-
Content Count
211,074 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka SoomaaliyaXasan Sheekh Maxamuud iyo walefdi uu hogaaminaayo ayaa xalay u hoyda magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaasi Jabuuti. Wefdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxa xalay garoonka diyaaraha Jabuuti ku soo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha dalka Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan golaha Xukuumadda dowladda Jabuuti. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu Maanta shir la yeesho Madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle islamarkaana ay ka wada hadlaan xoojinta iskaashiga labada dowladood ee Arrimaha gobolka Geeska Afrika. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale socdaalkiisa Gobolka ku soo maray dalalka Uganda iyo Burundi oo ay ciidamo Nabad ilaalin ka joogaan Soomaaliya waxaana uu kala soo hadlay qorshaha kala guurka ATMIS. PUNTLAND POST The post Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo maanta Shir ka yeelanaya Arrimaha Gobolka appeared first on Puntland Post.
-
Alcohol smuggler Guled Diriye is exhausted. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dalka Brazil, Luiz Inacio Lula da Silva ayaa baajiyay safar ugu ambabixi lahaa Ruushka, kaddib marki ay dhaqaatiirtiisa caafimaadka kula taliyeen inuusan gali karin duulimaad saacado badan qaadanaya, sababo la xiriira dhaawac jeegada kasoo gaaray. Bayaan kasoo baxay xarunta madaxtooyada Brazil ayaa lagu sheegay, in Lula oo 78 jir ah uu shirka uga qeybgali doono hanka fogaan-aragga ee dhinaca online-ka. Waxaa marki hore la filayay in uu ka baxo Brazil si uu uga qeyb galo Shirka Madasha BRICS ee ka dhacaya Ruushka. Sida ku cad diiwaanka caafimaad ee isbitaalka Sirio Libanes ee magaalada Brasilia, Lula ayaa dhaawac kasoo gaaray jeegada madaxiisa Sabtidi. Lama faah-faahin waxa sababay dhaawacaasi. Madasha diblamaasiyadeed ee loo soo gaabiyo BRICS ayaa la unkay muddo hadda laga joogo 15 sano. Waxaa xubno ka ah qaar ka mid ah dalalka ugu suuqyada waaweyn dunida sida Brazil, Ruushka, Hindiya, iyo Shiinaha. Waa marki danbe gadaal kaga soo biiray South Africa, Masar, Itoobiya, Iran iyo Imaaraadka Carabta. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha dalka Brazil oo jeegada ka dhaawacmay appeared first on Puntland Post.
-
Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya (JWXO) waxay ku dhawaaqday go’aankeeda ah in ay ka baxdo ka qaybgalka geeddi-socodka Wadahadalka Qaranka ee Itoobiya. Waxa ay sheegtay in aysan diyaar u aheyn la shaqeynta maamulka Abiy Axmed ee Fashilmay iyo maamulka deegaanka Soomaalida ee taageerada u ah. ” Inkastoo markii hore la ballanqaaday in habka uu noqon doono mid hufan oo ka qaybgal kasta oo loo dhan yahay, haddana tallaabooyinka dhowaan laga qaaday xukuumadda talada haysa ee gobolka Soomaalida ayaa carqaladeeyay habkan, iyaga oo si iskeed ah u soo xulay xubnaha ka qaybgalaya, kana hor yimid heshiisyadii lala galay xisbiyada siyaasadeed iyo dhinacyada kala duwan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ONLF. ONLF ayaa sheegtay in maamulka uu qaaday Tilaabooyin Xadidan, wuxuu ka horimaanayaa ujeeddada asalka ah ee Wadahadalka Qaranka oo ahayd in dhammaan daneeyayaasha la isu keeno si wax looga qabto asbaabaha colaadaha. Sidoo kale, iyadoo ay maqanyihiin saamileyda muhiimka ah ee siyaasadeed ee ka socda Amxaarada, Oromada, iyo Tigray, isla markaana colaado ka socdaan ay socdaan, wadahadalkan hadda socda wuxuu halis ugu jiraa inuu noqdo mid dhinac u janjeera oo aan xal dhab ah keeni karin. Source: goobjoog.com
-
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka NISA ayaa gacanta ku dhigtay Seddex nin oo la sheegay inay ka tirsanaayeen shabakad isku xiran oo kooxda Alshabaab u qaabilsanayd, falalka qorshaysan ee ka dhanka ah nabad-gelyada muqdisho. Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay hay’addu soo saartay ciidanka Sirdoonka ayaa helay xogta raggan, waxayna gacanta ku soo dhigeen ayaga, Hubkii ay wateen, labo Mooto Bajaaj iyo Hal mooto Fekon ah oo ay u adeegsan jireen in ay ku baxsadaan marka ay fal amni darro sameeyaan. Saddexdaan xubnood ayaa qeyb ka ahaa Shabakad Alshabaab ah oo hore intooda badan gacanta loogu dhigay, kuwaas oo ku hawlanaa in ay nabad-gelyada Muqdisho qal-qal geliyaan, halka inta hartayna lagu dabo jiro, sida ay sheegtay NISA. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa lagu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti ee dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Wafdiga Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan Xukuumadda Dowladda Jabuuti. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa berri kulan la qaadan doono Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyaga oo ka wada hadli doono xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga iyo arrimaha ahmiyada u leh labada dowladood. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal shaqo ku maraya dalalka bahwadaagta la ah Soomaaliya ee gobolka ku yaalla, gaar ahaan kuwa ay ciidamadoodu qeybta ka yihiin howlgalka ATMIS. Source: goobjoog.com
-
464019725_1256299925393244_9088050781154595562_n Qaran News
-
Maanta khudbadii uu madaxweyne Muuse Biixi uu jeediyay waxa uu aad ugu dheeraaday oo uu ka hadlay dad jarjara ama waxyeelo u geysta Boodhadhka ay ku yaalaan sawiradda musharaxiinta u tartamaaya doorashooyinka. Madaxweynahu waxa uu danbi ku tilmaamay in la jar jaro sawirada ama calaamadaha xisbiyadda, iyada oo taasi laga duulaayo waxa uu Muuse Biixi sheegay in xukuumadiisu ay dhawaan qabatay dhalinyaro xaafadda Masalaha ku jarjaray sawiro gidaar ku dhajisan oo xisbiga WaJ3igjigo yarddani uu leeyahay, waxana uu madaxweynuhu uu sheegay in ciidammada boolisku ay soo qabteen oo la xukumay iyada oo midkiiba loo jaray sanad iyo shanbilood oo xadhig ah. Hadaba waxa yaab leh sababta wax looga qabanwaayay taageerayaasha Kulmiye ee dhibka u gaysta ee jeex jeexay calaamadaha Xisbiga WADDANI iyo ururka Kaah ee xaafadaha Jigjigo-yar iyo 26ka Juun. Waa maxay sababta loo soo qaban waayay dadka jar jaray sawirada musharixiinta ururka Kaah, se muxuu Muuse Biixi uu uga hadliwaayay kuwa lagu jar jaraayo goob aan gurigiisa ka fogayn ee uu u carabaabay waxa Masalaha ka dhacay? Waxa jira dhibaato Jigjigayar loogu gaystay xafiis uu xisbiga Waddani uu ku leeyahay halkaasi oo xataa inta la jabsaday agabkii yaalay la qaatay arinkaasi oo xataa saxaafadda galay madaxweynuhu muu soo qaadin cidna umuu qaban Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigtay seddax nin oo halis ah oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab. Ragaan ayaa ku howlanaa falal ka soo horjeeda amniga caasimadda Muqdisho, waxaana xogtooda iyo sawirradooda loo soo bandhigay warbaahinta. Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA oo hayay xogta ragaan ayaa ku gulaystay in ay soo qabtaan Hubkii ay wateen, labo Mooto Bajaaj iyo Hal mooto Fekon ah oo ay u isticmaali jireen in ay ku baxsadaan marka ay fal amni darro geystaan. Qoraal ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in 3-daan nin ay ahaayeen Shabakad isku xiran oo Khawaarij ah. Sidoo kale, qoraalka NISA waxaa lagu xusay in qaarkood horay loo qabtay, iyadoo lagu tuhmayo falalka lagu soo qabtay hadda, waxayna xiligaas ka shaqeynayeen qalqal-gelinta shacabka caasimadda, sida ay shaacisay NISA. Waxaa jira xubno ka tirsan shabakadaan lasoo qabtay oo weli baxsad ah, kuwaas oo ciidamada ammaanka ay ku raad-joogaan sidii loo qaban lahaa, sida lagu cadeeyey qoraalka NISA. “Ciidamada ammaanka waxay u taagan yihiin xaqiijinta amniga iyo badqabka shacabka,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa gacanta ka baxay amniga caasimadda Muqdisho, waxayna Shabaab dileen ganacsatadii ugu badneyd, iyadoo cabsi badan ay soo wajahday shacabka. Dadka shacabka ah waxaa dilaya Shabaab oo diidan in guryaha iyo goobaha gacansiga lagu xiro kaamirooyinka wax duuba, halka dowladda Soomaaliya ay dadka ku amreyso inay kaamirooyinka xirtaan. Hoos ka eeg qoraalka iyo sawirrada ay soo bandhigtay NISA The post Sawirro: NISA oo soo bandhigtay raggii Shabaab u qaabilsanaa beegsiga shacabka appeared first on Caasimada Online.
-
464061175_473942155676194_5845056472871449423_n Qaran News
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa lagu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti ee dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Wafdiga Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan Xukuumadda Dowladda Jabuuti. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa berri kulan la qaadan doono Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyaga oo ka wada hadli doono xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga iyo arrimaha ahmiyada u leh labada dowladood. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal shaqo ku maraya dalalka bahwadaagta la ah Soomaaliya ee gobolka ku yaalla. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkaan ku soo maray dalalka Uganda iyo Burundi oo sida Jabuuti ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, wuxuuna lasoo galay heshiisyo culus oo qaarkood warbaahinta lala wadaagay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Kampala Uganda iyo Bujumbura Burundi ku tegay casuumaad uu ka helay madaxweynayaasha dalalkaas, waxaana kulamadii dhacay looga hadlay howlgalka ka socda Soomaaliya, gaar ahaan jiheynta ciidamada bedelaya ATMIS. Labada dalba waxay Soomaaliya ka codsadeen inay u ogolaato inay ciidamadoodu ka sii howlgalaan Soomaaliya, maadaama dhamaadka sanadkaan la bedelayo howlgalka ATMIS. Dowladda Soomaaliya ayaa ku jirta xulashada dalalka ay ciidamadu ka sii joogayaan dalka, waxaana qorshaha ku jirta in dhamaadka sanadkaan ay gabi ahaanba dalka ka baxaan ciidamada Itoobiya, maadaama labada dalka ay qarka u saaran yihiin inay dagaalamaan. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo caawa safar ku tegay Jabuuti iyo qorshe culus oo socda appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa Casumaad Rasmi ah u diray Xildhibaannada Labada Aqal (BFS) ee laga soo doorto Puntland. Warqad ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye Cabdirisaaq Axmed ayuu ku marti-qaaday xubnahaasi in ay ka soo qeyb-galaan Furitaanka Kal-fadhiga 55-aad ee Baarlamaanka Puntland oo furmaya maalinta Sabtida ee ku beegan 26 bishan October. Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa sidoo kale Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo soorto Puntland waxa uu ka codsaday in ay ugu danbayn 25 October ku yimaadaan Garoowe si ay Kal-fadhiga uga qeyb-galaan. Halkan ka akhriso Warqadda PUNTLAND POST The post Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doorto Puntland oo lagu casumay Kal-fadhiga Baarlamaanka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
MINNEAPOLIS, Minn (HOL) — In response to rising youth violence and drug-related crime in Minneapolis and Saint Paul, the U.S. government has partnered with Somali elders to bring traditional conflict resolution methods to American neighborhoods. Drawing on the Somali practice of nabadoonimo, a form of peacemaking that emphasizes community dialogue and respect, the initiative aims to steer Somali youth away from gangs and drug use. Source: Hiiraan Online
-
The Turkey-Somalia partnership provides Ankara with strategic influence and access to resources, while giving Mogadishu vital military support and economic investment. In 2024, Turkey and Somalia concluded defense and oil exploration agreements that established a military training base in Mogadishu and granted Turkey access to explore oil off Somalia’s coast (Image Credit: United Nations) Turkey has ramped up its partnership with Somalia in recent months. It is helping Somalia defend its waters, and has signed a deal to explore for oil and gas off the East African nation’s coast. There have also been reports of advanced discussions to have Turkey set up a missile and rocket testing site in Somalia. These agreements underscore Turkey’s strategic and economic aspirations in the broader Horn of Africa region. Over the past four years, there has been a steady increase in Turkish partnerships and agreements for the export of defense-related products to the region. This has included the use of Turkish drones in conflict zones, such as Libya and Ethiopia. I have studied Turkey’s historical and current involvement in Somalia to understand what’s driving Ankara’s policy in the Horn of Africa. In my view, Turkey’s involvement is driven by multiple factors. These include international status-seeking, regional balance and strategic concerns. The opening of a training facility in Mogadishu has increased Turkey’s strategic depth in the Horn of Africa, projecting the country towards both sub-Saharan Africa and the Indian Ocean. And the use of Turkish drones in Ethiopia’s Tigray conflict has shown Turkish defense arrangements have become a factor in local dynamics. Somalia’s Appeal Turkey’s interest in Somalia dates back to 2010-2011. At the time, Somalia was grappling with the devastating effects of 20 years of civil war, failed international interventions, and the emergence of the al-Qaeda-linked al-Shabaab terror group. In addition, the country was devastated by a famine that claimed more than 250,000 lives. Somalia presented Turkey with several opportunities to establish a footprint in a region of high geostrategic value and to enhance its image in Africa and globally. First, there was a lack of interest in the country from major international players. Apart from anti-piracy initiatives in the Gulf of Aden and the US focus on the war on terror, international players watched Somalia with a certain detachment. Turkey saw an opportunity to benefit from taking a leading role in an international crisis scenario. Second, the world’s attention focused on the Arab world. The region was facing a wave of pro-democracy protests dubbed the Arab Spring. Somalia and the suffering of the Somali people were quickly forgotten by the international community. Turkish policymakers saw the country’s isolation as an opportunity to gain international popularity and visibility on the continent. Turkey took a multifaceted approach in Somalia. This encompassed humanitarian aid, diplomatic initiatives, and economic investment. Turkey also supported state-building efforts and the reconstruction of Somalia’s security apparatus. Internal Dynamics The financial and political resources that Turkey has invested in Somalia are driven by regional and domestic political considerations. Regionally, 2016 to 2021 was a period of tension between Turkey, Saudi Arabia, and the United Arab Emirates. Somalia and the competition for influence in its politics became one of the main areas of confrontation. Domestically, Turkey has been able to portray its involvement in a way that’s boosted the ruling party’s standing. In addition, engagement in the Horn of Africa meets the demands of various business groups. This includes construction and defense companies that are close to the ruling political elite. Intervention in Somalia plays an important role in the narrative of Turkish political elites associated with Turkey’s ruling party, Adalet ve Kalkınma Partisi (Justice and Development Party). The party is a conservative but non-confessional party with Islamist roots. A significant proportion of the party’s supporters consider voluntary charity (sadaqa) to be the duty of a good Muslim. As a result, Turkey’s foreign and domestic interests converged with the government’s policy to support crisis-stricken Muslim communities. This includes those in Somalia. Here, Turkey has framed its involvement as a political and humanitarian success story. The Turkish public views it as such. Turkey has been able to bolster its security and defense ties at a rapid pace. The country’s Savunma Sanayii Başkanlığı (Defence Industry Agency of Turkey) reports directly to the president. Established as a state body in 1985, the agency gained prominence in 2017 when President Recep Tayyip Erdogan had it placed under the direct authority of the presidency. This has made concluding defense agreements – a key factor of Ankara’s foreign policy – much faster. Turkey has also used the opportunity to increase its involvement in the energy sector. Ankara has long aspired to play a pivotal role as a major energy hub in the wider region. It has considered establishing exploration operations off the coast of Somalia. Like all emerging powers, Turkey has a thirst for energy. This explains its July 2024 oil and gas exploration deal with Somalia. Turning Point Ankara’s February 2024 defense agreement marked a significant turning point in Turkey-Somalia cooperation. The agreement deepens defense ties between the two countries. Under the deal, Turkey has agreed to train and equip the Somali navy. It will also help patrol Somalia’s extensive 3,333-kilometre coastline. Turkey’s focus is on maritime activities. This is a strategic choice largely influenced by the unstable conditions in Somalia, where exerting control over territory is difficult. The deal is a response to changes in the regional landscape and the ongoing reconfiguration of power dynamics in the Horn of Africa. Source: Globely News The post A Somalia-Turkey Entente Forms in the Horn of Africa appeared first on Puntland Post.
-
Qoraalkaan wuxuu diiradda saarayaa caqabadaha waxbarashada dalka ka jira iyo sidii xal waara loogu heli lahaa, loona tayeyn lahaa waxbarashada Soomaaliya. Talooyinka xalka lagu raadinaayo ee qoraalku uuu diiradda saaraayo waxay qeyb ka yihiin talooyin lagu qoray buug kol dhow soo bixi doona oo waxbarashada looga hadlaayo oo la yiraa “Macallinkeen Allow Kaal”. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgallada xoreynta dalka ayaa mar kale dib uga bilowday, waxaana laga gaaray guulo waaweyn oo deg deg ah, sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda ayaa mar kale bilowday in la dardar-geliyo dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Sh/Hoose, Sh/Dhexe, Mudug iyo Galgaduud ayaa la qorsheeyey in dagaalka Al-Shabaab toos looga bilaabo, waxaana todobadii maalmood ee lasoo dhaafay furimaha dagaalka lagu dilay Shabaab-kii ugu badnaa. Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullahi Aadan Xuseen (Cirro) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray deegaanadii dhawaan laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. Howlgal toddobaadyadii lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga Dalka ay ka bilaabeen aagga deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu guuleystay in Khawaarijta looga xoreeyo deegaanada Maqdis, Jameeco, Shanlow, Busley, Dhagaxow, Raasqaboobe iyo Yaaqle. Taliye Cabdullahi oo ku sugan deegaanka Yaaqle ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in howlgalkaan oo ku socda saf-balaaran loo qorsheeyey in cadowga Khawaarijta ah muddo kooban looga sifeeyo deegaanada ay kaga dhuumaaleystaan gobollada Shabeellooyinka. Waxaa howlgalka ka qeyb qaadanaya ciidamada dadka deegaanka iyo kuwa ATMIS, waxayna ku sii siqayaan deegaano hor leh oo kooxda Al-Shabaab ay si dhuumaaleysi ah uga joogaan gobollada Shabeelooyinka. Dhanka Mudug, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay cagtamariyey deegaanadii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxayna maanta ka gudbeen Shabeelow iyagoo baacsanaya kooxda, howlgalka Mudug ayaa ka socda dhowr jiho, ciidamada ku jira howlgalkaan waxay ka soo kala dhaqaaqeen Xarardheere, Wisil iyo dhanka Baxdo. Dhanka Galgaduud, Al-Shabaab waxaa lagu baacsanayaa deegaano hoos taga Ceeldheer, waxaana lagu gaarsiiyey jab culus ciidamada ayaa maalmihii lasoo dhaafay kala wareegay dhul badan, waxayna hadda u jaheysteen dhanka Ceelbuur. Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyaha qeybta 21-aad ayaa ku sugan furimaha bariga gobolka Galgaduud, waxayna toos u hoggaaminayaan dagaalka. The post Xog: DF oo dib u bilowday qorshaheeda dagaalka – Maxaa ka socda dalka? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgal qorsheysan kusoo qabtay laba xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Howl-galkan oo ka.dhacag deegaanno dhaca buuraleyd gobolka Baay ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka. Laba xubnood oo warbaahinta dowladda ay soo bandhigtay sawiradooda, iyaga oo wejiga duuban, ayaa waxay muddo ka tirsanayaan kooxda Al-Shabaab, iyaga oo muddooyinkii dambena ku dhuumaleysanayay deegaanada maanta laga soo qabtay. Deegaanada Mooro Busto, Ceel sharif iyo deegaanka Ceel Mareer ee gobalka Baay ayaa ah deegaanada sida gaarka ah ay geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgalka sida gaarka ah uga fuliyeen. Xubnahaan lasoo qabtay maanta ayaa waxaa haatan ku socda baaritaano dheeraad ah. Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo ay soo qabteen ciidanka iyo kuwo iskood isku soo dhiiba, oo sheegay inay ka laabteen fikirkaas. Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo ka dhan Shabaab-ka, si looga saaro deegaanada ay weli ku harsan yihiin, xilli lasoo afmeerayo wejiga koowaad ee dagaalka. Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa inuu si rasmi ah looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda ku xoogan tahay. The post Xogta xubno SHABAAB ah oo maanta usoo gacan galay dowladda appeared first on Caasimada Online.
-
A Turkish ship carrying 3,000 tons of humanitarian aid arrived in Mogadishu on Saturday, delivering vital supplies to Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sooyaalka codbixinta waa mid fog, oo la bilowdey ilbaxnimooyinkii bini’aadanka kuwoodii ugu horreeyay, waxey taariikhyahannadu sheegaan in bulshooyin hore adeegsan jireen hababka bilowga ah sida gacantaagga iyo hadalka markey u baahdaan kala xulashada go’aamo lagu kala aragti duwanyahay. Hase ahaatee waxaa laga diiwaangaliyey ilbaxnimadii Giriigga nidaamkii ugu horreeyay ee codbixin oo ka qeybqaateen dad aad u badan, la adeegsadeyna wax ka baxsan gacantaagga iyo hadalka. Giriiggii hore oo lagu tiriyo bulshadii ugu horreysey ee dimuqraadi noqota, waxey ku codeyn jireen gabal dhooba eh oo lagu dul qorey musharraxa ay u codeynayaan. Laakiin doorashadoodu waxey u ekeyd xilka qaadista baarlamaanada casrigaan xilka uga xayuubiyaan masuuliyiinta; bulshadii Giriiggu ma dooran jirin masuuliyiinta ee waxey u codeyn jireen masuuliyiinta iney xilka sii joogaan iyo in kale, masuulkii helaana 6,000 cod iyo wixii ka badan oo xil-ka-qaadis ah, wuxuu waayijirey xilka, waxaana loogu darijirey musaafurin. Tan ilaa iyo Giriiggii waxaa isbaddello waa weyn ku dhacay hababkii coddeynta, xitaa wxaa isbaddeley qalabkii lugu codeynayey, wuxuu ka yimi cad dhoobo eh, wuxuu soomaray banooni yar oo midab leh, maanta wuxuu yahay warqad, halka doorashooyinka qaarna lugu codeeyo fariimo danabeysan. Dunida waxaa maanta ka jira nidaamyo codadbixin oo kala geddisan oo isugu jira kuwo fudud iyo kuwo murugsan, oo dalalkuna ku kala xulasho duwanyihiin, se aalaaba dalalku waxey doorbidaan nidaamyada kafaalaqaadi kara caddaaladda ay ku taammayaan, inkastoo jiraan dalal doorbida nidaamyada tashiila dhaqaalaha iyo kuwa qabashadoodu fududdahay. Bilowga hore waxaan qormadaan ku lafaguri doonaa nidaamyada codbixineed ee dunida ka jira kuwooda ugu doorka roon, ka dibna waxaan ka faaloon doonaa hanaanka doorasho ee ku habboon dalkeena, iyadoo afeef ka dhiganeyna inuusan jirin nidaam boqolle ah oo ka fayow ceeb iyo cillad oo dhan. Nidaamka 1aad: Horreeyaa Guuleysta (First Past the Post/ Plurality): Nidaamkani waxaa lugu tiriyaa nidaamka codbixin ee ugu fudud ee la adeegsado, waxaana lugu kala adkaadaa kaliya cod dheerida, muhimna maaha musharraxa inuu helo aqlabiyadda codadka bulshada (50%+1). Habkani sida magaciisa ka muuqato waa sida tartamada ciyaaraha, guushu waxay wada raacdaa [koobka] musharraxa kaalinta koobaad gala, halka kaalmaha kale ay wax la’aan baxaan. Daldaloolada uu nidaamkani leeyahay waxaa ka mid eh, inuu miraha guusha wada siiyo cidda ugu codka badan, isagoo ka soo qaadey tartamayaasha kale codadkoodu eber, oo waxba ka siineyn guusha. Waxaaba dhacda xisbiga iyo musharraxa guuleysta in uusan haysan aqlabiyad codadka, sida ka dhacdo Ingiriiska, laga soo bilaabo 1945 ilaa doorashadii 2024 xisbiga ku guuleysta doorashooyinka barlamaanka Ingiriiska marnaba ma aheyn xisbiga haystey aqlabiyadda codadka shacabka oo dhan. Waxaa kale uu nidaamkani dulmiyaa murashaxiinta yaryarka; wuxuu codbixiyaashu ku dhiirigaliyaa inay doortaan musharrax soobixistiisu sarreyso oo kaliya, maadaama hal qof guuleysanaayo codbixiyaashu waxey ujanjeersamaan musharrixiinta caanka ah oo ay u badinayaan inay guuleystaan, halkay u arkaan codeynta musharrixiinta yaryarka arrin khasaaro ah. Nidaamkani wuxuu ka hanaqaadey Ingiriiska iyo dalalkii ku hoosjirey boqortooyadiisa sida Mareykanka, Kanada, Hindiya, Neyjeeriya, Kenya iyo dalal kale; tiro ilaa 44 dal ayaa maanta adeegsata nidaamkaan. 2: Codeynta Dooqeysan (Preferential Voting/ Instant-Run off Voting): Nidaamkani waxey codbixiyaashu lanbareeyaan musharrixiinta kolba sidey u doorbidayaan, waxaa lagu hor qoraa musharraxa dooq koobaad ah lanbar 1, mushurrax dooqa labaad ahna waxaa lugu hor qoraa lanbar 2, ilaa laga gaaraayo musharraxa ugu danbeeyo. Waxaana guuleyta musharraxa hela aqlabiyadda dooqa koobaad ee bulshada (50%+1). Haddii musharrax heli waayo aqlabiyadda codka koobaad ee bulshada, waxaa hoos lagaa soo furfuraa musharrixiinta heley codadka ugu yar, waxaana codadkooda loo qeybiyaa musharrixiinta lagu qorey kaalinta labaad, kolba sida loo qeybinayo codadkaas, waxaa soo baxa musharrax dhaafa 50%+1; guushuna sidaas bey ku raacdaa. Nidaamkani wuxuu ku habboonyahay bulshooyinka heerkooda waxbarashadu sarreyso, waxaana aalaaba loo adeegsadaa doorashooyinka ururada ardayda iyo doorashooyinka hay’aduhu qabsadaan, waana dhif in loo adeegsado doorashooyinka dadweynaha. Ceebaha uu nidaamkani leeyahay ayaa ah suuragalnimada inuu guuleysto musharrax aan heysan codadka ugu badan ee kaalinta koobaad, taasoo ah caddaalad-darro dadban. 3: Codeynta Wareegyada Badan (Voting Multiple Rounds): Nidaamkaan wuxuu dhinac uga eg yahay nidaamkii Horreeya Guuleysta, se wuxuu leeyahay wareegyo badan, aalaaba wuxuu ka koobanyahay laba wareeg; waxaa la qabtaa wareega koobaad ee codeynta oo hadduu mursharrax heli waayo aqlabiyadd codadka dadweynaha (50%+1) waxaa loo gudbaa wareega labaad, waxaan wareeegaasi u soo gudba musharrixiinta ugu sareeyay wareegii koobaad, codeynta labaad ayaa la qabtaa, waxaana guuleysta musharraxa hela aqlabiyadda codadka dadweynaha. Se haddii dhici weydo waxaa loo gudbaa wareeg ugu danbeeya, waxaan ku tartama labada musharrax ee ugu codka badnaa wareegii labaad, waxaana guuleysta kooda cod bata (dabcan midkood ayaa heli doona aqlabiyadda codadka). Nidaamkani waxaa adeegsada dalal badan oo ay ka mid yihiin Faransiiska iyo Iiraan. Hase ahaatee kama marno cillad, wuxuu suuragaliyaa iney guuleystaan musharraxiin wareega koobaad ku jirin kaalinta koobaad, taasoo dad badani u arkaan iney tahay caddaalad darro. 4: Nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran (Proportional Representation): Nidaamkani waa kan ugu adeegsiga badan dunida, aalaaba waxaa loo adeegsadaa doorashooyinka kuraasta xildhibaanada, waxaana adeegsada in kabadan 100 dal gaar ahaan u adeegsada doorashooyinka barlamaanada, waxaa ugu cadcad waddamadaas: Isbeyn, Jarmal, Turki, Talyaani, Noorway, Baraasiil, Arjentiin, Biiru, Indunuusiya, Koonfur Afrika iyo dalal kale oo badan. Nidaamkani wuxuu uga geddsinyahay nidaamyada kale wuxuu hoos u dhigaa codadka khasaari kara, oo cod walba wuxuu uyeelaa matalaad; xisbi kasta wuxuu siiyaa kuraas u dhiganta boqolleyda uu ka heley codadka. Tusaale xisbigii hela 10% codadka dadweynaha wuxuu badalkeeda helaa 10% kuraasta barlamaanka. Nidaamkaan wuxuu gabi ahaanba lid ku yahay nidaamka Horreeya Guuleysta ee ku dhisnaay ninkii raayaa reerka u haraaya, ee wuxuu gabbaad siiyaa xisbiyada yaryarka. Hase ahaatee kama dhigna inuu ceeb-ka-saliin yahay, wuxuu nidaamkani abuuraa barlamaano iyo xukuumado xisbiyo kala duwan ku bahoobaan (coaliation government) taasoo marar badan horseeda jahwareer siyaasadeed. Waxaana ka farcama noocyo badan, waxaana ugu caansan: Nidaamka Liiska Xisbiyada Furan ama Xiran (Open and Closed List Systems): Nidaamkani wuxuu u kala baxaa Liiska Furan iyo Liiska Xiran; waxeyna ku kala geddisanyihiin marna codbixiyaashu baa u codeeya musharrixiin la yaqaano oo xisbi ka socda waana nidaamka Liiska Furan, marna bulshadu khiyaar u ma leh iney doortaan qof ee baddelka waxey u codeeyaan xisibiyo u gubdistey liisaska musharrixiinta guddiga doorashooyinka, waana nidaamka Liiska Xiran. Labada nidaamba waxey xisibiyadu helaan kuraas u dhiganta boqolleyda codadka ay heleen, tusaale hadday deegaan-doorashada Beledweyn taalo 10 kursi ee u tartamaan xisbiyada seddex xisbi oo kala eh Barwaaqo, Wadajir iyo Kaah; hadduu Barwaaqo helo 30% codadka, Wadajir 50% halka Kaah 20%. Haddaba waxey u kala qaadanayaan qaab u dhiganta saamiga codadka ay heleen, wadajir wuxuu qaadan doonaa 5 kursi; mar waa la yaqaanaa musharrixiinta guuleystey oo haddii nidaamku yahay Liiska Furan, marna lama yaqaano oo guddiga doorashada ayaa u magacaabi doono 5 qof ee ugu sarreyso qoraal ahaan liiska uu xisibga Wadajir soo gudbiyey, waana nidaamka Liiska Xiran. Isla tusaalahaan haddaan ka dhigno kuraasta 11 kursi, waxaa nagu adkaanaya in si caadi ugu qeybinno kuraasta, waxaana soo baxaya xisaab jajab eh. Haddaba waxaa xusid mudan, qeybinta kuraasta si ay u galin xisaab jajab eh waxaa la adeegsadaa qaacidooyin gaar ah oo marnaba suuragalineyn iney kuraasto noqdaan jajab, waxaana ugu caansan qaacidooyinkaas: D’hondt method iyo The Sainte-Laguë method [4]. Nidaamka Codadka Gudba (Single Transferable Vote): Nidaamkani wuxuu dhinac uga egyahay nidaamka Codeynta Dooqeysan, oo waxey codbixiyaashu lanbareeyaan musharrixiinta, hase ahaatee wuxuu uga duwanyahay musharrixiintu waxey leeyihiin saqaf la rabo iney gaaraan (target point); waxaana guuleysta musharrixiinta soogaara saqafkaas, hase ahaatee markey soogaaraan saqafka wixii cod ee dheeri ay helaan waxaa loo xawilaa musharrixiinta lugu qorey kaalinta labaad. Tusaale, hadduu yahay saqafka doorashada degmada Boosaaso 20,000 cod, kuraasta taalana tahey 13 kursi, waxaa soobixi kara musharraxii gaara 20,000, codadka dheeriga ahna (ka badan 20,000) waxaa loo xawili doonaa musharrixiinta lugu qorey booska labaad, sidaasna waxaa ku soo bixi kara musharraxiin bilowga hore saqafka gaarin laakin codbixiyaal badan dookha labaad u ahaa. 5: Nidaamka Codeynta Condorcet (Condorcet Voting System): Nidaamka kan waxaa hindisay oo loogu magacdarey fiilasoofarkii Faransiiska ee Condorcet, waa nidaam murugsan oo aalaaba adeegsigiisu yaryahay, nidaamka kan waxey codbixiyaashu isbarbardhigaan musharrixiinta mid-mid, oo midkey doortaana wuxuu helaa dhibco, waxaana guuleysta musharraxa ugu dhibco bata. Tusaale haddey isa soo sharraxaan A, B & C , codbixiyuhu wuxuu mid-mid isbarbardhigi doonaa oo u codeynayaa musharrixiinta saddexda eh: kow wuxuu u codeynayaa A & B midkood, laba wuxuu u codeynaa A & C midkood, saddex wuxuu u codeynaa B & C midkood, mid walbana wuxuu heli doonaa dhibico u dhigma inta jeer ee loo codeeyay. Nidaamka kan wuxuu ku dhisanyahay caddaalad, hase ahaatee kama marna cillado, koow: nidaamkani waxaa adag fulintiisa xaaladaha qaar, tusaale haddii musharrixiintu bataan waxaa codbixiyaasha ku adkaanaya codeynta; laba: nidaamkani wuxuu suuragalinyaa xaalad ay musharrixiinta qaar codadkooda isla ekaadaan, waxaana loogu yeeree Condorcet paradox, taaso ah ceeb aad u weyn. Nidaamyada codbixinta waa ka badanyihiin shantaas nidaam, hase ahaatee afarta hore ayaa loogu adeegsiga badanyahay maanta, mana rabno inaan waqti badan galin nidaamyo adeegsigoodu koobanyahay. Nidaamka ku habboon Soomaaliya Haddaan dib u soo milicsano sooyaalka doorashooyinka Soomaaliya, waxaa markii ugu horreeyey doorasha lagu qabtey Koonfurta Soomaaliya sanadkii 1954 waxeyna ahayd doorashada dowladaha hoose, nidaamka la adeegsadeyna wuxuu ahaa nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran gaar ahaan Liiska Xiran ee ku saleysan degmooyinka badan, isla nidaamkaas baa lugu qabtay doorashooyinkii guud ee 1956 iyo 1959. Xorriyaddii kadibna waxaa sii hanaqaadey isla nidaamkii oo lagu qabtey doorashooyinkii 1964tii iyo 1969kii. Kadib kacaannkii kaligiitaliska ahaa iyo muddo dowlad la’aan la’ahaa, waxey Soomaalidu ugu danbeyntii ku hishiiyeen sanadkii 2000 nidaam doorasho oo dadban oo ku dhisan nidaamka wareegyada badan kaasoo lagu soo doorto xubnaha labada aqal ee barlamaanka, guddoonka labada aqal iyo madaxweynaha. Hase ahaatee tan ilaa 2017 waxaa daarnaa dood adag oo ku saabsan nidaamka doorasha uu dalka u guuri doono. Sanadkii 2019kii waxey ansixisay xukuumaaddii Xasan Cali Kheyre xeer doorashooyin oo ku dhisan nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran, inkastoo Golaha Wadatashiga Qaranka uu hore u soo ansixiyey xeerkaas sanadkii 2018dii haddana ma hanaqaadin. Sanad ka dib (sanadkii 2020kii) wuxuu barlamaanku iyo madaxweyne Farmaajo wada ansixiyeen xeer doorasho oo ku dhisan nidaamka Horreeyaa Guuleysta, hase ahaatee wuxuu dhaliyey buuq siyaasadeed waxaana ugu danbeyntii laysku raacey in lugu laabto doorashadii dadbaneyd. Dhanka kale, Xukuumadda Xasan Sheekh Maxmuud ee hadda dalka ka talisa waxey jujuub ku wadaa xeer doorasho oo saldhig looga dhigey nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran gaar ahaan Liiska Xiran kuna saleysan hal deegaan doorasho. Guud ahaan doorashada cod-iyo-qof noocey ahaataba waxey warwar ku haysaa qaybo ka mid bulshada Soomaalida gaar ahaan, reeraha tiro ahaan yar ama ku filiqsan deegaano ballaaran, sababtuna waxey u arkaan qoondada kuraasta ay hadda haystaan iney waayi karaan. Waxey ahaataba, waxaa shaki ku jirin in hanaanka doorashada ee hadda jira ee dadban kuna dhisan 5 beel (4.5) uusan ahaan doonin nidaam waara, maalin uun noqon doona mid laga guurey. Haddaba nidaamkee ku habboon doorashada Soomaalia? Soomaaliya waxaa ku habsan nidaam doorasho oo dammaanad qaadaya matalaadda beelaha laga tirada badanyahay, isla jeerkaasna qarash yar, sidoo kalana farsama ahaan fudud. Shuruuddaas koobani haddaan ku qiimeyno nidaamyadii kor ku soo xusnay, waxaa inoo soobaxaya in nidaamyada Codeynta Dooqeysan, Wareegyada badan iyo Condorcet saddexduba farsamo ahaan adagyihiin, sidoo kalana tixgalin xoogan siineyn musharrixiinta matalaya bulshada laga tirada badanyahay. Docda kale, nidaamka Horreeyaa Guuleysta waa nidaam fudud laakin wuxuu si bareer eh u dafiraa matalaadd bulshada laga tirada badan yahay. Halka nidaamka codadka gudba uu tixgalin u haayo musharrixiinta ka socda beelaha yaryar, maadaama uu codadka saqaf u yeelo wixii ka battanna saqafkaasi siiyo musharrixiinta dookha labaad ah, taasoo fursad u eh musharrixiinta bulshada laga tirada badanyahay, hase ahaatee waa nidaam adag farsamo ahaan. Haddaba dulucdu qormadani waxey ku soo biyoshubmee nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran gaar ahaan nooca Liiska Furan ayaa ku habboon doorashada barlamaanka Soomaaliya, sababtuna waa nidaam si buuxda u tixgalinaya codadka musharrixiinta laga tirada badanyahay isla jeerkaasna farsamo ahaan fudud, sidoo kale u ma baahno wareegyo badan oo codbixin ah; wuxuuna uga fiican yahay nidaamka Liiska Xiran in codbixiyaashu garanayaan cidda ay u codeynayaan taasoo xoojineysa isla-xisaabtanka iyo matalaadd bulshada. Nidaamka Liiska Furan waxaa adeegsado waddamo ay ka mid yihiin Indunuusiya, Baraasiil, Biiruu, Biljam, Deenmaark, Giriig, Fiji iyo Sirilaanka. Waxey waddamadu ku kala geddsinyihiin tafaasiisha hoose. Dr. Afyare Cilmi oo horraantii sanadkaan ku qorey mareegta BBC laanta Af Soomaaliga qormo uu uga faalooynayo nidaamka doorasho ee munaasabka ku ah Soomaaliya ayaa qorey: “Anigu waxaan marar badan ku dooday, welina aan rumeysanahay in nidaamka doorashooyinka ee dalka ku habboon uu yahay nidaamkii aan lahayn 1954-1969 ee ahaa Liiska Xiran ee Metelaadda Isku-dheelli-tiran oo ku salaysan degmooyin badan.” Wuxuu Afyare marar badan xusey in nidaamka Liiska Xiran ku habboonyahay Soomaaliya, isagoo cuksanaya qodobo ay ka mid yihiin inuu yahay nidaam fudud oo dhowri kara qoondada dumarka iyo qoondada barakacayaasha, iyo qodob kale, hase ahaatee wuxuu moogan yahay in nidaamkani gabi ahaanba wiiqo matalaadda shacabka maadaama bulshadu si toos eh u dooran musharrixiinta ey baddalka doortaan xisbiyo; musharrixiintu waxey isku hawlaan habka ay ugu sare mari lahaayeen liiska xisbiyadooda baddalka ay isku howli lahaayeen iney kasbadaan deegaan doorashadooda. Guud ahaan, nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran wuxuu ku toolmoonyahay doorashada kuraasta xildhibaanada iyo golayaasha deegaanka oo kaliya, wuxuuna ku habboonyahay dalalka barlamaaniga uu barlamaanku iska sii dhex xusho ra’iisul wasaaraha, laakin Soomaaliya waa dal qaatay nidaamka isku-dhafka eh ee madaxweyne iyo ra’iisul wasaaraha iska garab shaqeeyaan, walina lama go’aamin cidda dooraneysa madaxweyaha haddii loo gudbo doorasho qof-iyo-cod. Aragti ahaan waxaa ila toolmoon in shacabku si toos eh u doorataan madaxweynaha, gabi ahaanba la laalo nidaamka hadda ee laaluushka ku dhisan ee xildhibaanadu doortaan madaxweynaha; waxaa ila quman in madaxweynaha lagu doorto nidaam fudud oo dadweynuhu codeynayaan una baahney wareegyo badan oo codbixin ah sidoo kale daaqadda ka saaraya wada lahaanshiyaha xukunka (xisbiyo kala geddisan xukunka wada lahaanayaan) taasoo waddamo badan u horseeday jahwareer siyaasadeed, sidaaada awgeed waxaa quman in madaxweynaha ku dooranno nidaamka Horreeyaa Guuleysta. Gunaanad, doorashada qof-iyo-cod ee la rabo in loo wareego waa doorasho is dul barkan yihiin howlo badan, sida go’aaminta xisbiyada tartamaya, qaybinta kuraasta deegaan doorashooyinka, qoondada dumarka, tirada ugu yar (threshold system) ee xisbiyada laga rabo iney gaaraan si kuraas u helaan, iyo kuwa kale; mana fududa sida siyaasiinta muxaafidku ugu ololeeyaan. Hadal iyo dhamaantii, waxaa dalkeena munaasib ku ah laba nidaam doorasho, midi wuxuu ku toolmoonyahay doorashooyinka barlamaanka waa nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran gaar ahaan nooca Liiska Furan, kan kalena waa nidaamka Horreeyaa Guuleysta wuxuuna ku habboonyahay doorashada madaxweynaha. W/Q: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Ookiyaale). The post Nidaamka doorasho ee xilligaan ku haboon Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
NAIROBI, Kenya (HOL) — Nairobi County's Chief Officer for Environment, Geoffrey Mosiria, raided the Somali-owned Fay Bistrow lounge in Kilimani on Saturday evening following a series of noise complaints from local residents. The raid is part of the county's ongoing effort to curb noise pollution in residential areas, which has drawn public attention. Source: Hiiraan Online