-
Content Count
212,876 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somali security forces have killed at least 304 al-Shabaab terrorists in an operation against the al-Qaeda-affiliated group in the last two months, according to officials on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Beledxaawo (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Jubbaland, Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo haatan ku sugan gobolka Gedo ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Jubbaland. Ugu horreyn Yuusuf Dhuumaal ayaa ka hadlay wararka sheegaya inuu isku dhiibayo dowladda federaalka, kadib markii ay soo baxday in la hareeyay, wuxuuna meesha ka saaray wararkaasi oo uu tilmaamay inay faafiyeen dan leh dano gaar ah Dhuumaal ayaa arrinta qaboojiyay, wuxuuna tilmaamay in dowladda Soomaaliyeed aan laga xigin, isagana uu yahay mas’uul qaranka u shaqeynaya oo gobolka jooga. “Dhuumaal waa la hareereeyey Dhuumaal waa isdhiibayaa, dadka Soomaaliyeed dowladnimadooda waa xigsanayaan eyguna waa iska ciyayayaa waa kuwii oo weliba Facebook helay, waayo isku dhiibaayo Qarankii anigaa ah gobolkanna anigaa ka soo jeeda,” ayuu yiri Wasiir Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal). Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale uu Dhuumaal ka jeediyay Kismaayo, isla-markaana uu ugu jawaabay wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, isaga oo markaas ka horyimid tallaabooyinka dowladda ee la xiriira Jubbaland. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli ay kacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland ee ka dhalatay dib u doorashadii Axmed Madoobe. Labada dhinac ayaa haatan isla aaday jidaha dagaalka, kadib markii ay dowladda dhexe ciidamo ku daabushay deegaannada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.
-
Somaliland delegation visits Djibouti to mend strained ties
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) — Relations between Djibouti and Somaliland appear to be thawing as a senior delegation from Somaliland visited Djibouti this week to ease years of diplomatic strain. Source: Hiiraan Online -
Allaha unaxariistee waxaa dhowaan dalka Turkiga ku geeriyooday Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ahaa xubin ka tirsan golaha aqalka sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana hore u soo noqday madaxweyne ku xegeenka dowlad goboleedka Puntland. Senator gaagaab Allaha u naxariistee wuxuu sanator wuxuu sanadkii 1944-tii ku dhashay deegaanka godob-jiiraan ee gobolka Nugaal, wuxuuna waxbarashadiisa aas-aasigaa ku qaatay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Sanadkii 1965-tii ayuu ka baxay dugsiga sare ee Jamaal Cabdinaasir ama “Allaahida” oo ku yaallay aagga madaxtooyada dalka ee Villa Soomaaliya, isla sanadkaas ayay asaga iyo 11 arday oo kale deeq waxbarasho ka heleen dalka Jarmalka, halkaas oo uu ka soo bartay cilmiga sharciga iyo Qaanuunka. Isla dalkaas jarmalka ayuu ku diyaariyay shahaadooyinka Master-ka iyo PHD-ga, asagoo bartay maaddooyinka falsafadda iyo sharciga caalamiga ah, wuxuuna ka shaqo billaabay isla jaamacaddii uu ka baxay, asago noqday bare kaaliye ama caawiyaha macallinka. Sanadkii 1975-tii ayuu dalka ku soo laabtay, muddo kooban oo uu dugsiga xalane tababar ku qaatay ka dibna wuxuu ka shaqo billaabay maxkamadda sare ee dalka, balse sanad ka dib oo ku beegnayd 1976-dii ayuu ku biiray xisbigii Hant-wadaagga kacaanka Soomaaliyeed oo markaas la aas-aasay. Sanadkii 1977-dii intii uu socda dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya Senator gaagaab wuxuu ahaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan, ka dibna wuxuu bare ka noqday jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuliyadda qeynuunka. 1978-dii markii uu dhacay afgembigii dhicisoobay ee laysku dayay in xilka looga tuuro madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, senator gaagaab wuxuu kamid ahaa dadkii loogu shakiyay inay falkaas wax ka ogaayeen, ka dibna xabsiga ayaa loo taxaabay, asagoo muddo 7 sano ah xirnaa. Xabsiga markii uu ka soo baxay wuxuu ku noqday jaamacadda Ummadda, wuxuuna ka shaqaynayay isla kulliyadda qaanuunka oo uu horay uga howl-galayay, asagoo sidoo kale xubin ka ahaa xisbiga Hanti-wadaagga, waxayna xilligaa soo saari jireen wargeyskii caanka ahaa ee “Ogaal”. Burburkii ka dib wuxuu u qaxay dalka Denmark, muddo kooban ka dibna wuxuu ku soo noqday dalka, asagoo ka mid ahaa aas-aaseyaashi Puntland, wuxuuna maamulkaas ka soo qabtay xilal uu ka mid ahaa madaxweyne ku-xegeen, wasiir maaliyadeed, iyo xildhibaan golaha wakiillada ah. Allaha u naxariistee Senator gaagaab intii aanu geeriyoon wuxuu xubin firfircoon ka ahaa golaha aqalka sare, asagoo doorashadii sanadkii 2022 ahaa ninkii ugu da’da weynaa senatorrada ee kusimaha guddoonka ahaa intaan la dooran guddoomiyaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamxa Cabdi Barre ayaa sheegay in sababta Dowladda Federaalka ah ay ciidamada u gaysay deegaanada ka tirsan kuwa Jubaland ay tahay in ciidmada ATMIS ay kala wareegaan amniga sidoo kalana codsi uu uga yimid dadka deegaanka oo u baahday in gacan laga siiyo dhanka amaanka. Ra’iisul wasaaraha aya sheegay in tira ka badan 25 goobood oo ay ATMIS ka baxday oo tiradoodu gaarayaan 7 kun oo askari ay horey ula wareegeen ciidamada dowladda. “Dowladdu waxay ciidamo kooban oo loogu talagalay inay la wareegaan deegaanadii ay ATMIS ka baxeen oo ay amnigooda u sugaan ayaan halkaasi ugu dirnay,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza. Xamza ayaa sidoo kale sheegay in “ciidamadaas Kismaayo looga arkay sidii ciidamo dal shisheeye ku soo duulay” isagaoo ku ammaanay ciidamada Jubaland in ay iska diideen in ay la dagaallamaan kuwa dowladda, sida uu hadalka u dhigay. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dalku uu yahay dal qura, ciidamada xooggana aanay jirin meel ka mamnuuc ah, iyagana uu waajib ka saaran yahay difaaca dalka. “Waxaa waajib ka saaranyahay in ay xuduudaha sugaan dastuuriyanna dastuurka ayaa faraya,“ ayuu yiri Xamza, isagoo intaas ku daray in Qarannimada Soomaaliya ay saldhig u tahay ciidankooda. Ra’iisul wasaaraha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in ciidmadii la tababary oo ku faanayey in uu dalkiisa iyo dadkiisa uu difaacayo in dad mas’uuliyiin sheeganaya ay dadka ugu baaqaan in lala dagaallamo kuna tilmaamaan in uu caddow yahay, in uu soo galooti yahay iyo in uusan dalka lahayn. Xamza Ra’iisulwasaaraha ayaa ku baaqay in dalkan uu baahanyahy dowladnimo ku dhisan nabad iyo walaaltinimo.
-
baarlamaanka dalka Kuuriyada Koofureed ayaa ku baaqay in xil laga xayuubiyo madaxweyne Yoon Suk Yeol, ka dib markii uu Talaadadi shalay ku dhawaaqay sharciga dagaalka loo adeegsado ee martial law, kaas oo uu marki danbe dib uga laabtay. Soo saarista sharciga dagaalka ee martial law, ayaa dhalisay xasaraddii ugu weyneyd ee siyaasadeed ee muddo tobnaan sano ah ka dhacda dalka afraad ee dhaqaalah weyn qaaradda Aasiya. ilaa 190 mudane oo xarunta baarlamaanka xoog ku galay kaddib marki ay jiireen mallatariga ayaa dhammaan cod isku mid ah ku diiday, shacdiga martial law-ga ee uu soo rogay madaxweyne Yoon. Xildhibaanadaasi ayaa waxaa ku jiray 18 ka mid ah xisbiga madaxweyne Yoon. Waxaa sidoo kale guud ahaan Kuuriyada Koofureed gilgilay bannaanbaxyo waaweyn oo ay dadka ku diideen tallaabada uu qaaday madaxweynaha. Madaxweyne Yoon Suk Yeol, ayaa khudbad laga baahiyay telafishanka qaranka ku sheegay, in uu soo saaray sharciga dagaalka loo adeegsado, si uu dalkiisa uga difaaco dalka dariska la ah ee Waqooyiga Kuuriya oo ah dal ku hubeysan niyukleer, shakhsiyaadka diidan qarannimada Kuuriyada iyo in uu ilaaliyo dastuurka dalkiisa. Cadaadiskaasi kaddib, ayuu madaxweynaha Kuuriyada Koofureed ka laabtay go’aankiisa. Source: goobjoog.com
-
Xisbiga Mucaaridka ah ee Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag u cambaareeyay bara-kicin uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso qoysaska danyarta ah ee Muqdisho. Xisbiga Himilo Qaran ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ku khasbeen kumanaan shacab ah in ay si xoog ah uga bara-kiciyaan dhulkii ay mudada ku noolaayeen, kuwaasi oo ay u danbeeyeen qoysas laga bara-kiciyay Xero Kalluun. Warsaxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Mucaaridka ah ee Himilo Qaran ayuu sidoo kale ku sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay si ka baxsan bini’aadanimada ula dhaqantay shacabkii la bara-kiciyay, islamarkaana aysan u samayn wax dib u dejin ah. Xisbiga Himilo Qaran wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyay sida loo maareeyay dhulkii laga bara-kiciyay danyarta oo uu tilmaamay in madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ku sameeyeen musuq maasuq iyo eex ku dhisan dano shakhsiyeed. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Xisbiga Himilo Qaran oo Villa Somalia ku eedeeyay in ay si bini’aadanimada ka baxsan u bara-kicisay danyartii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
U.S. President Joe Biden received a warm welcome at Angola's pink-hued Presidential Palace Tuesday as he made his first and almost certainly final visit to the African continent as president. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Pete Hegseth oo lagu wado inuu noqdo Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka ee xukuumada Trump ayaa lagu eedeeyay inuu ku dhawaaqay “Dila muslimiinta oo dhan,” Hegseth ayaa hadalkan sheegay isagoo aad u khamreysan xili uu ka qeyb galay xaflad loo qabtay koox ka tirsan askartii hore oo dhacday sanadkii 2015. Ninkan ayaa sidoo kale hore loogu eedeyey falal ah galmo iyo anshax xumo shaqsiyadeed oo dhacay sanadkii 2017, sida laga soo xigtay jariirada New Yorker. Sida warbixinta lagu sheegay, Pete Hegseth waxa uu safar shaqo ugu maqnaa gobolka Ohio May 29, 2015, xiligaasi oo uu la shaqeenayey kooxda la baxday Concerned Veterans for America markii la sheegay in uu ku sakhraamay baarka hoteelka oo uu dhowr jeer ku qeyliyay, “Dila dhammaan Muslimiinta!”. “Kama hadli doonno sheegashooyinka guracan ee lagu qoray wargeyska New Yorker ee laga soo xigtay saaxiibkiis hore,” ayuu yiri qareenkiisa Tim Parlatore isaga oo ka jawaabaya eedeymahan. Golaha Xiriirka Islaamka iyo Maraykanka (CAIR), oo ah kooxda ugu wayn ee u dooda Muslimiinta Maraykanka, ayaan eedaymaha ka dhanka ah Hegseth ku sheegay kuwo culus, iyagoo ugu baaqay Kongress-ka inuusan ansixin magacaabistiisa. Agaasimaha fulinta ee CAIR, Nihad Cawad, ayaa yiri: “Marka loo eego aragtidiisa hadda iyo ficilladiisii hore, waxaa cad in Mr. Hegseth uusan gabi ahaanba ku habboonayn inuu u sharaxan yahay xoghayaha difaaca…..Qof kasta oo — xitaa xaalad sakhraansan — ku baaqa in la xasuuqo dhammaan muslimiinta, wuxuu naftiisa u diiday inuu qabto jago muhiim ah oo lama huraan ah inuu la macaamilo wakiillada dalalka Muslimiinta u badan.” Marka laga soo tago hadallada Islaam nacaybka ee Hegseth, New Yorker ayaa si faahfaahsan u sheegay in Hegseth sidoo kale lagu eedeeyay anshax-xumo shaqsiyadeed, oo ay ku jirto inuu si qarsoodi ah dhaqaale u siiyay haweeney ku eedeysay inuu kufsaday 2017-kii. Iyadoo ay jiraan muujintaasi, Trump waxa uu weli ku taagan yahay dookhiisa Xoghayaha Difaaca. “Madaxweyne Trump waxa uu magacaabayaa musharixiin tayo sare leh oo aad ugu qalma in ay ka mid noqdaan maamulkiisa,” ayuu agaasimaha isgaarsiinta ee Trump Steven Cheung ku yiri hadal uu soo saaray, isaga oo xusay inaan wax danbi ah lagu soo oogin Pete Hegseth oo horey usoo noqday askari iyo waliba wariyaha telefishinka xagjirka ah ee Fox News. Senator-ka Dimuqraadiga Richard Blumenthal, oo xubin ka ah Guddiga Ciidamada Qalabka sida ee Aqalka Senate-ka, ayaa ku tilmaamay warbixintan mid naxdin leh oo aan u qalmin, isagoo sheegay in guddigu uu si taxadar leh u eegi doono magacaabista ninkan.
-
The President-elect of Somaliland, Abdirahman Mohamed Abdilaahi (Irro), today received the US Ambassador Amb. Richard H. Riley and the Commander of AFRICOM, Major General Brian Cashman. First, the US Ambassador conveyed a message of congratulations from his country to the President-elect of the Republic of Somaliland. The two sides then discussed in detail the deep relationship between Somaliland & the United States and how to strengthen that relationship. The President-elect of Somaliland expressed to the US government his readiness to further strengthen that relationship. The US Ambassador was accompanied by senior US military officials in Africa. The President of the Republic of Somaliland was accompanied by the Vice President-elect of Somaliland, Amb. Mohamed Ali Aw Abdi, and the Special Secretary to the President-elect, Abdikadir Salah Iidle. Qaran News
-
Xildhibaannada Baarlamaanka Kuuriyada Koofureed ayaa saaka oo Arbaco ah ku baaqay in xilka laga xayuubiyo madaxweyne Yoon Suk Yeol, ka dib markii uu Talaadadi shalay ku dhawaaqay sharciga dagaalka loo adeegsado ee Martial law, kaas oo uu marki danbe dib uga laabtay. In ka badan 190 mudane oo saaka xarunta Baarlamaanka xoog ku galay kaddib marki ay jiireen millitariga ayaa dhammaan cod isku mid ah ku diiday, shacdiga martial law-ga ee uu soo rogay madaxweyne Yoon. Xildhibaanadaasi ayaa waxaa ku jiray 18 ka mid ah xisbiga madaxweyne Yoon. Madaxweyne Yoon Suk Yeol oo shalay khudbad jeediyay ayaa sheegay in uu soo saaray sharciga dagaalka loo adeegsado ee (Martial law), si uu dalkiisa uga difaaco dalka dariska la ah ee Waqooyiga Kuuriya oo ah dal ku hubeysan niyukleer, shakhsiyaad diidan qarannimada Kuuriyada iyo in uu ilaaliyo dastuurka dalkiisa, balse cadaadiskaasi kaddib ayuu ka laabtay go’aankaasi. Soo saarista sharciga dagaalka ee Martial law, ayaa dhalisay xasaraddii ugu weyneyd ee siyaasadeed ee muddo tobnaan sano ah ka dhacda Koonfur Kuuriya, taasi oo la filayo in ay horseeddo dibadbaxyo lagu dalbanayo is casilaadda madaxweyne Yoon Suk Yeol. Ururada shaqaalaha South Korea ayaa durba saaka ku dhawaaqay in ay billaabi doonaan shaqo joojin, ilaa uu madaxweyne Yoon iska casilayo, waxaa la filaya in ay isla maanta bilowdaan dibadbaxyo waa weyn. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur Kuuriya oo wajahaya xilka xayuubin kadib markii uu Martial law ku soo rogay dalkiisa appeared first on Puntland Post.
-
Afgooye (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa galabta weerar culus oo qaraxyo ku bilowday ku qaaday tuulooyin hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana dhacay mid kamid ah dagaaladii ugu cuslaa ee dhaca waayahaan. Kooxda ayaa markii hore weerar qaraxyo ismiidaamin ah ku bilowday ku qaaday deegaan lagu magacaabo Haantadheer oo dhaca duleedka Afgooye, iyagoo kadibna weerar kale ku qaaday deegaanka Mukayga, si ciidamada xoogga aysan isugu gurman. Halkaas waxaa deganaa ururro ka tirsan guutada 12-ka October ee ciidanka xoogga dalka, waxaana halkaas ka dhashay khasaare culus oo dhimasho iyo dhaawacba leh. Ciidamada xoogga dalka oo helay gurmadyo dhinacyo kala duwan uga yimid ayaa iska caabiyey weerarkii Al-Shabaab, waxaana kooxda u suurtageli weysay inay gaaraan hadafkooda oo ahaa inay qabsadaan saldhigyada ciidanka xoogga. Dhinaca kale, qarax ismiidaamin ah oo dad badan oo shacab ah lagu laayey ayaa maanta ka dhacay bartamaha degmada Afgooye, kooxda ayaa beegsatay maqaayad ay ku sugnaayeen dad badan. Xubno ku sugan Afgooye ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxaas uu geystay nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo kooxda Shabaab ay so adeegsatay, wuxuuna galaaftay nolosha in ka badan 5 qof oo shacab ah. Ciidamada ATMIS oo goobta marayey ayaa sameeyey baaritaan, waxayna dhulka ka soo saareen miino kale oo halis ah oo Shabaab ay horay ugu sii diyaariyeen goobta, taasi oo la sheegay inay qorsheynayeen inay ku laayaan dadka kale ee isugu yimaada goobta uu qaraxii hore ka dhacay.
-
Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Bashir Moallim Ali Hassan iyo Taliyaha Ciidanka ilaalada Nabadgalyada Waddooyinka Gaashaanle Dhexe Saciid Cali Maxamuud (Saciid Baryare) ayaa lagu shaaciyay in mootada Nooca Labo Lugleyda ah ee loo yaqaanno “Motocyle” aan loo ogolaan doonin inay qaadaan wax ka badan labo qofood, Marks ay kaxeynayaan Mootada ay xirtaan Koofida difaaca Madaxa iyadoo sidoo kalana Darawallada Mooto Labo Lugleyda ay ku wadi karaan ruqsad darawalnimo ee Laysinka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada bixiso. Waxaa sidoo kale amar lagu bixiyay in Gaadiidka Waaweyn ee Xamuulka ay dayactir ku sameeyaan Gaadiidkooda, Lana aqbali doonin Gaari aan Bed-qabkiisa la hubin in uu shaqeeyo. “Gaadiiidka aan lahayn Fariinka, Hoonka, Haadadka, Miraayadaha, Nalalka iyo Dhammaan Shuruudaha Bed-qabka Gaadiidka looma ogolaan doono inuu shaqeeyo, Fadlan Walaal Sameyso Gaarigaaga Oo Badbaadi Nafta Iyo Hantida Dadweynaha Iyo Taadaba” Ayuu yiri Agaasime Bashiir Oo si adag ula hadlay Gaadiidleyda ku shaqeysata Gaadiidka Duqoobay. Si looga hortago ciriiriga iyo shilalka ka dhasha isticmaalka waddooyinka, Mas’uuliyiinta ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabo adag laga qaadi doono Gaadiidka aan raacin Shuruucda Wadamarista. Milkiilayaasha Gaadiidka ayaa lagu wargeliyay inay saxaan Xogta Gaadiidka Iyo Xoogta Milkiyadda lagana Aqbali doonin inay Isticmaalaan Taarikooyinka Been Abuurka ah ama kuwo lagasoo furay Gaadiid kale iyadoo Lagu wargeliyay Ciddii u hogaamsami waysa Awaamirtaan in Sharciga lala tiigsan doono. Mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo Taliska Taraafikada ayaa ku celiyay muhiimadda ay arrintani u leedahay badbaadada shacabka iyo habsami u socodka Gaadiidka. Waxay ugu baaqeen dhammaan Gaadiidleyda inay u hoggaansamaan amarrada cusub si looga fogaado cawaaqib xumo ka dhalan karta sharci-jebinta. Source: goobjoog.com
-
Raaskambooni (Caasimada Online) –Saraakiil iyo ciidamo kale oo ka tirsanaa Jubbaland ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo xog yaab leh ka bixiyey qorshe culus oo Axmed Madoobe dejiyey in lagu qabsado Raaskambooni, balse ay uga baxeen. Saraakiil warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo sarkaal kale oo garabkiisa taagnaa lagu amray inay weerarka bilaabaan oo xerada ciidanka xoogga ee Raaskambooni ay qabsadaan. Sidoo kale wuxuu sheegay in Axmed Madoobe diyaariyey ciidan kale oo dhinaca kale ka soo weerara ciidan xoogga dalka markii laga saaro xerada Raaskambooni, balse wuxuu sheegay in markii ay soo amba-baxeen ay go’aansadeen in ciidanka xoogga dalka aysan la dagaalamin. Sarkaalkaan ayaa sheegay inay go’aan ku wadagaareen inay isku soo dhiibaan ciidanka xoogga dalka, maadaama aysan habooneyn inay la dagaalamaan, sidoo kalena aysan ku laaba karin Kismaayo oo Axmed Madoobe aysan ka badbaadeyn. “Waxaan go’aansanay in ciidanka walaalaheen ah aanaan weerarin, waxaan soo aadnay xagooda, waxaana kasoo dul dhacnay iyagoo aan naga war heyn, kadibna wax qori ah naguma soo taagin, xabadna naguma ridin ee sacab ayey nagu soo dhaweeyeen,” ayuu yiri sarkaalkaan hogagaminayey ciidankii ka goostay Axmed Madoobe. Wuxuu intaas ku sii daray “waxaan iska dhignay qoryaha si naloo aamino waana isdhiibnay, kadibna waxay na dhaheen qoryihiin qaata, soona dhawaada, waxaad u timaadeen ciidankiinii, runtii aad ayaan u faraxnay, waxaana u riyaaqnay sida ay dowladda Soomaaliya noo soo dhaweysay.” Saraakiishaan ayaa sheegay in xitaa ciidanka hadda la jooga Axmed Madoobe aysan diyaar u aheyn inay dagaal la galaan dowladda, maadaama aysan ku qanacsaneyn hoggaaminta Axmed Madoobe. Ciidamadii uu dhisayey 15-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa maalin kasta si fudud ku baneynaya garabka Axmed Madoobe, waxaana heysata xaalad hubanti la’aan ah, maadaama dowladda Soomaaliya ay ku qaaday duulaan xididada loogu siibayo.
-
Taliyaha Ciidanka Daraawishta Koonfur Galbeed qeybta degmada Buur-Hakaba dhame Maxamed Xasan Aadan (Sandheere) ayaa hogaaminayey howlgal qorshaysan oo laga fuliyey agagaarka deeganka Buur-Helede oo Hoostagta degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay Howlgalka ayaa Qorshihiisu ahaa soo qabashada Aliyow Isaag Macalin oo ah amiirkii maaliyada uqaabilsanaa Alshabaab nawaaxiga degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay. Horjoogaha lasoo qabtay ee Aliyow Isaag ayaa markii lasoo qabanayey ku howlanaa jarista boonooyinka baabuurta is ticmaaasha Wadooyinka kala duwan degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay. Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) –Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk Yeol, ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay xukun militeri oo degdeg ah in dalkaasi uu galay. Madaxweynaha ayaa go’aankoisa sabab uga dhigay eedeyn uu u jeediyey xisbiga mucaaradka dalkaas ugu weyn oo sida uu sheegay cuuryaamiyay dowladda, ayna taageersan yihiin Kuuriyada Waqooyi, sida uu hadalkiisa u dhigay. Madaxweynaha Kooriyada Koonfureed oo xukuma maamul laga tiro badan yahay ayaa waxaa culeys ka haystay in miisaaniyadiisa ay ansixiyaan xildhibaanada oo xukuumadiisa aan taageersaneyn. Hadal uu ka jeediyay telefishinka dowladda ayuu madaxweynuhu ku eedeeyay xildhibaanada kalitalisnimo iyo in ay isku dayayaan in ay meesha ka saaraan dimuqraadiyada dalkiisa ui ku hoggaamiyo. Madaxweyne Yoon, ma cadeyn waxa uu qorshahiisu yahay, balse wuxuu ballanqaaday in uu xaaladda caadi ku soo celinayo marka uu ka takhaluso wax uu ugu yeeray xoogga ka horjeeda dimuqraadiyadda. Awoodda madaxweynaha ayaa aheyd mid liidata ilaa iyo markii ay dhacday doorashada guud ee dalkaas, taas oo mucaaradka ay ku guuleysteen. Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa xiriir la sameeyay dowladda Kuuriyada Koonfureed, waxay si dhow ula socdaan xaaladda dalkaasi uu galay, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeen u hadlay golaha ammaanka qaranka dalka Mareykanka. Weli madaxweyne Joe Biden kama uisan hadlin xukunka militeri ee uu ku dhawaaqay dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa maanta ku dhawaaqay amarro cusub oo lagu hagaajinayo nidaamka Gaadiidka iyo Bed-qabka Waddooyinka Dalka, si gaar ah Mootooyinka Fekon-ta ayuu amarkaan u saameynayaa. Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Bashir Moallim Ali Hassan iyo Taliyaha Ciidanka ilaalada Nabadgalyada Waddooyinka Gaashaanle Dhexe Saciid Cali Maxamuud (Saciid Baryare) ayaa lagu shaaciyay amaradaan. Agaasimaha iyo Taliyaha ayaa sheegay in mootada Nooca Labo Lugooleyda ah ee loo yaqaanno FEKON aan loo ogolaan doonin inay qaadaan wax ka badan labo qofood. Sidoo kale waxaa lagu amray markii ay kaxeynayaan Mootada inay xirtaan Koofida difaaca Madaxa, iyadoo sidoo kalana Darawallada Mooto Labo Lugooleyda ee FEKON-ta ay ku wadi karaan ruqsadda darawalnimo ee Laysinka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay bixiso. Waxaa sidoo kale amar lagu bixiyay in milkiilayaasha Gaadiidka waaweyn ee xamuulka ay dayactir ku sameeyaan Gaadiidkooda, Lana aqbali doonin Gaari aan Bed-qabkiisa la hubin in uu shaqeeyo. “Gaadiiidka aan lahayn Fariinka, Hoonka, Haadadka, Miraayadaha, Nalalka iyo Dhammaan Shuruudaha Bed-qabka Gaadiidka looma ogolaan doono inuu shaqeeyo, Fadlan Walaal Sameyso Gaarigaaga Oo Badbaadi Nafta Iyo Hantida Dadweynaha Iyo Taadaba” Ayuu yiri Agaasime Bashiir oo si adag ula hadlay Gaadiidleyda ku shaqeysata Gaadiidka Duqoobay. Si looga hortago ciriiriga iyo shilalka ka dhasha isticmaalka waddooyinka, Mas’uuliyiinta ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabo adag laga qaadi doono Gaadiidka aan raacin shuruucda wado marista. Milkiilayaasha Gaadiidka ayaa lagu wargeliyay inay saxaan Xogta Gaadiidka Iyo Xoogta Milkiyadda, iyadoo loo cadeeyey in aan la Aqbali doonin inay isticmaalaan Taarikooyinka Been Abuurka ah ama kuwo lagasoo furay Gaadiid kale, iyadoo lagu wargeliyay ciddii u hogaamsami waysa awaamirtaan in Sharciga lala tiigsan doono. Masuuliyiinta Wasaaradda iyo Taliska Taraafikada ayaa ku celiyay muhiimadda ay arrintani u leedahay badbaadada shacabka iyo habsami u socodka Gaadiidka. Waxay ugu baaqeen dhammaan Gaadiidleyda inay u hoggaansamaan amarrada cusub si looga fogaado cawaaqib xumo ka dhalan karta sharci-jebinta.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa mar kale maanta ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda culus ee dowladda federaalka kala dhexeyso maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Xamza ayaa weerar culus ku qaaday Axmed Madoobe, wuxuuna ku eedeeyay inuu hurinayo dagaal dhex-maray ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda ee la geeyay maamulkaasi. Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay inay la socdaan dhaq-dhaqaaqa maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna sheegay in maalin kasto ciidamo doonyo uga qaado Kismaayo, balse ay ka digayaan arrintaasi. Sidoo kale wuxuu ka hadlay sababta ciidamada Xoogga dalka loo geeyay Raaskambooni, wuxuuna tilmaamay inay la xiriirto inay la wareegaan saldhigyada ay baneeyeen ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Kenya iyo inay la dagaalamaan maleeshiyaadka Al-Shabaab. “Waxaa nasiib darro ah in kuwa mas’uuliyiin sheeganayo ay maanta abaabulayaan wiilal Soomaaliyeed oo xittaa ka wada tirsan ciidamada qaranka inay isku dilaan waxaad ogtihiin habeen iyo maalin in magaalada Kismaayo laga raro ciidamo hubeysan oo loo dirayo inay lasoo dagaalamaan wiilal Soomaaliyeed oo ka tirsan Xoogga dalka” ayuu yiri Xamza. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ciidamada SNA waxaa la geeyay deegaan kamid ah gayiga Soomaaliyeed, si ay ula wareegaan deegaannadii ay ka baxeeen ciidamadii ATMIS oo ah waajibaad saaran dowladda”. Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu sheegay wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo isna nasiib darro ku tilmaamay in Jubbaland ay siyaasadeyso ciidamada xoogga dalka, isagoo sheegay in sawir khaldan lagu lifaaqayo ciidanka marka lagu tilmaamo kuwo burburinaya jiritaanka maamulkaasi. “Ciidamada la geeyay Raaskambooni waa ciidamada Danab, waxayna ka shaqeynayaan waajibaadkooda dastuuriga ah. Ciddii xabbad kala hortimaada ayaa qaadi doonta masuuliyadda,” ayuu wasiir Jaamac. Si kastaba, xiisadda dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ayaa haatan mareysa meel xasaasi ah, iyadoo laga cabsi qabo inay isku badasho dagaal toos ah, maadaama ciidamo taabacsan labada dhinac ay isku horfadhiyaan deegaano ka tirsan maamulka Jubbaland.
-
Howlgallo ay iska kaashadeen ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu dilay 27 xubnood oo ka tirsan Shabaab, halka in ka badan 30 kalena lagu dhaawacay. Howlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka Yaaqle oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalkan sifaynta ah ayaa weli ka socda deegaanka, waxaana uu bartilmaameedsanayaa haraadiga Shabaab ee ku sugan halkaas, kuwaas oo wali wiiqaya amniga iyo nabadda shacabka Soomaaliyeed. Hay’adda NISA ayaa shacabka ku nool deegaanada howlgalka laga fulinayo ugu baaqday inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Shabaab, maadaama ay yihiin bartilmaameedyo toos ah oo ciidamadu ku beegsanayaan si loo sugo amniga qaranka. Howlgaladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo xoogga la saarayo in meesha laga saaro khatarta ay ku hayaan Shabaab shacabka iyo dowladnimada dalka. Source: goobjoog.com