Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, qaar ka mid ah xubnaha guddiga farsamada ee Wadatashiga Doorashooyinka ee heer Wasiir ee heshiiska kusoo gaaray Baydhaba ayaa maanta uu shir uga furmay Hotelka Decale ee Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Waxaa shirka ka qeyb galaya xubno ka kala socda maamul goboleedyada dowladda taabacsan ee HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir, waxaase ka maqan Galmudug, Jubaland iyo Puntland. Hase yeeshe xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta qaar u sheegay in Puntland ay qeyb-ka tahay. Si kastaba, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo ka mid ahaa xubnihii Puntland ku matalayey guddigii farsamada heshiiskii Baydhaba, ayaa beeniyay in Puntland ay qeyb ka tahay shirkaas wasiirka Dhabancad ayaa sheegay in warka dowladda aysan waxba ka jirin, islamarkaana uusan jirin shir ka furmay Muqdisho. “Ma jiro wax shir wadatashi arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ah oo wali ka furmay Mogadisho,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Puntland. Hore ayaa waxay guddigan shir ugu yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed, balse kulankan ayaa ah mid ay ku kala qeybsameen guddiga. Shirkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo caasimada dalka ay ku sugan yihiin inta badan madaxda maamul goboleedyada dalka, lana filayo in ayaga iyo madaxda dowladda uu shir uga furmo xarunta Xalane.
  2. (SLT-Tanzania)-Madaxweyne ku xigeenka dalka Tanzania gabadha lagu magacaabo Saamiya Xasan ayaa si rasmi ah loogu dhaarin doonaa xilka madaxweynaha dalkaasi kadib markii uu geeriyooday John Magufuli oo dalkaasi hoggaaminayay. Sida uu qabo dastuurka dalkaasi madaxweyne ku xigeenka ayaa xilka madaxweynaha la wareegaya haddii ay madaxweynaha ku timaado geeri ama xannuun uu shaqada la qaban kari waayo. Saamiya Xasan waxay xilkaan heyn doontaa ilaa 2025 oo uu ah waqtiga uu dhammaaneyso mudada xilka madaxweynihii geeriyooday. Waxa ay noqoneysaa madaxweynihii lixaad ee Tanzania iyo madaxweynihii ugu horeeyay oo dumar ah ee soo mara dalkaasi. Source
  3. Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan ayaa shaaca ka qaadey In qabanqaabada Shirka looga hadlayo Arimaha Doorashada ay uu isagu gacanta ku hayo isagoo dhanka Amaanka la kaashanaya Ciidamada Midowga Afrika ee Muqdisho jooga. James Swan isagoo ka hadlaya Qaban qaabada Shirka ay isugu imaanayaan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Madaxweynaha Xilku ka dhamaadey Ee Dowlada Federaalka Maxamed Cabdullaahi ayuu sheegay in Dhaqaalaha ku baxaya Shirka ay Beesha Caalamku Diyaariyeen Amaankana ay sugayaan Ciidamada Amisom. Wuxuu kaloo sheegay inay uu aad ugu rajo weyn yahay in guul uu ku dhamaado Kulanku. Shirka oo qabsoomi lahaa Todobaadkii hore ayaa waxaa furitaankiisa hor taagnaa Dowlada Federaalka oo doonaysay in Shirka lagu qabto Villa Soomaaliya laakiin waxaa taas diidan Jubbaland iyo Puntland Amaanka awgeed. Puntlandi.com Muqdisho James Christopher Swan United Nations Secretary-General’s Special Representative for Somalia The post James Swan “ Shirku wuxuu ka dhacayaa Afisyooni, Amaankiisans Amisom ayaa qaabilsan appeared first on . Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Jabril Ibrahim Cabdulle oo kamid ah Murashaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjiraha Dalka Talyaaniga u jooga Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi. Kulankaan ayaa waxa diirada lagu saaray nidaamka doorashooyinka, iyada oo labada mas’uul ka wada-hadleen sidii la isugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada isku haya doorashooyinka oo xaalad cakiran ka abuuray dalka. Jabril oo soo dhigay qoraal kooban bartiisa baraha bulshada ayaa waxa uu uga hadlay kulankaan, wuxuuna yiri “Waxaan maanta kulan muhiim ah wada yeelanay Danjiraha Dowladda Taliyaaniga u fadhiya Muqdisho Alberto Vecchi”. Jabril ayaa sheegay in isaga Danjiraha aay ka wada-hadleen arrimo muhiim ah oo la xiriira Doorashooyinka iyo sida aay lagama maar-maanka u tahay qabsoomidda doorasho raali laga wada-yahay oo si xor iyo xalaal ah loo qabto. Sidoo kale waxa uu sheegay in Wakiilka uu ka codsaday in uu si toos ah uga qeyb qaato wada-hadalada dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaridka ee isku haya hogaanka dalka. “Danjire Vecchi ayaan ka codsaday in uu si toos uu qeyb weyn ka qaato is-fahamsiinta Dowladda Federalka ah, Dowladda Gobaleedyadda iyo siyaasiyiinta kala aragtida duwan ee daneynaya hogaanka dalka,” ayuu yiri. Ugu dambeyntiina Musharax Jabril Ibarahim Cabdulle ayaa uga mahad-celiyay Wakiilka kaalinta Dowladda Talyaaniga ay qaadaneyso xoojinta dowladnimada Soomaaliya.
  5. (SLT-Hargeysa)-Macalin Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed Oo muddo 10 bilood ah ku xidhnaa xabsiga dhexe ee Hargeysa ayaa xoriyadiisi dib helay. Macalin Cabdiraxmaan oo u xidhnaa mulkiilaha dugsiga Nuuradiin,kadib markii khilaaf gacan qaadi dhexmaray macalinka iyo Mahad. Source
  6. Shirkii Baydhabo ee guddiga farsamada Sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda, waxaa maanta hotelka Decala ee garoonka Aadan cadde magaalada Muqdisho ka furmaya wajigii 2aad ee shirkii guddiga farsamada dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Shirkan ayaa la sheegay in uu hordhac u yahay shirka la filayo in ay dhawaan magaalada Muqdisho ku yeeshaan madaxda federaalka, dowlad goboleedyadda iyo gobalka Banaadir, kaas oo looga tashanayo arrimaha doorashooyinka ee khilaafku ka taagan yahay. Guddiga farsamada dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo ka kooban 14 xubnood ayaa bishii Febraayo wajigii 1aad ee shirkan ku yeeshay magaalada Baydhabo, kaas oo looga hadlay xubnaha guddiga doorashooyinka, xal u helidda guddiga doorashooyinka kuraasta Somaliland, xaaladda gobolka Gedo, qoondada haweenka iyo jadwalka qabsoomidda doorashada. Waxaana markii uu dhamaaday shrikaasi war ay soo saareen guddigu ku sheegeen in xal farsamo laga gaaray dhammaan qoddobadii khilaafku ka taagnaa, iyagoo intaas ku daray in qoddobadaas ay u gudbiyeen madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, si ay u meelmariyaan. Balse madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa qodobadaas saxiixin, iyadoo welina uu taagan yahay khilaaf adag. PUNTLAND POST The post Guddi farsamo oo shir looga hadlayo khilaafka doorashada uga furmayo Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa shacabka u furtay inay meel kasta oo ay joogaan ay saami ama SHARE ku darsan karaan shirkadda, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay shirkadda. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka. Warsaxaafadeed Shirkadda isgaarsiinta somtel Somalia oo soo agaasintay Xaflada sanadlaha ee saamileyda somtel iyadoo sidoo kale shikaddu daahfurtay saamiyo cusub sanadkan 2021. Munaasabadan oo lagu Qabtay Hotel Giyaajo ayaa waxaa ka soo qeybgalay Qeybaha kala gedisan ee bulshada Sida Ururada Dhaliinyada, Aqoonyahanada, Ururada Haweenka, Ganacsato iyo Shaqsiyaad Caan ah, Mas’uuliyiinta Ugu sareeysa shirkadda isgaarsiinta sotel & Dahabshil Group Intaba. Munaasabadaan oo ay bulshadu aad u daneeynayeen ayaa Waxaa laga dareemay hoolka ay munaasabada ka dhaceeysay & dad weynwhw kale ee baraha bulshada ee shirkadda su’aalaha ka soo weydiinayay Iyadoo Saamiyada laga daahfuray Suuqyada Somtel Somaliland & Somtel Puntland. Ugu horeyntii Waxaa munaasabada Hadal jeedin rasmi ah ka sameeyay madaxa waaxda ganacsiga somtel Mudane: C/laahi Cali Caamir Oo ku dheeraaday ahmiyada Saamileyda shirkaddu u leeyihiin “isagoo tilmaamay inay ka qeyb –qaataan suuq-geynta adeegyada shirkadda Waxa uu na ku dhiirageliyaya in fariinta shirkadda ay gaarsiiyaan.” Sidoo Kale Waxaa munaasabada ka hadlay Saamileyda shirkadda isgaarsiinta somtel Somalia oo Codkooda uu ku hadlayay Mudane C/raxmaan Cumar Wiresh Oo Tibaaxay Mudada Labada Sano aan ka mid nahay Saamileyda Somtel Waxa aan Helnay Faa’iido Dhaqaale Iyadoo shirkaddu La timid Istaraatiijyad gaar ah oo Lagu Kobcinaayo Daqliga Shirkadda Si loo Xaqiijiyo qanaacadaSaamileyda. Waxaan ugu baaqaaa Saamileyda Cusub inay Ku soo biiraanBahweynta Saamileyda ayna K amid Noqdaan Milkiilayaasha guud ee shirkadda somtel” Ugu Danbeyntii Waxaa munsaabada soo Xiray Maareeyaha guud ee shirkadda isgaarsiinta somtel “U jeedada aan Daah-fureyno Saamiyada Wejigii Labaad Waa in macaamiisha Somtel ay ka mid noqdaan milkiilayaasha guud ee shirkadda Iyadoo Sanadkii 2018 Wejigii koowaad aan u furnay Macaamiisheena Saamiyo dhan (1033) Saami Waxaan rajeeyneeynaa in Sedex Sano kadib Macaamiishena sharafta leh U furno Saamiyo ka badan ay Kuwii ay shirkaddu Hory ugu furtay bulshada soomaaliyeed” Waxaa xusid mudan in shirkadda Somtel sanadkii 2018 u daah-furtay bulshada soomaaliyeed Wejigii 1aad saamiyadii ugu badnaa abid Iyadoo bulshadu soomaaliyeed ay ka wada qeyb-qaateen Macaamiishii ay horay u seegtay fursada Saami Ku darsashada Somtel Wejigii Koowaad ayaa Maanta soo buux Dhaafiyay Xafiisyada Saamiyada somtel Muqdisho si ay uga Faa’ideystaan Fursadaan Taariikhiga ah oo ay Xiliyo badan sugayeen.
  8. Tanzania's main opposition leader Tundu Lissu said Thursday that President John Magufuli had died from the coronavirus, calling his death "poetic justice" after the strongman leader downplayed the severity of the virus. Source: Hiiraan Online
  9. (SLT- Hague)-Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaa maanta dhageysan doonta gunaanadka dacwadda badda ee u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya, kaddib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay Maxkamaddu dhageysatay dooddii ergadii mataleysay Soomaaliya. Raysal Wasaare Ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegtay in maanta Maxkamadda ay dhageysan doonto gunaanadka dacwadda badda, kaddib markii ay go’aankaas qaadatay maxkamadda, Kenya ayaa sababaha ay uga baaqatay dhageysiga dacwadda Badda ku sheegtay cudurka safmarka ee Covid-19, waxaana maxkamadda ay dhagaha ka fureysatay dalab Kenya ku dooneysay in la baajiyo dhageysiga dacwadda. Dacwadda u dhaxeysay Soomaaliya iyo Kenya oo soo jiitamayay illaa 10-kii sanno ee la soo dhaafay ayaa Maxkamadda la filayaa inay go’aan kama dambeys ah ka soo saarto, waxaana la filayaa in go’aankaas uu dhaco ugu yaraan 3 illaa lix bil kaddib. Source
  10. Abdullah Muhammad Al Naqbi presented his credentials as Director of the UAE Trade office in Somaliland to Muse Bihi Abdi, President of the Republic of Somaliland. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan shirka arrimaha doorashooyinka ee ka dhacaya magaalada Muqdisho. Swan ayaa shaaca ka qaaday in shirkan ay soo qaban-qaabisay beesha caalamka, islamarkaana ay bixineyso taageerada dhaqaalaha ah ee ku aadan fududeynta shirkaasi. Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday inay diyaarinayaan Teendhada Afisyooni oo ku taalla xerada Xalane, islamarkaana uu ka dhacayo shirka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ammaanka goobta uu yahay mid la’isku haleyn karo, islamarkaana ay sugayaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. “Waxaan xusayaa inaan dooneyno inaan Soomaalida siino taageero dhanka dhaqaalaha ah, taas waxaa naga codsaday xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana ku raacay xafiiska madaxweynaha, waxaan diyaarineynaa Teendho ama Hool ku yaalla garoonka diyaaradaha, waxaana bixin doonaa dhaqaalaha gobollada dalka looga keenayo ergooyinka maamul goboleedyada dalka, sidoo kale AMISOM waxaan kala shaqeyneynaa sugidda ammaanka, marka waxaan rajeynayaa in wada-hadalladani ay sii socdaan, iyaga oo ka dhacaya meel ammaan ah, sida ay isku raaceen madaxda Soomaalida,” ayuu yiri ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimahaSoomaaliya. Amb. Swan oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dadaallada socda ay muhiim u yihiin hannaanka doorashooyinka oo uu tilmaamay inay laf dhabar u yihiin madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, ra’iisul wasaaraha xilka sii haya, hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo muddooyinkii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho laga dareemayey dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska horjeeda, kuwaas oo looga arrinsanayo is mari-waaga weli ka taagan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxa ka socda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska horjeedo, iyada oo ay sidoo kale ku sugan yihiin madaxda maamullada Jubbaland, Puntland, Galmudug iyo HirShabelle. Wararka ayaa sheegaya in haatan ay billowdeen dadaallo lagu doonayo in la’isugu soo dhoweeyo madaxweynayaasha Puntland iyo Galmuudg, oo uu khilaaf soo kala dhex-galay, kadib khudbadii uu Siciid Deni bil ka hor ka jeediyey gudaha magaalada Garoowe. Dadaallada ayaa socda ayaa waxaa garwadeen ka ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, xildhibaano & siyaasiyiin kasoo kala jeedo Puntland iyo Galmudug. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in maanta kulan gaar ah ay yeelan doonaan Axmed Madoobe & Qoor Qoor, kaas oo horudhac u ah kulan ay isugu imaanayaan madaxweynayaasha maamulada Puntland & Galmudug, si loo dhameeyo khilaafkooda. Ilo ku dhow kulamadaasi ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in wada-hadallada la’isugu soo dhoweynayo labada dhinac ay marayaan meel wanaagsan, islamarkaana rajada ay tahay in xal waara laga gaaro mad-madowgaasi siyaasadeed. Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo magaalada Muqdisho haatan laga dareemayo u diyaar garow ku aadan shirka wada-tashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ee looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.
  13. Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummada Jubaland, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish oo ku geeriyooday Magaalada Kismaayo isagoo maalmahii lasoo dhaafay uu soo ritay xanuunka #Covid19. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Cabdi Xasan Xiish uu kaalin muhiim ah ku lahaa Dowladnimada Jubaland isagoo ka soo shaqeeyay heerar kala duwan sidoo kalana mar walba u taagnaa Midnimada Bulshada. “Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish wuxuu ahaa shaqsi Alle ka cabsi leh oo mar walba u taagnaa sidii loo xoojin nidaamkeena Dowladnimo isagoo labo mar oo hada ay u danbaysay ahaa Xildhibaan intii uu shaqadan hayayna ku suntanaa xilkasnimo” ayuu yiri Madaxweynahu. Axmed Madoobe ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska iyo guud ahaan reer Jubaland. View the full article
  14. Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa Keydka ay u soo direyso gudaha Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan howl-galka AMISO. Ciidamadan oo gaaraya illaa 2,752 oo askari ayaa haatan ku sugan xarunta tababarada taageerada Nabadda ee Singo, si loogu tababaro halkaasi. Uganda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamadaasi ay Soomaaliya soo gaarayaan inta u dhaxeysa bisha October ee sanadkan, illaa bartamaha sanadka kale ee 2022-ka. Sidoo kale ciidamada ay soo direyso dowladda Uganda ayaa waxa ay bedali doonaan kuwa kale oo ku sugan Soomaaliya oo dhameystay muddo xileedkooda. Wadanka Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee ay ka socdaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee haatan howl-gallada ka wada gudaha Soomaaliya, waxaana ay garab siiyaan ciidamada Xoogga dalka ee haatan dagaalka adag kula jiro kooxda Al-Shabaab. View the full article
  15. Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa Keydka ay u soo direyso gudaha Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan howl-galka Midowga Afrika AMISOM ee lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab. Ciidamadan oo gaaraya illaa 2,752 oo askari ayaa haatan ku sugan xarunta tababarada taageerada Nabadda ee Singo, si loogu tababaro halkaasi. Uganda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamadaasi ay Soomaaliya soo gaarayaan inta u dhaxeysa bisha October ee sanadkan, illaa bartamaha sanadka kale ee 2022-ka. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay dowladda Uganda in ciidamada ay soo direyso ay bedali doonaan kuwa kale oo ku sugan Soomaaliya oo dhameystay joogitaankooda. Wadanka Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee ay ka socdaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee haatan howl-gallada ka wada gudaha Soomaaliya, waxaana ay garab siiyaan ciidamada Xoogga dalka ee haatan dagaalka adag kula jiro kooxda Al-Shabaab. Si kastaba howl-galka AMISOM ayaa soo billowday sanadkii 2007-dii waxaana tan iyo markaasi ciidanka Midowga Afrika ay howl-gallo ka wadaan gudaha Soomaaliya.
  16. Somali businesses have played and continue to play a major role in the country’s recovery. The Somali private sector is one of the few beacons that still shine despite a devastating civil war which scarred an entire nation and its population. Source: Hiiraan Online
  17. Qalab ballaaran oo loogu tala-galay dhismaha wejiga saddexaad ee dekedda, ayaa saaka oo Khamiis ah gaaray magaalada Garacad ee Gobolka Mudug. Qalabkan cusub ayaa ka kooban gaadiidka waaweyn ee dhagxaanta qaada, Cagafyada dhagxaanta jebiya, Haamaha waawen ee shimitada lagu qaso iyo daawooyinka shubka lagu qallajiyo. Guddiga gacanta ku haya dhismaha dekedda, ayaa sheegay in uu heer geba-gabo ah marayo dhismaha, islamarkaana si dhakhso ah loo dhammaystiri doono wejiga saddexaad. Dhismaha dekedda Garacad oo ku socda qaab isku-tashi bulsho ah, waxaa maal-gelinaya Ganacsatada Reer Puntland, gaar ahaanna Gobolka Mudug, oo kaashanaya shacabka iyo dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Qalab ballaaran oo la gaarsiiyay dekedda Garacad appeared first on Puntland Post.
  18. Madaxweynihii dalka Tanzania John Magufuli ayaa Arbacadii u dhintay wadno xanuun kadib shan sano oo uu xukunka hayey, waxaa sidaas sheegtay madaxweyne ku-xigeenka Tanzania. Magufuli ayaan muddo saddex toddobaad ah la hayn war iyo wacaalkiisa, taasi oo abuurtay xan ku saabsan inuu xanuusanaa, ayada oo mucaaradka Tanzania ay sheegeen inuu ku dhacay cudurka Coronavirus. “Waxaan aniga oo si aad u qoto dheer uga xun idinka wargelinayaa in maanta 17-ka March, saacadda 6:00pm aanu weynay hoggaamiyaheenii geesiga ahaa, madaxweynaha Jamhuuriyadda Tanzania John Pombe Magufuli,” ayey tidhi madaxweyne ku xigeenka Tanzania Samia Suluhu Hassan Waxa ay intaas ku dartay in Magufuli uu “wadno xanuun” uu muddo qabay ugu dhintay cisbitaal ku yaalla Dar es Salaam. Waxa ay sheegtay in markii ugu horreysay si kooban loo dhigay cisbitalka Jakaya Kikwete Cardiac Institute, 6-dii March, balse kadib laga saaray. Hase yeeshee Magufuli uu 14-kii March mar kale dareemay xanuun oo loola cararay cisbitaalka Emilio Mzena Memorial Hospital ee Dar es Salaam Magufuli ayaa markii ugu dambeysay si shaacsan loo arkay 27-kii Febraayo, waxaana uu saddex Axad oo isku xigta aanh ka qeyb-galin Kaniisadda oo uu tegi jiray Axad kasta kana jeedin jiray khudbado xiiso leh. Hoggaamiyaha mucaaradka Tundu Lissu oo soo xiganaya ilo-wareedyo ayaa sheegay in Magufuli uu qaaday Coronavirus, islamarkaana lagu soo daweynayey dalka dibaddiisa. Magufuli ayaa la doortay 2015-kii, wuxuuna ku caan baxay inuu ahaa hoggaamiye la dagaalama musuq-maasuqa taasi oo shacabka jecleysiisay, hase yeeshee wuxuu kadib ku dhacay kali-talisnimo isaga oo billaabay inuu cabudhiyo warbaahinta, mucaaradka iyo bulshada rayidka ah Wuxuu beeniyay jiritaanka Coronavirus markii uu soo shaac baxay, hase yeeshee wuxuu kadib soo jeediyey in duco lagu wajaho cudurkan intii la xiran lahaa af-xirka. Waxa uu sidoo kale ku jees-jeesay cudurka, isaga oo sheegay in tijaabo uu ka qaaday xoolo, babaay iyo khudaar kale ay soo saareeen natiijo ah in cudurka uu ku jiro, isaga oo ula jeeda inuusan jirin cudurkan. Source
  19. Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay geeridii ku timid madaxweynihii Tanzania John Magufuli. Qoraal uu soo madaxweyne Farmajao bartiisa witter-ka ayuu tacsi ugu diray dowladda iyo shacabka Tanzania, kadib geerida ku timid John Magufuli. “Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Dawladda iyo qaranka Soomaaliyeed, waxaan jeclahay inaan tacsi tiiraanyo leh u diro Jamhuuriyadda Midoobey ee Tanzania geeridii ku timid Madaxweyne John Magufuli,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Magufuli ayaa u dhintay wadno xanuun, wuxuuna ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Daarusalaam ee caasimadda dalkaasi. View the full article
  20. Durban - Feeling oppressed in their own countries due to wars, political infighting and poverty, foreign nationals travelled to South Africa for a chance at a better life. Before they arrived, they heard that the country would provide them with job opportunities, safety and equality. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) - Somalia will conclude its legal case to the ICJ on Thursday at the Peace Palace in The Hague, the international court confirmed in a statement. Source: Hiiraan Online
  22. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilsay Musharrax Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ay ka wada hadleen sidii doorasho nabdoon oo daah furan dalka uga dhici lahayd. Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa Ra’iisul Wasaaraha dalka uga mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeya, isagoo faahfaahiyay arrimihii ay isla soo qaadeen. “Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaan ka wada hadalnay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah, doorasho loo wada dhanyahay, in laga wada shaqeeyo dhamaan dadka ay quseyso saamileyda guud, in doorashada ay noqoto mid lagu kalsoonyahay, Soomaalida oo dhan meelkasta oo ay joogaan ay qeyb ka yihiin, waxaan aad iyo aad uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta iyo qaabilaaddii maanta.” Ayuu yiri Jibriil Ibraahim Cabdulle. View the full article
  23. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-1832021.mp3 View the full article
  24. In Somalia, late instar hopper bands are present in the northwest (Somaliland) and the northeast (Puntland) where a limited number of immature swarms continue to form. Other areas in the northeast are likely to contain locusts but cannot be accessed. Source: Hiiraan Online