Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,074
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Puntland iyo Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland ayay kaga hadleen Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka. War-murtiyeedka Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Puntland iyo Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland ayay kaga horyimaadeen Isbeddel kasta oo lagu sameeyay Dastuurka Soomaaliya kaasi oo ay ku sheegeen mid aan sharciga waafaqsanayn. Xildhibaannada Heer Federaal iyo Heer Puntland ayaa isku raacay in aysan marnaba Natiijo Siyaasadeed iyo mid sharci ah ka dhalan karin Dastuur wax looga beddelay si aan heshiis lagu ahayn islamarkaana aysan qayb ka noqon doonin Puntland. Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Puntland iyo Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland ayaa sidoo kale Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya uga digay in ay soo saaraan Heshiisyo Siyaasadeed oo aan loo dhammayn. Halkan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland iyo Xubnaha Labada Aqal ku matala Puntland oo War soo saaray appeared first on Puntland Post.
  2. Mogadishu (HOL) — Somalia's political leaders have agreed to conduct local government elections in June 2025, followed by parliamentary elections in September 2025, according to a communique from the National Consultative Council (NCC) on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  3. Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxay si adag u cambaareeyeen, ugana soo horjeesteeb go’aanka muddo kordhinta ee Golaha Wadatashiga Qaran ka soo baxay, kaasoo loo sameeyay Dowlad Goboleedyada Dalka. “Waxaan si adag u cambaareynaynaa go’aanka muddo-kordhinta sharcidarrada ah ee qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran u sameeyeen dawlad-goboleedyada qaybta ka ahaa shirka. Go’aankan wuxuu dalka u horseedayaa qalqal amni iyo xasilooni-darro siyaasadeed, wuxuuna halis ku yahay geedi-socodka dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya. Waxaana shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddeyneynaa in aannan marnaba aqbali doonin nooc kasta oo muddo-kororsi ah” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay Madaxdii hore. “Dowladnimada Soomaaliya waxa ay ku dhisan tahay dastuur federaal ah oo sharciyad u siinaya in Baarlamaanka dowlad-goboleedka uu soo saaro sharciga doorashooyinka labada heer ee degaan iyo dawlad-goboleed, maamulkuna dhiso guddi madaxbannaan oo qabta doorashooyinka labada heer ee dowlad-goboleedka” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka ay si wadajirka ah u soo saareen Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Shiikh Shariif, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka horyimid War-murtiyeedkii Madasha Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kala ah Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah oo muddo kororsiga lagu go’aamiyey shirka golaha wadatashiga qaranka ay uga soo hor jeedaan. “Waxaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddeyneynaa in aannan marnaba aqbali doonin nooc kasta oo muddo-kororsi ah,” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah qoraalka 3-da masuul ay soo saareen, iyagoo farriin adag u diray madaxda dowlad goboleedyada. Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ku heshiiyey in dalka doorasho qof iyo cod ah laga qabto, iyadoo muddo kordhin kale loo sameeyey madaxda dowlad goboleedyada, si doorashooyinkaas loogu diyaar garoobo, loona qabto sanadka dambe ee 2025-ka. Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran: Waxaan si adag u canbaareynaynaa Go’aanka muddo kordhinta sharci darrada ah ee qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran u sameeyeen dawlad goboleedyada qaybta ka ahaa shirka. Go’aanku wuxuu dalka u horseedayaa qalqal amni iyo xasilooni-darro siyaasadeed, waxayna halis ku tahay geedi socodka dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya. Waxaan haddaba shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddeyneynaa in aannan marnaba aqbali doonin nooc kasta oo muddo-kororsi ah. Dowladnimada Soomaaliya waxa ay ku dhisan tahay dastuur federaal ah oo sharciyad u siinaya in Baarlamaanka dowlad-goboleedka uu soo saaro sharciga doorashooyinka labada heer ee degaan iyo dawlad-goboleed, maamulkuna dhiso guddi madaxbannaan oo qabta doorashooyinka labada heer ee dowlad-goboleedka. Waxaan bogaadinaynaa Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland oo iska diiday muddo-kororsiga, una jihaystay in uu maamulkiisu qabto doorashada Jubbaland. Waxaan ugu baaqaynaa in ay doorashadaasi noqoto mid xor iyo xalaal ah. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, iyo Koonfur-Galbeed in ay ka waantoobaan muddo-kordhintan isku danaysiga ah, qabtaanna doorashooyinka dowlad-goboleedyada. Waxaan kaga digaynaa Baarlamaanka Federaalka ah in ay meel-mariyaan sharciyo ka hor imaanaya dastuurka, kalana dhantaalaya midnimada iyo wadajirka dalka, iyo muddo kordhin sharci-darro ah oo u adeegeysa damac siyaasadeed shakhsi ah. Waa in Baarlamaanku ku waano qaato waaya-ragnimadii laga dhaxlay meelmarinta damaca gurracan ee Madaxtooyada iyo halka ay ku danbaysay. Waxaa ayaan-darro wayn ah in Madaxweynaha oo loo doortay ilaalinta dastuurka, midnimada dalka iyo wadajirka umadda uu ku tumanayo dastuurka, kuna hawllanyahay kala qaybinta dalka iyo kala irdhaynta bulshada Soomaaliyeed. Waxaan caddaynaynaa in aysan jirin qolo kaligeed go’aan ka gaari karta masiirka dalka, kana tashan karta inta kale. Waxaan mar kale Madaxweyne Xasan kaga digaynaa halista muddo-kororsigu leeyahay iyo jidka loo joojin-maayo oo ah mid lagu jabo, waxaana ugu baaqaynaa in uu dhalanteedka dhinac iska dhigo, garashada u soo laabto, muujinaya xilkasnimo, iyo qaangaarnimo siyaasadeed. 1. Sheekh Shariif Sheekh Ahmed 2. Xasan Cali Khayre 3. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame The post Shariif, Kheyre iyo CC oo jawaab ka soo saaray muddo kororsiga lagu dhawaaqay appeared first on Caasimada Online.
  5. Dowladda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay howlgalka cusub ee ATMIS badeli doona oo golaha ammanka qaramada midoobe ansixiyay. Warka ay dowladdu soo saartay ayaa lagu yiri ” Dawladda Soomaaliya waxay soo dhowaynaysaa qaraarka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu maantay sida aqlabiyadda ah ku ansixiyey in hawlgalka kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) loo bedelo hawlgal kumeelgaar ah labada sano ee soo socota. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya la qaatay soo jeedinteedii ahayd in uu Howlgalka Siyaasadeed ee Qarammada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM laga billaabo maalinta Jimcaha ah ee bisha November kowdeeda uu noqdo, howlgal marxalad kala guur ah galaya, kaasoo magaciisu noqonayo UNTMIS. Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhammaantood isku waafaqay, qaraar-na ku soo saaray maanta in sidii ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay soo jeedisay uu kala guurkani ku dhammaado muddo laba sano ah, ayada oo muddadaas howsha UNSOM ay hadda hayso ay la wareegi doonaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Laamaha Qarammada Midoobay ee ka howlgala dalka. Soo jeedintan Soomaaliya oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ay u gudbisay xubnaha Golaha Ammaanka bishii Agoosto isaga oo loo sii marsiiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, waxay ku saleysan tahay wadaxaajood dhowr bilood u socday Guddi farsamo oo ka socda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo UNSOM”. Source: goobjoog.com
  6. War murtiyeedka ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la isku raacay in la qabto doorashada dowladaha hoose June 2025. Sidoo kale doorashada Baarlamaanka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa lagu heshiiyay in la qabto September 2025. War murtiyeedka ayaa waxaa saxiixiisa ka maqan Madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe oo shirka qeybtiisa hore ka mid ahaa, balse markii dambe isaga baxay. War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in goluhu isku raacay in gudida doorashooyinka lyo Xuduudaha uu soo diyaariyo jadwal faahfaahsan oo ku saabsan habsami u socodka geedi socodka doorashada. Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka PUNTLAND POST The post War murtiyeed ka soo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqgdisho, waxaana laga soo saaray war-saxaafadeed rasmi ah oo dhowr qodob ka kooban. “GWQ ayaa kulankooda ku dhagaystay warbixino faahfaahsan oo taabanaya amniga Qaranka,” ayaa lagu yiri hordhaca bayaanka. War-saxaafadeedkaan waxaa lagu sheegay in Goluhu ka hadley ajandeyaal masiiri ah oo ay ka mid yihiin la-dagaalanka argagixisada, qorshayaasha qaranka ee dhinaca aminga, geedi-socodka dimuqraadiyaynta, iyo xaaladda dhaqaale ee dalka. “Goluhu waxuu bogaadinayaa sida ay Dowlada Federaalka (DF) u maaraysay goobihii ay kala wareegtay ciidamada ATMIS, taas oo caddeyneysa sida DF ay uga go’antahay gaarsiinta isku filnaansho dhinac walba ah,” ayaa lagu yiri bayaanka. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Goluhu waxa uu soo dhaweeyay tallaabada taariikhiga ah ee Markabka dalka Turkiga ee Oruc Reis, oo baaris ku sameynaya shidaalka dalkeena, isagoo ku ammaanay dadaalka dowladda Federaalka Soomaaliya ay gelisay sidii looga faa’iideysan lahaa kheyraadka dalka.” Sidoo kale golaha ayaa ugu baagay xubnaha ka magan shirka in mar walba diyaar loolayahay wadaxaajood iyo wadahadal lagu soo afjarayo wixii kala aragti duwanaansho ah ee jira. Qodobada Shirka ka soo baxay waxaa kaloo kamif ah: GWQ waxuu si qoto-dheer u falangeeyay xaaladaha aminga, siyaasadda, iyo saalada bini’aadanimo ee dalku uu marayo. Sidoo kale GWQ, isaga oo tixraacaya heshiisyada shirarkii bishii December 2022, March 2023, iyo May 2024, wuxuu ku heshiiyay qodobada soo socda: GWQ wuxuu go’aamiyay in ay lagama maarmaan tahay in la fuliyo heshiisyadii horay loo galay isla markaana dalka la gaarsiiyo doorasho xor iyo salaal ah oo ku dhisan nidaamka xisbiyada badan oo ay shacabka Somaliyeed si toos ah wakiiladooda ugu soo doortaan. GWQ wuxuu isku raacay in si degdeg ah baarlamaanka federaalka loo horgeeyo sharciyada doorashooyinka, xisbiyada badan iyo guddida doorashada iyo xuduudaha. GWQ wuxuu soo jeediyay iney xukuumadda JFS soo dhamestirto dhismaha Gudida Qaran ee Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha. GWQ wuxuu isku raacay in Gudida Qaran ee Madaxabanaan ee Doorashooyinka lyo Xuduudaha uu soo diyaariyo jadwal faahfaahsan oo ku saabsan habsami u socodka geedi socodka doorashada si shuruucda dalka waafaqsan. GWQ wuxuu isku raacay in Doorashooyinku ku gabsoomaan sida soo socota: 5.1. Dowladaha Hoose waxay doorashadooda dhici doontaa Juun 2025. 5.2. Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxda DXDF waxay dhici doontaa Sebtember 2025. –Dhammaad The post Qodobo uu muddo kororsi ka mid yahay oo kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga appeared first on Caasimada Online.
  8. Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in ay isku raaceen in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan, iyada oo xukuumadda Federaalku soo dhisayso Guddi Doorasho oo madax-banaan. Doorashooyinka Golayaasha Deegaankan oo qof iyo cod ah ayaa loo muddeeyey bisha Juun, 2025; halka Doorashooyinka Dowlad-goboleedyada loo muddeeyey September 2025. GWQ waxuu si qoto-dheer u falanqeeyay xaaladaha aminga, siyaasadda, iyo xaalada bini aadanimo ce dalku uu marayo. Sidoo kale GWQ isaga oo tixraacaya heshiisyada shirarkii bishii December 2022, March 2023, iyo May 2024, wuxuu ku heshiiyay qodobada soo socda: GWQ wuxuu go’aamiyay in ay lagama maarmaan tahay in la fuliyo heshisyadii horay loo galay isla markaana dalka la gaarsiiyo doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhisan nidaamka xisbiyada badan oo ay shacabka Somaliyeed si toos ah wakiiladooda ugu soo doortaan. GWQ wuxuu isku raacay in si degdeg ah baarlamaanka federaalka loo horgeeyo sharciyada doorashooyinka, xisbiyada badan iyo guddida doorashada iyo xuduudaha. GWQ wuxuu soo jeediyay iney xukuumadda JFS soo dhamestirto dhismaha Gudida Qaran ee Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha. GWQ wuxuu isku raacay in Gudida Qaran ee Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha uu soo diyaariyo jadwal faahfaahsan oo ku saabsan habsami u socodka geedi socodka doorashada si shuruucda dalka waafaqsan. GWQ wuxuu isku raacay in Doorashooyinku ku qabsoomaan sida soo socota: Dowladaha Hoose waxay doorashadooda dhici doontaa Juun 2025. Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxda DXDF waxay dhici doontaa Sebtember 2025. Source: goobjoog.com
  9. Komishanka Doorashooyinka Qaranak JSL ayaa maanta tababar u furay hawlwadeenada heer-gobol iyo heer-degmo ee KDQ. Tababrkan oo lagu qabtay gobolada dalka JSL, tababarkani oo ahaa kuwa ugu muhiimsan hawlaha doorashada ayaa waxay ku qaaten: Habraaca Maamulka Natiijada Doorashada. 2-Habraaca maamulka Cabashooyinka Doorashada. 3-Xeernidaamiyaha Hubinta Codbixiyeyasaasha Bu’da isha (IBVVS). Source
  10. Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo metelaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Bujumbura ee dalka Burundi. Ujeedada socdaalkiisa ayaa ah ka qeyb-galka Shir-Madaxeedka 23-aad ee dalalka ku mideysan Ururka COMESA ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, oo lagu qabanayo magaapada Bujumbura. Shirkan oo berri furmaya ayaa diiradda lagu saari doonaa ajandayaasha mudnaanta u leh dalalka ku midaysan suuqan, kuwaas oo ay ka mid yihiin istiraatiijiyadaha amniga iyo nabadda, isbeddelka cimilada, is-dhexgalka dhaqaalaha, iyo horumarka waara. Source: goobjoog.com
  11. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay go’aanka lagu beddelayo howlgalka taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Qaraarkan cusub wuxuu dhigaya in UNSOM lagu beddelo hawlgal kumeelgaar ah oo loogu magac daray UNTMIS (United Nations Transition Mission in Somalia). Hannaanka kala-guurka ayaa bilaaban doona 1-da November 2024. Dhamaan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa isku raacay qaraarkan, taasoo muujineysa isku-duubnida ku saabsan taageerada Soomaaliya inta lagu jiro marxaladda kala-guurka amniga iyo siyaasadda. UNTMIS waxaa loogu talagalay inay si dhow ula shaqeyso dawladda federaalka iyo xulafada kale ee Soomaaliya si loo xoojiyo amniga iyo dib-u-dhiska dawladnimada. Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale xusay baahida loo qabo in taageero dheeraad ah la siiyo ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo qorshayaasha kala-guurka, si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga. Source: goobjoog.com
  12. Mogadishu (HOL) — Somalia has the authority to decide on Ethiopian troop participation in the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), set to launch in January 2025, according to UK Ambassador Michael Nithavrianakis. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta diyaarinta qorshaha isbeddelka qaranka (NTP 2025-2029), oo si habsami leh uga socda xarunta Hangarka Afisyoone. Ra’iiul Wasaare Xamza ayaa warbixin dhameystiran ka dhagaystay khubarrada ku howlan qorista qorshaha isbeddelka qaranka ee 2025-2029. Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu kormeeray sheybaarrada kala duwan ee ay shaqadu ka socoto isagoo ku ammaanay howsha muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa xarunta waxa uu ka qayb-galay dood wadaag wax ku ool ah oo ay yeesheen wasaaradda caafimaadka, dhaqaatiirta iyo ganacsatada, kaas oo looga hadlayay muhiimadda ay leedahay in qeybaha bulshada oo dhan ay door ku yeeshaan, diyaarinta qorshaha isbeddelka qaranka. Mudane Xamza ayaa sheegay in xukuumadda uu hogaamiyo ee Dan-Qaran ay doonayso in dalkeena loo jiheeyo dhanka horumarka, tayeynta hey’adaha dowladda iyo nidaamka casriyeynta oo wax badan ka beddeli doona qorshaha la doonayo in qaranka lagu horumariyo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu intaas raaciyay in dib u eegis lagu samaynayo dhismaha iyo sharciyada ha’yaddaha fulinta si dalkeenu ula jaanqaado dunida horumartay, iyadoo qorshuhuna yahay in xukuumadda ay dalka ku hogaamiso wax-qabad muuqda oo bulshada u riyaaqdo. Si kastaba, diyaarinta qorshaha isbeddelka qaranka ayaa maalmihii dambe si habsami leh uga socday magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta ciidanka cirka ee Afisyoone. The post Sawirro: R/Wasaare Xamza oo maanta tegay Afisyoone kadibna… appeared first on Caasimada Online.
  14. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, oo ku hadlaysa magaca Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda iyo shacabka Isbaaniya (Spain) ka dib fatahaad ba’an oo sababtay geerida in ka badan 63 qof. Soomaaliya waxay la wadaagtay murugada iyo naxdinta dhacdadan musiibada leh, iyadoo garab taagan qoysaska iyo bulshooyinka ay musiibadu taabatay. Dowladda Federaalka waxay bogaadin u dirtay shacabka iyo hoggaanka Isbaaniya, oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare Pedro Sánchez, kuwaas oo ay ku ammaantay midnimada iyo dulqaadka ay muujiyeen xilligan adag. “Fatahaadani waxay tusaale u tahay in iskaashi caalami ah iyo diyaar-garow wadajir ahi muhiim u yihiin marka masiibooyinka dabiiciga ah na soo food saaraan,” ayaa lagu yiri farriinta tacsida. “Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa ballan-qaadkeeda ku aaddan wada shaqaynta caalamiga ah si loo taageero soo kabashada iyo iska caabbinta masiibooyinka.” Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku adkeysatay muhiimadda xiriirka bini’aadannimo ee u dhexeeya dalalka, iyada oo garab taagan Isbaaniya xilligan adag, kana rajeynaysa in qaranka Isbaaniya uu si dhaqso leh uga soo kabto musiibadan. Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti Dileyta Maxamed Dileyta oo soo gaaray magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda ay u leedahay labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya iskaashi diblomaasiyadeed iyo ka shaqeynta wax wada qabsi wadajir ah, taas oo gobolka u horseedi karta horumar, is-ixtiraam, amni, nabad iyo xasillooni waarta. Dhankiisa guddoomiye Dileyta Maxamed ayaa shacabka iyo dowlad uga mahad-celiyey soo dhaweynta diiran, isaga oo bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay dowladda federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti oo booqasho ku jooga caasimada ayaa sidoo kale waxa uu maanta marti ku ahaa oo uu ka qeyb-galay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen xildhibaanada golaha shacabka. Dileyta oo kulankaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa ayaa ugu horeyn ka mahad-celiyay soo dhaweynta diiran ee loogu sameeyay Muqdisho, isagoo sheegay inay sii socon doonaan booqashooyinka madaxda iyo xildhibaanada labada baarlamaan, si loo xoojiyo xiriirka walaalnimo ee labada shacab. “Waxaan ka mahadcelinayaa casuumadda iyo soo dhaweynta walaalnimo ee uu inoo sameeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaan halkan ka cadeynayaa in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu si joogta ah ugu howlan yahay sidii Soomaaliya u heli lahayd xasilooni iyo nabad waarta, isagoo mar walbo ku dhagan sidoo kalena adkeynaya walaalnimada iyo wadajirka ka dhaxeeya Jabuuti iyo Soomaaliya,” ayuu yiri. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan Alle ka baryayaa inuu barakadiisa u hibeeyo dadkeena, labada dalna ka nabad geliyo wax kasta oo dhibaato iyo qalalaase ah.” The post Sawirro: Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Dileyta appeared first on Caasimada Online.
  16. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/10/AQOdzH0ntBDUAO3fPB7gUqkkGIYJUaY_WL3bUfGaayobq_OQ-L75_WvjEZi4Y8jA_pB5WGl4baXr5Hl_yZ9McXV2.mp4 Qaran News
  17. AQOqpO9tXXvxKC4ir94muW9c1Qv6VVz0TA_MqKA4s0kgkmefXqb3RV7UuNTJZ9tWaipJJ6n_b_UA8Mdv0mwEhUli Qaran News
  18. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, Mudane Dileyta Maxamed Dileyta, oo wafdi uu hoggaaminayo soo gaaray magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa qeyb ka ah xoojinta xiriirka dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, oo ah laba dal oo xiriir taariikhi ah iyo walaalnimo xooggan wadaaga. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda uu leeyahay iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo sidii ay uga shaqeyn lahaayeen horumarinta wax-wada-qabsiga. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xiriir wadajir ah uu gobolka u horseedi karo. Madaxweynaha ayaa sheegay in xiriirka labada dal uusan ku koobneyn oo kaliya dhinaca siyaasadda, balse uu muhiim yahay isku-xirka bulshada labada dal iyo iskaashiga dhaqan-dhaqaale. Soomaaliya iyo Jabuuti waxay qeyb weyn ka yihiin dadaallada nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, iyaga oo wadajir uga shaqeeya amniga iyo horumarinta gobolka. Dhankiisa, Guddoomiye Dileyta Maxamed ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee wafdigiisa. Wuxuu bogaadiyay dadaalka ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah. Wuxuu hoosta ka xarriiqay sida uu Jabuuti diyaar ugu yahay inay sii xoojiso iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya, si loo gaaro yoolalka ay wada leeyihiin labada dal. Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashuur Warsame oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa u jawaabay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay codsi u gudbiyay xubnaha labada Gole ee baarlamaanka. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in tallaabada uu xalay qaaday madaxweynaha ay muujineyso inta ay gaarsiisan tahay aqoonta uu u leeyahay baarlamaanka, wuxuuna jawaabtiisa kusoo koobay saddexdan qodob ee hoose. Madaxweynaha wuxuu noo sheegay aqoonta uu Baarlamaanka u leeyahay.: 1-Guddoonka waqtigii aan rabo iyo wixii aan rababa waan idinka helaa. 2- Xildhibaannada kuwii labada sano iyo jarjarka i bartay waan kala leexanaa, kuwa aan 2dii sano hore arkin ayaan ujeedaa oo macnaheeda yahay hadday igu sirmi doonaan. 3- Laakiin maxay kuugu taalaa kuwa i bartay yaa wax ka dhagaysanaya. Dadkaan waxay la midyihiin ninkii balliga biyaha ka soo waayey oo qolo u socota ka hortimid ee ku yiri anigaa biyo ka soo waayey, oo ay ku yiraahdeen waan ku soo quusanaynaa, ee inta ka daba laabtay yiri, waan idinkula soo quusanayaa. Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kulan casho sharaf ah la qaatay Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa toos ugu gudbiyey codsi ku saabsan kulan gaar ah oo uu ku hortagayo fadhiga Baarlamaanka. Madaxweynaha ayaa madasha ka sheegay in uusan weligii ku hungoobin codsi uu u diray Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sidoo kale haatana uu ka rejaynayo in aanay dhicin wax ka duwan waxyaabihii hore. “Kulan gaar ah waala ii sameynaa, aniga codsi ayaa la imaanaa, go’aanka idinkaa iska leh, warqaddeyda dastuuriga ah waan soo qoronaa haddii alle yiraahdo oo guddoonka waan usoo gudbinaa, Maalintaas ayaan sii afeefanaa oo wax weyn oo weyn ayaan soo wadaa, In la iga aqbalo ayaa idinka codsanayaa, weligey kuma hungoobin Baarlamaanka, kan waa midkii ugu muhiimsanaa ilaahey idinkiisa” madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Si kastaba, waxaa laga dhowr sugayaa kulanka wadajirka ee uu dalbaday madaxweynaha Soomaaliya oo ku soo aaday xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay qorshaha doorasho ee ay waddo dowladdiisa, waxaana kasoo horjeestay dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho The post CC Shakuur oo saddex qodob soo saaray, kadib tallaabadii uu qaaday Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  20. [10/24, 02:21] V V Y Farlajo: Madax ka tagtay xilkii ay xukuumadda/xisbiga Kulmiye u haysay: 1. Wasiir-kuxigeenkii Waxbarashada, Maxamuud Yuusuf Cilmi 2. Wasiir-kuxigeenkii Beeraha, Naasir Cayddiid 3. Xoghayihii Golaha Dhexe ee Kulmiye, Mustafe-Waxdad 4. Xoghayihii Guud ee Hore ee Kulmiye, Xasan Siciid Yuusuf 5. Wakiilkii SL ee Deenmaarig, Cabdirisaaq-Afqaraf 6. Xubin Guddiga Tacliinta Sare iyo Golaha Dhexe ee Kulmiye, Wasiirkii Hore ee Maaliyadda, Yuusuf Maxamed Cabdi 7. Isudduwaha Wasaaradda Isgaadhsiinta – Saaxil, Cabdicasiis Cismaan 8. Isudduwaha Wasaaradda Qorshaynta – Saaxil, Cabdikariin Cismaan 9. Guddoomiyihii Garabka Dhallinyarada Kulmiye ee Saaxil, Cabdiraxmaan Siciid 10. Xoghayihii Abaabulka & Wacyigelinta Kulmiye ee Saaxil, Sayid Aniis Food 11. Xildhibaan Degaan oo hore iyo xubin ka tirsan Guddiga Ololaha Kulmiye ee Burco, Mustafe-Bidhi 12. Xildhibaan gole degaan iyo xubin ka tirsan Guddiga Ololaha Kulmiye ee Gebiley, Mursal M. Jaamac 13. Xildhibaan gole degaan iyo xubin ka tirsan Guddiga Ololaha Kulmiye ee Gebiley, Axmed Ciisood 14. Xildhibaan Golaha Degaanka ee Kulmiye — Burco, Axmed-Xiis Dharbaan 15. Xildhibaan Golaha Degaanka ee Kulmiye — Burco, Khaalid Xasan 16. Xubin Golaha Dhexe, Guddiga Fulinta iyo Guddiga Ololaha Kulmiye ee Hargeysa, Abshir Xasan “Caanoole” 17. Guddoomiyaha Guddiga Ololaha Kulmiye ee Awdal, Cabdicasiis Diiriye Daahir 18. Madaxa Maaliyadda Kulmiye ee Awdal ahna xubin ka tirsan Guddiga Ololaha Xisbiga ee Awdal, Hibo Cabdi Yuusuf 19. Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Kulmiye ee Awdal ahna xubin ka tirsan Guddiga Ololaha Xisbiga ee Awdal, Hinda Maxamuud Tubeec 20. Xoghayihii Hore ee Gobolka Awdal ee Kulmiye ahna xubin ka tirsan Guddiga Ololaha Xisbiga ee Awdal, Mustafe Cabdi Axmed [10/26, 17:15] V V Y Farlajo: Liiskii ahaa dadka ka tegay Kulmiye ama/iyo xukuumaddiisa, waxaan idin la wadaagay 20 qof oo aan markaa hayay. Wax ka yar 48 saacadood gudahood, liiskii dhawr iyo soddon xubnood buu sii marayaa. Waxa ka danbeeyay: 21. Agaasimihii Hore ee Baanka Dhexe, Axmed Carwo 22. Xoghayihii Hore ee Gobolka Awdal ee Kulmiye ahna xubin ka tirsan Guddiga Ololaha Xisbiga ee Awdal, Mustafe Cabdi Axmed 23. Xubin ka tirsan Guddiga Dhawrists Tayada, ahna Agaasime hore, Foosi 24. Xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee Kulmiye, Mubaarig Dhoomagaab 25. Guddoomiya-kuxigeenkii Dalladaha ee Kulmiye ee Awdal, Saynab Aadan Meecaad 26. Guddoomiyaha Degmada Sh. Cali-Jawhar, Boorama, ee Garabka Haweenka ee Kulmiye, Jawhara Maxamuud Ibraahin 27. Xoghayaha Garabka Haweenka ee Kulmiye ee Awdal, Farduus Aadan 28. Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Kulmiye, ee magaalada Boorama 29. Maayirka Burco 30. Maayirkuxigeenka Burco 31. Maayirka Sallaxley 32. Maayirkuxigeenka Sallaxley 33. Mid ka mid ah KAADIRKII xisbiga Kulmiye, sida uu Cali-Gurey sheegay…magaciisa waad garanaysaan e! 34. Xildhibaan ka tirsan Golaha Degaanka Burco, ahna maayirkuxigeenkii hore, Mukhtaar Baaryare 35. Xildhibaan Golaha Wakiillada ah oo Togdheer laga soo doortay, Saleebaan-Dheere 36. Xubin ka tirsan Guddiga Fulinta, ahna Guddoomiya-kuxigeenka Golaha Dhexe ee Kulmiye, Cali Maxamed Cali 37. 120 xubnood oo ka tirsan Golaha Dhexe ee Kulmiye (magacyadooda maynaan wada helin) 38. Mudane ka tirsan Golaha Degaanka Boorama, Maxamed Diiriye 39. Mudane ka tirsan Golaha Degaanka Boorama, Axmed Khayre 40. Mudane ka tirsan Golaha Degaanka Boorama, Liibaan Cali 41. Xubin ka tirsan Guddiga Ololaha Kulmiye ee Sanaag, Injineer Xasan Gacare. Wadarta aynu ilaa hadda haynaa waa 160 xubnood oo iska casilay Kulmiye iyo xukuumaddiisa muddo bil gudaheed ka yar. Qaran News
  21. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 – 2029), oo si habsami leh uga socda xarunta Hangarka Afisyoone. Ra’iiul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhagaystay Khubarrada ku howlan qorista Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029, wuxuuna kormeeray Sheybaarrada kala duwan ee ay shaqadu ka socoto isagoo ku ammaanay howsha muhiimka ah ee ay Qaranka u hayaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa xarunta, waxa uu ka qaybgalay doodwadaag wax ku ool ah oo ay yeesheen Wasaaradda Caafimaadka, Dhaqaatiirta iyo Ganacsatada kaas oo looga hadlayay muhiimadda ay leedahay in qeybaha bulshada oo dhan ay door ku yeeshaan, diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda uu hogaamiyo ee DanQaran ay doonayso in dalkeena loo jiheeyo dhanka horumarka, tayeynta hey’adaha dowladda iyo nidaamka casriyeynta oo wax badan ka beddeli doona qorshaha la doonayo in Qaranka lagu horumariyo. Mudane Xamse Cabdi Barre, waxa uu intaa raaciyay in dib u eegis lagu samaynayo dhismaha iyo sharciyada Ha’yaddaha fulinta si dalkeenu ula jaanqaado dunida horumartay, iyadoo qorshuhuna yahay in Xukuumadda DanQaran ay dalka ku hogaamiso wax-qabad muuqda oo bulshada u riyaaqdo. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaran ee 2025 – 2029 appeared first on Puntland Post.
  22. Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada waxaana fadhigan ka soo qaybgalay 57 mudane. Fadhiga maanta, Xildhibaannada Golaha Wakiilladu waxay cod gacan-taag ah mid mid ugu codeeyeen una ansixiyeen ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 55-aad kaas oo goluhu ku hawlgeli doono inta uu kalfadhigan socdo. Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 55-aad ayaa waafaqsan qodobka 42-aad farqadiisa 4aad ee Xeer-hoosaadka Golaha kaas oo dhigaya in ajandaha qabyo-qoraalka ah ee kalfadhigu uu Golaha la horkeeno ayna Xildhibaannadu ka doodaan ka hor ansixinta ajandaha rasmiga ah. Cod gacan-taag ah oo la qaaday, waxaa ajandaha ansixiyey 50 xildhibaan, halka uu diiday 1 mudane, waxaana ka aamusay 6 mudane. Maalinta berri, Oktoobar 31, 2024, oo ay mudanayaashu yeelan doonaan fadhiga 3-aad ee kalfadhigan, ayaa si rasmi ah loogu qaybin doonaa ajandaha rasmiga ah ee maanta la ansixiyey, haddii Alle idmo. Ajandahan ayaa xambaarsan qodobbo muhiim ah oo Golaha Wakiillada Dawladda Puntland kaga arrinsan doono hawlaha muhiimka ah ee horyaalla xilligan. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo Maanta ansixiyay Anjandaha Rasmiga ah ee Kal-fadhigooda 55aad appeared first on Puntland Post.
  23. Shaqaalahii dawlada ee Lugahaya, Xariirad iyo Sayalc ayaa loo magacaabay xubnaha maamulka iyo ololaha doorashada fooda inagu haysa. Arinkani waxa uu ka soo horjeedaa shuruucda doirsshooyinka in asn qof shaqaale dawladeed ahi aanu xil.ka noocani oo ah ka qaban karin dalka gaar ahaan xiliga ololaha doorashooyinka Qofka shaqo dawladeed oo umadda oo dhan u dhex ah hayaa waa in aanu ku milmin xisbiyada midkoodana. Dadkani waa in ay shaqada dawladda ka tagaan oo is casilaan. Qaran News