-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararkii u danbeeyay ee Muqdisho Ex-M/weyne Xasan Sheekh & Sheekh Shariif oo u guuray Xarumo Cusub”Aag Dagaal”+Midowga Musharaxiinta oo dooranaya M/weyne ku- meel-gaadha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka u guuray xarun uu ka sameystay degmada Kaaraan, gaar ahaan aagga Mirinaayo, oo ku taalla waqooyi-Bari Muqdisho, isla markaasna deriska la ah gobolka Shabeellaha Dhexe. Warar kale oo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinya in madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed uu dhankiisa xarun ka sameystay degmada Yaaqshiid, gaar ahaan xaafadda uu ka soo jeedo ee SiiSii, islamarkaana la filayo in uu maanta u guuro. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa isna isu diyaarinaya in uu isla maanta u guuro degmada Dayniile, halka Musharrixiinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdul Qaadir Cosoble iyo Daahir Geelle ay ku sugnaan doonaan deegaanadooda ku xeeran Garoonka diyaaradaha. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in musharixiinta mucaaradka ah ay u diyaar garoobeen tallaabo milatari oo ka dhan ah Farmaajo, haddii xalka beesha caalamka uu meesha ka baxo. Marka la eego afarta xarumood ee ay musharrixiintu degeen ayaa ah goobo istaraatiiji ah, haddii uu dagaal ka qarxo caasimadda, waxa ayna xusheen goobo ay taageerayaashoodu ku badan yihiin. Iibsiga hubka ayaa sare u kacayay Muqdisho labadii bil ee la soo dhaafay, iyada oo ay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ay billaabeen in ay is hubeeyaan, taas oo walwal badan ku abuurtay dadka caasimadda. Warar aan la xaqiijinin ayaa sheegaya in golaha badbaadada Qaranka ay qorsheynayaan in madaxweyne kumeel gaar ah doortaan oo muddo cayiman dalka doorasho ku gaarsiinaya, taas oo iska hor imaad ka dhalin karta Muqdisho Arrimahaan ayaa ugu wacan cabsi amni oo ka jirta magaalada Muqdisho kadib markii ay dowladda Soomaaliya sameysatay muddo korarsi Madaxweynaha iyo Golaha Shacabka ah iyo qalalaaso amni oo xalay magaalada ka dhacay. Qaran News
-
In a highly contentious move, Somalia’s president has extended his own term in office by two years, drawing condemnation from the United States and other allies who viewed it as a naked power grab that could upend faltering efforts to establish a functioning state in Somalia and defeat the insurgency by the extremist group Al Shabab. Source: Hiiraan Online
-
Malaayiin Muslimiin ah ayaa u gudo galay bisha soon waxayna ku soo dhaweeyaan Soon iyo Salaadd iyo cibaadooyin kale. Muslimiin ku tukanaya salaadda Taraawiixda masaajid ku yaalla magaalada Washington, ee dalka Mareykanka Dunida Muslimka ayaa laga Soomayaa iyadoo sannadkii labaad uu caalamka ka jiro fayaraska karoona oo xanibay waxyaabo badan oo ay ahayd in ay sameeyaan dadka Sooman ee Muslimiinta ah ee la xiriira cibaadada bishaan lagu wajaho. Soonku waa cibbaado bulshada Muslimiinta ah u horseeda degganaansho iyo Alle u dhawaansho sidoo kale dadka waxay dareemaan caafimaad maadama uu qofku Soomanyahay maalintii oo dhan. Sawiradaan ayaa ah kuwo muujinaya sida ay Muslimiinta dunidu u soomayaa bishaan Ramadaan ee bilowga ah. Waa qaar ka mud ah Muslimiinta dalka Indonesia Bishaan barakeysan ee Ramadaan waa bil khayr badan oo ay is caawiyaan dadka Muslimiinta ah. Dadka dhaqaalaha haysta waxay bixiyaan sadaqo badan oo ay siiyaan dadka masaakiinta ah ee aan wax haysanin. Sida shacabka magaalada Gaza ay u soo dhoweeyaan bisha barakeysan ee Ramadan. Soonku waa tiirka afraad, ee shanta tiir ee islaamka, waana waajib saaran qof kasta oo Muslim ah oo qaan gaar ah ee caafimaad ahaan awooda inuu soomo. Qofka wuxuu ka soomayaa cuntada, cabitaanka iyo galmada iyo wax kasta oo soonka buriya, laga bilaabo marka waagu dillaaco ilaa laga gaaraayo qoraxda marka ay dhacdo. Waa dalka Ciraaq iyo sida bisha Soon looga soo dhoweeyay. Dadkaan ka muuqda sawirrada waxay ku dabaal degayaan dalka Indonesia waana hab dhaqan u ah oo ay ku soo dhaweynayaan bisha Ramadaan Maadaama ay kala duwanyihiin wakhtiyada qaaradaha, bulsho walba Soonku wuxuu u bilowdaa wakhti, sidaas si la mid ahna waxaa la afuraa wakhtiyo kala duwan. Halkaan waa Masaajid ku yaalla gudaha dalka Pakistaan oo la buufinayo si looga taxadaro faraska karona Waxaa dhaqan u ah bulshada Muslimiinta ah, marka la gaaro bishaan Soon, in dadka ay wadaagaan cuntooyinka oo qoysaska ay afur u sameeyaan dad badan, kuwaas oo hal meel cuntada kuwada cuna. Balse hadda arrintaasi way adagtahay sababtoo ah waxaa jira xayiraadaha fayraska karoona oo aan saamaxeynin in dad badan hal meel la isugu keeno. Masaajid ku yaalla Washington Waa Muslimiin tukanaya Salaadda Taraawiixda Dalka Imaaraadka wuxuu dadka ugu baaqay in ay kala fogaadaan isla markaana aaney isku imaan oo aaney wadaagin cuntooyinka, si looga dheeraado faafitaanka cudurka karona. Waa wiilal da’yar oo aqrinaya Qur’aanka Kariimka ah gudaha Masaajid ku yaalla dalka Indonesia Waa araday ku tukanaya Masaajid ku yaalla Indonesia Dalka Bangladesh, dowladda ayaa ku dhawaaqday in hal toddobaad ay soo rogtay xayiraado adag oo si rasmi ah u dhaqangalay shalay, 14-kii April. Dad badan oo ku sugan suuq khudaarta lagu iibiyo, halkaani waa dalka Bangladesh Dad u dabaal dagaya bisha khayrka ee Ramadaan iyo magaalada qadiimiga ah ee Mosil ee dalka Ciraaq Carruur sawirro isaga qaadaya bannaaka magaalada Mosil ee dalka Ciraaq Ninkaan dhallinyarada ah ee ku sugan gurgiisa waxaa uu aqrinayaa Qur’aanka kariimka ah Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka u guuray xarun uu ka sameystay degmada Kaaraan, gaar ahaan aagga Mirinaayo, oo ku taalla waqooyi-Bari Muqdisho, isla markaasna deriska la ah gobolka Shabeellaha Dhexe. Warar kale oo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinya in madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed uu dhankiisa xarun ka sameystay degmada Yaaqshiid, gaar ahaan xaafadda uu ka soo jeedo ee SiiSii, islamarkaana la filayo in uu maanta u guuro. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa isna isu diyaarinaya in uu isla maanta u guuro degmada Dayniile, halka Musharrixiinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdul Qaadir Cosoble iyo Daahir Geelle ay ku sugnaan doonaan deegaanadooda ku xeeran Garoonka diyaaradaha. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in musharixiinta mucaaradka ah ay u diyaar garoobeen tallaabo milatari oo ka dhan ah Farmaajo, haddii xalka beesha caalamka uu meesha ka baxo. Marka la eego afarta xarumood ee ay musharrixiintu degeen ayaa ah goobo istaraatiiji ah, haddii uu dagaal ka qarxo caasimadda, waxa ayna xusheen goobo ay taageerayaashoodu ku badan yihiin. Iibsiga hubka ayaa sare u kacayay Muqdisho labadii bil ee la soo dhaafay, iyada oo ay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ay billaabeen in ay is hubeeyaan, taas oo walwal badan ku abuurtay dadka caasimadda. Warar aan la xaqiijinin ayaa sheegaya in golaha badbaadada Qaranka ay qorsheynayaan in madaxweyne kumeel gaar ah doortaan oo muddo cayiman dalka doorasho ku gaarsiinaya, taas oo iska hor imaad ka dhalin karta Muqdisho Arrimahaan ayaa ugu wacan cabsi amni oo ka jirta magaalada Muqdisho kadib markii ay dowladda Soomaaliya sameysatay muddo korarsi Madaxweynaha iyo Golaha Shacabka ah iyo qalalaaso amni oo xalay magaalada ka dhacay. The post Xog: Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo u guuray xaafado cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynayaashii hore Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif, Raysal wasaarihii Hore Xasan Cali Kheyre iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa go’aan ku gaaray in hakad lagaliyo ololaha Doorashada, taas badalkeedana ay iska kaashadaan Qaabkii Villa Soomaaliya looga saari lahaa Madaxweynaha Xilka kororsadey. Mudharixiintaan waxay kaloo isku raaceen in laga bilaabo maanta uusan Dalku lahayn wax Dowlad ah , Isla markaasna uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lumiyay Magiciisaa ahaa Madaxweynaha Dalka, Masuuliyiintaan waxay isku raaceen In Madaxweyne Farmaajo hada kadib loogu yeeri doono Hogaamiye Kooxeed. Ga’aankaan ay qaateen Musharixiintu kadib waxay bilaabeen in Ay ka Hiiraan Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha, waxayna u kala guureen Kaaraan, Hodan iyo Dayniile. Puntlandi.com Muqdisho The post Breaking News-Musharixiinta dhamaantood oo hakad galiyey Ololohii Doorashada appeared first on . Source
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa hogaaminayay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland ee Khamiislaha ahaa, Kulankaan ayaa ka duwanaa Kulamadii hore, waxaana la sugayay qaabka uu Madaxweyne Deni uga hadli doono Xaalada Muqdisho. Shirka oo Albaabada u laabnaayeen ayaa wararka ay Puntlandi.com helayaan, Madaxweynuhu wuxuu ku eedeeyay Madaxda Xilkoodu dhamaadey ee Federaalka inay Dalka galiyeen jahawareer Siyaasadeed oo ulakac loo sameeyey. Hadal kaftan ah ayaa Madaxweyne Deni uu yiri “Ninkii Kursigii waa laga fujin la’yahay”. Oo uu ula jeedey in Madaxweyne Farmaajo uu diidan yahay in Lala tartamo ama uu Doorasho aado. Madaxweynuhu wuxuu si faahfaahsan uga hadlindoonaa Arimaha Muqdisho Sabtida oo uu la hadli doono Baarlamaanka Puntland. Shirka Golaha Wasiirada waxaa maanta diirada lagu saaray Amaanka, Caafimaadka iyo Horumarinta, Wasiirada qaarkood ayaa warbixin kasoo gudbiyey Shaqooyinka wasaaradohoodu wadaan. Puntlandi.com Garowe The post Sawiro Madaxweyne Deni “Ninkii Kursigii waa laga fujin waayay“ Shirkii Golaha Wasiirada PL appeared first on . Source
-
Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa Masuuliyiinta Wakhtiga Kororsadey ku eedeeyay inay ka cararayaan Masuuliyada saaran sidaas awgeedna ujeedkiisu uu mar walba ahaa Wakhtiga oo ay kororsadaan. Talabaadaan ay qaadeen Masuuliyiintu waxay horseedaysaa burbur Dal iyo Daatuur ayuu yiri Cumar Cabdirshiid. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu sidaas ku sheegay Raysal wasaare Sharmaake. Puntlandi.com Internet The post Raysal wasaarihii hor CCC oo ku eedeeyay Madaxda Wakhtigiidu dhamaadey iney burburinayaan Dalka iyo Dastuurka appeared first on . Source
-
Taliyahii Ciidamada Bileyska Gobolka Banaadir ee Xukuumada Farmaajo Xilka ka xayuubiyeen balse isagu wali sheeganaya inuu yahay Taliyaha Sharciga ah Saadiq John wuxuu Xalay dabada gashaday Xaafada Shirkole oo Reerkiisu ku awood badan yihiin. Xukuumada Federaalka ee Wakhtiga kororsatay ayaa Ciidan dul dhigtay Xalay fiidkii Waxayna xireen Wadada gasha Shirkole, Mudo gaaban ka dib Ciidankii Dowladu Way isaga baxeen Waxayna ku laabteen Xeryohoodii. Waxaa soo baxay saaka in Waan waan uu hormuud ka ahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor lagu kala qaaday Ciidamadii is horfadhoyay. Laakiin Dhinaca Saadiq Joon Way beeniyeen in waan waan lagu kala tagay, waxayna ku tilmaameen In Villa Soomaaliya oo qarinaysa awood yarida Ciidamadooda ay Been abuurkaas sameeyeen, dhinaca Saadiq Joon waxay hoosta ka xariiqeen in wax waan waan ah aysan dhicin, Ciidamadii Farmaajo uu keenay Shirkole waxay arkeen Awooda Ciidamada taabacsan Janaraal Saadiq, tasaa keentay inay naftooda la caraysan. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa isna shaaciyey saaka in waanwaanta la sheegay aysan jirin. Puntlandi.com Muqdisho The post Xurguftii Xalay ee Shiirkole Ma waan waan Bay ku dhamaatay mise waa la isu awood sheegtay appeared first on . Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha mamaulka Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in Sabtida soo socota uu hortago baarlamaanka maamulkaasi, si uu khudbad ugu jeediyo. Xildhibaanada Puntland ayaa loo diray farriin, iyada oo lagu war-geliya inay soo xaadiraan kulankaasi oo uu ka qeyb-gali doono madaxweynaha maamulkaasi. Deni ayaa xarunta baarlamaanka ka jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka. Wararka ayaa sheegaya inuu si gaar ah diirada u saari doono burburka ku yimid wada-hadalladii arrimaha doorashooyinka ee ka socday magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa la filayaa in khudbaddiisa uu ku soo qaado go’aankii baarlamaanka ee muddo kordhinta loogu sameeyey hay’adaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Puntland ayaa horey uga hortimid tallaabada uu qaaday baarlamaanka Soomaaliya ee muddada labada sano ah loogu daray madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). The post Siciid Deni oo hortegayo baarlamaanka Puntland + ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (PP Editorial) — The political crisis in Somalia seems to have the potential to undo all that has been achieved in state-building since 2000. There is an emerging consensus that implementation of 17 September Agreement is the only way forward. Neither mandate extension nor renegotiation of the electoral model can yield results palatable to all political stakeholders. The International Community offered to act as a mediator. If the signing of the electoral agreement is all that remains to be done, the International Community could play the role of an observer. The Federal Government of Somalia Somalia should have accepted an observer role for the International Community; it is a middle way between the guarantor role demanded by Puntland and Jubaland, and the bystander role asked for by the Somali government. The political crisis raised the bar in Somali politics. For the first time since 1991 the political classes are promoting different governance models — the strong state model exemplified by the incumbent government, and the weaker state governance promoted by the alliance of the Somali opposition candidates under Council for National Salvation. Each model has a merit but neither solves the political inequalities embedded in the Somali electoral system. Currently, only three social groups are more influential under the 4.5 powersharing system on account of running a Federal Member State. This is the anomaly that the incumbent government exploits, causing accusations that it is encroaching upon the rights of ardent federalists such as Puntland and Jubaland. In 2012 Somalia ended the transition without clear rules in place to regulate powers of the Federal Government and Federal Member States. This problem will persist even after elections. There is no guarantee that a new government will not pursue centralist policies attempted by President Hassan Sheikh Mohamud but successfully applied, albeit in a limited scope, by President Mohamed Abdullahi Mohamed. Somali political leaders must grap the opportunity to agree the election schedule based on 17 September Agreement in the national interest of Somalia. © Puntland Post, 2021 The post The Middle Path to End the Somali Political Crisis appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland State President Said Abdullahi Deni will address Puntland Parliament on Saturday. President Deni returned from Mogadishu after the failure of electoral talks and controversial mandate extension for the Somali federal institutions. The parliament secretariat sent a message on the extraordinary session to MPs. Puntland President was in Mogadishu for electoral talks that collapsed following disagreements on the agendas. President Deni returned to Garowe after electoral talks collapsed. President Deni was conciliatory in an interview with Dalsan TV. He dropped the demand that non-stakeholders should participate in the electoral talks. Puntland Government has not issued a statement on the mandate extension for federal institutions justified on grounds to end the political uncertainty in the country. Sources close to Puntland State Government have told Puntland Post that President Deni would make an unconditional offer to sign 17 September electoral model, which might break the deadlock over elections if the Federal Government of Somalia resolves to return to electoral talks as demanded by Somalia’s International Partners. © Puntland Post, 2021 The post Puntland President to Address Parliament on Saturday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wareysi cusub bixiyey ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan go’aankii muddo kordhinta ee xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya. Gaas oo ra’iisul wasaare kasoo noday dalka ayaa marka hore shaaca ka qaaday inay sharci darro tahay muddo kordhinta loo sameeyey hay’adaha dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha iyo sidoo kale xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sheegay in go’aankan uu saameynayo dalka oo dhan iyo amniga Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. “Waa sharci darro waa go’aan qaldan oo waqti qaldan kusoo aaday waayo baarlamaanka, isaga ayaaba waqtigiisa dhamaaday in uu soo saaro ma aheyn go’aan dalka saameynaya oo amniga saameynaya, wax la aqbali karana maahan,” siyaasiga Cabdiweli Gaas. Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in xildhibaanada Soomaaliya looga baahnaa inay qaataan doorkooda saxda ah, isagoo ku eedeeyey inay la safteen hal dhinac. Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in muddada labada sano ah ee la kororsaday aysan ku qabsoomi karin doorasho qof iyo cod ah, iyadoo dagaalyahanada Al-Shabaab ay joogaan magaalooyinka Balcad iyo Afgooye ee gobollada Shabeelooyinka. Si kastaba Soomaaliya ayaa gashay xaalad cusub, kadib go’aankii muddo kordhinta baarlamaanka oo ay si weyn uga biyo diidan yihiin mucaaradka iyo beesha caalamka. The post GAAS oo shaaca ka qaaday saameyn ka dhalan karta go’aankii golaha shacabka appeared first on Caasimada Online.
-
Saacado colaadeed iyo isku dhex yaac kadib, waxaa saaka deggan xaaladda caasimadda Muqdisho iyada oo la sheegayo in la hakiyey weerar ay ciidamada dowladda ku qaadi lahaayeen taliyihii hore ee booliiska gobolka Banaadir Saadiq Maxamed John. Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor ayaa ku guuleystay inuu kala qaado ciidamo u dhowaa iney isku dhacaan, waxaana wararku intaas ku darayaa inuu John helay damaanad qaad la xiriira in aan lagu xad gudbin, uuna hoygiisa ku laabtay. Halkee Wax Bilowdeen? Xalay afurkii kadib ayaa mar uun la arkay taliye Saadaq John oo tikniko badan watay, oo ka guuray hoygiisa isaga oo aaday dhanka xerada Shiirkole ee waqooyiga Muqdisho, isaga oo halkaas ka sameysay saldhig iyo difaac, waxaa xigay ciidamo dowladda ah oo isgoysyo badan la dhigay. Ilo ku dhow Saadaq ayaa sheegaya inuu sidaasi sameeyey kadib markii uu ka war helay in weerar lagu yahay hoyga uu ka deganaa magaalada Muqdisho, iyada oo markaasi ka hor laga qaaday xilka, lagana xayuubiyey garaadihii. Yaa Garab siiyey Saadaq John? Marka laga soo tago shacabka Muqdisho, waxaa uu sidoo kale Saadaq gacan ka helay siyaasiyiin badan, oo ku baaqay in la difaaco Generaalka oo aan lala bixin. Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee aqalka sare Abshir Maxamed Axmed ayaa Facebook ku qoray sidan: Aniga oo ka duulaya metalaada dadweynaha deegaan doorasheedkegya iyo waajibka dastuuriga ee iga saaran ilaalinta xuquuqda aadanaha guud ahaan iyo gaar ahaanba waxaan ugu baaqayaa madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee u haliilaya daadinta dhiiga shacabka in uu ka waantoobo ku xadgudubka xuquuqda aadanaha iyo meel marinta dhagarihiisa qarandumisnimo. Guddoomiye Abshir oo sii hadlaya ayaa yiri ‘Waxaan sidoo kale u sheegayaa madaxweyne-hore Farmaajo in uu si shaqsi ah u qaado doono ha dhowaato hase dheeraatee mas’uuliyada qof kasta oo ku dhinta ama ku dhaawacma duulaanka sharci darada ah ee uu si aargoosi ah ugu beegsanayo Gen. Saadaq Cumar Xasan’. Wasiirka dekadaha Galmudud ahna xildhibaan golaha shacabka Saabir Shuuriye ayaa sida qoray ” Waxa aan codkayga ku biirinayaa waxgaradka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ugu baaqay madaxweynahii hore ee Soomaaliya Farmaajo in uu ka joogo daadinta dhiiga shacabka, Waxa aan xasuusinaynaa Farmaajo in Weerarka ay ciidanka uu sida gaarka ah u soo soocdey ku qaadeen deegaanka Shiirkole uu yahay mid la doonayo in lagu banaysto daadinta dhiigga maatida deegaan gaar ah. Wasiir Saabir oo sii hadlaya ayaa yiri ” Reer Shiirkole iyo beelweynta deegaanka Muqdishu waxaan ugu baaqayaa iney is difaacaan oo aan lagala bixin wiilkooda sharci darada darajadiisa looga qaaday hadana loo socdo dhiigiisa. Farmaajo flimkaan horaan u soo fiirsanay hadduu adiga ku dhaafay ee waxaad ka hesho waxba hanaga siin. Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa isna ka mid ahaa dadkii ka digay dagaalka waxaa uuna qoray ‘ Waxaa caaway magaalada Muqdisho laga soo sheegayaa dhaqdhaqaaq ciidan iyo argagixin xaafado shacab oo ka mid ah Muqdisho taasoo looga gol leeyahay in la weeraro Gen. Saadaq John oo la isugu daray laba maalmood gudahood in xilka laga qaado, garaadihii si sharciga baalmarsan looga rifay, saacadaana la rabo in la weeraro oo naftiisa iyo tan ilaaladiisaba iyo shacabka deegaanadaas ku noolba halis la geliyo. Dalka Soomaaliya waxaa burburiyey ku takrifal awoodeed iyo in ciidamada loo adeegsado si sharciga baalmarsan, amar qaldan oo dano gaar ah lagu fushanayana ayadoo la laynayo saraakiil iyo shacab intaba. Wasiir Fiqi ayaa hadalkiisa kusoo afjaray “Waxaan ciidamada la faray weerarka aan ugu baaqayaa in aysan qaadan amar qaldan isla markaana ay ka baaqsadaan in ay daadiyaan dhiig dhabarka u saaraya danbiyo lagula xisaabtami doono mustaqbalka aan dheereyn” . Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa isna Facboogga ku qoray “Caawo weerarka Farmaajo iyo kooxdiisa ay ku qaadeen Shiirkole waa fal sharciga baal marsan oo lagu qab jabinayo reerka uu ka dhashay Generaal Sadaq oo la doonayo in dhaxdooda lagala soo baxo. Aniga oo ah Xildhibaanka Genraal Sadaq waxaa dhammaan ugu baaqayaa inta aan ku matalo kursiga iyo Soomaalida xaq darada neceba in loo wada istaaago difaaciisa, hogaamiye kooxeedka Farmaajo ahna la tuso xadkiisa. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa isna waxaa uu qoray “Farmaajo caawa wuxuu u diray Gen Biixi oo ilmo adeer ay yihiin in uu weerar ku qaado Gen Saadaq Joon. Dagaal qabiilaysan weeye waxa caawa uu hurinayo Farmaajo. Waxaan ugu baaqayaa qaraabada in la iska difaaco Farmaajo iyo qowleysatada la socota. Saadaqna dhexdeena aysan kala bixin Farmaajo iyo ina adeerkiis Biixi”. Waxaa sidoo kale dadkii hadlay ka mid ahaa oo Saadaq John difaacay, isla markaana bulshada ugu baaqay in lala safto odeyaasha dhaqanka Habargidir iyo Imaamka Mudulood. Waanwaanka Madaxweynaha Galmudug: Ugu dambeyntii, iyada oo xaaladda ay kacsan tahay ayaa waxaa soo dhex galay madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor isaga oo u tagay Saadaq kadibna ku qanciyey labada dhinac in xaaladda la dejiyo, tiiyoo keentay in Generaalka lala galo heshiis ah in gurigiisa dib ugu laabto, lana nabad geliyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Mudane Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo u warramay warbaahinta ayaa ka hadlay xiisaddii u dhexeysay ciidamada dowladda iyo kuwa daacad u ah taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon), kuwaas oo xalay dhaq-dhaqaaqyo ka sameeyey qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Cali yare ayaa sheegay in xiisadaasi ay ku lug lahaayeen dad uu ku sifeeyay inay colaadda ku naaxaan, isla-markaana ay ku baaqayeen in dhibaato laga huriyo caasimadda. Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir ayaa sidoo kale tilmaamay in laga hortegay xiisadaasi, kadib dadaallo uu sameeyey madaxweynaha maamulka Glamudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ku baxay in la qaboojiyo xiisadaasi. “Waxaan halkaan ugu mahad-celinayaa madaxweynaha Galmudug… oo u caqli celiyay dhalinyaradii la doonayay in dhiigooda laga dhex abuuro fursad siyaadadeed, haatana si nabdoon oo xilkasnimo iyo xikmad leh ugu celiyay aqaladooda,” ayuu yiri Cali Yare Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray n wax colaad ama amni daro ah aysan ka jirin magaalada Muqdisho isla-markaana ay heegan ku jiraan ciidamada ammaanka. Ugu dambeyn Cali Yare ayaa ku baaqay in loogbaahanyahay in aan la siyaasadeyn amniga, maadaama uu yahay wax Ummadda wada leedahay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo saacadihii u dambeeyey la hadal-hayey warar soo baxay oo sheegayey in Saadaq Joon iyo ciidamadiisa ay dageen xaafadda Shiirkoole ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ka bilaabay dhaq-dhaqaaq ka dhan ah dowladda. The post Maamulka gobolka Banaadir oo war kasoo saaray xiisaddii ciidanka DF iyo Saadaq Joon appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - The atmosphere in Mogadishu is calm on Thursday morning after it was reported that there was a build-up of government troops on Mogadishu's busiest roads, especially in the Hodan district, late Wednesday evening. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Inta badan masaajidada Hargeysa kuyaala ayaa ganafka ku dhuftay awaamiirtii ku soo rogay masaajidada Hargeysa Wasiirka Diinta iyo Awqaafka Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed go’aankaasi oo qayb ka ahaa la dagaalanka fiditaanka xannuunka Covid-19 oo faro baas ku haya Shacabka Somaliland. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa maalintii Isniintii oo beegnayd April 14, 2021 oo ah maalintii ka horaysay Curashada Bishan Soon ee Ramadaan, waxa uu soo saaray awaamiir ku saabsan qaabka loogu tukunayo Masaajidada Hargeysa maadaama lagu jiro wakhti kala tagoornaan ah oo dagaal lagula jiro Fidista Cudurka Covid-19, awaamiirtaasi oo aad loosoo dhaweeyay. Wasiirka ayaa maalintaasi kulan balaadhan oo uu la qaatay imaamada maajidda Hargeysa waxa uu kala hadlay awaamiirtaasi waxaannu u soo jeediyay in Masaajiddu masuuliyad iska saaraan xakamaynta Cudurka Covid-19 iyo sida bulshada looga wacyigalin karo, waxa kale oo uu kala hadlay in Masaajidada gudahooda lagu fuliyo nidaamka kala fogaanta, isagoo qoraalo ku soo saaray awaamiirtaasi islamarkaana masaajid walba ugu dhejiyay gidaarka si ay u dhaqan galiyaan, bulshadana ugu qanciyaan inay Amar wasaaraddeed fulinnayaan. Nasiib daro, iyadoo geeriddu maalinta walba socoto, oo ay dadkeeni u dhimanayaan caabuqa Cudurka Covid-19, waxa ay inta badan Masaajidda Magaaladda Hargeysa ay ganafka ku dhufteen islamarkaana ay hal bacaad lagu lisay ka soo qaadeen go’aankii waxtarka lahaa ee Wasaaradda Diinta iyo Qaafta ee iskugu jirtay socod siinta Cibadda Alle ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo fayodhawrka bulshada si looga taxadiro masiiba cudurkan oo dunida faro baas ku hayo, islamarkaana Somaliland si baahsan dad badan ugu laynaya, kaasoo ka hortag mooyee aan ka daba tag lahayn. Dhinaca kale wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa lagu dhaliilaa inaanu maamul daadejin samaynin, siiba marka ay jiraan awaamiir noocan oo kale ah, oo u baahan in dabagal lagu sameeyo si ay u hirgalaan, iyadoo lagu dhaliilo inaanu wax kadaba tag ah samayn ismarkaana aanu si fiican uga wada warqabin masaajido badan oo Hargeysa kuyaala oo xiitaa aan ka xaadirin kulamada uu u qabto Maamulka masaajidada Hargeysa kuwaasi oo qayta ugu wayn hadda ka ah hirgalid la’aanta awaamiirtan. Sidoo kale, waxa keli ah uu Wasiirku ka warqabaa Masaajidada waa weyn oo aan illaa 20- masjid ka badnayn kuwaasi oo iyagu si fiican u qaatay awaamiirtii uu soo saaray, balse waxa looga baahan yahay Wasiirku inuu si deg deg ah uga war doon halka ku dambeeyeen Awaamiirtiisii iyo sida ay u hirgaleen. Si kasta ha ahaatee, waxa walii Somaliland laga soo sheegayaa kiisas badan oo ay dad ugu dhinteen cudurka covid-19-ka, iyadoo xaaladdu aanay wax is baddal ah lahayn wax cusub oo qorshe ahna xukuumaddu la iman. Source
-
Runtu fanto maaha eh kii Farmaajo si fiican buu u jiidhay nimankii ku haystay kursiga. Hadda waxay isku jiraan dawladihii waawaynaa ee reer galbeedka oo gaashaanka ku dhuftay muddo kordhintii dhinaca keliya ahayd. EUda ayaa sidii kale ka hor yimi. Waxa miiska saaran cunaqabatayno la saari doono Farmaajo, xubnaha shirgudoonka aqalka hoose ee Barlanka ansixiyay muddo kordhinta aan heshiiska lagu ahayn isla markaana uu diiday Aqalka Sare, iyo weliba madaxda dawlad goboleedyada ka tirsan Federaalka ee taageera go’aanka dhinaca keliya ah. Hadaba Farmaajo ma aqbali doonaa in laga noqdo muddo kordhintan dibna ugu soo noqdo wadahadaladii socday mise wuxu ku adkaysan mawqifkiisa ah “ faraha kala baxa arimaha gudaha ee Somaliya idinka maaha shaqadiina eh?”. Malahayga kuma adkaysan karo waayo caqligiisa ayuu qabaa. Hadiise uu ku adkaysto maxaa laga fili karaa xaaladda Somalia in ay ku dambayn karto? Tu walba ka yaab saw maaha iyo falaadhii cirka loo ganay nin walbow filo W/Q Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) Source
-
(SLT-Berbera)-Odayaasha iyo wax-garadka degaanada Bariga Saaxil ayaa ka hadlay xanuun halis oo dad baddan ay u geeriyoodeen, halka ay qaar kalen u jiifaan,waxaanay xuseen in xanuunkaas ay duunyo baddan u lee’atay,iyagoo ugu baaqay Xukuumadda iyo Wasaaradda Caafimaadka inay Gurmad deg deg ah loo fidiyo. Odayaashan ayaa sheegay inuu xanuunkani markii hore uu xoolaha ku dhacay, balse markii dambe uu u soo gudbay dadka,isagoo ilaa hadda ay geeriyoodeen sida ay sheegaan dad tiradooda ay dhantay 8 qof, halka ay sheegaan inay u jiifaan dad tiro baddan, waxaanay xuseen inuu xanuunkani yahay mid halis ah,isla markaana uu qofka uu ku dhacaan dhiig ka keenayo xaga hore iyo xaga dambe, kadibna uu geeriyoonayo. Waxaana kamid ahaa haddaladoodii kuwan:-“ Waa in si deg dag ah loo soo gaadhaa dhimashadda dadka dhintay waa 8 qof inta u jiiftaana wey baddan tahay,dadkaasi dhiig ayey hunqaacayaan,kadibna naftu wey ka baxaysaa xanuunkaas ilaa hadda lama sheegin wuxuu yahay.”ayey sheegeen Dhan kale odayaashan ayaa sheegay in xanuunkan uu laayey xoolo baddan waxanay ugu baaqeen Hay’ada ay khusayso ee Dowladda inay gurmad deg deg ah la soo gaadhaan“Waxaanu ka hadlaynaa odayaashayaddani xanuun ku dhacay degaanka Bariga Berbera, xanuunkaas waxa uu ku dhacay xoolaha wuu laayey Geel iyo Adhiba wuu laayey,ka bacdi wuxuu ku dhacay dadkii oo rag iyo dumar-ba leh in baddan oo aan la koobi karrina hadda wey u jiiftaa oo wey liitaan,waxa aanu codsanaynaa ciddii ay khusayso inay ka hawlgasho oo ay wax ka qabato oo la bad-baadiyo dadka iyo xoolaha ,waxaanu leenahay gurmad ayaanu u baahanay kan annaga na haya ayaa ka xun karoonaha qofka beerka ayaa digada noqonaya xaga hore iyo xaga dambeba dhiig ayuu ka sii daynayaa halkaas ayey ka baxaysaa.”ayey sheegeen Ugu Dambeyn odayaashan ayaan ugu baaqay Xukuumadda inay gurmad deg deg ah u fidiso dadkaas,“ Baaqaa waxa aanu u diraynaa Dowladda Somaliland ,waxaanu leenahay Berriga Berbera ee xeebta karrin iyo aagiisa dhambaco iyo laas muuse waxa ka jira xanuunkaas oo halis ah oo dad iyo duunyaba haya waxaanu u baahanay gurmad.” ayay baaqoodan ku yidhaahdeen dadka deegaanku iyaga oo arrinka cudurkan ka hadlaya. Source
-
A new meeting of the United Nations Security Council on Tigray in Ethiopia, where fighting continues, will be held Thursday at the request of the United States, AFP learned Wednesday from diplomatic sources. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullahi oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan khilaaf uu sheegay inuu soo kala dhex-galay isaga iyo guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Cabdi Xaashi ayaa shaaca ka qaaday in haatan aysan isku wanaagsaneyn isaga iyo guddoomiye Mursal, isla-markaana ay isku qabteen arrin sharci gaf ah. “Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka xiriir fiican hadda kama dhaxeeyo waxaana u sabab ah qodobo sharci gaf ah oo guddoomiyahaasi uu sameeyay ayaan anigu…. waayo sharci baan ku shaqeynaa sharci gaf uu ku shaqeynayo, dee ma jiro,” ayuu yiri Cabdi Xaashi Cabdullahi. Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray “in hal aqal uusan gaar u lahayn inuu sharci kaligiis ansixiyo”. Dhinaca kale guddoomiyaha Aqalka Sare oo hadalkiisa sii wata ayaa si adag uga hadlay go’aanka golaha shacabka ee muddo kordhinta, wuxuuna ku tilmaamay sharci darro. Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in sharci kasta oo baarlamaanka sameeyo ay waajib tahay in la horgeeyo labada aqal, kadibna loo sii gudbiyo madaxweynaha. “Qodobka 55-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya ku meel gaarka ah ayaa sheegaya inuu baarlamaanka Soomaaliya ka kooban yahay labo aqal oo kala ah Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. Waxaan idiin sheegayaa in sharci kasta oo baarlamaanka Soomaalida sameeyo waa inay labada aqalba ansixiyaan, Markii ay labada aqal ansixiyaan waa inuu madaxweynaha u tagaa oo uu saxiixaa,” ayuu markale yiri. Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday in dastuurka uusan siineyn baarlamaanka inuu kororsiimo sameysto ama u sameeyo madaxweyne, sida uu hadalka u dhigay “Hal midna ogaada, Dastuurku ma siinayo baarlamaanka inuu kororsiimo sameysto ama u sameeyo madaxweyne, iska daa inuu hal Aqal taas sameeyee labada Aqal xitaa xaq uma laha.” ayuu sii raaciyey. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaadkan xildhibaanada golaha shacabka ay muddo kordhin labo sano ku dhawaaqeen, taasi oo lagu qabanayo doorasho qof & cod ah. The post Muxuu salka ku hayaa khilaafka soo kala dhex-galay Cabdi Xaashi iyo Mursal? appeared first on Caasimada Online.
-
warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa looga jawaabay qoraalladii beesha caalamka ee ay kaga horyimaadeedn muddo kordhintii loo sameeyay Farmaajo. Waxaa lagu sheegay warsaxaafadeedkaan in golaha shacabka uu baabi’yay heshiiskii 17-kii Sebtember awooddana dib loogu celinayo shacabka. Halkaan ka akhriso warsadxaafadeedka Dowladda Somalia Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si aad ah uga xumaatay inay aragto hadallada bulshada ee qaar ka mid ah saaxiibbadeeda caalamiga ah iyo saaxiibbada muddada dheer ay ku marin habaabinayaan sharciyada ay soo saaraan hay’adaha dowladda ee lagu ilaalinayo xuquuqda dimoqraadiyadda ee shacabka ee ay ku dooranayaan hoggaankooda. Dadka Soomaaliyeed waxay u oomanaayeen fursad ay ku gutaan xuquuqdooda dimoqraadiyadeed oo ay ugu adeegsadaan awoodda codkooda doorashada hoggaamiyeyaashooda. In kasta oo maamulkani dadaal badan ku bixiyay himiladan, Sebtember 17th, 2020, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya waxay isku raaceen in la joojiyo hannaankaas oo la qabto doorasho dadban taa beddelkeeda. Sida ay dhammaantood goobjoog u ahaayeen sagaalkii bilood ee la soo dhaafay, labo ka mid ah toddobadii saxiixayaasha heshiiska 17 Sebtember 2020, oo kala ah hoggaamiyeyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland, iyagoo ku dhaqmaya cadaadis ba’an oo kaga imanaya saameynta shisheeye, waxay isku dayeen inay hakiyaan oo afduubtaan howsha iyagoo abuuraya dalab aan dhammaad lahayn iyo iyagoo ku baaqaya in la burburiyo hay’adaha dowliga ah ee qaranka. Khataraha ka dhalan kara luminta horumarka la sameeyay ilaa iyo hadda waxay ku kalliftay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka inuu ka doodo oo u codeeyo 12-ka Abriil 2021-ka si loo ilaaliyo hay’adaha dalka. Go’aankan waxaa si ballaaran u taageeray daneeyayaasha muhiimka ah ee siyaasadda dalka, oo ay ku jiraan Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo saddex ka mid ah shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah Federaalka, kuwaas oo kala ah Hirshabeele, Galmudug iyo Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed. Sida ku cad qodobka 47aad ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu awood u leeyahay inuu soo saaro sharciyo gaar ah oo qeexaya xeerarka khuseeya doorashooyinka heer federaal. Sidaa darteed, sharciga uu soo ansixiyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka 12-kii Abriil 2021 oo dhigaya in hal qof, hal-cod doorasho lagu hirgeliyo dalka ayaa meesha ka saaraya qorshe kasta oo horay loo gaaray, oo uu ku jiro heshiiskii 17-kii Sebtember 2020. Asal ahaan, sharcigani wuxuu dalka siinayaa fursad ay ku fuliyaan mid ka mid ah xulashooyinka ay soo jeediyeen Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEC), oo horay u soo saaray dhowr fursadood oo la fulin karo, oo ay ku jiraan khariidad lagu dhameystirayo doorashooyinka 13 bilood gudahood. In kasta oo aan ka mahadcelinno walaacyada saaxiibbadeen iyo saaxiibbadeenna caalamiga ah ee ku aaddan xasilloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya, haddana waa wax laga xumaado in markhaati laga noqdo u ololeynta mabaadi’da dimoqraadiyadda oo ka gaabinaysa taageeridda himilooyinka dadka Soomaaliyeed ee ah in ay ku dhaqmaan xuquuqdooda dimoqraadiyadda. Hadalada xanafta leh ee ay ku raran yihiin hanjabaadaha, ee wax u dhimaya madaxbanaanida siyaasadeed iyo xuquuqda madaxbanaan ee hay’adaha qaranka, waxay kaliya u adeegi doonaan dhiiragelinta ururada argagixisada iyo kuwa nabad diidka ah ee Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Hoosingow oo ka tirsan gobolkaasi. Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa, kaas oo geystay khasaare kala duwan, walow aan la cadeyn karin khasaaraha rasmiga ah. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka dhex-maray labada dhinac uu qaatay muddo saacado ah, isla-markaana meelo foog laga maqlayey rasaasta. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM iyo dhinaca dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda oo howl-gallo ka bilaabay halkaasi. Xoogaga Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada fariisimaha ciidamada huwanta ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka. The post Al-Shabaab oo weeraray saldhigga ciidamada Kenya ee Hoosingow appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisaddii xalay ka taagneyd qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee u dhaxeysay Jeneraal Saadaq Joon iyo ciidamo uu soo diray Farmaajo ayaa qabowday kadib dadaal uu sameeyey madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor, oo ay isku beel yihiin Saadaq. Wararka ayaa sheegay in Qoor Qoor uu ku guuleystay baajinta dagaal ka dhici lahaa xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan oo dhex-mari lahaa ciidamada Farmaajo iyo kuwa taliyihii hore ee ciidamada booliska ee gobolka Banaadir. Ciidamada dowladda ayaa lagu warramayaa inay hadda dib uga laabteen xaafadda Shiirkole oo uu weli Jeneral Saadaq Joon ku sugan yahay. Markii xalay ay soo baxday in dowladda ay qorsheysay weerar ka dhan ah Jeneral Saadaq, waxaa u gurmaday rag badan oo hubeysan oo ku beel ah, kadib dadaallo ay baraha bulshada ka sameeyeen xildhibaanada beesha Habar-gidir oo ku baaqay in la garab istaago. Waxaa sidoo kale lagu warramayaa in dowladda ay dareentay in cawaaqib xun uu ka dhalan karo weerarka Saadaq Joon iyo in qoryo laga wada qaato magaalada, taasi oo horseeday inaysan weerarka ku deg degin. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in Qoor Qoor uu ku qanciyey Jeneral Saadaq inuu dib ugu soo laabto gurigiisa oo ku yaalla agagaarka agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, oo uu markii hore deganaa. Si kastaba, Saadaq ayaa weli ku sugan Shiirkole, mana cadda goorta uu kasoo tegi doono inkasta oo uu aqbalay codsiga Qoor Qoor. Ma cadda sababta uu Qoor Qoor Saadaq ugu qanciyey inuu kusoo laabto agagaarka garoonka Muqdisho, iyo danta arrintan ugu jirta dowladda, waxaana dadka qaar ay ku macneeyeen shirqool la rabo in marka uu halkaas tago lagu weeraro, maadaama uusan ku heleen difaac la mid ah kan uu ku haysto Shiirkole. Ma cadda halka ay xaaladda ku dambeyn doonto iyo haddii Jeneral Saadaq uu ku laaban doono gurigiisa ku yaalla agagaarka garoonka Aadan Cadde. The post Xog: Xiisaddii u dhaxeysay ciidamada DF iyo Jeneraal Saadaq oo la qaboojiyey appeared first on Caasimada Online.
