-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Doolow (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay haatan xayiraad dhanka hawada ah kusoo rogtay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo oo haatan laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo. Amar la sheegay inuu kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu joojiyay dhammaan duulimaadyadii tagi jiray garoomada Doolow iyo Baardheere, halkaas oo ay kamid ah meelaha laga dareemayo dhaq-dhaaqyada u dhexeeya dowladda iyo Jubbaland. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in amarkan toos loola wadaagay shirkadaha duulimaadyada oo laga mamnuucay inay diyaaradahooda ka dagaan halkaasi. Sida ay ogaatay Caasimada Online, sababta ugu wayn ayaa ah in dowladda ay rabto inay ka hortegto dhaqaqaaqa Jubbaland ay ka wado degmooyinkaasi, kuwaas oo ay hoggaaminayaan madaxweyne ku xuigeenka koowaad Maxamuud Sayid Aadan iyo wasiirka amniga maamulkaasi oo haatan ku sugan degmada Doolow. Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa haatan si weyn isku hayo, waxaana hadda xiisadda ay u weecatay gobolka Gedo oo ay ku hardamayaal labada dhinac. Si kastaba, ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkan ayaa isku fidinayo degmooyin horleh, waxaana kamid ah Baardheere, Garabahaarey, Beledxaawo iyo deegaano kale.
-
Hargeisa, (Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, Mudane Eng Cabdiraxmaan Daahir Adam ayaa kulankii ugu horreeyey la qaatay Agaasime Waaxeedyadda Wasaaradda, kulankaas oo daaranaa isbarasho iyo soo dhaweyn, iyada oo uu kulankaas Wasiirka ku weheliyey, Agaasimaha Guud ee WAD&IC ee JSL, mudane Ahmed Abokor Mohamed. Qaran News
-
President Deni: “Having a Puntland-specific currency does not mean Puntland is withdrawing from the Union. We have waited far too long for the Federal Government to print Somali shillings.” Garowe (PP News Desk) — The President of Puntland State of Somalia, Said Abdullahi Deni, has today unveiled plans for launching a separate currency for Puntland. “I urge Puntland State Bank experts to adhere to global monetary rules and carry out an in-depth research for launching a currency for Puntland State of Somalia. Having a Puntland-specific currency does not mean Puntland is withdrawing from the Union. We have waited far too long for the Federal Government to print Somali shillings. Until political stability is restored nationwide, Puntland aims to use its own currency,” said President Deni. Puntland State of Somalia has used its own Somali shilling, printed several times since 1998 when the first autonomous post-1991 Somali administration was established. No Somali shilling has been printed by a Mogadishu-based government since 1991. The US dollar remains the predominant currency for transactions throughout Somalia. President Deni inherited an unstable exchange regime due to currency printed in Puntland before 2009. In 2021, his administration appointed a high-level committee, chaired by former Puntland President Abdirahman Farole, to address the exchange rate crisis. The Puntland government has since been praised for stabilising the exchange rate. © Puntland Post, 2024 The post Puntland Unveils Plans for Own Currency Amid Federal Stalemate appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa ku dhowaaqay go’aan culus oo sii fogeyn kara maamulkaasi, xilli ay haatan taagan tahay xiisad kala dhexeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Saciid Deni ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay bilowday qorshe gaar u ah oo ay ku sameysaneyo lacag, taas oo uu tilmaamay inay la jaan qaadi doonto nidaamka maaliyadda Soomaaliya. Madaxweynaha Puntland ayaa xusay inay u dhaqmi doonaan sida waddamada kale ee leh nidaamka federaalka oo uu tilmaamay in qaarkood ay leeyihiin lacago u gooni ah. “Dowladda Puntland waxay bilowday daraasada sameynta Lacag u gaar ah Puntland, sida wadamada Federaalka adduunka qaar ka mid ah u leeyihiin, Lacagtaasi oo mustaqbalka la jaan qaadi doonta nidaamka Maaliyadda Soomaaliya marka miyirka iyo Maskaxdu soo noqoto” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay dowladda dhexe inay ka gaabisay sameynta lacag cusub, balse ay hadda iyagu tashan doonaan, haddii aan la helin lacag cusub oo uu yeesho dalka. Puntland ayaa horay u qaadatay go’aanno ka dhan ah dowladda federaalka, waxaana ugu dambeeyay in dhowaan ay ku dhowaaqday in xiriirkii u jartay dowladda dhexe, ayna u dhaqmeyso si madax banaan, kadib khilaaf soo kala dhex-galay Deni iyo Xasan Sheekh. Khilaafka ayaa weli halkiisii ah, waxaana Puntland ay ka maqan tahay shirarka golaha wadatashiga qaranka oo lagu gaaray go’aanno xasaasi ah sida doorashooyin qof iyo cod ah.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) wuxuu maanta oo ay bishu tahay 21.12.2024 kulan ballaadhan Xarunta Madaxtooyada kula qaatay Guddoomiyeyaasha iyo Hoggaanada Saddexda Xisbi Qaran ee WADDANI, KAAH iyo KULMIYE. Madaxweynuhu wuxuu Saddexda Xisbi Qaran uga mahad naqay inay ajiibeen kulanka uu ugu yeedhay, isaga oo 3’da Xisbi Qaran ugu hambalyeeyay guushii ay Xisbiyo ahaan ka soo hooyeen doorashooyinkii ka dhacay dalka, iyagoo ahaan doona Xisbiyada Qaranka ee 10-ka sanno oo socda. Madaxweynuhu wuxuu hoggaanka saddexda Xisbi u sheegay in la kulanka iyo xog warranka Xisbiyada Qaranku uu noqon doono mid ay Xukuumaddiisu joogtayn doonto si wada tashi buuxa looga yeesho arrimaha Qaranka mudnaanta u leh iyo kolba wixii soo kordha ee u baahan in laga wada tashado. Madaxweynuhu wuxuu Xisbiyada Qaranka u sheegay in ay qayb ka yihiin talada Qaranka, wuxuuna u ballan qaaday in uu si toos ah ula socdsiin doono kolba wixii Qaranka ku soo kordha. Intaa kadib, Madaxweynuhu wuxuu Guddoomiyeyaasha iyo Hoggaanada Saddexda Xisbi Qaran si qoto dheer ugaga xog warramay guud ahaannba arrimaha amni ee dalka, gaar ahaan colaadaha ka aloosan Degmada Ceerigaabo. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Xukuumadiisu aanay ahayn mid dadkeeda kula jirta dagaal, balse ay tahay waajib Dastuuriya in dalka laga difaaco cadow kasta oo isu soo bahaysta, Ciidamada Qarankuna ay amar buuxa ku qabaan in ay difaacaan dalka iyo dadkaba. Dhinaca kale, Madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi wuxuu mar kale gogol nabadeed oo aan shuruud lahayn ugu baaqay cid kasta oo ku lug leh colaadaha ka aloosan bariga gobolka Sool iyo Degmada Ceerigaabo. Intaa kadib, waxa hadalka la wareegay labada Xisbi Mucaarid ee Qaranka KAAH iyo KULMIYE waxayna Madaxweynaha si milgo leh ugaga mahad naqeen kulanka wada-tashi ee uu ugu yeedhay Xisbiyada Qaranka, waxayna sheegeen in tallaabadan uu qaaday Madaxweynuhu tahay mid u adeegaysa danaha Qaranka JSL. Labada Xisbi Mucaarid waxay ballan qaadeen in ay Madaxweynaha iyo Xukuumadiisaba si dhaw ula shaqayn doonnaan, xag Amni, xag Dhaqaale iyo xagga midaynta ummadda Somaliland. Labada Xisbi Mucaarid waxay Madaxweynaha u soo jeediyeen talooyin waayeelnimo oo dhaxal-gal ah oo la xidhiidha xaaladaha Amni ee dalka iyo sidii loo maarayn lahaa colaadaha haatan taagan. Sidoo kale, labada Xisbi Mucaarid waxay Madaxweynaha u ballan qaadeen in ay dhankooda Xukuumadda kala shaqayn doonaan wacyigelinta iyo kobcinta garaadka bulshada, midaynta ummadda iyo la dagaallanka propagandada iyo hadallada naxliga leh ee lagu kala qaybinayo Bulshada JSL. Labada Xisbi Mucaarid waxay Madaxweynaha kula taliyeen in la kobciyo lana awoodeeyo Xisbiyada Siyaasadda ee Qaranka iyo hannaanka dimuqraadiga, taasoo suurto gelin doonta kobcinta aragtida iyo garaadka bulshada iyo in si wadajir ah loola dagaallamo Qabyaaladda iyo kala qaybinta bulshada JSL. Ugu dambayntii, waxa kulanka hadal kooban ka soo jeediyey Hoggaanka sare ee Xisbal Xaakimka WADDANI, waxayna sheegeen in ay labada Xisbi Mucaarid la qabaan, lana qaateen dhammaan arrimaha ay kulanka kaga hadleen. Xisbal Xaakimka WADDANI wuxuu soo jeediyey ka wada shaqaynta arrimaha mudnaanta u leh Qaranka, gaar ahaan sidii talo Qaran looga yeelan lahaa xasilinta shaqaaqooyinka ka taagan Degmada Ceerigaabo iyo Baiga Sool. Kulankan oo ahaa mid Qaranka u laahaa muhimmad weyn waxa soo xidhay Madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi, wuxuuna mar labaad Saddexda Xisbi Qaran uga mahad naqay ka soo qayb-galkooda, kulankaasina wuxuu ku dhammaaday Guul iyo Gobannimo ALLAA MAHAD LEH Mudane Xuseen Aadan Cige (Deyr) Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Qaran News
-
AQOiejAF9FYQXhEEYA7-NfoL1H-ZvLWtCceYdp8Bs_pgAUBEu-QVdtwZepT0Cf-lEr5rUwLOA-L1OOUBRqWkjfp1 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan qaaday tallaabo culus oo ay uga hortageyso ololaha ay Somaliland aqoonsiga uga raadineyso dowladda Mareykanka, si gebi ahaanba meesha looga saaro qorshaha hadda socda. Tallaabadan deg-degga ah ee ay qaaday dowladda ayaa waxaa hormuud u ah safaaradda Soomaaliya ee Washington oo bilowday qorshe ay uga hortageyso aqoonsiga Somaliland. Safaaradda ayaa lagu soo warramayaa in ay heshiis la saxiixatay mid kamid ah shirkadaha ugu waa weyn ee ka shaqeeya u qareemidda iyo u ololaynta Maraykanka, iyadoo ujeedadu yahay in la taageero dadaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah aqoonsiga madax bannaanida Somaliland. Sida uu daabacay Wargeyska The Africa Report, shirkadda heshiiska lala galay oo lagu magacaabo BGR ayaa qandaraas ku qaadatay lacag dhan $600,000 muddo 12 bilood ah, si ay saamayn ugu yeelato go’aannada sharciyeed ee Maraykanka ee la xiriira arrinta aqoonsiga Somaliland. Shirkaddan ayaa sidoo kale ka shaqeyn doonto wanaajinta cilaaqaadka dowladda federaalka kala dhexeeya maamulka cusub ee madaxweyne Donald Trump. Wargeyska oo sidoo kale soo xigtay safaaradda Soomaaliya ayaau sheegtay in haatan uu wanaagsan yahay xiriirka u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka, ayna ka wada shaqeeyaan arrimo muhiim ah oo ay ugu horreyso la dagaallanka argagixisada. “Waxaan sii wadeynaa inaan ka wada shaqeyno la dagaalanka argagixisada iyo arrimaha kale ee muhiimka ah ee amniga. Waxaan sidoo kale doonaynaa inaan ballaarinno iskaashiga dhaqaale iyo xiriirka labada dhinacba,” ayay safaaraddu u sheegtay The Africa Report. Ololaha ay Somaliland ictiraafka uga dooneyso Mareykanka ayaa waxaa horkacaya xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la yirahdo Scott Perry, kaas oo aqalka horgeeyay xeer cusub oo u ololaynaya in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan. Hindise sharciyeedka oo tirsigiisu yahay 10402 waxa uu hoosta ka xariiqayaa xasiloonida Somaliland ee tobanaanka sano socotay, ka go’naanta dimuqraadiyadda, iyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee Geeska Afrika oo ah sababaha ugu muhiimsan ee aqoonsiga Maraykanka. Waxaa kale oo uu sharcigu soo jeedinayaa in Maraykanku si rasmi ah ugu aqoonsado Somaliland dal gooni ah oo ka madax-bannaan Soomaaliya.
-
Mujahidintii iyo Baabuurtodii aan ka Dirnay Djibouti Una Dirnay SNM Dagalkii Buuraha Dabadii 1985 Mudadii uu ururkii SNM dagaalka kula jiray dawladii kalitaliska ahayd ee Soomaaliya ee uu hogoominayay Siyaad Barre, dadka reer Jabuuti iyo dawladooduba waxay caawiyeen dadkii reer Somaliland. Dad badan oo reer Somaliland ah oo aan ka mid ahaa ayaa ganacsi midho dhal ah ka samaystay wadankaasi DJabuuti. Maalmahaasi iyo sanadaadaasi madaw Jabuuti may ahayn oo kaliya albaab u furan dadka Somaliland ku nool oo qudha ee waxa kale oo ay albaab u ahayd Mujaahidiintii SNM ee xaruntoodu ahayd Itoobiya. Maal badan ayay dadkii reer Somaliland ee laajiga ku ahaa Jabuuti u ururiyeen iyagoo markaasina ku dedaalay sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen Dawlada Jabouti inay taageero siiso urukii SNM. SNM waxay gudo gashay weerar wayn bishii Oktober 1984kii weerarkaasi oo loo yaqaanay “Dagaalkii Buuraha”. Waa xaqiiq in dagaalyahano badan oo SNM ahaa ay ku naf waayeen dagaalkaasi, laakiin kalidii taliyihii awooda badnaa ayaa kumaan kun oo ciidamadiisa ah ku waayay dagaalkaasi, intii soo hadhayna way ka niyad jabeen inay la sii dagaalamaan SNM. Dagaalkaasi waxa uu dhisay niyadii iyo rajadii SNM waxaanu fursad u siiyay in SNM ay ka hesho khibrad khasaarahaasi wayn, inay si xoog ah isu urursadaan iyo inay xidhiidh la sameeyaan dadka reer Somaliland iyagoo ku guulaystay taageeradooda. Haseyeeshee wakhtigaasi SNM waxay ku jirtay tababar manayna haysan wax hub oo culus iyo gaadiid ah. Dagaalkaasi SNM waxay isticmaaleen lugahooda taasi oo ay ku galeen dalka gudihiisa. Tani waxay ahayd arin aad u adag inay ku dhiiradaan. Hadaanu nahay kooxdii SNM ee joogtay Djibouti, waxaanu door wayn ku lahayn hawlgaladii SNM ee lagula dirirayay dawladii kalitaliska ahayd. Waxaanu maal iyo maskaxba gelinay hawladgaladii SNM gaar ahaan dhanka taakulaynta maaliyada iyo agabka kale ee ururku u baahnaa si uu u fuliyo hawlgaladii ka dhanka dawladii kacaanka. Bishii January ee sanadkii 1985, ayaa waxaa warqad deg deg ah aan ka helnay Mujaahid Colonel Aadan Shiine AHUN oo ahaa wasiirka ciidamada ee SNM. Mujaahid Colonel Aadan Shiine waxa uu warqada nosoo qoray ku sheegay in ay deg deg ugu baahan yihiin gawaadhida xamuulka ah si hawlgaladoodu u guulaystaan. Waxa kale oo uu ku xusay warqada in baahida gawaadhida ay xaqiiqsadeen kadib Dagaalka Buuraha (War of Mountains) ee ay la galeen ciidamadii dawladii kali taliska ahayd sanadkii 1984. Warqada waxaa Jabuuti iigu keenay Mujahid Xaaji Yaaxeen AHUN oo wakhtigaasi Jibuuti u yimid hawl caafimaad. Xaaji Yaaxeen intii uu ku sugnaa Jibouti, waxaa uu ila joogay gurigaya. Mudadaasi aan halganka ku jirnay ee aan Jabuuti ku sugnaa, waxaan kala xidhiidhi jirnay hawlaha SNM Mujaahid Colonel Aadan Shiine iyo Mujahid Colonel Abdillahi Askar – Ilaahay labadoodaba ha u naxariistee – iyo Mujahid Colonel Moxamed Kahin. Kadib markii aanu helnay warqada ka socota Colonel Aadan Shiine AHUN ayaanu isla markiiba bilaabnay inaanu ka hawlgalno sidii aanu u raadin lahayn uguna diri lahayn gawaadhi xamuul xaruntii SNM ee Itoobiya. Qofkii ugu horeeyay ee iga aqbalay inuu gaadhigiisa u talaabiyo Itoobiya oo uu u geeyo SNM wuxuu ahaa Mujaahid Haybe Ismaaciil Nuux (Haybe Jeeni) AHUN. Waxaa kale oo ku soo biiray oo aqbalay dalabkayagii ahaa inay gawaadhidooda ula talabaan Itoobiya oo SNM kula hawlgalaan 16 kale oo Mujaahid oo markaa ku sugnaa Jibouti. Waxaan ku guulaysanay bishii April ee sanadkii 1985 inuu si guul ah ku hirgalo hawlgalkaasi aanu gawaadhida ugu diraynay ururkii SNM oo markaa saldhigoodu ahaa Itoobiya waxaanan u dirnay 17 Mujuahid iyo baaburtoodi. Warqada waxa ii soo qoray Mujahid Aadan Shiine, xidhiidhka SNM-na waxaa noo hayay Maxamed Kaahin Axmed. Sidaas ayaanu ku geynay baabuurtaasi Diridhabe oo ay kaga qayb galeen halgankii SNM, arrintaana waxa naga caawisay Dawladda Jabuuti oo xiligaas uu adxweyne ka ahaa Alle ha u naxariistee Xasan Guuleed Abti-doon, waxaana si gaar ah arrintaa noo suurto galiyey Ismaaciil Cumar Geelle oo wakhtigaas haystay Intelligent-ka haddana ah madaxweynaha dalka Jabuuti .” Todoba iyo tobankii (17) mujaahid ee gawaadhidaa u talaabiyay Itoobiya si guul ahna ugu geeyay SNM waxay ahaayeen: 1. Haybe Ismaaciil Nuux (Haybe Jeeni) 2. Aadan Cumar Cali Dheriq 3. Gaaxnuug Axmed Faarah 4. Cumar Cabdi Dhidar 5. Cali Jaamac Naaleeye (Cali Gaab) 6. Yaasiin Ismaaciil (Yaasin Xagato) 7. Saleeban Aadan (Cadaani) 8. Daahir Muuse Cali (Ismahaan) 9. Maxamed Faarax Barre (Cagataar) 10. Kayd Xirsi Dari 11. Cabdi Sheekh 12. Maxamed Warsame Faarah (Guray) 13. Xusseen Cabdi Jiir (Ciiraale) 14. Jaamac Cabdalle 15. Maxamed Salaam Carabey 16. Xusseen Dhuun Dheere 17. Muuse Buuxsade Sanadkii 2006 ayaa mar aan Hargeysa imid, waxaan kulan Qado Sharaf yeelanay 7 ka mida 17kaa mujaahid anagoo wakhti fiicana wada qaadanay maalintaasi. Kulankaasi Qado Sharafka oo noogu qabsoomay hudheelka Xaraf ayaa waxaanu ka sheekaysanay sida hawlgalkaasi u dhacay. 17kaa mujaahid oo si geesimo leh hawlgalkaa u fuliyay waxaa hada ka nool intaan ogahay mujaahid Saleeban Aadan (Cadaani). Dhamaan intooda geeriyootay Allah (S.W.T) ha u naxariisto inta noolna Ilaahay cimri dherer iyo caafimaad ha siiyo. Gawaadhidaasi markay SNM heshay, waxay wax weyn ka tartay halgalnkii oo ay mooraalka iyo niyada mujaahidiinta kor u qaadey waxaana xusid mudan in hawlgalada SNM ay si xawli ah ku dhaqaaqeen. Waa ayaanba ayaan Allahu Akbar Wa Lilahi Hamd. Mujaahid Prof. Iid Cali Salaan Axmed Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ballaaran oo u dhexeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa xalay ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah. Madaxweynaha ayaa casho sharaf ku maamusay ganacsatada uu la kulmay, isaga oo ku boggaadiyey sida ay u doonayaan hirgelinta qorshaha Muqdishada cusub oo beddeli doonta muuqaalka caasimadda. Sidoo kale madaxweyne Xasan oo la hadlay ganacsatada ayaa tilmaamay in mashruucan wayn uu yahay mid dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed ay qayb muhiim ah ku yeelanayan, taas oo xaqiijinaysa in qorshahan uu noqdo mid Soomaali leedahay, oo berito ay ku faani karaan jiilasha soo socda. Waxaa kale oo uu ganacsatada uga mahad-celiyey kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin dalka, gaar ahaan doorka ay ka qaadanayaan kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka, iyo xoojinta nabadda. Sidoo kale wuxuu ku dhiirrigeliyey in ay si hagar la’aan ah u bixiyaan canshuurta, ugana qeyb qaataan dib u dhiska dalka iyo dadaallada ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya. Dhankooda ganacsatada ayaa ballanqaaday in ay kaalin weyn ku yeelanayaan mashaariicda qaranka, iyagoo ka duulaya qorsheyaasha lagu xoojinayo dib u dhiska iyo horumarka dhaqaale ee dalka. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda qorshayaal waa wayn oo horumarineed, isla markaana lagu dhisayo garoon diyaaradeed oo cusub iyo dekad laga hirgelinayo banaanka caasimada. Si kastaba, madaxweynaha ayaa maalmahan waday kulamo wadatashi ah oo uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo todobaadkii hore qaabilay aqoonyahannadii ka qayb-galay shirweynihii 15-aad ee Darasaadka Soomaaliyeed oo 35 kadib lagu qabtay magaalada Muqdisho.
-
Dowladda Puntland ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqday in ay bilowday diraasad ku saabaan samaynta lacag iyada u gaar ah. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa shaaciyay in sannadka 2025 Puntland yeelan doonto lacag iyada u gaar ah taasi oo ay haddaba socoto diraasad ku saabsan hirgelinteeda. “Dowladda Puntland waxay bilowday daraasada sameynta Lacag u gaar ah Puntland, sida wadamada Federaalka adduunka qaar ka mid ah u leeyihiin, Lacagtaasi oo mustaqbalka la jaan qaadi doonta nidaamka Maaliyadda Soomaaliya.” “Waxaan rajaynaynaa mudda gaaban oo inta 2025 lagu jiro haddii Ilaahay idmo in la helo lacag Puntland ay lee dahay, marka maanta go’aankaasi ayaa dowladdu waayadanba ka shaqaynaysay” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni. Halkaan ka daawo Hadalka Madaxweyne Deni PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ku dhawaaqday in ay samaysanayso lacag u gaar ah appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in mamulkiisu uu ku howlanyahay samaynta lacag u gaar ah, ka dib markii la waayay lacag qaran oo hannaanka federaalka ku salaysan sida uu sheegay. Deni ayaa sheegay inay Puntland go’aansatay in inta lagu jiro sanadka soo socda ee 2025 ay samaysato lacag u gaar ah, arrintaasna ay daraasaddeedu hadda socata oo ay masuuliyiinta maamulkaasi wadaan. Puntland ayaa horay u dib daabacis ugu samaysay lacagta shillin Soomaaliga ah, balse sanado ka dib suuqa ayay ka baxday ka dib sicir barar ka dhacay deegaanadaas, waxaana hadda maamulkaas iyo meelo kale oo dalka kamid ah laga adeegsataa lacagta danabaysan oo keliya. Lacagta ayaa kamid ah astaamaha ugu muhiimsan ee qarannimada dal kasta, waxaana siyaasaddeeda iyo qorshaha wax ka badelkeeda awood u leh keliya dowladda Federaalka ah sida uu qabo dasruurka kumeel gaarka ah ee dalku. Source: goobjoog.com
-
President Mohamud: ”One hundred million shares are for sale at US$35 per share. The aim is to give even the man selling bananas on the streets an opportunity to own shares in the project, no matter how long it takes to build the airport – five years or ten years.” Mogadishu (PP News Desk) — Earlier this week, President Hassan Sheikh Mohamud announced a share-buying scheme to fund the construction of a new airport in North Mogadishu. “One hundred million shares are for sale at US$35 per share. Companies and businesses can purchase shares for the new Mogadishu airport project in North Mogadishu. The aim is to give even the man selling bananas on the streets an opportunity to own shares in the project, no matter how long it takes to build the airport – five years or ten years,” said President Mohamud. The airport project is a part of the “Mogadishu Economic Zone” initiative in North Mogadishu. Critics of the project have criticised the initiative for granting private ownership status to a core national infrastructure. “Not only is North Mogadishu economically deprived and less diverse compared to South Mogadishu, but the project is also a political gimmick President Mohamud is using to bolster his support within his constituency and to marginalise his rivals,” said a former Federal MP. A senior economist told Puntland Post that the North Mogadishu airport project does not qualify as a public-private partnership due to its scale and the national security risks posed if a foreign company owns shares in a national airport. “According to President Mohamud, the total cost of the North Mogadishu airport project is 3.5 billion dollars. Shares are to be sold to companies and private investors at 35 dollars per share. The project has all the characteristics of a Ponzi scheme, given the absence of property rights and the rule of law in Somalia,” said the economist. © Puntland Post, 2024 The post Somalia President Accused of Backing “Ponzi Scheme” Airport Project in Mogadishu appeared first on Puntland Post.
-
Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidanka Liyuu booliska dowlad deegaanka Soomaalida iyo Dablay hubaysan oo kasoo jeeda Somaliland ayaa maalintii labaad ka socda tuulada Dacawalay ee gobolka Faafan. Dagaalka oo shalay billowday ayay wararku sheegayaan inuu saaka mar kale dib uga qarxay, mana cadda waxa ay salka ku hayso dirirtan Tuulada Dacawaley ee dagmada Xarshin ee gobolka faafan ku dhex maraysa ciidanka Liyuu Booliska iyo kooxda hubaysan. Xogaha qaar ayaa tilmaamaya in dableydu ay weerareen xeryo ay ciidanka Liyuu boolisku lahaayeen, taasoo sababtay inuu u bilaabmo dagaal culus oo dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh. Si kastaba ha ahaatee xog faahfaahsan lagama hayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan, balse ilo ku dhow masuuliyiinta gobolka ee deegaanka Soomaaliya ayaa sheegay in waxyeello ay baaxad lihi ay ka dhalatay iska hor-imaadka labada dhinac. Source: goobjoog.com
-
The 4th Tripartite Technical Boundary Committee (TTBC) meeting, involving Uganda, Kenya, and South Sudan, was held from December 17 - 19 at the Golden Tulip Hotel, Kampala. The meeting aimed to track progress on decisions made in earlier sessions in December 2019, September 2021, and December 2021. Key objectives included revising work plans and budgets for establishing the tri-junction and agreeing on a start date for reaffirming the boundary point. Source: Hiiraan Online
-
Maayarka Degmada Gabiley, Mudane Maxamed-Aamin Cumar Cabdi ayaa si rasmi ah uga tanaasulay xilkii Maayarnimada. Kadib go’aankiisa, Intaa kadib Golaha Deegaanka Gabiley ayaa maayar u doortay Mudane Axmed Ciisood Axmed. Kalfadhigan, oo si rasmi ah uga dhacay hoolka shirarka ee Dawladda Hoose ee Gabiley, waxaa kasoo qaybgalay 8 xildhibaan, kuwaas oo cod aqlabiyad ah ku doortay Maayar Axmed Ciisood Axmed. Musharaxan cusub ayaa helay 7 cod. Qaran News
-
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in koox ka socota Hay’adda Xuquuqul Insaanku ay toddobaadka soo socda tagi doonaan dalka Suuriya, waana markii ugu horreysay muddo sannado ah, kaddib afgambigii xukunka looga tuuray Bashaar Al-Asad. afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in kooxdani ay taageeri doonaan howlaha bani’aadamnimada, arrimaha xuquuqda iyo ka qayb qaadashada hubinta wareejinta awoodda oo dhamaystiran oo waafaqsan qaabka sharciga caalamiga ah. Suuriya oo muddo 60 sano ku dhow ku jirtay xukun keligii talis ah ayaa haatan gashah isbadel maamul, ka dib markii horraantii bishan xukunka laga tuuray Bashaar Al-assad oo 24 sanadood kursiga ku fadhiyay, Aabbihiisna 30 sano maamulayay dalkan ku yaalla gobolka aan xasilloonayn ee bariga dhexe. Source: goobjoog.com
-
Dagaal culus ayaa maalintii labaad ka soconaya qaballaha Dacawaley oo ka tirsan degmada Xarshin ee gobolka Faafan ee dowlad degaanka Soomaalida DDS. Dagaalka ayaa bilowday kaddib markii dabley hubaysan oo ka yimid dhinaca Somaliland ay weerar ku qaadeen ciidamada Liyuu Booliska dowlad degaanka Soomaalida ee ku sugan qaballaha Dacawaley. Dagaalka labada dhinac ayaa sababay khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh islamarkaana dadka waxyeelloobay ayaa la sheegay in ay ku jiraan rayid aan hubaysnayn oo ku sugnaa degaanka lagu dagaallamay inkastoo aan warar madax-bannaan laga heli karin halkaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in shaqaaqadani bilaabatay kaddib markii dhawaan dabley hubaysan oo ka soo jeeda Somaliland ay dileen hoggaankii Amniga degmada Yoocaale oo ka tirsan gobolka Jarar ee dowlad degaanka Soomaalida. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo maalintii labaad ka socda degaan ka tirsan gobolka Faafan ee dowlad degaanka DDS appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo booqasho rasmi ah caawa ku tagay caasimadda jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti ayaa kulan la qaatay dhigiisa Ismaaciil Cumar Geelle. Kahor kulanka ayaa Madaxweyne Geelle waxa uu garoonka uga hortagay Madaxweyne Emmanuel Macron, isagoo halkaa ku soo dhaweeyay. Madaxweyne Emmanuel Macron iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah ku joogi doona Jabuuti labo cisho, waxana madaxda wadankaasi uu kala hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan iyo labada shacab sida lagu qoray barta Facebook ee madaxweyne Geelle. Berito ayaa lagu wadaa in ay dhacaan kulamo dheeraada, waxana aakhirka la filayaa in labada madaxweyne ay qabtaan shir jaraa’id oo ay ku faahfaahinayaan waxyaabaha laga wadahadlay. Faransiiska ayaa taageero ka raadinaya wadamada geeska afrika kadib markii uu xumaaday xiriirka uu lalahaa dallalkii uu horey u gumeysan jiray ee ku yaala galbeedka qaarada afrika. Qaran News
-
Wixii ka dambeeyay sanadkii 1991-kii Soomaaliya waxay noqatay dal aan siyaasad ahaan iyo nabad-gelyo ahaan xasilloonayn, waxaana ka dhacay dagaallo sokeeye oo galaaftay nolosha kumaan dad ah, sidoo kale barakiciyay ama qixiyay malaayiin kale. Dagaalkii jabhadu ay la galeen dowladdii kacaanka ayaa u xuub-siibtay colaad sokeeye oo isir ku salaysan, taas oo keentay kala irdhow bulsho oo wiiqay midnimadii dalka, illaa haatanna gundhigga u ah kala shakiga iyo is aaminaad la’aanta dadweynaha Soomaaliyeed. Inkastoo bulshada Soomaaliyeed uu wacyigooda dhismay oo kala qoqobnaantii dhalashada ku salaysnayd ama kala qawaafkii qabyaaladda ku dhisnaa laga gudbay, haddana siyaasad ahaan weli dalku ma xasilloona oo hannaanka matalaadda qabaliga ah ayaa saamayn xooggan ku leh geedi socodka dowlad-dhiska Soomaaliya. Haddaba maadaama xasilloonida siyaasadeed ee dalku ay weli nugushahay, midnimada iyo wadajirkuna ay dhibane u noqan karaan khilaaf kasta oo siyaasiyiinta ka dhex oogma, waxaan qormadan ku eegaynaa qeybo bulshada kamid ah oo haddii ay hannaanka maamul si taban ugu milmaan dhibaato baaxad leh horseedi kara, dhanka toganna wax weyn ka tari kara. 1) warbaahinta: ku dhex milanka warbaahinta ee siyaasadaha is diidan iyo tabinteeda erayada xanafta lihi waxay horseedi karaan kala dhantaalmid midnimo iyo kala fogaansho bulsho, waxaana tusaale inoogu si filan sidii war Raadiye laga baahiyay uu u horseeday dagaalkii Rwanda ee sababay mid kamida xasuuqyadii ugu xumaa ee ka dhacay dunida. Warbaahintu waxay ku shaqaysa mabaadii’ dhexdhaxaadnimada iyo masuuliyaddu ay ugu horreeyaan, ogow oo masuuliyadda waxaa ugu muhiimsan ka taxaddarka saamaynta wararku ay yeelan karaan, maxaa-yeelay xittaa runta oo la soo badhigo ayaa mararka qaar dhibaato keeni karta. Haddaba waxaa wanaagsan in warbaahinta rasmiga iyo baraha bulshaduba ay ka fogaadaan waxyaabaha dalka dhibaatada u keeni kara xasradaha siyaasadeed iyo kala qeybinta bulsho ay ugu horreeyaan, islamarkaana xogaha ay baahinayaan aanay ka eegin sugnaantooda ama run ahaantooda oo keliya ee ay qeymeeyaan saameyntooda. 2) Ciidanka: ciidanku waa ilaaliyaha midnimada dalka iyo bedqabka dadkoo dhan mucaarad iyo muxaafid, sidoo kale waa mid kamid ah tiirarka aas-aaska u ah hannaanka dowliga ah, sidaa darteed inay ku dhex milmaan siyaasadaha is diidan ee gudaha dalka ayaa loo arkaa halista ugu weyn ee xasilloonida dalka saamaynta ku leh. 3) Culumada: culumada waxay gundhig u yihiin toosinta caqiidada iyo hab-fakarka bulshada, waxaana lagama maarmaan ah inay dhexdhaxaad noqdaan oo ay xaqa siduu yahay u sheegaan, sidaa darteed in culumada ay xasradaha dalka ka oogan qeyb noqdaan ayaa horseedi karta kala qeybsanaan dadweyne iyo qulqulatooyin xasilloonida lid ku ah. 4) Odayaasha dhaqanka: waxgaradka bulshada iyo odayaasha dhaqanku waxay kaalin togan ku leeyihiin hagaajinta arrimaha bulshada, u kala dab-qaadidda dhinacyada ku lugta leh xasradaha siyaasadeed, qaboojinta colaadaha, iyo howlo kale dalka muhiim u ah, balse inay siyaasadda si taban ugu lugyeshaan ama ay shaar qabiil u galiyaan dhacdooyinka dalka ka dhacaya ayaa keeni karta xasillooni darro iyo kala irdhow dadweyne. Haddaba dhammaan qeybahaas bulsho oo kaalin wax ku ool ah ku leh dowlad dhiska dalka, ayaa haddii ay dhinaca taban u shaqeeyaan dalka iyo dadkaba dhibaato u horseedi kara, sidaa darteed waxaa la gudboon inay dareen masuuliyad xambaarsan ku wajahaan la falgalkooda dhacdooyinka dalka ka socda sida ay qabaan xeeldheereyaashu. Source: goobjoog.com
