-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta abaal-mariyay mid kamid ah saraakiisha ciidanka maamulkaasi oo dhowaan sheegay in uu diiday inuu hoggaamiyo afgembi ay dooneysay in dowladda federaalka kursiga kaga tuurto Axmed Madoobe. Sarkaalkan ayaa horey u sheegay in dowladda Soomaaliya ay lasoo xiriirtay, ayna usoo dirtay lacag gaareysa 90 kun oo dollar ah, si uu afgembiyo madaxweynihiisa balse uu sheegay inuu iska diiday qorshahaasi. Axmed ayaa maanta sarkaalkan oo lagu magacaabo Dhamme Cabdixakiin Xasan Cartan (Jabuuti) oo ah taliyaha aagga waqooyi ee Kismaayo u dalacsiiyay Darajada Gaashaanle, sida lagu sheegay digreeto ay maanta soo saartay madaxtooyada maamulka Jubbaland. Tallaabadan ayaa si weyn looga fal-celiyay, iyadoo dad badan ay su’aal ka keeneen dalacsiinta uu sameeyay Axmed Madoobe iyo inuu awood u leeyahay inuu derajooyin siiyo saraakiil ka tirsan ciidanka booliska. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay? Maxamed Muxiyadiin: “Inta hartay yaanan la kala dirin miyuu isleeyahay markaas buu bilaabay in uu darajo been ku sharxo. Xasan Keeyow oo kamid ah dadka ka fal-celiyay ayaa isna waxa uu yiri “Dowladda federaalka buuqeda ha iska wadato oo caadi ahaa?.” “Oday-gii wajiyadda badnaa maanta waji cusub ayuuba lasoo baxay,” ayuu yiri Cabdifataax Axmed Maxamuud. Shariif Axmed Nuur: “Mina-shiibiyo lee waaye waxaas derejo maaha waa wax aan Kismaayo dhaafsaneyn.” “Gaashaanle inaderka ku siyey oo aanad karti iyo waxqabad midna ku mutaysan xaggee wax kaaga goyn aan ka ahayn kii ku siiyey,” ayuu yiri Kaad Xasan Maxamed. Saabir Cali: “Xasan damac kama lahan Jubbaland ee umadda beenta ka daaya xarig aan shaqeynin ayaad bilad uga dhigeysaan miskinkaan.” Cabdishakuur Sheekh Aadan ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Intaas ma ahan in ku filan askarta Soomaaliyeed balse waa dhoolatus iska yar.” “Sharciyan madaxweyne maamul goboleed oo dhacay darajo ciidan ma bixin karaa?,” ayuu yiri Ugaas Saalaxow.
-
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa soo gabagabeeyay booqasho rasmi ah oo hal maalin qaadatay oo uu ku tagay dalka Itoobiya. Markii uu Macron gaaray dalka Itoobiya, waxaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Waxaa la sheegay in Ra’iisul Wasaare Abiy iyo Madaxweyne Macron ay ka wada hadleen iskaashiga labada dal iyo arrimaha gobolka. Labada hogaamiye ayaa shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Sabtidii shalay ku sheegay in Macron uu taageerayo dadaalka ay Itoobiya ugu jirto sidii ay dalalka dariska la ah uga heli lahayd marin badeed, iyada oo loo marayo wadahadal iyo shuruucda caalamiga ah. Macron ayaa bogaadiyay heshiiskii Ankara ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Soomaaliya, kaas oo ay horraantii bishaan kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy, uuna goobjoog ka ahaa Madaxweyne Erdogan. Xiisadda ka dhalatay heshiiskii is afgaradka ahaa ee u dhaxaysay Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa muran ka abuurtay gobolka Geeska Afrika. Erdogan ayaa heshiiska ku tilmaamay mid taariikhi ah, isagoo rajo ka muujiyay inuu noqon doono tallaabadii ugu horreysay ee nabad iyo iskaashi dhexmara labada dal. Booqashadiisa rasmiga ah ee Sabtidii, Macron wuxuu xusay inuu taageersan yahay dadaalka Itoobiya ee ku aaddan helista marin badeed, wuxuuna caddeeyay in dalkiisu uu gacan ka geysan doono. Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay si weyn uga wadahadleen dadaalka ay Itoobiya ugu jirto sidii loo heli lahaa marinka badda si nabad ah. Maxay ka dhigantahay in madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu taageero helitaanka Itoobiya ee marin badeed Dr Cabdiwali Maxamuud Gureey oo ka faalooda siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah ayaan wax ka waydiinay booqashada madaxweynaha faransiiska Macron iyo waxa ay ka dhigantahay. “Waxaa is badalay si guud xiriirka caalamiga ah iyo sida ay dalalku u danayn jireen Afrika, waana wajiga cusub ee Faransiiska uu rabo inuu ula macaamilo,” ayuu yiri Dr Gurey. Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday in Faransiiska iyo Jabuuti ay si gaar ah u wada xiriiraan oo dano badan ay ka midaysanyihiin. Waxa uu soo hadal qaaday bogaadinta madaxweyne Macron ee Itoobiya iyo in uu ku garab istaagayo helista marin badeed. “Faransiiska waxa uu kamid yahay dowladaha Itobiya u soo dhisayay ciidanka badda, taas ayaana keenaysa inay ku taageerto helista marin biyood, waxbadan ayayna wadaagaan labadaas dal,” ayuu yiri Dr Cabdiwali Maxamuud Gureey. Falaqeeyaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday in heshiiskii u danbeeyay ee Itoobiya iyo Soomaaliya ee dhanka muranka badda uu wali sugayo in la horkeeno labada aqal ee baarlamaanka. Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo dowladda Faransiiska taageerada ay ka geysaneyso dib u habeynta xarunta qaranka iyo dayactirkeeda. Dhankiisa, Macron waxa uu farriin ku qoran afka Amxaariga ku daabacay boggiisa X waxa uuna sheegay in “Xiriirka labada dal uu yahay mid ku salaysan taariikh iyo mashaariic ay wadaagaan. Macron waxa uu intaa ku daray in dalkiisa, France, ka qayb qaadan doono “si loo taageero casriyaynta dib u habaynta dhaqaalaha Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Pretoria, kaas oo saldhig u ah nabadda iyo xasilloonida Tigrayga. Macron waxa uu sheegay in Faransiiska ay ka go’an tahay taageerada muwaadiniinta ay saameeyeen colaadaha Itoobiya. Dhanka kale waxa uu muujiyay taageerada uu u hayo qaab dhismeedka dib u habaynta dhaqaalaha Itoobiya oo uu tilmaamay in ay dhici karto in deyn lagu dhammeeyo “toddobaadyada soo socda,” sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. “Toddobaadyada soo socda, waxaan ka shaqeyn doonaa si aan u dhameystirno 3 bilyan oo deynta Euro ah,” ayuu yiri Macron, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Reuters. Qoraalka sawirka,Madaxweynaha Faransiiska ayaa soo gabagabeeyay safarkiisa Itoobiya Abiy iyo Macron waxay booqdeen Qasriga Qaranka ee dhawaan dib u habeyn lagu sameeyay. Qasriga qaranka oo lagu dhisay 25 milyan oo Yuuro oo ay bixisay hay’adda horumarinta ee dawladda Faransiiska, ayaa la filayaa in dhawaan loo furo dadweynaha. Nashqadeeyayaal Faransiis ah iyo xirfadlayaal kale ayaa ka qeyb galay dabaaldega, ayuu yiri Macron. Waa markii labaad ee Emmanuel Macron uu booqdo Itoobiya lixdii sano ee ugu dambeysay. Madaxweynaha Faransiiska oo isku maray dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa soo gabagabeeyay booqashadiisa rasmiga ah, wuxuuna dib ugu laabtay dalkiisa. Bbcsomali Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa goordhoweyd magacaabis iyo isku-shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu Daahir Shire Maxamed loogu magacaabay wasiirka batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya. Daahir Shire ayaa waxaa lagu beddelay Cabdirisaaq Cumar oo kamid ahaa xubnaha gacanta midig ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ahna ninkii haayay galka shidaal baarista. Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa isku beddalay wasiirradii wasaaradaha, qoyska iyo xuquuqul insaanka iyo deegaanka iyo isbeddelka cimilada. Marwo Khadiijo Al-maqsuumi, ayaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda qoyska iyo xaquuqul insaanka, halka Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) loo magacaabay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wuxuu wareegtadiisa ku magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda tamarta iyo biyaha Cismaan Axmed Macoow. Wareegtooyinkan ayaa waxaa si gaar ah hadal-heyn badan dhalisay xil ka qaadista wasiirka batroolka Cabdirisaaq Cumar oo kamid ahaa kaadiriinta xisbiga UPD, sidoo kalena ah madaxweynaha abtigiisa, waxaana durba arrintan loo qaatay in madaxweynuhu uu tartiib tartiib u bixinayo saaxibadiisii dhiigga u shubay.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabis iyo isku-shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa wareegto uu soo saaray waxa Mudane Dahir Shire Maxamed, loogu magacaabay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha, ayaa isku beddalay Wasiirradii Wasaaradaha, Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada. Marwo Khadiijo Al-maqsuumi, ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka, halka Mudane Bashiir Maxamed Jaamac ( Bashiir Goobbe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada. Sidoo kale, waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu wareegtadiisa ku magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, Mudane Cismaan Axmed Macoow. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in colaadda ka taagan gobollada Sool iyo Saang uu ku wajahayo wada-hadal, uuna ku dadaalayo in xasarada lagu dhameeyo wada-hadal. Madaxweyne Cirro oo kulan amniga lagaga hadlayay shalay la yeeshay hoggaanka xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Kulmiye iyo Kaah ayaa sidoo kale wuxuu gogol nabadeed oo bilaa shuruud ah ugu baaqay cid kasta oo ku lug leh colaadaha ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag, si loo gaaro xal ku dhisan is afgarad. “Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Xukuumadiisu aanay ahayn mid dadkeeda kula jirta dagaal, balse ay tahay waajib Dastuuriya in dalka laga difaaco cadow kasta oo isu soo bahaysta, ciidamada qarankuna ay amar buuxa ku qabaan in ay difaacaan dalka iyo dadkaba,” ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha Somaliland. Xuseen Deyr ayaa intaas kusii daray “Madaxweynuhu wuxuu xisbiyada qaranka u sheegay in ay qayb ka yihiin talada qaranka, wuxuuna u ballan qaaday in uu si toos ah ula socdsiin doono kolba wixii qaranka ku soo kordha.” Dhinaca kale, madaxweyne Cirro ayaa ciidamada millateriga ku amray inay si buuxda u difaacaan Somaliland, iyadoo xisbigiisana uu soo jeediyay in mucaaradka kala shaqeeyaan sidii talo qaran looga yeelan lahaa xasilinta shaqaaqooyinka ka taagan degmada Ceerigaabo iyo bariga Sool. Xisbiyada mucaaradka ayaa dhankooda ballan-qaaday inay barbar istaagayaan xukuumadda cusub, islamarkaana ay kala shaqaynayaan difaaca iyo midnimada shacabka Somaliland. “Labada xisbi mucaarid waxay madaxweynaha u soo jeediyeen talooyin waayeelnimo oo dhaxal-gal ah oo la xidhiidha xaaladaha amni ee dalka iyo sidii loo maarayn lahaa colaadaha haatan taagan,” ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha Somaliland Xuseen Deyr. Si kastaba, madaxweynaha cusub ee dhawaan la wareegay tallada Somaliland ayaa marar badan muujiyay inuu doonayo sidii xal nabadeed looga gaari lahaa colaadaha soo noq-noqday ee Sool iyo Sanaag, oo iyagu sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac horleh.
-
President Deni: ”I am hopeful that the new administration will open a new chapter of neighbourly relations with Puntland State of Somalia and the SSCK interim administration.” Hargeisa (PP News Desk) — In a statement read out yesterday to the media, a Somaliland Administration spokesperson said that President Abdirahman Abdullahi (Cirro) had called for unconditional talks with any entity involved “in the eastern Somaliland conflict.” In what is seen as a clear departure from the policy of the Somaliland Administration under former President Muse Bihi — who labelled the interim Sool, Sanaag, Ceyn, and Khatumo administration as “Al-Shabaab terrorists”—President Abdirahman toned down the conflict rhetoric, stating that his “administration is not at war with its people.” President Abdirahman toned down the conflict rhetoric, stating that his “administration is not at war with its people.” The congratulatory message from President Deni to the Somaliland Administration President Abdirahman Cirro. Last month, the President of Puntland State of Somalia Said Abdullahi Deni congratulated President Abdirahman on winning the Somaliland Administration presidential elections and commended Somaliland for conducting peaceful elections. “I am hopeful that the new administration will open a new chapter of neighbourly relations with Puntland State of Somalia and the SSCK interim administration,” wrote President Deni in his congratulatory message. © Puntland Post, 2024 The post Somaliland Administration President Welcomes Puntland Peace Overture appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa maanta abaal-mariyay mid kamid ah saraakiisha ciidanka maamulkaasi oo dhowaan sheegay in dowladda Soomaaliya ay lasoo xiriirtay, ayna usoo dirtay lacag kumaan kun oo dollar ah, si uu afgembiyo madaxweynihiisa balse uu sheegay inuu iska diiday qorshahaasi. Axmed ayaa maanta sarkaalkan oo lagu magacaabo Dhamme Cabdixakiin Xasan Cartan (Jabuuti) oo ah taliyaha aagga waqooyi ee Kismaayo u dalacsiiyay Darajada Gaashaanle, sida lagu sheegay digreeto ay maanta shaacisay madaxtooyada maamulka Jubbaland. “Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Dhame Cabdixakiin Xasan Cartan (Jabuuti) Taliyaha aaga Waqooyi ee Magaalaada Kismaayo ee Ciidanka Booliska Jubaland oo si geesinimo ah u diiday damaca guracan ee Xasan Sheekh Maxamuud uu dhaqaalaha ku Kala furfurayay Ciidamada Dowladda Jubaland u dalacsiiyay darajada gaashaanle” ayaa lau yiri qoraalka. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay in Cabdixakiin Jabuuti uu iska diiday lacag tiro badan oo ay usoo dirtay dowladda dhexe, ujeedkana uu ahaa inuu ku afgembiyo Axmed Madoobe. “Gaashaanle Cabdixakiin Xasan Cartan (Jabuuti) ayuu Xasan Sheekh Maxamuud lacag gaaraysa 90,000 kun oo dollar ugu soo diray si uu u hogaamiyo afgambi la doonayay in lagu dumiyo Dowladda Jubaland iyadoo howshaas Xasan Sheekh Maxamuud uu u soo wakiishay Maxamuud Fanax oo ahaa Gudoomiyahii hore ee Degmada Badhaadhe oo hogaaminayay duulaankii lagu soo qaaday Dowladda Jubaland ee sida gardarada ah Ciidamada loogu soo daabulay deegaanka Raaskambooni oo 13sano kahor ka xoroobay Khawaariijta” ayaa mar kale lagu yiri warka qoraalka ah. Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa bogaadiyay sarakiisha iyo shacabka ree Jubaland oo iska diiday damaca guracan ee la doonayay in xasarado lagaga abuuro deegaankooda. Horay telefishinka Jubbaland ayaa u baahiyay codad uu sarkaalka maanta la dalacsiiyay ka duubay guddoomiyihii hore ee degmada Badhaadhe Maxamed Fanax, iyaga oo ka wada-hadlayay arrimo ku aadan xaaladdii ka taagneyd Raaskambooni oo mar dambe lasoo afjaray. Si kastaba, xiisada u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa weli taagan, waxaana haatan ay u weecatay gobolka Gedo oo ay isku hayaan labada dhinac.
-
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ku sugan degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka, dhallinyarada iyo ururrada haweenka waxaana kulamadaas diiradda lagu saaray sidii bulshada rayidka ah ay uga qeyb qaadan lahayd hirgelinta iyo taageeridda doorashada qof iyo codka ah oo dowladda Soomaaliya ay dalka ka qabaneyso. Intii uu kulanku socday, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa soo bandhigay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan doorkooda ku aadan xaqiijinta doorasho cadaalad ah oo lagu wada qanacsan yahay, bulshada ayaa cadeysay muhiimadda ay leedahay wacyigelinta dadweynaha iyo iskaashiga si loo helo nidaam dimuquraadi ah oo si hufan u shaqeynaya. Wasiir Fartaag oo kulanka ka hadlay ayaa ku dhiirrigeliyay bulshada in ay door firfircoon ka qaataan geedi socodka dimuquraadiyadda, isagoo xusay in doorashada qof iyo codka ah ay tahay dariiq muhiim ah oo lagu gaarayo cadaalad iyo horumar siyaasadeed oo waara. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ay ku dadaalayso in ay abuurto jawi ku habboon doorashooyinka, si loo xaqiijiyo in codka shacabka uu si buuxda uga dhex muuqdo hoggaanka dalka. Source: goobjoog.com
-
Salesman President Hassan Sheikh Mohamud: “People who bought the first batch of Hormuud shares saw the value of their shares appreciate astronomically.” Mogadishu (PP Editorial) — The speeches by the President of Somalia, Dr Hassan Sheikh Mohamud, at the inauguration of North Mogadishu Airport project and the controversial opening ceremony of the Somalia Studies Conference in Mogadishu reflect how disconnected he is from the hardships endured by non-politically connected Somalis in a country dominated by monopolistic businesses with ties to the government. The President turned himself into a salesman when he urged people to buy shares in the North Mogadishu Airport project. “People who bought the first batch of Hormuud shares saw the value of their shares appreciate astronomically ,” he said. Not only has President Mohamud behaved like a broker, but he also misled the public about the nature of share-buying and share-selling businesses. No brokerage can guarantee that the shares of a given company will increase in value, no matter how promising the prospects seem. Claiming that the shares of a future project will increase to boost private investors’ interest indicates dishonesty and a conflict of interest. President Mohamud degraded the office he occupies, the Somali Presidency, and sent a message that businesses have captured the fragile Somali federal institutions. Infrastructural projects impinging on natural security demand careful planning and awareness of the risks that emerge when foreign companies and private businesses claim ownership of a national airport. At the controversial Somali Studies Conference opening ceremony, President Mohamud claimed that all his children are university graduates, stating that only two studied scientific subjects while the rest pursued social sciences. Educational inequality in Somalia is drastic, given the widespread private school system, whereby parents must pay fees. Unlike the pre-1991 Somali government, which to some extent subsidised primary and tertiary education (university education was free in Somalia at the time), the Federal Government of Somalia, like other authorities in Federal Member States, has not taken steps to reduce the educational inequality affecting millions of children excluded from schools when their parents fail to pay fees. President Mohamud benefited from free education from primary school to university, yet he boasted about his children’s achievements without addressing the plight of unschooled Somali children. Moreover, he transformed himself into a political broker, promoting the sale of company shares to people who cannot afford to send their children to school. Leadership indifference to the plight of Somali citizens will define the legacy of President Hassan Sheikh Mohamud. © Puntland Post, 2024 The post Somalia President Under Fire for Disconnection from Citizens’ Hardships appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi. Dagaalka oo ka dhacay degmada Xarfo ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen laba maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan halkaasi, waxaana ka dhex qarxay dagaal toos ah. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan ay ku dhinteen laba ruux, kuna dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu salka ku hayo is qab-qabisga ceel-biyood habeen kahor lagu gubey deegaan dhanka Galbeed ka xiga degmada Xarfo ee gobolka Mudug. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo gobolka kamid ah, gaar ahaan aagga lagu dagaalamay. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka Puntland oo ku aadan dagaalkaasi sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca. Xiisadda haatan soo cusboonaatay ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay Mudug ka dhacayeen dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh, oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magacaabis iyo isku-shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa wareegto uu soo saaray waxa Mudane Dahir Shire Maxamed, loogu magacaabay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha, ayaa isku beddalay Wasiirradii Wasaaradaha, Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada. Marwo Khadiijo Al-maqsuumi, ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka, halka Mudane Bashiir Maxamed Jaamac ( Bashiir Goobbe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada. Sidoo kale, waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu wareegtadiisa ku magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, Mudane Cismaan Axmed Macoow. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabis iyo isku-shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah Wasiiradiisa appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay maamul goboleedka Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay xaaladda gobolka Gedo, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka waddo dowladda federaalka oo dagaal uu kala dhexeeyo Axmed Madoobe. Jubbaland ayaa si gaar ah uga hadashay qorshaha uu gobolka ka wado wasiirka amniga Jubbaland Cabdullahi Sheikh Ismaaciil (Fartaag) oo haatan ku sugan degmada Garbahaarey, waxayna ku eedeysay inuu colaad ka horinayo gobolka Gedo. “Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullahi Sheikh Ismaaciil Fartaag ayaa Garbahaareey la tagay qorshe siyaasadeed qaldan oo ah hurinta Colaado u dheexeeya Dadka walaalaha ah ee Deeganka wada daga iyo duminta Nidaamka Dowliga ah ee ka dhisan Jubbaland kaas oo ay wada dhisteen Shacabka Wada dagan deegaanada Jubbaland” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxaa kale qoraalka lagu sheegay in wasiirka iyo xubnaha wehlinaya oo uu kamid yahay guddoomiyaha gobolka Gedo, Cabdullaahi Shimbir ay waji gabax kala kulmeen odayaasha dhaqanka ee degmada, kadib markii ay ka biyo diideem qorshaha ay usoo bandhigeen. “Wefdiga uu hogaaminaayo Wasiirka Amniga Gudaha XFS ee jooga Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa ku hungoobay qorshaha ay Wateen kadib Markii ay qorshahaasi iska diideen Odoyaasha Dhaqanka rasmiga ah ee degmada” ayaa lasii raaciyay. Jubbaland ayaa ugu dambeyn ku eedeysay Villa Soomaaliya inay awood adeegsaneyso, si ay ugu qabsato gobolka Gedo, waxayna ka digtay in dhiig uu ka daato gobolkaasi. “Xasan Sheikh Maxamuud iyo Kooxdiisa ayaa awoodooda iskugu geynaya sida ay iskaga horkeeni lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee wada dagan deegaanada Nabada ah ee Jubbaland taas oo keeni karta in uu faraha ka baxo amaanka ay ku nool yihiin shacabka Jubaland iyo in uu daato dhiig laga baaqsan karo daadintiisa.” ayaa mar kale lagu yiri. Dowladda Federaalka iyo Jubbaland oo horay isugu wajahay Raaskambooni ayaa haatan mar kale isku haya dhinaca gobolka Gedo oo uu haatan ka socdo dhaq-dhaqaaq u dhexeeyo labada dhinac.
-
Dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac ah sababay ayaa ka qarxay deegaanka Xarfo ee gobolka Mudug subaxnimadii hore ee maanta sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Iskahorimaadkan ayaa udhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo walaalo ah, kuwaas oo isku haya muran dhuleed iyo qodista ceel biyoodyo. Inta la xaqiijiyay, dagaalka ayaa sababay dhimashada laba ruux, halka dhaawacyo ay jiraan. Guddoomiyaha gobolka Mudug iyo odayaal dhaqameed horay ugu baxay xalinta colaaddan ayaa ku guuldareystay inay joojiyaan xiisadda. Mid ka mid ah beelaha ayaa gubay Ceelbiyood laga qoday deegaanka oo muhiim u ahaa dadka deegaanka. Source: goobjoog.com
-
Garowe (HOL) – At least two people were killed, and a dozen were injured in a clash between clan militias in the Harfo district, Mudug region, on Saturday, residents reported. Source: Hiiraan Online
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah ay ka jirto halkaasi, kadib markii labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo xooggan. Xiisadda ayaa u dhexeyso ciidamada dowlad deegaanka iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo haatan isku horfadhiyo magaalada Xarshin oo ah halka ay ka dhaceen dagaallada. Labada dhinac ayaa helaya gurmadyo, waxaana suuragal ah in markale uu dib u qarxo dagaalka oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka. Dagaallada dhex-maray labada dhinac ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan illaa 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan. Sidoo kale waxaa fashilmay dadaallada la doonayo in xal looga gaaro colaadda sii xoogeysaneysa ee ka taagan xadka labada waddan. Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida iyo kuwa Somaliland oo siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalkan ayaa baaq nabadeed u diray labada dhinac, si xal loogu gaaro. Dagaalladan waxaa ka horreeyay fal kale oo lagu dilay 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka dowlad deegaanka, kadib weerar gaadmo ah oo lagu soo qaaday, xilli ay ku sugnaayeen degaanka Dacawaley oo ka tirsan gobolka Faafan ee dowlad deegaanka Soomaalida. Dhacdadan waxaa ka horreeyay dil kale oo todobaadkii hore agagaarka deegaanka Dacawaley loogu gaystay madaxii amniga ee degmada Yoocaale iyo labo qof oo la socotay, waxaana ka dambeeyay dilkooda dabley hubeysan oo aan la garan, kadibna baxsatay.
-
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in dalkiisu uu taageerayo dadaalka Itoobiya ee ku aaddan helitaanka marin badeed, iyada oo lagu xallinayo wada hadal iyo in la ixtiraamo sharciyada caalamiga ah iyo deriska. Macron ayaa hadalkan ka sheegay sabtidii kaddib booqasho hal maalin ah oo uu ku tagay Addis Ababa, halkaas oo uu wada-hadallo laba geesood ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Intii lagu guda jiray shir jaraa’id, Macron wuxuu soo dhoweeyay Bayaanka Ankara oo ay gaareen Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 11-kii Diseembar. Bayaankaas oo uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, “hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya waxay ku adkeysteen inay ixtiraamayaan midnimada, madaxbannaanida, madax-bannaanida dhuleed, iyo mabaadi’da ku qoran sharciga caalamiga ah, Dastuurka Qaramada Midoobay, iyo Axdiga Ururka Midowga Afrika.” Labada dhinac waxay kaloo ku heshiiyeen inay billaabaan “wadahadallo farsamo” bisha Febraayo si faahfaahinta helitaanka marin badeed ee Itoobiya looga hadlo, waxaana wadahadalladaas gacan ka geysan doona Turkiga, lana dhammeystiri doona oo la saxiixi doonaa muddo afar bilood gudahood ah. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo qoraal soo saaray ayaa ka digay halis uu sheegay inay kusoo food leedahay shacabka deggan dhulka xeebta ee aagga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Muungaab oo ka hadlayay mashruuca lagu dhisayo garoonka cusub iyo dekedda ay yeelaneyso Muqdisho ayaa sheegay in uu ku hoos duugan yahay qorshe kale oo dhul boob ah, isaga oo tilmaamay inuu ka digayo in dhul boobka ka socda caasimada loo raro gobolka Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray dadka deegaanka oo uu ugu baaqay inay sameeyaan baraarug bulsho, kahor inta aan la boobin dhulkooda, sida uu hadalka u dhigay. Hoos ka akhriso qoraalka; Mashruurca Dekadda & Garoonka cusub (New Mogadishu Development Corporation) In dadka degaanka talo iyo tixgelin kadib danguud ahaan looga qaado dhul la doonayo in laga hirgeliyo mashruuc Garoon iyo Dekad oo ay yeelato Muqdisho,isla markaana dadka deegaanka laga siiyo Mashruuca ugu yaraan 35% waa wax macquul ah caalamkana kajira. Waxaase curato diimoon iyo yaab ah in aan helayno xog ah in la doonayo in magaca Danguud lagula wareego dhul xeebeedka u dhexeeya deegaanka Ceelmacaan ilaa Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/Dhexe oo gaaraya (30 KM oo dherer ah iyo 10KM oo ballac ah). Arintaan waxaan u arkaa Boob iyo barakicin dadka deegaankaasi ku nool, ujeedkuna ma aha mashruuc Garoon oo ay ku filan tahay (5 Km oo dherer ah iyo 2.5 Km ballac ah, mana aha Dekad u baahan 7 KM oo dherer xeebta ah iyo 2.5 KM oo ballac ah). Waxaan ka digayaa in barakicinta iyo dhul boobka ka socda Xamar loo raro Degmada Warsheekh. Dadka deegaanka waa inay baraarugaan, fadhigana ka kacaan dal iyo dibad inta ay goori goor tahay.
-
Somalia beat Sudan 1-0 to book a place in the semifinals of the CAF Under-17 Africa Cup of Nations (AFCON) Central-East zone qualifiers. Source: Hiiraan Online
