-
Content Count
212,876 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya HirShabellee ayaa sheegaya in maanta xaalad deganaasho ah laga dareemayo deegaannada dhaca xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo indhowaanahan ay ku dagaalamayeen laba maleeshiyo beeleed. Xiisaddan oo saameyn ku yeelatay deegaanka ayaa waxaa ku baxay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle oo uu horkacayo gudoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo dadaallo nabadeed oo dheeraad ah ka bilaabay halkaasi. Qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha aya waxaa looga hadla colaadddan iyo halka marayaan dadaallada uu sameeyay maamulka gobolka. Wehliye ayaa shaaca ka qaaday in nabaddu ay lama huraan tahay, isla markaana ay ku dadaalayaan sidii heshiis loo kala dhex dhigi lahaa labada beelood. “In nabad loo helo waa lama huraan dadka walaalaha ah ee colaadu u dhaxeyso, Nabadu waa wax bir aysan goyn karin biyane meyri karin waa in la helo dhab u heshiisin buuxdo si loo gaaro taasina maamulka Iyo saraakisha Ciidamada Qalabka Sida waa iney ku bixiyaan dadaal dheeraad ah wax kasto sidii loo heli lahaa Nabad iyo wadajirka dadka Walaalaha ah” ayuu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska maamulka gobolka Hiiraan. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ka go’an tahay xal u helista dagaal beeleedyada kusoo laablaabtay deegaanada ku yaala xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeelleha dhexe, kuwaas oo saameyn ballaaran ku yeeshay nolosha dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi. “Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu xaqiijinayaa Dadaalada dhab-u-hishiisinta si loo baajiyo Dhiiga Walaalaha soomaaliyeed si aay wadajir ugu midoobaan kooxda khawariijta ah ee isku dirayo beelaha walaalaha loogana baaqsado dagaal Beeleed dambe oo aan laheen natiijo” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka maamulka gobolka Hiiraan. Deegaannada HirShabelle ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabta dagaal beeleedyada oo la dagay hormarkii labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
-
Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu cafis u fidiyay wiilkiisa Hunter Biden, kaas oo wajahayay fal danbiyeedyo kala duwan. Eedaha iyo fal danbiyeedyada loo heysto ina Biden ayaa waxaa ka mid ah, in uu been ka sheegay baaritaanka lagu hubiyo dadka raba in ay hub iib sadaan, in uu heystay hub sharci darro ah, iyo isaga oo qirtay fal danbiyeed la xiriira canshuurta dowladda federaalka. Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayuu Biden ku yiri, “Maanta waxaan saxiixay cafis aan u fidiyay wiilkeyga Hunter. Maalinti aan xafiiska imid, waxaan dhahay, ma faragelin doono go’aannada Waaxda Caddaaladda, hadalkeygi marna ma aanan baddalin, xitaa aniga oo arkaya wiilkeyga si gaar ah loo soocday, isla markaana loo maxkamadeynayo si aan caddaalad aheyn.” Aqalka Cad ayaa dhowr jeer oo hore ku celceliyay, in Biden uusan cafis u fidineyn wiilkiisa ama uusan dhimi doonin sannadaha ay maxkamadi ku xakunto. Wiilkiisa Hunter, oo kasoo kabanaya daroogo uu qabatimiay, ayaa bartilmaameed u noqday siyaasiyiinta Jamhuuriga, gaar ahaan madaxweynaha la doortay, Donald Trump. Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne Biden oo dambi culus ka cafiyay wiilkiisa Hunter
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Washington (Caasimada Online) — Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Mareykanka Joe Biden ayaa xalay sheegay in uu cafis u fidiyay wiilkiisa Hunter Biden, kaas oo wajahayay fal danbiyeedyo kala duwan. Eedaha iyo fal danbiyeedyada loo heysto ina Biden ayaa waxaa ka mid ah, in uu been ka sheegay baaritaanka lagu hibiyo dadka raba in ay hub iib sadaan, in uu heystay hub sharci darro ah, iyo isaga oo qirtay fal danbiyeed la xiriira canshuurta dowladda federaalka. Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayuu Biden ku yiri, “Maanta waxaan saxiixay cafis aan u fidiyay wiilkeyga Hunter. Maalinti aan xafiiska imid, waxaan dhahay, ma faragelin doono go’aannada Waaxda Caddaaladda, hadalkeygi marna ma aanan baddalin, xitaa aniga oo arkaya wiilkeyga si gaar ah loo soocday, isla markaana loo maxkamadeynayo si aan caddaalad aheyn.” Aqalka Cad ayaa dhowr jeer oo hore ku celceliyay, in Biden uusan cafis u fidineyn wiilkiisa ama uusan dhimi doonin sannadaha ay maxkamadi ku xakunto. Wiilkiisa Hunter, oo kasoo kabanaya daroogo uu qabatimiay, ayaa bartilmaameed u noqday siyaasiyiinta Jamhuuriga, gaar ahaan madaxweynaha la doortay, Donald Trump. Hunter Biden ayaa wajahaya Arbacada xakun ku saabsan eedo hub sharci darro ah, iyo jawaabo been ah oo uu siiyay hey’adaha danbibaarista. Bishii September, wuxuu qirtay inuu galay danbi ;a xoriira in uusan bixin canshuur heer federal ah oo gaareysa $1.4 milyan oo dollar. 16-ka December ayaa la filayay in uu wajaho xakunka maxkamadda. Biden ayaa ka jareeyay shacabka Mareykanka in ay fahmi doonaan sababta uu aabe iyo madaxweyne uu u cafiyay wiil uu isagu dhalay. Dastuurka Mareykanka ayaa u ogol madaxweynaha in uu cafin karo muwaadiniinta maxkamadaha wajahaya iyo kuwa ay maxkamad xakuntay intaba. Isha: VOa -
Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday qoraagii weynaa ee Maxamed Cabdullaali Riiraash oo sidoo kale ahaa suugaanyahan dhaqanka iyo taariikhda Soomaalida muddo dheer aruurinayay. Maxamed Cabdullaahi Riiraash wuxuu kamid ahaa macallimiintii qaranka ee ka baxay kulliyadda Lafoole, wuxuu ahaa qoraa arrimaha Soomaalida iyo taariikhda geeska Afrika wax badan ka qoray, sidoo kale wuxuu kamid ahaa Abwaanadii ka qeyb-galay silsiladdii Siinley. Maxamed Cabdilaahi Riiraash waxa uu ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee waxbarashada iyo dhaqanka Soomalida hormariyay, waxaana lagu xasuustaa barnaamijyadii uu TV-ga Jabuuti ka qaban jirey ee kala ahaa Tixmaal, Sirta erayga, iyo dhaqanka iyo suugaanta. waxa uu sanadkii 1945-tii ku dhashay deegaanka Jameecada oo hoostaga magaalada Gabiley, isaga oo waxbarashadiisa ku qaatay dugsiyada Shiikh iyo Camuud, marki danbena wuxuu ku biiray kulliyaddii Lafoole isaga oo muddo dheer ku shaqeynayay macalinimo. Dugsi ku yaalla magaalada Baydhabo aya kamid ahaa meelihii uu macallinka ka ahaan jirey sida uu ku sheegay wareysi uu bixiyay intuu noolaa, sidoo kale wuxuu mar noqday madixii Manaahiijta Soomaaliyeed Intaas ka dib wuxuu ku biiray jaamacadda ku taalla dalka Ingiriiska, halkaas oo uu ka diyaariyay shahaadada Master-ka oo uu ku qaatay taariikhda Soomaalida iyo Sooyaalka Geeska Afrika, wuxuuna intii uu Ingiriiska joogay BBC-da ka baahin jirey barnaamijyo uu kamid ahaa taariikhda Halgamaa Axmed Gurey. Dhammaadkii 80-tameeyadii wuxuu u wareegay dalka Jabuuti, wuxuuna ka shaqo billaabay TV-ga dowladda, asagoo qaban jirey barnaamijyadii caanka ahaa ee dhaqanka, Tixmaal, iyo Sirta erayga, kuwaas oo lagu marti-qaadi jirey Abwaanada iyo Aqoonyahannada waaweyn. Barnaamijyadaas waxaa lagu wareystay Abwaanadii waaweynaa ee Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, maxamed Xaashi “Gaarriye”, Cabdilqaadir Xirsi yamyam, Cabdi qays, Miicaad miigane, Ibraahim Gadhle iyo Suugaanyahanno kale. Allaha unaxariistee Maxamed Cabdullaahi Riiraash ayaa qoray buugaag badan oo uu kamid yahay buugga Fatuuxul Xabasha oo ku saabsan taariikhdii iyo halgankii Axmed Gurey, buugga birma-gaydada, iyo kuwo kale. Sidoo kale Riiraash waxa uu curiyay aragtida miisaanka Maansada Soomaalida, oo markii dambe noqatay laan kamid ah qeybaha muhiim u ah barashada suugaanta, ayadoo asaga Abwaan gaarriye ay ugu horreeyeen aqoonyahannadii hal-abuuray aragtidaas. Abwaan Riiraash wuxuu kamid ahaa raggii silsiladdii Siinley uga qeyb-galay maansooyinkii ugu miisaanka cuslaa sida uu sheegay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, waxaana geeridiisa lagu tilmaamay Ileys ka damay geyiga Soomaaliga. Source: goobjoog.com
-
The Kenyan government has issued a flood alert following heavy rains affecting several parts of the country. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Former Somali intelligence chief Fahad Yasin has delivered a blistering critique of the country's opposition, accusing its leaders of focusing on obstruction. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Suuriya, Bashaar Al-asad, ayaa ku tilmaamay caawinta Iran iyo Ruushka inay “muhiim u tahay” dagaalka lagula jiro kooxda fallaagada ah ee duullaanka lama filaanka ah ku haysa waqooyiga Suuriya. Ruushka ayaa sii wada duqeymaha cirka ah ee ka dhanka ah fariisimaha kooxda ee Xalab iyo nawaaxigeeda. Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa kula kulmay madaxweyne Assad magaalada Dimishiq si uu ugu qanciyo taageerada iyo garab istaagga Iran, ka hor inta uusan u ambabixin dalka Turkiga oo ah dalka deriska la ah Suuriya. Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay inuu u sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken, Axadii in Ankara ay taageeri doonto tillaabooyinka “si loo yareeyo xiisadda” Suuriya. Ciidamada Turkiga taabacsan ayaa siddeedii sano ee lasoo dhaafay maamulayay qeybo kamid ah waqooyiga Suuriya. Ruushka ayaa shalay oo Axad ahayd “duqeymo isdaba joog ah oo cirka ah” ka fuliyay dalka Suuriya, xilli ay sii kordhayaan fallaagada kuwaas oo qabsaday magaalada Xalab, sida ay sheegtay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska. 12 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday isbitaal ku yaalla Xalab, halka weerar kale oo ka dhacay gudaha magaalada Idlib ee waqooyi galbeed ay ku dhinteen siddeed qof oo rayid ah ayna ku dhaawacmeen in ka badan 50 qof, sida ay hay’addu sheegtay. Diyaaradaha dagaalka ayaa sidoo kale duqeeyay qeybo ka mid ah miyiga Idlib iyo Xama halkaas oo kooxda hogaamineysa weerarka fallaagada ah “ay dhawaan la wareegeen”, sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha ee Suuriya. Dhanka kale dowladda Suuriya ayaa markii ugu horeysay waxaa gacanteeda ka baxday magaalada Xalab tan iyo markii uu dalkaasi ka bilowday dagaalka sokeeye, sida ay goobjoogayaasha u sheegeen wakaalada wararka ee AFP. Duulaanka lama filaanka ah ee ay qaadeen xoogaga mucaaradka ah, oo billowday Arbacadii, ayaa astaan u ah dagaalladii ugu muhiimsanaa ee ka dhaca Suuriya sannadihii u dambeeyay. Waxaa hogaaminayey kooxda Islaamiyiinta ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS), iyo sidoo kale kooxaha xulafada la ah ee taageerada ka helaya Turkiga. In ka badan 300 oo qof, oo ay ku jiraan ugu yaraan 20 rayid ah, ayaa ilaa hadda la dilay, sida ay sheegtay hay’adda. Ruushka ayaa sabtidii duqeymihii ugu horreeyay waxa ay ka fuliyeen magaalada Xalab tan iyo sanadkii 2016, kadib markii ay gudaha u galeen mucaaradka, magaaladaas oo ah tan labaad ee ugu wayn Suuriya, sida ay sheegeen goobjoogayaasha. Ciidamada cirka ee Ruushka ayaa kaalin mug leh ka qaatay in madaxweyne Bashaar Al-Asad uu xukunka sii hayo intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee ugu sarreeyay. Indha indheeyayaasha xuquuqda aadanaha ee Suuriya ayaa sheegay in shan duqeymo oo dhanka cirka ah ay aroornimadii Axada Ruushka ka geysatay xero qaxooti oo ku taal Idlib oo dhacda waqooyi galbeed Suuriya, magaaladaas oo ay ku badanyihiin kooxaha fallaagada ah. Xigashada Sawirka,Reuters Qoraalka sawirka,Koox mutadawaciin ah ayaa ku howlan gurmadka goobaha la duqeeyay Dagaalyahannada mucaaradka ayaa ku dhawaad dhammaan magaalada kala wareegay dowladda Axadii, marka laga reebo reebo xaafadaha ay maamulaan xoogagga Kurdiyiinta, sida ay hay’adda u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP. Dhanka kale, fallaagada ayaa weerarro ku qaaday koonfurta waxa ayna riixeen ciidankii halkaas ku sugnaa iyaga oo galay dhowr magaalo oo baadiyaha ah una dhaw magaalada afraad ee ugu weyn Suuriya. Wasaaradda difaaca ee Suuriya ayaa sheegtay in ciidammadu ay xoojiyeen difaacooda gobolka, iyaga oo wata gantaallo iyo saanad millatari oo culus. “Diyaaradaha dagaalka ee Suuriya iyo Ruushka” waxay xoojiyeen duqeymaha tooska ah ee ay ku beegsanayaan fariisimaha mucaaradka, iyagoo dilay kuna dhaawacay tobanaan kale, ayaa lagu yiri bayaan. Sidoo kale waxa ay sheegeen in ciidamadeedu ay dib u qabsadeen magaalooyin dhowr ah oo horay looga qabsaday ayna ka hor istaageen fallaagada in ay xoogaystaan. Xigashada Sawirka,EPA-EFE/REX/Shutterstock Qoraalka sawirka,Dagaalyahanada ka soo horjeeda Madaxweyne Bashaar Al-Asad ayaa qabsaday Xalab iyaga oo aan la kulmin wax iska caabin ah Sabtidii, sida ay sheegeen goobjoogayaasha Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya ayaa ka digay in xaaladda oo ka dartaa ay keeni karto khatar aad u daran oo soo foodsaarta dadka rayidka ah waxa uu sidoo kale sheegay in tani ay saamayn ku yeelan karto nabadda iyo ammaanka caalamka. Madaxweyne Assad oo sabtidii ka hadlay xaaladda ayaa wacad ku maray inuu difaaci doono xasiloonida Suuriya iyo wadajirka dhuleed, uuna ka hortagayo dhamaan kooxaha liddiga ku ah iyo taageerayaashooda. Dagaalkaan sokeeye, oo galaaftay nolosha ku dhawaad nus milyan qof, ayaa billowday sannadkii 2011-kii ka dib markii xukuumadda Asad ay ka jawaabtay mudaaharaadyada dimuqraadiga ah iyadoona lagu eedeeyay in cadaadis daran ay dadka saartay. Dagaalkii sokeeye ee xilligaas bilowday kadib waxaa dalkaas qaybo badan oo kamid ah ka huray dagaalo is dabajoog ah tan iyo markii lagu heshiiyay xabbad joojin sanadkii 2020, balse xoogagga mucaaradka ayaa gacanta ku hayay magaalada Idlib oo dhacda waqooyi galbeed dalkaas iyo in badan oo kamid ah gobolka. Bbcsomali Qaran News
-
Mogadishu (HOL) — Djibouti has assumed leadership of the African Union Peace and Security Council (PSC) for December, placing the small but strategically vital nation at the center of Africa's most pressing peace and security challenges. Ambassador Abdi Mahmoud Eybe, Djibouti's Permanent Representative to the AU, leads the council at a time of deepening instability in the Horn of Africa and unresolved continental crises. Source: Hiiraan Online
-
Hargeisa (HOL) — The Ministry of Health in Somaliland has strongly dismissed a report by Hargeisa General Hospital that suggested an alarming rise in AIDS cases over the past two decades. Health officials have called the data inaccurate, unauthorized, and potentially harmful, emphasizing that the nation's HIV prevalence remains low and is steadily declining. Source: Hiiraan Online
-
The fishermen of Erigabo, the capital of Sanag region, are reaping the benefits of a newly constructed market that has boosted their production over the past five months. This market, developed by Somaliland’s Ministry of Fisheries and Coastal Development, is equipped with large cold storage units and designated areas for daily trade. Source: Hiiraan Online
-
Ali Omar, State Minister for Foreign Affairs (left) and Thani Mohamed-Soilihi, the French State Minister for Francophonie and International Partnerships had a meeting in Paris yesterday. Mogadishu (PP News Desk) — The Federal Government of Somalia yesterday reportedly committed to repatriating Somali asylum seekers currently in Mayotte, a French overseas territory in the Indian Ocean, and in mainland France as part of a cooperation agreement signed yesterday in Paris by Ali Omar, the State Minister for Foreign Affairs, and Thani Mohamed-Soilihi, the French State Minister for Francophonie and International Partnerships. In return for agreeing to repatriate failed asylum seekers from Somalia, the Federal Government of Somalia will receive a substantial but undisclosed sum of money from France. The two-part repatriation programme will begin in Mayotte. “Human rights lawyers in Paris will not be able to challenge repatriation or deportation decisions by the French courts if the Mayotte plan succeeds,” said a lawyer in Paris. The Federal Government of Somalia has also expressed interest in collaborating with several Western countries to facilitate the return of asylum seekers whose applications have been rejected after appeals. © Puntland Post, 2024 The post The Somali Government “will facilitate the repatriation of failed asylum seekers in Mayotte” appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha xilka ka sii dagaya ee Mareykanka Joe Biden ayaa xalay sheegay in uu cafis u fidiyay wiilkiisa Hunter Biden, kaas oo wajahayay eedeymo fal danbiyeedyo kala duwan. Eedaha iyo fal danbiyeedyada loo heysto ina Biden ayaa waxaa ka mid ah, in uu been ka sheegay baaritaanka lagu hubiyo dadka raba in ay hub iib sadaan, in uu heystay hub sharci darro ah, iyo isaga oo qirtay fal danbiyeed la xiriira canshuurta dowladda federaalka. Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayuu Biden ku yiri, “Maanta waxaan saxiixay cafis aan u fidiyay wiilkeyga Hunter. Maalinti aan xafiiska imid, waxaan dhahay, ma faragelin doono go’aannada Waaxda Caddaaladda, hadalkeygi marna ma aanan baddalin, xitaa aniga oo arkaya wiilkeyga si gaar ah loo soocday, isla markaana loo maxkamadeynayo si aan caddaalad aheyn.” Aqalka Cad ayaa dhowr jeer oo hore ku celceliyay, in Biden uusan cafis u fidineyn wiilkiisa ama uusan dhimi doonin sannadaha ay maxkamadi ku xakunto. Wiilkiisa Hunter, oo kasoo kabanaya daroogo uu qabatimiay, ayaa bartilmaameed u noqday siyaasiyiinta Jamhuuriga, gaar ahaan madaxweynaha la doortay, Donald Trump. Hunter Biden ayaa wajahaya Arbacada xakun ku saabsan eedo hub sharci darro ah, iyo jawaabo been ah oo uu siiyay hey’adaha danbibaarista. Bishii September, wuxuu qirtay inuu galay danbi ;a xoriira in uusan bixin canshuur heer federal ah oo gaareysa $1.4 milyan oo dollar. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Biden oo cafis u fidiyay wiilkiisa Hunter appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Jubbaland ayaa isku diyaarineysa inay iska difaacdo ciidanka xoogga dalka ee dowladda Soomaaliya ay geysay gobolka Jubbada Hoose, waxaana socda abaabul xoog leh. Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Axmed Madoobe uu xabsi guri ka dhigay taliyihii ugu sareeyey ciidanka Birjeex ee Jubbaland. Hadda waxaa la sheegay in ciidanka Jubbaland uu hoggaaminayo Abaanduulihii Ciidanka Birjeex, waxaana socda abaabulkii ugu cuslaa. Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa la sheegay in xabsi guri uu ka dhigay saraakiil badan oo uu uga shakiyey inay xiriir hoose la leeyihiin Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Tallaabooyinka uu Axmed Madoobe qaaday saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka mid ah in kumanaan ciidamo ah uu ka diray magaalooyinka Kismaayo, Janaa-Cabdalla ilaa Buuloxaaji, kuwaas oo ku jawahan magaalo xeebeedka Kudhaa. Axmed Madoobe ayaa doonaya in maalamaha soo socda uu dagaal ka dhan ah ciidanka xoogga dalka ka abaabulo deegaanka Kudhaa, waxaana heysata kalsooni darro aad u weyn, sida aan xogta ku helnay. Ciidamada ayaa doonaya in aysan dagaalamin oo dowladda federaalka ay isku dhiibaan, balse Axmed Madoobe wuxuu ku cadaadinayaa inay dagaalamaan. Maanta oo ugu dambeysay ciidamo watay ilaa afar doomood ayaa iska dhiibay Raaskambooni, kuwaas oo diiday inay dagaalamaan, balse Jubbaland oo war ka soo saartay ayaa sheegtay in ciidankaas aysan markii hore ka tirsaneyn oo ay ahaayeen maleeshiyaad abaabulan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Marwo Hani Cabdi Gaas in ay noqoto La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhallinyarada iyo Cayaaraha. Marwo Hani Cabdi Gaas oo khibrad, aqoon iyo xirfad durugsan u leh Arrimaha Dhallinyarada ayaa muddo dheer ka soo shaqeysay hay’ado caalami ah iyo kuwo maxali ah. Hani ayaa u xil saaran in dhallinyarada Soomaaliyeed ku matashay fagaareyaal kala duwan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeeyey Lataliyaha Arrimaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Hani Cabdi Gaas in ay khibraddeeda dhanka horumarinta bulshada ay uga faa’iideyso dhallinyarada Soomaaliya oo maanta u taagan difaaca iyo horumarka dalkooda. Dadka ka aragti dhiibtay bogga Villa Somalia oo dikreetadaan lagu baahiyey ayaan eegnay, waxayna dadku ka bixiyeen aragtiyo kala duwan oo yaab leh. Inta badan dadku waxay muujinayaan in la-taliye uusan xil aheyn, balse ay ka dhigan tahay in qofkaas loo xafiiska Madaxweynaha looga qoray ‘biil.’ Madaxweynaha ayaa horay u magacaabay la-taliyeyaal aad u badan.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Marwo Hani Cabdi Gaas in ay noqoto La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhallinyarada iyo Cayaaraha. Marwo Hani Cabdi Gaas oo khibrad, aqoon iyo xirfad durugsan u leh Arrimaha Dhallinyarada ayaa muddo dheer ka soo shaqeysay hay’ado caalami ah iyo kuwo maxali ah, iyada oo dhallinyrada Soomaaliyeed ku matashay fagaareyaal kala duwan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeeyey Lataliyaha Arrimaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Hani Cabdi Gaas in ay khibraddeeda dhanka horumarinta bulshada ay uga faa’iideyso dhallinyarada Soomaaliya oo maanta u taagan difaaca iyo horumarka dalkooda. Source: goobjoog.com
-
Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa xog cusub ka bixiyay shirweynihii saddex geesoodka ahaa ee bishii October ka dhacay magaalada Asmara, kaasi oo ay ka qeyb-galeen madaxda Eritrea, Masar iyo Soomaaliya. Shirkaas oo xilligaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan xasilloonida gobolka, iskaashiga istiraatiijiyadeed iyo ixtiraamka wadajirka ah ee dalalka dariska ah, ayaa wuxuu Afwerki sheegay in shirka uusan aheyn mid duullaan ku ah dal kale. Madaxweyne Isaias Afwerki oo wareysi siiyay warbaahinta gudaha ayaa si cad u sheegay in shirkaasi aan looga dan laheyn in lagu dhibaateeyo Itoobiya, isagoo dhinacyo kale ku eedeeyay inay dacaayado uu ku tilmaamay “marin-habaabin” iyo “been-abuur” ka baahiyeen. Sidoo kale wuxuu sheegay in shirkaas uu ahaa dadaal loogu tala-galay sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo wadajirka Geeska Afrika, xilli ay ka taagan yihiin xasarado isbiirsaday. “Shirweynihii saddex-geesoodka ahaa ee lagu qabtay Asmara ma hayn wax Itoobiya lagu dhaawacayey ee waxa uu ahaa wax u adeegayay Geeska Afrika,” ayuu Afwerki ku yiri wareysiga. Shirka ayuu ku tilmaamay mid muhiim ahaa oo lagu taageerayo yoolal waaweyn, sida xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee gobolka Geeska Afrika, harooyinka Nile iyo deegaanka badda cas. Afwerki ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay ka shaqeynta sidii loo heli lahaa nabad iyo horumar wadajir ah oo dan u ah dhammaan dadka ku nool gobolka. Shirkan oo dhacay xilli xasaasi ah oo ay cirka isku shareertay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo kala furtay kadib is-afgaradkii Somaliland, ayaa ahaa mid siyaabo kala duwan loo turjumay maadaama saddexdan dal ay Itoobiya isku hayaan si weyn.
-
Paris (Caasimada Online) – Dowladda Faransiiska ayaa xaqiijisay taageerada ay ka geysanayo howl-galka cusub ee Soomaaliya iyo amniga badda, iyadoo ballan-qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan dowladda Soomaaliya. Faransiiska ayaa sidoo kale wuxuu adkeeyay madax-bannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya, xilli ay Itoobiya ku kacday xad-gudb ka dhan ah qarannimada Soomaaliya, kadib markii heshiis is-afgarad oo la xiriira badda ay la saxiixatay Somaliland. Faransiiska ayaa arrimahaan ku xaqiijiyey kulan ka dhacay Paris, kaasi oo dhex-maray wafdi uu hoggaaminayo wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar iyo wasiiru-dowlaha Faransiiska ee Francophonie iyo iskaashiga caalamiga, Thani Maxamed Soilihi. Kulanka ayaa lagu faaqiday iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Faransiiska, waxaana diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada muhiimka ah sida amniga, socdaalka, iyo horumarinta dhaqaalaha. Wada-hadallada ayaa lagu muujiyay doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee saaxada caalamka, oo ay ku jirto doorashadii dhawaan loo doortay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Faransiiska ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya guulaha ay ka gaartay siyaasadda arrimaha dibadda, isaga oo ballan-qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan. Sidoo kale waxaa kulanka lagu gorfeeyay iskaashiga dhaqaalaha ee labada dhinac, iyadoo laga wada-hadlay dib u soo nooleynta maalgashiga Faransiiska ee kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, sida kaluumeysiga iwm. Labada dhinac ayaa ugu dambeyntiina isla soo qaaday baahida loo qabo la-dagaallanka tahriibinta dadka iyo ka hortagga musiibooyinka dabiiciga ah, iyadoo dowldda Soomaaliya ay uga mahad-celisay Faransiiska dib u furista safaaradeeda Muqdisho, taasi oo ah tallaabo loo qaaday xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed.
-
Ruushka ayaa qaaday shan weerar oo cirka ah oo xidhiidh ah oo lala beegsaday xero qaxooti oo ku taal xaafad ku taal Idlib, sida ay sheegtay kooxda xuquuqul insaanka ee Syrian Observatory for Human Rights (SOHR) ee fadhigeedu yahay UK. Duqeymaha ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof oo rayid ah kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay hay’addu. Mar sii horreeysay, SOHR waxay sheegtay in Ruushka uu garaacay qaybo ka mid ah miyiga Idlib iyo Hama halkaas oo kooxda hogaaminaysa weerarka fallaagada “ay dhawaan la wareegeen”. Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo dawladdu u dirtay “gurmad ballaaran” Idlib iyo Hama waxay ku yaalaan dhanka koonfurta Xalab. Xoogaga mucaaradka ayaa weli gacanta ku haya magaalada Idlib ee waqooyi-galbeed iyo inta badan gobolka ku xeeran. Shalay, Idlib iyo nawaaxigeeda waxaa lagu garaacay sagaal gantaal. Qaran News
-
Ayadoo sanad walba dunida laga xuso 1-da bisha december oo ku astaysan maalinta caalamiga ah ee xanuunka HIV AIDS-ka ayaa munaasabado arrintaas ku saabsan lagu qabtay magaalooyin ay kamid tahay caasimadda Muqdisho. Masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay muhiimadda ka hortagga xanuunka HIV-ka ayaa sheegay in loo baahanyahay inaan la takoorin dadka qaba cudurkan, islamarkaana bulshada laga wacyi-geliyo inay si qaldan u fahmaan kuwa la nool AIDS-ka. Maalintan caalamiga ah oo la asteeyay sanadkii 1988-dii ayaa xuskeeda looga faa’iidaystaa wacyi-gelinta bulshada iyo baraarujinta siyaabaha looga hortagi karo xanuunka halista, islamarkaana loola dhaqmi karo dadka la nool. Cudurkan ayaa deegaanada Soomaalida ku soo badanaya, waxayna bahda caafimaadku ka digayaan in la fududaysto waxyaabaha uu ku faafo sida guurka aan baaritaanka caafimaad ka horrayn, wada isticmaalidda qalabka cidiyaha ama timaha lagu jarto sida sakiimaha, iyo taabashada dhiigga qof kale gacmo-gashi la’aan. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – 13 Sano kahor madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalka khilaafka siyaasiga ah ka jiriyay dalka Itoobiya oo xilligaasi uu xiriirkooda wanaagsanaa. Markale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalka xiisadda maamulka Jubbaland ka jirinaya Kenya, oo saaxiib dhow la’ah Axmed Madoobe, sida uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Xildhibaan Warsame ayaa sheegay in haatan Nairobi looga xaajoonayo arrintaas, ayna is horfadhiyaan saraakiil ka tirsan amniga qaranka Kenya; sirdoon, milateri iyo diblomaasiyiin iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre. “Labada dowladood ee deriska inala ah waxay fahamsan yihiin in madaxda Soomaalidu ay shakhsigooda kaga kalsoon badan yihiin hay’adaha dowladda, in aysan lahayn istiraatiijiyad, taaktiko iyo xirfad wadahadal,” ayuu yiri Warsame. Sidoo kale wuxuu sheegay in dhaq-dhaqaaqa ka socda Nairobi ee la xiriira xiisadda dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland uu ku dambeyn doono “Soomaaliyeey heshiiya oo aan idin wada hadashiino”. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran; Seddax iyo toban sano ka hor ayaan qayb ka ahaa wadahadalkii dowladdii uu Madaxweyne Xasan hoggaaminayey iyo maamulka Jubaland. Xal dalka gudihiisa lagu gaari karay ayaa xilligaas Itoobiya loo raray. Maanta Nairobi isla arrinkii ayaa looga xaajoonayaa, saraakiil ka tirsan amniga qaranka Kenya; sirdoon, milateri iyo diblomaasiyiin iyo Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya oo kaligii ah ayaa is horfadhiya. Labada dowladood ee deriska inala ah waxay fahamsan yihiin in madaxda Soomaalidu ay shakhsigooda kaga kalsoon badan yihiin hay’adaha dowladda, in aysan lahayn istiraatiijiyad, taaktiko iyo xirfad wadahadal. Waxay kaloo ogyihiin in dulqaadku ku yaryahay, doonayaana in degdeg ugu aarsadaan goobtii ay dibirtu kula dhacday. Waxay aqrinayaan in waxa wadaahi ay yihiin damac shakhsi ah, dan gaaban iyo aargoosi siyaasadeed oo maalmo gudahood is beddelaya, saa daraadeed hadalkoodu wuxuu ku soo idlaanayaa, Soomaaliyey heshiiya oo aan idin wada hadashiino.