-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa sheegtay inay maanta soo geba-gebyn doonto dhageysiga kiiska dacwadda badda ee u dhaxeeya Soomalaiya iyo Kenya. Maxkamadda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in kadib dhageysiga maanta ay guda geli doonto gaarista go’aanka kiiskan, islamarkaana ay xukmin doonto, inkasta oo aysan shaacin waqti rasmi ah. Soomaaliya ayaa maxkamadda u gudbisay dood afeedkeeda 15-kii iyo 16-kii March. Ma dhicin wax dhageysi ah 17-kii March kadib markii Kenya ay diiday inay ka qeyb gasho doodda afka ah ee maxkamadda ka socoto. Sidaas darteed, ayey tiri maxkamadda, Soomaaliya ayaa maanta soo gudbin doonta dooddeeda ugu dambeysa, saacadda magaalada Hague marka ay tahay 3:00pm, taasi oo ku beegan 5:00pm xilliga Muqdisho. Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa shalay ku gacan seertay codsi ka yimid Kenya oo ahaa inay dib ugu soo laabato dhageysiga dacwadda oo ay qaadacday 11-kii bishan, sida ay sheegeen guddiga matalaya Soomaaliya. Go’aanka Maxkamadda ay ku diiday codsiga Kenya ayaa fursad weyn u ah Soomaaliya, iyo qareenada matalaya, sababtoo ah Kenya ma ka haysato fursad ay isku difaacdo.
-
Qaahira (Caasimada Online) – Xiriirada siyaasadeed ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika ayaa isku badbadalaya si joogto ah, waxaana kamid ah xiriirka Masar iyo Soomaaliya kaa oo u muuqda mid ay Soomaaliya dhexdhexaad ka istaagtay Biyo xireenka Webiga Nile oo Masar iyo Itoobiya ku muran sanyihiin. 8-dii March 2021 madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-Sisi ayaa ku qaabilay Qasrigiisa Qaahira Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacowday Masar Ilyas Sheekh Cumar, isla maalintii laga gudoomay waraaqaha safiir nimo waxa uu Ilyaas soo saaray war saxaafadeed uu ku muujinayo sida ay Soomaaliya rajo weyn ugu qabto sidii u sii socon lahaa xiriirka soo jireenka ah ee kala dhaxeeya Masar. “ Sharaf weyn iyo taariikhi ayey ii tahay inaan waraaqaheyga aqoonsi ku wareejiyo madaxweyne Alsisi” ayuu ku yiri bilowga war saxaafadeedka, wuxuuna safiirka hoosta ka xariiqay xiriirka faca weyn ee Soomaaliya iyo Masar, iyo in Masar ay kala shaqeyso Soomaaliya heshiisyo isfaham ahaa oo ay kala saxiixdeen Labada dowladood sanadihii 2015 iyo 2019 kuwaa oo ku saabsanaa waxbarashada, caafimaadka, Beeraha, Xoolaha, ganacsiga iyo Kaluumeysiga. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa 5-tii March soo saartay war murtiyeed ay ku cambaareyneyso qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan qaraxii maqaayadda Luul Yameni oo dad shacab dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay. Masar waxey sheegtay iney Soomaaliya ku garab taagantahay sidii looga adkaan lahaa argagixsada Al shabaab si dalka loogu soo celiyo amni iyo kala dameyn. Zakaria Othman, oo horay u ahaa cilmi bare katirsan Machadka Daraasadaha Afrika iyo Carabta ayaa wargeyska Al-Monitor u sheegay in Masar ay sanadihii ugu dambeysay ahmiyad siineysay wadamada Afrika si looga adkaado argagixsada, wuxuuna noqday tiir aas-aas u ah siyaasadda arrimaha Dibadda ee Masar. Waxa uu intaa ku daray Sakariye in Masar ay bilowday xoojinta xiriirka Afrika, markii uu xoogeystay muranka kala dhaxeeyo Itoobiya ee ku aadan webiga Nile, dowlado ay kamid tahay Sudan iyo Koofur Afrika ayuu sheegay iney kula jirto heshiis Military. “Si walboo ay ahaato in Masar ay xiriir dhaw la yeelato Afrika gaar ahaan Soomaaliya iney ka caawiso la dagaalanka argagiixsada iyo wada shaqeyn dhanka ganacisga iyo dhaqaalaha waxey Masar uga fadhisaa mid qaas ah maamadama Soomaaliya ay xuduud la leedahay Itoobiya oo muran dhanka webiga Nile uu kala dhaxeeyo ” Wargeyska Al-Monitor. Sanadihii ugu dambeeyay Masar waxey kor u qaadeysay xiriirka wadamada Sudan, Koofurta Sudan iyo Eritrea kuwaa oo dhamaantood xuduud la leh Itoobiya, warbaahinta ayaa sidoo kale tabisay in Dowladda Masar ay wado qorshe ay saldhigyo Militery uga dhiseyso Soomaaliya, Koofurta Sudan, iyo Eritrea. Cilmi bare sare oo Masaari ah kana faalooda arrimaha Afrika oo diiday in magaciisa la sheego ayaa xusay ujeedka ay Masar xiriirka ula yeelaneyso wadamada Afrika ee xuduuda la leh Masar oo Soomaaliya ay ku jirto kuwaa oo sidoo kale xubin ka ah Jaamacada Carabta ama Midowga Afrika iney tahay sidii Itoobiya cunaqateyn loo saari lahaa, una codeyn lahaayeen hadii ay dhagaha ka fureysato wadahallada Masar kana shaqeyso buuxinta biyo xireenka Webiga Nile iyadoo aan heshiis la gaarin. “Xitaa hadii aysan ku guuleysan Masar cadaadiska ay saareyso dowladaha iyo ururada caalamiga ah ee ku aadan iney cunaqateyn ku soo ragaan Itoobiya ,waxey saameyn dhaqaale ku yeelan doontaa Addis Ababa, maadama Itoobiya ay tahay dal Bad la’aan ah ayna ku tiirsantahay dekado ku yaala Eritera iyo Masar, waxaa suuragal ah iney Itoobiya u taag heliweyso buuxinta webiga” Cilmi bare sare oo Masaari ah ayaa sidan u sheegay Al-Monitor. Sanadii 2020 waxey Masar geed dheer iyo mid gaaban u fuushay sidii dhowr dowladood iyo dhowr urur ay u soo saari lahaayeen go’aan ka dhan ah biyo xireenka ay rabto iney buuxiso Itoobiya, xiligaas Soomaaliya wey ka aamustay,waxaana March 2020 uu sheegay wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya iney Dowladda Federalka diyaar u tahay dhexdhexaadinta dowladaha isku haya Webiga Nile. Sidoo kale Masar ayaa xiriir dhaw la yeelatay maamulka iskiisa ugu dhawaaqay madax banaanida ee Somaliland waxaana warar soo baxayay ay sheegayeen iney saldhig Militery ka furan rabto, Dowladda Federalka Soomaaliya ayaana booqashadaas ka xumaatay. W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim Abdiazizh99@gmail.com Xigasho: Wargeyska Al-Monitor
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dadka degan Lamu waxay lumin doonaan xuquuqdooda kalluumeysi, haddii maxkamadda ICJ ay Soomaaliya u xukmiso dhul-badeedka ay dacwaddiisa qaadeyso, waxaa sidaas maxkamadda u sheegay Kenya. Kenya ayaa ku doodeysa in xuduudda badda ee labada dal lagu salleeyo loolka ama xagal qalloocan oo dhinaca Soomaaliya soo aadeysa. Loolka ayaa Kenya siinaya qeyb ka mid ah dhul-badeedka Soomaaliya. Qareenada Soomaaliya ayaa sheegay inay Soomaaliya mowqifkeeda tahay in xadaynta lagu saleeyo laynka tooska ah ee ku astaysayn xuduudda dhulka. Qareenada Soomaaliya waxay sheegeen in xadaynta badda ee noocaas ah loo adeegsaday xukunnadii hore ee maxkamaddu go’aamisay ee ku aaddan badaha waddamo uu muran ka dhexeeyey sida Bangladesh iyo Myanmar oo kale. Haddii maxkamadda ICJ ay kiiska u xukmiso Soomaaliya, Kenya ma weyn doonto dhul ka maqan balse waxay weyn doontaa dhul badeed aysan laheyn oo hadda ay kalluumeysatada dalkaas uga kalluumeystaan si sharci-darro ah. Kenya ayaa dokumentiyo ay u gudbisay maxkamadda ku dooday in kalluumeysiga uu yahay 80 dakhliga bulshooyinka ku nool Lamu. Kenya ayaa sidoo kale ku dooday in hadduu dhulka la isku hayo loo xukmiyo Soomaaliya uu aad u yaraan doono dhul-badeedka Kenya, taasi oo sida ay ku dooday xadidi doonta dhaq-dhaqaaqa maraakiibta.
-
Dalka Imaaraat-ka Carabta oo tijaabinaya diyaaradaha Drones-ka oo Daruuraha Bacrimiya si ay u darooraan ama Roob hooraan . Dalka Imaaraat-ka ayaa tijaabinaya diyaaradaha loo yaqaan Drones-ka ee aan duuliyaha lahayn nooc ka mid ah oo daruuraha marka ay u baxaan ku sii daaya maayad danab ah oo dhalisa roob. Dalkaas ayaa haatan ba hore u adeegsanayey tiknoolajiyada daruuraha bacrimiya oo waxa daruuraha dusha lagaga daadiyaa cusbo si loo cariyo in ay darooraan. Hase yeeshee maadaama oo celcelis ahaan roobka Imaaraadka sannadkii ka da’aa uu yahay 100mm, ayaa dalku waxa uu doonayaa in uu helo xaddi intaa ka badan. Sannadkii 2017 ayaa dawladdu ku bixisay sagaal mashruuc oo kala duwan oo kuwa daruuraha lagu bacrimiyo ah 15 milyan oo doolar. Saynisyahanno ka socda Jaamacadda Reading ee dalka Ingiriiska ayaana mid ka mid ah mashruucyadaa hormuud ka ah oo wada. Mashuurcaas ayaa ujeedadiisu tahay in wax lagaga bedelo isku dheeli tirnaanta maayada danabka ah ee daruuraa sida uu sheegay borofesoor Maarten Ambuam, oo mashruucaas ka shaqeeyey. “Biyaha dhulka hoostiisa ku jira ee dalka Imaaraadu aad bay u yaraanayaan, markaa ujeedada mashruucani waxa weeyi in la isku dayo in roobka di’idiisa la carin karo” ayuu yidhi isaga oo BBC-da la hadlayey. Sidoo kale “dalku ma laha daruuro badan” markaa qorshuhu waxa weeyi in qoyaanka hawada ku jira la isku ururin karo si uu daruuro u noqdo oo la isku dhejiyo ” waa sida timo qoyan oo la feedhayo” marka maayada negi ee timaha la cariyo, ayuu yidhi. “Marka qoyaankaas badani isku ururo ayuu dhibco waaweyn oo biyo soo daadan kara ah noqdaa”. Agaasimaha xarunta cilmi-baadhista carinta roobka ee Imaaraat-ka, Calyaa Al-Masruuci, oo la hadashay wargeyska Arabnews ayaa tidhi “qalab danab maayad ah sii daynaya ayaa lagu rakibayaa diyaaradahaa aan duuliyaha lahayn oo joog hoose ku duulaya, waxaanay arintaasi carinaysaa in daruuruhu biyo sii daayaan”. Daraasadan ayaa wax tarkeeda la qiimayn doonaa, iyadoo rajona laga qabo in lacag badan oo dheeraad ah lagu bixiyo si diyaarado kuwan haatan ka waayen mustaqbalka loo adeegsan karo. Qaran News
-
Madaxweynihii Baaldoosarka ee Tanzania oo Geeriyooday+Taariikh Nololeedkiisa John Pombe Magufuli, wiilka nin beeralley sabool ahaa, isla markaana noqday madaxweynaha Tanzania sanadkii 2015, ayaa geeriyooday isaga oo jira 61 sano. Waxaa mar lagu ammaanay hannaankiisii diidmada waxyaabaha uu micnodarrada u arkayay, wuxuu noqday hoggaamiye hadalladiisu ay ahaayeen kuwo muran dhaliya, gaar ahaan sidii uu uga jawaabay xanuunka safmarka ah ee coronavirus. Waxaa mar labaad la doortay sanadkii 2020 iyadoo ay jirtay in mucaaradku ay ku eedeynayaan ku shubasho iyo hanjabaad. Kahor inta uusan madaxweyne noqon waxaa lagu naaneysi jiray “baaldoosarka” sababo la xiriira inuu horkacayay barnaamij waddooyin lagu dhisayo isagoo markaas ahaa wasiirkii shaqada, markii dambena waxaa lagu ammaanay sida uu uga soo horjeestay musuqmaasuqa iyo sida uu u necbaa khasaarinta ama beerdareynta lacagta. Madaxweyne ahaan waxaa sidoo kale lagu eedeeyay ugaarsiga mucaaradka iyo xaddidadda xorriyadaha qaar, balse kaddib geeridiisa waxaa aad loogu xusuusan doonaa sida isaga u gaarka ahayd ee uu u wajahay Covid-19. ‘sheydaankuba waa Coronavirus’ Markii Covid-19 uu gaaray Tanzania, Madaxweyne Magufuli uma cuntamin inay dadku guryaha joogaan. Wuxuu doonayay inay aadaan masaajidda iyo kaniisadaha. “Coronavirus, oo ah sheydaan, kuma badbaadi karo dhiigga Christ… durba wuu gubanayaa,” Magufuli, oo ahaa Kirishtaan, ayaa erayadaasi kaga dhawaaqay kaniisad ku taalla Dodoma. Markii dhan laga eego, Magufuli wuxuu u ololeeyay daaweyn dhaqameedka sida is uuminta si loola dagaallamo coronavirus Tan iyo June 2020, markii uu ku dhawaaqay in dalkaasi uu xor ka yahay “Covid-19”, madaxweynaha, iyo saraakiil sare oo kale oo dowladda ka tirsan, ayaa ku maadeystay waxtarka af-saabka, waxayna sidoo kale dacaayadeeyeen dalalka deriska ee soo rogay tallaabooyinka caafimaad ee lagula dagaallamayo fayraska. Baaritaanno yar ayaa laga sameeyay Tanzania wax qorshooyin ahna looma diyaarin barnaamijka tallaalka. Balse markii loo dhaariyay madaxtinnimada bishii October 2015, Magufuli wuxuu u muuqday nooca qofka ay Tanzania u baahneyd – hoggaamiye karti leh, oo aan la laaluushi karin. ‘Baaldoosar’ oo shaqada bilaabay Ficilladiisa natiijada ku saleysnaa waxaa sidoo kale loo arkay kuwo lagu dabiqi karo dalalka kale ee Afrika – waxay ahaayeen kuwo ay u baahneyd qaaradda si ay ula tacaasho arrimaheeda dowladnimada. Maalintii ugu horreysay madaxtinnimadiisa, wuxuu diray farriin adag oo uu ku sheegay inuusan u dulqaadan doonin maqnaanshaha shaqaalaha hay’adaha dowladda, markii uu booqday xafiisyada wasaaradda dhaqaalaha, isaga oo su’aalay halka ay ku maqan yihiin kuwii aan markaas shaqada joogin. Wuxuu sidoo kale liiska lacag bixinta ka saaray shaqaalaha aan jirin ee mushaarka iska qaata, wuxuu sidoo kale shaqada ka tiray saraakiil loo arkay inay musuqmaasuq ku lug lahaayeen amaba aan waxqabad lahayn. Mararka qaar waxaa arrimahan si toos ah looga soo deyn jiray telefishinnada. Wuxuu sidoo kale meesha ka saaray waxa uu u arkayay kharashka ku baxa tamashleyn ka badbadis ah, isaga oo qaadacay dabaaldegyada Maalinta Xorriyadda markii ugu horreysay muddo 54 maalmood ah, wuxuu amray nadiifin guud ahaan dalkaas laga sameeyay, isaga oo gacmihiisa ku gurayay khashin yaallay bannaanka Madaxtooyada. Magufuli oo ka qeyb qaadanaya olole nadiifin ah Wuxuu sidoo kale dhammaan safarrada dibadda ka mamnuucay shaqaalaha dowladda. Sanadkii ugu horreeyay ee madaxtinnimada Magufuli, hannaankan wuxuu u soo jiiday ammaan baaxad leh, taas oo horseedday in barta Twitter-ka laga bilaabo hal-ku-dhigga ah : #WhatWouldMagufuliDo (Waxa uu Magufuli sameyn lahaa). Inkastoo qoraallada qaar ay ahaayeen kuwo lagu maadeysanayo siyaasadaha adag ee madaxweynaha – tusaale ahaan: “Waxaan soo iibsan rabay foorno haddana waxaan is weydiiyay #WhatWouldMagufuliDo” iyada oo qoraalkaas la raaciyay digsi la dul saaray shumacyo – qaar kale ayaa ku baaqay in hoggaamiyeyaal kale oo Afrika ka soo jeeda ay ku daydaan hannaankiisa hoggaamineed. Sanadkii 2017, bare jaamacadeed oo Kenya u dhashay ayaa ku baaqay in Afrika “La Magufuliyeeyo” xilli uu khudbad ka jeedinayay Jaamacadda Dar es Salaam. Balse, sidoo kale way caddeyd in hoggaankiisa uu lahaa dhinac kale oo madow. Milicsiga taariikhda John Magufuli Wuxuu ku dhashay Chato, waqooyi-galbeed Tanzania, sanadkii 1959 Wuxuu kimistariga iyo xisaabaadka ka bartay Jaamacadda Dar es Salaam Wuxuu soo noqday macallin dhiga kimistariga iyo xisaabta Markii ugu horreysay waxaa xildhibaannimo loo doortay sanadkii 1995 Wuxuu golaha wasiirrada ka mid noqday sanadkii 2000 Waxaa markii ugu horreysay madaxweyne loo doortay sanadkii 2015 Mar kale ayuu madaxweyne noqday sanadkii 2020 Bishii January 2016, labo bilood makrii uu xilka hayay, maamulkiisa wuxuu ku dhawaaqay in telefishin dowladdu leedahay uusan si toos ah u baahin karin kulamada baarlamaanka, taa soo ka mid ah tallaabooyinka lagu dhimayo dakhliga. Mucaaradka ayaa arrintaas u arkay xorriyad ka qaadid maaddaama ay ka mid ahayd hababka yar ee ay ula xisaabtami kareen dowladda. Waxay qorsheeyeen dibadbaxyo ka dhan ah mamnuuciddaas, balse dowladda ayaa ku jawaabtay inay mamnuucdo dhammaan dibadbaxyada. Tusaale kale oo kaas la mid ah wuxuu ahaa sida uu Magufuli uga jawaabay hees sanadkii 2017 uu soo qaaday fannaan caan ah oo Tanzania u dhashay laguna magacaabo Nay wa Mitego. Wax ka yar maalin markii la baahiyay heestaas, Mitego booliiska ayaa xiray. Waxaa lagu eedeeyay inuu caayay madaxweynaha oo uu ku aflagaaddeeyay dowladda heestiisa oo ay erayadeeda ka mid yihiin: “Weli dalkan ma waxaa ka jirta xorriyadda hadalka?” ayuu ku heesay fannaankan oo magaciisa dhabta ah uu yahay Emmanuel Elibariki. “Ka warran haddii aan hadlo kaddibna aan iska dhex arko [Saldhigga Booliiska]?” “Ma waxaa jira hoggaamiyeyaal gaara go’aanno nacasnimo ah? Way jiraan!” Cabsidii uu heesta ka soo qaaday ayaa u rumowday – waxaa dabcan lagu xiray Saldhigga Dhexe ee Booliiska ee Dar es Salaam. Magufuli ayaa si aqlabiyad ah u guuleystay sanadkii 2020 balse mucaaradka ayaa diiday natiijada Inkastoo Madaxweyne Magufuli uu maalin kaddib amray sii deynta Nay wa Mitego, wuxuu ku taliyay in heesta dib u habeyn lagu sameeyo laguna soo daro dhibaatooyinka kale ee bulshada ka dhex jira, sida khiyaanada canshuurta. Sanadkii 2017, xildhibaan mucaarad ah oo lagu magacaabo Tundu Lissu, oo sanad kaddib madaxtinnimada kula tartamay Magufuli, ayaa gurigiisa hortiisa lagu toogtay dhaawac halis ahna la gaarsiiyay. Mr Lissu ayaa dowladda ku eedeeyay isku day dil waxaa isaga lagu soo oogay jeedinta hadallo nacayb ah iyo inuu madaxweynaha ugu yeeray keligii-taliye. Dowladda ayaa beenisay ku lug lahaanshahay weerarkaas. Maamulka madaxweynaha ayaa sidoo kale shaqada ka joojiyay wargeysyo, arrintan oo ay kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ay u arkeen inay meel uga dhacayso xorriyadda hadalka. Amnesty International ayaa sidoo kale sheegtay in weriyeyaashu ay ka baqayaan in la bartilmaameedsado. Canshuur aad u badan Maamulka Magufuli ayaa sii waday soo rogidda amarro aan caadi ahayn, isagoo soo rogay shuruuc cusub oo lagu kordhinayo canshuurta shirkadaha caalamiga ah ee macdanta qoda. Sanadkii 2017, Acacia Mining, oo qeyb ka ah shirkadda Canada laga leeyahay ee Barrick Gold, ayaa bixisay canshuur aan caadi ahayn oo dhan $190bn (£145bn). Sanadkii 2018, Tanzania waxay sidoo kale meel marisay sharci lagu ciqaabayo qof walba oo su’aal geliya xogaha rasmiga ah, taas oo ka dhigeysa in dowladdu ay tahay tan keliya ee xaqa u leh xogta. Balse xitaa kuwa mucaaradka ku ah Magufuli waxay qirsan yihiin sida uu uga qeyb qaatay horumarka Tanzania, isaga oo maalgeliyay mashaariic waaweyn oo dhismaha ah sida waddada tareenka ee dalkaasi ku xiraya dalalka deriska la ah, ballaarinta waddooyinka waaweyn. Wuxuu horumarin ku sameeyay korontada. Wuxuu sidoo kale dayactiray diyaaradda dalkaas laga leeyahay, Air Tanzania. Magufuli wuxuu sheegay in Julius Nyerere uu saameyn ku leeyahay hoggaankiisa Wuxuu hab maamulka uga dayday madaxweynihii ugu horreeyay ee Tanzania, Mwalimu Julius Nyerere, kaas oo mar walba ahaa qof madax bannaan. “Abbaheen ma ahayn qof loo sheego wuxuu qabanayo… Kuwa soo saara shuruucdan [xayiraadda] waxaa loogu talo galay in lagu bixiyo amarrada uu aabbaheen diiday,” ayuu yiri Magufuli, isaga oo ula jeeday dhaqankii Nyerere ee diidmada talooyinkii uga imaan jiray dalalka Galbeedka. ‘Waan ogahay waxa ay ka dhigan tahay inaad sabool noqoto’ Magufuli wuxuu dowlaaddii Nyerere ku soo koray tuulo ku taalla waqooyi-galbeed degmada Chato oo ku teedsan Harada Victoria, wuxuuna sheegay in noloshii uu ku soo koray ay ku kaliftay inuu u adeego dadweynaha Tanzania. “Gurigeennu wuxuu ka sameysnaa cooshad, sida wiilal kale oo badan waxaa qaabilsanaa raacidda lo’da, iyo sidoo kale iibinta caanaha iyo kalluunka si aan u caawiyo qoyskeyga,” ayuu ku yiri ololihiisii 2015. “Waan garanayaa waxa ay la micno tahay inaad sabool noqoto. Waxaan u halgami doonaan inaan wanaajiyo xaaladda dadka,” ayuu intaas ku daray. Markii uu iskuulka dhammeeyay wuxuu muddo sanad ah noqday bare sare oo dhiga maaddada kimistariga iyo xisaabaadka kahor inta uusan sii wadan waxbarashada. Wuxuu kaddib sanado yar ka shaqeeyay warshad kahor inta uusan iska casilin shaqadaas sanadkii 1995 isagoo kaddib u tartamay xildhibaannimada deegaankiisa Chato. Magufuli ayaa caan ka ah Tanzania iyadoo ay jiraan dadka mucaaradsan Kaddib markii uu ku guuleystay kursigaas, waxaa muddo kaddib loo magcaabay wasiir ku xigeenka shaqooyinka dadweynaha. Wasiirka sare ee waaxdaas, Mama Anna Abdallah, ayaa sheegtay in hannaankiisa diidmada waxyaabaha micno darrada ah, ee diiradda saaraya wax qabad iyo natiijooyin, uu durba caddaaday. Sanadkiisii ugu horreeyay wuxuu ku guuleystay dhismaha waddo muddo ay qaadatay dhismaheeda. Sanadkii 2015, Magufuli wuxuu doonayay inuu u tartamo madaxtinnimo. Waxaa la sheegay in loo soo magacaabay musharraxa xisbiga Chama Cha Mapinduzi (CCM) – oo talada haya muddo 54 sano ah. Doorashooyinku waxay ahaayeen kuwii ugu adkaa ee taariikhda dalkaas soo mara, balse Magufuli wuxuu ku guuleystay 58% codadka. Markii labaad wuxuu ku guuleystay 84% codadka, balse xisbiyada mucaaradka ee ugu waaweyn ayaa ka biya diiday natiijada. Waxaa meesha ka baxay baaqyadii ahaa in hoggaamiyeyaasha gobolka ay ku daydaan hannaanka hoggaamineed ee Magufuli maaddaama ay cambaareyn uga timid siyaasiyiinta mucaaradka ah, bulshada rayidka iyo dalalka Galbeedka, oo sheegay inuu cadaadinayo mucaaradka, meel uga hdacayo xorriyadda hadalka isla markaana shirkadaha shisheeye u qabsanaya madax furasho. Qaran News
-
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida John Magufuli
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida madaxweynihii waddanka Tanzania, John Pombe Magufuli oo xalay ku geeriyooday magaalada Dar es Salaam. Madaxweyne Farmaaj,o ayaa dhammaan shacabka iyo dowladda dalka Tanzania uga tacsiyeeyay geerida Mr Magufuli, oo sida la xaqiijiyay u dhintay xanuun dhanka wadnaha ah. “Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiranyo leh u diray shacabka iyo dowladda dalka Tansaaniya geerida ku timid Madaxweynihii dalkaas Mudane John Pombe Magufuli.” Mudane Farmaaj,o ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay madaxweyne ku xigeenka Tanzania, Suluhu Samia iyo marwada madaxweynihii geeriyooday ee dalka haweeneyda lagu magacaabo Janet Magufuli. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida John Magufuli appeared first on Puntland Post. -
Dar es Salam (Caasimada Online) – Madaxweynihii dalka Tanzania John Magufuli ayaa Arbacadii u dhintay wadno xanuun kadib shan sano oo uu xukunka hayey, waxaa sidaas sheegtay madaxweyne ku-xigeenka Tanzania. Magufuli ayaan muddo saddex toddobaad ah la hayn war iyo wacaalkiisa, taasi oo abuurtay xan ku saabsan inuu xanuusanaa, ayada oo mucaaradka Tanzania ay sheegeen inuu ku dhacay cudurka Coronavirus. “Waxaan aniga oo si aad u qoto dheer uga xun idinka wargelinayaa in maanta 17-ka March, saacadda 6:00pm aanu weynay hoggaamiyaheenii geesiga ahaa, madaxweynaha Jamhuuriyadda Tanzania John Pombe Magufuli,” ayey tiri madaxweyne ku xigeenka Tanzania Samia Suluhu Hassan. Waxa ay intaas ku dartay in Magufuli uu “wadno xanuun” uu muddo qabay ugu dhintay isbitaal ku yaalla Dar es Salaam. Waxa ay sheegtay in markii ugu horreysay si kooban loo dhigay isbitalka Jakaya Kikwete Cardiac Institute, 6-dii March, balse kadib laga saaray. Hase yeeshee Magufuli uu 14-kii March mar kale dareemay xanuun oo loola cararay isbitaalka Emilio Mzena Memorial Hospital ee Dar es Salaam. Magufuli ayaa markii ugu dambeysay si shaacsan loo arkay 27-kii Febraayo, waxaana uu saddex Axad oo isku xigta uusan ka qeyb-galin Kaniisadda oo uu tegi jiray Axad kasta kana jeedin jiray khudbado xiiso leh. Hoggaamiyaha mucaaradka Tundu Lissu oo soo xiganaya ilo-wareedyo ayaa sheegay in Magufuli uu qaaday Coronavirus, islamarkaana lagu soo daweynayey dalka dibaddiisa. Magufuli ayaa la doortay 2015-kii, wuxuuna ku caan baxay inuu ahaa hoggaamiye la dagaalama musuq-maasuqa taasi oo shacabka jecleysiisay, hase yeeshee wuxuu kadib ku dhacay kali-talisnimo isaga oo billaabay inuu caburiyo warbaahinta, mucaaradka iyo bulshada rayidka ah. Wuxuu inkiray jiritaanka Coronavirus markii uu soo shaac baxay, hase yeeshee wuxuu kadib soo jeediyey in duco lagu wajaho cudurkan intii la xiran lahaa af-xirka. Waxa uu sidoo kale ku jees-jeesay cudurka, isaga oo sheegay in tijaabo uu ka qaaday xoolo, babaay iyo khudaar kale ay soo saareeen natiijo ah in cudurka uu ku jiro, isaga oo ula jeeda inuusan jirin cudurkan. Hase yeeshee markii bishii Febraayo la sheegay in madaxweyne goboleedkii Zanzibar uu u dhintay cudurka, ayuu Magufuli qiray in cudurka uu jiro. Sida uu qoray dastuurka Tanzania, Samia Suluhu Hassan ayaa noqon doonta haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota dalka, waxayna xisbiga talada haya ee CCM kala tashan doontaa inay soo magacowdo madaxweyne ku-xigeen.
-
Madaxweynihii waddanka Tanzania John Magufuli ayaa xalay geeriyooday, sida ay xaqiijisay Samia Suluhu Hassan oo ah madaxweyne ku xigeenka dalkaas. Waxay sheegtay Samia Suluhu in madaxweyne Magufuli uu k u geeriyooday Isbitaal ku yaal Dar es Salaam oo uu ku jiray ilaa 6-dii bishan March. Sadexdii todobaad ee la soo dhaafay Magufuli muuqaalkiisa lama arag, iyadoo ay jirtay hadal heynta ah inuu geeriyooday. Wuxuu Magufuli ahaa 61-jir, sababta geeridiisana si cad looma sheegin. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii Tanzania John Magufuli oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay geeridii ku timid Madaxweynihii wadanka Tanzania John Magufuli oo u dhintay wadno xanuun. Madaxweyne Farmaajio ayaa tacsi u diray shacabka iyo dowladda Tanzania, isaga oo si gaar ah ugu tacsiyeeyey madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Marwo Suluhu Samia iyo Marwadii uu ka geeriyooday Madaxweynuhu, Janet Magufuli “Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Dawladda iyo qaranka Soomaaliyeed, waxaan jeclahay inaan tacsi tiiraanyo leh u diro Jamhuuriyadda Midoobey ee Tanzania geeridii ku timid Madaxweyne John Magufuli,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Geerida madaxweynaha Tanzania ayaa timid, kadib markii saddex toddobaad aan la’arak, taas oo abuurtay xan ku saabsan inuu xanuusanaa, wuxuuna ku dhintay is-bitaal ku yaal magaalada Daarusalaam ee caasimada dalkaasi, sida ay shaacisay dowladda. Magufuli ayaa la doortay 2015-kii, wuxuuna ku caan baxay inuu ahaa hoggaamiye la dagaalama musuq-maasuqa taasi oo shacabka jecleysiisay, hase yeeshee wuxuu kadib ku dhacay kali-talisnimo isaga oo billaabay inuu caburiyo warbaahinta, mucaaradka iyo bulshada rayidka ah. Halkan hoose ka aqriso:- Taariikhda John Magufuli Wuxuu ku dhashay Chato, waqooyi-galbeed Tanzania, sanadkii 1959 Wuxuu kimistariga iyo xisaabaadka ka bartay Jaamacadda Dar es Salaam Wuxuu soo noqday macallin dhiga kimistariga iyo xisaabta Markii ugu horreysay waxaa xildhibaannimo loo doortay sanadkii 1995 Wuxuu golaha wasiirrada ka mid noqday sanadkii 2000 Waxaa markii ugu horreysay madaxweyne loo doortay sanadkii 2015 Mar kale ayuu madaxweyne noqday sanadkii 2020
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaallo xeebeedka Kismaayo ku dhintay Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish oo ka tirsanaa baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland, kaas oo la xanuunsanaa Covid-19. Xildhibaanka oo uu maalmo ka hor soo ritay cudurka Coronavirus ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose. Madaxweynaha maamulka Jubbaland, MudaneAxmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sidoo kale war kasoo saaray geerida xildhibaanka, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed. Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in marxuumka uu door-weyn kasoo qaatay dhismaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. “Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish wuxuu ahaa shaqsi Alle ka cabsi leh oo mar walba u taagnaa sidii loo xoojin nidaamkeena Dowladnimo isagoo labo mar oo hada ay u danbaysay ahaa Xildhibaan intii uu shaqadan hayayna ku suntanaa xilkasnimo” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam |(Axmed Madoobe) Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa ugu dambeyn Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaana uu ka siiyo qoyskiisa & qaraabadiisa. Cudurka saf-marka ah ee Coronavirus oo mar labaad kusoo laba-kacleeyey gudaha Soomaaliya ayaa haatan fara kulul ku haya guud ahaan dadka Soomaaliyeed, waxaana marba marka ka dambeysa sii kordhaya dadka uu soo ridanayo iyo kuwa dhimanaya.
-
Tanzania's President John Magufuli has died aged 61, the country's vice-president has announced. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay qaar ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya waxa uuna kala hadlay muranka la xariira doorashada Soomaaliya. Qoor Qoor oo shalay uun dalka ugu soo laabtay ayaa Midowga Musharaxiinta u sheegay halka ay mareyso siyaasadda Soomaaliya iyo culeesyada kale ee dalka ka jira, gaar ahaan dhibaatooyinka ku geedaaman shirka muhiimka ah ee looga hadlayo doorashada Soomaaliya. Ilo wareedyo muhiim ah oo kulankaan goob joog ka ahaa ayaa Caasimada Online u sheegay in Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay Madaxweyne Qoor-Qoor u gudbiyeen eedeymo culus oo ku saabsan in go’aankiisa siyaasadeed uu gacanta u geliyay Villa Somalia iyo inuusan marna dhex dhexaad ka aheyn muranka doorashada Soomaaliya. Madaxweynaha Galmudug ayaa iska difaacay eedeymaha loo jeediyay isagoo u sheegay in mucaaradka ay la safteen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, halka ay mucaaradkana sheegen in aysan la safan balse ay u arkaan labada Madaxweyne ee kali ah ee doonaya qabashada doorasho heshiis lagu yahay. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo kulanka goob joog ahaa Caasimada Online u sheegay in kalsooni darro weyn ay soo kala dhax-gashay Madaxweynaha Galmudug iyo Mucaaradka kadib doodo hareeyay kulankii ay yeesheen. Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu tiriyaa shaqsiyaadka ugu dhow ee Madaxweyne Farmaajo waxa uuna maalmihii la soo dhaafay ku maqnaa dalka Turkiga taas oo loo arkay in ay ka dambeysay Villa Somalia.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Bar___Qubanaha-1732021.mp3 View the full article
-
The Attorney General, Dr. Suleiman Mohamed Mohamud provided further details on the progress of the Somalia-Kenya maritime case, which is currently being heard by the ICJ. Dr. Suleiman announced that the first round of maritime hearings has closed, and Somali lawyers have presented their arguments. He added that their chances of success, in this case, are very high, and pointed out that the people and the government are united in the case of the sea. “I am here to tell the Somali people that the government and the people of Somalia are united in defending the sovereignty and territorial integrity of Somalia, and I hope that the outcome will be one that will please all Somalis,” he said. However, the Kenyan government was absent from the court hearing, which had previously demanded a postponement of the hearing but was rejected by the International Court of Justice (ICJ). View the full article
-
Prime Minister and Minister of Interior H E Sheikh Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani yesterday met a number of Their Excellencies interior ministers and senior officials of countries participating in 13th edition of international exhibition for homeland security and civil defence (Milipol Qatar 2021). His Excellency met Minister of the Interior of Ukraine, H E Arsen Avakov; Minister of Interior of the Republic of Kenya, H E Fred Matiang’i; Minister of the Interior of the Republic of Belarus, H E Major General Ivan Vladimirovich Kubrakov; Minister of Interior of the Republic of Moldova, H E Pavel Fico; Minister of Internal Security of the Republic of the Federal Republic of Somalia, H E Hassan Handabi Jamaali; Minister of Security in Bosnia and Herzegovina, H E Dr Selmo Cikotic; and Director of General Directorate of Security of the Republic of Turkey, H E Mehmet Aktas. The meetings reviewed cooperation and relations between the State of Qatar and their countries and aspects of developing them, especially in the security fields, in addition to reviewing a number of issues of common concern. View the full article
-
The UK has added the GCC countries of Oman and Qatar to its travel red list, Britain’s Department of Transport said on Monday. Besides the two GCC countries, Ethiopia and Somalia were also added to the list. From 4am on Friday, March 19, 2021, visitors who have departed from or transited through these countries in the previous 10 days will be refused entry into England. Only British and Irish citizens, or those with UK residence rights (including long-term visa holders), will be allowed to enter and must stay in a government-approved facility for 10 days. During their stay, they will be required to take a coronavirus test on day 2 and day 8. A ban on commercial and private planes travelling from Oman, Ethiopia and Qatar will also come into force on Friday, March 19, to reduce the risk of importing variants of concern. This excludes cargo and freight without passengers. These travel bans have been implemented is to protect the country against new variants of the Covid-19 virus. Effective 1pm on January 29, and excluding third-country nationals who have residence rights, the UK also banned all non-British or Irish passengers who departed from or transited through the UAE, Burundi and Rwanda in the preceding 10 days. View the full article
-
Mombasa and Lamu residents will lose their fishing rights if the International Court of Justice (ICJ) agrees with Somalia’s argument on the maritime boundary case against Kenya. Documents and maps filed by Kenya before the ICJ as new evidence show that the equidistant line suggested by Somalia digs into Kenya’s territory. The documents highlight that fishing is a main source of income for most coastal communities, contributing 80 per cent of their household income. According to Kenya, the line suggested by Somalia locks in Kenya’s waters, including the continental shelf, which would limit shipping activities. At the same time, the Coast would also not have recreational fishing, affecting tourism, a vital sector not only for the region but the country at large. According to the documents, the main gamefish species include marlin, sailfish, swordfish, tuna, kingfish, wahoo, and giant trevally, among others. Evidence of about 18 species of sharks tagged by recreational anglers between 1987 and 2016. “Game fishing methods and techniques vary according to the time of the day, area fished, the species targeted, angler preferences, and the resources available such as the size of the boat. Some of the methods practiced include trolling, bottom fishing and casting. The Kenyan marine recreational fishery consists of both sport fishing and charter boats,” the documents read. Kenya also argues that it will be drastic for the court to rule in favour of Somalia, saying it will deny Lamu residents their livelihoods, as fishing is the basic source of livelihood for at least 75 per cent of the residents. “If the disputed waters were awarded to Somalia, the restricted access to historic fishing grounds and increased insecurity would be the final nail in the coffin for commercial fishing, with many large boats likely to depart fearing hijackings for ransom as the current case across the border,” reads the document. “During one site visit, a commercial fishing boat with 8 Moroccans was taken by a militia controlling parts of Somalia, with one sailor and the boat released after a one-week ordeal and a ransom of 1.2 million shillings while the rest of the crewmen remained in Somalia.” Kenya argues that Somalia deliberately left out critical sections of their Memorandum of Understanding in order to approach the court. It argues Mogadishu has deceived the court that it never agreed to the idea of negotiating maritime boundary out of court and had recognised Kenya’s proposal for delimiting the boundary alongside the parallel of latitude. Somalia argues that talks with Kenya had collapsed and therefore there was nothing to discuss. However, Kenya asserts that negotiations were ongoing and it had even approached Africa Union (AU) to mediate the issue but Somalia proceeded to the ICJ. Kenya has also documented Somalia’s activities along the contested area. Documents show a Somali minister made a presentation at an oil auction in London in which the Horn of Africa nation auctioned contested four oil blocks in United Kingdom, with the agreement due to be implemented in January 2020. Somalia had disputed that the auction of oil blocks 230, 231, 232 and 233 ever took place, but its 21 paged document details the presentation by petroleum and mineral resources minister Abdirashid Mohamed Ahmed in London at Claridges Hotel where Somalia put up the four oil blocks in the Indian Ocean for sale. Although Somalia and Kenya had for decades had a mutual agreement on the borderline, Somalia authorities lodged the dispute at the ICJ just a year after Soma Oil Limited, which was chaired by former British Conservative Party Leader Michael Howard, inked its deal with Somalia on August 13, 2013. Somalia’s current Prime Minister Hassan Ali Khaire is former Soma Oil executive director. Somalia took a turnaround on its 35-year agreement with Kenya to file a claim before The Hague-based court. In 1982, Somalia, through lawyer Justice Abdulqawi Ahmed Yusuf, who is current president of ICJ, supported Kenya’s equitable sharing idea. This presentation was made in a UN conference on the law of the sea. Justice Ahmed, a Somali national, now presides over the court in which his motherland is seeking to extend its claim into the sea. “Such delimitation should be effected in accordance with equitable principles,” he said in a conference held in Montego Bay, Jamaica, on December 10, 1982. “Somalia is not offering, nor does it have any plans to offer any blocks in the disputed maritime area until the parties’ maritime boundary is decided by the ICJ,” Somalia replied to Kenya’s protest that it had sold the blocks. The dispute between Kenya and Somalia dates back to independence. The Horn of Africa had claimed parts of formerly the Northern Frontier districts of Kenya (North Eastern Province). The regions that Somalia claims belong to it include Northern Kenya, Ogaden in Ethiopia, Djibouti and Somaliland as well as it present territory. The disputes after independence on land territory were resolved through amicable agreements mediated by Congo and Zambia under the Organisation of African Unity (OAU). It was after these mediations that Somalia opened its boundaries and Kenya established diplomatic relations with it. While signing the Memorandum of Understanding on April 7, 2009 in Nairobi, Kenya was represented by then Minister for Foreign Affairs, Moses Wetang’ula, and Somalia’s Minister for National Planning and International Co-operation Abdirahman Warsame. For the last 35 years, the two countries respected a maritime boundary running eastward as contained in the 1979 Presidential Proclamation until 2014 when Somalia took Kenya to court. Prior to the matter being submitted to the ICJ, both countries were on the verge of delimiting their maritime boundaries with a view of undertaking explorations within the waters to harness the resources available. The two states had agreed they would make separate submissions to the Commission on the Limits of Continental Shelf (CLCLS). During negotiations on the development of the Law of the Sea in 1974, Africa as a united region sent its delegation to the UN for negotiations. The team was led by two Kenyans, Prof Frank Njenga, who was then Foreign Affairs PS, and a Mr Adede. At the meeting, countries were allowed to proclaim their sea boundary using either an equitable sharing formula or the equidistance sharing formula that uses geographical points of a nation’s territory. Kenya and Somalia advocated for the use of the equitable sharing formula that allows coastal states equal access to the water resources. While Kenya recognises international courts for settlement of disputes, it believes that just like in the past, the two parties have not exhausted all the dispute settlement mechanisms in place, including using regional bodies such as the AU. Kenya remains skeptical that the resolutions arrived at will be in the best interest of Kenya. At independence, all African countries except Somalia and Morocco agreed to retain their colonial boundaries as had been demarcated. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, sida doorashooyinka iyo khilaafka weli ka taagan, isku dhacyadii dhawaan ka dhashay banaanbaxyadii dhicisoobay ee ka dhacay Muqdisho iyo hadafka guud ee Qaramada Midoobey ee ku aaddan hayaanka dowladnimada Soomaaliya. Qeybtaan waxaan ku soo qaadeyneynaa intii uu James Swan ka yiri doorashooyinka Soomaaliya oo weli is mari waa xooggan uu ka taagan yahay. James Swan oo wareysigaan siiyey VOA Somali ayaa ugu horeyn sheegey in kulanka la filayo inay Muqdisho ku yeeshaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu yahay mid muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya iyo heshiis laga gaaro muranka hanaanka doorashooyinka dalka. “Inkastoo aan ka niyad jabay doorashada Soomaaliya in aysan ku dhici doonin nidaamkii dastuurku dhigayey ee qof iyo cod, oo laga gaari waayey, hadana muhiim ayey aheyd in heshiis laga gaaro doorashada, sababtoo ah hadda waxaa la joogaa waqtigii shaqa hufan la qaban lahaa, waxaa la joogaa waqtigii la gaari lahaa heshiis kama dambeys ah, si horay loogu dhaqaaqo fulinta hanaankii lagu heshiiyey,” ayuu yiri James Swan. Mar wax laga weydiiyey raja xumada dadka Soomaaliyeed ay ka muujinayaan qabsoomida shir kale oo ay isugu yimaadaan madaxda Soomaalida waxuu ku jawaabay. “Hoggaamiyeyaasha iyo siyaasiyiinta Soomaalidu waxay u leeyihiin dhaqan soo jireen ah oo ah inay isku yimaadaan oo ay ka wadahadlaan oo ay gaaraan go’aano wadajir ah, waxaan baaqi ku sii ahaan doonaa kalsoonida aan ku qabno in madaxda Soomaalidu wadahadlaan, oo wax ku heshiiyaan, kuna dhaqaaqaan fulinta heshiiskaas,” ayuu yiri James Swan. Dhankooda waxa uu balan qaaday inay sii wadi doonaan xiriirrada ay la leeyihiin mas’uuliyiin muhiimka u ah hanaanka doorashooyinka Soomaaliya, kuwaas oo uu ka xusay Madaxweye Farmaajo, R/Wasaare Rooble, hoggaamiyaasha maamul goboleedyada, madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed. “Waxaan xusayaa inay dooneyno inaan Soomaalida siino taageero dhanka dhaqaalaha ah, taas waxaa naga codsaday xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana ku raacay xafiiska madaxweynaha, waxaan diyaarineynaa Teendho ama Hool ku yaalla garoonka diyaaradaha, waxaana binix doonaa dhaqaalaha gobollada dalka looga keenayo Ergooyinka doorashada, sidoo kale AMISOM waxaan kala shaqeyneynaa sugidda ammaanka, marka waxaan rajeynayaa in wadahadaladani ay sii socdaan, iyaga oo ka dhacaya meel ammaan ah, sida ay isku raaceen madaxda Soomaalida,” ayuu yiri Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya. Waxaan sidaan oo kale i idiinla wadaagi doonaa qeybaha kale ee wareysigan oo James Swan uu uga hadlay arrimo badan oo Soomaaliya ku saabsan. Hoos ka dhageyso wareysiga qeybtiisaan. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/03/cod-1.mp3
-
Agaasimaha Caafimaadka Gobalka Banaadir, Maxamed Caddoow iyo Howlwadeennada Caafimaadka ayaa ku howlan waqtiyada Jadwalkan iyo sidii loo wada gaarsiin lahaa Dadka Caasimadda ku nool kuwooda Nugul iyo shaqaalaha safka hore kaga jira la dagaallanka cudurka COVID-19. Hadaba hoos ka akhriso jadwalka tallaalka ee degmooyinka Gobolka Banaadir. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilsay Musharrax Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ay ka wada hadleen sidii doorasho nabdoon oo daah furan dalka uga dhici lahayd. Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa Ra’iisul Wasaaraha dalka uga mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeya, isagoo faahfaahiyay arrimihii ay isla soo qaadeen. “Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaan ka wada hadalnay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah, doorasho loo wada dhanyahay, in laga wada shaqeeyo dhamaan dadka ay quseyso saamileyda guud, in doorashada ay noqoto mid lagu kalsoonyahay, Soomaalida oo dhan meelkasta oo ay joogaan ay qeyb ka yihiin, waxaan aad iyo aad uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta iyo qaabilaaddii maanta.” Ayuu yiri Jibriil Ibraahim Cabdulle. View the full article