Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,876
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo weli ku sugan dalka Serbia ayaa maanta booqaday Matxafka Marshal Josip Broz Tito, aasaasihii Jamhuuriyadda Federaalka Hantiwadaaga ee Yugoslavia. Howlwadeenada Matxafka ayaa si qoto dheer uga faalooday taariikhda Marshal Tito, laga soo bilaabo dhalashadiisa sanadkii 1892, wax barashadiisii, waxqabadkiisii inta uu hoggaamiyaha ahaa iyo saameyn uu ku lahaa Siyaasaddaha iska soo horjeeda laga soo bilaa 1943 ilaa 1980. Marahal Josip Broz Tito Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Hantiwadaaga ee Yugoslavia, waxaa uu saaxiib dhow la ahaa Madaxweynayaashii hore ee dalkeenna Allaha u naxariistee Xaaji Aadan Cabdulle Cusmaan iyo Jaalle Maxamed Siyaad Barre, Tito waxaa uu Soomaaliya booqasho ku tagay in ka badan 5 jeer. Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin dheer oo kasoo baxday Xarunta Afrika ee Daraasaadka Rabshadaha iyo Kooxaha Hubeysan (ACLED) ayaa waxaa looga hadlay beegsiga ay Al-Shabaab ku hayaan ganacsatada Muqdisho, kadib xirashadii kaamirooyinka. Xarunta ayaa diiwaan-gelisay ugu yaraan illaa 10 weerar oo lagu beegsaday ganacsato, kuwaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba. Warbixinta ACLED ayaa waxaa lagu sheegay in laga soo bilaabo Oktoobar illaa dabayaaqadii Noofembar ay dhaceen ugu yaraan 23 weerar oo guud ahaan, kuwaas ayaa lagu qaaday dad rayid ah, taasoo keentay 37 dhimasho ah. Ku dhawaad 40% dhacdooyinkan ayaa lala xiriiriyay rakibaadda CCTV-ga oo ay dowladda Soomaaliya ku amartay in ganacsatadu ay ku xiraan mehradahooda. Sidoo kale weerarada ayaa curyaamiyay xaafado muhiim ah, iyadoo goobaha ganacsiga degmooyinka qaarkood laxiray, cabsi laga qabo in loo beegsado kaamirooyinka ay xirteen. Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu horay usoo rogtay amarka xirashada kaamirooyinka ee keenay beegsiga ganacsatada, waxaa kadib ay dhibanayaal u noqdeen Al-Shabaab. Laamaha amniga ayaa dhankooda dadaal muujiyay, waxayna sameeyeen howlgallo lagu soo qabteen shaqsiyaad ku eedeysan ganacsatada illaa iyo hadda la dilay. Xaaladda ayaa hadda deggan, inkastoo weli Al-Shabaab ay sii waddo beegsiga xarumaha lagu xiray kaamirooyinka ee ku yaalla magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda.
  3. Dowladda Canada ayaa soo saartay go’aan ay si ku meel gaar ah ugu hakinayso qabashada codsiyada qaxootiga ee Group five iyo barnaamjka kale ee loo yaqaan Community oo ay dadka jooga Canada ugu dacwoon jireen eheladooda Africa ama qaaraadaha kale jooga. Qoraalka lagu sheegay hakinta ayaa lagu baahiyay bogga dowladda Canada ay ku leedahay waaxda socdaalka, qaxootiga iyo dhalashada. Bayaanka lagu hakiyay howlaha socdaalka qaxootiga iyo dadka is xanbaarka lagu keenayo ayaa sidan u qornaa: “Si loo helo hubanti dheeraad ah oo la xiriirta qaxootiga la keenayo, iyo kafaala qaadayaasha, waaxda socdaalka, qaxootiga iyo dhalashada Canada (IRCC) waxay si ku meel gaar ah u joojisay qabashada codsiyada cusub ee kooxaha shanta ah (Group five) iyo kafaala qaadayaasha barnaamijka bulshada ee hoos imaanaya barnaamijka PSR laga bilaabo Noofambar 29, 2024”. Dowladda ayaa sheegtay in hakintaan ay socon doonto illaa laga gaarayo 31 Diseembar 2025, waana muddo sanad ah iyadoona ku tilmaamtay in ay ka caawin doonto culays ka haystay kobac ku yimid warqadaha arjiyada ama codsiyada qaxootiga iyo kooxaha shanta qof ah ee dadka u dacwoonaya. Dhanka kale dowladda Canada waxa ay tilmaamtay in waaxda socdaalka muddadaas sanadka ah ay helayaan fursad ay uga shaqeeyaan codsiyadi hore. Bayaanka ka soo baxay dowladda Canada gaar ahaan waaxda socdaalka, qaxootiga iyo dhalashada Canada (IRCC) ayaa sidoo kale lagu sheegay in la sii wadi doono ka baaraan dagista codsiyadii horay loo qabtay iyo in dib u dajin loo sameeyo qaxootiyadii dhawaanahaan la geeyay dalkaas. Sidoo kale waxa ay intaa ku dareen in la cusboonaysiiyay barnaamijyo badano o kamid ah kuwa ay dadka sida gaarka ugu dacwoonayaan eheladooda lagu dabaqay qorshaha heerarka socdaalka ee 2025, dowladda Canada ay hiigsanayso inay soo dhawayso 23,000 oo qaxooti ah. Warka ka soo baxay dowladda Canada ee dhimista soo galootiga ayaa ku soo aadaya xilli dhawaanahaanba ay dowladdaas waday hoos u dhigista soogalootiga. Mohamed Doli oo ah qareen muddo ku sugan dalka Canada ayaan wax ka waydiinay arrinka lagu dhimayo qaxootiga iyo isxambaarka ee kooxaha shanta ah (Group five). “Amarka dowladda ka soo baxay ee lagu joojinayo qaxootiga ayaa muddo soo socday oo horay ayaa loo dhimay ardayda dalkaan soo galaya, iyo qaxootiyada, tanina waa mid daba socota balse waa muddo hal sano ah”, ayuu yiri qareen Doli. Xigashada Sawirka,Mohamed Doli Qoraalka sawirka,Mohamed Doli, qareen muddo dheer ku nool dalka Canada Dhanka kale qareenka ayaa tilmaamay in joojintaan aysan saamayn ku yeelanaynin dadkii horay ay ugu xaraysnaayeen codsiyada “Joojintaan ma qusayso dadka codsiyada u xaraysan,” ayuu raaciyay. Qareen Doli ayaa xusay in dalka Canada ay ku soo dhawdahay doorashooyinkii sidoo kalena ay jirto ciriiri dhanka guryaha ah oo magaalooyinka ka jira, sidoo kalena dhaqaalaha uu isbadal ku yimid, taasina ay ka qayb qaadanayso in la hakiyo qaxootiga si dowladda ay diyaar garow u samayso. Xigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Wasiirkii hore ee socdaalka Canada Axmed oo booqday xerada qaxootiga ee Dhaadhaab oo ay Soomaali badan deggan yihiin Soomaali badan ayaa ku jirta xeryaha qaxootiga Kenya, Uganda iyo dalal kale kuwaas oo qaarkood horay u xaraystay codsiyadooda halka qaar aysan wali gudbin codsiyadooda, xannibaada cusub ee muddada sanadka ah ayaana saamayn ku yeelan doonta dadka aanan wali gudbin codsiyadooda kuwaas oo ku jira qaxootiyada. Canada ayaana sheegtay in ka badan 40 sano oo ay wadday barnaamijka kafiilka iyo qaadashada qaxootiga, uu tusaale u ahaa wadamo badano o caalamka ah, sidoo kalena rajo iyo fursad u ahaa boqolaal kun oo qaxooti ah. Bbcsomali Qaran News
  4. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland oo haatan khilaaf xooggan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka ayaa maanta qaaday tallaabo kale oo sii hurineyso xiisadda taagan, sidoo kalena la xiriirta maamulka hawada. Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Jubbaland ayaa soo saartay amarkan oo ku socda shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya deegaannada maamulkaasi, kadib wareegto kasoo baxday wasaaradda. Qaraalka ayaa waxaa lagu faray dhamaan shirkadaha bixiya adeegga duulimaadyada in ay la shaqeeyaan maareeyeyaal ay soo magacowday wasaaradda, kuwaas oo loo igmaday garoomada diyaaradaha ee deegaanada Jubbaland. Shirkadaha ayaa sidoo kale looga digay inay la shaqeeyaan cid aan ahayn maareeyeyaasha lasoo magacaabay ee garoomada oo ay sheegtay in iyagu gudan doonaan waajibaadkooda. Sidoo kale waxaa la faray guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka iyo laamaha amniga in iyaguna ay wada shaqeyn dhow la yeeshaan maareeyeyaasha wasaaradda u idmatay in ay maamulaan shaqada garoomada diyaaradaha maamulka Jubbaland. Arrintan ayaa u muuqata mid ay Jubbaland ku xadideyso dhaq-dhaqaaqa garoomadeeda, si ay hortegto in dowladda federaalka ay adeegsato, maadaama ay haatan kala dhexeyso xiisad xoogan oo a dhalatay dib u doorashadii madaxweyne Axmed Madoobe. Tallaabadan ayaa sidoo kale loo arkaa mid culus oo ay Jubbaland isugu dayeyso inay iyadu maamulato hawadeeda iyo garoomadeeda, laakiin dalka oo dhan waxaa hadda hawada gacanta ku haysa dowlada federaalka oo horay ula wareegtay, kadib dadaallo ay sameysay.
  5. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka la-tashiga Bahda Garsoorka ee ku saabsan dib u eegista iyo wax ka badalka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah. Shirka ayaa ah mid muhiimad gaar ah leh oo diiradda lagu saarayo sidii loo horumarin lahaa dastuurka, loona waafajin lahaa baahiyaha iyo duruufaha bulshada Soomaaliyeed ee hadda jira. Shirkan waxaa lagu marti qaaday bahda garsoorka oo ay ku jiraan, Garsoorayaasha heerar kala duwan, Sharciyaqaanno iyo khubaro ka tirsan hay’adaha sharciga iyo Wakiillo ka socda bulshada rayidka ah. Ujeeddada ugu weyn ayaa ah in la xaqiijiyo in wax ka bedelka dastuurka uu ka tarjumayo mabda’a caddaaladda, iyo sinnaanta, si loo dhiso nidaam sharci oo awood u leh inuu ka jawaabo baahiyaha bulshada Soomaaliyeed. Wax ka bedelka iyo dib-u-habeynta ayaa loogu talagalay in lagu hagaajiyo howlaha garsoorka, isla markaana lagu xoojiyo kalsoonida shacabka ee nidaamka caddaaladda. Shirkan waxa uu fursad siinayaa bahda garsoorka iyo daneeyayaasha kale inay si furan u falanqeeyaan, una soo jeediyaan talooyin wax ku ool ah oo lagu hagaajinayo dastuurka, taas oo horseedaysa nidaam sharci oo ka jawaabaya caqabadaha jira. Guddoomiyaha ayaa ku boorriyay ka qaybgalayaasha inay si daacad ah u darsaan qodobada dastuurka, talooyinkoodana ugu biiriyaan si wax ku ool ah, iyagoo tixgelinaya xaqiijinta xuquuqda dadka iyo habsami u socodka nidaamka garsoorka dalka. Source: goobjoog.com
  6. Baydhaba (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo culus oo lagu xoojinayo ammaanka magaalada Baydhaba, si looga hortego weerarada ay mararka qaar Al-Shabaab la beegsadaan garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud, xeendaabka Madaxtooyada iyo saldhigyada ciidamada ee magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in haatan Koonfur Galbeed ay heegan buuxa gelisay ciidamadeeda oo lagu arkayo gudaha iyo bannaanka magaalada, iyaga ka wada dhaq-dhaqaaq xoogan. Ciidamadan ayaa si gaar ah uga hortagaya weerarada hoobiyeyaasha loo adeegsado ee ay Al-Shabaab ku qaadaan gudaha magaalada Baydhaba oo xarun KMG u ah Koonfur Galbeed. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in la xoojiyay ciidamadii ku sugnaa gudaha magaalada, waxaana lagu kordhiyay kuwa kale oo baro cusub ka sameystay Baydhaba iyo agagaarkeeda. Taliyaha ciidanka Daraawiishta Koofur Galbeed Gaashaanle Sare, Isaaq Cali Isaaq (Maadey) oo ay wehliyaan taliyaha Booliiska iyo saraakiil kale ayaa tagay qaar kamid ah saldhigyada cusub ee ciidankaas, iyaga oo u kuurgalaya howlgallada lagu sugayo amniga magaaladaasi, waxayna ciidamada ku dhiirageliyeen inay ka feejignaadaan weerarada kooxda Al-Shabaab. Ujeeda ugu wayn ayaa ah in ciidamada ay isha ku hayaan amniga magaaladaan oo mar dhow martigelin doonto doorashada maamulka, walow uu ka taagan yahay muran xoogan. Baydhaba ayaa kamid ah magaalooyinka go’doonka ay geliyeen Al-Shabaab oo inta badan gacanta ku haya deegaannada u dhow magaaladaasi, taas oo dhibaato ku ah dhaq-dhaqaaq magaaladaasi, siiba ganacsiga iyo isku socodka guud ee dadka iyo gaadiidka.
  7. Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in isaga, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay ka wada hadli doonaan, si loo yareeyo xiisadda ka jirta Geeska Afrika. “Madaxweyne Museveni, aniga, Walaalkeey Xassan Shiikh, iyo Ra’iisulwasaare Abiy, waxa aan qorsheyneynaa in aan kulan yeelanno, si aan sidoo kale ugu yareyno xiisadda hadda ka taagan Geeska Afrika,” ayuu Madaxweyne Ruto yiri isagoo ka hadlayay Shir Madaxeedka EAC ee ka socda magaalada Arusha ee dalka Tanzania. “Maxaa yeelay, nabadda Soomaaliya, xasilloonida Soomaaliya waxa ay si mug leh qeyb uga tahay xasilloonida gobolkeenna,” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Ruto, waxaana uu noqonayaa shirkii ugu horreeyey ee si toos ah oo u dhexmara madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya tan iyo markii Addis Ababa ay Somaliland la saxiixatay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee muranka dhaliyay. Kani ayaa noqonaya isku-daygii u danbeeyay ee lagu doonayo in lagu dhammeeyo xiisadda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee 1-dii Jannaayo Addis Ababa ay ku gaareen Itoobiya iyo Somaliland, kaasi oo udub-dhexaad u ah xiisada ka taagan gobolka Geeska Afrika. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ruto oo sheegay in la Kulan siinayo Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed appeared first on Puntland Post.
  8. Faysal Sheikh Ali Jifa-jabsade, accused the Federal Government of Somalia of fuelling inter-clan conflicts in Mudug. Gaalkacyo (PP News Desk) — The Puntland-appointed Governor of the Mudug Faysal Sheikh Ali Jifa-jabsade, yesterday accused the Somali government of fuelling inter-clan conflicts in the region whose administrative capital district is separately controlled by Puntland State and Galmudug State. The Governor claimed that both the Federal Government of Somalia and terrorist groups are implicated in sowing discord among clans in the region. He alleged that both entities “instigate clan-based conflicts and divisions along clan lines.” He further accused the Federal Government of Somalia of establishing clan borders in the Mudug region and inciting clans through fabricated territorial disputes, exacerbating the ongoing clan wars. “There are many entities working to create problems. They urge people to claim territory or [district] borders that do not exist,” said Faysal Sheikh Ali Jifa-jabsade. The 1993 Mudug Agreement serves as the foundation for inter-clan co-existence in Mudug. The Federal Government of Somalia has allegedly instructed its forces and allied Macawisley paramilitaries to claim areas under the jurisdiction of Puntland State. “This policy creates additional security pressure on Puntland and is exploited by Al-Shabaab, whose forces continue to operate in parts of Galmudug State” said a security official in North Gaalkacyo. © Puntland Post, 2024 The post Mudug Governor Accuses the Somali Federal Government of “Fuelling Clan Conflicts” in the region appeared first on Puntland Post.
  9. Sawirkani waa mid hore Markab Kalluumeysi oo Todobaadkii tegey lagu qafaashay xeebaha Puntland ayaa mudda saddex cisho ah ku af-duuban degaan xeebeedka Jiifle oo ka tirsan degmada Godob-jiraan ee gobolka Nugaal. Markabkani oo laga lee yahay waddanka China, balse ku gooshayay calanka jasiiradda Taiwan ayaa sida la xaqiijinayo Arbacadii laga qafaashay xeebaha degmada Xaafuun oo ka tirsan gobolka Bari, islamarkaana dhacda badweynta Hindiya. Wararka ayaa sheegaya in markabkani ay af-duubteen ilaaladii loo xilsaaray in ay amnigiisa sugaan, kadibna ay dhinaca degmada Eyl ee gobolka Nugaal kaga biireen rag hubaysan, si ay u xoojiyaan kooxdii qafaashay oo hadda ku haysta degaan xeebeedka Jiifle. Markabka oo ay wakiil ka yihiin ganacsade Maxamuud Shiddo iyo Senetar Daahir Ayaanle ayaa waxa uu shati kalluumeysi ka haystaan xukuumadda Puntland sida ay tilmaamayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Isku dayo kala duwan oo lagu raadinayay in wada-hadal lagu qanciyo kooxaha markabkani haysta ayaan weli guulaysan, waxaase ilaa iyo hadda socda dadaallo ku aaddan in la sii wado waan-waanta bilaabatay. PUNTLAND POST The post Markab kalluumeysi oo mudda saddex cisho ah lagu haysto xeebaha Puntland appeared first on Puntland Post.
  10. Wafdiga uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Mudane Axmed Siciid Maxamed oo safar shaqo ku jooga dalka Jarmalka isla markaana ay wehlinayaan Safiirka iyo Safiir kuxigeenka JFS ee dalkaas ayaa kulan gaar ah kula qaatay xafiiskiisa taliyaha ugu sarreeya booliiska federaalka ee dalka Jarmalka. Labada masuul ayaa ka wada-hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira wadashaqaynta labada dal ee dhinacyadda socdaalka gaar ahaan iskaaashiga ku dhisan khibrad wadaagga iyo dhismaha aqoonta saraakiisha ka shaqaysa Socdaalka. Dowladda Jarmalka oo xiriir qoto dheer ah la leh dalkeenna ayaa horumar ka gaartay adeegsiga teknoolijiyadda casriga ah taas oo qayb wayn ka qaadatay horumarinta socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha, waxaana Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ka faa’iidaysanaysaa khibradda iyo waayo aragnimada dalkaas u leeyahay dhanka horumarinta adeegga Socdaalka. Source: goobjoog.com
  11. Mogadishu (HOL) — At least six people were killed and ten others injured on Friday afternoon in renewed inter-clan fighting along the volatile border of Somalia’s Hiiraan and Middle Shabelle regions. Source: Hiiraan Online
  12. Kaddib weerar lama filaan ah oo ay xoogagga mucaaridka Suuriya Jimcihi shalay ku qaadeen magaalada ugu weyn Suuriya ee Xaleb marki ugu horreysay tan iyo sannadki 2016-ki, ayay wararku sheegayaan in ay fallaagadu qabsatay qeyo ka mid ah magaalada. Sida ay sheegeen kooxaha kor kala socda colaadda Suuriya iyo dagaalyahannada qaar, kumannaan ka mid ah maleeshiyaadka mucaaridka oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hub culus ayaa dagaal culus uu ku dhex maray Xalab, kaddib marki ay cagta soo mariyeen oo ay soo qabsadeen deegaannada u dhaw Xaleb, kuwaas oo ay gacanta ku heysay dowladda Bashar Al Asad. Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Rueters, dowladda Suuriya ayaa xirtay garoonka diyaaradaha ee Xaleb iyo waddooyinka waaweyn ee magaalada gala. Kooxda weerarka qaadday ee Taxriir Al Shama ee aad uga soo horjeeda maamulka Bishar Al Asad, ayaa sheegtay in ay qabsadeen ilaa bartamaha Xalab. Waa marki ugu horreysay ku dhawaad muddo 10 sano ah oo uu dagaal ka dhacayo magaalada Xalab, tan iyo marki ay ciidamada Dowladda Suuriya oo garab ka helaya Ruushka iyo Iran ay kooxaha mucaaradka ka qabsadeen sannadki 2016-ki. Dagaalkan ayaa lagu tilmaamay mid uga sii darayo xaaladda gobolka Bariga Dhexe oo tan iyo sannadki hore ay dagaallo culys oo aad loogu hoobtay ay ka dhacayeen. Sida ay sheegayaan ilo wareedyada, mucaaridka ayaa taageero ka helaya dowladda Turkiga, halka dowladda Suuriya ay taageero buuxdo ka heysato dowladda Ruushka. Source
  13. Xilli laga rajo qabo in dib loo billaabo wadahadallada xabbad joojinta Gaza, ayay saraakiisha caafimaadka Marinka Gaze sheegeen in ciidamada Isra’il ay 24-ki saacadood ee lasoo dhaafay duqeymo cirka ah ku dileen ugu yaraan 40 qof. Saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in meydada ilaa 19 qof laga helay xerada qaxootiga Nuseyraat ee waqooyiga Gaza. Goor danbe oo xalay aheyd ayay wararku sheegayaan in ugu yaraan 10 qof lagu dilay duqeyn lagu bartilmaameedsaday guri ku yaalla deegaanka Beyt Laaxiya ee waqooyiga Gaza. Meelaha kale ee ay dadka lagu dilay ayaa lagu sheegay xaafado ka tirsan koofurta iyo waqooyiga Marinka Gaza. Ciidanka Isra’il oo wata taangiyo ayaa Khamiistii gudaha u galay Nuseyraat, waxana ay dib uga baxeen Jimcihi hslay, hashe yeeshee wali howgallo duqeymo iyo madaafiic ka wada dhanka koofureed. Dhanka Daanta Galbeed ee ay Isra’il heysato, madaxweynaha maamulsha Falastin, Maxmuud Cabaas ayaa ku baaqay xabbad joojin deg deg ah isla markaana ku eedeeyay Isra’il in gaajada ay u adeegsanyso sida risaasta oo kale kaddib marki lasoo sheegay in dad badan oo ku go’doonsan waqooyiga Gaza ay macluul ku billaabatay. Sabtida maanta ah ayaa la filayaa in wafdi ka socda Xamaas ay Qahira tagaan, si halkaasi looga billaabo wadahadallada lagu raadinayo xabad joojinta Xamas iyo Isra’il. Source
  14. Dacwad oogaha maxkamada ICC ayaa dalbanaya in la soo xidho taliyaha ciidamada militariga Myanmar sababo la xidhiidha xasuuqa Muslimiinta Rohingya Dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa ku dhawaaqay in xafiiskiisu uu dalbanayo in la soo xidho taliyaha ciidamada Miyanmaar ee sababo la xidhiidha masaafurinta iyo xasuuqa Muslimiinta Rohingya. “Baadhitaan ballaaran, madax-bannaan iyo dhexdhexaadnimo ka dib, Xafiiskaygu wuxuu soo gabagabeeyey in ay jiraan sababo macquul ah oo lagu aamino in Sarreeye Guud ahna Ku-simaha Madaxweynaha Min Aung Hlaing, Taliyaha Guud ee Adeegyada Difaaca Myanmar, uu leeyahay mas’uuliyadda dembiyada ka dhanka ah bani’aadamnimada. masaafurinta iyo dhibaataynta muslimiinta Rohingya ee Myanmar,” ayuu Karim Khan ku yidhi hadal uu soo saaray. Sida uu sheegay dacwad oogaha, dambiyadan ayaa dhacay intii u dhaxaysay Agoosto 25, 2017 iyo Dec. 31, 2017, waxaana geystay ciidamada qalabka sida ee Myanmar, oo ay taageerayaan booliska qaranka, booliska ilaalada xuduudaha iyo sidoo kale dad rayid ah. Isagoo xusay inay tahay codsigii ugu horreeyay ee amar qabasho oo ka dhan ah sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Myanmar oo xafiiska dacwad oogaha uu soo saaro. Khan waxa uu carabka ku adkeeyay in codsigu ku qeexay cadaymo badan oo kala duwan oo laga helay ilo badan sida markhaatiyo, caddaymo dokumenti ah iyo agab saynis, sawiro iyo muuqaalo la xaqiijiyay. “Waxaan si gaar ah u doonayaa inaan u muujiyo mahadnaq qoto dheer oo aan u hayo shacabka Rohingya. In ka badan hal milyan oo ka tirsan bulshadooda ayaa lagu qasbay inay ka cararaan rabshadaha Myanmar. Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan dadka markhaatifurka iyo taageerada u fidiyay Xafiiskayga, kuwa nala wadaagay sheekadooda, kuwa na siiyay macluumaadka iyo agabka, “ayuu yidhi. Source
  15. Cilmibaarayaasha waxay sheegeen in ay heleen markii ugu horeysay 50 sano daawo cusub oo wax looga qabanayo cudurka neefta. Daawadan oo ah mid laysku duro waxa ay yareyneysaa qeyb ka mid ah difaaca jirka, waxayna ka dhigeysaa in uusan si weyn wax u difaacin marka ay soo baxaan astaamaha neefta iyo cudurada kale ee sambabka. Daawadan oo lagu magacaabo Benralizumab waxaa hore loogu isticmaali jiray kiisaska aadka u weyn balse cilmibaaristii u dambeysay ayaa muujineysa in si joogto ah ay u isticmaali karaan ku dhawaad 2 milyan oo ku nool UK kuwaas oo sanad kasta ay neef ku soo boodo. Kooxda cilmibaaristan sameysay oo ka tirsan Jaamacadda King’s College waxay sheegeen in daawada ay tahay mid isbeddel weyn keeneysa oo wax weyn ka qabaneysa daryeelka. Dhammaan cudurrada sambabada iyo neefta isku mid mahan. Qeybaha kala duwan ee difaaca jirka bani’aadanka isku si uma shaqeeyaan, bukaanadana ma aha kuwo isku mid ah. “Hadda waxaan aragnaa in ay jiraan qaabab kala duwan oo caabuq ah, waxaan noqon karnaa kuwo fahma oo u hela bukaanka dawada saxda iyo waqtiga saxda ah”, ayey tiri Prof. Mona Bafadhel oo ka tirsan jaamacadda King’s college. Daawada Benralizumab waxay toos u beegsataa nooc ka mid ah unugyada dhiigga oo loo yaqaan iyo-sinifoow (eosinophil) oo keena caabuqa iyo in sambabka dhaawac gaaro. Iyasinifoow waxay ku lug leedahay qiyaastii kala bar cudurrada neefta iyo saddex meelood cudurada sambabka. Hadii arrintaas ay keento neefta oo qofka dhibta, xiiqsanaan, qufac iyo laabta oo laga qabto bukaanka, markaas waxba loogama qaban karo daawada caadiga ee sanka laga qaato oo la jiido. Hadda dhakhaatiirta, waxay dadka u qoraan daawada steroids. Cilmibaarista waxaa ka qeyb qaatay 158 qof, waxaana bukaanadaas xaaladooda lala socday ilaa 3 bilood. Natiijada soo baxday waxaa lagu daabacay wargeyska Lancet. Waxay ahayd dad gaaraya 74% oo qaata dawada steroids iyo 45% oo la siiyay daawada cusub. Kuwa qaatay daawada cusub in yar ayaa isbitaal u baahatay iyo daawo kale ama geeriyooday. Prof Bafadhel waxay sheegtay in tani ka faa’ideysan karaan tiro badan oo gaareysa ilaa labo milyan oo cudurka neefta uu ku soo boodo sanadkii, waxay tiri “ma aha tiro yar taas”. “Isbeddelkan weyn ee daaweynta waa mid aan na soo marin 50 sano, waxay wax ka baddeleysaa sida aan dadka u daaweyno marka ay xanuunsanayaan”, ayey tiri Prof Bafadhel. Dadka sida mutadawacnimada leh uga qeybqaatay cilmibaarista, caafimaadkoodu wuu fiicnaaday, waxayna heleen nolol wanagsan. Xigashada Sawirka,Alison Spooner Qoraalka sawirka,Alison Spooner Alison Spooner oo 55 jir ah kuna nool Oxfordshire UK, waxay qeyb ka aheyd daaweynta tijaabada. Cudurka neefta ayey qabtay ilaa iyo markii ay dhalatay balse way ka sii dartay shanti sano ee la soo dhaafay. Saddex jeer ayey si xun neefta u qabatay. Waxay u muuqatay in ay ka sii dareyso, in aad neefsan weyso waa wax cabsi ah marka aad neef u baahato oo aadan neefsan karin”, ayey tiri Alison. Alison waxay sidoo kale sheegtay in ay isbeddel weyn dareentay markii ay isku durtay dawadan. Weli way isticmaashaa daawada ay neef ahaan u jiiddo, sababtana waxay ku sheegtay in loo sheegay oo kaliya. “Nasiibdarro, ma jirto daawo kaa wada joojin karta xanuunka neefta, balse tani waa tii ugu dhaweyd,” ayey tiri Alison. ‘Rajo Fiican’ Daawada Benralizumab ma ahan mid meel kasta hadda laga heli karo. Tijaabo weyn ayaa loo baahan yahay. Qof kasta oo hore loo siiyay waa in uu si wataa. Cilmibaarista waxay sidoo kale qiimeyneysaa lacagta ku baxeysaa maadaama daawooyinka ceynkaan ah ay qaali yihiin. Dr Sanjay Ramakrishnan oo ka tirsan jaamacadda Oxford waxa uu sheegay shaqada la qabtay ilaa hadda in ay muujineyso rajo fiican. Xigashada Sawirka,Geoffrey Pointing Qoraalka sawirka,Geoffrey Pointing In muddo dheer la isticmaalo waxay leedahay dhibaatooyin ay ka mid yihiin cayil, macaan iyo lafaha oo qofka jilca. Geoffrey Pointing oo 77 jir ah, kana soo jeeda Oxfordshire UK, oo sidoo kale ka qeybgalay tijaabadan ayaa sheegay in aysan ku yeelan saameyn xun qaadashada kaniinyada steroids-ka. “Si fiican uma hurdikarin markii ugu horeysay aan qaatay steroids-ka balse markii ugu horeysay cilmibaaristan, isla habeenkaas waa hurday, nolosheyda waxaan u qabsaday wixii markaas ka dambeeyay si dhib la’aan ah”. Waxaa lagu qiyaasaa in maalin kasta UK ay cudurka neefta u dhintaan 4 qof iyo 85 qof oo qaba cudurada sambabka. Dr Samantha Walker oo ka tirsan hay’adda Asthma + Lung UK waxay sheegtay in natiijada ay tahay war aad u fiican. Bbcsomali Qaran News
  16. Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Shiikh Cali Jifa-jabsade ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay qeyb ka tahay hurinta colaad beeleedyada ka socda gobolka Mudug. Guddoomiye Faysal Shiikh Cali ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada ah ay ka siman yihiin isku dirka beelaha gobolka Mudug iyo in ay kiciyaan colaad qabiil ku dhisan sida uu hadalka u dhigay. Dowladda uu hoggaamiyo Xasan Shiikh Maxamuud ayuu ku eedeeyay in ay gobolka Mudug ka samaysay xuduudo qabiil islamarkaana beelaha ku kicinayso xuduud beeleed aan jirin si ay qeyb uga noqoto dagaallada qabiilka ee ka socda Mudug. “Ama dowladda Federaalka ha ahaato ama kooxaha argagixisada ah ha ahaato ee kuwa badan oo mushkilad ka shaqaynaya ayaa jira. Xuduudo iyo dhulbaan lee nahay iyo fulaan baa dadka lagu kicinayaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Shiikh Cali Jifa-jabsade. Puntland ayaa marar kala duwan dowladda madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ku eedaysay in ay xambaarsan tahay aragti qabiil iyo xuduudo la kala sheegto taasi oo soo celcelisa dagaal beeleedyada gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Puntland oo dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay hurinta colaadaha qabiilka ee gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  17. Sanadkii 1991 waxaa burburtay dowladdii dhexe ee dalka, waxaana billowday dagaallo sokeeye oo dhiig badani ku daatay, kuwaas galaaftay nolosha kumaan qof oo Soomaali ah, iyo qaxa malaayiin kale. Colaado aan horay loo arag ayaa dalka gees walba ka qarxay, gobol kastaahina wuxuu noqday furin iskeed u madax-bannaan oo si maalinle ah laysku dilo, ayadoo waxa laysku haysto aan cidina si quman u qeexi karin. Dhalashada qofka iyo reerka uu ka soo jeedo ayaa noqday faldembiyeed uu dil toogasho ah ugu xukumanyahay, taas oo keentay in dad badan oo aan wax galabsan si aan kala sooc lahayn loo beegsado. Dhaca bareerka ah iyo isbaarooyinka ayaa kamid noqday xirfadaha mucaashka laga raadiyo, luuqadda keli ee lagu wada hadlaahina waxay noqatay qori caaraddiis iyo col abaabulan oo aan cidna u aaba-yeelin. 30 sano wixii la dhisayay ayaa maalmo kooban lagu burburiyay, dalkii mar ahaan jiray ilayska hormarka Afrikana wuxuu isku badelay kawaan dadka lagu gowraco iyo goob bahlo galeen oo cidda joogtaahina ay nolol iyo geeri u dhexayso. Goballadu saamaynta iyo waxyeellada colaadaha sokeeye uma sinayn oo kuwa koonfurta iyo bartamaha ayaa ugu darnaa, ayadoo meelaha qaar tuulo tuulo u gudubta la waayay, ka dib markii qoys qoys loo colloobay. Dagaalladaas lagu hoobtay oo illaa hadda xurguftoodii meelaha qaar ka jirto, ayaa keenay kala irdhow bulsho oo illaa haatan xal waara loo la’yahay, gocashadiisuna ay dadweynaha saamayn xoog ku leedahay. Si kastaba ha ahaatee 1991-dii ayaa Soomaalida ugu suntan maalin madow oo qaranimo qaxootinnimo badashay, masiibadii curatayna ay dad badan xabaalaha u dirtay, haybaddii dalka iyo hab-dhiskii dowladnimona meesha ka saartay. Soo hadal-qaadidda xilliga noocaas ah ayaa dad badan urugo iyo uurku taallo ku dareensiinaysa, balse siyaasiyiinta qaar ayay u tahay halku dheg ay kula dagaallamaan cid ay is hayaan, xilliyada xiisadaha siyaasadeed aloosanyihiin ayaana ku laabashada 1991-dii halbeegga doodda laga dhigtaa. Waaya-aragnimada iyo garaadka bulshada Soomaaliyeed ayaan’se oggolaan doonin inay dib u raacaan dhabbahaas halaq mareenka ah, maadaama ay dhibkiisa xog-ogaal u yihiin. Source: goobjoog.com
  18. Mogadishu (HOL) — Al-Shabaab militants have intensified their attacks against civilians in Mogadishu, targeting businesses and individuals complying with the Somali government's directive to install CCTV cameras. The mandate, part of a broader urban security initiative, has provoked a violent backlash from the extremist group, underscoring the fragile balance between security measures and civilian safety in Somalia's capital. Source: Hiiraan Online
  19. Arusha, Tanzania (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud participated in the 24th Ordinary Summit of East African Community (EAC) Heads of State in Arusha on Friday, marking the regional bloc's 25th anniversary. Source: Hiiraan Online
  20. (ERGO) – The closure of a free school providing education to more than 300 children from displaced families outside Galkayo has dealt a blow to families living in camps. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) — The World Food Program (WFP) has taken the extraordinary step of suspending all humanitarian operations in Somalia's SSC-Khaatumo region, citing escalating insecurity and looting of food aid intended for the region's most vulnerable populations. Source: Hiiraan Online
  22. Kenya's inflation (KECPI=ECI), opens new tab edged up to 2.8% year-on-year in November, from 2.7% a month earlier, the statistics office said on Friday. Source: Hiiraan Online
  23. A clinic initiative in Kenya aims to provide healthcare to vulnerable mobile populations, such as truck drivers and commercial sex workers. The goal is to combat the spread of disease across borders in Africa. Juma Majanga reports from transit town of Mlolongo in Kenya. Source: Hiiraan Online
  24. The Israeli military said its air force struck a facility used by Hezbollah to store mid-range rockets in southern Lebanon on Thursday, after both sides accused each other of breaching a ceasefire that aims to halt over a year of fighting. Source: Hiiraan Online