Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,311
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kadib Markii ay Xoriyadda ka Qaateen Gumaystihii Ingiriiska 1963 (British colonizer) ayaa Waxa ay la Midoobeen Midowgii Maleesiya, Labo Sano kadib 1965 Ra’iisul Wasaarihii Maleesiya Tunku Abdulrahman ayaa Shir-saxaafadeed uu qabtay ku sheegay in ay Maleesiya Banaanka Usaartay Singapore “Singapore is Out” iyadda oo markaa Sabab looga dhigay isku dhacyo Beelleed, kala Duwanaansho Siyaasaddeed iyo Dhaqaale Xumo ay markaa laddaalaa dhacaysay Singapore ayaa sabab Unoqotay in Dibada loo tuuro!. Ra’iisul Wasaarihii Singapore Mr. Lee kuan yew ayaa Sacaadda yar kadib Saxaafada ka hor Ooyay isaga oo ka Murugooday sidda ay Malesia U tuurtay. Singapore waxay Wakhtigaa Laddaalaa dhacaysay Faqri iyadoona Hoy u ahayd Kanaceedda Dadkeeduna waxay la liiteen Xanuuno uu ugu Horeeyay Xanuunka Kaneecada (Duumadda) Siddoo kale Waxaa Dalka ku Noolaa Dad dhaqamo kala Duwan iyo Dhaqamo Baddan leh, Diimo kala Duwana Haysta “Multiracial and Multicultural Country” Dallal kala Duwana kasoo kala Jeedda sidda Chine, Maleys, iyo Hindi Ra’iisul Wasaare Lee Kuan Yew Mar uu Dadkiisa la had-layay ayuu yidhi “Sidduu Horumar ku Gaadhi Dal ay Dadkiisu Waddooyinka Qan-dhufta ku tufayaan” Lee kuan yew wuxuu Halqabsi ka dhigtay Qandhuuf kaliya laakiinse Kawaran Haduu uu Ogaan lahaa Dhaqamadda Dadka Dalkeena Biyaha iyo Qashinka Waddooyinka ku shubaya Lee Kuan Yew wuxuu uguntaday siddii uu dalkiisa faqriga uga saari laha wuxuu ku waaniyay inay faraha kaqaadaan Siyaasadda oo ay wax lasoo baxaan wuxuuna yidhi wakhtigan waa wakhti shaqo Siddoo kale wuxuu soo aruuriiyay Dadkiisa intii wax baratay si ay Dadka wax ubaraan una sameeyaan Qorshayaal Horumarineed oo Dalkiisu Saboolimadda kaga baxo wuxuu soo dhawayeeyay Dhamaan Cidii Maalgashi rabta inay Dalkiisa ka Samaystaan Maaddaama oo aanu lahayn kheyraadka Dabiiciya oo Baddan “Few Natural Resources”. Sanadkii 1967 Wuxuu Dowladda Israel ka Codsaday inay ka Caawiso dhisida Ciidankiisa si ay Maal-gashadayaashu iskugu halayn karaan Dalkiisa, Sanadkii 1968 Waxaa Maal-gashaday ku dhawaad 52 Shirkadood, 1971 Wuxuu soo Saaray Shirkadda Duulimaad-yadda ee Singapore Airlines oo ka midda Shirkadaha ugu Wanaagsan Aduunka, 1981 Wuxuu dhisay Madaarka Singapore Oo 2013 Noqday Maddarka ugu Niddaamka Wanaagsan Aduunka Singapore Maanta waxay ka mid tahay Dalalka Dunida ugu Dhaqalaha wanaagsan, Is-baddel ka Dhabta ah wuxuu ka yimaaddaa Guddaha Shacabka, W/Q: Abdikadir Yaqoub Hassan Deri Email: Kaadeer77@gmail.com Phone: 063-4454990 Qaran News
  2. Ciidamada difaaca dowladda Puntland, ayaa shaaciyay in ay maanta dib u soo furteen maxaabiis badan oo Al-shabaab kala baxday xabsiga weyn ee Boosaaso. Qoraal ka soo baxay Ciidanka xoogga Puntland ee PSF, ayay ku sheegeen in ay dib u soo furteen intii badnayd maxaabiistii laga fakiyay xabsiga Boosaaso, kadib markii Al-shabaab dhowaan halkaas weerartay. “Ciidanku waxay ku guulaysteen in ay dib u soo qabqabtaan intii badnayd maxaabiistii falalka argagixisanimo ku eedaysnaa ee fakaday.” Ayaa lagu yiri qoraalkaas. Sidoo kale, Waxa qoraalka lagu xusay in ciidanku ay wadaan hawlgal lagu baacsanayo kooxaha Al-shabaab iyo Daacish. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo dib u soo furtay maxaabiis Al-shabaab kala baxday xabsiga Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlada goboleed Jubaland, Axmed Madoobe ayaa markii u horeysay ka hadlay dacwadda Kiiska Badda oo shalay ka furmay Maxkamadda ICJ ee magaalada The Hague. Axmed Madoobe ayaa sheegay in xukuumada iyo shacabka Jubbaland ay garab taagan-yihiin, sidoo kalena rajo weyn ka qabaan in ay guulaysato dooda dalkeena ee aan kusoo ceshanayno badeena ay muranka galisay Kenya. “Waxaan garab taaganahay Qareenada iyo xubnaha kale ee maalintii labaad u taagan dooda Dacwada Badda ee inagala dhaxeysa Kenya ee taala Xarunta Maxkamada Cadaaladda Adduunka” ayuu yiri. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in si wadajir ah loogu midoobo difaaca Baddeena taas oo ah masuuliyad saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Waana guuleysaneynaa Inshallah.” Ugu dambeyntiina waxa uu madaxweynaha shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu baaqay inay u midoobaan sidii ay u difaacan lahayeen baddooda iyagoo wada-jira, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland. Magaalada Hague ee dalka Holland ayaa waxaa maanta markale ka sii socon doonta dhageysiga dacwadda badda ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya, taas oo hortaallo maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ. Dooda Soomaaliya ayaa maanta halkeeda ka sii soconeyso, iyada oo ay markale qareenada Soomaaliya jeedin doonaan doodooda ku aadan difaacida biyaha dalkeena. Qorshaha ayaa waxa uu ahaa in qareennada Kenya ay beri bilaabaan doodooda, balse Kenya ayaa maqan, iyada oo ka baxday kiiska badda ee ICJ, waxayna ku howlan tahay sidii ay kiiskan ugu gudbin laheyd Golaha Ammaanka ee QM.
  4. PRESS RELEASE African Development Bank President calls for Global Vaccine Solidarity and Justice for Africa Acquiring vaccines has significant implications for African countries ABIDJAN, Ivory Coast, March 16, 2021/ — African Development Bank (www.AfDB.org) President Dr. Akinwumi Adesina has called for vaccine justice for Africa. Speaking at the launch of the Bank’s African Economic Outlook 2021 report on Friday, Adesina decried the lack of Covid-19 vaccines reaching Africa. “We need global solidarity and vaccine justice for Africa,” Africa’s premier development bank chief said. Adesina underlined the stark disparities between vaccine acquisitions by several rich countries that have acquired sufficient vaccines to inoculate their populations twice over, and African countries, that remain primarily dependent on the World Health Organization’s COVAX initiative for the minuscule quantities of vaccines acquired so far. Speaking on CNN’s First Move with Julia Chatterley on Friday, Adesina said: “So far, 14.6 million vaccines have been delivered in Africa, but many people still cannot get shots in their arms. That is only 1% of what we need. We are way off the mark in terms of getting to 60% of herd immunity, and sadly, I do not see that happening for another year or two at this rate— not unless things change.” According to Adesina, “We therefore need to improve Africa’s access to vaccines. COVAX is doing a great job but still, we need more. We need them in adequate quantity. We need them quickly and we need them at an affordable price.” Acquiring vaccines has significant implications for African countries. As Adesina emphasized in a broader discussion with panelists at the launch of the African Economic Outlook 2021—including Professor Joseph E. Stiglitz, recipient of the 2001 Nobel Memorial Prize for Economic Sciences—for Africa, rapid vaccine acquisition is a matter of life and death. As elsewhere, Africa’s first priority is to prolong lives and preserve jobs. From an economic perspective, Stiglitz agreed with Adesina that the slow pace of acquiring vaccines and arresting the pandemic will make stemming extreme poverty and negative economic growth difficult. They agreed that a comprehensive global plan was needed to help countries cope with mounting debt, which the pandemic had compounded. Africa’s economy is expected to grow by 3.1% in 2021. However, 39 million Africans could be pushed into extreme poverty this year because of the pandemic unless the international community takes the kind of action that Stiglitz and Adesina are calling for now. The African Development Bank chief says: “as long as Africans remain unvaccinated, the world will go right back to square one.” He said no amount of ‘vaccine passports’ being advocated for by some developed countries could change that fact. “Africa needs to develop its pharmaceutical industry and begin manufacturing. The African Development Bank is going to support African countries to do this,” Adesina said. Supporting this position, Stiglitz said in his conversation with Adesina: “One of the things that some of us have been campaigning for is the suspension of the intellectual property rights related to Covid-19 because the supply constraint that you describe is at least, to some extent, artificial… If access to the intellectual property rights were more extensive, there is throughout the emerging markets and developing countries considerable capacity to produce a lot of more vaccines.” He added that it was in the self-interest of advanced countries to make sure that everybody has access to the vaccine and other related medicines. “The longer the disease festers in any part of the world, it can mutate and one of the things we know is that those mutations are not going to respect borders. The Covid-19 virus doesn’t carry a passport.” Other notable African voices that have called for speeding up vaccine delivery to Africa are those of South African President Cyril Ramaphosa, WHO Director General Tedros Adhanom Ghebreyesus, and Director of the Africa Centres for Disease Control and Prevention, Dr. John Nkengasong. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa cadaadis xooggan ku billowday madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, saacado kadib markii uu Muqdisho soo gaaray maanta. Wakiilka xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya James Swan iyo safiirka Mareykanka Donald Yamamoto ayaa labaduba si kala duwan kulmay Qoor Qoor waxyar un kadib markii uu yimid caasimadda. Qoraal ay madaxtooyada Galmudg kasoo saartay kulanka James Swan ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Galmudug iyo ergeyga gaarka ah ee QM James Swan ayaa ka wada hadlay dadaalada beesha caalamka ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021.” Madaxtooyada ayaa sidoo kale kulanka Yamamoto ka tiri “Madaxweynaha Galmudug iyo Danjiraha Mareykanka Yamamoto ayaa ka wada hadlay dadaalada Beesha caalamku ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021.” Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Swan iyo Yamamoto ay labaduba ku cadaadiyeen Qoor Qoor inuu aqbalo shirka ay beesha caalamka garwadeenka ka tahay ee ka dhacaya Xalane, oo shaki uu soo galay ka qeyb-galkiisa. Qoor Qoor oo ka mid ah madaxweyne goboleedyada taabiciyiinta ah ee raacsan Villa Somalia ayaa la rumeysan yahay in diidmadiisa shirkaas, isaga iyo Lafta-gareen uu Farmaajo u adeegsanayo inuu shirka fashiliyo.
  6. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in xukuumadiisa iyo shacabka Jubaland ay garab taaganyihiin dooda Soomaaliya ku soo ceshaynaso badda ay muranka galisay Kenya. Qoraal uu soo saaray madaxweyne Axmed Madoobe ayuu ku yiri “Waxaan garab taaganahay qareenada iyo xubnaha kale ee maalintii labaad u taagan dooda dacwada badda ee inagala dhaxeysa Kenya ee taala carunta Maxkamada Cadaaladda Adduunka”. Madaxweynaha Jubaland ayaa shacabka Soomaaliyeed meel ugu baaqay in ay u midoobaan sidii ay u difaacan lahayeen baddooda iyagoo wadajira. “Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in si wadajir ah loogu midoobo difaaca baddeena taas oo ah mas’uuliyad saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Waana guuleysaneynaa Inshallah” ayuu yiri madaxeynaha Jubaland. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo ka hadlay dacwadda badda appeared first on Puntland Post.
  7. Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo maanta soo gaaray magaalada Muqdishu ayaa kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan. Qoor Qoor iyo ergeyga gaarka ah ayaa ka wada hadlay dadaalada beesha caalamka ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021. Sidoo kale madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta la kulmay Danjiraha anjiraha Dowladda Mareykanka U fadhiya Soomaaliya Md. Yamamooto. Labada dhinaca ayaa ka wada hadlay dadaalada Beesha caalamku ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  8. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in Jubaland ay garab taagan tahay sidoo kalena rajo weyn ay ka qabto in Soomaaliya ay guuleysato dooda aan kusoo ceshaynayo baddeena ee ay muranka galisay dowlada Kenya. “Waxaan garab taaganahay Qareenada iyo xubnaha kale ee maalintii labaad u taagan dooda Dacwada Badda ee inagala dhaxeysa Kenya ee taala Xarunta Maxkamada Cadaaladda Adduunka” ayuu yiri Madaxweynahu. Dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ayuu Madaxweynuhu ugu baaqay inay u midoobaan sidii ay u difaacan lahayeen baddooda iyagoo wadajira. “Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in si wadajir ah loogu midoobo difaaca Baddeena taas oo ah masuuliyad saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Waana guuleysaneynaa Inshallah” ayuu yiri Madaxeynahu. View the full article
  9. Mogadishu (HOL) - President Farmajo has received his first dose of the AstraZeneca-Oxford vaccine on Tuesday, a day after the first batch arrived in Somalia's capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  10. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan dhismaha wadooyin muhiim u ah Dalka. Heshiiskan ayaa qeyb ka qaadanaya dhismaha waddooyinkan oo lamma huraan u ah kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka. 1- Waddada isku xirta Beled Weyne – Galkayo oo dhan 327 km. 2- Waddada isku xirta Galkayo – Garowe oo dhan 240 km 3- Waddada isku xirta Galkayo – Hobyo oo dhan 241 km. 4- Wadada isku xirta Luuq, Ganane – Dolow oo dhan 80 km. Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dadaal xooggan dhismaha marinada dalka oo ku bur buray dagaaladii sokeeye. Dowladda ayaa hadda ku guuleystay dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhan 30-km, halka dhinaca kalena la guda geli doono jidka isku xira Muqdisho iyo Jowhar oo heshiiskii Qatar lala galay qeyb ka ah. View the full article
  11. Maanta oo Talaado ah ayaa gudaha Soomaaliya laga bilaabay tallaalka Covid-19 oo shalay soo gaaray. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Soomaaliya Drs Fawsiya Abiikar Nuur ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay ee lagu bilaabay tallaalka ka hortaga Caabuqa Covid-19 ee AstraZeneca. Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaatay tallaalka oo maanta laga bilaabay magaalada Muqdisho. Dowlad goboleedyada dalka ayaa igana maanta loo kala diray talaalka Covid-19. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo qaatay tallaalka Covid-19 appeared first on Puntland Post.
  12. Qaabka dacwada badda ay u dhaceyso: Iyadoo la raacayo qabanqaabada iyo abaabulka dacwada badda ee Soomaaliya kala dhexeysa Kenya ee ay go’aamisay in la dhageysto Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan (ICJ), Soomaaliya waxa ay heli doontaa 3 (saddex) saacadood oo shalay ah (15-ka Maarso 2021) iyo saacad iyo bar maanta ah (Talaado 16-ka Maarso 2021), si ay u soo bandhigto dooddeeda afka ah. Sida ku cad warqadda diiwaan-hayaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee la qoray 11-kii Maarso 2021, Soomaaliya waxay fursad u heli doontaa 10:00 subaxnimo ee maalinka Isniinta ah ee 22-ka Maarso 2021 in ay u soo gudbiso maxkamada faallooyin qoraal ah (written comments) oo ku saabsan agabka (materials) dacwada badda ee ay soo gudbisay Kenya. Inta lagu guda jiro gudbinta faalooyinka qoraalka ah ee dacwada badda maalinka Isniinta ah ee 22-ka Maarso 2021, Soomaaliya waxaa laga yaabaa haddii ay ubaahato in ay ka faa’iideysato muddo kordhin gaaban oo dawada ah wixii ka dambeeya 6:00 maqribnimo si ay ugudbiso xog dheeraad ah sababtoo ah waqtigii ay qaadatay furitaanka aragtiyada kooxda qabanqaabada dacwada furtay darteed. Fursada ay heysato Soomaaliya si ay ugu guuleysato dacwada badda: In Soomaaliya ay hesho fursad ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ugu gudbiso faalooyin qoraal ah oo ay ku beeninayso sheegashada Kenya ee badda Soomaaliya 10:00 subaxnimo ee maalinka Isniinta ah ee 22-ka Maarso 2021 ayaa ah fursad dahabi ah (golden opportunity). Ogoow fursadan oo kale oo ay Kenya xaq u laheyd in ay hesho waa ay dayacday sababtoo ah Kenya iyada ayaa go’aansatay in aysan dacwada ka qeybgalin, sidaa daraadeed ma heysato Kenya fursad ay hadda iyo wixii ka dambeeya ku gudbisan karto faalo qoraal ama hdal afka ah oo ay ku beeniso agabka dacwada badda ee Soomaaliya ay gudbisay. Tan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay fursad u heysato in ay burburiso dhamaan qoraalada, cadeymaha xigashooyinka, sawirada xadka badda iyo dhulka ee ay Kenya sheegatay iyo wax alla oo ku saleysan doooda Kenya, si ay sare ugu qaadi karto fursad ah in garsoorayaasha maxkamada ay ka daadejiso doodeeda. Marka Soomaaliya ay gudbineyso faalooyinka qoran oo ka dhan ah dhamaan agabka dacwada badda ee ay gudbisay Kenya, Soomaaliya waxa ay heysataa 2 fursadood; 1) in aysan jirin cid la doodeysa oo burin karta faalooyinkeeda qoraalka ah ee ka dhanka ah agabka dacwada ee ay la timid Kenya iyo; 2) in ay ugudbiso garsoorayaasha cadeymo qoraal ah oo taageeraya doodeeda. Ogoow markan waxa garsoorayaasha maxkamada ay isbar-bar dhigayaan ayaa ah agab (materials) dacwo oo cidda la timid (Kenya) aysan goob joog ahayn, tii oo ay dheer tahay in aan la cusbooneysiin (updated) inta dacwada ay socotay iyo faalooyin qoraal ah oo ay Soomaaliya dul dhigtay dhamaan agabka dacwada badda ee Kenya si ay u beeniso iyo Soomaaliya oo dood afka ah iyo mid qoraal ahba la shir tagtay. Maqnaashaha Kenya ee ah in ay lumisay fursada ah in ay xaq u laheyd sida Soomaaliya oo kale in ay gudbisato faalooyin qoraal ah oo ay ku naqdineyso agabka dacwada ee Soomaaliya ayaa fursad weyn siinaya Soomaaliya si ay u heli karto in ay guul ka gaarto dacwada badda. In Soomaaliya ay ku guuleysato dacwada badda ee kala dhexeysa Kenya waxa ay uga xirantahay sida ay kooxda ku mataleysa Soomaaliya dacwada badda xoogga u saaraan in ay la yimaadaan doo mann-gal ah iyo cadeymo ay ku beninayaan agabka dacwada badda ee ay gudbisay Kenya. Sababta arinkan ay muhiim u tahay ayaa ah in faalooyinka qoran ay ka saameyn badan yihiin 4-ta saac iyo barka ay Soomaaliya gudbinayso dood jeedinteeta dacwada badda ee afka ah. Hadii kooxda Soomaaliya ku mataleysa dacwada badda ay ahmiyad weyn siiyaan shaqada faalooyinka qoraalka ah ee lagu naqdinayo agabka dacwada badda ee Kenya, waxaa sare u kacaya saameynta ay ku yeelanayaan go’aan qaadashada garsoorayaasha maxkamada, markaa Soomaaliya waxa ay helaysaa fursad xageeda loo ridi karo go’aanka dacwada badda. Gabagabo: Kuma dhisna dacwada badda ee udhexeysa Soomaaliya iyo Kenya hab la dhihi karo dal hebel ayaa ku guuleysanaya dacwadan marka la eegayo qawaaniinta iyo xeerarka badaha, laakiin marka loo eego dacwadaha la midka ah tan hadda udheeysa Kenya iyo Soomaliya ee ay qaday maxkamada ICJ waxa ay u badantahay in Soomaaliya ay hesho gacanta sare. Laba arin midkood ayaaana taageeraya arinnkaas oo ay tahay in ay ku dhamaato dacwadaan go’aan qaadahsadeeda. Tan koobaad, waa in la saadaanlinkaray guusha Soomaaliya ee dacwadan markasta sababtoo ah hab-dhaqanka Kenya oo muujinayay cabsi weyn oo ka heysay in ay la dacwooto Soomaaliya. Marka aan sidaa leeyahay, Kenya waxa ay ku dooday in Soomaaliya ay badda ka heshiiyeen tii oo ay Soomaalida la taagantahay ICJ in aysan waxba kula heshiin – dacwada badda waxaa kaxkamada ICJ ka furtay Soomaaliya. Kaba darane, Kenya waxa ay usheegtay maxkamada ICJ in aysan awood u laheyn (jurisdiction) in ay dacwadan qabato, dhageysato, go’aana kasoo saarto. Markii maxkamada ay ucadeysay Kenya in ay dacwada awood u leedahay in ay qaado, Kenya waxa ay laba mar codsatay in dacwada dib-loogu dhigo. Hadda, maxkmada waxa ay Kenya ka diiday in markii sadexaad codsigeeda dib loogu dhigo dhageysiga dacwada. Sidaa daraadeed, Kenya waxa ay go’aansatay in guuldaro ay xaqiijisay in ay la kulmi doonta in ay ka dheeraato (in ay ka maqnaato goobta ay ku guul dareysaneyso oo ah ICJ horteed). Tan, Kenya waxa ay ula jeedaa in ay raadiso wada kale in ay ku doodo mar kale in aysan ogoleyn go’aanka kasoo baxa maxkaada hadii ayada uusan siin guusha. Marka Kenya ay sidaa yeelayso waxa ay ku khamaareysaa nafteeda sababtoo ah waxa ay ogtahay in go’aanka maxkada uu sandulle ku yahay in ay aqbasho, laakiin hadda waa ay is mada-daalineysaa. Sababtoo ah go’aanada kasoo baxa ICJ ma lahan meel ka dambeysa oo lala aado. Tan labaad, Soomaaliya ayaa heysata fursad kale oo ah in dacwadaha badda oo noocaan oo kale ah ay ku wada guuleysteen dalaka lahaa ama qabay dooda Soomaaliya oo kale. Ma ogi hadii markaan ay maxkamada ICJ wax u go’aami doonto si ka duwan sida dacwadihii la midka ahaa tan Kenya iyo Soomaaliya. Laakiin ayada oo fursadahaan oo dhan ay jiraan waa in aysan Soomaalida is-dhigan oo dadaal wadajir ah la sameeyo. Dadaaladaa oo ay ka mid tahay in qof walba oo ah muwaadin Sooaamliyeed uu sameeyo wax alla iyo waxa uu karo oo u uku taagerayo in libin laga soo hooyo wacwada badda. Kii awooda duco kaliya waa in uu sidaa sameeyaa oo uu u duceeyaa dadka dacwada nagu matalaya in allaah u haleeshiiyo qodobada Sahlaaya in Soomaaliya ay ku guuleysato dacwada badda, midkii aqoon u leh dacwadaha noocaan oo kale ah waa in uu ku kabaa aqoontaas, kii faalo ka bixinaya waa in uu ka bixiyaa dacwadan inta ay socoto faalo aanan niyadda ka jabinayn ummadda Soomaaliyeed ee shakiga la galiyay wax walba oo ku saabsan dalkooda iyo noloshooda. Qoraaga faalladan, Abuukaate (Avv.) Abdullahi Farah Barre, waxaad kala xiriiri kartaa facebook: facebook.com/abdullah.farah.50/
  13. Sarkaal Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Walaalo yihiin oo Qarax lala beegsaday Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka aroortii hore qarax nooca miinada ah uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay ka soo baxayaan faah faahino dheeraad ah. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha Gaalkacyo ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay sarkaal ka tirsan laanta dambi baarista Puntland ee CID-da. Sarkaalka qaraxa lala eegtay ayaa lagu magacaabaa Warsame Yuusuf Axmed (Yeey), kaas oo la dhashay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdullahi Yuusuf Axmed. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Warsame Yeey qaraxa lala beegsaday, xilli uu marayey bartamaha waqooyiga Gaalkacyo, inkastoo uu ka bad-baaday weerarkaasi. Sidoo kale waxa uu burbur xoogan soo gaaray gaarigiisa, iyada oo ay sidoo kale goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano ka sameeyey halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee maamulka Puntland oo ku aadan qaraxaasi miino. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa deegaanada Puntland ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo weeraro oo uu ugu dambeeyey kii lagu qaaday xabsiga Boosaaso. Qaran News
  14. Munaasabadda lagu daah-furayay talaalka COVID19 ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka XFS Fowsiyada Abiikar, Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka, bahda Caafimaadka iyo dadweyne kale. Wasiirka Caafimaadka Fowsiyada Abiikar ayaa lagu daahfuray talaalka Cudurka COVID19 oo la keenay Soomaaliya sidoo kale waxaa talaalka qaatay xubno kale oo ka tirsan Waaxda Caafimaadka Maamulka Gobolka Banaadir. Shalay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray qeybtii kowaad ee talaalka COVID19 oo noociisu yahay Oxford/Astrazenica, isla markaana loogu tala-galay inay qaatan illaa iyo 300,000 oo qof. Wasaaradda Cafimaadka XFS ayaa u mahadcelisay cidwalbo oo ka qeyb qaadatay in dalkeena lasoo gaarsiiyo talaalka cudurka deg degta u faafi ee COVID19. View the full article
  15. MOGADISHU (Xinhua) -- Somali security forces killed five al-Shabab militants on Monday in an intense clash with the fighters in the southern town of Mahaday, an official said on Monday evening. Source: Hiiraan Online
  16. Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaatay tallaalka Cudurka COVID-19 Farmaajo ayaa yidhi “Masuuliyad adag ayaa inaga saaran daryeelka muwaadiniinteenna si aan uga hortagno in uu soo rito cudurkan safmarka ah ee dunida aafeeyey. Muhiimadda ugu weyn waa in aan dadaal kasta gelinnaa ka hortagga cudurkan innaga oo xoojineyna tayada iyo adeegyadeenna caafimaad.” Source
  17. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-1632021.mp3 View the full article
  18. Xoggo tibaaxaya in Kenya lagala wareegi doono dekedda Mombasa+Sababta & Cida la wareegaysa? Dekedda Mombasa waa midda ugu mashquul badan gobolka Wasiirka maaliyadda Kenya Ukur Yatani ayaa beeniyay wararka sheegaya in Kenya ay qarka u saaran tahay in Shiinuhu uu kala wareego dekedda weyn ee Mombasa sababo la xidhiidha deymaha badan ee lagu leeyahay kadib mashruuca uu Shiinuhu ku dhisay khadka tareenka. Wargeys maxali ah ayaa ku warramay Isniintii in Shiinaha uu la wareegi karo dekedda Mombasa waa haddii Kenya ay ku guuldareysato inay iska bixiso deynta gaadheysa 3.2 bilyan oo doolar. Wasaaradda ayaa warkaas ku tilmaantay ‘mid waxbo kama jiraan ah oo marin habaabin ah’ Balse bayaan kasoo baxay xafiiska wasiirka maaliyadda ayaa lagu sheegay ‘Gebi ahaanba ma jirto halista in Shiinaha ama dal kale uu la wareegayo dekedda dalka’ Wuxuu intaas ku daray in deynta tareenka ‘aanan lagu bixin karin lacago kale ama ay bixiyaan ha’yado kale iyadoo uusan ansixin baarlamanka’ Qaran News
  19. MOGADISHU (HOL) - Delays in negotiations between the European Union and the African Development Bank have hindered a EUR 42 million road construction project in Somalia approved in 2019. Source: Hiiraan Online
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaatay tallaalka Cudurka COVID-19 ayaa adkeeyey masuuliyadda adag ee shacab iyo dowladba inaga saaran samatabixinta caafimaad iyo nololeed ee dalkeenna. Madaxweynaha ayaa xoojiyey walwalka ku aaddan in ay yartahay feejignaanta shacabka Soomaaliyeed ee cudurkan iyo halistiisa sii kordheysa, iyadoo la fududeysanayo talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabkeenna. “Masuuliyad adag ayaa inaga saaran daryeelka muwaadiniinteenna si aan uga hortagno in uu soo rito cudurkan safmarka ah ee dunida aafeeyey. Muhiimadda ugu weyn waa in aan dadaal kasta gelinnaa ka hortagga cudurkan innaga oo xoojineyna tayada iyo adeegyadeenna caafimaad.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Caafimaad Xfs, dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha, Adeegayaasha iyo guud ahaan Bahda Caafimaadka dalkeenna dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ku shaqeynaya duruufo adag. Madaxweynaha oo ku ammaanay Xukuumadda uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble dadaalka ay ku bixisay in tallaalka Cudurka COVID-19 uu soo gaaro dalkenna ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn xooggan ee ka dhaxeysa Guddiga heer Federaal ee Xakameynta Cudurka COVID-19 iyo Guddiyada heer Dowlad Goboleed, taas oo aasaas u ah daadejinta adeegyada cafimaad ee lagu wajahayo cudurkan safmarka ah. View the full article
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Caafimaadka xukuumadda xil-heynta ee dowladda Federaalka Soomaaliya Drs. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee qaata tallaalka Covid-19 ee shalay la keenay Soomaaliya. Wasiiradda waxey noqotay masuulkii ugu horreeyay ee qaata tallaalka, waana qofkii ugu horreeyay ee gayiga Soomaalida, tanina waxaa lagu tilmaamay iney dhiirigelineyso isticmaalka tallaalkaan. Sidoo kale madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaatay tallaalka, iyadoo walaac badan laga muujinayo tallaalka xanuunka Covid-19 maadaama ay in ka badan 10 dal oo dunida ah iska joojiyeen. Tallaalka cudurka Covid-19 ee ay soo wada saareen shirkadda AstraZeneca iyo Jaamacadda Oxford ayaa shalay laga soo dajiyay garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu gaarayo 300,000 oo ah nooca Oxford-AstraZeneca si loo gaarsiiyo boqolkiiba 20 dadka ku nool Soomaaliya. Waxaan tallaalkan la siin doonaa howlwadeenada caafimaadka ee ka howlgala cisbitaallada, Booliska, dadka da’da ah iyo dadka la daala-dhacaya xanuunada kala duwan. Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ka faa’ideysanaya barnaamijka Covax ee ay hoggaamineyso Qaramada Midoobey ee ujeedkiisu yahay in tallaalka Covid-19 lagu gaarsiinayo waddamada saboolka ah.