-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Warar laga soo xigtay Saxaafada Maraykanka ayaa shaaca ka qaadey in dhowaan Maraykanku usoo magacaabi doono safiir Cusub Soomaaliya, kasoo badali doona Ambasador Donald Yamamoto. Safiirka Cusub ayaa lagu wadaa inuu noqdo Larry Edward André Jr. oo 2017 ilaa 2021 ahaa Safiirka Maraykanka u jooga Jabuuti, Ambasador Larry Andre wuxuu tanniyo 1990 kasoo shaqaynayay Arimaha Dibada, wuxuuna Shaqadiisa ugu badannkasoo qabtay Dalalka Jabuuti iyo Murotaaniya. Magacaabistiisa Soomaaliya waxay kusoo aadeysaa xili Soomaaliya ay gashay qalalaaso Soyaasadeed. Puntlandi.com Garowe The post Larry Edward André Jr. Safiirka cusub ee Maraykanka u joogi doona Soomaaliya appeared first on . Source
-
Dawladda Soomaliland, ayaa qoraal rasmi ah oo ay ka soo saartay xiisadda siyaasaddeed ee Soomaaliya, waxayna walaac kaga muujisay xaaladda hadda ka dhex taagan dawladda iyo mucaaridka. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Jamhuuriyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in Somaliland ka walaacsan tahay Xaaladda Soomaaliya ku sugan tahay inay waxyeeli karto Amniga guud ee Mandaqadda Geeska Afrika, haddii Nabadgalyo-darro iyo dagaallo sokeeye dhacaana ay Dad badan ku khasbi karto inay u qaxaan meelo Somaliland ka mid tahay. Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland ayaa sheegtay “Ismari-waagga siyaasaddeed ee maanta jira wuxuu caddeyn u yahay dulmiga, iyo hoggaaminta macangagga ah ee Taliska Farmaajo, oo khatar buuxda ku ah amniga iyo xasiloonida gobolka, taasi oo suurtogal ah in ay Soomaaliya geliso dagaal sokeeye oo hor leh oo laga yaabo in lagu khasbo kumannaan shacab ah in ay u barakacaan dalalka deriska ah oo ay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu sheegay Warka qoraalka ah ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland, kaasi oo intaa ku daray “Waxaanu ku adkanaynaa dowladaha deriska la ah Soomaaliya inay feejignaadaan oo ay ilaaliyaan nabadda iyo xasiloonida gobolka.” Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland oo keli-talisnimo ku eedaysay Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa lagu amaanay shacabka reer Muqdisho, kuwaasi oo Wasaaraddu ku sheegtay inay yihiin dad u adkaystay Xabadda Al-shabaab iyo kelitalisnimada Farmaajo. Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland waxa lagu bogaadiyey Golaha amaanka Qaramada Midoobay oo sii wada cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya “Waxaanu bogaadineynaa go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey ee ahaa in Cunaqabateynta Hubka ee saaran (Soomaaliya) lagu sii hayo.” Ayaa lagu sheegay qoraalka, kaasi oo intaa ku daray “Waxaanu beesha caalamka ka codsaneynaa inay laba jibaarto dedaalkeeda la socodka inaan hub dheeraad ah la keenin Soomaaliya xilliyadan.” Wasaaraddu waxay qoraalkeeda ku sheegay “Tan iyo markii ay dib ula soo noqotay qaranimadeedii, Jamhuuriyadda Somaliland waxay ahayd ilays dimuqraadi ah oo ka ifaya gobol, waxayna ku guuleysatay inay qabsato doorashooyin xor iyo xalaal ahaa oo is xig-xigay tan iyo 2002, si nabad galyo ah oo xukunka loogula kala wareegay, Mar labaad, 31-ka May, dadka reer Somaliland waxay u dareerayaan doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo baarlamaanka. Sidaa darteed, waxaan ka codsaneynaa Beesha Caalamka inay si toos ah ula macaamisho Jamhuuriyadda Somaliland oo ay wax ka kororsato waayo-aragnimadayada..” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ceeb iyo hadal hayn badan ayaa ka dhalatay kulan maanta Muqdisho ku dhex-maray wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Belel Cusmaan iyo safiirka Ruushka ee Soomaaliya iyo Jabuuti Michail Golovanov. Sawirrada kulanka oo ka dhacay garoonka Aadan Cadde, islamarkaana ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa waxaa ka muuqda calanka Netherlands, kaasi oo dowladda ay ku qaladay kan Russia. Waxaa durbadiiba baraha bulshada Soomaalida, iyo xitaa kuwa ajaaniibta qabsaday hadal haynta qaladka ka dhacay dowladda Soomaaliya iyo sida ay ku dhacday inay kala garan weyday labada calan ee Netherlands iyo Russia. Soomaalida qaarkeed ayaa dhacdadan u adeegsanayey ereyo ay ka mid ah yihiin “waa iska sidan marka xilka lagugu siiyo ilmo adeernimo,” ayaga oo ula jeeda in Belel ay isku beel yihiin Farmaajo, islamarkaana uu ka mid yahay shakhsiyaadka ugu dhow. Hase yeeshee fadeexadda ka dhalatay calanka waxaa ka weyn saameynta siyaasadeed ee kulanka iyo tallaabada ay dowladda u qaaday dhanka Ruushka, oo la rumeysan yahay inay kusii dhowaaneyso xilli ay kala furteen dalalka reer galbeedka ee Mareykanka iyo Yurub. Tallaabada ay qaaday dowladda ayaa muuqata mid uga jawaabeyso hanjabaadii Mareykanka iyo Midowga Yurub, islamarkaana ugu direyso farriin ah in haddii Mareykanka xiriirka u jaro inay soo dhoweysaneyso Ruushka oo ay xifaaltamaan. Caasimada Online ayaa 7-dii April qortay xog gaar ah oo ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay heshiis hoose oo muhiim ah la gashay dowladaha Shiinaha iyo Ruushka, oo qeyb ka ah waddamada leh codka awoodda qayixan ee golaha ammaanka ee QM. Labadaan dowladood ayaa Madaxweyne Farmaajo u ballan qaaday in ay is hortaagi doonaan qaraar kasta oo Soomaaliya ka dhan ah islamarkaana la horkeeno fadhigga golaha ammaaka. Soomaaliya ayaa la sheegay in taa beddelkeed ay Shiinaha iyo Ruushka u ballan qaaday iskaashi iyo in fursad wanaagsan laga siiyo tartanka gobalka ka socda oo dalalkaas muhiim u ah. Si kastaba, xitaa haddii Ruushka iyo Shiinaha ay dowladda ka hor-istaagaan qaraarada golaha ammaanka, waxaa xusid mudan in Mareykanka iyo Yurub ay saari karaan cunqabateyno iskood ah, maadaama dhaqaalaha caalamka oo idil ay inta badan ayaga maamulaan. The post Sawirro: Ceeb iyo hadal hayn ka dhalatay tallaabo ay DF u qaaday dhanka Ruushka appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa lagu wadaa in todobaadkan lagu dhawaaqo safiirkii badali lahaa Donald Yamamoto oo hadda safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ah. Sida ay CNN u sheegeen ilo muhiim ah, waxaa Muqdisho loo soo wadaa Larry Edward André Jr. oo dhashay 1961-dii, diblomaasiyaddana ku jiray 30-kii sano ugu dambeeysay. Waxaa ahaa safiirka Mareykanka ee Djibouti inta u dhaxeysay 2017 -2021. Waxaa kale uu horay Mareykanka u matalay Mauritania 2014 ilaa 2017. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa magaalada Muqdisho ka socda shir u dhaxeeya Madaxweynayaasha maamullaad Galmudug iyo HirShabelle iyo Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya. Kulankaan oo soo bilaawday afurkii kadib ayaa ka socda guriga Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor uu ka deganyahay magaalada Muqdisho, waxaana looga hadlayaa mudo kororsiga loo sameeyey hey’adaha dowladda federaalka. Kulankan oo ahaa mid horay labada dhinac ay ugu balameen, markii shirar gaar ah yeesheen ayaa la filayaa inay si wadajir ah go’aan uga gaaraan mudo kordhinta ay xildhibaanada Golaha Shacabka u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo HirShabelle ayaa laga sugayaa inay si cad u diidaan mudo kororsiga Madaxweyne Farmaajo, waxaana go’aankaas ku cadaadinaya muharaxiinta mucaaradka ah oo badankood ay isku heybyihiin. Habeeno ka hor warbaahinta dowladda ayaa lagu faafiyey warqad laga qoray Madaxtooyada, taas oo lagu muujinayey in seddaxda maamul goboleed ee taabansan dowladda federaalka ay taageersan yihiin mudo kororsiga, balse Galmudug ayaa dib ka beenisay ku lug-lahaanshaha warqadaas. Madaxweynaha Galmudug ayaa u muuqda mid aan ogoleyn mudo kororsiga Farmaajo, hadana waxa uu ku dhiiran la’yahay inuu cadeeyo mowqifkiisa, markii laga reebo in mar uu warbaahinta ka sheegay in uusan taageeri doonin mudo kororsi. Midowga Musharaxiinta ayaa labadan madax goboleed culeys ku saraya inay ka hor yimaadaan mudo kororsiga xukuumadda Farmaajo, taas oo hadii ay dhacdo noqoneysa tallaabo fududeysa in Madaxweyne Farmaajo laga hor istaago mudo kororsiga. The post Shir xasaasi ah oo u socda Qoor Qoor, Guudlaawe iyo musharaxiinta iyo go’aan la filayo appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la filayaa inuu maanta safiir cusub usoo magacaabo Soomaaliya, islamarkaana beddelo safiirka muddada dheer dalka u joogay ee Donald Yamamoto. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweyne Biden uu safiirka Soomaaliya u magacaabi doono danjire Larry André Jr., oo ah rug caddaa muddo badan ka shaqeynayey diblomaasiyadda. André ayaa ahaa safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay November 20 2017 illaa January 20, 2021, isaga oo ka horna ahaa safiirka Mareykanka ee Mauritania, muddadii u dhaxeysay 2014 illaa 2017. André waa diblomaasi rug caddaa ah, oo diblomaasiyadda ka shaqeynayey tan iyo 1990-kii, wuxuuna kasoo shaqeeyey sagaal howlgal dibadeed oo badankood ah Afrika. Magacaabistiisa André ayaa imaneysa ayada oo xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya uu aad u xun yahay, islamarkaana wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ay dhowaan ku hanjabtay tallaabooyin ay ka mid yihiin cunaqabateyn oo ka dhan ah madaxda dowladda federaalka kadib markii ay sameysteen muddo kororsi laba sano ah. Donald Yamamoto ayaa muddo lagu eedeynayey inuu aad ugu dhowaa dowladda federaalka kuna fiirsanayey qaladaad iyo xadgudubyo badan, inkasta oo markii uu xilka qabtay Joe Biden oo uu beddelay Trump 20-kii janaayo 2021, uu sameeyey isbeddelo u muuqday inuu dowladda si kulul ula macaamilayey. Dadka siyaasadda darsa ayaa rumeysan in magacaabista Larry André ay xilli xun ku imaneyso dowladda federaalka, maadaama uu yahay diblomaasi aaminsan dimoqraadiyadda iyo dhowrista xuquuqda aadanaha, oo cadaadis badan ay kala kulmi doonto. The post Xog: Biden oo maanta safiir cusub usoo magacaabaya Soomaaliya – Waa kuma? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay qoraal ay ugu yeereyso 6-eedeysane oo u badan ajaanib, kuwaas oo loo heysto inay ku kaceen falal basaasid ah oo ay faafiyeen xogo ku saabsan amniga Qaranka. Eedeysanayaasha kala ah: 1 –Matt Brydan 2 –Kheyre Cabdiraxmaan Raage 3 –Rashiid Cabdi 4 –Emmanuel Deisser 5 –Robison Colin 6 –David Hopkines Ayaa lagu war gelinayaa inay hor tagaan Maxkamadda gobolka Banaadir oo uu ka furanyahay gal-dacwadeed ciqaab ah oo ay ku muteysteen inay ku kaceen falal ay ka mid yihiin faafinta xogaha amniga Qaranka, sameynta basaasid siyaasadeed iyo mid ciidan, waxayna ku xadgudbeen shuruucda dalka, sida lagu sheegay qoraalkan. Afar ka mid ah ragaan waa ajaanib, halka labada kale ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed. “Maxkamadda gobolka Banaadir waxay fareysaa eedeysanayaasha kor ku xusan inay maxkamadda yimaadaan maalinta Sabtida ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 29-05-2021, si ay isaga difaacaan eedda loo heysto,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Maxkamadda gobolka Banaadir. Raggan dacwada laga gudbiyay waxaa ka mid ah Mitt Bryden oo ah agaasimaha hay’adda Sahan Research oo horay dalka looga mamnuucay, waxuuna mar soo noqday xiriiriyaha guddiga dabagalka cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea. The post DF oo dacwad kusoo oogtay lix qof oo isugu jira ajaaniib iyo Soomaali caan ah appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey goorta loo fariisanayo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka. “Qiimeyn iyo wadatashi dheer kadib, waxa ay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ku wargelineysaa dhammaan Bahda Waxbarashada in imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2020-2021 la geli doono 22-ka illaa 26-ka bisha 5-aad ee Maajo , 2021,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka. Qoraalka wasaaradda ayaa intaas ku sii daray, “Wasaaraddu waxay ku boorinaysaa dhammaan maamulayaasha dugsiyada in ay xil iska saaraan in arday kasta oo ka qeyb gelaya imtixaanka uu helo kaarkiisa agoonsiga iyo muraajaco ku filan ka hor xilliga imtixaanka.” Ugu dambeyntii qoraalka wasaaradda ayaa ardayda sanadkan geleysa imtixaanka loogu rajeeyey natiijo wanaagsan iyo horumar ay ka gaaraan imtixaankan shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2020-2021. Sanad dugsiyeedkii kan ka horeeyey ayaa lagu xasuustaa in imtixaankii dowlaadda ay ku dhaceen arday aad u badan, kuwaas tiradooda lagu sheegay 8,550 oo arday. 25.35% celcelis ahaan ayaa ku dhacday imtixaankaas, waxaana u fariistay 33,727 oo arday, 90% ardaydii ku dhacday imtixaankaas ayaa wax ku baratay gobolka Banaadir, taas oo abuurtay shaki iyo aaminaad darro weyn oo ay imtixaanaadka dowladda ka qaadeen dadka reer Muqdisho. The post DF oo shaacisay goorta loo fariisanayo IMTIXAANKA shahaadiga dugsiyada sare appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya Belel Cusmaan, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka waddanka Russia u fadhiya Soomaaliya iyo Jabuuti Ambassador, Michail Golovanov. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Wasiirka iyo Safiirka ay wada hadleen xiriirka labada waddan iyo xaaladaha siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika. Qoraalka waxa lagu sheegay, in Safiirku uga ka mahad celiyey Wasiirka qaabilaadda iyo soo dhoweynta uu u sameeyey, waxaana uu u sheegay in dowladda Russia diyaar u tahay wax la qabashada Soomaaliya. Kulanka labada mas’uul ayaa ku soo beegmay, xilli dowladda Soomaaliya ay cadaadis xoogan kala kulmayso dalalka Reer Galbeedka, kadib mudda kordhintii uu go’aamiyay Aqalka hoose ee Baarlamanka dalka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada-hadlay xiriirka labada dal appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Baydhaba ee gobolka Baay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta xukun adag ku riday Nin lagu soo eedeyay markii hore inuu dilay Hooyadiis. Maxkamada ayaa xukun dil ah ku ridey Mukhtaar Ibraahim Isxaaq oo dhawaan hooyadiis oo 70 jir ah ku diley magaalada Baydhabo, waxaana goobjoog ka ahaa xukunkaas oo maxkamadda ku sugnaa Eheladda Marxuumka. Axmed Sheekh Nuur Zaki, Garsooraha Maxkamadda Gobolka Baay ayaa ku dhawaaqay xukunka, wuxuuna sheegay in Mukhtaar Isxaaq ay hore usoo eedeysay xeer ilaalinta maxkamadda gobolka Baay, kadibna ay ku cadaatay inuu falkaas geystay. Sidoo kale waxa uu Garsooruhu sheegay in baaris dheer iyo qiraalka eedeysanaha oo Maxkamadda horteeda ka cadeeyay inuu dilay Hooyadiis Kheyrto Shariif Xasan, taasi oo loo cuskaday xukunka dilka toogasha ah. Dhacdadaan oo ah mid ugub ah ayaa waxa si weyn looga hadal hayey magaalada Baydhabo, ayada oo fajac iyo amakaag ku noqotay bulshada gobolka in Mukhtaar Ibraahim Isxaaq uu si bareer ah u dilay Hooyadiis. The post Nin hooyadiis ku dilay Baydhabo oo xun dil ah lagu riday appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Baydhaba ee gobolka Baay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta xukun adag ku riday Nin lagu soo eedeyay markii hore inuu dilay Hooyadiis. Maxkamada ayaa xukun dil ah ku ridey Mukhtaar Ibraahim Isxaaq oo dhawaan hooyadiis oo 70 jir ah ku diley magaalada Baydhabo, waxaana goobjoog ka ahaa xukunkaas oo maxkamadda ku sugnaa Eheladda Marxuumka. Axmed Sheekh Nuur Zaki, Garsooraha Maxkamadda Gobolka Baay ayaa ku dhawaaqay xukunka, wuxuuna sheegay in Mukhtaar Isxaaq ay hore usoo eedeysay xeer ilaalinta maxkamadda gobolka Baay, kadibna ay ku cadaatay inuu falkaas geystay. Sidoo kale waxa uu Garsooruhu sheegay in baaris dheer iyo qiraalka eedeysanaha oo Maxkamadda horteeda ka cadeeyay inuu dilay Hooyadiis Kheyrto Shariif Xasan, taasi oo loo cuskaday xukunka dilka toogasha ah. Dhacdadaan oo ah mid ugub ah ayaa waxa si weyn looga hadal hayey magaalada Baydhabo, ayada oo fajac iyo amakaag ku noqotay bulshada gobolka in Mukhtaar Ibraahim Isxaaq uu si bareer ah u dilay Hooyadiis. The post Nin hooyadiis ku dilay Baydhabo oo xun dil ah lagu riday appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Laascaanood)-Inta la ogyahay 5 qof ayaa ku dhaawacmay xiisad colaadeed oo ka dhalatay ceelka Dhabar-dalool oo tuulada Holhol ka tirsan, kaas oo dhawrjeer oo hore murankiisa la xaliyay. “Saaka ayaan warkan maqalay in ceelka laysku rasaaseeyey, waan tagnay waxaana ilaa hada wadnaa sidii aan colaada u hakin lahayn” sidaa waxa noo sheegay mid ka mid ah duqeyda degaanka Holhol ee gobolka Sool Qaar ka mid ah labada dhinac ee beelaha muranku sababay dhibaatada ayaa waxa ay eedaynta dusha ka saarayaan ta kale in ay bilawday, waxaana jira xeer aad u adag oo arrimaha noocan ah labada beelood ugu heshiiyeen kaas oo lagu magcaabo xeerkii Adhi-cadeeye sida ay odayaal dhowr ahi ii xaqiijiyeen. Dadka dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in laba ka mid ah ay ku dhaawacmeen delleedka Laascaanood kadib markii dabley jidka u gashay oo rasaas huwiyeen iyagoo ku sii jeeda dhinaca goobta wax ka dheceen. Dadkii dhaawucu soo gaadhey ayaa lagu dabiibayaa Laascaanood iyo Xuddun, waxaana la sheegayaa in badankooda dhaawacoodu aanu aad u cuslayn in kasta oo la sheegayo qaar liita. Source
-
(SLT-Ankara)-Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii weerar ku qaaday Raysal wasaaraha Talyaaniga Mario Draghi sababo la xidhiidha inuu ugu yeedhay “kaligii taliye,’ hadalladaas oo uu sheegay inay ahaayeen edeb darro. Draghi ayaa toddobaadkii tegay dhalleeceeyey habka uu Erdogan u marti-geliyey labada hoggaamiye ee ugu sarreeya Midowga Yurub, markaas oo madaxad guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen ay weyday kursi ay fadhiisato. Laba kursi oo lasoo dhigay halka ay ku kulmayeen ayaa waxaa kala fariistay Erdogan iyo madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Charles Michel. Saraakiisha Turkey ayaa diiday eedeynta dhacdadaas, ayaga oo sheegay in hab maamuuska ay sameeyeen ay ku salleeyeen amaro ay ka heleen Brussels. Kulan madaxeedkaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee dhex-mara Turkey iyo Midowga Yurub muddo sannad ah, ayaa hadalheynta ugu badan waxay noqotay dhacdada kursi ka’aanta ku dhacday Ursula von der Leyen, ayada oo loogu yeedhay “sofagate” ama fadeexaddii kursiga. Isaga oo weriyayaasha kula hadlayey Rome ayaa Draghi waxa uu yidhi “Waan ka xumahay bahdilka ay madaxweynaha guddiga kala kulantay kuwan. Aan ugu yeedhno waxa ay yihiin, kali-taliyeyaal.” Isaga oo markii ugu horreysay si rasmi ah ugu jawaabaya ayaa Erdogan wuxuu Arbacadii sheegay in hadalka Draghi uu halis geliyey xidhiidhka Turkey iyo Talyaaniga. “Hadallada kasoo yeeray Raysal wasaaraha Talyaaniga waxay ka dhigan yihiin xushmad darro buuxda, iyo edeb darro dhameystiran,” ayuu Erdogan ku yidhi muuqaal qeyb ka mid ah lasoo dhigay twitter-ka. “Xilli aan rajeeneynay in xidhiidhka Turkey iyo Italy uu gaaro meel wanaagsan, ninka loogu yeedho Draghi ayaa quusiyey xidhiidhkii.” Erdogan ayaa ku booriyey Draghi – oo uu xusay inuu yahay nin la magacaabay oo aanay shacab dooran – inuu dib u eego taariikhda Talyaaniga, isaga oo u muuqda inuu kala jeedo xukunkii fashiistaha ee kaligii taliyey Benito Mussolini. Hadallada Draghi ayaa sababay in Turkey ay saacad gudaheed ugu yeedho safiirka Talyaaniga ee Ankara oo ay ka dalbato sharaxaad ku aadan hadalka Raysal wasaaraha. Dhacdada kursiga ayaa sidoo kale fadeexad ka abuurtay Brussels, halkaasi madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Charles Michel lagu dhalleeceeyey inuu qaatay mid ka mid ah labada kursi, islamarkaana uu von der Leyen ku qasbay inay fadhiisto kursi yaalay meel fog oo ahaa sofa. AFP Source
-
Maxay tahay xarunta Niyukleerka Iran ee Natanz,iyo sirta shilalka ka dhaca? Sawirka dayax-gacmeedka ee xarunta nukliyeerka Nuznz ee kobcinta uraniumka Iran ayaa sheegtay in xarunta Nukliyeerka ee Natanz lagu soo qaaday “fal argagixiso nukliyeer ah,”. Wasiirka Arimaha Dibadda ee Iran Mohammad Javad Zarif ayaa wacad ku maray inuu Iran ay ka aargoosan doonto kuwii ka dambeeyay, isagoo farta ku fiiqay Israa’iil. Saraakiisha Iran waxay shaaciyeen in xaruntan ay cilad dhanka korontada ah ay ku timid Axadii. Israa’iil si rasmi ah wali uma sheeganin mas’uuliyadda dhacdadan, laakiin warbaahinta dalkaasi ayaa tilmaamtay in dhacdadan ay ka dhalatay weerar ka yimdi Israa’iil oo “dhanka internetka ah”. Sabtidii la soo dhaafay, Madaxweynaha Iran Xasan Rouhani ayaa xarigga ka jaray xarunta cusub, taas oo ah xarunta ugu weyn ee barnaamijka tayeynta uranium-ka ee Iran, xafladaasi oo si toos ah looga tebinayay telefishanka dowladda. waxaa lagama maarmaan ah inay soo saaraan uranium tayo leh, oo loo adeegsan karo soo saarista tamarta laga dhaliya nukliyeerka. Xaruntan ayaa horey waxaa uga dhacay dhowr shilal iyo weeraro, waxaana ka mid ahaa dab ka kacay sanadkii hore xarunta, mas’uuliyiinta Iiraan ee xilligaasna waxay ku sheegeen in uu ka dhashay “qalqal dhanka tiknoolajiyada ah”. Sannadkii 2010, xaruntaas, iyo xarumaha kale ee nukliyeerka Iran, waxaa lagu qaaday weerarro “dhanka internet-ka” ah. Weeraradan, ayaa waxay dhaliyeen barnaamij fayras adag oo loogu magac daray “Stuxnet” kaasi oo la galiyay kombiyuutarada xukumaya mashiinada si ay u kobciyaan uranium-ka xarunta Natanz, taasoo dhalisay in uu qal qal ku yimaado mashiinadana ayna is xakameyn waayaan. Xarunta beekhaaminta Yuuraaniyamka Iran Iran waxay leedahay dhowr xarumood oo nukliyeer ah iyo goobo qeyb ka ah hirgalinta hamigeeda barnaamijka nukliyeerka, sida: falceliyaha biyaha culus ee Arak, warshadda nukliyeerka Bushehr, macdanta Gashin uranium, warshad soo saarta uraniumka Isfahan, xarunta kobcinta uranium ee Fordo ee gobolka Qom , goobta militariga Parchin, iyo xarunta kobcinta uranium-ka ee Natanz. Warshadda beekhaaminta yuuraaniyamka ee Natanz ayaa ah xarunta ugu weyn ee lagu kobciyo uranium-ka ee Iiraan. Waxay ku taal deegaanka Natanz, ee gobolka Isfahan ee Iiraan. Warshaddu waxay tayaynaysay uranium-ka tan iyo bishii Febraayo 2007. Xaruntu waxay ka kooban tahay saddex dhisme oo waaweyn oo dhulka hoostiisa ah, oo awood-na u leh inay ka shaqeeyaan ilaa 50,000 ah mashiino kala soocaya waxyaabaha laga sameeyo niyukleerka. Xaruntan waxay ka mid tahay dhowr xarumood oo nukliyeer ah oo ay kormeerto wakaaladda quwadda atoomikada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo u hoganaansanaanta heeheshiiskii 2015, ay iran la galeen quwadaha waawayn. Heshiiskan nukliyeerka ee ay la gashay quwadaha waawayn ee caalamiga ah, Iran waxaa lagula heshiiyay inay joojiso howlaheeda Niyukleerka xarunta Natanz ilaa 2026, iyo inaanay ku samaynin wax tayeyn Yuuraaniyam ah xarunta dhulka hoostiisa ku taalla ee “Fordow” ilaa iyo 2031. Iraan ayaa arrintan ku badalatay in laga qaado cunaqabataynta dhanka dhaqaalaha ee saarnayd. Mid ka mid ah xarumaha Niyukleerka Iran Heshiiska ayaa dhigaya in Iiraan ay soo saarto oo kaliya Yuraaniyam heerkeedu aad u hooseeyo, taas oo heerka kobcinta ay u dhaxeyso 3 ilaa 4 boqolkiiba Yuraaniyam-, taas oo loo adeegsan karo soo saarista tamarta nukliyeerka. Yuraaniyamka loo adeegsado sameynta hubka wuxuu u baahan yahay kobcin dhan boqolkiiba 90 ama ka badan. Balse sanadkii la soo dhaafay ayaa waxay dowladda Iran billawday inay ka laabato balanqaadkii heshiiskaasi ka dib markii uu heshiiska ka baxay madaxwaynihii hore ee Mareykanka Donald Trump islamarkana uu cunaqabataynadii laga qaaday Iran dib ugu soo rogay. Bishii Nofeembar, Iran waxay sheegtay inay laba jibaarayso hormarinta barnaamijka niyukleerka ee xarunta . Sawir dayax gacmeed oo muujinaya howlaha xarunta Nukliyeerka Iran ee Natanz, Janaayo 2021. Saxiixayaasha quwadaha reer galbeedka ee heshiiska Nukliyeerka Iran waxay u arkaan talaabadan mid xadgudub ku ah waajibaadka Tehran ee heshiiska, taas oo u ogolaaneysa Iran inay soo saarto oo kaydiso tiro kooban oo uranium ah oo hodan ah si loogu isticmaalo sameynta warasho ku sahqeeya tamarta nukliyeerka si logu isticmaalo ujeedooyinka inay shacabka ka faaideystaan. Iran waxay dooneysay inay xoojiso xaruntan, iyadoo ku dhiseysa qeybaheeda muhiimka ah hoosta dhufeysyada culus ee dhulka hoostiisa. Dagaal qarsoon Weriyaha dhanka amniga ee BBC Frank Gardner, oo ka faaloonayay dhacdadii ugu dambeysay ee xarunta Natanz, wuxuu yiri: “waxyeelada soo gaartay barnaamijka nukliyeerka Iran iyo Iraan oo wacad ku martay in ay aargoosan doonto ay ku soo beegmayso iyada oo dhacdooyiinka isdaba-joog ah ay Iran iyo Israa’iil ku dhex mareen bariga dhexe. “Waxaa jiray qaraxyo aan la aqoon oo lala beegsaday markab islamarkana labada dal waxay is waydaarsadeen eedeeymo ah masuuliyadda weeraradan. Balse dhacdadii ugu muhiimsanayd ayaa ahayd dilkii Mohsen Fakhrizadeh oo maalin cad lagu toogtay bishii November, meel u dhaw magaalada Tehran. Waxaa Mohsen looga shakiyay in uu yahay ninka furaha u ah barnaamijka niyukleerka Iran. Waxaa Mohsen looga shakiyay in uu yahay ninka furaha u ah barnaamijka niyukleerka Iran. Ciidamada cirka ee Israa’iil ayaa dhanka kale waxay ka fuliyeen duqeymo dhanka cirka ah saldhigyo ay Iran ku leedahay Suuriya iyo goobo kale oo saraakiil Iran u dhalatay ay gacan siiyaan xoogagag Xisbulahi ee Shiicada ah. Wariyaha BBC ee arrimaha amaanka ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay “Israa’iil waxay halis u aragtaa in barnaamijka niyukleerka ee Iran oo ay inuu halis ku yahay jiritaankeeda , waxana ay doonaysaa in ay carqaladeyso amaba ay gabi ahaaanba joojiso. Qaran News
-
Source
-
Dagaal Afka ah oo ka dhashay Kursi oo ka dhex Qarxay Laba Madaxweyne oo Yurubiyan ah Recep Tayyip Erdogan and Mario Draghi Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii weerar ku qaaday ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Mario Draghi sababo la xiriira inuu ugu yeeray “kaligii taliye,’ hadalladaas oo uu sheegay inay ahaayeen edeb darro. Draghi ayaa toddobaadkii tegay dhalleeceeyey habka uu Erdogan u marti-geliyey labada hoggaamiye ee ugu sarreeya Midowga Yurub, markaas oo madaxad guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen ay weysay kursi ay fariisato. Laba kursi oo lasoo dhigay halka ay ku kulmayeen ayaa waxaa kala fariistay Erdogan iyo madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Charles Michel. Saraakiisha Turkey ayaa diiday eedeynta dhacdadaas, ayaga oo sheegay in hab maamuuska ay sameeyeen ay ku salleeyeen amaro ay ka heleen Brussels. Kulan madaxeedkaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee dhex-mara Turkey iyo Midowga Yurub muddo sanad ah, ayaa hadalheynta ugu badan waxay noqotay dhacdada kursi ka’aanta ku dhacday Ursula von der Leyen, ayada oo loogu yeeray “sofagate” ama fadeexaddii kursiga. Isaga oo weriyayaasha kula hadlayey Rome ayaa Draghi waxa uu yiri “Waan ka xumahay bahdilka ay madaxweynaha guddiga kala kulantay kuwan. Aan ugu yeerno waxa ay yihiin, kali-taliyeyaal.” Isaga oo markii ugu horreysay si rasmi ah ugu jawaabaya ayaa Erdogan wuxuu Arbacadii sheegay in hadalka Draghi uu halis geliyey xiriirka Turkey iyo Talyaaniga. “Hadallada kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha Talyaaniga waxay ka dhigan yihiin xushmad darro buuxda, iyo edeb darro dhameystiran,” ayuu Erdogan ku yiri muuqaal qeyb ka mid ah lasoo dhigay twitter-ka. “Xilli aan rajeeneynay in xiriirka Turkey iyo Italy uu gaaro meel wanaagsan, ninka loogu yeero Draghi ayaa quusiyey xiriirkii.” Erdogan ayaa ku booriyey Draghi – oo uu xusay inuu yahay nin la magacaabay oo aanay shacab dooran – inuu dib u eego taariikhda Talyaaniga, isaga oo u muuqda inuu kala jeedo xukunkii fashiistaha ee kaligii taliyey Benito Mussolini. Hadallada Draghi ayaa sababay in Turkey ay saacad gudaheed ugu yeerto safiirka Talyaaniga ee Ankara oo ay ka dalbato saraxaad ku aadan hadalka ra’iisul wasaaraha. Dhacdada kursiga ayaa sidoo kale fadeexad ka abuurtay Brussels, halkaasi madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Charles Michel lagu dhalleeceeyey inuu qaatay mid ka mid ah labada kursi, islamarkaana uu von der Leyen ku qasbay inay fariisto kursi yaalay meel fog oo ahaa sofa. Qaran News
-
Hyderabad: A Hyderabad woman, who was allegedly held captive and tortured in Somalia by her husband since 2017, was rescued and the High Commission of India in Kenya helped her travel back to India. Source: Hiiraan Online
-
The old hostility to African immigrants by sections of South Africa has reared its ugly head again. In recent days, immigrant spaza shop (kiosk) owners, mostly Somalis, have been driven out of Atlantis, in South Africa’s Western Cape. Source: Hiiraan Online
