. Xildhibaan Maxamad Cabdillahi Xasan Nuux ayaa sheegay in ay jiraan dhacdooyin tan la mid ah oo hore u dhacay balse aysan heerkaan gaarsiisneyn. “Waxaa jiray qaar kale oo xildhibaanada baarlamaanka wax u geysteen oo ay dhaawaceen, laakiin ninkan isbitaalka ku jira, walaalkeen Axmed, waa kii ugu darnaa” Xildhibaan Nuux wuxuu sheegay in aysan suuragal ahey in intaad qof gacantaada ku disho haddana aad tiraahdo ‘xasaanad ayaan leeyahay ama maxaa igama galay'”. Baarlamaanka ayaa shalay xilliga uu buuqa dhacay ansixiyey guddiga dorashooyinka iyo xuduudaha, waxayna sidoo kale arrintan ku soo aadday ayadoo maxkamadda gobolka Banaadir ay soo saartay ruqsad lagu soo qabanayo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Ilaa hadda ma jirto cid loo qabatay falkaas. Isha: BBC
  16. Ramallah (Caasimada Online) – Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa magacaabay qofka sida ku-meel gaarka ah xilka ula wareegi doona haddii uu geeriyoodo ama uu xilka ka tago, isaga oo waxa ka qabanaya walaaca laga qabo in firaaq dhinac awoodda ah uu dhaco marka uu xilka ka tago. Bayaan uu soo saaray gelinkii dambe ee Arbacadii ayuu Cabbaas ku sheegay in guddoomiyaha Golaha Qaranka Falastiin uu si ku meel gaar ah u hayn doono xilka, wax aan ka badan 90 maalmood, xilligaasi oo ay tahay in la qabto doorasho madaxweyne. Guddoomiyaha hadda ee guddiga ugu sarreeyaa go’aan gaarista Falastiin waa Rawhi Fattouh, oo 75 jir ah, oo sidoo kale muddo kooban soo noqday hoggaamiye ku-meel gaar ah ka dib geeridii Yaasir Carafaat ee 2004. Cabbaas, oo 89 jir ah, waxa uu ahaa madaxweynaha Falastiin tan iyo 2005, waxaana sannadihii u dambeeyay uu wajahayey dhibaatooyin caafimaad oo joogto ah, taasi oo keentay in la isla dhex maro cidda beddeli karta marka uu ugu dambayn dhinac istaago. Cabaas ma lahan ku xigeen, waxaana ilo xog ogaal ah ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters horaantii bishan in Sacuudi Carabiya ay ku cadaadiyeen in uu mid magacaabo. Ku dhawaaqidda uu Cabaas sameeyey Arbacadii ayaa meesha ka saaraysa hubanti la’aanta ku saabsan waxa dhici doona marka uu dhinto, laakiin Fattouh looma magacaabin ku-xigeenkiisa, taasi oo la macno ah inaan wali la aqoon cidda bedeli karta Cabbaas mustaqbalka fog. Wasiirka beeraha ee Israa’iil, Avi Dichter, oo xubin ka ah golaha ammaanka gudaha, ayaa koox saxafiyiin shisheeye ah u sheegay toddobaadkan in ciidammada Israa’iil ay la wareegi doonaan Daanta Galbeed haddii qof ka tirsan kooxda Xamaas uu isku dayo inuu madaxweyne noqdo. Cabbaas ayaa xilka loo doortay 2005 muddo afar sano ah, balse tan iyo xilligaas ma dhicin wax codbixin ah, waxaana hadda uu yahay mid dadku naceen, ayada oo ra’yi ururin la sameeyay bishii September ay muujisay in 89% Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed ay doonayeen inuu xilka iska casilo.
  17. 'I was quite shocked,' psychiatrist says of Somali-Canadian's death after arrest Source: Hiiraan Online
  18. Mogadishu (HOL) — The defending champions of the TotalEnergies CAF U-17 Africa Cup of Nations (AFCON), Somalia, will face a challenging path in the CECAFA qualifiers as they prepare to take on regional rivals Kenya, South Sudan, and Sudan in Group B. Source: Hiiraan Online
  19. AQMgcNGlNp75vWiYvVMkEUf6QiPfCnupiG-WPJ8JKsbIzRIlzqKjaK-HN9CbzwMCbSSsJbNUDdUnKC8ijTeaMy41 Qaran News
  20. Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamo hor leh oo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta ku biiray ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo Axmed Madoobe uu difaac ka geliyey deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose. Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka maanta baneeyey garabka Axmed Madoobe ayaa sheegay inay gaarayaan ilaa 200 oo askari. Sidoo kale waxay saraakiishaas ka warbixiyeen xaaladihii adkaa oo ay soo mareen, sanadihii ay ka tirsanaayeen ciidamada Jubbaland. Waxay sheegeen mushaarkoodu uu ahaa $100 oo mararka qaar aysan heli jirin, sidoo kale waxay sheegeen in dalacsiin iyo waxyaabo badan oo ay mudnaayeen aysan ka helin maamulkii ay la shaqey jireen ee Jubbaland. Horay waxaa dowladda federaalka ula saftay ciidamo badan oo Axmed Madoobe u diray Raaskambooni, si ay u weeraraan ciidamada xoogga, balse ma dagaalamin ee waxay isku dhiibeen ciidanka qaranka. Ciidamo hor leh ayaa la sheegay in hadda ay qorsheynayaan inay ku biiraan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Raaskambooni, kuwaas oo baxsad ka ah maamulkii ay sanadaha badan la shaqeynayeen ee Axmed Madoobe. Dowladda Federaalka ayaa ciidanka Jubbaland ka balan-qaaday in hadii ay ka soo tagaan Axmed Madoobe la siinayo mushaar, darajo iyo in la qarameynayo oo lagu darayo ciidanka xoogga dalka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa toos u hor boodaya qorshaha dowladda federaalka ay ku soo afjareyso maamulka sanadaha badan jiray Axmed Madoobe, waxaana dhanka gobolka Gedo ka socda olole kale oo xooggan. R/Wasaare Xamsa ayaa maanta u safray dalka Kenya, si xiriirka Axmed Madoobe iyo Kenya uu meesha uga saaro, waxaana Nairobi ka socda kulamo oo Xamsa la yeelanayo madaxda dalkaas.
  21. Suddenly, everything is about a tiny, unrecognized state that few will ever have heard of: Somaliland. The fate of this piece of geopolitical real estate is now tied up with everything from Israel’s war on Gaza to the Houthi attacks on the Red Sea, and quite a few geopolitical centers of activity in between the two. The fact that a UK former defense minister is spreading rumors that U.S. president-elect Donald Trump will officially recognize Somaliland, a strategic breakaway region of Somalia that sits on the Red Sea, is only one of many dominoes falling around this tiny would-be nation. In 1991, Somalia, a former British protectorate, claimed independence from Somalia, and it’s survived more or less quietly since then–until its strategic positioning on the Red Sea made it a prized possession of high-level geopolitical consequence. Turkey’s been milling around it for ages, already, with Erdogan always spotting opportunities well in advance. But Turkey’s game is to shore up its power in Somalia, not Somaliland, and its strategy is a broader one: to pre-insert itself in various situations that position it to have a strong enough business foothold and act as an indispensable mediator and power broker (like in Libya). Ethiopia and Somalia are fighting over it. Turkey and Greece are fighting over it. Egypt, too, has some skin in this game, as does Israel, which is looking for some prime real estate to safely bomb the Houthis from. Everyone wants a piece of Somaliland these days. And it’s attracting a lot of money for its port, including from Ethiopia and the UAE, which makes neighboring Somalia and its increasingly influential benefactor (Turkey) nervous. The port deal with Dubai then attracted money from Ethiopia–a landlocked neighbor desperate to get a foothold on the coast. The January 2024 port deal raised tensions exponentially, to the point of questioning Somalia’s sovereignty as its breakaway region began to gain more power than Somalia proper. The port deal came with a quid pro quo that went beyond money. The deal, which for now remains an MOU, would allow Ethiopia its coveted Red Sea port lease and would give Somaliland official recognition. This puts Somalia dangerously at odds with Ethiopia because it’s a question of sovereignty. And with the battle against Yemen’s Houthi rebels in the Red Sea, Somaliland’s value has just soared. Not only does the previously unassuming breakaway region have an impressive Gulf of Aden coast, but it’s also right at the entrance to the Bab el-Mandeb Strait–the key target of the Houthis that sees over 30% of all seaborne world trade. Many have already been using Somaliland’s coast via proxy, in neighboring Djibouti, where the Who’s Who of foreign powers already have military bases. The same is true for Eritrea. But it’s Somaliland that is the core of the coastal power game. Turkey’s meddling is also escalating things. Turkey’s energy exploration deals with Somalia will see it deploy Turkish Naval forces in a maritime zone that both Somalia and Somaliland claim. Somaliland has already warned Turkey against such a move. Turkey, ever playing the role of beneficial mediator, is pushing for direct negotiations between Somalia and Somaliland, but if Ankara oversteps, we could see a major response from Somaliland and possibly its allies. As this competition for Somaliland continues to intensify–and it will–it risks becoming the next hot spot conflict involving very clear groups of foreign enemies and allies. Source Oilprice Qaran News
  22. Belgrade (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Serbia, ayaa tababar xirfadeed ugu soo xiray saraakiil Soomaaliyeed oo ka tirsan qeybta Baarista Dambiyada (CID). Saraakiishan oo laga soo xulay dhammaan maamul-goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, ayaa muddo tababar sare ku qaadanayay kuliyadaha Booliska Serbia ee Goć. Tababarka ayaa diiradda lagu saaray farsamooyinka casriga ah ee baarista dambiyada, falanqaynta caddeymaha, maaraynta dambiyada abaabulan, iyo adeegsiga teknolojiyadda sare ee baarista. Wasiirka ayaa saraakiisha ku bogaadiyay dadaalkooda iyo guulaha ay ka soo hooyeen tababarka, isagoo uga mahadceliyay Serbia taageerada ay siisay Soomaaliya. Wasiir Fartaag, ayaa uga mahadceliyey dowladda Serbia tababarka iyo taageerada kala duwan ee ay la garab taagan yihiin ciidanka Soomaaliyeed iyo hey’adaha dalka. Dowladda Serbia ayuu sheegay Wasiirku inau gacan wayn ka geysato sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagaxisada ah ee khatarta ku ah amniga guud ee caalamka.
  23. AQMgNck20Phpw_BBobtwEfiWbcSmQfQc6_Iwa67Fs9hbl6kRi0m_guX50Sq-XQKkm3Gpxnqpo53PpGlCI2RfKOAA Qaran News
  24. Waxaa shaki ku jirin dadaalka Bunuugta Islaamiga iyo doorka ay ka qaataan adeega bulshooyinka kala duwan ee Islaamka. Qiimaynta Maaliyadda Islaamku maanta waxy u dhigantaa $3.9 trillion oo ku baahsan in ka badan 80 wadan iyadoo inteeda badan ay ku urursan tahay suuqyo kala duwan laakin ay baaxadooda yartahay. Isbarbardhigga xogta laga helay ilo kala duwan waxay muujineysaa in 10 waddan oo kaliya ay yihiin ku dhawaad ​​.95% hantida u dhiganta hantida shareecada adduunka. Tobankii sano ee la soo dhaafay, dhaqaalaha Islaamku wuxuu ku koray xawli aad u sarreeya sanadkiiba 10%. Marka loo eego warbixinta dhaqaalaha Islaamka ee 2023, wadarta hantida shareecada waafaqsan waxay AYADUNA kori doontaa $5.95 tiriliyan marka la gaaro 2026 inkastoo taasi ay ku xiran tahay horumarka dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee suuqyada Islaamka. Maaliyadda Islaamka ee Afrika Wadamada kale ee aduunka sida wadamada Saxaraha ka hooseeya, waxaa hadda bilaabmaya in dhaqaalaha iyo adeega bunuugta Islaamka islaamku uu ka bilaabmo asagoo sagana ku socda si xowli ah. Tusaale xusid mudan; Bishii Maarso 2024, Uganda waxay furatay bangigii ugu horreeyay ee ku dhaqma shareecada Islaamka. Somalia: IRBS Awards 2024: 10th Islamic Retail Banking Awards 2024 – Salaam Somali Bank Awards Achievements Ayadoo laga duulaayo muhiimada in la muujiyo wax qabadka iyo dadaalada Bangiyada Islaamka, , ayaa waxaa laga maarmaan ah in la helo gola qiimeeya horumarka ay gaaraan Bangiyada Islaamka ee Caalamka. Isu taga Isbahaysiga Ganacsiga ee Mas’uulka ah wuxuu suurto galiyay madasha abaalamarinada Bunuugta Islaamka Aduunka. Sanadka Abaalmarinnada 10aad ee Bangiyada Islaamiga ah 2024 waxaa loo dabbaaldegay hal-abuurka qaybta bangiyada Islaamiga ah, iyada oo la aqoonsanayo hay’adaha muujiyay sida ay uga go’an tahay maalgelinta shareecada waafaqsan. Salaam Somali Bank Salaam Somali Bank waa mid fure u ah horumarinta mabaadi’da bangiyada Islaamka ee Soomaaliya. Salaam Somali Bank waxa uu safka hore kaga jiray kobcinta ka mid noqoshada maaliyadeed ee gobolka iyo bixinta adeegyadii bangiyada. Iyada oo la raacayo hab ku salaysan macaamiisha, bangiga waxaa loo magacaabay Abaalmarinta IRBS 2024. Salaam Somali Bank waxaa loo doortay Abaalmarintii 10-aad ee Islamic Retail Banking Awards 2024, taasoo muujinaysa sida ay uga go’an tahay inuu heer sare ka gaaro hab-dhaqanka bangiyada Islaamka. Sanadkan, Guddiga Abaalmarinnada Banuugta Islaamiga ah (IRBS) ayaa go’aamiyay in Salaam Somali Bank uu helo Bankiga Islaamka ugu Wanaagsan ee Soomaaliya xagga Tayada Adeegga iyo hawlgallada 2024. Aqoonsigani waxa uu xoojinayaa Heerka bangigu ka taagan yahay ee ah hormuudka qaybta bangiyada Islaamiga ah, isaga oo gacan ka geysanaya horumarinta maaliyadda ee wadanka .Salaam Somali Bank waxa uu hiigsanayaa in uu kor u qaado bixinta adeegyo bangi oo u hogaansan mabaadi’da Islaamka. Bangigu waxa kale oo uu diirada saari doonaa horumarinta ka-qaybgalka macaamiisha iyada oo loo marayo adeegyo ku habboon iyo xalalka bangiyada dhijitaalka ah. Source: goobjoog.com