-
Content Count
212,866 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
U.S. President Joe Biden received a warm welcome at Angola's pink-hued Presidential Palace Tuesday as he made his first and almost certainly final visit to the African continent as president. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Pete Hegseth oo lagu wado inuu noqdo Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka ee xukuumada Trump ayaa lagu eedeeyay inuu ku dhawaaqay “Dila muslimiinta oo dhan,” Hegseth ayaa hadalkan sheegay isagoo aad u khamreysan xili uu ka qeyb galay xaflad loo qabtay koox ka tirsan askartii hore oo dhacday sanadkii 2015. Ninkan ayaa sidoo kale hore loogu eedeyey falal ah galmo iyo anshax xumo shaqsiyadeed oo dhacay sanadkii 2017, sida laga soo xigtay jariirada New Yorker. Sida warbixinta lagu sheegay, Pete Hegseth waxa uu safar shaqo ugu maqnaa gobolka Ohio May 29, 2015, xiligaasi oo uu la shaqeenayey kooxda la baxday Concerned Veterans for America markii la sheegay in uu ku sakhraamay baarka hoteelka oo uu dhowr jeer ku qeyliyay, “Dila dhammaan Muslimiinta!”. “Kama hadli doonno sheegashooyinka guracan ee lagu qoray wargeyska New Yorker ee laga soo xigtay saaxiibkiis hore,” ayuu yiri qareenkiisa Tim Parlatore isaga oo ka jawaabaya eedeymahan. Golaha Xiriirka Islaamka iyo Maraykanka (CAIR), oo ah kooxda ugu wayn ee u dooda Muslimiinta Maraykanka, ayaan eedaymaha ka dhanka ah Hegseth ku sheegay kuwo culus, iyagoo ugu baaqay Kongress-ka inuusan ansixin magacaabistiisa. Agaasimaha fulinta ee CAIR, Nihad Cawad, ayaa yiri: “Marka loo eego aragtidiisa hadda iyo ficilladiisii hore, waxaa cad in Mr. Hegseth uusan gabi ahaanba ku habboonayn inuu u sharaxan yahay xoghayaha difaaca…..Qof kasta oo — xitaa xaalad sakhraansan — ku baaqa in la xasuuqo dhammaan muslimiinta, wuxuu naftiisa u diiday inuu qabto jago muhiim ah oo lama huraan ah inuu la macaamilo wakiillada dalalka Muslimiinta u badan.” Marka laga soo tago hadallada Islaam nacaybka ee Hegseth, New Yorker ayaa si faahfaahsan u sheegay in Hegseth sidoo kale lagu eedeeyay anshax-xumo shaqsiyadeed, oo ay ku jirto inuu si qarsoodi ah dhaqaale u siiyay haweeney ku eedeysay inuu kufsaday 2017-kii. Iyadoo ay jiraan muujintaasi, Trump waxa uu weli ku taagan yahay dookhiisa Xoghayaha Difaaca. “Madaxweyne Trump waxa uu magacaabayaa musharixiin tayo sare leh oo aad ugu qalma in ay ka mid noqdaan maamulkiisa,” ayuu agaasimaha isgaarsiinta ee Trump Steven Cheung ku yiri hadal uu soo saaray, isaga oo xusay inaan wax danbi ah lagu soo oogin Pete Hegseth oo horey usoo noqday askari iyo waliba wariyaha telefishinka xagjirka ah ee Fox News. Senator-ka Dimuqraadiga Richard Blumenthal, oo xubin ka ah Guddiga Ciidamada Qalabka sida ee Aqalka Senate-ka, ayaa ku tilmaamay warbixintan mid naxdin leh oo aan u qalmin, isagoo sheegay in guddigu uu si taxadar leh u eegi doono magacaabista ninkan.
-
The President-elect of Somaliland, Abdirahman Mohamed Abdilaahi (Irro), today received the US Ambassador Amb. Richard H. Riley and the Commander of AFRICOM, Major General Brian Cashman. First, the US Ambassador conveyed a message of congratulations from his country to the President-elect of the Republic of Somaliland. The two sides then discussed in detail the deep relationship between Somaliland & the United States and how to strengthen that relationship. The President-elect of Somaliland expressed to the US government his readiness to further strengthen that relationship. The US Ambassador was accompanied by senior US military officials in Africa. The President of the Republic of Somaliland was accompanied by the Vice President-elect of Somaliland, Amb. Mohamed Ali Aw Abdi, and the Special Secretary to the President-elect, Abdikadir Salah Iidle. Qaran News
-
Xildhibaannada Baarlamaanka Kuuriyada Koofureed ayaa saaka oo Arbaco ah ku baaqay in xilka laga xayuubiyo madaxweyne Yoon Suk Yeol, ka dib markii uu Talaadadi shalay ku dhawaaqay sharciga dagaalka loo adeegsado ee Martial law, kaas oo uu marki danbe dib uga laabtay. In ka badan 190 mudane oo saaka xarunta Baarlamaanka xoog ku galay kaddib marki ay jiireen millitariga ayaa dhammaan cod isku mid ah ku diiday, shacdiga martial law-ga ee uu soo rogay madaxweyne Yoon. Xildhibaanadaasi ayaa waxaa ku jiray 18 ka mid ah xisbiga madaxweyne Yoon. Madaxweyne Yoon Suk Yeol oo shalay khudbad jeediyay ayaa sheegay in uu soo saaray sharciga dagaalka loo adeegsado ee (Martial law), si uu dalkiisa uga difaaco dalka dariska la ah ee Waqooyiga Kuuriya oo ah dal ku hubeysan niyukleer, shakhsiyaad diidan qarannimada Kuuriyada iyo in uu ilaaliyo dastuurka dalkiisa, balse cadaadiskaasi kaddib ayuu ka laabtay go’aankaasi. Soo saarista sharciga dagaalka ee Martial law, ayaa dhalisay xasaraddii ugu weyneyd ee siyaasadeed ee muddo tobnaan sano ah ka dhacda Koonfur Kuuriya, taasi oo la filayo in ay horseeddo dibadbaxyo lagu dalbanayo is casilaadda madaxweyne Yoon Suk Yeol. Ururada shaqaalaha South Korea ayaa durba saaka ku dhawaaqay in ay billaabi doonaan shaqo joojin, ilaa uu madaxweyne Yoon iska casilayo, waxaa la filaya in ay isla maanta bilowdaan dibadbaxyo waa weyn. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur Kuuriya oo wajahaya xilka xayuubin kadib markii uu Martial law ku soo rogay dalkiisa appeared first on Puntland Post.
-
Afgooye (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa galabta weerar culus oo qaraxyo ku bilowday ku qaaday tuulooyin hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana dhacay mid kamid ah dagaaladii ugu cuslaa ee dhaca waayahaan. Kooxda ayaa markii hore weerar qaraxyo ismiidaamin ah ku bilowday ku qaaday deegaan lagu magacaabo Haantadheer oo dhaca duleedka Afgooye, iyagoo kadibna weerar kale ku qaaday deegaanka Mukayga, si ciidamada xoogga aysan isugu gurman. Halkaas waxaa deganaa ururro ka tirsan guutada 12-ka October ee ciidanka xoogga dalka, waxaana halkaas ka dhashay khasaare culus oo dhimasho iyo dhaawacba leh. Ciidamada xoogga dalka oo helay gurmadyo dhinacyo kala duwan uga yimid ayaa iska caabiyey weerarkii Al-Shabaab, waxaana kooxda u suurtageli weysay inay gaaraan hadafkooda oo ahaa inay qabsadaan saldhigyada ciidanka xoogga. Dhinaca kale, qarax ismiidaamin ah oo dad badan oo shacab ah lagu laayey ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Afgooye, kooxda ayaa beegsatay maqaayad ay ku sugnaayeen dad badan. Xubno ku sugan Afgooye ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxaas uu geystay nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo kooxda Shabaab ay so adeegsatay, wuxuuna galaaftay nolosha in ka badan 5 qof oo shacab ah. Ciidamada ATMIS oo goobta marayey ayaa sameeyey baaritaan, waxayna dhulka ka soo saareen miino kale oo halis ah oo Shabaab ay horay ugu sii diyaariyeen goobta, taasi oo la sheegay inay qorsheynayeen inay ku laayaan dadka kale ee isugu yimaada goobta uu qaraxii hore ka dhacay.
-
Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Bashir Moallim Ali Hassan iyo Taliyaha Ciidanka ilaalada Nabadgalyada Waddooyinka Gaashaanle Dhexe Saciid Cali Maxamuud (Saciid Baryare) ayaa lagu shaaciyay in mootada Nooca Labo Lugleyda ah ee loo yaqaanno “Motocyle” aan loo ogolaan doonin inay qaadaan wax ka badan labo qofood, Marks ay kaxeynayaan Mootada ay xirtaan Koofida difaaca Madaxa iyadoo sidoo kalana Darawallada Mooto Labo Lugleyda ay ku wadi karaan ruqsad darawalnimo ee Laysinka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada bixiso. Waxaa sidoo kale amar lagu bixiyay in Gaadiidka Waaweyn ee Xamuulka ay dayactir ku sameeyaan Gaadiidkooda, Lana aqbali doonin Gaari aan Bed-qabkiisa la hubin in uu shaqeeyo. “Gaadiiidka aan lahayn Fariinka, Hoonka, Haadadka, Miraayadaha, Nalalka iyo Dhammaan Shuruudaha Bed-qabka Gaadiidka looma ogolaan doono inuu shaqeeyo, Fadlan Walaal Sameyso Gaarigaaga Oo Badbaadi Nafta Iyo Hantida Dadweynaha Iyo Taadaba” Ayuu yiri Agaasime Bashiir Oo si adag ula hadlay Gaadiidleyda ku shaqeysata Gaadiidka Duqoobay. Si looga hortago ciriiriga iyo shilalka ka dhasha isticmaalka waddooyinka, Mas’uuliyiinta ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabo adag laga qaadi doono Gaadiidka aan raacin Shuruucda Wadamarista. Milkiilayaasha Gaadiidka ayaa lagu wargeliyay inay saxaan Xogta Gaadiidka Iyo Xoogta Milkiyadda lagana Aqbali doonin inay Isticmaalaan Taarikooyinka Been Abuurka ah ama kuwo lagasoo furay Gaadiid kale iyadoo Lagu wargeliyay Ciddii u hogaamsami waysa Awaamirtaan in Sharciga lala tiigsan doono. Mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo Taliska Taraafikada ayaa ku celiyay muhiimadda ay arrintani u leedahay badbaadada shacabka iyo habsami u socodka Gaadiidka. Waxay ugu baaqeen dhammaan Gaadiidleyda inay u hoggaansamaan amarrada cusub si looga fogaado cawaaqib xumo ka dhalan karta sharci-jebinta. Source: goobjoog.com
-
Raaskambooni (Caasimada Online) –Saraakiil iyo ciidamo kale oo ka tirsanaa Jubbaland ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo xog yaab leh ka bixiyey qorshe culus oo Axmed Madoobe dejiyey in lagu qabsado Raaskambooni, balse ay uga baxeen. Saraakiil warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo sarkaal kale oo garabkiisa taagnaa lagu amray inay weerarka bilaabaan oo xerada ciidanka xoogga ee Raaskambooni ay qabsadaan. Sidoo kale wuxuu sheegay in Axmed Madoobe diyaariyey ciidan kale oo dhinaca kale ka soo weerara ciidan xoogga dalka markii laga saaro xerada Raaskambooni, balse wuxuu sheegay in markii ay soo amba-baxeen ay go’aansadeen in ciidanka xoogga dalka aysan la dagaalamin. Sarkaalkaan ayaa sheegay inay go’aan ku wadagaareen inay isku soo dhiibaan ciidanka xoogga dalka, maadaama aysan habooneyn inay la dagaalamaan, sidoo kalena aysan ku laaba karin Kismaayo oo Axmed Madoobe aysan ka badbaadeyn. “Waxaan go’aansanay in ciidanka walaalaheen ah aanaan weerarin, waxaan soo aadnay xagooda, waxaana kasoo dul dhacnay iyagoo aan naga war heyn, kadibna wax qori ah naguma soo taagin, xabadna naguma ridin ee sacab ayey nagu soo dhaweeyeen,” ayuu yiri sarkaalkaan hogagaminayey ciidankii ka goostay Axmed Madoobe. Wuxuu intaas ku sii daray “waxaan iska dhignay qoryaha si naloo aamino waana isdhiibnay, kadibna waxay na dhaheen qoryihiin qaata, soona dhawaada, waxaad u timaadeen ciidankiinii, runtii aad ayaan u faraxnay, waxaana u riyaaqnay sida ay dowladda Soomaaliya noo soo dhaweysay.” Saraakiishaan ayaa sheegay in xitaa ciidanka hadda la jooga Axmed Madoobe aysan diyaar u aheyn inay dagaal la galaan dowladda, maadaama aysan ku qanacsaneyn hoggaaminta Axmed Madoobe. Ciidamadii uu dhisayey 15-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa maalin kasta si fudud ku baneynaya garabka Axmed Madoobe, waxaana heysata xaalad hubanti la’aan ah, maadaama dowladda Soomaaliya ay ku qaaday duulaan xididada loogu siibayo.
-
Taliyaha Ciidanka Daraawishta Koonfur Galbeed qeybta degmada Buur-Hakaba dhame Maxamed Xasan Aadan (Sandheere) ayaa hogaaminayey howlgal qorshaysan oo laga fuliyey agagaarka deeganka Buur-Helede oo Hoostagta degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay Howlgalka ayaa Qorshihiisu ahaa soo qabashada Aliyow Isaag Macalin oo ah amiirkii maaliyada uqaabilsanaa Alshabaab nawaaxiga degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay. Horjoogaha lasoo qabtay ee Aliyow Isaag ayaa markii lasoo qabanayey ku howlanaa jarista boonooyinka baabuurta is ticmaaasha Wadooyinka kala duwan degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay. Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) –Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk Yeol, ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay xukun militeri oo degdeg ah in dalkaasi uu galay. Madaxweynaha ayaa go’aankoisa sabab uga dhigay eedeyn uu u jeediyey xisbiga mucaaradka dalkaas ugu weyn oo sida uu sheegay cuuryaamiyay dowladda, ayna taageersan yihiin Kuuriyada Waqooyi, sida uu hadalkiisa u dhigay. Madaxweynaha Kooriyada Koonfureed oo xukuma maamul laga tiro badan yahay ayaa waxaa culeys ka haystay in miisaaniyadiisa ay ansixiyaan xildhibaanada oo xukuumadiisa aan taageersaneyn. Hadal uu ka jeediyay telefishinka dowladda ayuu madaxweynuhu ku eedeeyay xildhibaanada kalitalisnimo iyo in ay isku dayayaan in ay meesha ka saaraan dimuqraadiyada dalkiisa ui ku hoggaamiyo. Madaxweyne Yoon, ma cadeyn waxa uu qorshahiisu yahay, balse wuxuu ballanqaaday in uu xaaladda caadi ku soo celinayo marka uu ka takhaluso wax uu ugu yeeray xoogga ka horjeeda dimuqraadiyadda. Awoodda madaxweynaha ayaa aheyd mid liidata ilaa iyo markii ay dhacday doorashada guud ee dalkaas, taas oo mucaaradka ay ku guuleysteen. Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa xiriir la sameeyay dowladda Kuuriyada Koonfureed, waxay si dhow ula socdaan xaaladda dalkaasi uu galay, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeen u hadlay golaha ammaanka qaranka dalka Mareykanka. Weli madaxweyne Joe Biden kama uisan hadlin xukunka militeri ee uu ku dhawaaqay dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa maanta ku dhawaaqay amarro cusub oo lagu hagaajinayo nidaamka Gaadiidka iyo Bed-qabka Waddooyinka Dalka, si gaar ah Mootooyinka Fekon-ta ayuu amarkaan u saameynayaa. Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Bashir Moallim Ali Hassan iyo Taliyaha Ciidanka ilaalada Nabadgalyada Waddooyinka Gaashaanle Dhexe Saciid Cali Maxamuud (Saciid Baryare) ayaa lagu shaaciyay amaradaan. Agaasimaha iyo Taliyaha ayaa sheegay in mootada Nooca Labo Lugooleyda ah ee loo yaqaanno FEKON aan loo ogolaan doonin inay qaadaan wax ka badan labo qofood. Sidoo kale waxaa lagu amray markii ay kaxeynayaan Mootada inay xirtaan Koofida difaaca Madaxa, iyadoo sidoo kalana Darawallada Mooto Labo Lugooleyda ee FEKON-ta ay ku wadi karaan ruqsadda darawalnimo ee Laysinka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay bixiso. Waxaa sidoo kale amar lagu bixiyay in milkiilayaasha Gaadiidka waaweyn ee xamuulka ay dayactir ku sameeyaan Gaadiidkooda, Lana aqbali doonin Gaari aan Bed-qabkiisa la hubin in uu shaqeeyo. “Gaadiiidka aan lahayn Fariinka, Hoonka, Haadadka, Miraayadaha, Nalalka iyo Dhammaan Shuruudaha Bed-qabka Gaadiidka looma ogolaan doono inuu shaqeeyo, Fadlan Walaal Sameyso Gaarigaaga Oo Badbaadi Nafta Iyo Hantida Dadweynaha Iyo Taadaba” Ayuu yiri Agaasime Bashiir oo si adag ula hadlay Gaadiidleyda ku shaqeysata Gaadiidka Duqoobay. Si looga hortago ciriiriga iyo shilalka ka dhasha isticmaalka waddooyinka, Mas’uuliyiinta ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabo adag laga qaadi doono Gaadiidka aan raacin shuruucda wado marista. Milkiilayaasha Gaadiidka ayaa lagu wargeliyay inay saxaan Xogta Gaadiidka Iyo Xoogta Milkiyadda, iyadoo loo cadeeyey in aan la Aqbali doonin inay isticmaalaan Taarikooyinka Been Abuurka ah ama kuwo lagasoo furay Gaadiid kale, iyadoo lagu wargeliyay ciddii u hogaamsami waysa awaamirtaan in Sharciga lala tiigsan doono. Masuuliyiinta Wasaaradda iyo Taliska Taraafikada ayaa ku celiyay muhiimadda ay arrintani u leedahay badbaadada shacabka iyo habsami u socodka Gaadiidka. Waxay ugu baaqeen dhammaan Gaadiidleyda inay u hoggaansamaan amarrada cusub si looga fogaado cawaaqib xumo ka dhalan karta sharci-jebinta.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa mar kale maanta ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda culus ee dowladda federaalka kala dhexeyso maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Xamza ayaa weerar culus ku qaaday Axmed Madoobe, wuxuuna ku eedeeyay inuu hurinayo dagaal dhex-maray ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda ee la geeyay maamulkaasi. Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay inay la socdaan dhaq-dhaqaaqa maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna sheegay in maalin kasto ciidamo doonyo uga qaado Kismaayo, balse ay ka digayaan arrintaasi. Sidoo kale wuxuu ka hadlay sababta ciidamada Xoogga dalka loo geeyay Raaskambooni, wuxuuna tilmaamay inay la xiriirto inay la wareegaan saldhigyada ay baneeyeen ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Kenya iyo inay la dagaalamaan maleeshiyaadka Al-Shabaab. “Waxaa nasiib darro ah in kuwa mas’uuliyiin sheeganayo ay maanta abaabulayaan wiilal Soomaaliyeed oo xittaa ka wada tirsan ciidamada qaranka inay isku dilaan waxaad ogtihiin habeen iyo maalin in magaalada Kismaayo laga raro ciidamo hubeysan oo loo dirayo inay lasoo dagaalamaan wiilal Soomaaliyeed oo ka tirsan Xoogga dalka” ayuu yiri Xamza. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ciidamada SNA waxaa la geeyay deegaan kamid ah gayiga Soomaaliyeed, si ay ula wareegaan deegaannadii ay ka baxeeen ciidamadii ATMIS oo ah waajibaad saaran dowladda”. Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu sheegay wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo isna nasiib darro ku tilmaamay in Jubbaland ay siyaasadeyso ciidamada xoogga dalka, isagoo sheegay in sawir khaldan lagu lifaaqayo ciidanka marka lagu tilmaamo kuwo burburinaya jiritaanka maamulkaasi. “Ciidamada la geeyay Raaskambooni waa ciidamada Danab, waxayna ka shaqeynayaan waajibaadkooda dastuuriga ah. Ciddii xabbad kala hortimaada ayaa qaadi doonta masuuliyadda,” ayuu wasiir Jaamac. Si kastaba, xiisadda dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ayaa haatan mareysa meel xasaasi ah, iyadoo laga cabsi qabo inay isku badasho dagaal toos ah, maadaama ciidamo taabacsan labada dhinac ay isku horfadhiyaan deegaano ka tirsan maamulka Jubbaland.
-
Howlgallo ay iska kaashadeen ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu dilay 27 xubnood oo ka tirsan Shabaab, halka in ka badan 30 kalena lagu dhaawacay. Howlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka Yaaqle oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalkan sifaynta ah ayaa weli ka socda deegaanka, waxaana uu bartilmaameedsanayaa haraadiga Shabaab ee ku sugan halkaas, kuwaas oo wali wiiqaya amniga iyo nabadda shacabka Soomaaliyeed. Hay’adda NISA ayaa shacabka ku nool deegaanada howlgalka laga fulinayo ugu baaqday inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Shabaab, maadaama ay yihiin bartilmaameedyo toos ah oo ciidamadu ku beegsanayaan si loo sugo amniga qaranka. Howlgaladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo xoogga la saarayo in meesha laga saaro khatarta ay ku hayaan Shabaab shacabka iyo dowladnimada dalka. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee dowladda Puntland hadana ka tirsanaa Aqalka Sare ee Soomaaliya Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ku geeriyooday dalka Turkiga magaalada Istanbul. “Allaah ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland, hadana ahaa senator ka tirsan Aqalka Sarre ee Soomaaliya, Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo geeriyooday, wuxuu ahaa masuul usoo shaqeeyay dalka iyo dadkaba, isagoo ka mid ahaa aasaasayaaahii Puntland isla markaana xilal kala duwan soo qabtay.” “Waxaan geeridiisa uga tacsiyadeynayaa dhammaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday. Marxuumka Allaah ha u danbi dhaafo inagana samir iyo iimaan Allaah ha inagasiiyo” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Dhinaca kale, geerida marxuumka waxa ka tacsiyeeyay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Ku xigeennada Aqalka Sare, hab-dhowraha, Senatorrada, Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare iyo dhammaan howl-wadeennada Aqalka Sare. Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab wuxuu muddo dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, isaga oo kaalin wanaagsan ku lahaa dowlad-dhiska Soomaaliya, wuxuu ahaa aqoonyahan, waddani, xilal kala duwan ka soo qabtay dalka ooy ka mid ahaayeen Madaxwayne ku xigeenka Puntland, Wasiirka Maaliyadda Puntland, iyo haatan uu ahaa Sentor ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ugu danbayntii, Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii, iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab waxaana uu xusay in marxuumku uu door wanaagsan ka soo qaatay dowlad-dhiska iyo siyaasadda dalka, isagoo si hagar la’aan ah ugu adeegay shacabka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Madax kala duwan oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal ( Cirro ) ayaa maanta qaabilay Danjiraha dalka Mareykanka Amb. Richard H. Riley iyo Taliyaha Ciidamada AFRICOM Major General Brian Cashman . Ugu horeyn Danjiraha Mareykanka ayaa madaxweynaha la doortey ee Jamhuuriyada Somaliland soo gaadhsiiyey dhanbaal hanbalyo oo uu ka sido dalkiisa . Intaas kadib Labada dhinac ayaa ka wada si faahfasan uga wada hadleen xidhiidhka qotoda dheer ka dhexeeya Somaliland & Mareykanka iyo sidii xidhiidhkaas loo sii adkeyn lahaa Madaxweynaha la doortey ee Somaliland waxaa uu dawlada Mareykanka u cadeeyey inuu diyaar u yahay sidii uu xidhiidhkaas u sii xoojin lahaa Danjiraha Mareykanka waxaa kulanka ku wehelinaayey saraakiil sarsare oo ka mid ah ciidamada Militeryga Maraykanka ee qaaradda Afrika . Qaran News
-
Mogadishu (HOL) — A quiet war is unfolding in the mountain ranges of Puntland, Somalia’s northeastern state. ISIS, a militant group once dismissed as a minor player in the Horn of Africa, is entrenching itself in the rugged Al Miskat and Al Madow mountains, building bases, roads, and networks that defy easy containment. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) —The death toll in the November 23 migrant boat disaster off Madagascar has risen to 28, Somali officials confirmed Tuesday. Forty-seven survivors, including 26 women and 31 young men, remain housed in a sports facility on Nosy Be Island, where they await repatriation as Somalia works closely with Malagasy authorities to bring its citizens home. Source: Hiiraan Online
-
AQO5xNc5TNmiKYqfWnaSL5q5hLs_cD7-vAWO3_gpGHIjyk8hnJYk4-il2U_ecPdWocq8ndNoXdXfDNQOvTvq8O3X Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay xuska maalinta caalamiga ah ee naafada adduunka oo sanad walba maanta oo kale laga xuso dunida oo dhan. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda Dan‐Qaran intii ay jirtay la ansixiyey sharciga naafada, ayna ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah ee Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladu ahmiyad weyn siineyso bulshada naafada ah iyo horumarinta kaabayaasha dadweynaha ee loo dhan yahay. “Waxaan bogaadinaya kaalinta dadka naafada ah ay ku leeyihiin horumarinta bulshada qeybaheeda kala duwan, waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo in xukuumadda ay ka go’an tahay xal u helida colaadaha, cirib-tirka Khawaarijta iyo in dalkeenna oo dhan laga sameeyo tallaabooyin dhanka horumarka ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Xamza ayaa tilmaamay in sanadaha soo socda dadka naafada ah ay heli doonaan marinno sida ugu sahlan loo dhisay, ayna ka qeyb-gali doonaan siyaasadda dalka, doorashooyinka madaxa banaan. Waxa kale oo uu sheegay in qorshaha isbeddelka qaranka ee hadda socda uu saldhig u yahay sidii loo heli lahaa adeeg loo dhan yahay. Munaasabadda oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda qoyska iyo xaquuqda aadanaha ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay qaar ka mid ah golaha wasiirada xukuumadda, xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Waxaa dalka Jabuuti gaaray wafdi uu hoggaaminayo gudoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland. Guddoomiye Cali Xaamud oo sidoo kale kamid ah masuuliyiinta xisbiga tallada Somaliland ku guuleystay ee Waddani ayaa waxaa Jabuuti si weyn ugu soo dhaweeyay guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti Dileyta Maxamed Dileyta. Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland Cali Xaamud Jibriil oo ka hadlay socdaalkooda ayaa sheegay in Jabuuti u tageen xoojinta xiriirka labada dhinac, kaas oo muddooyinkii dambe hoos u dhac ku yimid.. “Safarkeena wuxuu daaran yahay laba dal iyo laba shacab oo walaalo ah oo xiriir taariikhi ah ka dhaxeeyo kaa un baan u nimid, iyo sii xoojinta xiriirka, awalna waan isku imaan jirnay,” ayuu Cali Xaamud ku yiri wareysi uu siiyay BBC. Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxda ay la kulmeen oo ugu sareeyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay si gaar ah uga wada-hadleen arrimo la xiriira baarlamaanada iyo wada-shaqayntooda. “Arrimahani waa kuwo quseeya wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland iyo siyaasadda madaxweynaha cusub,” ayuu yiri guddoomiye Cali Xaamud oo ka gaabsaday inuu ka hadlo heshiiskii is-afgarad ee Somaliland la gashay Itoobiya iyo haddii uu wax u dhimay xiriirkii Jabuuti. Safarka wafdiga Somaliland ay ku tageen Jabuuti ayaa ku soo aadaya iyada oo muddooyinkii u danbeeyay uu mad-madow soo galay xiriirka ka dhaxeeya Jabuuti iyo Somaliland, kadib is-afgaradkii badda ee Itoobiya. Si kastaba, Jabuuti oo ayadu weli doorbidayso xiriirka Somaliland, maadaama hoggaan cusub uu la wareegayo tallada maaamulka ayaa qeyb ka ah sababaha soo dadajiyay safarka masuuliyiinta Somaliland ay ku gaareen dalkaasi.
-
Madaxweynaha xilka banaynaya ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Hargeysa ku qaabiley Safiirka dalka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Amb. Richard H. Riley iyo wefdi uu hoggaaminayo. Amb. Richard H. Riley waxaa socdaalka ku wehelinayey Taliyaha Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), Major General Brian Cashman, mas’uuliyiin iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda Maraykanka, sida ay sheegtay Madaxtooyada Somaliland. Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu xubnaha wefdiga Maraykanka uga mahadceliyay iskaashiga iyo xiriirka wada shaqayneed ee Amniga geeska Afrika iyo dhinaca Militriga ee Somaliland iyo Maraykanka. Kulankaa waxa Madaxweyne Muuse Biixi ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibeda Ciise Keyd Maxamuud, Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Taliyeyaasha Ciidamada Militeriga iyo Sirdoonka, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo Mustafe Maxamed Xasan (Bacaluul). PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo qaabiley Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo appeared first on Puntland Post.