Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) - Somalia's security minister Hassan Hundubey Jimale says the government has no intentions of taking action against former Banadir regional police commander Sadaq John. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay la kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage, xilli ay aad u kacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee dalka. Kulankan oo ka dhacay hoyga Shariif Sheekh Axmed uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ayaan la ogayn waxyaabihii looga hadlay, mana jirto cid Warbaahinta uga warbixisay. Waxaase soo baxaya warar sheegaya in kulanka diiradda lagu saaray doodda cusub ee ka dhalatay muddo kordhinta uu Golaha Shacabka u sameeyay Hay’adaha Dowladda Federaalka. Wararka ayaa sheegaya in Shariif Sheekh Axmed uu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ugu baaqay inaanan ciidamada loo adeegsan dano siyaasadeed oo gaar ah. Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa toddobaadkii hore sheegay in muddo kororsiga Dowladda Federaalka uu dalka dib ugu celinayo xilligii adkaa ee laga soo gudbay. Sharciga gaarka ah ee jiheynta doorashooyinka dalka ayaa sii kala foggeeyay dhinacyada siyaasadda ee dalka, oo in muddo ahba ku kala qaybsanaa dhabaha loo marayo doorashada dalka. Si kastaba ha-ahaatee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socdo kulamo iska soo horjeeda, waana xilli qaybo ka mida magaalada ay xiisadi ka jirto. The post Sheekh Shariif iyo Jeneral Odowaa oo xalay kulmay appeared first on Caasimada Online.
  3. Weary of riots and recent break-ins, pharmacists feel extra vulnerable 1 Source: Hiiraan Online
  4. NAIROBI, Kenya - The United States says it is imposing visa restrictions on “those believed to be responsible for, or complicit in, undermining the democratic process in Uganda,“ including during the election in January and the campaign period. Source: Hiiraan Online
  5. President condemned by progressives and advocacy groups despite ending ban on arrivals from Somalia, Syria and Yemen Source: Hiiraan Online
  6. BAAQ MADAXWEYNE: 16 /04/2021 Madaxweynaha Somaliland Wuxuu Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Walaalaha Ah Ee Dirirtu Ku Dhex Marayso Ceelka Dhabar-dalool, Maamulka Gobolka Iyo Hay’adaha Amnigana Farayaa Inay Tallaabo Adag Ka Qaadaan Cidkasta Oo Nabadda Doc-Wareemaysa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay Ceelka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun oo dhacda waqooyi barri ee gobolka Sool. Dagaalkaas oo ka kacay Ceel-biyoodka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun, wakhtigan maaha macquul in la daadiyo dhiigga dadka muslinka ah, sidaa awgeed waxa aan ugu baaqayaa kuwa colaadda hurinaya inay ka waantoobaan oo ay u tudhaan dadkooda maatida ah ee aan waxba galabsan iyo aakhiradooda, iyadoo weliba lagu jiro bishii barakaysanayd ee Ramadaan oo ah bil cibaado. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ugu baaqayaa waxgaradka, waayeelka, culimada iyo aqoonyahanka labada dhinac ee dirirtu dhexmarayso inay xasilooni ku soo dabbaalaan xaaladda, dhexdana u xidhaan sidii loo joojin lahaa khasaaraha uu sababay dagaalka beelaha walaalaha ah oo dhawaan uun muddo dheer ka dib heshiis ku gaadhay degaanka Adhi-cadeeye oo ay xubno ka mida golaha wasiiradu bilo u fadhiyeen sidii heshiis loo gaadhi lahaa, balse nasiib daro ay labadii beelood dib ugu dirireen ceel-biyood shalay. Sideedaba colaad wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, madaxweynuhu wuxuu si adag u tilmaamayaa in aan loo dulqaadan Karin colaad sokeeye oo sidan u khasaare badan inay ku soo noq-noqoto deegaamada gobolka Sool, Madaxweynuhu waxa uu ciidamada qaranka, maamulka gobolka iyo dhammaanba hay’adaha kala duwan ee xukuumadda amrayaa inay tallaabo dawladnimo ka qaadaan colaadaasi soo noq-noqotay, cid kasta oo u hoggaansami-wayda nabadda iyo samahana tallaabo ku habboon ka qaadaan. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabadda iyo samaha jecel u soo jeedinayaa inay gacan ka geysataan daminta colaadaasi iyo joojinta dhiig danbe oo ku daata dirirtaa. Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku naf waayey dagaalkaasi, waxaanu u ducaynayaa intii ku dhaawacan tahay in Alle caafimaad ka siiyo waxyeelada ka soo gaadhay dagaalkaasi. . <img class=”j1lvzwm4″ src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ /> <img class=”j1lvzwm4″ src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ /> <img class=”j1lvzwm4″ src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ /> 443Hussein H. Y Cadde, Subeer Ismaaciil Yuusuf and 441 others 109 Comments 137 Shares Like Comment Share Qaran News
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga hadlay xiisada colaadeed ee ka taagan gobolka Sool, gaar ahaan dagaal beeleedkii ka dhacay Ceelka Dhabar-Dalool oo ku yaalla waqooyi bari ee gobolkaasi. Biixi ayaa baaq nabadeed u diray maleeshiyaadka labada beelood ee ku diriraya halkaasi, isagoo ka dalbaday inay dagaalka joojiyaan wax welibana ay ku dhameeyaan wada-hadal. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhinacyada sii hurinayo xiisadaasi inay ka waantoobaan, isla-markaana ay u turaan dadkooda, maadaama lagu guda jiro bisha Ramadaan. Waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee gobolka ayuu sidoo kale ugu baaqay inay qaataan kaalintooda, isla-markaana ay ku baxaan, sidii loo xalin lahaa colaadaasi. Ugu dambeyn wuxuu amray ciidamada Somaliland ee ku sugan Sool inay qaadaan tallaabo deg deg ah oo looga hortegayo sii socoshada dagaalkaasi oo geystay khasaare kala duwan. Halkan hoose ka aqriso:- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay Ceelka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun oo dhacda waqooyi barri ee gobolka Sool. Dagaalkaas oo ka kacay Ceel-biyoodka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun, wakhtigan maaha macquul in la daadiyo dhiigga dadka muslinka ah, sidaa awgeed waxa aan ugu baaqayaa kuwa colaadda hurinaya inay ka waantoobaan oo ay u tudhaan dadkooda maatida ah ee aan waxba galabsan iyo aakhiradooda, iyadoo weliba lagu jiro bishii barakaysanayd ee Ramadaan oo ah bil cibaado. Madaxweynaha Somaliland wuxuu ugu baaqayaa waxgaradka, waayeelka, culimada iyo aqoonyahanka labada dhinac ee dirirtu dhexmarayso inay xasilooni ku soo dabbaalaan xaaladda, dhexdana u xidhaan sidii loo joojin lahaa khasaaraha uu sababay dagaalka beelaha walaalaha ah oo dhawaan uun muddo dheer ka dib heshiis ku gaadhay degaanka Adhi-cadeeye oo ay xubno ka mida golaha wasiiradu bilo u fadhiyeen sidii heshiis loo gaadhi lahaa, balse nasiib daro ay labadii beelood dib ugu dirireen ceel-biyood shalay. Sideedaba colaad wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, madaxweynuhu wuxuu si adag u tilmaamayaa in aan loo dulqaadan Karin colaad sokeeye oo sidan u khasaare badan inay ku soo noq-noqoto deegaamada gobolka Sool, Madaxweynuhu waxa uu ciidamada qaranka, maamulka gobolka iyo dhammaanba hay’adaha kala duwan ee xukuumadda amrayaa inay tallaabo dawladnimo ka qaadaan colaadaasi soo noq-noqotay, cid kasta oo u hoggaansami-wayda nabadda iyo samahana tallaabo ku habboon ka qaadaan. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabadda iyo samaha jecel u soo jeedinayaa inay gacan ka geysataan daminta colaadaasi iyo joojinta dhiig danbe oo ku daata dirirtaa. Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku naf waayey dagaalkaasi, waxaanu u ducaynayaa intii ku dhaawacan tahay in Alle caafimaad ka siiyo waxyeelada ka soo gaadhay dagaalkaasi. The post Muuse Biixi oo amar siiyey ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka SOOL appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xunudbey oo xalay shir jaraa’id qabtay isaga oo ku sugan gurigiisa, ayaa si rasmi ah u sheegay in dowladda aysan wax qorshe ah ka laheyn inay weerarto ama soo qabato Saadaq Cumar Xassan (Joon). Wasiirka ayaa beeniyey in ay markii horeba qorshahaasi jirey iyada oo la ogaa in habeenkii Arbacada ciidamo badan la dul dhigey xaafadda Shiirkole oo markaas uu ku jirey Saadaq Joon, sidoo kalena mar kale halkaas ciidan la geeyey xalay kadib markii uu Saadaq ku laabtay isaga oo kasoo tegay gurigiisa agagaarka garoonka Aadan Cadde. “Arrinta ku saabsan Saadaq Cumar Xasan, taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir dowladda haddii ay rabto inay tallaab ka qaado saacadihii hore ayay ka qaadi laheyd, laakiin lama qorsheyn ninkas arrintiisa in wax tallaab ah laga qaado, meesha hadda u degan yahay oo xaafado bulsho nabdoon degan yihiin ah in la weeraro wax dan ah oo ku jiro malahan,” ayuu yiri Xundubey. Xundubey ayaa diginin culus u diray dad uu sheegay inay arrintan siyaasadeynayaan oo ay qas hurinayaan. “Waxaan leenahay faraha kala baxo,” ayuu yiri. Xundubey ayaa dhinaca kale xaqiijiyey in ciidamada dowladda furfur iyo kala daadin lagu hayo oo ay ka shaqeynayaan siyaasiyiin, waxaana uu ka dalbadey in aan ciidamada la kala furfurin oo siyaasadda laga heshiin doono. Xaaladda Shiirkole ayaa xalay aad u kacsaneyd waxaan halkaas gaaray xildhibaanada beesha Habar-gidir, si ay u garab istaagaan Jeneral Saadaq, ayada oo sidoo kalena dibad-baxyo waa weyn ay dhigeen shacabka halkaas degan oo ku qeylinayey “Farmaajo dooni meyno”. Xildhibaanada iyo odayaasha beesha Habar-gidir, oo sidoo kale shir jar’aaid halkaas ku qabtay ayaa sheegay in beesha ay iska difaaceyso Farmaajo, waxayna sidoo kale shacabka Muqdisho ugu baaqeen inay iska difaacaan dowladda Farmaajo. Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Xundubey The post Daawo: Wasiirka Aminga oo ka hadlay xiisadda DF iyo Jeneral Saadaq Joon appeared first on Caasimada Online.
  9. Nin Somalia oo ka cararay Uk,kana baxsaday Gacanta Booliiska Hindiya oo noqaday Ninka loogu doon-doonista badan yahay Booliska ayaa shaaciyay sawirrada Maxamed Cali Cige oo laga qaaday xilli ay gacanta ku hayeen booliska Hindiya sanadkii 2013 Booliska UK ayaa ugaarsanaya eedeysane baxsad ah oo lala xiriirinayo fal dil ah oo sanadkii 2010-kii koonfurta Wales loogu geystay wiil 17 jir ahaa, waxaana hadda lagu raad joogaa xog cusub. Aamir Siddiqi waxaa lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Cardiff 11 sano ka hor kaddib markii ragga dilka fuliyay ay ku khaldameen. Maxamed Cali Cige, oo 43 jir ah ayaa u cararay dalka Hindiya ka hor inta aysan dambi baareyaasha Wales soo xirirn maadaama lala xiriirinayay dilkaas. Booliska koonfurta Wales ayaa sheegay in ninkan uu yahay qofka eedeysanaha ah ee loogu doon doonista badan yahay Wales oo dhan, waxayna horaantii isbuucan sii daayeen sawirradiisa oo aan horay loo arkin. Mr Cige waxaa sanadkii 2011-kii lagu xiray gudaha Hindiya isagoo loo heysto tuhun la xiriira dil. Laakiin wuxuu baxsaday sanadkii 2017-kii xilli ay booliska Hindiya isku diyaarinayeen inay u soo gacan galiyaan booliska UK. Wuxuu ku dhex dhuuntay musqul ku taalla xarun tareenka ee magaalada New Delhi. Aamir Siddiqi had been offered a place to study law at university and was was described as a “bright, gentle and courteous boy” Saraakiisha booliska ayaa sheegay in sawirrada Mr Cige, oo dagganaa xaafadda Riverside ee magaalada Cardiff, laga qaaday markii ay gacanta ku hayeen booliska Hindiya sanadkii 2013-kii. Sababta loo shaaciyay ayay ku tilmaameen codsi shacabka looga doonayo inay macluumaadka ninkaas ku saabsan soo gudbiyaan. Arrintan ayaa timid 11 sano kaddib markii Aamir lagu dilay waalidiintiisa hortooda xilli uu sugayay macallinkiisa Qur’aanka oo ugu imaan jiray gurigiisa ku yaalla deegaanka Roath. “Xog ayaa la helay kaddib markii dadweynaha laga dalbaday garab haddana booliska Koonfurta Wales waxay rajeynayaan inay u mahad celiyaan dadka macluumaadka u soo gudbiyay,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay taliska booliska Koonfurta Wales. Qoraalka sawirka,Ben Hope iyo Jason Richards waxaa xukun ku ridday maxkamadda Swansea Crown Jason Richards iyo Ben Hope waxaa sanadkii 2013-kii lagu xukumay midkiiba 40 sano oo xabsi ah, kaasoo ay ku muteysteen dilka wiilka dhalinyarada ahaa. Labadana nin ayaa howshaas galay kaddib markii uu lacag dhan £1,000 siiyay nin ganacsade ah oo ka careysnaa heshiis hantiyeed oo burburay, isagoo doonayay inay dilaan aabbe dhalay afar carruur ah oo ku noolaa guri ku yaalla waddada dariskiisa ah. Garsoorihii dhageysanayay kiiska maxkamadda labada nin ayaa Aamir ku tilmaamay inuu ahaa “wiil fahmad badan oo ay qoyskiisa aad u jeclaayeen”. Qoraalka sawirka,Afar sano kaddib baxsashadiisii, Mr Cige meel uu joogo lama oga “Waan sii wadi doonnaa inaan la shaqeyno waaxda dambiyada la tacaasha ee qaranka iyo hayadaha booliska ee caalamiga ah si loo raadiyo Mr Cige dibna loogu soo celiyo UK,” ayaa lagu yidhi bayaanka kasoo baxay booliska. Dambi baareyaasha ayaa sheegay in qoyska Aamir ay si joogto ah ugu wargalin doonaan xaaladaha soo kordha. Qof walba oo xog haya ayay ka codsadeen in uu lasoo xiriiro booliska ama uu macluumaadka uu hayo ku gudbiyo bogga internet-ka ay ku leeyihiin booliska. Qaran News
  10. Marxuum Nuur Jaamac Aadan Weriye iyo labo qof oo qoyskiisa ah ayaa ku geeriyooday shil gaadiid oo ka dhacay inta uu dhaxaysa Garoowe iyo degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal. Nuur Jaamac Aadan oo ahaa weriye samafale ah, hooyadiis iyo walaashiis ayaa ku geeriyooday shil ka dhashay labo gaari oo mid xamuul yahay midna kuwa raaxada yahay oo isku galay aaga tuulada Libaaxo ee gobolka Nugaal. Shilka gaadiid ee Libaaxo Meydka saddexda marxuum ayaa la keenay isbitaalka guud ee magaalada Garowe, welina shilkaas wax faahfaahin ah kama bixin saraakiisha Ciidanka Taraafikada gobolka Nugaal. Shilalka gaadiidka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay gudaha Puntland, waxaana la sheegaa in sabab u tahay gaadiidka xawaaraha saa’idka ah ku socda iyo burburka waddooyinka qaarkood. PUNTLAND POST The post Garoowe: Weriye iyo labo qof oo kale oo shil gaadiid ku geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii Degmada Xamar Jabab, Maxamed Cabdi Axmed (Xayle) ayaa xalay lagu dilay weerar ay dabley hubeysan ku qaaday xilli uu sii gelayay hoygiisa oo ku yaalla deegaanka Sarkuuste oo ka tirsan Garasbaaley. Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Dhamme) ayaa xaqiijiyay dilka Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab. Afhayeenka ayaa tilmaamay in kooxo bastoolado ku hubeysnaa, isla-markaana watay mooto bajaaj ay dileen Gudoomiyaha. Maxamed Cabdi Axmed, ayaa xilka Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab loo magacaabay 5-tii bishii September ee sanadkii 2020. Waa Gudoomiyihii 2-aad oo billo gudahood lagu dilo Magaalada Muqdisho. 21-kii bishii January ayay ahayd markii la dilay Gudoomiyihii Degmada Hodan, Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhegajuun), oo ku dhintay israsaaseyn Ciidanka Booliska iyo ilaaladiisii ku dhex martay inta u dhaxeyso Isgoysyada Aadan Cadde iyo Hawlwadaag. Dilka Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab ayaa ku soo aadaya, xilli ay dhiilo colaadeed ay ka soo cusboonaatay Magaalada Muqdisho, oo u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo Jeneral Saadaq John. The post Guddoomiyihii degmada XAMAR JAJAB oo la dilay appeared first on Caasimada Online.
  12. Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubay ayaa sheegay in dowladda aysan u qorsheysnayn weerar ay ku qaado Taliyihii hore ee Booliska gobolka Baandir Saadaq Joon. Wasiir Xundubey oo hadlay saqdii dhere ee caawa ayaa yiri “Saadaq Joon dowladdu haddii ay rabto in ay tallaabo ka qaado saacadihii ugu horreeyay ayay ka qaadi kartay, laakiin lama qorsheyn in ninkaas wax tallaabo ah laga qaado”. “In la weeraro xaafadaha uu degan yahay oo ah kuwo nabdoon dowladdu uma aragto in wax dan ah ku jirto” ayuu hadalka ku daray Wasiirka Amniga Soomaaliya. Hadalka Wasiirka ayaa yimid kadib markii caawa xildhibaano la heyb ah Saadaq Joon sheegeen in dowladdu qorsheynayso weerar ay ku qaado xaafadda Shirkole oo degan yahay Saadaq Joon. PUNTLAND POST The post DFS: Ma jiro qorshe lagu weeraro Saadaq Joon appeared first on Puntland Post.
  13. Mogadishu (PP News Desk) — President of Somalia Mohamed Abdullahi Mohamed said that the Federal Government “is ready to have talks with Puntland and Jubaland” despite the Federal Parliament extending the mandate of the federal institutions. In an interview with Shabelle TV, President Mohamed pinned the blame for the failure of talks on Puntland and Jubalanad. “Puntland and Jubaland demanded the dissolution of the Federal Parliaments as a precondition to sign the electoral agreement even after their proposal to hold indirect elections had been accepted and endorsed by the Federal Parliament” said President Mohamed. President Mohamed defended the decision of the Federal Parliament to extend the mandate of the Federal Government. “The Federal Parliament is the highest federal institution of the country. It has discharged its duty to end the political uncertainty after the failure of the electoral talks” President Mohamed added. President Mohammed deplored Somalia’s dependency on foreign forces. Asked about the reaction of the International Community to the mandate extension, President Mohamed said that the International community “respects Somalia’s sovereignty and that it was not imposing on Somalis decisions. It our responsibility to thrash out their political differences.” “Somalia was stateless for ten years; and since 2000 gradual state-building endeavours have been made. When foreign countries are being consulted on our national security, one can understand that a country that benefits from Somalia’s predicament will use its role as a leverage to attain some goals. Kenya’s illegal claim of Somali maritime territory is one such example. Kenya has troops in Somalia [as a part of AMISOM], and have many friends. The Federal Government of Somalia has faced pressures from Kenya’s friends to persuade Somalia to withdraw the maritime dispute case, but Somalia stuck with the decision to have the maritime dispute adjudicated at the International Court of Justice” said President Mohamed. © Puntland Post, 2021 The post Somalia President: Government is Ready to Talk to Puntland and Jubaland appeared first on Puntland Post.
  14. Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa Caawa oo Sabti soo galayso wuxuu la yeeshay Siyaasiyiinta, Odoyaasha Dhaqanka, Haweenka, Culumada iyo Bulshada Rayidka, kulankaasoo ku saabsanaa Guuldaradii ay Xukuumada Dhexe ku guul daraysatay inay Dalka Doorasho ka dhacdo iyo Amaanka Caasimada Soomaaliya. Ka qaybgalayaasha kulanka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Xaalada Siyaasadeed ee Dalka, waxayna dhamaantood ka sinaayeen in Xukuumada Puntland ay kasoo Baxdey kaalintii uga aadanayd Maaraynta Khilaafka Siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaa si gaara loo soo dhaweeyey in Madaxweyne Deni uu kaalin muuqata ka qaatay Iskudaygii Xalinta Khilaafka Doorashada. Waxyaabaha ay ka qaybgalayaashu iskumidka ka ahaayeen waxaa kamid ahaa in aan la aqbali karin in Xukuumada Farmaajo ay fara marooqsato Talada Dalka. Hoos ka daawo Sawirada The post Garowe-Sawiro.. Madaxweyne Deni oo Kulan wadatashi ah la yeeshay Bulshada qaybaheeda appeared first on . Source
  15. Waxaa caawa magaalada Muqdisho lagu dilay guddoomiyihii degmadda Xamarjajab Maxamed Cabdi Axmed (Xayle). Guddoomiyaha ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah, xilli uu sii galayay sida la sheegay gurigiisa oo ku yaalay xaafadda Sarkuusta ee deegaanka Garasbaalley. Mas’uulkan ayaa la sheegay in ay dileen koox bastoolado ku hubaysan oo watay mooto Bajaaj, kuwaas oo baxsaday. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Degmo oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada beesha Habar-gidir oo ay ka mid yihiin Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Odowaa iyo Cabdi Saabir Shuuriye, oo ay wehliyaan odayaasha beesha, ayaa caawa shir jaraa’id ku qabtay xaafadda Shiirkole oo ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo kuwa Jeneral Saadaq John. Xildhibaanada iyo odayaasha ayaa si isku mid ah uga digay weerar ciidamada dowladda qorsheynayaan inay ku qaadaan Jeneral Saadaq, xilli aad loo soo dhoobay halkaas, kadib markii Saadaq uu galabta kasoo tegay gurigiisa oo ku yaalla garoonka Aadan Cadde. Xildhibaan Cabdi Saabir ayaa sheegay in Farmaajo uu ugaarsi iyo beegsi ku hayey dadka Habar-gidir tan iyo 2017, oo uu si shakhsi ah isaga u beegsaday, laakiin dadka ay iminka arkayaan wax uu yahay, sida uu hadalka u dhigay Xildhibaan Mahad Salaad ayaa isna ku eedeyey Farmaajo inuu yahay qabyaaladiiste, soo dhoweystay oo aad u maamuusay Cabdirashiid Janan oo ah dambiile dagaal oo caalamka laga doonayo balse ay isku beel yihiin, halka uu weerar ku yahay Jeneral Saadaq oo lasoo shaqeynayey afar sano. Dhammaan xildhibaanada ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho inay u diyaar garoobaan inay iska difaacaan Farmaajo, oo ay ugu wada yeereen “hoggaamiye kooxeed sharci-darro” ku jooga Villa Somalia. Mid ka mid ah odayaasha goobta ka hadlay ayaa yiri “Habar-gidir 34 dowladood ayay ka diideen Caydiid ha lasoo qabto, oo ay la dagaalameen, haddana Farmaajo ka yeeli maayaan Saadaq John ha lasoo qabto, ee ciddii awood leh ha u timaada.” Hoos ka daawo shirka jaraa’id. The post Daawo: Xildhibaanada iyo odayaasha Habar-gidir oo ku dhowaaqay is-difaac appeared first on Caasimada Online.
  17. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo kulamo wadatashi ah kula qaatay qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanadooda. Madaxweynaha Jubaland ayaa bayaan kooban oo uu soo saaray ku yiri “Waxaan caawa kulan miro dhal ah la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland iyo aqoon yahanka deegaanka iyadoo aan la wadaagay xaalada uu dalku marayo iyo dadaalkii lagu soo bixiyay dib u dhiska dalka”. Dhanka kale afhayeenka Puntland Jaamac Dabaraani ayaa yiri “Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu caawa kulan wadatashi ah la qaadan doonaa Aqoonyahanada, Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Bulshada Rayidka ah ee reer Puntland. Wadatashiga kadib, Puntland waxay soo saari doontaa war ku saabsan mowqifkeeda ku saabsan mudo kordhinta sharci darada ah ee uu sameeyay Farmaajo”. Madaxweyne Deni ayaa wadatashigan sameeyay ka hor inta uusan berri oo sabti ah hortegin Baarlamaanka Puntland oo u jeedin doono khudbad. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa maalmo ka hor Muqdisho ka tagey markii uu fashilmay shirkii Afisyoone ee doorashada Soomaaliya, sidoo kale soo baxay go’aankii baarlamaanka ee muddo kordhinta. PUNTLAND POST The post Deni iyo Axmed Madoobe oo wadatashi la sameeyay bulshada Puntland iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.
  18. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay Ceelka Dhabar-dalool ee degmada Xudun oo dhacda waqooyi barri ee gobolka Sool. Muuse Biixi ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Wakhtigan maaha macquul in la daadiyo dhiigga dadka muslinka ah, sidaa awgeed waxa aan ugu baaqayaa kuwa colaadda hurinaya inay ka waantoobaan oo ay u tudhaan dadkooda maatida ah ee aan waxba galabsan iyo aakhiradooda, iyadoo weliba lagu jiro bishii barakaysanayd ee Ramadaan oo ah bil cibaado”. Madaxweynaha Somaliland ayaa ciidamada, maamulka gobolka Sool iyo hay’adaha kala duwan ee xukuumaddiisa amray in ay tallaabo dawladnimo ka qaadaan cid kasta oo u hoggaansami-wayda nabadda. Muuse Biixi wuxuu ugu baaqay waxgaradka, waayeelka, culimada iyo aqoonyahanka labada dhinac ee dirirtu dhexmarayso in ay xasilooni ku soo dabbaalaan xaaladda, dhexdana u xidhaan sidii loo joojin dagaalkaas oo sababay khasaaro badan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi oo ka hadlay colaada Sool appeared first on Puntland Post.
  19. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay Ceelka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun oo dhacda waqooyi barri ee gobolka Sool. Dagaalkaas oo ka kacay Ceel-biyoodka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun, wakhtigan maaha macquul in la daadiyo dhiigga dadka muslinka ah, sidaa awgeed waxa aan ugu baaqayaa kuwa colaadda hurinaya inay ka waantoobaan oo ay u tudhaan dadkooda maatida ah ee aan waxba galabsan iyo aakhiradooda, iyadoo weliba lagu jiro bishii barakaysanayd ee Ramadaan oo ah bil cibaado. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ugu baaqayaa waxgaradka, waayeelka, culimada iyo aqoonyahanka labada dhinac ee dirirtu dhexmarayso inay xasilooni ku soo dabbaalaan xaaladda, dhexdana u xidhaan sidii loo joojin lahaa khasaaraha uu sababay dagaalka beelaha walaalaha ah oo dhawaan uun muddo dheer ka dib heshiis ku gaadhay degaanka Adhi-cadeeye oo ay xubno ka mida golaha wasiiradu bilo u fadhiyeen sidii heshiis loo gaadhi lahaa, balse nasiib daro ay labadii beelood dib ugu dirireen ceel-biyood shalay. Sideedaba colaad wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, madaxweynuhu wuxuu si adag u tilmaamayaa in aan loo dulqaadan Karin colaad sokeeye oo sidan u khasaare badan inay ku soo noq-noqoto deegaamada gobolka Sool, Madaxweynuhu waxa uu ciidamada qaranka, maamulka gobolka iyo dhammaanba hay’adaha kala duwan ee xukuumadda amrayaa inay tallaabo dawladnimo ka qaadaan colaadaasi soo noq-noqotay, cid kasta oo u hoggaansami-wayda nabadda iyo samahana tallaabo ku habboon ka qaadaan. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabadda iyo samaha jecel u soo jeedinayaa inay gacan ka geysataan daminta colaadaasi iyo joojinta dhiig danbe oo ku daata dirirtaa. Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku naf waayey dagaalkaasi, waxaanu u ducaynayaa intii ku dhaawacan tahay in Alle caafimaad ka siiyo waxyeelada ka soo gaadhay dagaalkaasi. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada beesha Habar-gidir ee baarlamanka federaalka ayaa goordhow gaaray xaafadda Shiirkole, oo caawa ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo Jeneral Saadaq John. Xildhibaanada gaaray halkaas ayaa waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Odawaa, Mahad Salaad iyo Cabdi Saabir Shuuriye iyo kuwa kale, si loo garab is-taago Jeneral Saadaq John, oo laga cabsi qabo in ciidamada dowladda ay weerar ku qaadaan. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Xildhibaanadeena Habar Gidir ayaa hadda soo gaaray Shiirkole. Farmaajo, Fahad iyo Biixi dadkeena ayay duulaan ku yihiin. Dadkeena waxaan ugu baaqaynaa in ay iska difaacaan cadowga iso soo bahaystay. Waanan ka guuleysanaynaa inshaa’allah.” Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaannadan ay degi doonaan deegaanka Shiirkole, mana cadda inta ay joogi doonaan iyo tallaabada ay dowladda qaadi doonto. Go’aanka ay qaateen xildhibaanada Habar-gidir ayaa adkeynaya in dowladda ay weerar qaado, maadaama ay haystaan xasaanad, inkasta oo wax kasta ay ka suurtoobaan Farmaajo. Saadaq oo wata gaadiid dagaal oo badan ayaa caawa dib ugu laabtay xaafadda Shiirkole, kadib markii ay dowladda ciidan badan dul dhigtay guriga uu ka deganaa agagaarka garoonka diyaraadha Muqdisho. Saadaq ayaa gurigiisa agagaarka garoonka Aadan Cadde ku laabtay shalay subax kadib markii madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor uu u ballan-qaaday inaysan dowladda soo weerari doonin, hase yeeshee maanta ayaa ciidamo badan la dul-dhogay. Si kastaba, Saadaq iyo ciidankiisa ayaa xoog kaga gudbay barta koontarool ee Wadada Jaayga, ee agagaarka garoonka, halkaasoo galabta ay dowladdu ciidan xoogleh geysay, si ay u go’doomiso, waxayna gaareen Shiirkole. The post Qaar ka mid ah xildhibaanada Habar-gidir oo gaaray Shiirkole iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.