Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qofku in uu suxuurto habeenkii axaadiistu way booriyeen, Rasuulku NNKH, wuxu sheegay in suxuurtu barako tahay. Axaadiista wanaagga ku tilmaamaysaa suxuurta waxa ka mid ah in Rasuulku leeyahay: wali dadku khayr ayey ku sugan yihiin intay dedejinayaan afurka, suxuurtana dib u dhigayaan. Wanaaggu maaha in cashada iyo suxuurta la israaciyo, muhiimadda laga leeyahay dib-u-dhigista suxuurtu waa in aan laga seexan salaadda subax iyo in naftu awood ka hesho suxuurta. Suxuurtu waxay leedahay wakhti habboon oo la suxuurto, kana sugan Rasuulka NNKH. Xadiiska Anas bin Maalik wuxu sheegayey in suxuurta iyo eedaanka salaadda subax ay u dhaxaysay inta lagu akhriyo konton aayadood. Wakhtiga la suxuuranayo iyo wakhtiga suxuurta la joojinayo waxa inoo sheegay Alle SWT. Suuradda Baqara wuxuu ku yidhi,” Cuna oo cabba intay kala caddaanayaan xadhiga cad iyo xadhiga madow.” Dunta cad waxaa looga jeedaa Iftiinka dharaartii, Dunta madawna waxaa looga jeeda mugdiga habeenkii. Xadiiska Bukhaari soosaaray Rasuulku NNKH, wuxuu ku yidhi, “Bilaal kolka uu eedaamo (daakiraadda) cuna oo cabba, marka uu eedaamo Ibnu Umi Maktuum joojiya cunista iyo cabbista.” Aayadda Quraanka ah iyo xadiiskan sugan waxay si cad u sheegayaan wakhtiga la suxuuranayo iyo wakhtiga la joojinayo. Waxaanay leeyihiin hala joojiyo suxuurta kolka salaadda subax la eedaamo. Waxa iswaydiin leh adiga oo cunto ama cabbis afka ku haya haddii la eedaamo mala sii wadayaa mise waa la joojinayaa? Su’aashan waxa keenay xadiiska Abu Hurayra wariyey ee leh: hadduu midkiin eedaan maqlo isaga oo cunto afka ku haya, yaanu cuntadaa joojin ilaa uu muraadkiisa ka dhamaysanayo-dhergayo. Ugu horrayn sugnaanta xadiiska su’aal baa la geliyaa oo culimada sugista axaadiista ku horraysa qaarkood ayaa daciif ku sheega xadiiska. Ibnu Xaatim xadiiska wuxuu ku duraya in Xamaad binu Salama ay iskaga khaldantay cidda u ka wariyey, sidaa darteed uu marba qolo sheegayo in uu ka wariyey, iyada oo la xuso intii dambe ee noloshiisa in uu ilow haleelay. Ibnu Qaddaan wuxuu la qabaa Ibnu Xaatim in aanu xadiisku sugnayn. Ibnu Xasmi isagu wuxuu leeyahay xadiisku waa mucalaq. Ishbiili, Suyuudi iyo Ibnu Taymiya xadiiska way sugayaan iyagu. Xadiiskani haddii u sugnaado, xujo u noqon maayo in la sii wado cunista iyo cabbista iyada oo eedaankii subax socdo ama la gaadhay. Culimada madaahiibtu waxay leeyihiin: eedaan uun baa la sheegay ee mid uu yahay labada lama sheegin, sidaa darteed xadiiska hore wuxuu caddaynayaa in xilliga cunista iyo cabbista la joojinayaa uu yahay eedaanka salaadda subax. Sheekh Albaani oo ka mid ah culimada casriga ee xadiiska sugay, isagu wuxu isku waafajiyey labada xadiis in midka hore uu caam yahay, kan Abu Hurayra isagu khaas yahay oo la raacayo, sidaa darteed qofka cunto gacanta ku hayaa aanu eedaan u joojinayn ee uu dhamaysanayo. Haddii la yidhaa labada xadiis hala is waafajiyo midda ugu habboon waa iswaafajinta ay sameeyeen culimada madaahiibtu ee ah in xadiiska hore sheegay wakhtiga joojinta suxuurta. Xadiiskuna haysto aayadda Quraanka ee xadaynaysa wakhtiga la joojinayo suxuurta oo ah eedaanka xadiisku sheegayo. Xarunta Fatwada Masar-Daaru Iftaa waxay fatwodeen in aanay banaanayn cunista iyo cabbista iyada oo eedaankii subax la gaadhay. W/Q Cabdirisaaq Rakuub Source
  2. (SLT-Washington)-Minka daanyeer oo lagu beeray unugyada bani’aamka ayaa lagu sameeyay sheybaadh, sida ay xaqiijisay daraasad la sameeyay. Baadhitaanka, oo ay sameeyeen koox Mareykanka iyo Shiinaha ka socota, ayaa dhalisay dood dhanka anshaxa ah. Saynisyahannada ayaa unugyada bani’aadamka – oo awood u leh inay noqdaan dhowr xiidmaha jidhka ah oo kala duwan – ku beeray minka. Koritaanka unugyadaas ee gudaha minka ayaa la daraaseynayay muddo 20 maalmood ah. Hore waxaa unugyada bani’aadamka loogu beeray minka idaha iyo doofaarka. Saynisyahannada waxaa horkacayay Prof Juan Carlos Izpisua Belmonte oo ka tirsan Machadka Salk oo ku yaalla Mareykanka. Daraasaddooda ayaa waddada u xaadhi karta wax ka qabashada gabaabsiga xubnaha dadka lagu beero iyadoo sidoo kalena ka qeyb qaadan karta in wax badan laga fahmo koboca hore ee bani’aadamka, qaadidda cudurka iyo gabowga, ayuu yidhi. Wuxuu sheegay in daraasadda, oo lagu daabacay joornaalka Cell, ay soo martay hannaanka anshaxa iyo sharciga. “Xaqiiqdii, waxaan daraasadahan u sameynay si loo fahmo loona horumariyo caafimaadka bani’aadamka,” ayuu yidhi. Caqabadaha anshaxa Saynisyahannada qaar, ayaa walaac ka muujiyay tijaabada, iyagoo ku dooday in iyadoo daraasaddan ay socotay 20 maalmood, ay saynisyahanno kale hore u sii wadi karaan. Waxay ku baaqayaan in dood laga yeesho waxa ka dhalan kara in qeyb ka mid ah bani’aadamka lagu beero min aanu bani’aadamku lahayn. Iyadoo ka fal celineysay daraasadda, ayay Dr Anna Smajdor, oo bare jaamacadeed iyo baadhe ka ah Jaamacadda East Anglia’s Norwich Medical School, sheegtay inay sababeyso “caqabado dhanka anshaxa iyo sharciga ah”. Waxay intaas ku dartay: “Saynisyahannada ka dambeeya baadhitaankan waxay sheegeen inuu abuurayo fursado cusub, sababtoo ah ‘ma awoodno inaan tijaabooyinka noocan oo kale ah ku sameyno bani’aadamka’. Balse haddii ay kuwa lagu beeray yihiin bani’aadam iyo haddii aanu ahaynba waa mid ay su’aal ka furan tahay.” Prof Julian Savulescu, oo agaasime ka ah Xarunta Oxford Uehiro ee Anshaxa kana tirsan Xarunta Anshaxa iyo Bani’aadannimada ee Wellcome, University of Oxford, ayaa sheegay in baadhitaanka dooda uu furayo. Xigasho: BBC Source
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) Warar dheeraad ah oo laga helayo kulan ay Xalay Muqdisho ku yeesheen Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan shiikh, Shiikh Shariif iyo Madaxweyneyaasha maamulada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor iyo kan Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuuseen ayaa sheegayo in laga gaaray is faham hordhac ah. Kulanka oo ka dhacay Guriga uu Muqdisho ka dagan yahay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa waxaa looga hadlay Arrimo dhowr ah oo ku saabsan Xaaladda Cakiran ee xilligan uu marayo Dalka iyo muddo kordhinta ay golaha shacabka u sameeyeen Hay’addaha dowladda Federaalka Soomaaliya. Sida ay ogaatay Shabakadda Caasimadda Online, madaxweyneyaasha Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe ayaa u caddeeyey Madaxweyneyaashii hore ee Dalka in ay ka soo horjeedaan Muddo Kordhinta loo sameeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa labada madaxweyne ee Galmudug iyo Hirshabelle ku cadaadinayo inay si cad warbaahinta ugu sheegaan mowqifkooda ku aadan muddo kordhinta isla markaasna aysan iyaga ka war qabin waraaqdii la sheegay inay kasoo baxday madaxtooyada balse lagu sheegay inay aheyd mid ay si wadajir ah usoo saareyn maamul Goboleedyada taabacsan Dowladda. Xubnaha mucaaradka ayaa u arko Axmed Qoor Qoor iyo Guudlaawe wadada kaliya ee looga hortagi karo muddo kordhinta uu sameystay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulankan oo ahaa mid horay labada dhinac ugu balameen, markii shirar gaar ah yeesheen ayaa la filayaa inay si wadajir ah go’aan uga gaaraan arrinta muddo kordhinta Madaxweyne Farmaajo u sameeyay Golaha Shacabka. Habeeno ka hor warbaahinta dowladda ayaa lagu faafiyey warqad laga qoray Madaxtooyada, taas oo lagu muujinayey in seddaxda maamul goboleed ee taabansan dowladda federaalka ay taageersan yihiin mudo kororsiga, balse Galmudug ayaa dib ka beenisay ku lug-lahaanshaha warqadaas. Madaxweynaha Galmudug ayaa u muuqda mid aan ogoleyn mudo kororsiga Farmaajo, hadana waxa uu ku dhiiran la’yahay inuu cadeeyo mowqifkiisa, markii laga reebo in mar uu warbaahinta ka sheegay in uusan taageeri doonin mudo kororsi. The post Qoor Qoor iyo Guudlaawe oo musharixiinta u caddeeyey mowqifkooda muddo kordhinta appeared first on Caasimada Online.
  4. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ka filayaa inuu Safiir cusub u soo magacaabo Soomaaliya, kaasoo bedelaya Donald Yamamoto oo howshiisa diblomaasiyadeed u soo dhammaatay. Safiirka cusub ee bedelaya Yamamoto ayaa lagu magacaabaa Lary Edward Andre, kaasoo ahaa Safiirka Jabuuti tan iyo sannadkii 2017. Lary ayaa sidoo kale Safiir ka soo noqday dalalka Mauritania iyo Koofurta Suudaan, waa 60 jir, tan iyo sannadkii 1990 ayuu ka soo shaqeynayay howlaha diblomaasiyadda. Mareykanka ayaa Soomaaliya ku leh Safaarad, gaar ahaan Magaalada Muqdisho. Source
  5. Garoowe (Faallada Puntland Post) — Sida la filayo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu hortagayaa Barlamaanka Puntland. Lagama sugayo inuu sheego wax dadku wada og yahay oo ah fashilka wadahadallada iyo muddo kororsiga muranku ku gadaaman yahay. Puntland way ku guuleysatay in Beesha Caalamku eedda ismariwaaga dusha ka saarto Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxay u badan tahay in Beesha Caalamku madaxda Soomaaliya qaarkood u aqoonsato qaswadayaal: taasi waxay soo dedejinaysaa burburka dowladda iyo barlamaanka. Hadday taasi dhacdo waa suurtogal in Cabdi Xaashi, Guddoomiyaha Aqalka Sare, noqdo Madaxweynaha dalka gaarsiin doona doorasho la isku raacsan yahay. Haddii ujeeddada Deni tahay dib u soo celinta kooxo hore loo soo tijaabiyay, ololihiisii wuxuu noqon doonaa hargo maran side, howlna kama tagin habaarna u dheer. Taariikhdu dadkay hagtaa. SSDF wuxuu ahaa ururkii ugu horreeyay ku baaqay dagaal ka dhan dowladdii militariga ka hor 1991kii. Isbeddelkii dhacay wuxuu si xun u saameeyay dadka maanta ku abtirsada siyaasad ahaan Puntland waayo ma lahayn jabhad u dhiganta USC, SPM iyo SNM. Madaxweyne Deni ma isbeddel qotodheer buu doonayaa? Fashilka hay’adeed ee Dowladda Federaalku wuxuu soo ifbaxay markii Saadaq John tallaabo dhaafsiisan xil ka xayuubin laga qaadi waayay. Sidee Deni u arkaa in isbeddel dhab ah loogu sameeyo ciidammada uu ku tilmaamay kuwo dowladdu ku adeegato? Wax qarsoodi ah ma aha in weli ciidammadu u nugul yihiin weerarro kaga iman kara miliishiyo beeleed. Eedda lama wada saari karo Muqdisho. Madaxweyne Faroole ayaa wadatashi la’aan dalka ku meelgaar ka saaray. Haddii Deni kobciyo awoodda Puntland iskaga difaaci karto weerarro toos ah ama kuwo dadban oo dowladda federaalka kaga yimaada, wuxuu noqon doonaa hoggaamiye badbaadiyay aragtidii federaalka oo ku salaysan dowlad dhexe oo aan wiiqi karin maamul federaaleedyada, kheyraadkana ku soo koobin gobollo u dhowdhow Muqdisho. Sidoo kale haddii Madaxweyne Deni helo hab si toos ah Puntland wax loogu siiyo oo la mid ah habka Somaliland wax loo siiyo, wuxuu heli doonaa sumcad siyaasadeed. Puntland xaq bay u leedahay in si gaar ah wax loo siiyo dib u habaynta amniga iyo u dhaqaaqidda dimuqraaddiyeynta awgood. Way jirtaa in Puntland tusaale maamul-daadejin noqon weyday goor hore. Dib u dhacani xaq uma siinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay duudsiiso xaqa ismaamul oo salka u ah xasiloonnida siyaasadeed ee Puntland. Haddii Beesha Caalamku ka gaabsato cunoqabatayn ay ku soo rogto madaxda Dowladda Federaalka, waxaa dhici karta in habkii laba-geesoodka (dual track) dib uu Maraykanku boorka uga jafo. Waa in Madaxweyne Deni khudbaddiisu noqoto mid aan ku dheeraanin waxa dhacay. Waa inay noqoto mid iftiimisa isbeddelka Puntland doonayso inuu Soomaaliya ka dhaco iyo sida loo dhowri karo xuquuqda siyaasadeed iyo horumarineed ee Puntland. © Puntland Post, 2021 The post Deni iyo Mustaqbalka Siyaasadeed ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  6. Somali legislators of the lower house of parliament raise their hands to vote to extend President Mohamed Abdullahi Mohamed’s term for another two years to let the country prepare for direct elections, in Mogadishu, Somalia on April 12, 2021 Feisal Omar/Reuters by Michelle Gavin While international attention has been focused on Ethiopia’s multiple internal and foreign policy crises, the political situation in Somalia has gone from precarious to untenable, further eroding peace and security in the strategically important Horn of Africa. The lower house of Somalia’s parliament has voted to postpone national elections, which have already been delayed by months, by an additional two years, leaving themselves and President Mohamed Abdullahi Mohamed, known as Farmaajo, in place in the interim. Unsurprisingly, Farmaajo has approved the proposal. But the initial delay occurred largely because Farmaajo, whose mandate expired in February, was insisting on maintaining control over the complicated electoral process in which he aimed to be returned to office. It is difficult not to see the latest development, which purports to put the country on a path to eventual direct elections, as an even more flagrant power grab. Even if one thought highly of Farmaajo’s leadership (and most concerned about the militarized authoritarianism taking hold in the region feel quite differently), the process unfolding in Mogadishu is likely to provoke even more instability in an exhausted and fragile country, which is why the United Nations, African Union, European Union and Intergovernmental Authority on Development (IGAD) warned against mandate extensions just days ago. Somalia’s Senate has rejected the lower chamber’s decision and called for international intervention. Would-be contenders for the presidency are unlikely to retain faith in the country’s tortuous political processes, a dangerous development in a place armed conflict has often trumped rule-governed arrangements for political contestation. Largely autonomous regions of the country, which have chafed at Farmaajo’s efforts to assert stronger central control, will be even less likely to work in any kind of coordinated fashion with authorities in Mogadishu. It is well past time to elevate Somalia on the international agenda, and to send a clear message to Farmaajo that it is time to move on. U.S. Secretary of State Antony Blinken made a start on Tuesday night, issuing a statement expressing “disappointment” and noting that the term extension would compel the United States to reevaluate the bilateral relationship, but it will take a great deal of diplomatic work, coordination with other influential states, and sustained engagement at the highest levels to have a hope of salvaging the situation and restoring any confidence in the laborious, internationally backed effort to bring peace and accountable governance to Somalia. Source: CFR The post Somalia’s Political Crisis Demands Sustained Attention appeared first on Puntland Post.
  7. Dagaal beeleed hubaysan, ayaa mar kale saaka dib uga qarxay ceelka Dhabar-dalool, oo koonfur kaga beegan degmada Duddun ee Gobolka Sool. Daryanka rasaasta culus oo laba dhinac ah, ayaa laga maqlayaa goobta dagaalka, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin. Goob-joogayaal ku sugan tuulada holhol oo ku dhow nawaaxiga dagaalku ka socdo, ayaa laga soo xigtay in dagaalku hadda jihooyin horleh ku fiday, balse faahfaahin kale ma jirto. Anteenada isgaarsiinta ayaan sidoo kale laga heli karin dhulka lagu dagaallamayo oo ka tirsan didibta nugaaleed oo aad joogeedu u hooseeyo. Colaaddan waxa saacadihii u dambeeyay baaqyo nabadeed ka soo saaray dhinacyo kala duwan oo ay ku jirto xukuumadda Puntland. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed dib uga qarxay Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  8. Mogadishu (HOL) - Somalia's Foreign Affairs State Minister, Balal Mohamed Osman, met with the Russian ambassador to Djibouti and Somalia, Mikhail Golovanov, Tuesday amid a growing rift between the Horn of Africa nation and prominent Western bakers. Source: Hiiraan Online
  9. Mogadishu (HOL) - Somalia's Foreign Affairs State Minister, Balal Mohamed Osman, met with the Russian ambassador to Djibouti and Somalia, Mikhail Golovanov, on Thursday amid a growing rift between the Horn of Africa nation and prominent Western bakers. Source: Hiiraan Online
  10. By the time George Floyd died in May, Leslie Redmond was a veteran of protests in Minneapolis. In 2015, she was one of the people who occupied a police precinct for 18 days. In 2020, she was the leader of the local chapter of the N.A.A.C.P., organizing marches and meeting with community leaders. Source: Hiiraan Online
  11. Kadijo Ali Abdi, a mother of five, moved out of her rented house in the central Somali town of Galkayo’s Hawl-wadag neighbourhood into a camp for internally displaced people on 20 March, after losing her cleaning job as a result of the new surge of COVID19. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa abaabuleysa banaanbaxyo ka dhacaya qaar ka mid ah magaalooyinka dalalka Reer Galbeedka, kuwaas oo lagu taageerayo muddo kororsiga labada sano ah ee uu sameystay Farmaajo. Dibad-baxyadan ayaa la qorsheynayaa inay ka dhacaan magaalooyin ay ka mid yihiin London oo UK ah, Minneapolis, Columbus iyo Washington oo Mareykanka ah, iyo magaalooyin kale oo ku yaalla qaar ka mid ah dalalka kale ee Yurub, sida Sweden, Norway, Belgium, Germany iyo kuwa kale. Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, xubno ka mid ah maamulka gobolka Banaadir oo uu ka mid yahay guddoomiye ku xigeenka gobolka ee dhanka amniga ayaa loo xil-saaray abaabulka banaan-baxyada, kuwaasi oo lacago boqolaal kun oo dollar ah billaabay inay u diraan abaabulayaal kale oo ku sugan dalalka ay ka dhacayaan dibad-baxyada. Dibad-baxayaasha ayaa taageeri doono muddo kororsiga dowladda, ayada oo aan lasoo hadal qaadi doonin, balse taa beddelkeed boorarka lagu qori doono erayo lagu dalbanayo doorasho qof iyo cod ah, iyo in dimqoraadiyadda ay tahay in shacabka loo ogolaado inay codeeyaan. Doorashada qofka iyo codka ayaa aheyd qiilkii loo adeegsaday muddo kororsiga, inkasta oo xaqiiqda ay tahay, qof kastana uu og yahay in doorasho qof iyo cod ah aysan Soomaaliya ka dhici karin. Dowladda ayaa rumeysan in dibad-baxyada ay beddeli karaan ra’yiga beesha caalamka kana yareyn karaan cadaadiska, sida ay xubno ka mid ah dadka arrintan ku lugta leh u sheegeen Caasimada Online. Si kastaba, siyaasadaha dalalka reer galbeedka ayaa si ka duwan Soomaalida ah, kuwa aan ku shaqeyn dareen, balse ku dhisan daraasaad iyo xog-ogaalnimo, sidaas darteedna aysan dibad-baxyo lacag lagu soo abaabulay waxba ka beddeli karin. The post Xog: DF oo dibad-baxyo ka abaabuleysa qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka appeared first on Caasimada Online.
  13. Mohamed Abdullahi Mohamed said he is staying in office for two more years. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) - U.S. President Joe Biden announced that he had nominated Larry Edward André Jr as the Ambassador to Somalia on Thursday, according to a statement from the White House. André served as ambassador to Mauritania and Djibouti. He last held the position of Chargé d’Affaires ad interim at U.S. Embassy Juba, South Sudan. Source: Hiiraan Online
  15. Khasaaraha Dhimasho & Dhaawac uu koobsaday Dagaal ka dhex qarxay Laba Beelood Degaanka Hol-hol ee Gobolka Sool Dagaal ayaa ka qarxay deegaanka Dhabar-dalool oo ka mid ah deegaanka Holhol ee Degmada Xudun ee Gobolka Sool ee Somaliland. Dagaalka oo u dhexeeya laba Beelood oo halkaa wada dega, ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Sida Ilo xog-ogaal ahi soo tebiyeen waxa waxa dagaalka ku dhintay illaa 5 qof oo labada dhinac ah, isla-markaana uu jiro dhaawac. Illaa hadda si rasmiya looma oga, waxa dagaalku ka dhashay ee uu Salka ku hayo, laakiin Wararka hor-dhaca ahi waxay sheegayaan in beel ka mid ah labada Beelood doonaysay inay Ceel-biyood ka qodato deegaanka Dhabar-dalool oo Holhol ka mid ah, balse ay Beesha kale u aragtay inay deegaamayn wadaan, sidaasi darteedna ay diideen, taasi oo dagaalka dhalisay. Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wixii ka dambeeyey 12-kii bishan April oo mudo laba sano ah uu waqtiga xil-heyntiisa ku kororsaday madaxweyne Farmaajo, waxaa bilaawday is bedello xoog leh oo ku socda saraakiisha ciidamada, gaar ahaan booliska, kuwaas oo qaar xilalkii laga qaaday, qaarna goobo kale loo bedelay. Taliyeyaashii saldhigyada degmooyinka Waaberi, Wadajir, Deyniile, Shibis, Cabdicasiis iyo Howlwadaag ayaa intooda badan isku shaandheyn lagu sameeyey, halka qaar looga shakiyey inay xiriirro la leeyihiin Taliyihii hore ee booliska Gobolka Banaadir Jeneral Saadaq Joon iyo musharaxiinta mucaaradka ah xilalkii laga qaaday. Taliye ku xikeenkii qeybta booliska gobolka Banaadir, Taliyihii qeybta Galbeed Yuusuf Xundubey iyo taliyeyaashii saldhigyada Waaberi iyo Howlwadaag ayaa xilalkii laga qaaday. Taliyihii saldhigga degmada Wadajir Saciid Cali Baryare ayaa la dalacsiiyey, waxaana ku xigeen looga dhigay Farxaan Qaroole, iyadoo loo magacaabay Taliye ku xigeenka qeybta booliska gobolka Banaadir, sidoo kale Cabdibaasid Maxamuud ayaa loo magacaabay taliye ku xigeenka qeybta Waliyow Cadde, halka taliye ku xigeenka Qeybta Galbeed loo magacaabay sarkaal lagu magacaabo Daa’uud Axmed. Madaxda xukunka dheereysatay ee dowladda federaalka ayaa la sheegay in shaki weyn ay ka qabaan saraakiisha qaar, waxaana weli socota shaandheynta ka dhanka ah saraakiisha ay uga shakiyeen inay xiriir laleeyihiin Jeneral Saadaq Joon iyo siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ah. Sidoo kale, xil ka qaadista lagu sameeyey saraakiishaan waxay kusoo aadeysaa, iyadoo 12-kii bishaan ciidamada booliska ah ee ka howlgala gobolka Banaadir ay isku hareereeyeen madaxtooyada, kadibna ay hor istaageen kulankii mudo kororsiga lagu sameystay ee xildhibaanada golaha shacabka. Amarkii lagu hor istaagay xildhibaanada waxaa bixiyey Jeneraal Saadaq Joon, balse saacado kadib ayaa ciidamada laga wareejiyey wadooyinkii ay xireen kadib markii deg deg xilka looga qaaday Saadaq Joon, waxaana hadda la ugaarsanayaa saraakiishii amarkaas ka qaadatay. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in maalmaha soo socda saraakiil kale xilalka laga qaadi doono, qaar kalena loo wareejin doono xilal kale, kuwaas oo loo arko inaysan daacad u aheyn Farmaajo. The post Saraakiil laga shaki qabo in aysan daacad aheyn oo laga qaaday xilalkii G/Banaadir appeared first on Caasimada Online.
  17. Dawlad Yurubiyana oo Gebi ahaanba Mamnuucday talaalka AstraZeneca+Sababta Denmark ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee gebi ahaanba joojiya isticmaalka tallaalka fayraska corona ee AstraZeneca. Guddiga caafimaadka Qaranka dalkaas ayaa sheegay inuu jiro xiriir ka dhaxeeya tallaalka AstraZeneca iyo dhiig xinjiroowga. Waxay Denmark sheegtay in fayraska ay xakameeyeen sidoo kalana ay dalka yaallaan tallaallo kale, sidaa darteed waxay sheegeen inay gabi ahaanba joojiyeen isticmaalka tallaalka AstraZeneca. Bil ka hora ayay hakad geliyeen isticmaalka tallaalka ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in tallaalka uu sababo dhiig xinjirow. Hay’adda dawooyinka ee Yurub iyo hay’adda caafimaadka Adduunka ayaa labaduba sheegay in faa’iidada tallaalka ay ka badan tahay halistiisa. Qiyaastii boqol iyo konton kun oo qof oo reer Denmark ah oo horey u qaatay qeybtii ugu horreysay ee tallaalka AstraZeneca ayaa haatan la siin doonaa tallaal ka duwan kii hore. Qaran News
  18. M/weynaha Maryakanka Joe Biden oo maanta safiir cusub usoo magacaabaya Somalia – Waa kuma? Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la filayaa inuu maanta safiir cusub usoo magacaabo Soomaaliya, islamarkaana beddelo safiirka muddada dheer dalka u joogay ee Donald Yamamoto. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweyne Biden uu safiirka Soomaaliya u magacaabi doono danjire Larry André Jr., oo ah rug caddaa muddo badan ka shaqeynayey diblomaasiyadda. André ayaa ahaa safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay November 20, 2017 illaa January 20, 2021, isaga oo ka horna ahaa safiirka Mareykanka ee Mauritania, muddadii u dhaxeysay 2014 illaa 2017. André waa diblomaasi rug caddaa ah, oo diblomaasiyadda ka shaqeynayey tan iyo 1990-kii, wuxuuna kasoo shaqeeyey sagaal howlgal dibadeed oo badankood ah Afrika. Magacaabistiisa André ayaa imaneysa ayada oo xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya uu aad u xun yahay, islamarkaana wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ay dhowaan ku hanjabtay tallaabooyin ay ka mid yihiin cunaqabateyn oo ka dhan ah madaxda dowladda federaalka kadib markii ay sameysteen muddo kororsi laba sano ah. Donald Yamamoto ayaa muddo lagu eedeynayey inuu aad ugu dhowaa dowladda federaalka kuna fiirsanayey qaladaad iyo xadgudubyo badan, inkasta oo markii uu xilka qabtay Joe Biden oo uu beddelay Trump 20-kii janaayo 2021, uu sameeyey isbeddelo u muuqday inuu dowladda si kulul ula macaamilayey. Dadka siyaasadda darsa ayaa rumeysan in magacaabista Larry André ay xilli xun ku imaneyso dowladda federaalka, maadaama uu yahay diblomaasi aaminsan dimoqraadiyadda iyo dhowrista xuquuqda aadanaha, oo cadaadis badan ay kala kulmi doonto. Qaran News
  19. Warbixin:Cuntooyinka ugu wanaagsan in lagu afuro+ Cuntooyinka ku wanaagsan in lagu suxuurto+Nooca Dhiiga Qofka & u adkeysiga gaajada? Soonka bisha Ramadhaan oo laga helo caafimaad aad u badan hadana dad badan waxay dhibaato kala kulmaan isbeddelka ku imanaya habkii hore ee ay wax u cuni jireen ama ay u cabbi jireen taasoo mararka qaar ay la soo dersito daal iyo tabardarroo aad u badan dadka qaba cudurrada macaanka iyo dhiig karkana ay dhibaatooyin caafimaad darro ay kala kulmaan. Haaddaba qormadan kooban ayaa waxaan isku dayeynaa inaan akhristayaasha kula wadaagno talooyin wanaagsan oo la xiriira afurka iyo suxuurta caafimaadka ugu wanaagsan ee loo baahan yahay in la raaco. BBC Carabi waxay la hadashay dad badan oo muslimiinta sooman ka mid ah waxayna wax ka weydiisay qorshahooda ku aadan bisha ramadhaan ee la xiriira cunnooyinka ay isticmaalayaan inta bisha soonka lagu guda jiro iyada oo u sii kala qaadeyso jinsi iyo qoys. Nooca dhigga qofka uu yahayna sida oo kale wuxuu xiriir la leeyahay qofka sida uu dulqaad iyo samir uu ugu yeelan karo gaajada maalinta dhan uu sooman yahay. Cuntooyin kala duwan oo diyaar ah Suxuurta maxaa u wanaagsan maxaanse u wanaagsaneen? Qofka Sooman waxa uu ku suxuurto ayaa sabab u noqon karta qofka inuu daalo, gaajoodo ama uu oomo inta uu maalinki sooman yahay. Fadi Cabbaas oo ah nin cunnooyinka ku takhasusay oo u dhashay dalka Suuriya wuxuu ku talinayaa iney dadku talooyinkan raacaan si soonka uu ugu noqdo mid fudud, tabar la’aanna ay kala kulmin caafimaad buuxana u horseeda. “Xilliga suxuurta waa inaad isticmaashaa cunnooyinka 70% biyo ka kooban cunnooyinka aad cuneysidna yaree wakhtina u dhaxeysii (ugu yaraan shan daqiiqo), cuntada aad ku suxuuraneysidna haddii aad heli karto waa iney kuu wehiliyaan Khudaar sida Qajaarka, Salar iyo Kaabej) cuntooyin kala nooca ahna ha isku darin. Cuntada aad ku suxuuraneysidna waa iney ahaato mid aan cusbo iyo dufan badan laheen, maadaamaa ay jirka ku qasbayaan inuu biyo badan uu maalinki u baahdo taasina ay keento saacadaha soonka ugu horreeyaba inuu qofku oomo”, ayuu yiri Cabbas. Fadi Cabbaas waa khabiir ku takhasusay cunnooyinka Wuxuuna intaa ku daray: “Sokortna waa inaan la isticmaalin ama aad loo yareyaa waxaana ka sii fiican in la cuno khudaarta sokorta dabiiciga ah laga helo sida (Qaraha, Strawberries iyo Liin Macaanta) ama koob sharaab dabiici ah, suxurtaada waxa ugu dambeeyana ha noqdo biya nadiif ah oo la cabbo.” Hay’adda Caafimaadka Qaranka ee UK waxay iyaduna ku talineysaa xilliga suxuurta inaan qaxwa iyo shaah la cabbin sababta oo ah waxaa ku jira maaddada Caffeine oo sababeysa inuu qofka aad u kaadiyo kaddibna qofka ay ku keento cadaadis dhinaca kaadi haysta maadaamaa biya jirka ka baxa mooyee wax soo galaya jirin. Jirka marka uu dareeraha ku yaraadana qofka sooman waxaa la soo dersaya caafimaad darro sida madax xanuun, dhiigga oo hoos u dhaca, dhibaatooyin dhinaca kaliyaha iyo kuwo kale. Sideen uga gaashaaman karnaa dhibaatooyinka sababa daalka iyo caajiska afurka kaddib? Qorshaha bisha Ramadhaan ee xagga cunnooyinka inkasta oo uu ku xiran yahay awoodda dhaqaale ee qoyska haddana waxay dadku intooda badan ay maalin walba cunaan cunnooyin kala jaadjaad ah iyada oo dadka qaar ay cunnooyinka kala nooca ah la’aantood ay xilliga afurka farxad heleynin. Balse qofka cuntooyinka kala nooca ah ku afura ama ku suxuurta saacadaha ugu horreeya soonkaba wuxuu dareemayaa gaajo aad u daran. Cuntada badanna sideedaba waxay keentaa calool xanuun, dibbir, caajis, hurdo iwm. Dadka qaarkana waxay ku keenaan Dhiigga ama Sokorta iney ku kacdo. “Qofkasta oo sooman maalinta soonkiisa ugu horreysa dhibaato ayuu kala kulmaa maxaa yeelay jirka wuxuu tabayaa cunnooyinki dufanka lahaa uu u bartay oo uu tamarta ugu badan ka heli jiray” ayuu yiri cabbaas. Cabbaas wuxuu leeyahay afrurka waa in seddex qaybood loo qaybiyo oo ay u dhaxeyso ugu yaraan 6 daqiiqo labada cunto dhexdoodaba gaar ahaanna qaacidadaasi waxay fiican tahay xilliga suxuurta ayuu yiri. Sababtana wuxuu ku sheegay maskaxda amarka ay caloosha ku siineyso iney wax shiiddoo maadaamaa ay ku qaadaneysaa 18 daqiiqo. Xilliga afurkana waa in laga billaabo biyo seddex jeerna la kabbaadaa oo aan qurqurin qofka oo fadhiyo. 6 daqiiqo kaddibna waxaad ku billaabeysaa wax sokor leh si jirka uu u helo sokorti uu maalinti oo dhan u u baahnaa tamarta jirka uu u baahan yahayna looga dhaliyo waxyaabaha sokorta laga helayana waa iney ahaadaan cunnooyin dabiici ah sida timirta iyo khudaarta cusub. Waxaa laguugula talinayaa inaad cuntid hal ama laba cunto oo ay ku jiraan Protein iyo Carbohydrate 6 daqiiqo kaddibna waxaa qofka lagula talinayaa inuu ku xigsiiyaa khudaarta cagaara sida salarka maadaamaa jirka uu ka helayo Fiitaaminno isla markaana calool fadhiga uu dawo yahay. Khudaarta kaddibna cuntooyinka uu qofka sooman isticmaali karo waxay khubaradu ku sheegeen iney ka mid yihiin sida baradhada, bariiska, baastada, rootiga ama wax kasta carbohydrate laga heli karo oo ay la socdaan cuntooyiinka Protein laga helo sida hilibka, ukunta iwm. Cuntooyinkaasi calalintoodana qofka ay ku qaadataa haddii ay jilicsan yihiin 30 ilbiriqsi haddi ay adag yihiinn 60 ilbiriqsi si ay dheefshiidka u caawiso. Cuntada marka aad cunto saacad inta ay ka soo wareegin fadlan ha cabin biyo wax ka badan laba koob oo biya ah. Marka aad afurtid kaddibna wa inaad saacad ama saacad iyo barba aad biya cabtaa oo aadan sugin jirkaaga inta uu kaaga sheegayo inaad ooman tahay. Qoys reer Urdun ah oo meel ku wada afuraya Dumarku ragga gaajada ma uga adkeysi badan yihiin? Dadka xirfadaha kala duduwan noolasha ku maareeya sida ay u qorsheystaan Ramdhaan wey ku kala duwan yihiin maadaamaa ay markoodi horaba ay ku kala duwanaayeen hab noolaleedkooda, wax cunkooda iyo dabeecadahooda intaba. “Aniga bisha Ramadhaan oo dhan waxaan noqdaa qof dulqaad badan oo niyad saafi ah, hase yeeshee duhurrada marka la gaaro dabeecaddeyda wey isbedeshaa oo waan caroodaa oo isma xakameyn shaqaalaha aan la shaqeeya hxataa waa isku dhacnaa, haddana markiba waan isdajiyaa saaxibbadeyna waan raalli geliyaa” ayuu yiri Saciid Yuusuf oo ka shaqeeya dhismaha oo ka soo jeeda dalka Suuriya. . “Maalmaha ugu horreeya bisha Ramdhaan gaaja ayaa aad ii qabato ilaa aan mararka qar u adkeysan waayo balse toddobaad kaddib waan la qabsadaa oo caadi ayaan noqdaa” ayuu yiri Cusmaan Yuusuf. “Dumarka ragga wey kaga adkeysi badan yihiin gaajada maxaa yeelay dufanka jirka dumarka ku jira ayaa ka badan kan ragga marka dufanka jirkooda ku badan ayaa ka caawinaya iney gaajada u adkeystaan sida oo kalan ragga murqaha ayaa ku badan oo tamarta jirka ugu badan isticmaala halka ay dumarka murqaha ku yar yihiin” ayuu yiri Maxamed Faa’id oo cunnooyinka ku takhasusay. Esrogyn-ka wuxuu dumarka ka caawiyaa in gaajada la qabsadaan oo ay jawi deggan ku sugnaadaan Dumarka shaqeeya iyo nooca dhiiggooda “Dumarka shaqeeya iyo kuwa aan shaqeynin tamarta jirkooda ee ay gubaan wey ku kala geddisan yihiin inkasta oo ay ku xiran tahay hadba xaaladda noolaleed ee ay ku sugan yihiin”, ayuu yiri Faa’id. Wuxuu aaminsan yahay qofka waxa uu cuno iyo iney dareenkiisa saameyn ku yeelanayaan. Xilliga ay haweeneyda gaaja dareentana inta ay raggu dareemaan in la mid ah ayey dareemayaan. Nooca dhiigga qofkana wuxuu xiriir la leeyahay sida uu ugu adkeysan karo gaajada iyo dulqaadka uu soonka u yeelan karo. Faa’id oo ku takhasusay cunnooyinka wuxuu sheegay dadka dhiiggooda uu yahay ‘O’ iney gaajada aad ugu adkeystaan xagga adkeysigana waxaa ku xiga dadka dhiiggooda uu yahay ‘A’ ama ‘AB’, balse dadka nooca dhiiggooda uu yahay ‘B’ ayaa ah kuwa ugu adkeysiga yar gaajada iyo soonkaba guud ahaan. Xilligee ugu habboon qofka inuu Jimicsi sameeyo? Salaadda taraawiixda oo keli ah qofka jimicsi uguma filno si jirka uu Kaaloori badan uu u gubo, marka waxaa loo baahan yahay qofka inuu sameeyo jimicsi intaa ka dheer. Ayson Kavanc oo ku takhasusutay cunnooyinkakuna nool London “Qofka waa inuu sameeyaa jimicsi wadanaha ka shaqeysiin kara cuntada caloosha ku jirtana iney shiidanto gacan ka geysan karto waxaase marwalba wanaagsan markasta oo jimicsi la sameeynaya iney caloosha buuxin” ayey tiri Ayson Kvang oo ku nool London oo ku takhasustay cunnooyinka.” Bisha Soon sideed qorshe u sameysan kartaa? Angham waa haweeney guri joog ah oo ku nool magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Carabiya waxay sheegtay Ramadhaanka ka hor iney sii sameysatay qorshe ay Ramadhaanka dhanka caafimaadka uga faa’ideysan karta. Waxaya BBc u sheegtay “Toddobaad ka hor inta uusan billaabanin soonka waajibka ah waxaan billaabay toddobaad aan soonka kula sii qabsanayey maadaamaa ay gaajada iyo harraadka ku soo booddada ah ay i dhibi karto.” “Sanadwalbana waxaan sameystaa qorshe la xiriira Ramdhashaanka iyo sida aan uga faa’ideysan karo dhanka caafimaadka inta badanna qorshaheyga sida u yahay ay aan uga mira dhaliyaa sida inaan carruurteyda qur’aanka xifdisiiyo aniguna aan qur’aanka laba jeer ugu yaraan dhammeeyo” ayey tiri. Nadiya oo ah haweeney 25 jir ah oo ku nool magaalada Caqaba ee dalka Urdun waxay sheegtay: “Bishan waxaan qorsheystaa inaan buugaag badan akhriyo aanna kobciyo aqoonta aan u leeyahay liuuqadda Ingiriisiga sababta oo ah xilli kaga munaasabsan oo aan firaaqa ah ma helayo”. Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa si rasmi ah safiir cusub ugu soo magacaabay Soomaaliya, islamarkaana xilkii ka qaaday safiirka muddada dheer dalka u joogay ee Donald Yamamoto. Madaxweyne Biden ayaa u xushay in safiirka Mareykanka ee Soomaaliya danjire Larry André Jr., oo ah rug caddaa muddo badan ka shaqeynayey diblomaasiyadda. André ayaa ka mid ahaa 9 safiir oo uu xalay magacaabay Biden, kuwaas oo badankood loo magacaabay dalal African ah. Andre iyo safiirada kale ayaa u baahan inuu ansixiyo Aqalka Senate-ka Mareykanka kahor inta aysan qaban xilalka loo magacaabay, taasi oo qaadan karta muddo bilo ah, waxaana intaas sii shaqeynaya safiirada hadda xilka haya. André ayaa ahaa safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay November 20, 2017 illaa January 20, 2021, isaga oo ka horna ahaa safiirka Mareykanka ee Mauritania, muddadii u dhaxeysay 2014 illaa 2017. André waa diblomaasi rug caddaa ah, oo diblomaasiyadda ka shaqeynayey tan iyo 1990-kii, wuxuuna kasoo shaqeeyey sagaal howlgal dibadeed oo badankood ah Afrika. Magacaabistiisa André ayaa imaneysa ayada oo xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya uu aad u xun yahay, islamarkaana wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ay dhowaan ku hanjabtay tallaabooyin ay ka mid yihiin cunaqabateyn oo ka dhan ah madaxda dowladda federaalka kadib markii ay sameysteen muddo kororsi laba sano ah. Donald Yamamoto ayaa muddo lagu eedeynayey inuu aad ugu dhowaa dowladda federaalka kuna fiirsanayey qaladaad iyo xadgudubyo badan, inkasta oo markii uu xilka qabtay Joe Biden oo uu beddelay Trump 20-kii janaayo 2021, uu sameeyey isbeddelo u muuqday inuu dowladda si kulul ula macaamilayey. Dadka siyaasadda darsa ayaa rumeysan in magacaabista Larry André ay xilli xun ku imaneyso dowladda federaalka, maadaama uu yahay diblomaasi aaminsan dimoqraadiyadda iyo dhowrista xuquuqda aadanaha, oo cadaadis badan ay kala kulmi doonto. The post Biden oo safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  21. Ninkii Muslinka ahaa ee noqday qofkii ugu taajirsanaa ee dunida soo maray? Liiska dadka hadda ugu taajirsan dunida waxaa ka dhex muuqda Jeff Bezoz, Elon Musk iyo Bill Gates, laakiin marka hantidooda oo dhan la isku wada daro kuma dhawaaneyso dhaqaalihii uu heystay ninkii lagu tilmaamay inuu ahaa bani’aadankii ugu taajirsanaa ee soo maray dunida, taariikhda la ogyahay. Mansa Musa wuxuu ahaa boqor ka talin jiray waddanka Mali oo ku caan baxay inuu si xad dhaaf ah u heystay hantidii ugu qaalisaneyd xilligaas oo ahayd Dahabka. Kumuu ahaa Mansa Musa? Mansa Musa wuxuu boqortooyo heystay qarnigii 14-aad, sida cajiibka ah ee uu dahabka u heystay ayaana ka dhigtay qofkii ugu taajirsanaa ee abid kusoo noolaada caalamka. Wuxuu dhaxlay boqortooyadii uu ka tagay walaalkiis oo lagu magacaabi jiray Mansa Abu Bakar, kaasoo safar uu badda ku aaday aad dib uga soo laabanin. Musa wuxuu markaas kaddib sii kordhiyay hantidii ilaa ay ka gaartay heer aan xisaab lahayn. Hase yeeshee ninkan ma aha mid baal dahabi ah uga jira taariikhda waddamada reer Galbeedka. Wuxuu ahaa nin heysta diinta Islaamka, mid ka mid ah waajibaadka u yaallayna wuxuu ahaa inuu soo xajiyo. Safarkiisii Maka Inkastoo boqortooyadii Mali ay saldhig u ahayd dahab faro badan, haddana boqortooyada laf ahaanteeda aad caan uma ahayn. Safarkii Maka wuxuu caan ka dhigay Mali iyo boqortooyadii Musa Laakiin arrintan waxay isbaddashay markii uu Mansa Musa, oo muslim ahaa go’aansaday inuu soo xajiyo, isagoo sii maraya lama degaanka Sahara Desert iyo Masar. Waxaa lagu soo warramay in Boqorku uu Mali kala tagay wafdi ay tiradoodu gaareysay 60,000 oo rag ah. Waxaa raacay dhammaan saraakiishii boqortooyadiisa, askartiisii, majaajileystayaashiisii, ganacsatadiisii, wadeyaashiisii gaadiidka geela iyo 12,000 oo addoomo ah. Waxaa sidoo kale raacay ari aad u faro badan oo isugu jiray riyo iyo ido. Marka taariikhda looga sheekeynayo waxaa lagu tilmaamaa in safarka boqorku uu ahaa magaalo guureysay oo dhex mareysay Saxaraha. Burburkii dhaqaalaha Masar Qaahira markii ay gaareen 1324-kii, magaalada caasimadda u ah Masar waxaa qaatay duufaan dhaqaale oo ahayd mid ka mid ah kuwii ugu darnaa ee ay shacabkeeda abid arkaan. Mar qura waxaa magaaladii buux dhaafiyay kumannaan qof oo afrikaanka madow ah oo isugu jira ciidamo madow ah, muusikiisteyaal, ganacsato, aqoonyahanno iyo adoomo dhammaantood wada heysta dahab xad dhaaf ah. Xitaa geela iyo fardaha safarka la socday waxaa ku raarnaa dahab. Safarkii uu Mansa Musa ku tagay Maka ayuu aad ugu caan baxay Dadkii saboolka ahaa ee magaalada ayaa loo qeybiyay dahab iyo lacag aad u badan. Sidoo kale waxay sameeyeen ganacsi deg deg ah oo ay dadka badeecooyinkooda uga baddalanayeen dahabka ay wateen. Sida uu u badnaa dahabka la bixiyay awgeed waxaa dhulka galay dhaqaalihii magaalada Qaahira, dibna uu usoo kabsan waayay muddo 10 sano ah. Musa wuxuu Masar galay isagoo ku fadhiya kursi dahab ah, dharkiisu ay dahab yihiin, ul dahab ka sameysanna gacanta ku heysta. Dr Rudolf Ware, oo ka tirsan Jaamacadda California, ayaa sheegay in hantida Musa ay gaartay heer aan la qiyaasi karin. “Siyaabo kala duwan ayaa dhaqaalihiisa loo cabiray waxaase la isku raacay in uu gaarsiisanaa heer uusan wax saameyn ah ku yeelaneynin hoos u dhaca laga dareemo dhaqaalaha dunida inteeda kale. Si sax ah looma garanayo inta ay la ekeyd lacagtiisa, ma waxay ahayd $400 bilyan, $500 bilyan, $600 bilyan… dadku waxba kama yaqaannaan tirada,” ayuu yidhi. Markii uu kasoo laabtay xajka wuxuu Mali iyo deegaannadii ku xeernaa ee uu maamulkiisa gaarayay ka billaabay maalgalin lagu xoojinayo aqoonta diinta Islaamka. Wuxuu dhisay masaajidyo badan iyo jaamacado. Mansa Musa wuxuu amray dhismaha masjidka caanka ah ee Djinguereber sanadkii 1327 Aqoonyahanno isaga kala imaanayay dunida meelaheeda kala duwan ayaa u tagayay Mali si ay wax uga bartaan Culuumta islaamiga ah iyto shareecada. Xaguu ku dambeeyay Mansa Musa? Boqortooyadii Mali sare ayay usii kaceysay inta badan waqtigii uu noolaa Musa. Xitaa markii uu dhintay kaddib – oo lagu qiyaasayo inay ahayd 1337-kii – boqortooyadu waxay kusii hor martay intii ay gacanta ku hayeen wiilashiisii. Hase yeeshee markii ay kordheen boqortooyooyinka kasoo hor jeeday ee cadowga ku ahaa sidoo kalena ay bateen xeeladihii ganacsiga adduunka, boqortooyadii Musa uu ka geeriyooday waxay billowday hoos u dhac qarnigii 15-aad. Inkastoo uu dhaxal layaab leh uga tagay adduunka, Mansa Musa laguma xuso culuumta taariikhda ee laga bixiyo waddamada Mareykanka iyo Yurub. Kathleen Bickford Berzoc, oo ka tirsan Madxafka farshaxanka iyo taariikhda ee “The Block Museum Art” ayaa arrintaas ku micneysay mid salka ku heysa marxaladihii ugu adkaa ee soo maray Afrika. “Nidaamnii gumeysiga iyo ganacsigii adoomada ee Atlantic-ga ayaa saameyn aad u weyn ku leh habka ay Mareykanka iyo reer Yurub u wajahaan taariikhda qaaradda Afrika iyo shakhsiyaadka soo maray Afrika,” ayay tidhi. Qaran News
  22. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhaweysay saraakiil iyo ciidan hor leh oo kasoo goostay maamulka goboleedka Puntland, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliland. Saraakiisha iyo ciidamada kasoo goostay ciidamada difaaca Puntland ayaa waxa deegaanka Goojo-cadde ku qaabilay Taliyaha ciidanka Somaliland ee jiida hore ee gobolka Sool. Ciidamadaan ayaa lagu sheegay tiradoodu inay gaareyso tobaneeyo, kuwaasi oo sitay saanadoodii millateri ee ay kala soo goosteen maamulka Puntland oo dagaal kala dhaxeeyo Somaliland. Saraakiisha iyo ciidamadaan kale ayaa waxa lagu wadaa in la mariyo nidaamka qarameynta ciidamada Somaliland, waxayna kamid noqon doonaan ciidamada ka howl-gala xuduuda Somaliland ee dhanka Puntland. Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa muddo badan ka dhaxeeya dagaal dhanka xadka ah, waxaana dhowr jeer dagaalo ku dhex-mareen deegaano ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya, oo ay isku hayaan gacan ku hayntooda. The post ‘Ciidamo horleh oo Puntland ka goostay oo is-dhiibay’ appeared first on Caasimada Online.
  23. Xukuumadda Puntland ayaa xalay baaq nabadeed ka soo saartay, colaad beeleed ka taagan degaanka Dhabar-dalool oo ka tirsan Gobolka Sool. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, ayaa qoraal uu soo saaray ku baaqay in shuruud la’aan lagu joojiyo colaadda ka aloosan Dhabar-dalool, islamarkaana labada dhinac ay nabadda ka shaqeeyaan. “Waxaan ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanka Dhabar Dalool ee gobolka Sool inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan gulufka colaadeed ee ka taagan halkaas, lagana wada shaqayeeyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa dhibaatada soo noq-noqotay ee sababtay dhimashada iyo dhawaaca.” Ayaa qoraalka lagu yiri. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay, iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan in la daadiyo dhiig qof Muslim ah oo sooman, taas oo uu ku tilmaamay mid ka baxsan diinta suubban. “Waa wax aad looga xumaado in iyadoo lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan la daadiyo dhiig qof Muslim ah oo sooman, taas oo ka baxsan diinteena suuban.” Ayuu sii raaciyay. Isimada iyo Culimada degaanka ayuu sidoo kale ku boorriyay, in loo istaago joojinta colaadda u dhexaysa labada beelood, oo marar kala duwan ka dhacday halkaas. “Waxaan ugu baaqayaa Isimmada, culimada, aqoonyahanka, dhallinyarada, haweenka iyo cid walba oo wax ka geysan karta sidii loo damin lahaa dhibkaas in ay kaalintooda nabadeed ka qaataan.” PUNTLAND POST The post Puntland oo baaq nabadeed ka soo saartay colaad beeleed ka aloosan Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  24. Madaxweynayaasha Masar iyo Jabuuti ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay, in la xalliyo muranka biya-xireenka Itoobiya ka dhisayso webiga Niilka, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka dowladda Masar. Labada madaxweyne oo khadka taleefonka ku wada-hadlay, ayaa isla gartay in xal deg deg ah loo helo murankan, si gobolka looga badbaadiyo xiisad siyaasadeed oo dhalisa colaad iyo xasilooni-darro. Madaxweynaha Masar, Cabdilfitaax Al-siisi ayaa u xaqiijiyay dhiggiisa waddanka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle in uu diyaar u yahay, in wada-hadal lagu dhammeeyo muranka biya-xireenka webiga Niil. Waxaase uu ku baaqay in marka hore Itoobiya joojiso buuxinta biya-xireenka, kadib wada-xaajood saddex gees ah ay isu’gu yimaadaan Masar, Suudaan iyo Itoobiya. Dadaalka madaxweynaha Jabuuti ee ku wajahan arrintan, ayaa ku soo beegmay xilli dhinacyada muransan ay quus ka taaganyihiin in ay heshiis gaaraan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jabuuti oo dhex-dhexaadinaya dalalka ku muransan webiga Niil appeared first on Puntland Post.