Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,337
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Bar___Qubanaha-1532021-OK.mp3 View the full article
  2. Madaxweeynaha Dalka Djabuti Ismaacil Cumar Geelle iyo Marwada Koowaad ee dalkaasi ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Olalaha talaalka Covid-19 ee dalkaas. Dalka Jabuti oo mar dhaw la geeyay talaalka ayaa maanta waxaa daahfuray Madaxweeyne Ismaacil iyo marwadiisa. Ismaacil Cumar Geelle ayaana daahfurka Olalaha isku bilabay isagoo laga talaalay safmarka. Marwada koowad ee dalka Jabuti oo furitaanka Ololaha qeyb ka aheyd ayaana la talaalay iyadana. Sikastaba maanta oo talaalka uu soo gaaray Soomaaliya ayaa shacabka ku dhaqan Caasimadda waxa ay dowladda ka codsadeen in talaalka lagu bilaabo Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday Farmaajo iyo marwadiisa. Source: goobjoog.com
  3. Ku simaha wasiirka ahna wasiiru dowlaha wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan looga hadlayay ka hortagga karoona fayrus kula qaatay masjidka isbaheysiga culimaa’udiinka, imaamyada iyo khadiibyada masaajidadda magaalada Muqdisho. Sheekh Basiir Axmed Salaad, Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Cabdi Xayi oo kulanka ka hadlay ayaa adkeeyay doorka looga baahan yahay culimada xilliyadan oo kale, iyagoo ku baaqay in wadajir loo wajaho ka hortagga COVID-19 oo dhibaato ba’an ku haya dalkeenna. Kulanka ayaa laga soo saaray bayaan ka kooban 9-qodob, kaasi oo awaamiir dul dhigaya masaajidda iyo goobaha le’isugu yimaado si looga hortago faafidda cudurka. Ku simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Macalin Yaxye, ayaa faray imaamyada masaajidda dhaqan gelinta bayaanka si looga taxadaro faafidda COVID-19. View the full article
  4. Talaalka ay soo saartay Shirkada ugu wayn Dawooyinka Caalamka ee AstraZeneca ayaa Wadamo badan ay isticmaalkeeda joojiyeen ka dib markii Cilido badan oo dhimasho sababay lagala kulmay Dadkii lagu talaalay. Talaalka AtraZeneca ayaa lagala kulmay Madaxxanuun, elerji iyo Dad uu Madaxa Dhiig ku furay, hal Qof ayaa ilaa hada u dhintay. Dhowr waddan ayaa joojiyay isticmaalka Talaalkaan, waxaa maanta oo isniin ah joojiyay oo hakad galiyay , Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga iyo Isbaanishku waxayna Wadamada ku dhawaaqeen inay si ku-meelgaar ah u joojinayaan adeegsiga Talaalka AstraZeneca. AstraZeneca waa Shirkad samaysa Dawooyinka, waxayna kamid tahay Shirkadaha soo saaray Talaalka Covid 19 Shirkada Astra oo Dalka Sweden laga leeyahay iyo Shirkada Zeneca oo Ingiriiska laga leeyahay oo isku darsamay ayaa la baxay Magaca AstraZeneca, waxayna Wadajir ku noqdeen mid kamida Shirkadaha ugu wayn Caalamka Suuqyada Dawooyinka sameeya. Denmark, Norway, Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga iyo Isbaanishka ayaa ilaa hada hakad galiyay halka Ingiriiska, Beljam iyo Sweden ay si wadaan isticmaalka Talaalka AstraZeneca. Talaalkaan ayaa ah nooca hada lagaardiiyo Wadamo badan oo Afrika ah Soomaaliyana kamidka tahay. Puntlandi.com London The post Wadamo badan oo hakad galiyay Talaalka Covid19 ee AstraZeneca appeared first on . Source
  5. Waxaa soo gabagaboobay dhageysiga maalinka kowaad ee la xiirsan wareega kowaad ee dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Maxkamadda waxaa ka maqnaa dalka Kenya oo horey u sheegay in aysan ka qaybgalayn dhageysiga, waxayna maxkamaddu diiday codsi uu soo jeediyay Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Kenya oo ahaa in uu jeediyo hadal 30 daqiiqo ah oo ku sharaxayo sababta Kenya uga maqantahay Maxkamadda. Maxkamadda ICJ waxay sheegtay in ay ka xuntahay maqnaashiyaha Kenya, balse ay sii wadi doonto dhagaysiga kiiska. Mahdi Maxamed Guuleed, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo hoggaaminaya ergada ka wakiilka ah Soomaaliya oo hadal ka jeediyay Maxkamadda ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda, waxaana uu xusay in ay doonayaan in la sameeyo xad rasmi ah oo u dhexeeya labada dal. Mahdi Guuleed wuxuu kaloo sheegay in ay ka xun yihiin maqnaanshaha Kenya ee Maxkamadda. Saddex qareen oo ajnebi ah ayaa dooda sharciga ah ee Soomaaliya jeediyay, kuwaas oo soo bandhigay hadallo, dokumenti iyo khariiddad ay qaarkood Kenya leedahay oo qareennadu ay u cuskadeen in ay markhaati ka yihiin in ay Soomaaliya leedahay badda ay Kenya ku doodeyso. Xeer-ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Saleemaan Maxamed Maxamuud oo ka warbixiyay fadhigii maanta ee Maxkamadda ayaa sheegay in dhageysiga maalinka kowaad uu si fiican u gabagaboobay, difaaca baddana uu si wanaagsan u socda. Xeer-ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya wuxuu sheegay in dood afeedkan hadda socda wareegiisa kowaad iyo labaad la rajaynayo in uu noqon doono kii gabagabeyn lahaa dooda badda, kadibna ay maxkamaddu u diri doonto xukun. PUNTLAND POST The post Wararkii ugu dambeeyay ee dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.
  6. Mahadaay (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen degmada Mahadaay oo qiyaastii 23-KM u jirta magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle. Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta dhowr jiho kasoo weeraray Mahadaay, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo dhex maray Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo sanadihii lasoo dhaafay fariisimo ku kalaa gudaha magaaladaas. Al-Shabaab waxaa u suurta gashay inay dagaal kula wareegaan degmada, sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan Mahadaay oo Caasimada Online u waramay, waxayna ciidamadii dowladda ee magaalada laga saaray u baxeen dhanka saldhigga ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Warshaddii hore ee hubka oo ku taalla duleedka degmada Mahadaay. Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno degmada Mahadaay waxay sheegayaan in galabta ay ciidamada dowladda Soomaaliya weerar rogaal celis ah ku soo qaadeen magaalada, isla markaana uu halkaas ka dhacay dagaal kale oo ay kula wareegeen magaalada, kaas oo caawa fiidkii la isla soo gaaray. Dad ku sugan Mahadaay ayaa noo sheegay inay ciidamada dowladdu dib ula wareegeen gacan ku heynta magaalada, isla markaana ay hadda ku howlan yihiin qarxinta miinooyin ay Al-Shabaab ku xireen fariinsinkoodii ay ka qabsadeen maanta. Dhanka kale warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa baahisay in kooxdu ay la wareegtay Mahadaay, isla markaana hadda iyagu maamulayaan.
  7. Iyadoo ay socoto saxiixa buugga tacsida Allaha u naxariistee Cali Mahdi Maxamed Madaxweynihii hore Soomaaliya ayaa waxaa hoyga gogosha ay taalo gaaray Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Faandhe, Xildhibaanno, odayaal dhaqameed iyo Ganacsato, Suldaan Maxamed Muuse Barre iyo Xildhibaan Maryan Maxamed Xuseen ayaa ehelada uga tacsiyeeyay geerida Marxuum Cali Mahdi Maxamed Madaxweynihii hore Soomaaliya. Intaa kaddib ayay Mas’uuliyiinta waxa ay kulan la qaateen ehelada iyo guddiga dhaqanka ee loo xilsaaray tacsida Madaxweynihii hore waxa ay ku wareejiyeen xoolo iyo kutubo Qur’aan Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa wareejiyay xoolihii ay ugu talagaleen tacsida kaddib waxaa hadlay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Baarlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Faandhe waxayna sheegtay in Cali Mahdi uu ahaa Madaxweyne soo shaqeeyay xili adag, isla markaana door weyn ka soo qaatay Nabadda Soomaaliya. View the full article
  8. Ilo Dublamaasiyadeed ayaa Puntlandi.com u sheegey in Kulamadii u dambeeyay ee Musharixiintu ay la yeesheen Beesha Caalamka ay uga wadahadleen kalsoonida ay ku qabaan waxyaabaha kasoo bixi doona Shirka ka dhici doona Afisyooni. Musharixiintu waxay sheegeen in Ay aad u danaynayaan inay qayb ka noqdaan Shirka balse hadii aysan suuragalayn ay taageersan yihiin wax alaale oo kasoo baxa kulanka. Sida aan xogta ku hayno Musharixiintu waxay sicad ugu sheegeen Beesha Caalamka in ay ku qanacsan yihiin Natiijada Shirkaas mar hadii Beesha Caalamku ay korjoogtaynayso si Shirku uu San u noqon Kuwii hore oo kale waxayna hadalkaas raaciyeen , inay ku qanacsan yihiin hadii xitaa uu Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu yiraahdo Anaa Shirka ku matalaya Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe, Hadalkaan kasoo yeeray Mudharixiinta ayaa muujinaya in Musharixiintu ay labadaan Masuul u arkaan kuwo aan iyagu go’aan lahayn balse uu majaraja u hayo Madaxweyne Farmaajo. Puntlandi.com Muqdisho The post Mudhharixiinta oo Beesha Calamka u sheegay inay raali ka yihiin In Farmaajo uu matalo Qoorqoor iyo Guudlaawe appeared first on . Source
  9. Dhagaysiga Kiiska Muranka Bada ee ka dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa maanta oo isniin ah furmay iyadoo Kenya ka maqantahay. Kenya horay ayay u sheegeen inaysan imaanaya Dhagaysiga Isniinta( Isniinta maanta ah 15,3,2021), waxayna cududaar ka dhigteen dhowr arimood oo kala ah.. In Maxkamada Aduunka ay u janjeerto dhinaca Soomaaliya, oo aybu xaglinayaan Soomaaliya Cudurka Corona Virus oo farakulul ku haya oo u saamixi waayay inay siwanaagsan isugusoo diyaariyaan Kiiska Kenya oo shaqaalaysiisay Koox cusub oo sharciyaaqaano ah( Looyariin) waxayna u baahantahay inay kooxdaan cusub loo sharaxo Kiiska, siduu ku bilowdey ilaa hada meesha uu marayo Kenya waxay Diidan tahay in Garsooraha Soomaaliga ah ee Ka tirsan Maxkamada Aduunka uu meesha joogo(Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Aduunka Cabdiqawi) Waxayna Kenya dalbatay inuu Iscasilo Hadaba Kenya iyadoo soo jeedsatay qodobadaan ayay æ go’aansadeen iney qaadacaan imaanshaha Dhagaysiga Dacwada ee Maanta loo balan sanaa. Maanta Kenya waxay kaloo sheegeen in Kiiska ay hordhigayaan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana xusid mudan in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay Kenya Xubin ka tahay sanadkaan. Maxaa Kenya unqarsoon oo ay maanta u maqnaayeen oo u diideen inay yimaadaan Maxkamada Garyaqaano Soomaaliyeed oo ku xeel dheer Dacwooyinka Heer Caalami oo Puntlandi.com ay waydiiyeen su’aashaan ayaa ayaa Qoraalkaan hoose noogu jawaabay… “Kenya waxay ciyaaraysaa kaar cusub oo ay Dacwada dib ugu dhigayaan maadaama bishii hore laga diiday Codsigoodii ahaa in Kiiska dib loogu dhigo markii Afraad, Waxay kaloo Kenya ay aragtay in mar hore Kiiskaan looga itaal roonaadey oo looga guulaysanayo, waxayna doonayaan iney Maxkamada jahawareeriyaan Si ay wakhti ugu helaan in marakale ay dib ugusoo dhistaan Kiis ka Adag koodii hore iyo koox looyaro ah oo afmishaariin ah. Kenya waxay howlgaliyeen Looyaro Cusub oo qaarkood Yurub aad looga dambeeyo dhanka Sharciga, aadna afmishaariin u ah, waxaana la xaqiiq ah in Looyaradaas ay Kenya kula taliyeen inay Qaadacaan ka qaybgalka Dhagaysiga, Iyagoo markaas Ciyaaraya Kaarto ay hadhow Maxkamada ku qancin karaan in Dhagaysigii ay Kenya ka maqnayd uu sharci daro ahaa in la dhagaysto, Waa Macquul inay haystaan Daliilo qarsoon oo u saamaxaya in iyaga garloosiiyo in Dacwada dib loo dhigo, Daliiladaas waxaa kamid noqon kara inay sheegaan inay hayaan cadeymo ama markhaatiyaal muhiim u ah kiiska, hadii taas dhacdo Maxkamada waxaa khasab ku ah inay ogolaato in Kenya wakhti la siiyo. Mida kale, Kenya waxay ku hanjabtay maanta in Kiiska ay u gudbinayso Golaha Amaanka, taasi oo ay wakhti ku gadaynayso( Doonayso inay Kiiska sii jiijiido si wakhtigii ay rabtay ay halkaas uga hesho)” Hadaba maanta Kiisku wuxuu kusoo dhamaadey Sidii horay loo asteeyay( Jadwalkii Kiiska), Waxaa Macquul ah in Maxkamadu ay beri ka hadasho Maqnaanshaha Kenya iyo waxa laga yeelayo, Maanta waxaa soo jeedintii Soomaaliya u hadlay Raysal wasaare Xigeenka Mahad Guuleed, wuxuuna jeediyay khudbad dheer oo ka hadlaysa Lahaanshaha Bada ay Kenya ka laalaado. Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com Puntlandi.com Holland Somalia flag with Kenya flag, 3D rendering The post Muxuu salka ku hayaa Ka Maqnaanshaha ay Kenya ka maqnaayeen maanta Maxkamada Aduunka, Muxuuse yahay ujeedku ay Dacwada ugu gudbiyeen Golaha Amaanka QM appeared first on . Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaridka ayaa ka hadlay dacwadda kiiska Badda oo ka bilaabatay magaalada Hague ee dalka Holand. Sheekh Shariif ayaa waxa uu maanta ku tilmaamay ‘maalin weyn oo taariikhi ah’, maadama la gudo galayo dhageysiga dacwadda oo muddo sanado ah soo jiitameysay, taasi oo muujin doonta in taako kamid ah xuduud badeedkeenna aan la qaadan karin. Waxa uu shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan ku booriyay inay u midoobaan qadiyada Badda, asagoona ka digay in kiiska badda loo adeegsan karin siyaasad ama dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay. Shariif ayaa rajo weyn ka muujiyey kiiska Badda oo ay xiligan ka hartay Kenya, oo ku doodeysa cudur lagu qoslo, ayada oo Maxkamadda ICJ iska dhago tirtay dalab ay ku rabtay in dib loogu dhigo dhageysa dacwadda. Hoos ka aqriso qoraalka Sheekh Shariif oo uu soo dhigay bartiisa Facebook Bismillaah Maanta waa maalin ku weyn qalbiyaddeena, waa maalin ay dacwaddii badda ee u dhaxaysay dalkeenna Soomaaliya iyo Kenya ay ka bilaabaneyso Maxkamadda Cadaaladda Adduunka, waana maalin ay qormayso taariikh cusub oo muujin doonta in taako kamid ah xuduud badeedkeenna aan la qaadan karin. Waa arrin u baahan inay u midoobaan Soomaali meel kasta oo ay joogto, waa arrin aan la siyaasadayn karin ama loo adeegsan karin dano gaar ah. Waxaan bogaadinayaa Wafdiga iyo Qareennada nagu matalaya dacwadda, waxaan Alle ka rajaynayaa inay halkaas guushu ku raacdo Soomaaliya. Guul iyo Gobannimo
  11. Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa magaalada Hague ee dalka Holland ka bilowday dhageysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Maxkamadda waxaa ka maqan dalka Kenya oo horey u sheegay in aysan ka qaybgalayn dhageysiga, Maxkanadduna waxay sheegtay in ay ka xuntahay maqnaashiyaha Kenya, balse ay sii wadi doonto dhagaysiga kiiska. Mahdi Maxamed Guuleed, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo hoggaaminaya ergada ka wakiilka ah Soomaaliya oo hadal ka jeediyay Maxkamadda ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda, waxaana uu xusay in ay doonayaan in la sameeyo xad rasmi ah oo u dhexeeya labada dal. Mahdi Guuleed wuxuu kaloo sheegay in ay ka xun yihiin maqnaanshaha Kenya ee maxkamadda, maadaama maxkamaddu ay siisay Kenya waqti ku filan oo ay ugu diyaar garowdo dhageysiga. Hadal jeedinta Mahdi Guuleed, kadib waxaa bilowday hadal jeedinta qareennada u doodaya Soomaaliya, oo hadda si toos ah u socota. Madaxda Soomaaliya ayaa si toos ah muuqaal baahiyaha kala socda dhageysiga dacwadda, sidoo kale dad Soomaaliyeed ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee Maxkamadda, kuwaas oo dareenkooda ku muujinaya sida ay dalkooda u garabtaagan yihiin. PUNTLAND POST The post Dhageysiga dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.
  12. Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in laga helay Corona Virus. Wararka aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in xubno kale oo ka tirsan qoyska madaxweyne ku-xigeenka iyo ilaaladiisa gaarka laga helay COVID 19. Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylic ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada waxa uu ku yidhi “waxaan maalintii sadexaad la tacaalayaa xannuunka Coronavirus (Covid-19). Habeen hore ayaa jawaabta helay. Waa allah mahadii ilaa iyo imika xaaladayda caafimaad aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay. Aniga iyo inta uu asiibay waxaan allah uga baryayaa caafimaadka sareec ah. Waxaan bulshada ku wacyigalinayaa in ay ku dhaqmaan fariimaha wacyigalinta ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa dhakhaatiirta oo xil wayn iska saartay caafimaadkayaga. Alla Mahad Leh.” Source
  13. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-habeen-1532021.mp3 View the full article
  14. Shaacinta Liiska Murrashaxiinta KULMIYE Ee Burco Oo Bannaanka U Soo Saartay In Masuuliyiinta Xukuumadda Ee Bariga Burco Faro Madhnaan Ka Joogaan Beelaha Ay Ka Soo Jeedaan qaarkood Xisbiga Kulmiye, ayaa shaaciyey liiska murrashaxiintiisa ka qayb galaysa doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka ee Gobolka Togdheer iyo Degmada Burco. Shaacinta Liiskan murrashaxiinta, ayaa bannaanka u soo saaray waxyaabi badan oo huursanaa muddadii ay socotay xulista Murrashaxiinta Kulmiye ee gobolkaasi, taas oo loollan adag uu ka dhacay. Xisbiga Kulmiye oo sannadkan jewi siyaasaddeed ka duwan kii uu kala kulmi jiray kala kulmay Gobolka Togdheer, gaar ahaan Bariga Burco, ayaa waxa ay baahinta liiska murrashaxiintani bannaanka u soo saaray in dadkii sharaxnaa ee ay wateen Beelahoodu badankoodu iska sharaxeen laba Xisbi Mucaarad ee Waddani iyo UCID, taas oo muujisay isbeddelka siyaasaddeed ee deegaankaas ka jira, madaama oo hore Xisbigaasi u ahaa ka kowaad ee ay iska sharaxaan. Inkasta oo ay Beelaha qaarkood iska sharaxeen Kulmiye, haddana beello badan oo cod badan leh, ayaa u wareegay dhinaca Mucaaradka, taas oo jaahwareer siyaasaddeed iyo filan-waa ku riday Masuuliyiinta Xukuumadda ee KULMIYE u qaabilsanayd xulista Murrashaxiinta, markii ay Beelahoodu u sheegeen in ay Xisbiga ay doonaan ee ay dantoodu ku jiro ay geyn doonaan Murrashaxiintooda. Masuuliyiinta xukuumadda ee u xil saarnaa xulista murrashaxiinta, waxa ay caqabad kala kulmeen Beelahooda, taas oo qorshahoodii xulista kala dhantaashay, iyaga oo waxyaabihii ay la kulmeen weji gabax siyaasaddeed ku ahaa kaga jawaabay, in qaarkood warbaahinta la hadlaan oo eedeeyaan Siyaasiyiin Kulmiye ka tirsan oo ay ku eedeeyaan in ay murrashaxiintii geeyeen Xisbiyada Mucaaradka. Masuuliyiintan, oo ka baqaya in duruufta siyaasaddeed ee kala kulmeen deegaankoodu in ay saameyn ku yeelato xilalkooda iyo meeqaankooda siyaasaddeed, waxa ay dejiyeen qorshe ay iyagu ku soo xulayaan Murrashaxiin ay wataan oo aan taageero ka haysan deegaannadooda, kuwaas oo ujeeddadu tahay in ay kula dagaalamaan Murrashaxiinta Beelahoodu geeyeen Xisbiyada Mucaaradka ah. Sidoo kale, waxyaabaha ka soo muuqtay liiskan waxa ka mid ahaa in laga tegay Murrashaxiin taageerayaal badan watay oo Xisbigaasi hore u aqbalay, qaarkoodna lacagtii ay shubeen, waxa iyagu is casilay Murrashaxiin Beelahoodu wataan, kuwaas oo shaki ka muujiyey in laga saaro Liiska Murrashaxiinta Kulmiye, kuwaas oo isla maanta tegay Waddani. Si kastaba ha ahaatee, Caqabadaha kulmiye ka soo wajahay Togdheer, ayaa loo aanaynayaa mid siyaasaddeed oo wakhtigan muujinaya in aanay taageeradii ay hore ugu hayeen aanay imika u hayn, dadka masuuliyiinta ah ee hawsha xulista loo diray oo ahaa kuwo aan miisaan culus ku lahayn deegaanka, Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee isla deegaankaas oo saameyn ku yeeshay Beelahooda murrashaxiin badana geeyey Xisbiyadooda iyo weliba doorkii Guddoomiye kuxigeenka Kulmiye ahna Wasiirka arrimaha guddaha Maxamed Kaahin oo meesha ka maqnaa, madaama xaaladda caafimaad dalka uga maqan yahay. Source
  15. Guddoomiyaha golaha guurtidda Somaliland mudane, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa shèegay in xaalad caafimaad oo la xidhiidha tallaalkii Covid-19 ee uu qaatay u dalka dibadiisa ugu baxayo. Guddoomiyuhu waxaa uu mudanayaasha ka codsaday in ay u soo duceeyaan. Sidoo kale waxaa uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka isbarkan ee dalka ka dhici doona, halkan hoose ka Daawo Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay qaar kamid ah Wakiilada Beesha caalamka ee saaxiibada Soomaaliya oo fadhigoodu yahay xarunta Xalane. Xubnaha uu la kulmay Deni ayaa waxay kala yihiin Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Ambassador James Swan, Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira. Kulankaan wuxuu qeyb ka yahay kulamo dhawr ah oo loogu gogol xaarayo shir ka dhaca Muqdisho oo ay yeeshaan madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya si loo dhameystiro heshiiska doorashada oo ay caqabado badan ku gudban yahiin, walina aan waddo toosan loo helin. Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland waxaa lagu sheegay in kulanka uu ku saabsanaa ka hadalka arrimaha doorashada iyadoo Saciid Deni uu ku jiro madaxda caqabadaha badan ka tirsanaya waxyaabaha ku xeeran Doorashada. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho maanta ku qaabilay Qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka, kuwaasi oo kala ah Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Ambassador James Swan, Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira,” ayaa lagu yiri qoraal lagu qoray bogga Facebook ee madaxtooyada Puntland. Waxaana la raaciyay: “Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta uu la kulmay kala hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Doorashada.” Beesha caalamka ayaa cadaadis badan saareysaa madaxda Soomaalida iyadoo dooneysa iney kulmiso si loo dhameystiro heshiiska doorashada ee ku jaango’an heshiiskii 17-kii Septmber 2020 lagu gaaray Muqdisho iyo is fahamkii labada guddi ay ku gaareen magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
  17. London ( PP News Desk) — Somalis in the United Kingdom have drawn attention to the two options for people who select Somalia as their counrty of origin. People who identify Somalia as their country of origin get asked if they are Somali or Somalilander. “This confuses parents whose children fill out the census because they might think that Somali and Somalilander are interchangeable” said Adan Ali, a community worker in West London. UK Census 2021 contains dual identities for Somali citizens — Somali and Somalilander. The British Government recognises Somalia as one country with Mogadishu as its capital city. Somalis who identify themselves as Somalilanders claim to belong to Somaliland, a “self-proclaimed republic.” “Subnational identities such as Somaliland, Puntland, Juballand, Hirshabelle, Galmudug, South West State and Jubalad do not constitute citizenship. It like asking a person who identifies his/her country of origin as China whether he/she is Chinese or Honkonger” said Faysal Yusuf, a business adviser in London. “The Census has a built-in predictive software. If you type Somal it gives you two options: “Somali or Somalilander. It’s very confusing” said a person who filled out the census form online. © Puntland Post, 2021 The post UK CENSUS 2021 CREATES DUAL IDENTITIES FOR SOMALI CITIZENS appeared first on Puntland Post.
  18. The Health Ministry will distribute Oxford-AstraZeneca COVID-19 vaccines to Somali health authorities. Mogadishu (PP News Desk) — A plane carrying the first batch COVID-19 vaccines arrived in Mogadishu earlier today. “At last our effort to secure vaccines have borne fruit. We expect more batches of the vaccine to arrive. The vaccination will begin tomorrow 16 May. Frontline health workers will be vaccinated first. We must observe preventive measures such as social distancing and washing hands regularly” said Fowsiya Abikar, the Somali Minister for Health who, with UNSOM Chief, James Swan, was at Mogadishu International Airport to witness the delivery of vaccines. Fowsiya Abikar: “We must observe preventive measures such as social distancing and washing hands regularly.” The Somali Health Ministry will distribute Oxford-AstraZeneca COVID-19 vaccines to Somali health authorities in regions. Somalia is grappling with a second wave of COVID-19. © Puntland Post, 2021 The post Covid-19 Vaccines Arrive in Somalia appeared first on Puntland Post.
  19. axaa Magaalada Hague ee Dalka Nederland ka bilaawday dhageysiga Kiiska dacwada badda Soomaaliya. Maxkamadda ICJ ayaa bilowday dhageysiga kiiskan iyadoo Kenya aysan qeyb gelin. Maxkamadda ayaa shaacisay sida ay uga xuntahay maqnaanshaha Wakiillada Dowladda Kenya ku matalla kiiskan. Khudbad uu madasha ka jeediyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxuu ku sheegay in Kenya fursado badan la siiyay. Waxaa uu Mudane Mahdi Maxamed Guuleed shaaciyay in Kenya ay xadgudub ku sameysay badda Soomaaliya. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay in Soomaaliya aysan marnaba ka codsan Maxkamadda ICJ in dib loo dhigo kiiska dacwadda Badda. Waxaa uu intaasi ku daray in Shacabka Soomaaliyeed ay kalsooni ku qabaan Maxkamada ICJ, islamarkaana ay ka war sugayaan go’aanka ka soo baxa Maxkamadda. “Kenya waxaa ay markii hore ku soo xadgudubtay badda Soomaaliya, waxaa ay dooneysaa in ay meel cidlo ah ka sheegato badda Soomaaliya”, sidaasi waxaa yiri Mahad Maxamed Guuleed. Mudane Mahdi Guuleed ayaa ku eedeeyay Dowladda Kenya in ay hareermartay sharuucda u daggan Maxkamadda ICJ. Dowladda Kenyaa ayaa tiro sedex jeer waxaa laga aqbalay codsi ahaa dib loo dhigo dhageysiga dacwada badda, balse Maxkamadda ICJ ayaa diiday codsigii afaraad ee ka yimid Dowladda Kenya. Maxkamadda ayaa ugu dambeyn bilaawday dhageysiga kiiska badda iyadoo Kenya aysan ka qeyb gelin, waxaana haawanaya kuraastii loogu talagalay ergadii ka socday Dowladda Kenya. View the full article
  20. Hague (Caasimada Online) – Waxaa bilaabatay dhageysiga dacwada kiiska Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo ay ka maqan tahay Kenya oo cudur aan buurneyn ka dhiibatay ka qeyb-galka dhageysiga dacwadda oo ku taariikheysneyd maanta oo ah 15-ka bisha March. Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa si rasmi ah u furtay dhageysiga dacwadaas, waxaana khudbad ku aadan dooda Soomaaliya ka jeediyay Sii-hayaha ra’iisal wasaaraha dalka, Mahdi Guuleed oo isagu ah madaxa u sarreeya ee hogaaminaya arrintan. Mahdi Guuleed ayaa khudbad ku aadan Kiiska ka horjeedinaya Guriga Nabadda ee xarunta cadaaladda aduunka, ayada oo ay ku wehlinayaan qareenada Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale. Warkaan oo faah-faahsan la soco goordhow. Hoos ka daawo muuqaalka dhageysiga dacwadda oo toos ah
  21. Raysal Wasaare ku-xigeenka Sooomaaliya ayaa hadda sheegay ay galeen xarunta Maxkamadda Caddaaladda Adduunka si loo dhegaysto Dacwada Badda. “Waxaannu hadda gudaha u galnay Guriga Nabadda ee xarunta cadaaladda aduunka oo uu ka dhacaayo kiiska baddeena ee inaga dhaxeeya innaga Somaaliya iyo Kenya”. Warkan oo faahfaahsan goor dhaw la soco Source
  22. After withdrawing its troops from Somalia, the United States said al-Shabaab’s capability to carry out full-scale attacks in Kenya have been significantly degraded. Source: Hiiraan Online