Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (HOL) - Jubbaland President Ahmed Madobe has warned that the country was heading to a ‘dangerous place’ following the move by the Lower House of the Federal Parliament to extend the term of president Mohamed Farmaajo. Source: Hiiraan Online
  2. Dawlada Eritrea oo qiratay Tacadiyo & Eedaymo ay in badan diidaneyd Dowladda Eritrea ayaa qirtay in ciidamadeeda ay ka qeybgaleen dagaalka gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia laakin waxa ay wacad ku martay in ay la soo bixi doonto xilli uu sii kordhayo cadaadis caalami ah. Qiraalka cad oo ah kii ugu horreeyay ee kaalinta Eritrea ee dagaalka ayaa lagu sheegay warqad uu daabacay habeennimadii Jimcaha wasiirka warfaafinta ee dalkaas, oo ay qortay safiirka Eritrea u fadhisa xarunta Qaramada Midoobay una dirtay Golaha Amniga. Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa bishii November ciidamo u diray gobolka Tigray si ay hubka uga dhigaan una xiraan hogaamiyaasha xisbi siyaasadeedkii gobolka maamuli jiray ee TPLF. Dowladaha Ethiopia iyo Eritrea ayaa muddo bilo ah waxa ay beeninayeen in Eritrea ay ku lug lahayd dagaalkaasi, taas oo ka soo horjeeda marag-furka ka imanaya dadka deegaanka, ururada xuquuqda, shaqaalaha gargaarka, diblomaasiyiinta iyo xittaa qaar ka mid ah saraakiisha rayidka ah iyo militariga ee Ethiopia. Abiy ayaa ugu dambeyntii waxa uu bishii March qiray joogitaanka Eretria mar uu la hadlayay xildhibaannada, wuxuuna ballan qaaday in ay ay ka bixin doonaan. Waraaqda Jimcihii ka timid Eretria ayaa lagu sheegay in iyadoo kooxda TPLF “si weyn loo fashiliyay”, Asmara iyo Addis Ababa “ay ku heshiiyeen in ay la bilaabo bixitaanka ciidamada Eritrea iyo in ciidamada Ethiopia lagu daadgureeyo xuduudda caalamiga ah.” Madaxa gargaarka ee Qaramada Midoobay Mark Lowcock ayaa Khamiistii u sheegay Golaha Ammaanka in inkastoo Aby uu sameeyay ballanqaad, haddana aysan jirin wax caddeynaya in ciidamada Eritrea ay ka baxayaan gobolka. Wuxuu kaloo sheegay in shaqaalaha gargaarka ay soo warinayaan xadgudubyo cusub oo ay sheegeen in ay geysanayaan Ciidamada Difaaca Eritrea. Wasiirka warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa bartiisa Twitter-ka Sabtida maanta ah ku qoray in Asmara ay u yeertay isku-duwaha QM ee Eritrea iyo madaxa xafiiska isku dubarridka gargaarka bani’aadamnimo ee QM ee dalkaasi si ay uga ashtakooto “dhaqammada qaldan iyo warbixinnada been abuurka ah.” Dadka deegaanka Tigray ayaa dhowr jeer oo hore Eriteriyaanka ku eedeeyay kufsi wadareed iyo xasuuq, oo ka dhacay goobo ay ka mid yihiin magaalooyinka Axum iyo Dengolat. Qaran News
  3. Boosaaso (Faallo) — Mid ka mid ah doodaha ay soo jeediyeen xildhibaannada u doodaya Saadaq John waa in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo eex sameeyay markuu cafis siiyay Cabdirashiid Janan oo gaboodfal loo haysto oo baxsad ah, halka uu weerar la damacsan yahay sarkaal uu xilka ka xayuubiyay. Waa dood adag. Muqdisho waa magaalo uu amarka dowladdu ka socdo; magaalo ay kaabayaasheedu (dekedda iyo gegida diyaaradaha) ay dowladdu maamusho. Waa horumar uu ka dhaxlay maamulkii ka horreeyay. Maanta xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya waa mid u baahan dareen ah in dalku naga dhexeeyo; in madaxdu ay la timaaddo mowqif dadka lagaga badbaadinayo inay dhibbaneyaal u noqdaan hanka siyaasiga. Madaxweyne Farmaajo wuxuu u sheegay Telefishinka Shabelle in wadahadalku dastuuri yahay? Maxaa ka hortaagan in uu murrashixiinta ku martiqaado Madaxtooyada oo kala hadlo sida Soomaaliya looga ilaalin karo inay mar kale burbur siyaasadeed lugaha la gasho? Muddo kororsigu wuxuu sii murjiyay ismariwaaga siyaasadeed. Wadahadal wuxuu horseedi karaa in meel dhexe la iskugu yimaado. Waa dhab in Baarlamaanku leeyahay awoodo dastuuri ah laakiin adeegsiga awoodahaas waxaa sal u ah heshiis siyaasadeed waayo dalkeennu waa dal heerkan ku soo gaaray heshiisyo siyaasadeed — waa sida dal leh dastuur aan qorneyn. Waa dal ku tiirsan yabooh shisheeye bixiyo. Xaaladda siyaasdeed ee Soomaaliya waa mid xitaa dhaawici karta doodda dacwada badda: dal soo kabanaya oo ciidammo nabad-ilaalin ku tiirsani wuu ku sii wiiqmaa ismariwaa keeni kara kala irdhoobid siyaasadeed. Madaxweyne Farmaajo waa inuu danta qaranka ka fekero oo uu siyaasiyiinta kale kala shaqeeyo samatabixinta Soomaaliya. Soomaaliya waa dal aan weli ka kaban burburkii 1991kii. W.Q. Daahir Cali Aadan (Xaydar) The post Madaxweyne Farmaajo Waa Inuu Wadahadal La Galo ‘Mucaaradka’ appeared first on Puntland Post.
  4. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyey taliyaha ciidanka Booliska maamulkaasi, ku xigeenkiisa iyo agaasimaha hay’adda nabad sugida. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale taliyeyaal cusub u magacaabay xilal kaasi, kadib wareegto maanta kasoo baxday xafiiskiisa. Taliyaha guud ee Booliska Jubbaland ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Sare Maxamed Cabdi Sheekh, halka ku xigeenkiisa laga dhigay Maxamed Guuleed Xasan. Sidoo kale madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa agaasimaha hay’adda nabad sugida u magacaabay Maxamed Axmed Sabriye, sida lagu sheegay digreetada. Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo ciidamada ayaa la faray inay la shaqeeyaan taliyeyaasha cusub ee la magacaabay, kuwaas oo la amray inay xilka la wareegaan. Wareegtada uu soo saaray Axmed Madoobe laguma shaacin sababta ka dambeysa is-bedalka lama filaanka ah ee lagu sameeyey taliyeyaasha ciidanka maamulka Jubbaland. The post Axmed Madoobe oo xilalka ka qaaday taliyeyaal ciidan appeared first on Caasimada Online.
  5. Kadib markii Wasiirkii Amniga Dowlada Jubbaland uu u goostay Villa Soomaaliya Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu badalay Taliyaasha Ciidamada qaarkood. Sareeye Guure Maxamed Cabdi Sheikh waxaa loo magacaabay Taliyaha Booliska Jubbaland Gaashaanle Sare Maxamed Guuleed Xasan Taliye Xigeenka Booliska Jubbaland Maxamed Axmed Dabriye Waxaa loo magacaabay Taliyaha JISA , Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubbaland. Hoos ka Akhriso Wareegtada lagu magacaabay The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo Taliyayaal Ciidan Magacaabay appeared first on . Source
  6. Waxaa goor dhawayd uu kulan u bilowdey Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xildhibaanada Puntland, Kulankasoo Albaabadu u xiran yihiin wuxuu ka socdaa Aqalka Baarlamaanka. Madaxweynuhu wuxuu kulankaan oo kale uu Xalay la yeeshay Waxgaradka, Aqoonyahanada, Dumarka, Siyaasiyiinta iyo Ururada Bulshada. Sida ay Xogta ku hayaan Puntlandi.com Madaxweynuhu wuxuu Baarlamaanka u jeedinayaa Khudbad uu uga xogwaramay Safarkiisii Muqdisho bilow ilaa dhamaad wuxuu kala kulmay. Kadib Madaxweynuhu wuxuu Xildhibaanada hordhigayaan Talaabada ay Puntland ka qaadayso Madaxweynaha Xilka laga Fujinwaayay Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Go’aanka Puntland ka gaarayso Hadii dhib ka dhasho Mudada uu Madaxweyne Farmaajo kororsadey. Sida Puntlandi.com ay xogta ku hayaan Madaxweyne Deni wuxuu Baarlamaanka ka dalbanayaa Qodob u fasaxaya inuu Kalsoonida Madaxweynanimada kala laabto Madaxweyne Farmaajo iyo inuu si dhow Puntland ay si dhow ula shaqaynayso Jubbaland iyo Musharixiinta si Dalka looga badbaadiyo Boob xukun iyo Burbur. Warar waxaa jira iyana aan helayno oo sheegaya in Madaxweyne Deni uu Afurka kadib la hadli doono Shacabka Puntland. Puntlandi.com The post Madaxweyne Deni iyo Baarlamaanka oo is Xog waraysanaya, Saxaafada oo banaanka loo jafay appeared first on . Source
  7. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa haatan ku sugan xerada Afisyooni ee Xalane isaga oo halkaasi kulamo ku leh. Farmaajo oo saaka ku kallahay xerada Xalane ayaa la sheegayaa inuu kulan kula leeyahay xubno ka tirsan beesha caalamka oo uu ku jiri safiirka Mareykanka. Kulanka Farmaajo iyo reer galbeedka ayaa imaanaya kadib markii ay Muqdisho qasneyd saacadihii lasoo dhaafay sababo la xiriira bartilmaameedsiga dowladda ee Saadaq John iyo weliba maalmo kadib markii uu Farmaajo iskiis ku darsaday labo sano. Midowga Yurub iyo Mareykanka oo ka falcelinaya muddo kordhinta Farmaajo ee labada sano ayaa ku hanjabay in aqoonsiga kala laaban doonaan Soomaaliya isla markaana ay cunaqabateyn doonaan saraakiil sarsare oo ka tirsan maamulkiisa. Lama oga ujeedka kulanka uu Farmaajo lala leeyahay Mareykanka laakin waxaa la filayaa in looga hadlo muddo kordhinta, iyada oo reer galbeedka ay wadaan cadaadis la xiriira in lagu laabto Afisyooni, lana ambaqaado dhaqangelinta heshiiska September 17. Wararka kulanka kala soco. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Shuruudda soonka waxa ka mid ah qofka soomayaa in uu awoodda soomidda leeyahay, sidaa darteed qofka aan awood u lahayn laguma laha soon. Qofka ay u soo gashay ramadaan isagoo xanuunsanaya, dabadeed xanuunka ku geeriyooda soon laguma laha, fidyo-afurinna laguma laha. Qofka ramadaan xanuunsaday oo aan soomin, xanuunkiina ka kacay, ramadaanna ay baxday isagoo caafimaadqaba, deeto geeriyooda isaga oo aan gudin soonkii lagu lahaa ayey su’aal ka taagan tahay malaga soomayaa? Qofkaas in laga soomayo waxa daliil u ah labada xadiis ee sugan. Xadiiska kowaad ee ay warinayso Caasha waa in nebigu yidhi, “Qofka geeriyooda isaga oo soon lagu leeyahay waxa ka soomaya xigtadiisa.” Xadiiska waxa soosaaray Bukhaari iyo Muslim. Xadiiska labaad waxa wariyey Cabdillaahi Ibnu Cabbaas oo leh: nebiga wiil dhallinyaraa waydiiyey hooyadii oo geeriyootay soonna lagu lahaa in uu ka soomayo. Nebigu wiilkii wuxuu ku yidhi, “Hooyadaa deyn haddii lagu lahaan lahaa soo kamaad bixiseen? Deynta Ilaahay baa mudan in layska gudo.” Xadiiska waxa soosaaray Bukhaari. Axaadiistani waxay sugayaan in laga soomayo qofka geeriyooday isagoo soon lagu leeyahay. Laakiin fahanka axaadiistan ee madaahiibta fiqigaa ayaa dood keenay, dooddaas oo ah ka soomiddu qofka xigtadaa waajib kuma aha. Madaahiibta Xanafiyada, Maalikiyada iyo Xanaabilada waa in aan xigtada lagu lahayn ka soomidda qofka geeriyooday isagoo soon lagu leeyahay. Shaaficiyadu way isku khilaafeen, khilaafkana waxa u sabab ah imaam Shaafici oo mar fatwooday in laga soomayo, mar dambe na fatwooday in aan laga soomayn. Imaam Nawawi kitaabkiisa Majmuuca ah wuxu ku yidhi, “Arrinkan Shaaficiyadu laba hadal ayey ka leeyihiin: hadalka hore waa in laga soomayo, midka dambena waa in aan laga soomayn laakiin fidyo-afurin laga bixinayo.” Axmed Ibnu Xambal, Lays, Isaxaaq iyo abu Cabayd waxay leeyihiin xadiisku cidda uu leeyahay halaga soomo waa cidda nidar ku gashay in ay soomi doonto, laakiin geeriyootay iyada oo aan fulin nidarkaa, sidaa darteed aan loo jeedin soonka Ramadaan. xadiiska sheegaya in laga soomayo qofka geeriyooday isagoo soon lagu leeyahay waxay kala soo baxeen fahan ah in xadiisku sheegayo cidda soon ku nidartay ee aan oofin in laga soomayo laakiin aanu xadiisku sheegayn soonka Ramadaan. Aqoonyahanka xadiiska iyo qayb ka mid ah salafkii hore iyagu waxay leeyihiin axaadiista hala dhaqangeliyo oo yaan dood la gelin. Axaadiistuna waxay tilmaamayaan in laga soomayo qofka geeriyooday isagoo soon lagu lahaa. Qaradaawi oo ah aqoonyahanka ugu tunka weyn fuqahada casriga ayaa isku dayey isu keenidda labada aragtiyood ee ay masalada ka kala haystaan fuqahada iyo xadiisyahannadu. Sheekh Qaradaawi wuxuu leeyahay, “Caasha xadiiskeeda sheegaya qofka geeriyooda isagoo soon lagu leeyahay in xigtadiisu ka soomayso waxa dabasocda hadal aanay soosaarin Bukhaari iyo Muslim oo ah (Haddii uu doono) sannadkaas oo sannad xasana ah. Midda labaad ee caddaynta u baahan waa in soonka xigtadu yahay samafal ee aanu waajib ku ahayn. Quraanku wuxuu sheegay in aan qofna loo qabsanayn wax qof kale gaystay, haddii u ka gudana waa samafal iyo waalid-addeecnimo uu sameeyey. Aragtida saxda ahi waa in laga soomo, iyadoon waajib ahayn, waana deyn ka qaadid qofka geeriyooday.” Qaradaawi wuxuu sheegay in ay bannaan tahay Qofka deynta soon lagu leeyahay in lagaga bixin karo fidyo-afurin. Xarunta Fatwada Masar-Daaru Iftaa waxay Qaradaawi la qabaan in aanay waajib xigtada ku ahayn ka soomiddu laakiin ay wanaagsan tahay in meydka culayska deynta ka dulqadaan. Daaru Iftaa waxay fatwodeen in xigtadu soonka u wakiilan karaan cid aan ehelka ahayn in ay ka soomaan. Ugu dambayn labada xadiis ee sugan waxay caddeeyeen in laga soomayo qofka geeriyooday ee soon lagu lahaa, fahanka fuqahada ee in aan laga soomayn ama aanay waajib ahayn waxa looga tagayaa axaadiista sugan. Dhowrsanaantu waxay ku jirtaa in xigtadu ka soonto waalidkood, walaalkood iyo ehelladooda soonka lagu leeyahay, si isna culayska uga dulqaadaan iyaguna samafalka waalidnimo, walaalnimo iyo xigtannimo u gutaan. W/Q Cabdirisaaq Rakuub Source
  9. Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam madoobe ayaa Taliyayaal cusub u magacaabay Booliiska iyo Nabad Sugidda Jubbaland . Axmed Madoobe ayaaa Taliyaha Booliiska Guud ee Jubbaland u magacabay S/G Maxamed Cabdi Seekh , halka taliye ku xigeenka Booliiska ayaa loo magacabay S/G Maxamed Guuleed Xasan . Madaxweeynaha Jubbaland ayaa Taliyaha Nabad Sugidda Jubbaland iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa loo Magacaabay Maxamed Axmed Sabriye . Hoos Ka Akhriso Wareegtada Magacaabista Madaxweynaha . Source: goobjoog.com
  10. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa isbadel ku sameeyay taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda Jubaland. Wareegto ka soo baxday madaxweyne Axmed Madoobe ayaa taliyaha ciidamada Booliska Jubalanad loogu magacaay S/G Maxamed Cabdi Sheekh, halka ku xigeen looga dhigay S/G Maxamed Guuleed Xasan. Sidoo kale Agaasimaha guud hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubaland ayaa loo magacaabay Maxamed Axmed Sabriye. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo isbadel ku sameeyay taliyeyaasha Amniga Jubaland appeared first on Puntland Post.
  11. Warbixin ay kooxda xasaradaha kasoo saaree xaaladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhibaatada siyaasadeed ee muddada dheer ka jirtay Soomaaliya ay gashay waji cusub, oo qatar ah kadib markii kulan ay isugu yimaadeen golaha shacabka 12kii Abriil ay si aqlabiyad leh ku taageeray hindise sharciyeed dib u dhigaya doorashooyinka labo sano, taas oo ka dhigan in loo kordhiyo waqtiga xafiiska Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo”. Warbixinta ayaa lagu xusay in tallaabadan ay tahay mid cabsi leh oo sii kordheysa khilaafka, keeni kartana rabshado kadib markii mucaaradka go’aansadeen iney dhisaam dowlad bar-bar socota midda federaalka ah, waxayna ayna soo jeediyeen in lagu noqdo miiska wadahadalka. Qoraalka ay ayaa lagu sheegay in saaxiibbada dibedda ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika (AU) oo ay taageerayaan Mareykanka, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, ay u istaagaan abaabulidda – iyo hoggaaminta – wada-hadallo cusub oo dhexmara dhammaan daneeyayaasha si loo dejiyo khariidad ku aaddan doorashooyinka waqtigooda ku dhaca., iyada oo intaas lagu daray in dhammaan jilayaasha dibadda ina diyaar u noqdaan in cunaqabateyn lagu soo rogo dhinacyada hor istaagaya hindisaha cusub ee lagu doonayo waddo la isku raacsan yahay oo horay loogu socdo. Crisis Group waxaa ay warbixinta kusoo jeedisay in loo baahanyahay dhexdhexaadin saddexaad oo salka ku haya oo lagu jabinayo caqabadda doorashada, iyada oo la tixgelinayo kalsooni darrada ka dhex jirta jilayaasha Soomaaliya. Arrimaha ay Crisis Group ka hadleen waxaa ka mid ah in lasoo dhaafay markii Soomaalida dhexdeeda xal laga raadin jirin, oo la isku dhaafi jiray, sheegashadaasi hadda ma sii jirto. Taa baddalkeeda, dhibaatada sii kordheysa waxay halis ku tahay inay dib u dhigto dhammaan horumaradii laga sameeyay aasaasidda degganaansho siyaasadeed ee Soomaaliya labaatankii sano ee la soo dhaafay. Intaas waxaa sii dheer, ismari waaga siyaasadeed iyo isqabqabsiga ka dhex jira ciidamada amniga ayaa fursad u furay maleeshiyada Al-Shabaab. Dhiirrigelinta ka bixitaanka qayb ka mid ah bixitaankii ciidamada Itoobiya iyo Mareykanka dhammaadka sannadka 2020, xagjiriintu waxay durbaba kordhiyeen weerarada waxayna dib u bilaabeen weeraradii baaxadda weynaa ee lagu bartilmaameedsanayay milatariga Soomaaliya iyo shisheeyaha oo xoogagga dibaddu uga hor istaageen inay abaabulaan dhowr sano. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada Booliska gobolka Banaadir, Jeneral Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa lagu soo warramayaa inuu dhufeysyo ka qotay xaafadda uu dagay ee Shiirkole ee magaalada Muqdisho. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dhaq-dhaqaaq ciidan laga dareemayo Shiirkole, isla-markaana uu Saadaq Joon carro tuur ka sameystay, si uu uga dhigto dhufeys, haddii ay weerar ku soo qaadaan ciidamada dowladda. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadiisa ay xirteen dhammaan waddooyinka soo gala xaafaddaasi oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana dadka deegaanku ay cabsi ka muujiyanaayn in iska hor imaad uu ka dhaco halkaasi, maadaama ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka jiiraan. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dowladdu shaacisay in aysan duulaan ku aheyn Jeneral Saadaq Joon oo dib ugu laabtay xaafadda Shiirkole oo ay degan tahay beeshiisa. Si kastaba xalay ayey aheyd markii is-rasaaseyn kooban ay dhex-martay ciidamada ammaanka iyo kuwa Saadaq Joon, waxaana markii dambe u tegay xildhibaano ay isku beel yihiin oo taageero u muujiyey dhanka kalna eedeeyey dowladda Soomaaliya. The post Sawirro: Jeneral SAADAQ Joon oo dhufeysyo dagaal ka sameystay Shiirkole appeared first on Caasimada Online.
  13. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Baarlamaanka ayaa goordhaweyd u furmay kulan albaabadu u xiran yihiin. Guddoomiyaha Baarlmaanka Puntland ayaa saxaafadda iyo dadkii kale ee ka soo qeybgalay kulan ku wargeliyay in kulanku yahay mid gaara oo albaabadu u xiran yihiin. Ujeedka kulanka ayaa lagu sheegay warbixin, is-xogwareysi iyo wada-tashi uu madaxweynuhu la qaadanayo Baarlamaanka, kaas oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo mowqifka Puntland ee ku aadan muddo kordhinta dowladda federaalka. Kulanka Baarlamaanka waxaa madaxweyne Deni ku weheliya madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash. PUNTLAND POST The post Saxaafadda oo laga saaray kulanka madaxweyne Deni iyo Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa weli laga helayaa qaabka uu u dhacay dilkii loo geystay AUN guddoomiyihii degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir, Maxamed Cabdi Xayle oo xalay lagu toogtay xaafadda Sarkuusta ee duleedka Muqdisho. Warar soo baxaya ayaa sheegaya inay dilka fuliyeen saddex rag ah iyo qof dumar ah oo la sheegay inay fududeysay falka lagu khaarijiyey marxuumka, taas oo la sheegay inay iska dhigtay haweenay daris la ah qoyska oo magaceeda lagu sheegay Farxiyo. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale shaaciyey in ragga dilka geystay ay wateen Baangad, kuna dhaawaceen guddoomiyaha, iyaga oo kadib sii gowracay. Sidoo kale waxaa la sheegay in wax ilaalo ah aysan joogin guriga xilliga uu dhacayey dilka qorsheysan ee loo geystay guddoomiyihii maamulka degmada Xamar Jajab. Dhinaca kale war qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay dad lagu tuhmayo dilkaasi. Qoraalka Booliska ayaa sidoo kale lagu xusay inay haatan socota baaris lagu hayo eedeysanayaasha la soo qabtay oo la rumeysanyahay in ay ku lug lahaayeen falkaasi. “Xalay fiidkii ayaa Sar-kuus duleedka Muqdisho lagu dilay Maxamed Cabdi Xayle (Guddoomiyihii Degmada Xamar Jajab) ee Gobolka Banaadir. Ma aynaan cadeyn qaabka loo dilay guddoomiyaha, waxaa loo hayaa eedeysanayaal la rumeysanyahay in ay ku lug lahaayeen falkaas, baaristiisana waa socotaa,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee taliska Booliska Soomaaliya. Si kastaba waa gudoomiyihii 2-aad oo billo gudahood lagu dilo Magaalada Muqdisho. 21-kii bishii January ayay ahayd markii la dilay Gudoomiyihii Degmada Hodan, Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhegajuun), oo ku dhintay israsaaseyn Ciidanka Booliska iyo ilaaladiisii ku dhex martay inta u dhaxeyso Isgoysyada Aadan Cadde iyo Hawlwadaag. The post XOG: Sidee u dhacay dilka guddoomiyihii degmada Xamar Jajab? appeared first on Caasimada Online.
  15. Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta Nugaal waxaa goordhow ka furmay kulanka xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland oo uu maanta ka qeyb-galayo madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni). Kulankan oo ay goobjoog yihiin inta badan xildhibaanada golaha ayaa waxaa daah-furay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdisamad Abwaanka, isaga oo amar ku bixiyey in Wariyeyaasha ku sugan hoolka ay banaanka uga baxaan kulankaasi oo ah mid xasaasi ah. Cabdisamad Abwaanka ayaa shaaca ka qaaday in kulanka uu yahay mid wada-tashi ah oo u dhexeeya xildhibaanada iyo madaxweyne Siciid Deni. Wararka ayaa sheegaya in Deni xildhibaanada uu la wadaagi doono warbixin ku aadan xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan fashilka ku yimid wada-hadallada doorashada. Sidoo kale waxaa la filayaa in Puntland ay mowqif adag ka qaadato go’aanka golaha shacabka ee muddo kordhinta loogu sameeyey madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo. Puntland ayaa ka mid ah maamullada ay sida weyn isugu hayaan dowladda federaalka, iyaga oo isku qabtan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka ee 2021-ka. The post M/W Siciid Deni oo hortegay baarlamaanka Puntland iyo wariyeyaasha oo kulanka laga saaray appeared first on Caasimada Online.
  16. Dowladda Federaalka ayaa beenisay inay qorsheyneysay inay weerarto taliyihii hore ee booliiska gobolka Banaadir Saadaq John. Wasiirka Amniga Xasan Hundubey oo shir jaraa’id qabtay xalay saq dhexe ayaa sheegay jimcihii in aysan jirin wax qorshe ah oo lagu weerarayo Saadaq Joon isagoo ku eedeynaya mucaaradka in ay ‘ka sameysanayaan’ arinta dano siyaasadeed. “Dowladdu waxay ugu baaqeysaa kuwa buun-buuninaya weerarka Saadaq joon inay quustaan ​​oo ay gartaan in dowladdu aysan qorsheyneyn inay wax tallaabo ah qaaddo,” ayuu Hundubey u sheegay warbaahinta . Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii galabtii jimcaha ay ciidamo ka tirsan dowladda xirteen qeybo ka mid ah waddooyinka aada garoonka Aden Cadde halkaas uu deganaa taliyaha, taasi oo keenay in John uu guuro, kuna laabto Shiirkole oo habeenno kahor laga soo waday. Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, oo gacansaar la leh Villa Somalia ayaa ku qanciyay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Farmaajo in aan lagu degdagin weerarka Saadaq John oo uu sheegay in uu sii cakiri karo xaaladda Siyaasadeed ee dalka . Saadaq John ayaa xilka laga qaaday Todobaadkii hore kadib markii uu ku dhawaaqay In ay baarlamaanka doorasho aadan oo aan dalka qalalaaso loo hor seedin. Farmaajo ayaa markii dambe dhamaan darajadii Ciidanimo ka xayuubiyay Saadaq John , iyadoo inta badan xilalkii laga qaada Taliyayaashii ay isku dhawaayeen . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. HOGAANKII SIYAASADA EE LA HALAABAY HIMILADII SHACABKA IYO HALGANKII UMADDA SOMALILAND . ” Bari baa waxa dhacday in jeelka weyn ee Hargeisa oo ay ku xidh-xidhan yihiin maxaabiis argagixiso ah iyo maxaabiis kale oo fara badani , hadh cad ay maxaabiistii ka dareereen , iyada oo waxogaa xabado ahna la maqlay, dabadeedna wargeysyada Hargeisa ayuu mid ka mid ah halka faalo sawireedka ku qorey , waxan askarteena indhaha tirey ma istaraliin buu ahaa mise dollar …kkk , Markaa inaga ( Somaliland ) waxa marka kaliya ina mal-malay ma dirham buu ahaa mise dollar ” cajiib !!! Waxa ay ahayd sanadkii 2012 , dalka jamhuuriyada Somaliland waxa maamulkiisa hayey xisbi iyo hogaan cusub oo mudo 2 sanadood oo kali ah talada dalka hayey oo badelay xukuumad dalka ka talinaysay mudo 15 sano ka badan iyo xisbigeedii . Siyaasadii iyo qorshihii siyaasadeed ee Somaliland ayaa mar kaliya waxa loo mal-malay jiho kale , waxaana bilaabmay olole balaadhan iyo heshiisyo hoos ugu socday xukuumadii xiligaasi iyo maamulkii muqdisho in shaaca laga qaado. Mar kaliya ayaa lagu soo qaadey shacabka , odayada dhaqanka iyo hogaankii hore ee dalka maamulayey olole balaadhan oo ay xukuumadii cusbayd waddo oo ahaa in wadahadalo lala furo Somalia , xili aanay kaba jirin wax la odhan karo dawlad bay ahayd oo caalamkuna u yaqaanay dawlada ku meelgaadhka ah ee Somalia . Dabcan waxa uu ahaa mashruuc weyn oo dawlado kalena wax ka wataan , deg-deg ayaa labadii gole ee baarlamaanka jamhuuriyada Somaliland la isugu yeedhay , waxaana la laalay wax Alla waxii dabar iyo xeerar arinkaasi ka yaalay, xataa waan xasuustaa oo lagama doodin , waxa ay ahayd dhibaato weyn oo dalka soo food saartay xiligaasi. Dhawr sababood ba dadka jamhuuriyada Somaliland dareen umuu galin xiligaasi oo ay ka mid yihiin ; 1- Hogaanka qaranka oo ahaa hogaankii halgankii hubaysnaa ee dib u xoreynta dalka oo aan looga shakiyi karin in uu aragti kale aaminsan yahay oo dalka waxyeelo ku noqon karta. 2- Mucaarad la’aan jirtay iyo dadkii umada baraarujin lahaa oo xukuumadu gacanta kuwada dhigtay . 3- iyo xiliga oo ahaa goor uu dalka ka dhacay isbadel siyaasadeed oo mudo badan la saadaalinayey oo ay dadku qabeen rajo iyo yididiilooyin isbadel oo aad u haystay xiligaasi shucuurtooda. Dadka jamhuuriyada Somaliland waxa ay mooganayeen in aragtida siyaasadeed ee dib ula soo noqoshada qaranimada jamhuuriyada Somaliland marka horeba lagu qaybsanaa , iyo waliba in qofka isa siinaya in dalka tacab kaga jiraa uu ka kalsooni badan yahay hogaankii ka horeeyey oo ay taasina tahay mid halis galin kartay waxii umadani u soo dedaalaysay. HOGAAMIYEYAASHII HORE MAXAY KA QABEEN WADAHADAL SOMALIA LALA YEESHO ? Jamhuuriyada Somaliland dadka aduunka iyo dadka jamhuuriyada Somaliland midnaba ogaansho la’aani kagama jirin in ay hore uga mid ahayd Jamhuuriyadii Somalia oo ay la midowday 1-July-1960 kii , dibna ula soo noqotay dawladnimadeedii 26-June-1960 ay boqortooyada ingiriiska ka qaadatay soddon sanadood ka dib 18-May-1991 , walow aanu caalamku aqoonsan. Laakiin waxa qariib iyo wax lala yaabo noqotay laba dal oo la ogaa waxii soo kala maray , dhibaatooyinkii dhacay, isla markaana rabay in ay laba dal oo caalamku aqoonsan yahay kala noqdaan sidee ay sidani dhibta yar markiiba isugu hor fadhiisteen ee loo laalay waxii umada jamhuuriyada Somaliland ka dhigatay ee xeer ahaa . Waa halka uu aduunku u fahmay in hogaanku rabitaanka shacabka marka horena af-duubay haddana uu soo celin karo oo aanay aheyn qadiyada jamhuuriyada Somaliland wax weyn oo miisaan culus leh , hadda waa qadiyadii halganka adag oo nus qarniga ah xiligaasi dib u soo celinteeda dhib walba loo maray. Hogaamiyeyaashii siyaasadeed ee ka horeeyey xukuumada Kulmiye dhamaantood waa qabeen ama waa sii ogaayeen in qadiyada jamhuuriyada Somaliland iyo Somalia in wada hadal iman karo laakiin waxa ay qabeen marka Somalia dawladi ka dhisanto in lala hadlo oo heerka jamhuuriyada Somaliland oo kale taagan. MAXAA SOMALILAND KA SOO GAADHAY WADAHADALADII MASHRUUCA LACAGTA BADAN AHAA ? Waxa aynu u kala qaadi doonaa laba qaybood oo midi yahay waxii ay Somaliland qabsatay gudaheega iyo halka ay gaadhay , iyo qaybta labaad oo ahaa waxii caalamka kaga xidhnaa , rabitaankeegii iyo waxii loo socday; 1- Somaliland waxa ay ahayd ileys iyo shamac ka dhex baxaya Gobolka Geeska Africa , walina ay tahay marka aad ka soo bilowdo halkii laga soo bilaabay iyo halka ay maanta taagan tahay iyada oo tacab iyo dedaalka odayadii waxgaradka ahaa , siyaasiyiintii ruug cadaaga ahaa iyo aqoon yahankii umadani lahayd ay keentay in ay keento quruxda iyo wanaaga maanta muuqda. 2- Somaliland waxa aduunka kaga xidhnaa in qadiyada jamhuuriyada Somaliland oo ah mid sharci ay taageero uga hesho aduunka si loogu aqoonsado dal madax banaan oo ka mid ah dalalka aduunka kaasi oo waliba Somaliland ay jeclayd in lagu qiimeeyo wanaaga , dawladnimada , nabadgalyada , horumarka dhinaca dimuqaradiyadeed ee ay Gobolka u horseeday na in ay qiimeyn wanaagsan kaga hesho aduunka. Wadahadalada Somalia lala furey waxa ay wax yeeleen qodobkaasi 2aad , waxaana aduunku u arkay in Somalia oo isku dhan la dhiso , aqoonsi buuxa la siiyo , muqdisho la isagu tago, xirfad iyo xeelad Somalia inala gaaday ha ahaato ama badheedh siyaasadeed oo ay sameeyeen hogaankeenuye halka ay Somaliland wax badani kaga xumaadeen waa haljani. Sidoo kale markii wadahadalada la ogolaaday waxaa labada dhinacba aduunku siiyey dhaqaale badan oo dib u dhiska iyo dawladnimada ah , waana mashaariicda qadiyada jamhuuriyada Somaliland lagu hoos geeyey muqdisho ( undermined projects for Somaliland recognition case ) . MAANTA IYO MUSTAQBALKA JAMHUURIYADA SOMALILAND. Jamhuuriyada Somaliland iyo qadiyadeedu waa mid ay leeyihiin shacabka jamhuuriyada Somaliland sida ku cad xeerarka iyo dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland , mana aha wax ka go’a inta siyaasada ku jirta oo kaliya , qadiyada umadani waa mid ka weyn wax mashaariic la siisto. Hogaankii siyaasadeed ee ku fashilmay wadahadaladii ee la lumay qadiyada jamhuuriyada Somaliland , waa kuwa maanta sadexda xisbi qaran hor fadhiya ee aan hayn aragti iyo jid bixin kale , waxaaba aad moodaa in ay sugayaan wax maqan , sadexda xisbi midna qorshe cad kama laha arimaha wadahadalada Somalia . Maanta waxa shacabka jamhuuriyada Somaliland u quman in la isweydiiyo soddonka sano ee dambe iyo boqolka sanadood ee soo socda hogaamin raandhiis leh sidii ay umadani u heli lahayd, iyo waliba sidii looga dhayi lahaa waxii dhaawac soo gaadhay qadiyada jamhuuriyada Somaliland. 2022 waxa ina hortaala fursad kale oo ah mustaqbalka siyaasadeed iyo ka qadiyadeed ee dalka jamhuuriyada Somaliland cida hogaamin doonta maadaama ururadii siyaasadeed dib loo furayo oo ahaa xaq iyo Xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin dadka jamhuuriyada Somaliland sida ku cad qodobada dastuurka dalka ee 22naad , 23naad ,9aad iyo Xeerka ururada iyo axsaabta jamhuuriyada Somaliland Xeer lr.14/2021. Daaraha iyo dariiqyada waynu dhisan karnaa oo haddaba kuwii hore inoogaga burburay waxii dhacay 1988 waa ka soo kabanay laakiin qadiyada umada jamhuuriyada Somaliland iyo halganadii kala duwanaa ee umadani halkan ku soo gaadhay hadii la wax yeeleeyo waxa madow gali doona mustaqbalka dambe ee dadkeena iyo ubadkeena. Aasaasaha iyo Gudomiyaha ku meelgaadhka ah ee Ururka Dadweynaha Somaliland ( S.P.P ) Somaliland peoples party. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Image Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Shir u dhexeeyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo wakiilada beesha caalamka ayaa goor dhow ka billowday Teendhada Afiysoone ee xerada Xalane. Shirkan oo aan horey loo sii shaacin ayaa ka dambeeyey ka gadal markii wada-hadallo toos ah ay yeesheen qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka iyo Villa Soomaaliya. Intiisa badan waxaa shirkan looga hadlayaa xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan muddo kororsiga ay sameeyeen xildhibaanada golaha shacabka. Wararka ayaa sheegaya in xubnaha beesha caalamka ay madaxweynaha la wadaagi doonaan go’aankooda ku aadan dooda ka dhalatay muddo kordhinta loo sameeyey. Beesha caalamka oo horey u sheegtay in aysan taageeri doonin doorasho hal dhinac ah iyo muddo kororsi ayaa si adag uga hortimid go’aankii ka soo baxay golaha shacabka. Xaaladda Soomaaliya ayaa yeelatay weji cusub, waxaana Farmaajo iyo Mursal ay ku adkeysanayaan muddo kordhinta loo sameeyey oo dhalisay xiisad kale oo siyaasadeed. The post FARMAAJO iyo wakiilada beesha caalamka oo uu shir uga furmay Afisyoone appeared first on Caasimada Online.
  19. Waxaa saakay la xiray dhamaan waddooyinka Muhiimka ah ee Soo gala xaafadda Shirkoole ee degmada Hodan halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo fara badan oo ka amar qaaya Gen Saadaq John. Waddooyinkan ayaa lagu xiray Caro fara badan , iyadoo goobaha qaar aad looga adkeyay in ay ka soo gudbaan Gawaarida . Ciidama uu Hormuud u yahay Gen Saadaq Cumar Xasan Saadaq John ayaa inta badan gacanta ku haya waddooyinka Gala Shirkoole . Genaralka ayaa gurmad ka helaya Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Mas’uuliyiin kale . Dhanka kale qaarka mid ah wadooyinka kale ee Caasimadda ayaa la goyay Maanta, iyadoo wadooyinka lagu arkayo ciidamo Fara badan . Hoos ka daawo Sawirada Wadooyinka Xiran Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Uganda)-Mareykanka ayaa xayiraad dhanka visaha ah ku soo rogay saraakiil u dhashay dalka Uganda oo uu ku eedeeyay inay wiiqeen dimuqraadiyadda waddankaas. Go’aanka oo uu shaaciyay Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa daba socda xadhig loo geystay boqolaal ka tirsan taageerayaasha mucaaradka Uganda. “Waxaa jira cawaaqib ka dhasha faragelin kasta oo lagu sameeyo hannaanka dimuqraadiyadda,” ayuu ku qoray bartiisa Twitter. Lama shaacin magacyada mas’uuliyiinta uu Maraykanka ku beegsaday xayiraadda. Mucaaradka ayaa sheegay in dad ka badan 400 oo qof weli la la’ yahay kuwaas oo ay qabteen laamaha ammaanka ka hor doorashadii dhacday January. Horraantii toddobaadkan, khubarada xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay dowladda Uganda inay joojiso cadaadiska ka dhanka ah mucaaradkeeda. Xukuumadda Uganda ayaa Khamiistii qirtay inay xidhay dad ka badan kun qof oo ay u haysato falal la xidhiidha doorashadii dhacday. Source
  21. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku laabashadiisii Kismaayo, kadib faah faahin dheeraad ah ka bixiyey fashilka ku yimid wada-hadalladadii u dhexeeyey dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, go’aankii baarlamaanka & doorashooyinka. Axmed Madoobe ayaa marka hore shaaca ka qaaday in laga gudbi waayay arrimaha gobolka Gedo, amniga, aftida aastuurka, arrinta Somaliland iyo ka gudubka awood qaybsiga beelaha ee 4.5. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale eedeyn culus u jeediyey madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday, isaga oo sheegay inuu god-dheer kusii ridayo dalka. Sidoo kale wuxuu soo jeediyey in laga hortego qorshaha Farmaajo, si dalkan loo bad-baadiyo, ugana dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. “Dhibaatooyinka uu ka hadlayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxba kama jiraan, waxa uu Soomaaliya ku ridayaa god dheer, haddii aan maanta la iska qaban dalka dib ayuu u noqonayaa, Jidadka ayuu ka xiray Dadka Muqdisho waxaana isii dheer habeen weliba cabsi, Doorasho sharaf leh oo xor & xalaal ah ayuu shalay ku yimid, mana wanaagsana in uu ku daydo Efwarki & meelo kale,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in heshiiska 17-kii September laga doorbiday doorasho qof iyo cod ah oo laga leeyahay dano gaar ah, sida muddo kororsiga la sameeyey. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Soomaaliya ay gashay xaalad cusub, kadib go’aankii baarlamaanka oo ay si weyn uga horyimaadeen mucaaraka, Jubbaland iyo Puntland. The post Axmed Madoobe oo weerar culus ku qaaday Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  22. Mogadishu (HOL) - The district commissioner of Hamar Jajab district in the Banadir region, Mohamed Abdi Hayle, has been killed in an attack on his way to his house in the Sarkusta neighbourhood on the outskirts of the capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  23. Allaah u naxariistee waxaa Xalay Duleedka magaalada Muqdisho lagu dilay gudoomiyihii degmada Xamar Jajab, Maxamed Cabdi Axmed Xayle . Guddoomiye Xeyle ayaa waxa lagu dilay Xaafadda Sara kuusta ee deegaanka Garasbaaley, xilli uu ku sugnaa hooygiisa oo ku yaalla deegaankaas . Kooxihi ka dambeyay dilka Gudoomiyaha ayaa goobta isaga baxsaday dilka kadib, iyadoo goobta ay gaareen ciidama ka tirsan kuwa booliiska oo baaritaano ka sameeyay goobta falka uu ka dhacay . Maamulka Gobalka Banaadir ayaa dhankooda ka tacsiyadeyay geerida ku timid gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab . Afhayeenka Maamulka gobalka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa sheegay in ay ka xun yihiin geerida ku timid Maxamed Cabdi Axmed Xayle . “Waxaan Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Qoyska, Qaraabada, Ehelka iyo Shacabka Gobolka Banaadir ee uu ka baxay Marxuumka. Waxaana Allaha ugu baryayaa in uu jannada Firdows ka waraabiyo, Samir iyo Iimaanna eebe naga wada siiyo” ayuu yiri Afhayeen Saalax Dheere. Si kastaba dilka gudoomiyaha ayaa waxa uu noqonaya gudoomiyihii Labaad ee mudda Afar bil gudahood loo geeysto , iyadoo xusid mudan tahay in bilawgii Sanadkaan dil loo geystay Gudoomiyihii Degmada Hodan Cabdi xakiin Dhaga Juun. GoobJoog News Source: goobjoog.com
  24. Madaxweynaha Dowlada Jubbaland oo Shacabka la hadlay Xalay oo ahayd habayn sabti soo galayso ayaa ka dayriyay halka Dalka uu u wado Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. wuxuuna ku baaqay Shirweyne Soomaaliyeed oo Dalka lagu badbaadinayo. Hoos ka daawo The post Daawo Madaxweyne Axmed Madoobe oo Shacabka la hadlay appeared first on . Source