-
Content Count
211,055 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Moyarka degmadda Salaxlay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay dhamaan ama badiba golihii deegaanka ee Salaxlay ay dhamaan dhisayaan musharax Cabdiraxmaan Cirro taageersan yihiina isbedelka Moyarka oo arinkaas sharaxaya ayaa sheegay in ay qaateen taladii suldaanka guud ee beelaha Habar-Awal suldaan Xasan ee ahaa in dadka iyo dalkaba la mideeyo oo la walaaleeyo taasina ay ku jirto is bedelka. Waxa kale oo uu sheegay in ay ku soo biireen in ay la fikrad noqdaan golayaasha deegaanka ee dalka sida Gabiilay,Burco,Boorama. Waxa soo badanaaya dadka iyo madaxda ka soo goisanaaya xukuumadda Muuse Biixi iyo xisbiga Kulmiye kuwaasi oo ku soo biiraaya isbedelka uu xisbiga Waddani uu waddo Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kadib safar uu shalay ku tagay dalka Kenya. Safarka Axmed Madoobe oo qaatay hal maalin ayaa yimid kadib markii maalmo ka hor uu madaxweyne Xasan Sheekh uu safar ku tagay Kenya uu ka codsaday madaxweyne William Ruto inuu dhex-dhexaadiyo isaga iyo madaxweynaha Jubbaland. Xasan ayaa Ruto la wadaagay doonistiisa inuu Axmed Madoobe dib ugu soo laabto shirka golaha wadatashiga qaran oo todobaadyo ka hor uu isaga baxay, sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo xilkas ah. Axmed Madoobe ayaa shalay magaalada Eldoret kula kulmay madaxweynaha Kenya William Ruto, waxaana la isla soo qaaday sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka jira arrimaha shirka, iyadoo dowladda Kenya ay madaxweynaha Jubbaland ka codsatay inuu ku laabto shirka madasha, kana soo dabco qodobada uu ku dhegan yahay. Sida ay sheegayaan illo wareedyada ka agdhawa shirkan, Axmed Madoobe ayaa ku adkeystay in loo dhaafo doorashadiisa, oo uu qabsado doorasho lamid kuwii uu horey ugu soo baxay. Axmed ayaa ku dooday in dastuurka Jubbaland aan la dhaafi karin islamarkaana uu sida uu qabo ay muhiim tahay in la qabto doorashada heerarka kala duwan ee baarlamaanka iyo madaxtooyada, sidaas darteedna uuna ogolaan karin muddo kordhin hor leh oo loo sameeyo hay’addaha dowladda. Sidoo kale waxa uu miiska soo saaray haddii doorasho qof iyo cod ah la qabanayo ay noqoto mid loo dhan yahay oo ay ka soo qeyb galaan doodeeda dhammaan dhinacyada maqan sida Puntland Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxa kale oo ku dhagay in guddiyada doorashooyinka ay noqdaan labo heer mid heer federaal ah iyo mid heer dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya. Tan ayaa sii adkeynaysa in Axmed Madoobe uu kusoo laabto shirka golaha wadatashiga qaran oo loo balansan yahay maanta inay iskugu soo laabtaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada, kadib maalmo ay madaxda ku maqnaayeen wadatashiyo. The post Xog: Axmed Madoobe oo shuruudo adag hordhigay Ruto si ugu laabto shirka Xasan appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Puntland ayaa si kulul u cambaaraysay, islamarkaana nasiib darro ku tilmaantay khariirad ay adeegsatay dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo muran gelisay gobollo iyo degmooyin ka tirsan Puntland. Warsaxaafadeed Rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayay ku cambaaraysay khariiraddaasi muranka gelisay degaannada ka tirsan gobollada iyo degmooyinka Puntland “Arrintaan waxay kaloo horudhac u tahay khilaafaadka ka imaan kara sahaminta iyo soo saarista khayraadka Dalka ee aan heshiiska lagu ahayn ee sida shaqsiga iyo qarsoodiga ah loo siiyey shirkaddo iyo Waddamo aan Marin hannaanka sharciga ah” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka. “Xuduudayntaan cusub waxay muujinaysaa in lagu carqaladeynayo Midnimada, Wadajirka, Xasiloonida iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Gobolada Puntland” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka ka aoo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale uga digtay dowladda Federaalka Soomaaliya tilaabooyinkani keeni karaan xasilooni daro iyo dib u dhac ku yimaada midnimada, Wadajirka iyo Dowlad-dhiska Soomaaliya. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka Puntland PUNTLAND POST The post Puntland oo go’aan Rasmi ah ka qaatay Khariirad muran dhalisay oo ay adeegsatay dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) oo safar hal cisho ah ku tegey dalka Kenya ayaa saaka dib ugu laabtay magaalada Kismaayo. Safarka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa yimid maalmo kadib Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ku tegey Kenya uu ka codsaday Madaxweyne William Ruto in uu dhex dhexaadiyo isaga iyo Madaxweynaha Jubaland, si uu dib ugu soo laabto Shirkii Madasha Muqdisho. Madaxweynaha Jubaland ayaa shalay magaalada Eldoret kula kulmay Madaxweynaha Kenya William Ruto, oo ay ka wada-hadleen sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka jira arrimaha shirkii Madasha Muqdisho ee sababay in uu isaga baxo Axmed Madoobe. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay Madaxweynaha Jubbaland ka codsatay in uu ku laabto shirka madasha, kana soo dabco qodobada uu ku dhegan yahay, hase ahaatee Madaxweynaha Jubbaland ayaa mar kale ku adkeystay sadexda qodob oo ahayd doodda Jubbaland oo kala ah: In dastuurka Jubbaland aan la dhaafi karin isla Markaana uu sida uu qabo ay muhiim tahay in la qabto doorashada heerarka kala duwan ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyada, isla markaana aysan ogolaan karin muddo kordhin hor leh oo loo sameeyo hey’addaha dowladda. In haddii doorasho qof iyo cod ah la qabanayo ay noqoto mid loo dhan yahay oo ay ka soo qeyb galaan doodeeda dhammaan dhinacyada maqan oo ay u horrayso Puntland In guddiyada Doorashooyinka ay noqdaan labo heer mid heer Federaal ah iyo mid heer dowladdaha xubnaha ka ah DFS ah taasi oo ay aad u diidan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo mar kale Madaxweynaha Kenya ka diiday in uu ku laabto Shirkii Madasha Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Caro xoogan ayaa waxa ay ka dhalatay Maab ay shalay dowladda federaalka kusoo bandhigtay soo dhaweynta markabka Turkiga ee shidaalka ka baaraya Soomaaliya, kaas oo laga saaray magaca HirShabelle, balse lagu xusay labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, isla Maabkan ayaa sidoo kale lagu muujiyay in Mudug oo ay wada maamulaan Galmudug iyo Puntland uu yahay dhul lagu muransan yahay. Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xoogan, waxaana ka falceliyay dad kala duwan oo ay ku jiraan syaasiyiin caan ah oo Soomaaliyeed. Senator Muuse Suudi Yalaxow oo kasoo jeedo HirShabelle ayaa mar wax laga waydiiyay falka ay ku kacday dowladda dhexe ayaa ku jawaabay “Dowladda iyadaa ku daraysa Maabka HirShabelle laga saaray”. Sidoo kale wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan BFS Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo qoraal soo saaray ayaa nasiib darro ku tilmaamay tallaabadan oo ay si gaar ah ugu kacday wasaaradda Batroolka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. “Waxaa Nasiib darro ah in Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Xilligan faafiso Maabka Soomaaliya oo jiritaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle lagu inkirayo, kana dhigaya laba Gobol” ayuu yiri Maxamed Abuukar. Xildhibaanka ayaa sii raaciyay “Waxaan canbaareynayaa in xilligan ay Wasaaraddu adeegsato Khariirad la diyaariyay sanadkii 2011, taasoo abuureysa kala qeybin iyo xiisado siyaasadeed, dibna noogu celineysa xaalad laga soo gudbay 13 sano ka hor” Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka inay arrintan ka bixiso cudur daar, si loo saxo khaladka shalay dhacay ee ku aadan Maabka lasoo bandhigay. “Waxaan Wasaaradda Batroolka iyo Xukuumadda Federaalka ka dalbaneynaa inay cudurdaar ka bixiso xadgudubka ay kula kacday Hirshabeelle iyo Dowlad Goboleedyada kale” ayuu yiri mar kale yiri wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya. The post Caro xooggan oo ka dhalatay xad-gudub ay DF kula kacday HirShabelle appeared first on Caasimada Online.
-
Xasan Shahar oo iska casilay xisbiga sii dumaaya ee Kulmiye
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
AQNigz1XGW_xmIiDaPoeUT108RfUSlsbwVvQgGky4TASGTW5kCPWGSAB8CMk7tdpEbKxTslQIhg9-bJWc8QteXf3 Qaran News -
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 55-aad ee golaha wakiilada Puntland ayaa dab kusii shiday xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka, gaar ahaan khilaafka u dhexeeyo dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe. Saciid Deni ayaa taageero wayn u muujiyay Axmed Madoobe, wuxuuna shaaca ka qaaday in Puntland ay garab iyo gaashaan u noqoneyso dowlad goboleedka Jubbaland oo haatan ay is hayaan dowladda dhexe. “Waxaan rabaa inaan halkaan ka caddeeyo inaan garab iyo gaashaan u nahay Jubbaland oo goosatay inay doorashadeeda sida sharcigu iyo nidaamku yahay ku qabsato. Waxaan ku boorinaynaa guddiga doorashada Jubbaland inay qabtaan doorashada Jubbaland,” ayuu yiri madaxweyne Deni. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka iyo doodda ka taagan wax ka beddelka dastuurka, isaga oo tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan awood dastuuriya u lahayn inay faragaliso doorashooyinka ka dhacaya maamul goboleedyada. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale dood ka keenay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna hoosta ka xariiqa in ujeedka uu yahay in maamullada taabacsan dowladda loo kordhiyo muddo sanad ah , si ay u xalaaleysato muddo kororsigeeda. Ugu dambey wuxuu carabka ku dhuftay in dalka uu wajahayo khatar, haddii Villa Soomaaliya aysan kusoo laaban xayndaabka sharci, sidoo kale wuxuu ugu baaqay labada aqal ee baarlamaanka in ka doodaan xaaladda uu marayo dalka. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo la filayo in mar kale dib loo sii amba qaado shirka golaha wadatashiga qaranka xilli ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland, kaas oo la filayo in laga soo saaro go’aanno xasaasi ah. The post Saciid DENI oo dab kusii shiday xisadda Jubbaland iyo DF – Muxuu sameeyay? appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax miino uu ka dhacay xaafadda Cali Geedi, halkaas oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay. Sida la soo warinayo, qaraxa ayaa lagu xiray gudaha maqaayad caan ah oo dadweynuhu ku cunteeyaan. Dadka goobta ku sugnaa ayaa xaqiijiyay in qaraxu uu dhacay xilli dad badan ay ku jireen gudaha maqaayadda, taasoo sababtay inay dad ku waxyeelloobaan. Inta la xaqiijiyay, afar qof ayaa ku dhimatay, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen qaraxa. Dhaawacyada qaarkood ayaa la sheegay inay culus yihiin, waxaana dhaawacyada loo qaaday isbitaallada magaalada si loogu daweeyo. Warbixinnada hordhaca ah ayaa tilmaamaya in miinada la geliyay gudaha maqaayadda, taas oo ah mid loo adeegsaday nooca qaraxyada meelaha fog laga hago (remote-controlled). Ciidamada ammaanka ayaa goobta soo gaaray iyagoo bilaabay baaritaan lagu ogaanayo ciddii ka dambeysay weerarkan, iyagoo sidoo kale su’aalo weydiinaya dadkii ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay. Source: goobjoog.com
-
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa sagootin rasmi ah u sameeyay saraakiil muddo sanad ah tababar layli sargaal ah ugu maqnaa dalka Masar. Saraakiishan oo dalka dib ugu soo laabtay si ay daraasado la xiriira waxbarashadooda u sameeyaan, ayaa hadda mar kale dib ugu laabanaya Masar si ay u sii wataan tababarkooda. Taliyaha ayaa kula dardaarmay in ay si hufan uga faa’iideystaan tababarka mudada u harsan. Wuxuu sidoo kale u rajeeyay in ay si guul leh ku dhammaystaan tababarkooda, si ay ugu adeegaan Qaranka Soomaaliyeed iyagoo xirfad iyo aqoon sare leh. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimasa Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa miino ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Cali Geeddi, waxaana lala beegsaday maqaayad ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo ku shaaxayay halkaasi. Ku dhowaad 5 qof ayaa ku dhintay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray goobta la qarxiyay oo ah maqaayad ay lahaayeen dad ganacsato ah. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray halka uu qaraxu ka dhacay, waxayna sameeyeen baaritaano dheeraad ah oo ku aadan qaraxaasi. Miinadan lala beegsaday maqaayadda ku taalla degmada Kaaraan ayaa kusoo aaday, xilli maalmahan dambe ay Muqdisho ka dhacayeen falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay ka dambeeyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Weerarkii ugu dambeeyay oo uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa waxaa dhowaan kooxda ay la beegsatay maqaayad ku taalla kasoo horjeedka Iskuul Buluusiyo ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen askar iyo dad kale oo shaca ah. The post Maqaayad ku taalla Muqdisho oo la qarxiyay + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay in ay Puntland garab iyo gaashaan u tahay Maamulka Jubaland. Madaxweyne Deni oo taageeray mowqifkii Madaxweyne Axmed Madoobe ka qaatay Shirkii Madasha Muqdisho ayaa si cad u sheegay in Puntland garab iyo gaashaan ugu tahay Jubaland in ay qabsato doorashadeeda. “Halkaan waxa aan ka caddaynayaa in aan garab iyo gaashaan u nahay Jubbaland in ay qabsato doorashadeeda xorna u tahay” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeedinayay furitaanka Kal-fadhiga Baarlamaanka. “Xasan Shiikh doorashadii uu noo diidanayaa ee qof iyo codka ayuu maamullada ku khasabayaa, Madasha Qaranku maaha meel danta Soomaaliyeed lagu hayo” ayuu sii raaciyay hadalkiisa isagoo xoojinaya mowqifkii Madaxweyne Axmed Madoobe ka qaatay Shirkaasi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni: Waxaan garab iyo gaashaan u nahay Jubaland in ay doorashadeeda qabsato appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay gobolka Mudug ka hurinayso colaad salka ku haysa muran dhuleed. Madaxweynaha Puntland Deni ayaa ka jawaabayay khariirad la sheegay in ay adeegsatay dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo waqooyiga gobolka Mudug ku calaamadisay degaanno lagu muransan yahay. Madaxweyne Siciid Deni ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay colaad ku dhisan muran dhuleed oo dhexmarta Puntland iyo Galmudug ay ka hurinayso gobolka Mudug, si ay halkaasi dagaallo uga riddo. “Gobolka Mudug laguma muransana uma dulqaadan karno waxa ay waddo Dowladda Federaalku, Galmudug iyo Puntland dagaal kama dhexeeyo, qaybtada Mudugna laguma muransana” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Hadalka Madaxweynaha Puntland oo uu ka jeediyay Kal-fadhiga 55aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa imaanaya xilli saaka baraha bulshada lagu faafiyay khariiraddaasi muujinaysa muran dhuleedka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay colaad ka hurinayso gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Iran ayaa sheegtay in duqeymaha ay Israa’iil la beegsatay saldhigyo milatari ay sababeen khasaare xaddidan ka dib markii Israa’iil ay sheegtay in ay soo gebangabaysay weerarkeeda, ayna ka digtay aargoosi kasta. Ciidamada Israa’iil ayaa weeraray goobo militari oo ku yaala Iran kadib 2-dii subaxnimo ee sabtida , iyaga oo sheegay inay ka jawaabayeen waxa ay ku tilmaameen weeraro bilo ah oo Iran iyo xulafadeeda ay ka wadeen gobolka. Si kastaba ha ahaatee lama oga baaxadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymahan ay Israa’iil ka fulisay seddax goobood oo ay ka mid tahay magaalo madaxda Tehran, mana jiraan ilo madax-bannaan oo xaqiiqo sugan ma dunida la wadaagay. Source: goobjoog.com
-
Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa ka digaya in daad gureynta caafimaad ee carruurta dhaawacyada halista iyo cudurrada qaba ee Gaza ay u muuqato in gabi ahaanba istaagtay, taasoo halis gelisay nolosha kumannaan qof oo carruur u badan. Bukaannadaan ayaa qaba xanuuno halis ah iyo dhaawacyo daran, mana awoodaan in ay Gaza ku helaan dawo iyo qalliino sababo la xiriira go’doominta Isra’il ee Marinka Gaza iyo dagaallada muddada sannadka ka badan halkaasi ka socda. Afhayeenka UNICEF, James Elder oo Jimcihi shalay wariyaasha kula hadlay magaalada Geneva ayaa sheegay, in daad-gureynta carruurta Gaza ay ka yartahay maalintiiba hal canug. Carruurta u baahan in si deg deg ah dibadda loogu qaado ayuu sheegay in ay ka badan yihiin 2,500 oo u baahan gargaar deg deg ah. Gaabiska aadka u yar ee daad-gureynta ayuu sheegay in haddii sidaasi uu ku sii socdo ay noqon doonto in daad-gureynta ilmahaasi ay qaadan doonto wax ka badna 7 sano. Wuxuu sheegay in sababtaasi darteed ay carruurta Gaza dhimanayaan. Carruurta ka badbaadday rasaasta, qaraxyada iyo madaafiicda ayuu sheegay in aysan ka bixi karin Gaza si ay u helaan daryeel caafimaad. Laanta Caafimaadka Adduunka ayaa ku warrantay in in ka badan 15,600 oo bukaan ay u baahanyihiin daadgureyn caafimaad oo deg deg ah gudaha Gaza. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobey oo ka digtay halis ay ku wajahan carruurta dhaawacan ee marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
-
WATCH: Inter Miami gets a win in Messi's MLS playoff opener
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
WATCH: Inter Miami gets a win in Messi's MLS playoff opener Source: Hiiraan Online -
Israa’iil ayaa sheegtay in ay aroornimadii hore ee Sabtida maanta ah weerar cirka ah ay ku qaadday saldhigyo millatari oo ay ku yaalla dalka Iran, weerarkaas oo ay sheegtay in ay kaga aargudaneyso duqeymihi cuslaa ee ay Iran ku garaacday Israa’iil horraanti bishan October. Weerarka ay Israa’iil saaka waabarigi ka hor ku qaadday Iran ayaa ka dhigan tallaabadi u danbeysay ee colaadda sii xumaneysa ee ka aloosan Bariga Dhexe, taas oo sababtay dhimashada tobnaan kun oo qof muddo ka badan sannad. Ma jiro war rasmi ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay Iran oo ku saabsan weerarkan, hase yeeshee, warbaahinta Iran ayaa ku warrantay in laba hir oo qaraxyo aad u waaweyn laga maqlay muddo ku siman laba saacadood gudaha caasimadda Tehran iyo hareeraheeda, gaar ahaan saldhigyada millatariga. Laba sarkaal oo Israa’iili ah oo qariyay magacyadooda ayaa wakaaladda wararka ee Rueters u xaqiijiyay in Isra’il aysan weerarin xarumaha Iran, balse ay bartilmaameedsatay saldhigyo millatari. Iran waxay xirtay marinnada hawada ee ku aaddan xaduudaheeda isla maanta oo Sabti ah. Duulimaadyada mari lahaa hawada Iran, Ciraq, Suuriya iyo Lubnan ayaa la weeciyay sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP. Saraakiil ka tirsan Dowladda Mareykanka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Rueters, in Isra’il ay ku wargelisay xukuumadda Washington weerarka ay ku qaadday Iran. Saraakiishan ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Mareykanka uusan ku lug laheyn weerarkaasi. Source
-
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo-gaadhay Muqdisho, ayada oo sidoo kale uu dekedda ku soo xidhay markabka Turkish-ka ee Oruç Reis ee shidaal sahminta ka sameynaya Soomaaliya. Waftiga Turkish-ka ayaa waxaa madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida lagu sheegay qoraal kooban oo Villa Somalia ay soo dhigtay facebook. Bayaanka ayaa intaas ku daray in waftiga ay ka qeyb-galayaan munaasabadda soo dhawaynta markabka Oruç Reis ee howlaha shidaal sahminta ah u yimid Soomaaliya. “Oruç Reis waxa uu gaadhay goobtii howlgalkiisa kadib safarkiisii qaaradaha,” Bayraktar ayaa sidaas ku yidhi qoraal uu soo dhigay barta X. “Imaatinka Baytaktar iyo wufuudda kale ee illaa shalay dalka soo gaarayay waxay caddeyn u yihiin sida ay dhacdada maanta loo taagan yahay u noqonayso daahfurka marxalad cusub oo horumar ku soo kordhinaysa xidhiidhka iskaashiga dhaqaale ee labada dal” ayuu yidhi Wasiirka Batroolka iyo Keyraadka Dabiiciga Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed. Markabka ayaa xeebta Istanbul ka soo dhaqaaqay 5-tii October kadib markii loo sameeyey xaflad sagootin ah, oo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin Soomaali iyo Turkish ah, oo uu ka mid yahay madaxweyne Reece Tayyip Erdogan. Howlgalka markabkan ayaa ka dambeeyey heshiis Iskaashi Difaaci iyo Dhaqaale oo ay kala saxiixdeen Ankara iyo Muqdisho. Markabka Oruc Reis ayaa sahmin doona aag dhan qiyaastii 5,000 km isku wareeg ah, sida ay sheegtay wasaaradda tamarta Turkey. “Waxaan saadaalineynaa in goobta uu ka shaqeyn doono Oruc Reis ay tahay gobol leh rajooyin shidaal,” ayuu wasiirka tamarta Alparslan Bayraktar ku yiri bayaan uu soo saaray 3-dii October. Waxa uu intaas ku daray in shirkadda Turkish Petroleum ay haysato shatiyada sahmin ee dhul-badeed loo qeybiyey saddex goobood oo ka kooban 15,000 oo km oo isku wareeg ah. Sahminta ayaa la filayaa inay socoto ilaa toddoba bilood. Source
-
Baraha bulshada ayaa waxaa ka dhashay caro ka dib markii wasiirka qoyska ee Soomaaliya Janaraal Bashiir Maxamed Jaamac uu barta X ku wadaagay sawiro isaga iyo nin kale oo ka mid ah ergada Soomaaliya u matalaysa shirka Qaramada Midoobay ee arrimaha haweenka. Fatxiya Cabsiye, oo ah qoraa Soomaaliyeed oo caan ah, una dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, ayaa BBC-da u sheegtay “Waa dhego-la’aan in dowladda Soomaaliya ay safka hore kaga jiraan rag, kuwaasoo matalaya shirka arrimaha haweenka.” Sarkaal sare oo ka tirsan shaqaalaha rayidka ah ayaa BBC-da u sheegay in labo haween ah ay sidoo kale ka mid ahaayeen wafdigii Soomaaliya ee afarta xubnood ka koobnaa ee ka qeyb galay munaasabada oo looga hadlayay arrimaha Haweenka, Nabadda iyo Amniga taas oo ka dhacaysay New York, balse sawirka uu wasiirka barta bulshada ku wadaagay kama aysan muuqan labada haween. Tirada guud ee ka soo qeyb-galayaasha munaasabadda waxay ahaayeen 197 ergo kuwaas oo ka kala socday 57 wadan balse ragga waxay ahaayeen 21 kaliya halka inta kalana ay dumar ahaayeen. Sawirka kooxda ee laga soo qaaday xaflada – oo la qabtay horaantii todobaadkan – ayaa dood ka dhaliyay baraha bulshada Soomaalida, iyadoo dad badan ay sheegeen in dowladdu aysan si dhab ah uga qaadan arrimaha haweenka. Sawirro dhowr ah oo laga soo qaaday shirka ayaa lagu soo bandhigay barta X oo horay loo oran jiray Twitter, mid ka mid ah ayaa muujinaya Janaraal Jaamac oo la socda la taliyihiisa, Xildhibaan iyo wasiir hore Cabdullaahi Goodax Barre; halka sawir kalena uu muujinayay hoolka kulanka oo uu fadhiyo nin kale, oo BBC-da loo sheegay in uu gacan yare ahaa. “Ma ahayn nin keliya oo wasiir ah oo goobta joogay – waxaa jiray rag badan oo wasiirro ah, oo matalayay waddamada sida Japan iyo Shiinaha,” Maxamed Bashiir, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda qoyska iyo horumarinta aadanaha ee Soomaaliya ayaa sidaasi u sheegay BBC-da. Labada hablood ee Soomaalida ah ayuu sheegay inay kala ahaayeen Iman Elman oo ah sarkaal caan ah oo ka tirsan ciidamada milateriga iyo Sacdiya Maxamed Nuur oo ka tirsan shaqaalaha rayidka ah ee wasaaradda. Xigashada Sawirka,Somalia’s Family Ministry / X Qoraalka sawirka,Xildhibaan iyo wasiir hore Cabdullaahi Goodax Barre iyo Wasiir Bashiir Dooddan baraha bulshada ayaa dib u soo celiyay dhaleeceynta go’aankii dowladda ee bishii Luulyo ee looga baddalay waasaaradda oo markii hore ahayd Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha oo loo beddelay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha. Waa markii Janaraal Jaamac oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo xilal ay ka mid yihiin hoggaanka sirdoonka iyo ciidanka Asluubta soo qabtay loo magacaabay xilka wasaaradda. “Ka saarida ereyga ‘haweenka’ ee magaca wasaaraddu waxay tirtiraysaa halganka iyo baahiyaha gaarka ah ee haweenka. Waxay soo koobaysaa arrimahooda marka loo eego ereyga ballaaran ee ‘qoyska’,” ayay tiri Fatxiya Cabsiye. Xuquuqda haweenka Soomaaliya ayaa sannado badan la eegayay. Haweenka Soomaaliyeed – oo soo maray dhibaatooyinka dagaalladii sokeeye ee daba dheeraaday iyo kacdoono Islaamiyiin ah – ayaa muddo dheer door muhiim ah ka ciyaaray nabad-dhisidda Soomaaliya, inta badana waxay geli jireen door hoggaamineed waxayna riixayeen ka qaybgalkooda siyaasadda. Iyadoo ay taasi jirto, ma jiraan haween badan oo ku jira mansabyo saameyn siyaasadeed leh. “Haweenku had iyo jeer waxay ahaayeen kuwa looga tira badan yahay hoggaanka, hadda waxay wasaaradihii u haray ay siiyeen ragga,” ayay tiri Fatxiya Cabsiye. Qaar ayaa difaacay dawladda, iyaga oo sheegay in aanay waxba u arag in nin khibrad u leh uu hoggaamiyo wasaaradda qoyska. Laakiin codadka kuwa ku baaqaya in si xooggan uga muuqdaan jagooyinka dowladda ayaa sii kordhaya – waxaana Janaraal Bashir uu sheegay in wasaaraddu ay ku dadaali doonto sidii haweenka door muhiim ah loo siin lahaa mustaqbalka. Bbcsomali Qaran News
-
Kal-fadhiga 55ad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah u furmo Saaka oo Sabti ah. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu Saaka si rasmi ah u furo Kal-fadhiga 55ad ee Baarlamaanka Puntland islamarkaana uu ka jeediyo Khudbaddiisa dastuuriga ah. Madaxweyne Siciid Deni ayaa Khudbaddiisa kaga hadli doona arrima ay kamid yihiin Khilaafka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland iyo sidoo kale guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee dalka. Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland ayaa xalay lagu wargeliyay in ay wakhti hore soo xaadiraan Xarunta Golaha Wakiilada ee uu ka furmayo Kal-fadhiga 55ad. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo saaka furaya Kal-fadhiga 55aad ee Baarlamaanka Puntland appeared first on Puntland Post.