-
Content Count
212,876 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Boqolaal tirsan ciidanka kumaandooska ee Soomaaliya ayaa Jimcihii ka qalinjabiyay tababar muddo uga socday dugsi tababar oo ku yaalla dalka Turkiga. Askarta kumaandooska ah ee Gorgor oo tababarka ku bartay sida loola tacaalo caqabadaha amniga ee ka jira Geeska Afrika, gaar ahaan halista kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida. “Maanta waxaan magaaladda Isparta ee Turkiga ku qabanay xaflad muhiim ah oo ah xiritaanka tababar loogu talagalay xoojinta heshiiska ku saabsan dhismaha iyo xoojinta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya,” ayay Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ku tiri barta X, kadib munaasabadda qalin-jabinta. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Cevdet Yilmaz toddobaadkan, ayaa uga mahadceliyay Ankara taageerada qaaliga ah ee ay u fidisay nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Bariga Afrika. Wuxuu sheegay in Muqdisho ay sii wadi doonto dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka adag ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, islamarkaana la ballaarin doono walaaltinimada labada dal. Turkiga, oo muddo dheer xulafo dhow la ahaa Soomaaliya, wuxuu sidoo kale maalgashaday waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo caafimaadka Soomaaliya. Turkiga wuxuu ku leeyahay xarunta ugu weyn ee militari ee dibadda ku taalla caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho si uu u tababaro Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Difaaca ee Masar ayaa shaaca ka qaadday qorshe ay ciidamo ugu dirayso Soomaaliya, si ay uga qaybqaataan hawlgalka Midowga Afrika ee lagu taageerayo nabadgalyada iyo xasilloonida Soomaaliya. Wasiirka Difaaca, General Abdel Mageed Saqr, ayaa kormeeray askar si gaar ah u tababaran, kuwaas oo loo diyaariyay hawlgalka. Wasiirka ayaa sheegay in Ciidankaan maalmaha soo socda ay ku wajahan yihiin Soomaaliya oo ay taageero siin doonaan dowladda Soomaaliya. Ciidamada la diyaariyay ee kusoo wajahan Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin cutubyada khaaska ah ee “Thunderbolt Forces” iyo “Airborne Forces,” kuwaas oo caan ku ah hawlgallada adag ee degdegga ah. Talaabadan Masar ee ay ciidamo ugu dirayso Soomaaliya ayaa u muuqata mid lagu xoojinayo xiriirka labada dal, iyada oo Soomaaliya ay ku jirto marxalad muhiim ah oo la xiriirta wareejinta mas’uuliyadda amniga ee ATMIS. Ciidamada Masar oo caan ku ah awoodooda hawlgalka ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaataan sugidda nabadda iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab. Masar ayaa muddo dheer daneynaysay xasilloonida gobolka, iyadoo hadda tallaabadan ay muujinayso sida ay uga go’an tahay inay door muuqda ka qaadato hawlgallada nabad ilaalinta ee Afrika. Source: goobjoog.com
-
Ku dhawaad 100 falastiiniyiin ah ayaa lagu soo warramayaa in 24-kii saac ee la soo dhaafay lagu dilay duqeymaha arxan-darrada ah ee Israa’iil ay ka waddo marinka Qasa, sida laga soo xigtay xaafiiska warbaahinta gudaha. Dadkan ayaa intooda badan ku dhintay weerar oo Israa’iil ay ku qaaday laba guri oo ku yaalla deegaanka beytu laaxiya, halkaas oo la sheegay in lagu diley in 75 qof oo goobtaasi gabaad u ahayd. Duqeymaha aan kala joogsi lahayn iyo duullaanka tooska ah ee Israa’iil ayaa weli ka socda marinka Qasa, xilli aanay maamulka tel aviv wax natiijo ah ka gaarin gumaadka ay sanadkii labaad ku hayaan dadka falastiiniyiinta ah. Source: goobjoog.com
-
Ciidamada hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka (NISA) iyo ciidanka Gorgor ayaa howlgal qorsheysan kula wareegay deegaanka Shanlow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Sida ay sheegeen saraakiisha amniga, ciidamada ayaa hawlgalkan ku guuleystay iyaga oo aan wax khasaare ah soo gaarin. Deegaankaan oo muhiim ah ayaa hadda si buuxda gacanta ugu jira dowladda Soomaaliya. Wuxuu ka mid yahay deegaanada ku teedsan Wabiga Jiingiisa una dhow deegaanka Xawaadlay. Ciidanka Amniga ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalladaan noocaan oo kale ilaa inta laga saarayo Shabaab gobolka Shabeellaha Dhexe. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay labadii sano ee lasoo dhaafay ay qaado howlgal ka dhan ah Shabaab oo looga xoreeyay deegaano badan oo ka tirsan Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Source: goobjoog.com
-
Marxuum Galaydh wuxuu isagoo ahaa hoggaamyihii Khaatumo heshiis la galay maamulka Somaliland 2017kii. Buuhoodle (Faallo) — Dhowr bilood ka hor wuxuu hoggaamiyaha Sool, Sanaag iyo Cayn ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Aw Cali (Firdhiye) sheegay inuu u tartami doono doorashada hoggaaminta maamulka ku meelgaarka oo dhici doonta 2025ka. Haddii uusan sixin gefefkiisa siyaasadeed way adkaan doontaa inuu dhammaysto muddo xileedkiisa, iskaba dhaaf inuu muddo xileed kale u tartamo. Culaab siyaasadeed Wuxuu hoggaamiyaa maamul magac ahaan ka soo jeeda ururkii SSC uu hoggaaminayay Saleebaan Xaglatosiye, oo ku biiray maamulka Somaliland, iyo maamulkii hanaqaadi waayay ee Khaatumo oo ay soo hoggaamiyeen Axmed Karaash, oo ku biiray maamulka Puntland, Maxamed Yuusuf (Indhasheel), oo xilka ku wareejiyay marxuum Cali Khaliif Galaydh, oo isagana 2017kii ku biiray maamulka Somaliland. Magac ahaan SSCK waa culaab siyaasadeed (political baggage). Waa in Firdhiye ka fekero aayihiisa siyaasadeed iyo aayaha dadka samaystay maamulka ku meelgaarka uu hoggaamiyo. Magac ahaan SSCK waa caqabad weyn oo hortaagan in maamulku helo sharciyad waayo waa culaab siyaasadeed ee dhowr isku day oo hore u fashilmay. Waa magac lagu qancinayay taageerayaashii dhowrkaas isku day siyaasadeed. Muuse Biixi, madaxwenyaha maamulka Somaliland, ayaa 2023kii ku dooday inuu maamulkiisu heshiis la galay SSC iyo Khaatumo, oo kuwa kaga soo horjeeda Laascaanood ay yihiin “Al-shabaab”. Dooddiisu ma soconin, hase ahaatee ma aha mid meesha ka saaraysa in loo baahan yahay in magacan isku raranka ah meesha laga saaro. Axmed Karaash wuxuu ku biiray Maamulka Puntland kaddib markuu noqday hoggaamiyihii Khaatumo. Gaabinta hoggaaminta Firdhiye waxay ka dhex muuqataa sida uu wax uga qaban waayay Wasiirka Warfaafinta Khaatumo Najiib Barkhadle oo dhowr jeer ku tilmaamay dadka SSCK ka soo jeeda ku jira maamulka Puntland “sida Hindi soo shaqatagtay”. Hadalkan meel ka dhaca ah wuxuu soo baxay dhowr maalmood kaddib markii Firdhiye magacaabay guddi ka shaqeyn doona iskaashiga SSCK iyo Puntland. Booqashada Firdhiye ku taagay Buuhoodle waxay muujisay sida uu ugu sifoobay inuu yahay hoggaamiye dhinac keliya oo Buuhoodle “jeebka ugu jira”, sida nin reer Buuhoodle ah ii sheegay. Ka sokow Wasiirka Warfaafinta, waxaa la taliye u ah Firdhiye rag uu ka mid yahay Cabdikariim Xasan Jaamac. Firdhiye ilaa hadda kama hadlin sababta uu uga qeybgali waayay martiqaadka ay u fidiyeen isaga madaxdhaqameedka Reer Hagar. Ka maqnaanshihiisa martiqaadka waxay bixisay farriin ah inuu ka horjeedo in Reer Hagar yeeshaan Garaad u gaar ah. Firdhiye oo ku sugan Buuhoodle ayaa gargaarka (oo cunto iyo lacag iskugu jira) uu Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) soo dhiibay la bililaqaystay. Maamulka SSCK arrintaas kama hadlin. Warqad ku saabsan hakinta gargaarka uu Barnaamijka Cuntada Adduunku u fidiyo degmooyinka SSCK qaarkood. Maxamed Yuusuf (Indhasheel) wuxuu xilka ku wareejiyay marxuum Galaydh. Xiisadda Ceerigaabo Firdhiye si fiican ugama hadlin xaaladda kacsan ee Ceerigaabo. Wuu og yahay in Ceerigaabo lagu deggan yahay heshiis dhacay 1995kii oo dhowr Garaad ka qeybgaleen. Waxay ahayd inuu wadatashi u sameeyo beesha Naleeye Axmed si ay iskugu raacaan aragti ku saabsan sida ay u degganaanayaan Ceerigaabo maadaama maamulka SSCK uu aamminsan yahay in maamulka Somaliland maamulo Ceerigaabo. Ninkii dilay Cali Baashi weli laguma soo wareejinin gacanta maamulka SSCK. Arrintaas maamulka Firdhiye waxba kama qabanin. Wuu isku eegtay dadka eedda kala tirsanaya. SSCK iyo Dowladda Federaalka Waxa kale oo jirta in Wasiirka Maaliyadda SSCK Cabdiqani Hiirad uu bil ka hor ka sheegay Muqdisho in dowladda Federaalka Soomaaliya ay lacag ku taageerto maamulka SSCK. Ma jirto wax caddayn ah oo arrintaas ku saabsan oo ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda SSCK ama Baarlamaanka Khaatumo. Ma ballanqaad ayuu wasiirku ku tilmaamay taageero? Baarlamaanka Khaatumo wuxuu ku baaqay in Puntland iyo Jubaland lagala tashado wax ka beddelka dastuurka federaalka. Saleebaan Xaglatoosiye wuxuu ahaa hoggaamiyihii SSC ka hor intuusan ku biirin maamulka Somaliland. Toddobaadkan Madaxweyne ku xigeenka SSCK Dr Maxamed Cabdi Ismaaciil wuxuu, isagoo magaca maamulka ku meelgaarka ah ee SSCK ku hadlaya, taageeray, doorashada uu ku guulaystay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam. Ma jiro xiriir dhisme-kalkaal ah oo dhexmari kara SSCK iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya Puntland iyo Jubaland oo ka maqan Golaha Wadatashiga Qaran, dalkana ay dul heehaabayaan colaad siyaasadeed iyo ku xadgudub dastuurka federaalka ah. Sababha kor ku xusan awgood waxaa habboon in Firdhiye ka fekero aayihiisa siyaasadeed iyo aayaha dadka samaystay maamulka ku meelgaarka uu hoggaamiyo. Looma baahnayn inuu noqdo hoggaamiye dad gaar ah ay u tilmaamaan dadka uu la kulmayo, iyo hoggaamiye aan dhowri karin iskaashiga SSCK iyo Puntland oo ah maamulka keliya aqoonsan SSCK. W.Q: Siciid M. Sheekh Cali The post Sababta Hoggaaminta Firdhiye U Gaabinayso appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) –Madaxweynaha waaranka loo jaray ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyey gudaha Masjidka Madaxtooyada Kismaayo, wuxuuna si adag uga hadlay khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka. Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn sheegay in qorshaha Ciidamada lagu geeyey deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose uu nasiib darro yahay, isagoo waqti u qabtay ciidankaas. Wuxuu sheegay Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ay heystaan fursad yar oo ciidamadaas ay dib ugu celi karaan halkii laga keenay, isagoo u qabtay 15 maalmood oo kaliya. Axmed Madoobe ayaa ku goodiyey in wixii ka dhasha joogitaanka ciidankaas ee dhulka Jubbaland uu masuuliyadooda qaadi dooni Madaxweyne Xasan Sheekh, oo sida uu sheegay ah ninka ay sida rasmiga ah isku hayaan. Sidoo kale Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Xasan Sheekh ay is hayaan, balse uu adeegsanayo Xamsa oo uu ku tilmaamay wiil yar oo burburinta Jubbaland loo adeegsanayo. “Ani ma baqo, mana qaato Guuno iyo Laaluush aan ciidayda iyo dadkayga kugumeeyo, wiilasha reer Jubbaland ee Xassan Sheekh mustacmalka u ah, iyaga waxba nagama dhaxeeyaan, isma hayno, dagaalna kuma qaadayno ee waxaan is haynaa waa Xasan Sheekh oo dalka 1991-kii ku celinaya,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Sidoo kale Axmed Madoobe wuxuu ka hadlay joogitaanka Kismaayo ee Senator Ilyaas Gaboose oo sheegtay madaxweynaha Jubbaland, isagoo sheegay in soo afjaridda ninkaas aysan wax badan ku qaada doonin. “10 daqiiqo igu qaadan mayso in aan Ilyaas Gaboose soo afjaro, oo lagu yiri MW-naad tahay, Madaxweyne-nimada Seerar waayay miyuu heli Ilyaas, waxaan diidanahay in aan dhiig daadiyo maanta, balse haddii aysan kawaantoobi waayaan waan qaadanaynaa go’aamo qaraar, tan cidna uga cabsan mayno, amnigeedana gorgortan kama galayno,” ayuu Axmed Madoobe ka sheegay Masjid ku yaalla Kismaayo.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cutubyo ka tirsan ciidamada Jubaland ee ku soo biiray Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta laga soo dejiyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidankaan ku soo dhaweeyey Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana loo gelbiyey goobihii loo qorsheeyey in la dejiyo ciidankaan. Ciidamada Jubbaland oo sanado badan dagaal adag kula jiray Khawaarijta, isla markaana sheegay inuu heystay dayac iyo daryeel la’aan ay kala kulmayeen eedeysane Axmed Madoobe ayaa hadda dowladda Soomaaliya ka helay garab dowladnimo. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ciidankaan lagu darayo xoogga dalka, si halgankooda ay halkiisii uga sii wadaan una gutaan waajibaadka qaran ee horyaalla. Dowladda Soomaaliya ayaa balan qaaday in ciidankaan la diiwaan-gelinayo oo la siinayo lambarro, mushaar iyo dalacsiinta ay mudan yihiin. Sidoo kale Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ciidankaan maalmo kadib iyagoo heysta xuquuqdooda dib loogu celinayo deegaanadii ay ka howlgeli jireen ee Jubbaland, si ay u sii gutaan waajibaadkooda Qaran. Ciidankaan ayaa muhiim u ah inay la wareegaan saldhigyada ay baneynayaan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS oo dalka isaga baxaya dabayaaqada sanadkaan, sida ay go’aamisay dowladda Soomaaliya. Hoos ka daawo
-
Arusha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzaaniya kaga qeybgalay Madasha Heerka Sare ee Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC). Madashaan ayaa lagu xusayaa sannad-guurada 25-aad ee aas-aaska urur goboleedka EAC. Shirka ayaa diiradda lagu saaray heerarkii kala duwanaa ee EAC ay soo martay, guulaha la gaaray iyo himilooyinka mustaqbalka ee ururka. Madaxweynaha Xasan Sheekh oo madashaan khudbad ka jeediyey ayaa si gaar ah u iftiimiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah ururka. Xasan Sheekh ayaa dul istaagay muhiimadda ay leedahay in la wajaho caqabadaha guud, lana dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida, loogana faa’iideysto fursadaha iyo awoodaha baaxadda leh ee gobolku leeyahay. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda kobcinta dhaqaale oo waara iyo in la abuuro mustaqbal ifaya oo dan u ah dhammaan shucuubta ku nool Bariga Afrika. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Jimcihii maanta gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, si uu uga qeybgalo shir muhiim ah oo u dhexeeya Madaxda dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC). Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ugu muhiimsan ururkaan, waana dalkii ugu dambeeyey ee ku biiray, ururkaan ayaa saameyn gaar ah yeeshay markii ay ku biirtay Soomaaliya, waxaana soo codsaday dalal kale oo doonaya inay ku biiraan.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzaaniya kaga qeybgalay Madasha Heerka Sare ee Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC), taasoo lagu xusayay sannad-guuradii 25-aad ee aas-aaska EAC. Shirka ayaa diiradda lagu saaray heerarkii kala duwanaa ee EAC ay soo martay, guulaha la gaaray, iyo himilooyinka mustaqbalka ee ururka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah u iftiimiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah ururka, si loo wajaho caqabadaha guud, loo dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida, loogana faa’iideysto fursadaha iyo awoodaha baaxadda leh ee gobolku leeyahay. Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda kobcinta dhaqaale oo waara iyo in la abuuro mustaqbal ifaya oo dan u ah dhammaan shucuubta ku nool Bariga Afrika. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ashraf Ghani wuxuu sanadkii 2020 ku soo baxay doorasho qof iyo cod ah oo la isku haysto. Wuxuu ka talinayey 34 ta gobol ee dalka Afgaanistaan ah, wuxuu haystay 300 kun oo ciidan Afgaan ah, 10 kun oo Nato ah, iyo 18 kun shirkado amni ka tirsan. Sanad kadib 2021, Taalibaan ayaa xukunkii dalka kala wareegtay? Diblomaasi sare oo Ingiriis ah, Afgaanistaan iyo Soomaaliya ka soo shaqeeyey oo ka soo qaybgalay shir looga hadlayey amniga Geeska Afrika ee horaantii sanadkan Muqdisho lagu qabtay oo ka hadlayey sababaha keenay in sidaa deg-dega ah Taalibaan dalka ula wareegto ayaa sheegay; 1- Loollan, ficiltan iyo khilaaf aan dhammaan oo geesawaynta siyaasadda (political elite) u dhexeeyey, iyo iyagoo xuub caaro ku dhexnoolaa, kana go’naa waaqaca dhabta ah iyo silica shacabku ku noolyahay. 2- Musuq-maasuq, eex iyo maamul xumo baahsan, qabyaalad dhib badan oo aan dhammaad lahayn. 3- Siyaasadda dallaalnimada (deal making) ku dhisan oo siyaasigu meel loogu soo hagaago jirin, mowqif iyo mabda’ lahayn, taasoo u sahashay Taalibaan in ay siyaasiyiin, saraakill ciidan iyo madax maamul sare iibsadaan. 4- Isku halayn xad dhaaf ah iyo ku tiirsanaan ciidamada shisheeye. Saamaynta taban ee dowladaha deriska ah iyo xudduudaha dalka ee ballaqan. 5- Fallaagada oo dhaqaale xoggan soo galo, xiriir caalami ah leh, kuna adag aragtidooda, iyo iyagoo maamul kale ka dhinac dhisatay dowladda, gaar ahaan arrimaha garsoorka. Madaxda federaalka iyo guud ahaan geesaweynta siyaasada Soomaaliyeed casharo ma ka barayaan arrinka, mise iyagoo hanti urursi, ka dan la’aan dadweyne iyo ajnabi u kala dacwoosho ku jira ayey ka dul dhici doontaa. W/Q: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
-
Qaahira (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS Amb. Ilyaas oo Qaahira uga qayb-galay shirka 40-aad ee wasiirrada cadaaladda carabta ayaa muhiim ah ka qaatay xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit. Ambassador Ilyaas ayaa xoghayaha guud uga warbixiyay horumarka Soomaaliya ay ku tilaabsaneyso gaar ahaan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kulanka. Ilyaas ayaa si gaar ah xoghayaha guud uga warbixiyay qorshaha doorasho qof iyo cod, isagoo u sheegay in baarlamaanku uu meel mariyay shuruucdii lagama maarmaanka u aheyd qabashada doorashada dadweynaha iyo guddiga doorashooyinka. Ilyaas ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Jaamacadda Carabtu ay la garabtaagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada adag. Sidoo kale wuxuu danjiruhu ka codsaday xoghayaha guud in ururka jaamacadda Carabtu sii wado taageerada, Soomaaliyana gacana laga siiyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada. Wasiiru-dowlaha cadaaladda iyo arimaha dastuurka XFS ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta Jaamacadda Carabta, ayna ka faa’iideysto khubarada iyo kaadiriinta Carabta si loo horumariyo nidaamka bahda cadaaladda Soomaaliya. Sidoo kalena buu yiri lagu guuleysto dhameystirka dastuurka qabyada ah si waafaqsan halbeegyada caalamiga ah, xilli uu baarlamaanka Soomaaliya meel-mariyay cutubyo uu muran badan ka taagan yahay. Xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa dhankiisa bogaadiyay kobaca iyo horumarka ay Soomaaliya ku tilaabsaneyso, wuxuuna adkeeyay iney ka go’antahay joogteynta dadaallada ay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ku gaarayaan hadafyadooda mustaqbalka.
-
President Dr Hassan Sheikh Mohamud receiving his doctorate at the University of Peace in 2022. Garowe (PP News Desk) — Qalib Barud, an MP in the Puntland Parliament, has called on the President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, to make his doctoral dissertation publicly available. President Mohamud authored a dissertation entitled Examining the Challenges of Clan Politics in State-building: A Case Study of Somalia, which he submitted in partial fulfilment of a doctoral degree at the University of Peace. “[The] Ph.D. dissertation was titled Examining the Challenges of Clan Politics in State-building: A Case Study of Somalia. The Somali president is the only African leader with a doctorate on ‘clanism’. When will his dissertation be made public?” tweeted Barud. Unlike his predecessor, President Mohamed Abdullahi Farmaajo, whose master’s degree was criticised for its apparent biases, particularly its focus on blaming specific clans for gaining political influence through collaboration with European colonisers before the 1969 coup, President Mohamud opted for an embargo on his dissertation. During this unspecified embargo period, researchers are unable to access the dissertation for reference purposes. President Mohamud wrote the dissertation after leaving office in 2017. His framing of the political challenges of Somalia as being rooted in clan conflicts, rather than political elites, has raised questions about the integrity of the research underpinning his dissertation. Concerns have been voiced that he may have used classified government documents from his first tenure as president (2012–2017) to support his arguments. Some Somali academics have criticised the emphasis on clans in the title of the dissertation, suggesting it raises ethical issues. “President Mohamud downplays the responsibility of political leaders for persecution, mass displacement, and dispossession by portraying Somalia’s political problems as a tussle between clans rather than a power struggle among political elites who mobilise their armed clans. His dissertation potentially whitewashes the suffering of clans with no clan militias such as the Banadiri clan at the hands of powerful and armed clan militias,” said a social scientist from a university in Mogadishu. The Ethiopian government has reportedly expressed interest in accessing the dissertation to better understand President Mohamud’s perspective on the sovereignty of the Federal Republic of Somalia and to assess whether his views show bias towards his own clan. “By enabling the President of Somalia to submit a controversial thesis, the University of Peace denies Somalis the right to hold their politicians accountable. While writing up the dissertation on clan politics, President Mohamud was obliged to mention clan names,” Puntland Post editorialised in 2022. © Puntland Post, 2024 The post Puntland MP Urges Somalia President to Make His Doctoral Dissertation Available appeared first on Puntland Post.
-
Ciidanka Booliska Somaliland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeem eedaysane loo haysto dil maanta oo Jimce ah ka dhacay magaalada Hargeysa. Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska Somaliland ayay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen eedaysane Maxamed Baashe Faarax oo loo haysto dil maanta ka dhacay degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa. Maxbuus Maxamed Baashe oo da’diisu tahay 24 sano jir ayaa ku eedaysan dilka marxuum Khadar Xaashi Ismaaciil kadib markii uu ku dilay mindi sida uu sheegay Booliska Somaliland. “Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane Maxamed Baashe Faarax Ina Khadra Badel 24 jir ah oo ku eedaysan in uu maanta ku dilay degmada Maxamuud Haybe Marxuum Khadar Xaashi Ismaaciil 37 jir ahaa” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska Somaliland. Booliska Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in eedaysanaha baaris lagu samaynayo islamarkaana si deg deg ah sharciga la horgeyn doono. PUNTLAND POST The post Booliska Somaliland oo sheegay in ay qabteen eedaysan loo haysto dil maanta ka dhacay Hargeysa appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa soo gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, si uu uga qeybgalo shir u dhexeeya Madaxda dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC). Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan uu jeedin doono khudbad uu madaxda iyo marti sharafta uga warbixinayo dadaallada dawlad-dhiska, kobcinta kaabayaasha dhaqaale iyo abaabulnaanta bulshada Soomaaliya ee ku wajahan la-falgalidda ganacsi, waxbarasho iyo horumarineed ee bahdooda Bariga Afrika. Qoraal ay soo saartay Villa Somalia ayay ku tilmaantay shirkaasi “mid taariikhi ah oo ay madaxdu dib ugu milicsan doonaan waxqabadkii ay madashu gaartay intii ay jirtay, sidoo kalena waxa ay falanqeyn doonaan caqabadaha iyo fursadaha isdhexgalka gobalka, gaar ahaan dhanka horumarinta xaaladaha dhaqan-dhaqaale iyo xaqiijinta amni iyo xasillooni waarta.” Madaxweynaha ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Arusha kulan doceedyo la yeelan doona madaxda dhigiisa ah ee dalalka Bariga Afrika (EAC) sida ay Madaxtooyada Soomaaliya ki sheegtay qoraalka ay soo saartay. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Tanzania uga qayb galaya Shir Madaxeedka EAC appeared first on Puntland Post.
-
New fish market facility in Erigabo boosts Sanag fishermen’s The fishermen of Erigabo, the capital of Sanag region, are reaping the benefits of a newly constructed market that has boosted their production over the past five months. This market, developed by Somaliland’s Ministry of Fisheries and Coastal Development, is equipped with large cold storage units and designated areas for daily trade. Mohamed Hassan Jama, 22, told Radio Ergo that his income had tripled since he began trading there in July. He earns between $150 and $175 a week, which has enabled him to meet the needs of his family, including his wife and two children. “I was merely living day-to-day before, but now I can support my family and even save money. Before, I relied entirely on daily expenses. Without this market, I wouldn’t have a stable place for my business, and renting temporary spots was unreliable, as the owner could demand it back anytime. Now, I have a secure place where I can’t be displaced,” Mohamed said. Mohamed’s monthly income used to less than $200. He used to sell fish for seven years in a rented shop that cost him $100 per month. However, the number of customers was limited, as his store was in a residential area with few customers. Although Mohamed is not a fisherman himself, he buys fish from fishermen at $2.5 per kilogram and resells it for $4.5. Without freezers he used to waste what he couldn’t sell and incurred losses. “When there’s an abundance of fish, we need a place to store it. Previously, we lacked storage and had to rely on ordinary ice, which wasn’t sufficient. With this market, customers consistently come to buy, and storage is reliable,” said Mohamed. Mohamed also supports his parents’ household financially, giving his mother, who raises three daughters, $120 a month. Before July, his income only covered basic daily needs. Since starting at the new market, he has saved $1,000. Mohamed also works as a caretaker for the market, overseeing cleanliness, storage, and the maintenance of cold storage units, earning $200 a month paid by the Somaliland Development Fund, which sponsored the project. “I manage the storage for every individual’s needs—whether they store 100 kilograms or 2,000 kilograms. Previously, I struggled to store surplus fish, but now I can preserve large quantities during good fishing seasons for sale during low seasons,” Mohamed explained. Traders at the market don’t pay rent, electricity bills, or taxes. However, a fee of $0.10 per kilogram is charged for fish stored in the cold units. Ismail Abdillahi Aden, 29, who started working at the Erigabo fish market in July, told Radio Ergo that his monthly earnings range from $200 to $300. He said his family had overcome their constant anxiety about their uncertain livelihood. “Our lives were filled with hardship and scarcity, but now I can fully support my family, covering rent and all expenses. I no longer have complaints about meeting our daily needs,” said Ismail. He has enrolled two of his four children in primary school, paying $30 monthly fees. He has already saved $700, which he plans to invest for the future. He had been doing electrical jobs making only $5 a day. “This job fully meets my family’s needs. It’s a sustainable livelihood with potential for growth, given the income and savings I’ve been able to accumulate,” Ismail said. The market has transformed the livelihoods of hundreds of low-income families, according to Ismail Mire, director of the Ministry’s Fisheries Department. Mire said the project had achieved its goal of boosting fishermen’s production and overcoming challenges such as fish spoilage and undervaluation due to a lack of storage and secure trading spaces. “We believe this market is improving the fishermen’s economy, enhancing the community’s livelihood and nutrition, and encouraging more people to venture into fishing and fish trading. The project provides a reliable market where fishermen can store their catch and sell it locally or distribute it to other areas in Sanag and neighbouring regions,” Mire said. The market eliminates the need for fishermen to work during stormy conditions or rough seas, reducing risks to their lives and equipment. The cold storage enables them to preserve their catch during off-seasons. “When we assessed the project, the ministry and the fund collaborated to identify the fishermen’s most pressing needs. This project directly addresses their challenges. For now, there are no charges or taxes on the market because it’s a new initiative meant to empower the community. As the fishermen grow and become self-reliant, any necessary fees will be introduced gradually,” Mire explained. The ministry has built fish markets in Burao and Berbera and is currently constructing markets in Borama and Wajaale. Somali fishermen largely remain disconnected from global markets due to their limited production, lack of expertise, insufficient equipment, and absence of international recognition. Qaran News
-
Arusha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa halkaasi uga qeyb-galaya shir muhiim ah oo u dhexeeya madaxda dalalka ku bahoobay bulshada bariga Afrika ee EAC. Madaxweyne Xasan ayaa jeedin doona khudbad uu madaxda iyo martisharafta kale uga warbixinayo dadaallada dawlad-dhiska, kobcinta kaabayaasha dhaqaale iyo abaabulnaanta bulshada Soomaaliyeed ee ku wajahan la-falgalidda ganacsi, waxbarasho iyo horumarineed ee bahdooda bariga Afrika. Shirkan taariikhiga ah ayaa waxa ay madaxdu dib ugu milicsan doonaan waxqabadkii ay madashu gaartay intii ay jirtay, sidoo kalena waxa ay falanqeyn doonaan caqabadaha iyo fursadaha isdhex-galka gobalka. Madaxda ayaa inta uu shirka socda waxay si gaar ah u dul istaagi doonaan arrimaha dhanka horumarinta xaaladaha dhaqan-dhaqaale iyo xaqiijinta amni iyo xasillooni waarta. Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Arusha kulan doceedyo la yeelan doona madaxda dhigiisa ah ee dalalka bariga Afrika ee EAC. Shirkan uu ka qeyb-galayo madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli ururka bulshada bariga Afrika u dabaal-degayo sanad-guuradii 25-aad ee kasoo waregtay aas-aaskiisa.
-
Goodbye passports? The airports ditching paper documents for technology Changi Airport in Singapore has ditched paper passports in favour of digital checks, with similar schemes close to being rolled out all around the world. Rob Waugh Could passports one day be a thing of the past? (Getty) Singapore’s Changi Airport is among the first to ditch the need for passports in favour of automated biometric checks using cameras – with governments around the world reportedly looking to make a similar change. Instead of presenting a passport, travellers simply step up to a camera kiosk in Changi Airport to verify their identity using a facial recognition camera – with people’s faces used as ID at different touch points including bag drop and boarding. The move is happening in parallel with a move away from traditional paper passports and towards digital documents stored on smartphones. Which airports offer passport-free travel? As well as Changi, Dubai International Airport is also replacing passport checks with biometric clearance. Passengers can walk through the terminal and onto planes using only their face as ID. The system was first introduced for UAE citizens, but it is being widened for international travellers. Airports around the world are also trialling similar schemes, with some places like Hong Kong International Airport, Tokyo Narita, Tokyo Haneda, Indira Gandhi International in Delhi and Paris Charles de Gaulle already using facial recognition technology. The UK is trialling frictionless travel. (PA) What about the UK? The UK has looked at introducing similar schemes with, Phil Douglas, the director-general of Border Force, previously explaining his plans for an “intelligent border” with facial recognition technology and no need to physically present passports. The government began a trial on facial recognition e-gates at the start of 2024, with a view to making entering the UK “frictionless”. Douglas told The Times in January that he was inspired by a recent trip to Australia. He said: “I had to apply for an electronic travel authorisation in advance and used my smartphone to read the chip in my passport. “That sent the image of me in the chip to the Australian authorities. When I arrived in Australia, I didn’t even have to get my passport out of my bag. It is a really interesting concept.” Waiting at a passport gate could become a thing of the past. (PA) He predicted the use of a standard passport desk would “fall away” in the UK in the next two to three years. Britain is already rolling out electronic travel authorisation (ETA) for foreign arrivals coming to the UK who do not need a visa. Currently, only a few countries can use the system, but the government plans to introduce it to all nationalities who do not need a visa – integrating it with EU visitors is a big target. For £10, passengers won’t need to go through passport checks. Instead, travellers are required to download an app, answer a set of questions, scan their passport and provide a photo, with only those granted the ETA able to board flights into the UK. What about digital passports? Research by the International Air Transport Association (IATA) global passenger survey found that more than 90% of young people would be open to digital passports. Countries such as Finland have already introduced the documents, and the EU is planning to introduce digital documents for ‘faster, smoother’ travel by 2030. The UK government’s Department for Digital, Culture, Media and Sport is investigating different digital identity documents, with the hope of making digital documents “as trusted as passports”. Are there any concerns with the new systems? Yes, these fall into two categories: what happens when the network fails and privacy concerns. Campaigners have raised issues with the dystopian-sounding technology, with cameras able to verify a person’s identity by using data stored on a database. Although the cameras will be pointed out to customers at first, in the future they may well be hidden and people will be unaware their identity is being checked. The topic of people having rights to their biometric data is being debated by parliaments across the world, with the chair of the European Data Protection Board, Anu Talus, warning against its abuse in May. The paper passport could become a thing of the past. (PA) She said: “Facial recognition technology can lead to false negatives, bias and discrimination. Misuse of biometric data can also have grave consequences, such as identity fraud or impersonation. “Therefore, we urge airline companies and airport operators to opt for less intrusive ways to streamline passenger flows, when possible. In the view of the EDPB, individuals should have maximum control over their own biometric data.” In the US, the Transport Security Administration was criticised by a group of senators when they trialled facial recognition in airports. They said: “Increasing biometric surveillance of Americans by the government represents a risk to civil liberties and privacy rights.” There is also the problem of what to do when the technology fails. E-gates are already in use in British airports, but they caused chaos last May when they went offline just before the start of the school holidays, causing delays for thousands of travellers. Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa soo gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, si uu uga qeybgalo shir muhiim ah oo u dhexeeya Madaxda dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC). Madaxweyne Xasan ayaa jeedin doona khudbad uu madaxda iyo martisharafta kale uga warbixinayo dadaallada dawlad-dhiska, kobcinta kaabayaasha dhaqaale iyo abaabulnaanta bulshada Soomaaliyeed ee ku wajahan la-falgalidda ganacsi, waxbarasho iyo horumarineed ee bahdooda Bariga Afrika. Shirkan taariikhiga ah ayaa waxa ay madaxdu dib ugu milicsan doonaan waxqabadkii ay madashu gaartay intii ay jirtay, sidoo kalena waxa ay falanqeyn doonaan caqabadaha iyo fursadaha isdhexgalka gobalka, gaar ahaan dhanka horumarinta xaaladaha dhaqan-dhaqaale iyo xaqiijinta amni iyo xasillooni waarta. Madaxweynaha ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Arusha kulan doceedyo la yeelan doona madaxda dhigiisa ah ee dalalka Bariga Afrika (EAC). Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa Arbacadii si sharciyan ah ugu dhawaaqday in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro uu yahay musharaxa ku guuleystay madaxweynaha Somaliland ee 5-ta sano ee soo socota. Maxkamadda ayaa ansixisay natiijadii kasoo baxday doorashada madaxtooyada, taasi oo todobaad ka hor ay usoo gudbiyeen guddiga doorashooyinka ee Somaliland. Ciro iyo ku-xigeenkiisa ayaa musharaxa Kulmiye uga guuleystay ku dhowaad 200 kun, taas oo muujisay sida shacabka reer Somaliland uga soo taagmeen xukunka Muuse Biixi oo intii uu tallada hayay ku kacay gabood-falo sharci. Maxkamadda ayaa sidoo kale ku dhawaaqday natiijadii kaso baxday tartankii doorashada xisbiyada, oo ay kusoo baxeen Waddani, Kaah iyo Kulmiye. Madaxweyne Ciro ayaa si rasmi ah xilka ula wareegi doona bartamaha bisha December, iyadoo natiijada doorashada uu horey u aqbalay madaxweynaha xilka ka degaya ee Muuse Biixi Cabdi. Doorashadii 13-kii November ee ka dhacday Somaliland ayaa noqotay mid furan oo dunida dhan laga amaanay, iyadoo uu ka dhashay isbedel weyn, islamarkaana meel hoose la geeyey xisbigii dalka xukumi jiray ee Kulmiye. Si kastaba, hoggaanka cusub ee Somaliland ayaa waxaa horyaalla arrimo badan oo kamid tahay dib u eegista heshiisyadii ay gashay xukuumaddii hore iyo wax ka qabashada xaaladda nololeed ee deegaanka oo gaartay halkii u hooseysay kadib sicir bararka xarka goostay.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka maamulka Jubbaland ay intooda badan si rasmi ah ugu biireen howl-galka ka socda Jubbooyinka. “Ciidanka maamulka Jubbaland ayaa intooda badan si rasmi ah ugu biiray hawlgallada ciidamada qalabka sida ee lagula dagaalamayo kooxaha Khawaarijta ee ku sugan degaanada Jubbooyinka,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Qoraalka ayaa waxa kale oo lagu sheegay in shacabka iyo ciidanka Jubbaland ee deegaanka Kulbiyow ay soo dhaweeyeen howl-gallada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan deegaanada maamulka Jubbaland. Dhinaca kale, shacabka ayaa taageero u muujiyay dowladda federaalka Soomaaliya,iyagoo ku eedeeyey eedeysane Axmed Madoobe in uu dayacay xuquuqda ciidamada iyo baahiyaha shacabka, sida lagu yiri qoraalka. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in deegaanka Raaskambooni uu ka bilowday howlgal rasmi ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ujeedkiisu yahay in dhammaan deegaanada Jubbaland laga xoreeyo kooxda. Dowladda dhexe oo haatan si weyn isku hayaan maamulka Jubbaland oo uu hoggaaminayo Axmed Madoobe ayaa ciidamo horleh geysay deegaano kamid ah maamulkaas, iyadoo kala fur-furid ku wada ciidanka taabacsan Madoobe, kuwaas oo qaarkood ay kasoo goosteen, kuna biireen kuwa ciidanka qaranka ee ku sugan halkaasi. Dowladda federaalka ayaa ciidanka Jubbaland ka ballan-qaaday in hadii ay ka soo tagaan Axmed Madoobe la siinayo mushaar, darajo iyo in la qarameynayo oo lagu darayo ciidanka xoogga dalka. Qorshahan ay dowladda federaalka kusoo afjareyso maamulka sanadaha badan jiray ee Axmed Madoobe ayaa waxaa toos u hor boodaya ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana haatan dhanka gobolka Gedo ka socda abaabul kale oo xooggan.