Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,055
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Markabka Oruc Reis ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ugu dambeyn ku xirtay dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, isaga oo ay galbinayaan maraakiib dagaal. Munaasabad weyn ayaa ka dhacday dekedda Muqdisho taa soo lagusoo dhaweynayay markabka, waxana ka qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madax ka socota dalka Turkiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga, Dr. Alparslan Bayraktar. Markabka Oruc Reis ayaa bilaabaya howlaha shidaal sahminta ah uu u yimid Soomaaliya. Haddaba maxan ka ognahay markabka Oruc Reis? Markabkaan lagu magacaabo Oruc Reis, ayaa dhismihiisa daaha laga furay sanadkii 2017, waxaa lagu naqshadeeyay oo lagu dhisay dalka Turkiga, ujeedka loo sameeyay ayaana ahaa sahminta juquraafiga badaha iyo naqshada oo loo yaqaan ‘oceanographic’ kaas oo muhiim u ah dadaallada sahminta badda ee Türkiye. Oruç Reis ayuu dhererkiisu yahay 87-mitir oo dherer ah una dhiganta 285-fiit , halka ballaciisu yahay 23-mitir oo u dhiganta 75-fiit, waxa uuna kor u dhisanyahay 34-mitir oo u dhiganta 111-fiit. Sidoo kale waxa uu leeyahay afar matoor oo nafto ah kuwaas oo kiiloowaatkoodu yahay 2,520-KW, waxa uuna awood u leeyahay sahminta seismic ee 2-D iyo 3-D, oo lagu sameeyo saliidaha iyo gaaska badda hoostiisa ku jira. Markabkaan ayaa awood u leh ku jirista badda muddo dheer, qaadista qalabka loogu talagalay sahminta laga sameynayo gudaha biyaha, waxaa kale oo uu leeyahay qeyb barxad ah oo ay ku soo dagi karaan diyaaradaha la shaqeynaya inta uu howlaha sahminta ku jiro. Goorma ayey soo dhammaan karaan howlahan sahminta ee uu u tagay Soomaaliya? Oruç Reis ayaa haddaba guda galaya howlaha sahminta shidaal ee u tagay Soomaaliya, haddaba si aan howlaha baariseed wax markan qadka taleefanka ayaan kula xiriirnay Injineer Faarax Siciid oo ka la shaqeeya shirkad laga leeyahay dalka Norway kana howl gasha arrimaha shidaalka kana mid ahaa mas’uuliyiintii Turkiga kasoo sagootiyay markabkan Oruç Reis. “Markabkan Oruç Reis ee gaaray Soomaaliya haddaba waxaa uu howl gelayaa howlaha sahminta taas oo qaadan karta muddo 5 ilaa 6 bilood ah, kadib waxa uu ula noqon doonaa dalka Turkiga si loogu baaro macluumaadkii uu soo uruuriyay taas ooiyadana qaadan karta dhowr bilood oo kale”, ayuu yiri Injineer Faarax Siciid. Waxa uu sharraxay in shirkaddan dowliga ah ee markabkan ay tahay markii ugu horreysay ee dal dibadda ah ay ka sameyso howlo shidaal sahmineed taasna ay fursad u tahay Soomaaliya iyo shirakaddaba. Wakhti intee la’eg ayaa Soomaaliya shiidal looga soo saari karaa? Bulsho weynta Soomaaliyeed ayaa u hanqal taagaya ogaanshada xilliga rasmi ah ee Soomaaliya shidaal lagasoo saarayo wallow xitaa qaarkood uu jahwareer uga jiro sababta uu hadda markabkan Oruç Reis u yimid in ay tahay shidaal qodis amaba sahmin. Injineer Faarax Siciid oo ka sheekeynaya in ay qaadan karto in shidaal laga qodo Soomaaliya marka lasoo tago sahminta hadda la guda galayo ayaa yiri,“In soomaaliya shidaal laga qodo waa barnaamij aad u weyn waxana ay qaadan kartaa waqti ku xiran shaqada la qabanayo, haddii sida hadda wax lagu wado ay u socdaan waa ifafaalo fiican, shirkadda hadda heshiiska lagula jirana waa shirkad macquul ah iyadana ay fursad u tahay in wadan kale ay shidaal ka qoddo”. “Waxa aan aminsanahay in wakhtiga ugu fiican ay kusoo saari karaan haddii ay si toos ah uga guda galaan, waa ilaa 6 ama 7 sano laakiin waqtigu mushkliyo malaha haddiiba la bilaabo waxa ay ku socon doontaa heerar wanaagsan”, ayuu sii raaciyay Injineer Faarax Siciid. Ugu dambeyn waxa uu sheegay in kala qayb sanaanta iyo is qab-qabsiga marka lagasoo tago ay tani Soomaaliya u tahay natiijo wanaagsan oo la xiriirta mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Horraantii sanadkaan dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiisyo is-afgarad ah oo shatti u ogolaanaya in saddax aag oo xeebaha Soomaaliya lagu sameeyo baaritaan la siiyay shirkadda Turkish Petroleum, oo ah shirkadda shidaalka qaranka ee Turkiga. Markabka sahminta ayaana ka soo dhaqaaqay dekedda Filyos ee Zonguldak, oo ku taala waqooyi-galbeed Turkiga kaas oo dhawaan soo gaaray Soomaaliya. Oruç Reis oo uu marinkiisu ahaa badda Mediterranean-ka, waxa uu u soo gudbay kanaalka Suweys, kadibna waxa uu ku soo dhacay Badda Cas si uu ugu soo xirto biyaha Soomaaliya. Isha: BBC Somali The post Goorma ayaa SHIDAAL laga soo saari karaa Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
  2. 19 qof ayaa dhintay lix kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu shil bas ka dhacay waddo weyn oo ku taal gobolka Zacatecas ee bartamaha dalka Mexico, sida ay sheegeen maamulka deegaanku. Shilkan ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen baskii ay la socdeen dadka dhintay iyo mid kale oo ahaa cagaf-cagaf, taas oo keentay waxyeelladan baaxadd leh ee soo gaartay rakaabka. Guddoomiyaha gobolka Zacatecas David Monreal ayaa sheegay in dhimashada horudhaca ahi ay tahay 24 qof, laakiin xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee gobolka ayaa dib u eegis ku sameeyay tirada rasmiga ah, islamarkaana baahiyay xogta oo sugan. Xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ay ku doonayaan in ay ku soo qabtaan darawalkii waday cagaf cagafyada. Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay kooxaha gurmadka iyo ciidamada ammaanka oo ku sugan goobta shilku ka dhacay xilli ay samato-bixiyeyaashu ku howlanaayeen soo saarista meydadka. Source: goobjoog.com
  3. A Just and Transparent Tomorrow: Why Somaliland Needs Dr.Abdirahman Cirro for True Governance Reform In every successful society, justice, transparency, and accountability are the cornerstones of governance. As Somaliland moves closer to its critical presidential election on November 13, 2024, it is essential to ask which leader can best fulfill these fundamental principles. Dr. Abdirahman Cirro, the Waddani Party’s presidential candidate, stands out as the champion of a new era for Somaliland—a leader who values accountability, fair governance, and equality for all. His vision, as outlined in Pillar 6 of the Waddani Party’s manifesto, contrasts sharply with the failures of President Muse Bihi’s administration, which has been marred by a lack of transparency, limited public services, and an erosion of democratic values. Now, more than ever, Somaliland needs leadership that truly serves its people. A Commitment to Transparency and Accountability The Waddani Party, under Dr. Cirro’s leadership, aims to build a government where citizens are not kept in the dark. Transparency is not a privilege but a right. Under President Bihi’s leadership, Somaliland’s government has frequently operated in secrecy, with limited accountability to the people. Government transactions are opaque, and leadership often fails to answer to the public. Dr. Cirro and his running mate Amb. Mohamed Ali promise a transparent administration where every action, policy, and financial transaction is open to the scrutiny of the people. They envision a government that keeps citizens informed, fostering a sense of shared responsibility and trust. As the saying goes, “Transparency is the currency of trust.” With Dr. Cirro, Somaliland can expect leadership that earns this trust and holds itself accountable to the people. Delivering Public Services Efficiently Effective leadership prioritizes public welfare. Unfortunately, under Muse Bihi’s administration, public services like healthcare, education, and infrastructure have been stifled by inefficiency and bureaucracy. Critical services are not accessible to many Somalilanders, and even basic infrastructure has deteriorated under the current government. Dr. Cirro, however, believes that governance should make life easier, not harder, for its citizens. He pledges to reform public services to ensure that Somalilanders receive high-quality and timely services. His administration will reduce bureaucratic red tape and invest in sectors that have been neglected for far too long. In Dr. Cirro’s vision, every Somaliland citizen is a priority, not an afterthought. Upholding the Rule of Law for Every Citizen The rule of law is essential to maintaining social harmony and justice. Sadly, during President Bihi’s tenure, the legal system has been inconsistent, favoring certain individuals over others. Such selective application of justice undermines the trust that citizens should have in their government. Dr. Cirro believes that no individual should be above the law, and justice should be applied equally to all. Waddani’s manifesto emphasizes a legal system that serves everyone impartially, creating a secure environment where every Somaliland citizen feels protected and valued. As the timeless wisdom states, “Justice delayed is justice denied.” Dr. Cirro’s government will ensure that justice is not only delivered but that it is served fairly and without delay. Judicial Reform: A System for the People One of the Waddani Party’s primary goals is to reform Somaliland’s judicial system. Under Bihi’s leadership, the judiciary has faced undue interference and a lack of independence, making it challenging for ordinary citizens to receive a fair hearing. For true democracy to thrive, the judiciary must be autonomous and unbiased. Dr. Cirro promises a judiciary that can act independently, providing justice to all Somalilanders. His government will prioritize judicial reforms that uphold fairness, allowing every citizen equal access to justice, free from external influence. Only through such reforms can Somaliland establish a society where justice prevails. Fighting Corruption with Integrity Corruption is a disease that cripples nations, siphoning resources from those who need them most. Under Muse Bihi, corruption has grown rampant, creating an environment where public resources are exploited, and personal gains are prioritized over the public good. The effects of corruption are felt by everyone, especially the vulnerable, who lose access to essential services. Dr. Cirro has pledged to take a zero-tolerance approach to corruption, establishing policies and institutions that will actively combat corrupt practices. His administration’s goal is to create a government that acts with integrity, serving the public honestly. As the adage reminds us, “A fish rots from the head down.” Dr. Cirro’s government will lead by example, ensuring that integrity starts at the top and flows through every level of government. A Government That Protects Human Rights A government should protect its people, ensuring that all individuals, regardless of their status, feel valued and safe. President Bihi’s administration has been accused of overlooking human rights, leaving vulnerable populations unprotected and social justice unaddressed. Dr. Cirro, however, believes in a Somaliland where human rights are protected and promoted. His government will focus on policies that uphold the dignity and equality of all citizens, ensuring that the rights of marginalized groups are safeguarded. Waddani’s vision is a government that creates an inclusive society, where everyone, regardless of background or status, has a voice and a place in the community. Inclusive Governance: A Voice for All Qaran News
  4. Madaxweynaha mareykanka ayaa sheegay in Israa’iil weerarkii ay Iran ku qaaday ku beegsatay keliya goobo militari, ayna rajaynayaan in isku jawaabidda labada dhinac ay halkaas ku ekaan doonto. ” Israa’iiliyiintu waxay weerareen oo keliya bartilmaameedyo millatari, waxaana rajeynayaa in tani ay noqon doonto dhammaadka weerarrada ay isweydaarsanayaan Tel Aviv iyo Tehran”, ayuu yiri madaxweyne Joe Biden. Wuxuu intaas ku daray inay horay uga war hayeen weerarrada ay Israa’iil qaadayso, balse aysan wax kaalin ah ku lahayn dhankooga, inkastoo uu sheegay inay la-tashiyo dhow la sameeyeen maamulka Netanyahu iyo xulafadooda. Si kastaba ha ahaatee Iran ayaa sheegtay in waxyeello aad u koobani ay ka soo gaartay weerarkii Israa’iil, dhanka kalena waxaa muuqanaysa in mareykanku aanu doonayn sii socashada weerarada labada dhinac, Tehran’se waxay wcad ku martay inay jawaab adag bixin doonto. Source: goobjoog.com
  5. Tehran (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Arakchi ayaa sheegay in aysan jirin wax xad ah marka ay timaado difaaca dalkiisa, maalin kaddib marki ay Isra’il duqeysay Iran Sabtidi shalay. Isra’il waxay sheegtay in weerar xadidan oo ku bartilmaameedsatay saldhigto millatari oo ku yaalla Iran, weerarkaas oo ay sheegtay in ay uga jawaabeysay, duqeymihi cuslaa ee Iran uga yimid 1-di bishan October. Iran waxay xalay sheegtay, in duqeymihi Sabtidi ay kala kulantay Isra’il lagu dilay afar ka mid ah ciidankeeda milatariga. Howlgalka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa bayaan kasoo baxay shalay galab ku sheegay, in Isra’il ay martay hawada Ciraq ka hor inta diyaaradaheeda dagaalka aysan duqeyn Tehran. Waxay ku eedeysay Mareykanka in uu raalli ka ahaa, maadaama bay yiraahdeen uu millatarigiisa kor ka maamulo hawada sare Ciraq, sida ay hadalka u dhigeen. Mareykanka ayaa horay u sheegay in lagu wargeliyay weerarka ay Isra’il ku qaadday Iran, ka hor inta aanan la fulin. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaaalka Iran iyo Israel appeared first on Caasimada Online.
  6. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/10/464737905_589902826717688_454721967438350029_n-1.mp4 Qaran News
  7. 464652708_536677782551757_3771895844398499289_n Qaran News
  8. Mogadishu (HOL) — Somalia’s football federation has withdrawn from the African Nations Championship (CHAN) 2025 qualifiers, citing financial limitations as the primary cause. The announcement by Somalia Football Federation (SFF) General Secretary Yusuf Ahmed underscores the financial and operational challenges that have long hindered Somali football. Source: Hiiraan Online
  9. Abdrisak Mohamed: “The map was prepared before Hiiraan and Middle Shabelle merged to form Hirshabelle State.” Mogadishu (PP News Desk) — The Somalia map displayed at the welcoming ceremony for the Turkish oil exploration ship at Mogadishu Port yesterday created unexpected controversy. The map that described the Somaliland administration as “self-declared republic of Somaliland”. President Hassan Sheikh Mohamud and his Prime Minister, Hamze Barre, were at Mogadishu Port to welcome the Turkish oil exploration ship. President Deni today denounced the map that labelled parts of Puntland State as “disputed territories.” Today, the Petroleum Minister Abdirisak Mohamed assured people of Hirshabelle State that their regions were not excluded in the petroleum exploration zone. “The map was prepared before Hiiraan and Middle Shabelle merged to form Hirshabelle State” he said. The map unveiled in Mogadishu yesterday to illustrate the oil exploration mission to be carried out by a Turkish ship. The Deputy Minister for Petroleum Mohamed Hashi Arabey said the company that had organised the event “ used an inappropriate map for the event”. President of Puntland State of Somalia Said Abdullahi Deni in a speech to Puntland Parliament today took issue with the map that marked out territories in Puntland as “disputed territories”. The Federal Government of Somalia moved fast to rectify the cartographic error that seemed to convey the message that Somalia has broken up into two countries. © Puntland Post, 2024 The post Somali Federal Government Rectifies Map Error Amid Puntland Concerns appeared first on Puntland Post.
  10. MINNEAPOLIS, Minn (HOL) — Somali-born Swedish artist Salad Hilowle is set to make his U.S. solo debut in 2025 at the American Swedish Institute (ASI) in Minneapolis, offering audiences a rare and introspective look into the layered identities of Afro-Swedish and Somali communities in Sweden. Source: Hiiraan Online
  11. NAIROBI, Kenya (HOL) — Three Somali women abducted and murdered in a chilling attack that shocked Kenya were laid to rest on Saturday as hundreds of mourners gathered in Nairobi. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Puntland Saciid Deni, isagoo ka jawaabaya hadalkiisii maanta uu ku eedeeyey dowladda federaalka. Wasiirka ayaa sheegay in Saciid Deni laga baari waayey shidaalka ku jira deegaanada Puntland, “Deni wuxuu hor istaagay in sahmin shidaal laga sameeyo Puntland,” ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamed. Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa madaxweynaha Puntland Saciid Deni ku eedeeyey inuu garan waayey in MAP-kaas la sameeyey waqti hore oo qaladkaas uu ku dhacay si aan ku talagal aheyn. “Deni wuxuu la yimid shirkad uu sheegay inay baaritaanka shidaalka u sameyneyso Puntland, wuxuuna xujo ka dhigay in saxiixa dowladda federaalka uu wax ku yeelanayo, balse waa ka diidnay taas, xitaa shirkaddu waa cadeysay in masuuliyada saxiixa ay aqoonsan tahay in dowladda dhexe ay leedahay,” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq. Wasiirka ayaa sheegay in MAP-kaan qaldan la sameeyey sanadkii 2015-kii, isla markaana shirkad loo xilsaaray qaban-qaabada munaasabaddii lagu soo dhaweeyey Markabka ay kala soo degtay Internetka, sidaasna u uku dhacay qaladkaan ee uusan aheyn mid dowladdu u bareertay. “Masuuliyadeena kama carareyno qaladka dhacay waan ka dabategeynaa waan saxeynaa, waana ka raali gelineynaa umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya. Sidoo kale wasiirka ayaa u jawaabay siyaasiyiinta kale ee dhaliilay wasaaradda, “Ka dhaafa kicinta bulshada Soomaaliyeed, nama niyad jabinayaan hadalada xanafta leh ee shaqada socota aad ku carqaladeyneysaan,” ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamed. Hoos ka daawo The post Daawo: Wasiirka Batroolka oo ka shifay qorshe uu Deni shidaalka ka damacsanaa oo DF ay ka diiday appeared first on Caasimada Online.
  13. Jowhar (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa lagu eedeeyey wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowladda federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Hirshabeelle ayaa wasiirka ku eedeysay inuu wado kala qeybin bulsho. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay madaxtooyada HirShabeelle ayaa lagu sheegay in wasiir Cabdirisaaq uu horay u abaabulay shirar qalqal geliyey jiritaanka maamulkaas, waxayna HirShabeelle nasiib darro ku tilmaantay in wasiirka ka tirsan xukuumadda uu ka shaqeeyo kala qeybinta bulshada. HirShabeelle ayaa ka carootay MAP ama Qariidad lagu soo bandhigay munaasabadii lagu soo dhaweeyey markabka baaraya shidaalka Soomaaliya, taas oo aan lagu xusin magaca HirShabeelle, balse lagu qoray Hiiraan iyo Sh/Dhexe, halka Galmudug lagu koobay Galgaduud, iyadoo Mudug laga dhigay dhul lagu muransan yahay. Wasaaradda Batroolka XFS ayaa ka jawaabtay sababta MAP-kaas qaldan loo geeyey goobta, waxayna wasiirka iyo agaasimaha guud cadeeyeen in qaladkaas uu ka dhacay shirkad ay u xilsaareen qaban-qaabada munaasabadda, taas oo internetka kala soo degtay MAP la sameeyey 2015-kii oo aan sax aheyn. Hoos ka akhriso qoraalka HirShabeelle; Dowladda Hirshabeelle waxay cambaareyneysaa qariiradii ama Map-kii 25-Oktoobar-2024, lagu soo bandhiggay munaasabadda lagu soo dhaweynaayey Markabkii sahmin lahaa shidaalka Badda Soomaaliya oo ay kasoo shaqeysay Wasaarrada Batroolka iyo Macdanta XJFS. Wasiirka Batroolka XJFS waxa uu horay u abaabulay kulamo iyo shirar lagu kala geynayo dadka wada degan deegaanada Dowladda Hirshabeelle. Shirarkaas ayaa sababay qal-qal amni, iyadoo dhibaato ay kasoo gaartay shacabka reer Hirshabeelle, mana ahan wax loo dulqaadan karo inuu masuul ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee loogu talogalay inuu ugu adeego danaha Qaranka uu taas baddelkeeda ka shaqeeyo kala qeybinta bulshada iyo abuurida xasilooni daro, si uu u gaaro danahiisa gaarka ah. Dowladda Hirshabeelle jiritaankeeda iyo dhismaheedaba waxuu waafaqsan yahay Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Sooomaaliya qoddobadiisa 48-aad iyo 49-aad. Sidaas darteed, waxaa nasiib darro ah, iyadoo laga hadlaayo qeybsiga kheyraadka iyo horumarka dalka in Wasiirka uu ka shaqeeyay kala qaaybin bulsho, taas oo wiiqeysa wadajirka Ummadda Soomaaliyeed. Dowladda Hirshabeelle ma aqbaleeyso kala qeybinta dadka iyo deegaanada Hirshabelle, sida uu qabo dastuurka Dowladda Hirshabeelle qoddobkiisa 2-aad, farqada 1-aad iyo qodobka 51-aad farqada 2-aad ee Dastuurka Hirshabeelle. The post Cali Guudlaawe oo Wasiirka Batroolka DF ku eedeeyay inuu ka shaqeynayo arrimo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS oo soo saartay war-saxaafadeed dheer ayaa faahfaahin rasmi ah ka bixisay cidda iska leh qaladkii MAP-ka ama Qariiradda ee xad-gudubka ku ahaa dowlad goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug, kaas oo muujinayey in HirShabeelle aysan jirin, Galmudug-na ku koobay Galgaduud kaliya, waxayna dadka Sooamaliyeed wasaaraddu u dirtay raali gelin buuxda. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka wasaaradda bartoolka: Waxaan marka hore shacabka Soomaaliyeed uga mahadnaqaynaa sidii niyadsamida iyo wanaagga badnayd oo ay shalay ugu wada dabaal-dageen dhacdadii taariikhiga ahayd ee imaatinka Markabka SHIDAAL-SAHMINTA ee Oruc Reis oo qeyb ka ah dadaallada loogu jiro ka faa’ideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dalkeenna, si loo suurtogeliyo horumar dhaqaale iyo isku-filnaan nololeed oo ay dadkeenna iyo dalkeennuba garaan mustaqbalka dhaw. Waxaa hubaal ah in dhacdadii shalay ay ahayd miro ka dhashay shaqo Qaran oo aad u baaxad weyn, taas oo qabashadeeda u mashquul iyo waqti badan ka galay hawlwadeennadii u xilsaarnaa hirgelinta hawshan taarikhiga ah. Sida la wada filan karona, shaqa kasta oo culeyskeedu intaas la eg yahay, natiijada laga rabana ay guul qaran oo ummadda oo dhan ka wada farxiso tahay, waxaa suurtogal ah inay dhacaan qaladaad farsamo oo aan ku talogal ahayn. Annaga oo taas ka duulayna, waxaan ka cudur-daaranynaa cilladihii farsamo ee soo baxay intii ay hawshu socotay, oo ay ka mid tahay sawirka qariiddada ama MAP-ka lagu soo bandhigay munaasabaddii soo-dhawaynta Markabka, kaas oo ahaa mid ka yimid dhinaca shirkaddii qaabilsanayd qaabeynta iyo qurxinta muuqaalka xafladda. Waxa ay shirkaddu isticmaashay MAP aanan ahayn midkii saxda ahaa, markii aan la wadaagnay falcelinta dadweynaha ka timidna waxa ay nooga cudurdaarteen in uu qaladkaas si aan kutalogal ahayn uga dhacay, maadaama ay adeegsadeen MAP ay hore dad kale u sameeyeen oo Internetka ku jira, waana mid aanan wax xiriir ah la lahayn shaqadii ay wasaaradda Batroolku uga wakiilka ahayd guud ahaan xukuumadda iyo qaranka Soomaaliyeed. Wasaaraddu waxa ay u taagan tahay fulinta iyo ku-shaqaynta siyaasadaha guud ee qaranka, kuwaas oo jiheyn iyo jaangoyn ku sameeya wax kasta oo aan qabanayno. Sida ku cad bogagga rasmiga ah ee ay wasaaraddu macluumaadka kula wadaagto bulshada Soomaaliyeed, ma jirto meel aan ku isticmaalnay MAP lamid ah kan hadda sida qaladka ah uga yimid dhinaca shirkaddii nagala shaqaynaysay qurxinta munaasabadda. Sidaas darteed, waxaan bulshada Soomaaliyeed ka raalligelinaynaa cillad kasta oo farsamo oo saameyn ku yeelatay yididiilladii iyo farxaddii ay qabeen. Waxaan xaqiijinaynaa in hoggaanka iyo hawlwadeennada wasaaraddu ay mar kasta u taagan yihiin inay dadka iyo dalka ugu adeegaan si waafaqsan shuruuca iyo mabaadii’ida guud ee ay dowladnimadeennu ku dhisan tahay, kuwaas oo aan meelna ka soo galin, kala-qoqob iyo kala-qeybin siyaasad, gobol iyo deegaan gaar ah ka dhan ah. The post DF oo cadeysay ciddii qaladay MAP-ka xad-gudubka ku ahaa HirShabeelle appeared first on Caasimada Online.
  15. Taliyaha Taakulaynta Ciidanka XDS G/le Dhexe Ibrahim Maxamed Maxmuud Oo ay wehliyaan Madaxda Hoggaamada Taliska Taakulaynta Ciidanka XDS ayaa dhagax dhigay dhismo cusub oo lagu ballaarin doono Kaalinta dhexe ee shidaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , Dhismahaas oo laga hirgelin doono Taliska Taakuleynta ee Villa Baydhabo. Kaalintaan balaarinta Iyo dib u casriyeenta lagu samaynayo ayaa Kaalin Muhiima ka Qaadanaysa dardar-gelinta saad siinta Socodka Ciidanka Xoogga Dalka oo ah mid kamida arrimaha ugu muhiimsan markii la agaasimayo howlgallada iyo dhaqdhaqaaqa ciidanka. Madaxa Hoggaanka Saadka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le C/raxmaan Taakoow ayaa Taliyaha Taakuleynta Ciidanka XDS uga mahadceliyay dhagax dhiga dhismahan cusub ee kaalinta baaxada leh ka qaadan doona shaqoyinka adag ee u yaala Hoggaanka Saadka Ciidanka XDS Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay fadeexo shalay ka dhacday munaasabaddii lagu qabtay dekedda Muqdisho ee lagu soo dhaweynayay markabka Turkiga ee baaraha shidaalka Soomaaliya, kadib markii goobta lagu soo bandhigay Maab laga saaray magaca HirShabelle, balse lagu xusay Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Wasiirka oo arrintan raalligelin ka bixiyay ayaa shaaciyay inuu yahay khalad farsamo oo dhacay, isla markaana ka yimid dhanka shirkadda qaban-qaabineysay munaasabadda. “Shalay waxaa dhacday arrin farsamo oo ahaa Qariidad aan markaas habooneen in lagu soo daray Qariidadihii meesha yaallay wixii tiknino ahaa iyo agaasinka waxaa u xil saarnaa agaasimaha guud, aniga baaritaan ayaa sameeyay saaka agaasimaha waxaan ka codsaday inuu xog sax isoo siiyo sida ay wax u dhaceen” ayuu yiri wasiir Cabdirisaaq Cumar. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Xogta wuu ila wadaagay waxaana isoo baxday in khaladka meesha uu ka dhashay ay ahayd isticmaalka Qariidad la sameeyay 2015-kii oo si khaldan meesha ku gashay, waxuuna ka dhashay shirkadda qaban-qaabineysay munaasabadda”. Dhanka kale wasiirka ayaa u jawaabay madaxweynaha Puntland oo maanta arrintan si kulul uga hadlay, kuna weeraray dowladda dhexe, wuxuuna sheegay in Deni uu garan waayay Maab la sameeyay 2015-kii. “Madaxweynaha Puntland waxa uu garan waayey MAP-2015-kii la sameeyay, Deni Sahminta Puntland isaga ayaa diiday oo horistaagay” ayuu mar kale yiri wasiirku. Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay caro xoogan iyo hadal hayn, waxaana ka hadlay dad kala duwan oo ay ku jiraan syaasiyiin caan ah oo Soomaaliyeed. Senator Muuse Suudi Yalaxow oo kasoo jeedo HirShabelle ayaa mar wax laga waydiiyay falka ay ku kacday dowladda dhexe ayaa ku jawaabay “Dowladda iyadaa ku daraysa Maabka HirShabelle laga saaray”. Sidoo kale wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan BFS Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo qoraal soo saaray ayaa nasiib darro ku tilmaamay tallaabadan oo ay si gaar ah ugu kacday wasaaradda Batroolka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. “Waxaa Nasiib darro ah in Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Xilligan faafiso Maabka Soomaaliya oo jiritaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle lagu inkirayo, kana dhigaya laba Gobol. Waxaan Wasaaradda Batroolka iyo Xukuumadda Federaalka ka dalbaneynaa inay cudurdaar ka bixiso xadgudubka ay kula kacday Hirshabeelle iyo Dowlad Goboleedyada kale” ayuu wasiir hore Ducaale. The post Wasiir Cabdirisaaq oo jawaab culus kasoo saaray fadeexadddii dhacday shalay + Video appeared first on Caasimada Online.
  17. Waxaa isi soo taraya xoga ku saabsan weerarkii ay Israa’iil ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla gudaha jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iran, kaas oo saacadihii la soo dhaafay ahaa udub-dhaxaadka tebinta warbaahinta dunida. Waxyeelada ka dhalatay weerarkan ayaa la sheegayaa inay ahayd mid kooban, militariga Irana wuxuu sheegay in laba askari ay uga dhimatay duqeymaha Israa’iil oo u muuqda kuwo aan khasaare xoogan geysan. Wargeyska The Wall Street Journal ee ka soo baxa dalka Maraykanka oo soo xiganaya ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in dalal badan oo Carab iyo Yurubba isugu jiraahi ay Iran gaarsiiyeen digniin ku saabsan weerarka Israa’iil qorshaynayso saacado ka hor inta aanu dhicin, taasina ay keentay in Tehran ay diyaar-garowdo. Wargeyska New York Times oo asna soo xiganaya saraakiil Iran ka tirsan ayaa sheegay in goobaha ay Israa’iil weerartay ay ka mid yihiin habka difaaca S-300 ee yaalla garoonka Khomeini, iyo 3 gantaal oo ay leeyihiin ilaalada kacaanka ee gobolka Tehran. Si kastaba ha ahaatee waxyeelada weerarka Israa’iil ayaa u muuqata mid kooban, Irana si ka duwan dhaqankii looga bartay falcelin weyn kama bixin dhacdadan, taas oo ka dhigan in waxa dhacay aysan yeelan saameyntii laga filayay. Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale qaaday tallaabo culus oo lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho, si looga hortego falalka amni darrada ah iyo weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso gudaha caasimada. Wasiirka amniga, taliyeyaasha booliska iyo nabad-sugidda ayaa xalay ka qayb-galay howlgallo saf ballaaran ah oo ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen gudaha caasimada, waxayna mas’uuliyiintan kormeereen degmooyinka howlgallada ballaaran laga sameeyay. Sidoo kale waxa ay mas’uuliyiinta hay’adaha amniga socod dheer oo amni xaqiijin ah kusoo mareen dhammaan degmooyinka gobolka Benaadir iyo deegaanada dhaca duleedka caasimadda, iyaga oo u kuur galay hannaanka shaqo ee ciidamada dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay fareen saraakiisha ciidamada inay dardar galiyaan howgalada lagu sugayo amniga, iyaga oo xusay in ay joogteyn doonaan kormeerada noocaan oo kale ah. Tallaabadan ayaa ka dambeysay, kadib markii ay maalmahan kooxd Al-Shabaab kordhisay bartimaameedkeeda Muqdisho, waxaana ugu dambeysay maanta oo ay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ka fulisay maqaayad ku taal degmada Kaaran ee gobolka Banaadir. Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa, waxaana dhowaan kooxda ay la beegsatay maqaayad ku taalla kasoo horjeedka Iskuul Buluusiyo ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen askar iyo dad kale oo shaca ah. The post DF oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta amniga MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  19. Wasiirka Batroolka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sidii wanaagsanayd ee ay shalay ugu dabaaldegeen imaanshihii Markabka Shidaal-Sahminta Oruc Reis, oo qayb ka ah dadaallada loogu jiro in kheyraadka dabiiciga ah ee dalka loo isticmaalo horumar dhaqaale iyo isku-filnaan nololeed. Wasiirku wuxuu sheegay in dhacdadaasi ay tahay guul miro-dhal ah oo ka timid shaqo qaran oo ballaaran, taas oo ku saleysan dadaallo muddo badan socday. Si kastaba ha ahaatee, isagoo tixgelinaya culeyska iyo baaxadda mashruucan, wasiirku wuxuu raalli-gelin ka bixiyay cillado farsamo oo aan la qorsheyn oo ka dhacay intii ay hawshu socotay. Mid ka mid ah khaladaadka la xusay ayaa ahaa sawirka qariiddada (MAP) ee laga isticmaalay munaasabadda soo-dhawaynta Markabka. Wasiirka ayaa caddeeyay in shirkadda ku hawlanayd qurxinta munaasabadda ay si aan ula kac ahayn u adeegsatay MAP aan sax ahayn, taas oo laga soo xigtay ilo kale oo ku jiray internetka. Khaladkaas ayaan wax xiriir ah la lahayn hawlaha rasmiga ah ee Wasaaradda Batroolka ama siyaasadaha qaranka ee la xiriira sahminta shidaalka. Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in wasaaraddu aysan marna ku dhaqmin wax talo ama qorshe ah oo keeni kara kala-qoqob siyaasadeed, gobol ama deegaan, isagoo xusay in la raaco mabaadii’da iyo siyaasadaha guud ee dowladnimo. Gabagabadii, Wasiirka Batroolka, Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa shacabka Soomaaliyeed ka raalli-geliyay qaladaadka dhacay, isagoo ballan qaaday in wasaaraddu ay mar walba u heellan tahay inay si hufan oo sharci waafaqsan ugu adeegto dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  20. Mogadishu (HOL) — A landmine explosion in the Karaan district of Mogadishu killed at least three civilians and injured others on Saturday, according to eyewitnesses. Source: Hiiraan Online
  21. Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa isugu yimid kulankoodii afaraad ee wadajirka ah oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka, waxaana kulankan oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa muhiim u ahaa dajinta miisaaniyadda qaranka ee sanadka 2025. Kulanka ayaa waxaa lagu bilaabay akhrinta saddexaad ee warbixinta xisaab-xirka sanadka maaliyadeed ee 2023, taasoo uu soo bandhigay Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux oo ah Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka. Intaas ka dib, xildhibaannada labada aqal ayaa cod u qaaday warbixintaas, waxaana ogolaaday 167 xildhibaan, halka saddex xildhibaan ay diideen, cid ka aamustayna ma jirin. Ka dib, xildhibaannada labada aqal ayaa guda galay akhrinta labaad ee Xeerka Qoondada Miisaaniyadda ee sanadka 2025. Xoghayaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdiqaadir Xuseen (Uurdoox), ayaa golaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan miisaaniyadda 2025 iyo sida loo qeybiyay. Intii uu kulanku socday, xildhibaannada labada aqal ayaa dood adag ka yeeshay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2025, iyagoo su’aalo ku saabsan habka loo qeybiyay miisaaniyadda weydiiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, oo ka qeybgalayay kulanka islamarkaana ka jawaabay su’aalaha. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay doodda miisaaniyadda dowladda ee 2025, taas oo dib loogu celin doono Guddiga Maaliyadda ee Labada Aqal si ay ugu soo daraan fikradaha iyo doodaha xildhibaannada ka dibna golaha loogu soo celiyo si ay ugu codeeyaan. Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Caalamka ayaa si weyn indhaha ugu haya Soomaaliya oo haatan qaaday dhabihii horumarka, una jiheysatay inay ka faa’iidesato khayraadka dhex ceegaaga gudaheeda. Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Jimcihii khudbad ka jeediyay munaasabad lagu soo dhaweynayay Markabka ORUC REIS ee Turkiga oo baaris ku sameynaya shidaalka dalkeenna ayaa sheegay in tallaabadan ay keentay in dunidu ay mar kale soo eegto fursadaha iyo dhaqaalaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya. “Maanta waa maalin kale oo aduunyada ina tiraahdo war heedhe Soomaaliya waa la maalgashan karaa, sababtoo ah dhaqaale iyo fursad ayaa ka jirta” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale madaxweynaha ayaa farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay u istaagaan sidii looga faa’iideysan lahaa fursaddan, loona xoojin lahaa dowlad wanaagga. “Waxaa dareemeysaa in Soomaaliya mar kale dib loo soo milicsanayo daneyn badan ayaan helnay waxaan rabaa inaa dadka Soomaaliyeed u sheego inaanan baar dareyn fursaddaas muhiimka ah” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu. Waxaa kale oo uu sii raaciyay ” Shabaab nagama hor istaagi karo iyo cadow kale oo ajnabi ah nagama hor istaagi karo hal shey oo kaliya ayaan u baahanahay, waana dowlad wanaag”. Tallaabadan ayey ku macneysay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh mid taariikhi ah oo horseedi doonta horumar dhaqaale iyo shaqo abuur ballaaran. Sidoo kalena waa mid soo bandhigeysa sida ay dowladda federaalka uga go’an tahay in ay si wanaagsan uga faa’iideysato kheyraadka dabiiciga ah ee dalku leeyahay, iyada oo ilaalinaysa danta guud iyo maslaxadda shacabka. The post Caalamka oo indhaha ku haya Somalia, kadib tallaabadii ay shalay qaaday DF appeared first on Caasimada Online.
  23. AQPoF0gh-b27paYiv4nXUjSUx6kG9sqydrrPev4qrWRT0GRiU8AVOIz33E3lnCiYeWZDLUQLAYfpff338rTSD-eP Qaran News