Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan Ummadda Reer Koonfur Galbeed, gaar ahaan qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Allaha u naxariistee Malaaq Xasan Shurre Maxamuud. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xusay in Malaaqa uu ahaa hurmuud dhaqan, door muuqdana ka soo qaatay dib u heshiisiinta, adkeynta wadajirka iyo dadaalladii dib u dhiska dowladnimada. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileehi raajicuun Alle ha u naxariistee Malaaq Xasan Shure Maxamuud oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo xalay ku geeriyooday magaalada Baydhabo, malaaqa waxa uu astaan u ahaa saldanad dhaqan oo facweyn oo kaalin muhiim ah kaga jirtay wada noolaashaha bulshada Koonfur Galbeed iyo guud ahaan dalka” ayuu yiri Guddoomiye Maxamd Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Guudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Marxuumka Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Reer Koonfur Galbeed ee uu ka geeriyooday. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN View the full article
  2. Guddida kala saarista iyo soo xulista Murashixiinta Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiilada ee Xisbiga WADDANI ayaa ku dhawaaqay in ay soo gebo-gabeeyeen kala saarista iyo soo xulista Murashixiinta Golayaasha Deegaanka ee dalka JSL ee uga tartami doonna Xisbiga WADDANI. Guddoomiyaha Guddida Mudane Xil Cabdilqaadir Jirde ayaa warbaahinta u sheegay in ay maanta si rasmi ah u gunaanadeen howshii kala xulista musharrixiinta oo ay wadeen muddo ku siman 3 billod, isla markaana ay u mareen kala xulista hannaanka xeerka doorashada, xeer nidaamiyaha kala xulista iyo xeer hoosaadka Xisbiga WADDANI. Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Jabril Ibrahim Cabdulle oo kamid ah Murashaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan xasaasiya ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho. Kulankaan oo qaatay muddo saacado ah ayaa waxay kaga wada-hadleen labada mas’uul xaalada cakiran ee dalka iyo wada-hadalka doorashada ee la filayo inuu dhawaan qabsoomo, taasi oo caasimada u yimid madaxweynaha Puntland. Waxaa uu kulankaan qeyb ka noqonaya kulamo gooni-gooni ah oo uu Musharax Jabriil uu la qaadanayo dhamaan Siyaasiyiinta kala, Madaxda dowladda federalka ah, Maamul-gobaleedyadda iyo Bulshada rayidka ah. Jabriil ayaa u muuqda musharaxa keliya ee maalmihii u dambeeyay dadaal xoogan ugu jira sidii dalka uga dhici laheyd doorasho wada-ogol ah oo dhinacyada is-haya ay raali ku yihiin. Musharaxa oo kamid ah musharaxiinta ugu cad-cad ee u tartamaya xilka madaxweynaha ayaa waxa uu hore ugu baaqay inay tanaasul sameeyaan madaxda dowladda iyo kuwa maamulada, asagoona ka digay in danta gaarka ah laga hormariyo danta guud ee dalka. Kulankan ayaa kusoo aadaya xili ay meel adag mareyso xiisada doorashada oo ay isku hayaan dowladda federaalka, maamulada iyo midowga musharaxiinta, ayada oo uu dhamaaday muddo xileedkii sharciga ahaa ee dowladda.
  4. (SLT-Tel Aviva)-Ilo wareedyo ku sugan Telaabiib ayaa sheegaya in Netanyahu uu booqasho rasmi ah ku tagi doono Imaaraadka Carabta beri oo Khamiis ah, booqashadaasi oo u baaqatay khamiistii la soo dhaafay, sababo lagu sheegay Isfahan darro marinka safarkiisa kaga timid dhanka hawada Jordan. Sida uu daabacay Wargeyska Yediot Aharonot, Netanyahu ayaa sheegay in 4 waddan oo cusub oo ka tirsan kuwa Carab ay heshiisyo nabadeed la gali doonaan Israa’iil goor dhow, balse ma shaacin magacyada dalalkan. Khamiistii la soo dhaafay, Netanyahu oo adeegsanaya bartiisa Twitter-ka, qoraal uu luqadda Carabiga ku qoray ayuu ku sheegay in caqabadahii la xadhiidhay booqashadiisa Imaaraadka xal laga gaadhay, wuxuuna yidhi, “arrimahan sida muuqata waxay ka yimaadeen baajinta booqashadii Dhaxalsugaha Jordan ee Masjidka Barakeysan taasi oo ka dhalatay muran ka dhashay tallaabooyinka amniga ee la qaadayo.” Sarkaal sare oo Israa’iili ah ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in booqashadii Netanyahu ay u baaqatay sababo la xidhiidha diidmo ka timid Urdun taasi oo sida muuqato jawaab u ah is hortaagii ay maamulka Israa’iil ku sameeyeen booqashada dhaxalsugaha Jordan Xuseen bin Cabdullaahi ee Masjidka Al-Aqsa. Source
  5. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-1732021.mp3 View the full article
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka dhawaajiyay in la wado kala qeybin dhanka ciidamada xoogga dalka ah si loo ogaado sidey ugu kala daacadsan yahiin madaxweynaha muddo xileedkiisii dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qoraalka uu soo dhigay Mr. Warasme ayaa ku qotoma in la wado qaab lagu kala xulayo ciidamada daacadda u ah FARMAAJO iyo kuwa dabacsan, iyadoo ay jiraan qorsheyaal laga damacsan yahay. Wuxuu sheegay in qorshahaan ay udub dhexaad u yahiin taliyaha ciidanka xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo taliyaha ciidanka lugta Janaraal biixi. “Waxaan xog sugan ku helaynaa in Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) loo kala qeybinayo kuwo daacad u ah madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo kuwo shaki laga qabo. Taliyaha ciidanka Generaal Odawaa iyo taliyaha ciidanka lugta Gen. Biixi ayaa shaqadaas ku hawlan” ayuu Facebook kusoo qoray C/raxmaan C/shakuur. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu mar kale yiri: Ciidanka lagu tuhunsan yahay in aysan daacadda aheyn ayaa loo dirayaa furamaha dagaalka ee kooxaha argagexisada, halka kuwa la hubiyey daacadnimadooda loo diyaarinayo boobka doorashooyinka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiinta mucaaradka” Waxyaabaha uu sheegay iney qorsheynayaan oo ah boobka doorashada oo aan wali laga heshiin, waxaa ku lamaanan weeraro lagu qaado siyaasiyiinta mucaaradka ah iyadoo la ogyahay in 19-kii February weerar lagu qaaday madaxweynayaashii hore dalka Xasan Sheikh Maxamuud iyo Shariif Sheikh Axmed. Wuxuu talo usoo jeediyay taliska ciidanka xoogga dalka isagoo leh:”Waxaan uga digeynaa taliyaha ciidanka in uusan horseedin burburka ciidanka, kana saaro ku milanka siyaasada, waana in uu ogaadaa in waa lay amray aysan luquntiisa ka saari doonin danbiyada uu galo” Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xilli Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku sugan yahay xarunta Villa Soomaaliya wax ka badan hal bil isagoo muddo xileedkiisa dhamaaday, walina aan laga heshiin arrimaha doorashooyinka oo ay beesha caalamka gadaal ka riixeyso.
  7. Waxaa maalmihii tagay ka socday caasimadda Muqdisho wada hadallo iyo kulamo u dhaxeeyey madaxda maamul goboleedyada iyo musharaxiinta. Kulamadan oo bilowday markii uu yimid madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayey musharaxiinta sidoo kale si gaargaar ah ama si guud ula kulmeen madaxweyneyaasha maamul goboleedyada kale sida Puntland Saciid Deni, Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Hirshabelle Cali Guudlaawe. Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in laga dooday qodobbo badan oo ku saabsanaa xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha doorashada iyo sidii horay loogu socon lahaa. Wararka ayaa sheegaya in la isku afgartay Saddex qodob oo waaweyn Qabsoomidda Shirka: Si shirka doorashada aanu u fashilmin, midowga musharaxiinta ayaa ku guuleystay iney u kala dab qaadaan labada garab ee maamul goboleedyada, iyaga oo ku qanciyey in meesha laga saaro kala shakinta iyo doodda la geliyey meesha uu shirka ka dhacayo iyo dhexdhexaadinta beesha caalamka, horayna loo socdo. Waxaana lagu heshiiyey in shirka uu ka dhaco Afisyooni iyada oo ay kasoo qeyb galayaan dhammaan dhinacyada maamul goboleedyada. In Farmaajo Laga Wareejiyo Amniga iyo Doorashada: Waxaa shirarkaasi lagu heshiiyey in madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu wareejiyo amniga iyo doorashooyinka, isla markaana lasoo celiyo booliiska hore, oo ay doorashada kala shaqeeyaan AMISOM, xukuumadda Rooble iyo madaxda maamulka goboleedyada ay qaadataan kaalintooda arrimaha doorashada. Waxaa kale oo la isku afgartay in Farmaajo uu saxiixo warqad uu ku laalayo awoodaha madaxweynaha ee hadda uu isticmaalo wixii ka dambeeyey February 8. Tanaasulka Musharaxiinta: Dhanka kale, wararka ayaa intaas ku daraya in midowga musharaxiinta ay ku war geliyeen maamul goboleedyada in ay iska dhaafi karaa kaqeybgalka shirka haddii cabashadooda miiska wada hadallada la geynayo, oo ay ka mid tahay in la ciqaabo taliyeyaashii ku lug lahaa weerarkii February 19, amniga doorashada iyo arrimo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Wararka PP) — Farriin Twitter ah oo ku saabsan kulan dhexmaray Safiirka Cusub ee Biritayn Kate Foster iyo Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa muran abuurtay.“Waxaannu ka wada hadalnay arrimmo muhiim u ah UK iyo Hirshabeelle” ayay Kate Foster ku xustay farriinta ku saabsan kulanka. Safiir Kate Foster farriinteedu waa mid baalmarsan anshaxa diblomaasiyadda Dad badan waxa ay isweyddiiyeen sida Safiirka ereyada u dooratay. “Gef erey doorasho ah ayaa ka muuqda farriinta safiirka. Biritayn waa dal. Soomaaliya uun bay arrimmaha labada dal kala hadli kartaa” buu yiri Daahir Cismaan, oo ahaa diblomaasi Soomaaliyeed. Dalka Biritayn wuxuu kaalin horseed ah ku lahaa gabogabayntii xilligii kumeelgaarka. Safiirkii hore ee Biritayn Ben Fender ayaa xubno ka tirsan xisbiyada siyaasadeed ee Soomaaliya u sheegay 2018kii in “Brexit ay aad u saameysay kaalinta Biritayn.” Midowga Yurub ayaa hadda maalgelinta ugu badan dhanka dib u habaynta kaabayaasha siiya Soomaaliya. “Farriinta Safiirka Biritayn waxay la mid tahay farriintii Gavin Williamson oo ahaa Wasiirkii Gaashaandhigga Biritayn uu 2019kii ku sheegay “inuu wadahadal dhexmaray dalalka Biritayn iyo Somaliland” mar uu booqanayay Hargeysa. Dhowr daqiiqadood kaddib ayuu tirtiray farriinta. © Puntland Post, 2021 The post Farriin Safiirka Cusub ee Biritayn Ku Qortay Twitter oo Muran Dhalisay appeared first on Puntland Post.
  9. LONDON: The UK announced on Monday that four more countries, including three Arab states, will be added to the country’s coronavirus “red list.” Travelers from Oman, Qatar and Somalia will be refused entry to the UK from Friday. People with British or Irish passports, or those with the right to stay long-term in the UK, will be exempt, but will be forced to quarantine in a hotel for 10 days on arrival. The measures, the British government said, “will help to reduce the risk of new variants — such as those first identified in South Africa and Brazil — entering England.” “From 4am on Friday 19 March 2021, visitors who have departed from or transited through these countries in the previous 10 days will be refused entry into England. Only British and Irish citizens, or those with residence rights (including long-term visa holders), will be allowed to enter and must stay in a government-approved facility for 10 days.” the government says. “During their stay, they will be required to take a coronavirus test on day 2 and day 8.” The new measures will take effect from 4 a.m. on Friday. The new additions to the list mean that four Arab states are now on Britain’s red list: Oman, Qatar, Somalia and the UAE, which was added in January.
  10. Ra’iisul Wasaaraha Qatar Shiikh Khaalid bin Khaliifa bin C/Caziiz Al Thaani ayaa xafiiskiisa Ku qaabilay Wasiirka Amniga Soomaaliya, Xasan Xuntubey Jimcaale, waxa ayna ka wada hadlen kaashiga amniga ee laba dal ee Soomaalia iyo Qatar. “Waxana aan ka wada hadalnay is kaashiga amniga ee laba dal ee Soomaalia iyo Qatar, anigoo kaga mahadceliyay tageerada dowlada Qatar ay la garab taagantahay shacabka iyo xakuumada soomaaliya,”wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale. Wasiirka Amniga ayaa maalmahan ku sugnaa dalkaas ayaa la kulmay mas’uuliyiin kala duwan isagoo kala hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac gaar ahaan nabad geliyada. View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada ee ka howl-gala gudaha xarunta madaxtooyada ee loo yaqaano Koofiyada Casta ayaa xalay saq-dhexe howl-gal qorsheysan ka fuliyey xaafadaha ku dhow Villa Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in si gaar ah howl-galka loogu qaaday degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere, gaar ahaan guryaha ku dhow dhismaha madaxtooyada. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamadu ay gudaha u galeen xaafadaha degmooyinkaasi, islamarkaana ay soo qab-qabteen dad u badan dhalinyaro. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhalinyaradaasi la’isugu keenay hal goob, kadibna lagu sameeyey baaris, iyada oo qaarkood lasii daayey, kuwa kalena la xiray. Illaa iyo hadda ma cadda waxa uu ahaa bartilmaameedka howl-galkan, balse wararka qaar ayaa sheegaya in ujeedka howl-galka uu ahaa mid lagu xaqiijiyey ammaanka. Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa kordhiyey howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho oo ay ka dhacayeen falal liddi ku ah amniga, waxaana ugu dambeeyey weerarkii lagu qaaday xerada Xalane.
  12. Dooxa (Caasimada Onine) – Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale oo ku sugan Dooxa ayaa la kulmay ra’iisul Wasaaraha Qatar, ahna wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Sheekh khaalid Bin Khaliifa bin Cabdiaziiz Al Thaani. Labada mas’uul oo yeeshay kulan saacado badan qaatay ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan xoojinta xiriirka labada dalka ee Soomaaliya & Qatar. Wasiir Xundubey oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahad-celiyey Qatar taageerada joogtada ah ee ay siiyo dowladda federaalka & shacabka Soomaaliyeed. “Waxaana aan ka wada hadalnay iskaashiga amniga ee labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar, anigoo kaga mahad-celiyay taageerada dowlada Qatar ay la garab taagantahay shacabka iyo xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.” ayuu yiri wasiir amniga Soomaaliya. Xasan Xundubey oo maalmahan ku sugnaa dalkaasi Qatar ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumadda Dooxa Qatar ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo mashaariicyo kala duwan ka fuliso gudaha dalka.
  13. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday gogosha tacsida Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum Cali Mahdi Maxamed. Ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay ehelada Allah u naxariistee madaxweynihii hore Cali Mahdi, isagoo uga tacsiyeeyay. View the full article
  14. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan Umadda Reer Koonfur Galbeed, gaar ahaan qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Allaha ha u naxariistee Malaaq Xasan Shurre Maxamuud. Madaxweyne Cabdicasiis ayaa xusay in Malaaqu uu ahaa hurmuud dhaqan,door muuqdana ka soo qaatay dib u heshiisiinta, adkeynta wadajirka iyo dadaalladii dib u dhiska dowladnimada. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileehi raajicuun Alle ha u naxariistee Malaaq Xasan Shure Maxamuud oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo xalay ku geeriyooday magaalada Baydhabo,malaaqa waxa uu astaan u ahaa saldanad dhaqan oo facweyn oo kaalin muhiim ah kaga jirtay wada noolaashaha bulshada Koonfur Galbeed iyo guud ahaan dalka” ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya. Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Marxuumka Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Reer Koonfur Galbeed ee uu ka geeriyooday. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dugsiga tababarrada ciidamada boliiska Soomaaliya ee Jeneraal Kaahiye oo ku yaalla magaalada Muqdisho waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay ka bilaawday abaabulka dhalinyaro hor leh oo lagu biirinayo ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad. Dhalinyarada qoraneysa ciidankaas ayaa maalin kasta xaadirta dugsiga Jeneraal Kaahiye, waxaana qoritaanka ciidankaas barbar socda tababar maalin kasta gudaha dugsiga lagu siiyo intii loo qaatay inay ka mid noqdaan Haramcad. Saraakiil ciidan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in howshan uu gacanta ku hayo Taliyaha Haramcad Farxaan Qaroole, isla markaana uu qoritaanka ciidankaas si ku meel gaar ah uga bilaawday xerada Jeneraal Kaahiye oo ku talla degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir. Sarkaal u xog-waramay Caasimada Online ayaa muujiyey shaki la xariira sababta xilligaan ku soo beegtay qoritaanka ciidankaan ku biiraya Haramcad iyo hanaanka loo wajahayo dhismahooda. Ciidanka hadda howlgala ee Haramcad, waxaa tiradooda lagu qiyaasaa 900, waxaana tababaray Turkiga, waxaa hoggaamiya sarkaal lagu magacaabo Farxaan Qaroole, waxaana hanaanka ay u howlgalaan walaac badan ka muujiyey madaxda maamul goboleedyada qaar iyo midowga musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale saraakiisha aan wareysanay waxay muujiyeen inuu jiro mad-madow iyo daah-furnaan la’aan badan oo ka dhex muuqata qorshaha lagu kordhinayo ciidamada booliska gaarka ah ee Haramcad, oo marar badan lagu xagliyey in xukuumadda madaxweyne Farmaajo ay si gaar ah u adeegsato. Ciidanka Haramcad ayaa tan iyo markii lagu wareejiyey dowladda Soomaaliya waxay ka howlgaleen Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka, waxaana magaalooyinka la geeyey ka mid ah Jowhar oo ay bilo ka hor ka dhacday doorashadii Cali Guudlaawe, Beledweyne oo loo diiday inuu tago Cali Guudlaawe, Dhuusamareeb oo ay ilaaladii hoggaankii Ahlu-Sunna kula dagaalameen iyo magaalooyin kale. Habka ay u fuliyaan howlgallada iyo siyaasadda lagu maamulo ciidanka Haramcad ayaa shaki iyo wal-wal badan ku abuurtay mucaaradka dowladdan mudo xileedku ka dhamaaday iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka. Golaha Midowga Musharaxiinta oo dhawaan awood ciidan looga fashiliyey banaanbax nabadeed oo ay soo abaabuleen ayaa Turkiga uga dacwooday qaabka ay dowladda federaalku u adeegsaneyso ciidanka uu u tababaray ee Gorgor iyo Haramcad. Sidoo kale madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa khudbad uu bishii hore ka jeediyey Garowe waxa uu ku soo hadal qaaday qaabka ay u howlgalaan ciidanka Haramcad, isagoo ku tilmaamay kuwo manaxayaal ah oo si gaar ah uu u adeegsado madaxweyne Farmaajo, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhowr jeer soo hadal qaaday ciidankaan Haramcad, isagoo naqdinaya hadafka ay ku howlgalaan. Haramcad, inta badan waxaa hadda loo diraa oo ay ka howlgalaan goobaha ay ka taaganyihiin xaaladaha adag, sida weerarrada argagixiso. Sidoo kale waayihii dambe cutubto ka tirsan ciidankaan waxay sugayeen ammaanka injineerada iyo shaqaalaha dhisaya laamiga gaba-gabada maraya ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye. Al-Shabaab ayaa intii uu socday dhismaha laamigaas waxay geysteen weerarro badan oo ay ku bexeen askar, injineero, shaqaale kale iyo shacab intaba, balse waxaa Haramcad lagu ammaanaa in waayihii dambe ay aad xakameeyeen weerarradaas, kuwo badana ay fashiliyeen. Hoos ka eeg sawirrada dhalinyarada ku biireysa Haramcad
  16. (SLT- Stockholm)-Dalal badan oo ku jira Midowga Yurub ayaa hakiyey in ay sii wadaan talaalka Astra Zeneca waxaana dalalkaas shalay ku biirey dalka Iswiidhan. Wakaaladda Caafimaadka Dadweynaha ee Iswiidhan ayaa go’aansatay in nasasho laga galo talaalkaas illaa baadhitaanka ay Hay’adda Dawooyinka ee Yurub soo gebagebeyso baadhitaanka lagu tuhmayo talaalkan dhibaatooyin uu sababay. Hore waxaa u hakiyey dalalka Denmark, Norway, Jarmalka, Faransiiska iyo Irlandi iyo kuwo kale, waxay joojiyeen in dadkooda lagu talaalo talaalka AstraZeneca ee COVID-19, maadaama qaar ka mid ah dadka la tallaalay lagu arkey dhiig xinjirow. Dalka Iswiidhan, kiis la mid ah lama soo sheegin, laakiin hakinta waxaa loo sameeyay nabadgelyo ahaan. Sida laga soo xigtay khabiirka ku takhasusay cudurrada faafa ee dalka Iswiidan Anders Tegnell, go’aanka Sweden sidoo kale waxaa sabab u ah helitaanka nooc cusub, oo suurta gal ah in uu sababay. Hadda waxaa jira calaamado cusub oo ku saabsan nooc kale oo saameyn ah sida dhiig-baxa iyo wixii la mid ah. Waa saameyn aan caadi aheyn, waxaa jira kiisas faro ku tiris ah oo ka jira Midowga Yurub. Laakiin baadhis ayaa la bilaabay waxaana u maleyneynaa inay macquul tahay inaan hakino, ayuu yidhi Tegnell isaga oo la hadlay Radio Sverige. Wakaaladda dawooyinka Yurub ee loo soo gaabiyo (EMA) iyo maamulada caafimaadka ee dalal badan oo Yurub ah ayaa hadda baadhaya warbixinada la tuhunsan yahay ee waxyeelada dhiig xinjirowga iyo dhiigbaxa dadka lagu tallaalay Astra Zeneca ee Covid-19. Baadhitaanku wuxuu diirada saari doonaa warbixinnada la tuhunsan yahay ee waxyeelooyinka ee la helay maalmihii la soo dhaafay si loo go’aamiyo haddii uu jiro xidhiidh u dhexeeya tallaalka iyo kiisaska la soo sheegay ee Dhiig xinjirowga iyo weliba Dhiig baxa. Sida laga soo xigtay hay’adda EMA, wali ma jiraan wax muujinaya in tallaalku uu sababay xinjirowga dhiigga. Baadhitaan cusub ayaa la daabici doonaa Khamiista Astra Zeneca ayaa sheegtay inay ka war hayaan 37 kiis oo xinjirowga dhiigga ah ee dadka lagu tallaalay tallaalkooda. Kiisaska qaarkood waxay ahaayeen kuwo dilaa ah. Wadar ahaan 17 milyan oo qof ayaa lagu tallaalay tallaalka corona ee Astra Zeneca ee EU iyo UK. Si kale haddii loo dhigo, dad yar ayaa ku dhacay xinjirowga dhiigga oo ah saameyn dhinaca ah. Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo Wakaaladda Daawada Yurub ee EMA waxay ka wada hadlayaan tallaalka Astra Zeneca waxaana markii hore loo qorsheeyay in EMA ay faallo ka bixin doonto tallaalka Astra Zeneca ee la xidhiidha soo bandhigidda baadhitaankeeda Khamiista. Laakiin hadda EMA waa la beddelay waxaana la filayaa inuu faallo ka bixiyo tallaalka Astra Zeneca. Source
  17. (SLT-Jabuuti)-Dalka Jabuuti ayaa waxaa lagu wadaa in 9-ka bisha April ee sannadkaan 2021 ka dhacdo Doorashada Madaxtinimada dalkaas, iyada oo dhawaan si rasmi ah u furmayo ololaha doorashadaas. Diyaar-garowga doorashada ayaa si weyn uga socda Jabuuti, waxaana doorashada toddobaadyo kadib ka dhaceysa dalkaas, waxaana ku tartamaya Madaxweynaha tallada haya ee Ismaaciil Cumar Geelle iyo Musharax kale oo saaxada ku cusub. Liiska tartamayaasha ayaa waxa soo gudbiyay wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana ugu dambeyn saxeexaya Madaxweynaha tallada haya, waxayna u dhigan yihiin sidan; 1-Ismaaciil Cumar Geelle: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ahna Murashaxa Xisbiga PRP 2-Sakariye Ismaaciil: oo ah Murashax madax bannaan sida ku xusan Sooyaalkiisa. Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Madaxweynihii labaad ee Taariikhda Jamhuuriyadda Jabuuti soo maray tan iyo xornimadii Gumeystihii Faranasiiska oo haatan laga joogo muddo dhan 44-sano, kala badh waxaa hoggaanka u haya Madaxweyne Geelle. Geelle ayaa ku dooda inta badan inuu horumar balaadhan ka sameeyay Jabuuti tan iyo intii uu tallada hayay, wuxuuna dhowr jeer kalsooni ka muujiyay doorashada inuu kusoo bixi doono maadama horumar, waxqabad iyo hoggaan wanaag uu ka sameeyay Jabuuti Muddada 22-sano uu xilka hayo. Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa badanaa lagu eedeeya in aanu diyaar u ahayn inuu wareejiyo tallada dalka, islamarkaana uu sameeyo doorasho gacan ku rimis ah oo indhaha iskaga jeediyo bulshada, wallow uu iska fogeeyay eedeymahaas. Source
  18. Mogadishu (HOL) - The Somali government has praised the lawyers representing its case at the ICJ after the legal team concluded their first phase of oral arguments in the maritime dispute against Kenya. Source: Hiiraan Online
  19. (SLT-Washington)-Warbixin uu salaasadii shalay shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa lagu sheegay, in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay u badan tahay inuu si toos ah u amray, isku day lagu fara-geliyay doorashadi madaxtinimada Mareykanka ee sannadki 2020-kii. Warbixinta ayaa sheegeysa in Ruushka uu sameeyay isku day ah inuu fara-geliyo hannaankii doorashadi lasoo dhaafay, si uu ugu guuleysto madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, laakin sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay, in ugu dambeynti ayna dhicin saameyn wax ka baddashay natiijadi kasoo baxday doorashadi Mareykanka ka dhacday bishii November ee sannadki 2020-kii. Warbixinta oo ka koobneyd 15 bog isla markaana kasoo baxday xafiiska Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Qaranka ee Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in Iran ay isku dayday inay wiiqdo kalsoonida shacabka Mareykanka ee nidaamka codbixinta si ay u dhaawacdo in Trump mar kale uu kusoo baxo doorashadi Mareykanka ee sannadki hore. Washington ayaa lagu wadaa inay toddobaadka danbe cuna-qabateyn kusoo rogto Moscow, sababo la xidhiidha fara-gelintani la sheegay inay ku sameeysay doorashadi madaxtinimada ee Mareykanka ee sannadki 2020-kii. Source