Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,866
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ceerigaabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya koonfurta gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta lagu soo dhaweeyay guddoomiye ku xigeenkii gobolka ee Somaliland Jaamac Maxamuud Warsame, kaas oo kasoo goostay maamulka Hargeysa. Jaamac Maxamuud ayaa saaka soo gaaray degmada Fiqifuliye ee koonfurta Sanaag, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay, maadaama ay joogaan ciidanka SSC-Khaatumo. Mas’uulkan ayaa sidoo kale lasoo goostay laba baabuur oo mid qori saaranyahay, kuwaas oo ay lahayd Somaliland oo weli dagaal kula jirta SSC-Khaatumo Guddoomiye ku xigeenka oo goobta ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, waxayna sheegay in markii horeba uu ahaa nin deegaanka kasoo jeedo, haddana dadkiisii u yimid. “Quluubta ayaynu marwalba ka wada joognay inyar uunbaynu kala maqnayn, soo dhawayntiina waan idiinka mahadnaqayaa marlabaad iyo mar saddexaad, fadhiga ayaynu isku waraysan doonaa” ayuu Jaamac oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu goostay. Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo indhawaanahan magaalada Ceerigaabo ay ka taagnayd xiisad culus oo sababtay amaan darri, iyada oo dad kala duwan lagu dilay magaaladaasi. Dhanka kale waxaa weli halkeedii xiisadda u dhexeyso Somaliland iyo SSC-Khaatumo, waxaana warkii ugu dambeeyay oo xalay kasoo baxay maamulka fadhigiisu yahay Laascaanood lagu sheegay in aanu wax hadal ah kala dhexeyn maamulka Hargeysa. “Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo waxaa lagu dhaariyey Axdiga Maamulka oo damaanad qaadaya ilaalinta difaaca sharafka dadka iyo dhulka SSC-Khaatumo oo dhan, ma na jirto suurtagalnimo wadahadal iyo gorgortan looga geli karo qayb kamida dhulka SSC-khaatumo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay maamulka SSC-Khaatumo.
  2. Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in dakhligii ka soo gali jiray qadka uu hoos u dhac ku yimid. Kulan uu baarlamaanka dalkaas yeeshay shalay ayaa lagu lafa guray arrintaas, waxaana mudaneyaasha baarlamaanku ay xukuumadda ku weeydiiyeen su’aalo la xiriiray arrimaha dhaqaalaha, sida nolosha sii adkaanaysa, ganacsiga sharci darrada ah, sare u kaca ku yimid badeecada gudaha dalka ka timaada, sicir bararka iyo arrimo kale. Wasiirka ganacsiga ee Itoobiya Kassahun Gofe oo su’aalahaas ka jawaabayey wuxuu sheegay in sababaha keenay hoos u dhaca dakhliga ay ugu waaweyn yihiin 3 arrimood oo kala ah sare u qaadidda dakhliga beeraleyda, xoojinta dhaqaalaha ka soo xarooda lacagaha qalaad, iyo sare u qaadidda canshuuraha ay gobolladu qaadaan. Waxaa jira seddex arrimood oo muhiim ah oo qaadka ku taxalluqa, dawladda federaalka iyo dawlad goboleedkana ay isku af garteen. Midda ugu horreysa waa in qaadku uu muhiim u yahay nolosha beeraleyda, waxaana jirta baahi loo qabo in sare loo qaado dakhliga ay ka helaan. Tan labaad, oo ah walaaca ay qabto dawladda federaalka ayaa ah in qaadku yahay sheyga labaad ee Itoobiya ay dibadda u dhoofiso marka laga yimaado bunka. Taa darteed xukuumadda federaalka aad ayey u danaynaysaa in sare loo qaado dakhliga laga helo dibad u dhoofintiisa” ayuu yiri wasiirka ganacsiga ee Itoobiya Kassahun wuxuu sheegay in Oktoobar 2022 ay ahayd xilli adag, waayo wuxuu sheegay inay sheegay inay ahayd markii dawlad goboleedyadu bilaabeen inay canshuuraan qaadka. Wuxuu kaloo intaa ku daray in “go’aanka ay Soomaaliya ku gaartay inay soo waariddo qaad jaban oo Kenya ka yimaada uu saamayn taban ku yeeshay dakhligii dibad wax u dhoofinta ee Itoobiya”. Wasiirka ayaa wuxuu qiray inay jiraan ilaa 283 isbaaro oo dalka yaalla, taana saamayn ay ku yeelatay dakhligii laga heli jiray qaadka. Meelaha ugu badan ee qaadka Itoobiya loo iibgeeyo, lagana cuno waxaa ugu horreysa Somaliland. Arrinta uu wasiirka ganacsiga ee Itoobiya ka hadlay waxaa dhanka kalena laga dareemay Somaliland oo sida uu BBC u sheegay Khaalid Cabdi Nuur oo ah cilmi baare iyo macallin dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Hargaysa. “Si guud, waa laga dareemay waayo markii dalabku bato, caddadka la helayana uu yaraado qimaha ayaa sare u kaca, markaa wuu sii qaaliyoobay qaadku” ayuu yiri. Dhanka kalena sannadihii u dambeeyey wuxuu sheegay in qaadkii kastamada Somaliland ka soo gali jiray uu hoos u dhaco 20%, taana ay saamayn ku yeelato miisaaniyadda Somaliland, gaar ahaan sannadkii hore. Iyadoo la tixraacayo hadalka wasiirka ganacsiga ee Itoobiya, ayaa Khaalid wuxuu sheegay in isbaarooyinka uu wasiirku sheegay ee gudaha Itoobiya ay keeneen in ay abuurmaan wadooyin qarda jeex ah oo dhulka hawdka ah mara oo qaad walayaashu ay qaadka soo mariyaan, sidaana ay Somaliland ku soo galiyaan. “Arrintaa Somaliland way saamaysay, waayo waxaa soo baxay qaad aan kastamada soo marin oo koontarobaan ahaan ku soo gala, aad ayuuna u soo batay. Tusaale ahaan, waxaan arkay qaad joogay lacag u dhiganta 8 doollar oo beryo dhawayd, in yar ka hor xilligii doorashada la kala siisanayey 4 doollar” ayuu sheegay Khaalid Cabdi Nuur. Meelaha ugu badan ee uu qaadkaas ka soo galo ayuu Khaalid ku tilmaamay dhanka Balli gubadle oo Hargeysa koofur kaga began, ayadoo dhanka Burcana uu ka soo galo Balli dhiig oo ilaa 200Km koofur ka xigta Burco. Xukuumadda Somaliland oo aan la xiriirnay nooma suurto gelin in aan jawaab ka helno. Lacag xoog leh ayaa lagu soo iibiyaa qaadka hareeriga oo si maalinle ah u soo gala deegaanada Somaliland, kaasoo ka yimaada gobolka Oromada ee Itoobiya. “Warbixintii ugu dambaysay ee ay shaacisay dawladda waxay ku sheegtay in sanadkii lacag ilaa 180 malyan oo dollar ah ay ku baxdo qaadka la keeno Somaliland ee ka yimaada Itoobiya, halka maalintiina qaadka Itoobiya looga soo iibiyo ilaa $500,000” ayuu yiri Khaalid Qaran News
  3. U.S. delegation engages Somaliland leaders on security and cooperation Addis Ababa, December 4, 2024 (FBC) – A high-profile U.S. delegation led by Ambassador Richard H. Riley and Major General Brian Cashman visited Somaliland on Tuesday, marking a significant engagement following Somaliland’s recently concluded presidential election. The delegation first met with the outgoing President Muse Bihi Abdi, followed by a meeting with President-elect Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro in the capital, Hargeisa. According to the U.S. Embassy, the delegation congratulated both leaders on Somaliland’s peaceful and democratic election and discussed opportunities to advance peace, stability, and prosperity in the Horn of Africa. President-elect Abdirahman Mohamed Abdilahi Irro, in a post on X (formerly Twitter), shared highlights of the meeting: “I had the honour of meeting today with the U.S. delegation led by Ambassador Riley and Major General Cashman. We had productive discussions on key issues, including regional security, advancing democracy, and strengthening areas of cooperation between Somaliland and the U.S. government. This engagement reflects our shared commitment to peace, stability, cooperation, and progress in the Horn of Africa.” The delegation included Major General Cashman, commander of the United States Africa Command (AFRICOM), along with senior diplomats and military officials. Discussions during the visit centered on enhancing diplomatic and security ties between Somaliland and the United States, reflecting mutual interests in maintaining peace and stability in the region. The U.S. delegation commended Somaliland’s transparent and credible election process, which has been praised internationally as a model for democratic governance in the region. Both Somaliland and the United States recently conducted elections, ushering in new administrations. This shared milestone underscores the importance of bolstering bilateral relations in a rapidly evolving geopolitical landscape. Somaliland’s strategic location in the Horn of Africa continues to attract global attention for its importance in security and trade. The U.S. and its allies have expressed interest in deeper engagement with Somaliland to address shared challenges and opportunities in the region. The visit is seen as a positive step toward strengthening ties between Somaliland and the United States, paving the way for enhanced cooperation on regional security, governance, and economic development. Qaran News
  4. Milateriga Suuriya ayaa waxaa u suurtagashay inay xoogagga mucaaradka Suuriya ay kala wareegan gacan ku heynta aagag kamid ah magaalada Xamaa, kadib markii ay labada dhinac is weeydaarsadeen weerar iyo weerar celis. Wakaaladda rasmiga ah ee Suuriya (SANA) ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay u suurtagashay inay la wareegaan amniga magaalada Xamaa, kadib markii ay goobta ka saareen xoogagga mucaaradka isla markaana ay ka burburiyeen gawaaridooda. SNA waxay baahisay in milateriga ay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah xoogaggaas ee waqooyiga dalka. Kooxda la socota xuquuqda aadanaha Suuriya, oo fadhigeedu yahay UK, ayaa sheegtay in kooxd Hayat Tahrir al-sham iyo kooxo kale ay ku guul dareysteen inay la wareegaan Jabal Zain al-Abidin oo u dhow magaalada Xamaa. Bbcsomali Qaran News
  5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir guddoomiyey kulan degdeg ah oo muhiim ah kaas oo looga hadlayay la-dagaallanka maalgelinta argagixisada. Kulanka waxaa ka qayb galay Guddiga Qaran ee NAMLC, hey’adaha amniga iyo kuwa kale ee muhiimka u ah dowladda ayaa daba socda guulihii hore ee dowladu ka gaartay ladagaalanka maalgalinta kooxaha aragagixisada. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dadaallada lagu wiiqayo maalgalinta argagixisada, waxaana kasoo baxay go’aanno adag oo lagu beegsanayo cid kasta oo ku lug yeelata maalgelinta falalka argagixisada. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyey in gacan bir ah lagu qaban doono cid kasta oo ka qayb qaadata dhaqdhaqaaq kasta oo lagu taageerayo maalgelinta argagixisada. Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa amniga, in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo dhinacyo badan taabanaya, si loo joojiyo baadda ay kooxda Khawaarijta ka qaaddo shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa digniin culus u diray ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku booriyey in ay ka digtoonaadaan la macaamilka Shabaab. Waxa uu caddeeyey in cid walba oo lagu helo ku lug lahaanshaha maalgelinta argagixisada laga qaadi doono tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa adkeyneysa dadaalkeeda ku aaddan ciribtirka khatarta argagixisada si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka. Source: goobjoog.com
  6. The Somali Women’s Association in Mogadishu has urged President Hassan Sheikh Mohamud to abandon his “loo joojin mayo” (“staying the course”) policy. Mogadishu (PP Editorial) — Now that the political crisis into which the incumbent Federal Government of Somalia plunged the country two years before the end of its tenure is escalating, the need for a caretaker government is becoming politically inevitable. The predecessor federal administration proposed a one-person, one-vote election in 2020, a year before the end of its tenure, but in the absence of consensus, its mandate was extended by the bicameral legislature in 2021. The opposition challenged the decision by forming Badbaado Qaran (“Salvation Force”), comprising militias in Mogadishu. The split between former President Mohamed Abdullahi Farmaajo and his Prime Minister Mohamed Hussein Roble averted conflict in 2021. The federal government remained in power for another year, albeit with reduced executive powers. In 2024, the possibility of averting a political crisis diminished under President Hassan Sheikh Mohamud, who appointed a pliant Prime Minister now waging war against Jubaland State, the federal member state he represents as an MP. Disagreement over the electoral model has reduced the legitimacy of the incumbent federal government. In the absence of countervailing political forces, the risk of politically motivated conflict precipitating state collapse cannot be discounted. Sharif Sheikh Ahmed, a former president, Hassan Ali Khaire, a former prime minister, and Abdirahman Abdishakur, a former presidential candidate, have called on President Hassan Sheikh Mohamud to respect the federal provisional constitution and not seek term extension through a manufactured political crisis. Somalia, a country dependent on peacekeeping forces and donors’ generosity, has historically resolved political disagreements through consensus. President Hassan Sheikh Mohamud seems to misunderstand the limited political legitimacy he enjoys as a leader, resorting to actions that undermine state-building efforts. The Somali Women’s Association in Mogadishu has urged President Mohamud to abandon his “loo joojin mayo” (“staying the course”) policy. This timely advice is worth heeding. © Puntland Post, 2024 The post The Risk of State Collapse Looms in Somalia appeared first on Puntland Post.
  7. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Mudane Abdullah Salem Al Nuaimi. Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada qalabka sida, horumarinta adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka. Dhankiisa, Danjire Abdullah, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  8. Wakaaladda rasmiga ah ee Suuriya (SANA) ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay u suurtagashay inay la wareegaan amniga magaalada Xamaa. Ciidanka ayaa inta badan ka saaray Magaalada xoogagga mucaaradka isla markaana waxa ay burburiyeen gawaaridooda. SNA waxay baahisay in milateriga ay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah xoogaggaas ee waqooyiga dalka. Kooxda ayaa dhawaan qabsatay magaaladaan muhiimka ah. Kooxda la socota xuquuqda aadanaha Suuriya, oo fadhigeedu yahay UK, ayaa sheegtay in kooxd Hayat Tahrir al-sham iyo kooxo kale ay ku guul dareysteen inay la wareegaan Jabal Zain al-Abidin oo u dhow magaalada Xamaa. Source: goobjoog.com
  9. Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2025. Qoraal ka soo baxay Baarlamaanka Puntland ayaa lagu sheegay in xildhibaannadu cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2025 oo dhan $466,840,762 oo dollar. Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 49 mudane, waxaa ansixinta Miisaaniyadda u codeeyay 47 xilhibaan, halka ay ka aamuseen 2 mudane, islamarkaana ma jirim cid diiday, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Baarlamaanka. “Xildhibaannada ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyey 47 Xildhibaan, Diidmo 0, Aamus 2, sidaas ayeyna ansax ku noqotay Miisaaniyadda Dawladda sannadka 2025, taasoo noqonaysa wadarta guud $466,840,762” ayaa lagu yiri qoraalka. Miisaaniyadda 2025, waxay korortay 18% marka la barbardhigo sannadkan 2024, iyadoo lagu qiimaynayo Kharashka u kala qoondaysan hay’adaha dowladda ee kala ah; Hay’adaha Adeegga maamulka, amniga, cadaaladda, dhaqaalaha iyo Hay’adaha adeegga Bulshada. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2025 appeared first on Puntland Post.
  10. Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay wararka sheegaya inay khadka taleefoonka ah ku wada-hadleen hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye iyo madaxweynaha la doortay ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro). SSC ayaa beenisay wada-hadalkaas oo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, kadib markii la shaaciyay inay labada dhinac ka wada-hadleen xiisadda dhexdooda ah. Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in hoggaamiyaha SSC loo dhaariyay axdiga maamulka iyo difaaca dadka iyo dhulka Khaatumo, isla markaana aanu suuragal ahayn inuu galo gorgorton siyaasadeed. Khaatumo ayaa gebi ahaan meesha ka saartay inuu dhici karo wada-hadal labada dhinac ah, iyada oo Somaliland ku eedeysay inay dambiyo ka gashay dadka SSC. “Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo waxaa lagu dhaariyey Axdiga Maamulka oo damaanad qaadaya ilaalinta difaaca sharafka dadka iyo dhulka SSC-Khaatumo oo dhan, ma na jirto suurtagalnimo wadahadal iyo gorgortan looga geli karo qayb kamida dhulka SSC-khaatumo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay maamulka. Hoose akhriso qoraalka oo dhammeystiran:- FAAFIN DEGDEG AH: BEENIN WAR AAN SAL IYO RAAD LAHAYN Waxaa qaar kamid ah saxaafadda deegaanku warisay in Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ay khadka taleefanka ku wada xidhiidheen Horjoogaha cusub ee Soomaliland oo ay ka wada hadleen arrinta Ceerigaabo. Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu si buuxda u beeninayaa jiritaanka warkaas aan salka iyo raadka toonna lahayn oo ay faafiyeen xubno cadawga u shaqaynaya. Maamulku wuxuu laamaha Sharciga la wadaagay baadhitaanka iyo caddaalad horkeennidda ku aaddan cidkasta oo ku lug leh faafinta wararka lidka iyo dacaayadda ku ah jiritaanka Maamulka Ssc-Khaatumo. Ma jiro, mana jiri doono xidhiidh toos ah iyo mid dadban oo dhex mari kara SSC-khaatumo iyo Maamulka dhiigyacabka ah ee Soomaliland oo ah maamul daalim ah oo dadka reer SSC-Khaatumo ka galay danbiyo dagaal. Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo waxaa lagu dhaariyey Axdiga Maamulka oo damaanad qaadaya ilaalinta difaaca sharafka dadka iyo dhulka SSC-Khaatumo oo dhan, ma na jirto suurtagalnimo wadahadal iyo gorgortan looga geli karo qayb kamida dhulka SSC-khaatumo. Maamulku SSC-Khaatumo wuxuu u taaganyahay difaaca taako kasta oo kamida ah dhulweynahiisa taasoo waafaqsan halgankii shacabka deegaanku soo galeen kuna guulaysteen iyo sidoo kale mabaadi’da tiirarka u ah Jiritaanka Maamulka SSC-Khaatumo. DHAMMAAD
  11. Saraakiil horay uga tirsanaa daraawiishta maamulka Jubbaland oo hadda kamid ah ciidanka xoogga dalka ee jooga deegaanka Raaskaanbooni ayaa sheegay inaanay u socan weerar ka dhan ah maamulka Jubbaland ee ay u diyaar garoobayaan sidii ay Alshabaab ula dagaalami lahaayeen, islamarkaana ula wareegi lahaayeen dhulka ay ka baxayso ATMIS . Saraakiishan ayaa farriin u diray dadweynaha magaalada Kismaayo iyo ciimadamada daaraawiishta Jubbaland, ayagoo sheegay in magaaladaas aysan cidna weerar ku ahayn, ayaguna ay degganyihiin oo aanay qoysaskooda iyo shacabka Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan dhib iyo colaad u quurayn. Hadalka saraakiishan ayaa ku soo beegmaya xilli madaxda dowlad goboleedka Jubbaland ay sheegeen dowladda Soomaaliya ay weerar ku tahay, islamarkaana ay si adag isaga caabin doonaan, waxa ay ugu yeereen burburinta maamulkooda. Source: goobjoog.com
  12. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo war-murtiyeed wadajir ah soo saaray ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aaddan hannaanka doorashada aan heshiiska lagu ahayn ee Villa Somalia waddo. “Madaxweyne Xasan wuxuu talada dalka la wareegay iyadoo uu dalku leeyahay dastuur la isku raacsan yahay, xeerka doorasho iyo xisbiyada, iyo guddi doorasho. Wuxuu beddelay dastuurkii dalka, wuxuu samaystay xeerar doorasho iyo kuwo xisbi, wuxuu magacawday guddi doorasho oo dhammaantood lagu jaangooyay rabitaankiisa shakhsiga ah” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka wadajirka ah, oo ay soo saareen Sheekh Shariif, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Xeerarka doorashooyinka iyo xisbiyada, iyo guddiga doorashada ee Madaxweynuhu magacaawday waxay ku dhisan yihiin dastuurkii sida sharcidarrada ah loo baddelay, wax kasta oo baadil lagu dhisayna waa baadil, hal xaaraan ahna nirig xalaal ah ma dhasho” ayay sii raaciyeen War-murtiyeedkooda, waxaana ay ka digeen in hannaanka doorasho ee aan heshiiska lagu ahayn uu dalka u horseedo xasilooni-darro siyaasadeed iyo qalalaase amni. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sidoo kale ku wargeliyay saamileyda siyaasaddda iyo saaxibada daneeya arrimaha Soomaaliya in aysan aqoonsanayn guddiga doorashooyinka iyo Xeerarka doorashada ee ay samaysay Villa Somalia waxaana ay ka digeen in aan lagu kadsoomin. Halkaan ka akhriso War-murtiyeedkooda PUNTLAND POST The post Sheekh Shariif, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo caddeeyay mowqifkooda doorashada qof iyo cod ee Villa Somalia waddo appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdirashakuur Warsame ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka. Siyaasiyiintan oo hadda mucaarad ah ayaa si weyn uga horyimid qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aadan qabashada doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay haatan ku howlan tahay dowladda federaalka, iyaga oo mar kale ku celiyay go’aankooda diidmada ah. Shariif, Khayre iyo Warsame ayaa sidoo kale madaxweynaha ku eedeeyay inuu beddalay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, isla markaana uu sameystay xeerar doorasho oo u gaar ah. Waxaa kale oo ay tilmaameen in guddiga doorashada la magacaabay lagu saleeyay rabitaanka shaqsiga ah ee madaxweynaha, sida ay hadalka u dhigeen. “Madaxweyne Xasan wuxuu talada dalka la wareegay iyadoo uu dalku leeyahay dastuur la isku raacsan yahay, xeerka doorasho iyo xisbiyada, iyo guddi doorasho. Wuxuu beddelay dastuurkii dalka, wuxuu samaystay xeerar doorasho iyo kuwo xisbi, wuxuu magacawday guddi doorasho oo dhammaantood lagu jaangooyay rabitaankiisa shakhsiga ah. Sidoo kale waxa ay qaadaceen gebi ahaan xeerarka doorashooyinka iyo guddiga la magacaabay ee uu ansixiyay baarlamaanka, iyaga oo go’aankooda la wadaagay beesha caalamka. “Haddaba waxaan shacabka Soomaaliyeed, saamileyda kale ee siyaasaddda iyo saaxibada daneeya arrimaha Soomaaliya waxaan la socodsiineynaa in aan qaadacnay guddira, xeerarka doorashada iyo kan xisbiyada, waxaana uga digeynaa inay ku kadsoomaan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada haatan ay guddoon cusub doorteen xubnaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan oo dhawaan ay meel-mariyeen labada Gole.
  14. Mogadishu (HOL) — Somali security forces in Southwest State have captured a senior Al-Shabaab financial operative in Buur Hakaba district, Bay region, dealing a critical blow to the militant group's funding network in one of its strongholds. Source: Hiiraan Online
  15. Mogadishu (HOL) — Piracy off the Somali coast, once quelled by international naval patrols, is resurging as global maritime traffic shifts eastward due to Red Sea conflicts, according to a report by Skuld, a leading global marine insurance provider. Source: Hiiraan Online
  16. Somali security forces have killed at least 304 al-Shabaab terrorists in an operation against the al-Qaeda-affiliated group in the last two months, according to officials on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  17. Beledxaawo (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Jubbaland, Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo haatan ku sugan gobolka Gedo ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Jubbaland. Ugu horreyn Yuusuf Dhuumaal ayaa ka hadlay wararka sheegaya inuu isku dhiibayo dowladda federaalka, kadib markii ay soo baxday in la hareeyay, wuxuuna meesha ka saaray wararkaasi oo uu tilmaamay inay faafiyeen dan leh dano gaar ah Dhuumaal ayaa arrinta qaboojiyay, wuxuuna tilmaamay in dowladda Soomaaliyeed aan laga xigin, isagana uu yahay mas’uul qaranka u shaqeynaya oo gobolka jooga. “Dhuumaal waa la hareereeyey Dhuumaal waa isdhiibayaa, dadka Soomaaliyeed dowladnimadooda waa xigsanayaan eyguna waa iska ciyayayaa waa kuwii oo weliba Facebook helay, waayo isku dhiibaayo Qarankii anigaa ah gobolkanna anigaa ka soo jeeda,” ayuu yiri Wasiir Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal). Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale uu Dhuumaal ka jeediyay Kismaayo, isla-markaana uu ugu jawaabay wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, isaga oo markaas ka horyimid tallaabooyinka dowladda ee la xiriira Jubbaland. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli ay kacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland ee ka dhalatay dib u doorashadii Axmed Madoobe. Labada dhinac ayaa haatan isla aaday jidaha dagaalka, kadib markii ay dowladda dhexe ciidamo ku daabushay deegaannada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.
  18. Jigjiga (HOL) — In Ethiopia’s arid Somali region, a Dutch-funded initiative is empowering women-led co-operatives and creating sustainable livelihoods for displaced and host communities alike. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (HOL) — Relations between Djibouti and Somaliland appear to be thawing as a senior delegation from Somaliland visited Djibouti this week to ease years of diplomatic strain. Source: Hiiraan Online
  20. Despite the release of U.S. Strategy Toward Sub-Saharan Africa in August 2022, the continent of about 1.4 billion people has reaped few tangible "security dividends" as promised. Instead, it witnessed a shift of the "global terrorism epicenter" into the Sahel region. Source: Hiiraan Online
  21. Allaha unaxariistee waxaa dhowaan dalka Turkiga ku geeriyooday Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ahaa xubin ka tirsan golaha aqalka sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana hore u soo noqday madaxweyne ku xegeenka dowlad goboleedka Puntland. Senator gaagaab Allaha u naxariistee wuxuu sanator wuxuu sanadkii 1944-tii ku dhashay deegaanka godob-jiiraan ee gobolka Nugaal, wuxuuna waxbarashadiisa aas-aasigaa ku qaatay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Sanadkii 1965-tii ayuu ka baxay dugsiga sare ee Jamaal Cabdinaasir ama “Allaahida” oo ku yaallay aagga madaxtooyada dalka ee Villa Soomaaliya, isla sanadkaas ayay asaga iyo 11 arday oo kale deeq waxbarasho ka heleen dalka Jarmalka, halkaas oo uu ka soo bartay cilmiga sharciga iyo Qaanuunka. Isla dalkaas jarmalka ayuu ku diyaariyay shahaadooyinka Master-ka iyo PHD-ga, asagoo bartay maaddooyinka falsafadda iyo sharciga caalamiga ah, wuxuuna ka shaqo billaabay isla jaamacaddii uu ka baxay, asago noqday bare kaaliye ama caawiyaha macallinka. Sanadkii 1975-tii ayuu dalka ku soo laabtay, muddo kooban oo uu dugsiga xalane tababar ku qaatay ka dibna wuxuu ka shaqo billaabay maxkamadda sare ee dalka, balse sanad ka dib oo ku beegnayd 1976-dii ayuu ku biiray xisbigii Hant-wadaagga kacaanka Soomaaliyeed oo markaas la aas-aasay. Sanadkii 1977-dii intii uu socda dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya Senator gaagaab wuxuu ahaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan, ka dibna wuxuu bare ka noqday jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuliyadda qeynuunka. 1978-dii markii uu dhacay afgembigii dhicisoobay ee laysku dayay in xilka looga tuuro madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, senator gaagaab wuxuu kamid ahaa dadkii loogu shakiyay inay falkaas wax ka ogaayeen, ka dibna xabsiga ayaa loo taxaabay, asagoo muddo 7 sano ah xirnaa. Xabsiga markii uu ka soo baxay wuxuu ku noqday jaamacadda Ummadda, wuxuuna ka shaqaynayay isla kulliyadda qaanuunka oo uu horay uga howl-galayay, asagoo sidoo kale xubin ka ahaa xisbiga Hanti-wadaagga, waxayna xilligaa soo saari jireen wargeyskii caanka ahaa ee “Ogaal”. Burburkii ka dib wuxuu u qaxay dalka Denmark, muddo kooban ka dibna wuxuu ku soo noqday dalka, asagoo ka mid ahaa aas-aaseyaashi Puntland, wuxuuna maamulkaas ka soo qabtay xilal uu ka mid ahaa madaxweyne ku-xegeen, wasiir maaliyadeed, iyo xildhibaan golaha wakiillada ah. Allaha u naxariistee Senator gaagaab intii aanu geeriyoon wuxuu xubin firfircoon ka ahaa golaha aqalka sare, asagoo doorashadii sanadkii 2022 ahaa ninkii ugu da’da weynaa senatorrada ee kusimaha guddoonka ahaa intaan la dooran guddoomiyaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Source: goobjoog.com
  22. Hargeisa (HOL) — Somaliland's President-elect Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro has reportedly thrown his weight behind an ambitious agreement between Somaliland and Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamxa Cabdi Barre ayaa sheegay in sababta Dowladda Federaalka ah ay ciidamada u gaysay deegaanada ka tirsan kuwa Jubaland ay tahay in ciidmada ATMIS ay kala wareegaan amniga sidoo kalana codsi uu uga yimid dadka deegaanka oo u baahday in gacan laga siiyo dhanka amaanka. Ra’iisul wasaaraha aya sheegay in tira ka badan 25 goobood oo ay ATMIS ka baxday oo tiradoodu gaarayaan 7 kun oo askari ay horey ula wareegeen ciidamada dowladda. “Dowladdu waxay ciidamo kooban oo loogu talagalay inay la wareegaan deegaanadii ay ATMIS ka baxeen oo ay amnigooda u sugaan ayaan halkaasi ugu dirnay,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza. Xamza ayaa sidoo kale sheegay in “ciidamadaas Kismaayo looga arkay sidii ciidamo dal shisheeye ku soo duulay” isagaoo ku ammaanay ciidamada Jubaland in ay iska diideen in ay la dagaallamaan kuwa dowladda, sida uu hadalka u dhigay. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dalku uu yahay dal qura, ciidamada xooggana aanay jirin meel ka mamnuuc ah, iyagana uu waajib ka saaran yahay difaaca dalka. “Waxaa waajib ka saaranyahay in ay xuduudaha sugaan dastuuriyanna dastuurka ayaa faraya,“ ayuu yiri Xamza, isagoo intaas ku daray in Qarannimada Soomaaliya ay saldhig u tahay ciidankooda. Ra’iisul wasaaraha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in ciidmadii la tababary oo ku faanayey in uu dalkiisa iyo dadkiisa uu difaacayo in dad mas’uuliyiin sheeganaya ay dadka ugu baaqaan in lala dagaallamo kuna tilmaamaan in uu caddow yahay, in uu soo galooti yahay iyo in uusan dalka lahayn. Xamza Ra’iisulwasaaraha ayaa ku baaqay in dalkan uu baahanyahy dowladnimo ku dhisan nabad iyo walaaltinimo.
  24. baarlamaanka dalka Kuuriyada Koofureed ayaa ku baaqay in xil laga xayuubiyo madaxweyne Yoon Suk Yeol, ka dib markii uu Talaadadi shalay ku dhawaaqay sharciga dagaalka loo adeegsado ee martial law, kaas oo uu marki danbe dib uga laabtay. Soo saarista sharciga dagaalka ee martial law, ayaa dhalisay xasaraddii ugu weyneyd ee siyaasadeed ee muddo tobnaan sano ah ka dhacda dalka afraad ee dhaqaalah weyn qaaradda Aasiya. ilaa 190 mudane oo xarunta baarlamaanka xoog ku galay kaddib marki ay jiireen mallatariga ayaa dhammaan cod isku mid ah ku diiday, shacdiga martial law-ga ee uu soo rogay madaxweyne Yoon. Xildhibaanadaasi ayaa waxaa ku jiray 18 ka mid ah xisbiga madaxweyne Yoon. Waxaa sidoo kale guud ahaan Kuuriyada Koofureed gilgilay bannaanbaxyo waaweyn oo ay dadka ku diideen tallaabada uu qaaday madaxweynaha. Madaxweyne Yoon Suk Yeol, ayaa khudbad laga baahiyay telafishanka qaranka ku sheegay, in uu soo saaray sharciga dagaalka loo adeegsado, si uu dalkiisa uga difaaco dalka dariska la ah ee Waqooyiga Kuuriya oo ah dal ku hubeysan niyukleer, shakhsiyaadka diidan qarannimada Kuuriyada iyo in uu ilaaliyo dastuurka dalkiisa. Cadaadiskaasi kaddib, ayuu madaxweynaha Kuuriyada Koofureed ka laabtay go’aankiisa. Source: goobjoog.com
  25. Xisbiga Mucaaridka ah ee Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag u cambaareeyay bara-kicin uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso qoysaska danyarta ah ee Muqdisho. Xisbiga Himilo Qaran ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ku khasbeen kumanaan shacab ah in ay si xoog ah uga bara-kiciyaan dhulkii ay mudada ku noolaayeen, kuwaasi oo ay u danbeeyeen qoysas laga bara-kiciyay Xero Kalluun. Warsaxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Mucaaridka ah ee Himilo Qaran ayuu sidoo kale ku sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay si ka baxsan bini’aadanimada ula dhaqantay shacabkii la bara-kiciyay, islamarkaana aysan u samayn wax dib u dejin ah. Xisbiga Himilo Qaran wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyay sida loo maareeyay dhulkii laga bara-kiciyay danyarta oo uu tilmaamay in madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ku sameeyeen musuq maasuq iyo eex ku dhisan dano shakhsiyeed. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Xisbiga Himilo Qaran oo Villa Somalia ku eedeeyay in ay si bini’aadanimada ka baxsan u bara-kicisay danyartii Muqdisho appeared first on Puntland Post.