-
Content Count
212,796 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidammada Difaaca Isra’iil ayaa sheegay in lal beegsaday seddex gantaal oo laga soo tuuray dhanka Suuriya kuwaas oo aanay sheegin qasaaraha ka dhashay. Qoraal ay soo dhigeen barta Twitter-ka ayay ku sheegeen magalooyin ay ku sugnayeen Ciidamadadooda ay ku dhaceen tiro Gantaallo ah balse ay ka gaabsadeen in ay faafaahin ka bixiyaan. Warbaahinta Yahuudda ayaa ku warantay in qaar kamid ah Gantaalladan ay ku dheceen dhul banaan, iyaga oo aan geeysan wax qasaara ah. Wali ma cadda cida ka dambeysay gantaalladan lala beegsaday Isra’iil. Dagaalada u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Isra’iil ayaa hadda ku fiday degaano ka mid ah Daanta Galbeed, iyadoo la sheegaya in 10 qof oo Falastiiniyiin ah ay dhinteen weeraradii ugu danbeeyay. Ugu yaraan 122 qof oo ay caruur ku jirta ayaa lagu dilay Qasa, halka tiro ku dhaw 100 qof loga dilay Israa’iil tan iyo markii Isniintii uu dagaalka billowday. PUNTLAND POST The post Tiro Gantaallo ah oo lagu weeraray Ciidamada Isra’iil appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Faransiiska, ayaa mamnuucday bannaanbaxyada lagu taageerayo dadka Reer Falastiin ee duqaymaha iyo weerarada kala kulmaya ciidamada Israa’iil. Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa sheegay in uu booliiska ka dalabaday in ay mamnuucaan dibad-baxyada lagu taageerayo Falastiin, kuwaas oo la filayo in ay toddobaadkan ka dhacaan meelo ka mid ah Faransiiska. Dibad-baxayaashan ayaa ka soo horjeeda duqaymaha ka socda dhulka Falastiiniyiinta ee go’doonsan ee Qudus iyo Daanta Galbeed. Darmanin ayaa warbaahinta u sheegay in uu madaxa booliiska ku amray in la joojiyo dibad-baxyadaas, hase yeeshe ururada u dhaqdhaqaaqa arrimaha Flastiin ayaa sheegay in aanay dhag jalaq u siin doonin hadalka wasiirka. PUNTLAND POST The post Faransiiska oo mamnuucay bannaanbaxyada lagu taageerayo dadka Reer Falastiin appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowlada Puntland Mudane Saciid C/llaahi Deni ayaa gaaray caasimada dalka Kenya ee Nairibi. Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Nairobi waxa uu kulamo la qaadan-doonaa hay’ado iyo Safaarado Soomaaliya ka taageera dhanka horrumarinta iyo gargaarka bani’aadanimada, kuwaas oo uu fadhigoodu yahay magaalada Nairibi, wuxuu kaloo la kulmayaa siyaasiyiinta iyo Jaaliyada Puntland ee ku dhaqan dalka Kenya. Madaxweynaha ayaa Nairobi kaddib, waxaa lagu wadaa inuu usii kici timo magaalada Muqdisho oo asbuuca soo socda la filayo inuu ka dhaco shir khuseeya arrimaha doorashooyinka dalka, shirkaas oo uu horay uu ugu baaqay Raiisal wasaare Roobe. Puntlandpost.com The post Madaxweyne Deni oo gaaray magaalada Nairobi appeared first on Puntland Post.
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jabuuti, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen dhiggiisa Jabuuti Maxamed Cabdulqaadir Kaamil, wasiirro iyo mas’uuliyiin kale. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka qeyb galaya caleemo saarka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo dhowaan markii shanaad loo doortay inuu shan sano oo kale hoggaamiyo Jabuuti. Safarka Rooble ayaa yimid kadib markii madaxweyne Farmaajo uu ka baaqday caleemo-saarka Ismaaciil Cumar Geelle. Ma cadda in Farmaajo uu diiday ka qeyb-galka iyo inaan lagu casuumin, hase yeeshee ka qeyb-galka Rooble ee caleemo-saarka ayaa muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka ka dhex-oogan Farmaajo iyo dowladda Jabuuti. Khilaafkan ayaa kasoo billowday markii 2018-kii uu Farmaajo xulufo siyaasadeed la sameystay Eritrea oo haysata dhul ay Jabuuti leedahay, taasi oo aad ay uga xumaatay Jabuuti in madaxweyne Soomaaliyeed uu la safto dal haysta dhul Soomaaliyeed. Wuxuu khilaafka sii xoogeystay markii dowladda federaalka ay ku eedeysay guddigii ay Jabuuti hoggaamineysay ee IGAD ay u dirtay xadka Soomaaliya iyo Kenya inay la safteen Kenya, taasi oo Jabuuti ay beenisay. Kadib dowladda federaalka ayaa soo saareysay qoraallo iyo hadallo ay jeedinayaan mas’uuliyiin oo lagu weerarayo Jabuuti, ayada oo lagu eedeynayo inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Jabuuti ma bixin jawaab aan aheyn inay eedahaas iska fogeyso, mana jirin wax dhaliilo ah ama camaabreyn ah oo ay u jeedisay dowladda federaalka. Ka baaqashada Farmaajo ee caleemo-saarka Geelle, xilli uu dhowaan kasoo laabtay midkii Yoweri Museveni ee Uganda ayaa muujineysa in xiriirka Farmaajo iyo Jabuuti uu meel xun gaaray iyo inaysan la qabin madaxda kale ee dowladda federaalka. Farmaajo ayaa marar badan lagu eedeeyey inuu dagaalka siyaasadeed ee Kenya iyo Jabuuti u adeegsado dano siyaasadeed oo gudaha ah. Inkasta oo dagaalka Kenya aan qeylo badan ka iman, haddana midka Jabuuti aad ayey u diideen shacabka Soomaaliyeed, iyo xitaa xubno ka tirsan dowladda. The post Socdaalka Rooble oo muujiyey heerka uu gaaray khilaafka Farmaajo iyo Jabuuti appeared first on Caasimada Online.
-
Kenya has allowed two aircrafts to fly to Somaliland to deliver electoral material in spite of a ban on air traffic with Somalia. A diplomatic clearance MFA/PRO.91/002 (052) on Thursday said two aeroplanes operated by Astral Aviation will be allowed to deliver the material from the Jomo Kenyatta International Airport, Nairobi, through Djibouti and to the Somaliland capital Hargeisa. A MacDonnell Douglas DCC-9F and a Boeing B727-727F, both registered in Kenya, will be permitted to deliver the material between May 13 and 15 with a possibility of extension should there be delays. “Kindly note that the clearance is granted with a 72-hour window to cater for any delays,” the note from Kenya’s Foreign Ministry to the Somaliland Liaison Office said on Thursday. Somaliland, the breakaway region that considers itself independent of Somalia, is due to hold local and parliamentary elections on May 31 in a further signal of its growing democracy. But Somalia is currently in the deep of a political stand-off, with parties yet to agree on the date or venues of elections, three months since the expiry of President Mohamed Farmaajo’s four-year term. Suspended flights Mogadishu has sustained a diplomatic tiff with Kenya, however, accusing Nairobi of interference in Somalia’s internal affairs, charges Kenya denies. Last week, the Kenya Civil Aviation Authority suspended flights between Kenya and Somalia for three months, with exception to medical evacuation and humanitarian deliveries. The move, the Nation learnt, came after Somalia grounded two aircraft owned by Kenyan firm Bluebird Aviation which the Somali Civil Aviation Authority accused of delivering miraa from Kenya despite an existing ban. But Kenya rejected the decision, arguing the operator flew into Somalia after Mogadishu reopened diplomatic ties it had cut in December, and only clarified the ban was still on days later when the aircrafts had landed into Somalia. The decision means all chartered and scheduled flights to Somalia are suspended. However, flights from Somalia, passing through the Kenyan airspace to other destinations are exempted. The move dented the latest efforts to revive relations between the two countries. Qatari special envoy Mutlaq bin Majed al-Qahtani helped broker resumption of relations earlier this month. Build ties Nairobi’s move on Thursday could likely anger Somalia more, even though the flights are scheduled to avoid the Somali airspace. Kenya has been trying to build ties with Somaliland, which considers itself independent of Somalia but unrecognised across the word by any sovereign state. In December, President Uhuru Kenyatta hosted Somaliland leader Muse Bihi Abdi where they declared unwavering commitment to deepen the cordial bilateral relations.” “During their discussions, the leaders focused their attention on expansion of bilateral trade, enhancing collaboration in air transport including enabling direct flights between Nairobi and Hargeisa, as well as cooperating in Agriculture, Livestock development, Education, Energy and cooperation between the ports of Mombasa and Berbera,” a dispatch said on December 15, 2020. Somalia would cut ties with Kenya on the same day, although Bihi has also visited Ethiopia and Djibouti without stirring Somalia. The post Kenya allows two flights to Somaliland despite ban appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa u fasaxday laba diyaaradood inay dalkeeda ka baxaan oo ay qalab electronic ah geeyaan Somaliland, inkasta oo ay mamnuucday duulimaadyada dalkeeda ka aadaya iyo kuwa uga imanaya Soomaaliya. Diyaaradahan oo lagu fasaxay amar Khamiistii kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, oo tirsigiisu yahay MFA/PRO.91/002 (052), ayaa lagu sheegay in laba diyaarad oo ay maamusho shirkadda Astral Aviation loo ogolaan doono inay qalab ka qaadaan garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi, ayaga oo sii maraya Jabuuti kadibna gaynaya caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Labada diyaarad oo noocoodu yahay MacDonnell Douglas DCC-9F iyo Boeing B727-727F kana diiwaan-gashan Kenya ayaa loo fasaxay inay alaabta qaadaan inta u dhaxeysa May 13 illaa 15, loona kordhin karo waqtiga haddii aysan muddadaas ku duulin. “Fadlan la soco in fasax ku eg 72 saac la ogolaaday,” ayaa lagu yiri qoraal ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya u dirtay Xafiiska Somaliland ee Nairobi, Khamiistii. Tallaabada ay qaaday Kenya ayaa la filayaa inay carreysiiso dowladda federaalka, inkasta oo labaada diyaarad ay u sheegtay inay ka fogaadaan hawada Soomaaliya. Si kastaba ma cadda hab ay diyaaradahaas uga baxsan karaa hawada Soomaaliya, maadaama halkii ay soo maraanba ay ugu dambeyn soo galayaan hawada Soomaaliya, si ay uga degaan Hargeysa. Kenya ayaa toddobaadkii tegay joojisay dhammaan duulimaadyadii Soomaaliya, marka laga reebo kuwa caafimaad iyo gargaarka bani’aadannimo ayada oo la rumeysan yahay inay kaga jawaabeyso qaadka Kenya oo ay Soomaaliya mamnuucday. Dowladda federaalka ayaa qaadka Kenya beddelkiisa fasaxday kan Ethiopia, oo sida lagu sheegay mashruuc lagu siiyey dad ku dhow madaxweyne Farmaajo iyo kuwa ehel la ah, meeshana looga saaro ganacsatadii Soomaaliyeed ee qaadka Kenya keeni jiray. The post Kenya oo fasaxday duulimaadyo Hargeysa ah kadib go’aankii ay ku joojisay duulimaadyada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo waftigii uu hoggaaminayey oo gaadhay dalka Jabuuti, markii ay soo cago-dhigteen madaarka Xunbuli ee caasimadda Jabuuti waxa ku sugayey kuna soo dhaweeyey Ra’iisal wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo ku qaabiley habmaamuska madaxweyneyaasha dalkaas socdaalka ku yimaadda. Waxaanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay weheliyaan wasirro ka tirsan xukuumadaha Somaliland iyo Jabuuti ay wakhti kooban ku wadda qaateen qolka madaxdu ku nasato ee madaarka, ka dibna madaxweynaha iyo waftigii la socday waxaa loo galbiyay qasriga ay hoggaamiyaasha dunida ka socdaa degaan oo ay ku sugan yihiin wakhtigan madax kala duwani oo ka soo qayb-galay caleemo saarka madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Waxaana safarka madaxweynaha iyo weftigiisa warbixin ka bixiyey, wasiir ku xigeenka ariimaha dibadda ahna ku simaha wasiirka arrimaha dibeda Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan. Wa bilaahi tawfiiq Source
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb gelayo caleemo-saarka Ismaaciil Cumar Geelle. Bayaan kooban oo ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Jabuuti oo uu uga qayb gelayo caleemo-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle”. Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u safray Jabuuti, oo uu uga qayb gelayo caleemo-saarka Ismaaciil Cumar Geelle oo maalinta berri ah loo dhaarin doono madaxweynaha Jabuuti. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar ugu ambabaxay dalka Jabuuti, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu madaxweynuhu ka helay madaxweynaha Jabuuti oo diyaarad khaasa u soo diray wafdiga, waxayna ka qaybgeli doonaan caleemo-saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle”. Jabuuti ayaa sidan oo kale 2016 caleemo-saarkii Ismaaciil Cumar Geelle ka wada qayb gelisay madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii Somaliland Axmed Siilaanyo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa bishii la soo dhaafay ee April markii shanaad ku guuleysatay madaxtinimada dalkaas. PUNTLAND POST The post Jabuuti oo DFS iyo Somaliland ka wada qeyb gelinaysa caleemo-saarka Ismaaciil Cumar Geelle appeared first on Puntland Post.
-
The UN Somalia Human Resources team will host a 2-day Virtual Career Fair on 19th-20th May 2021. The Fair will be an opportunity for the HR community in Somalia to create awareness of UN’s recruitment modalities, culture, shared values and competencies; and share general information that should help expand the landscape for qualified Somalis to pursue careers with the United Nations. At the Fair, participating UN entities will share with the participants, tools, resources and other support on job opportunities and vacancy announcements, application processes and procedures, as well as general information on the UN’s interviews and selection methodologies. To register for the Fair, please click on the links below: To participate in the Virtual Fair on Wednesday, May 19, 2021, 9:00 am, Eastern Africa Time, register here To participate in the Virtual Fair on Thursday, May 20, 2021, 9:00 am, Eastern Africa Time, register here For More Information, please visit UNSOS website: https://unsos.unmissions.org/ Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu ambo baxay dalka aynu jaarka iyo walaalaha nahay ee Jabuuti, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu madaxweynuhu ka helay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo diyaarad khaasa u soo diray weftiga. Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee safarkiisa ku wehelinaya, ayaa ka qaybgeli doona caleemo saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo maalinta berri ah taariikhduna tahay 15/05/2021 si rasmi ah loo dhaarin doono. Xubnaha weftiga ah ee madaxweynaha safarkiisa ku wehelinaya, ayaa kala ah, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda, ahna ku simaha wasiirka, Mudane Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, wasiirrada wasaaradaha Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Source
-
Kenya has allowed two aircrafts to fly to Somaliland to deliver electoral material in spite of a ban on air traffic with Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Safar Shaqo Ugu Ambo Baxay Dalka Jabuuti. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu ambo baxay dalka aynu jaarka iyo walaalaha nahay ee Jabuuti, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu madaxweynuhu ka helay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo diyaarad khaasa u soo diray weftiga. Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee safarkiisa ku wehelinaya, ayaa ka qaybgeli doona caleemo saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo maalinta berri ah taariikhduna tahay 15/05/2021 si rasmi ah loo dhaarin doono. Xubnaha weftiga ah ee madaxweynaha safarkiisa ku wehelinaya, ayaa kala ah, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda, ahna ku simaha wasiirka, Mudane Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, wasiirrada wasaaradaha Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore. Qaran News
-
Carab Mudaharaadyo Rabshado wata ka istaadhey gudaha Israa’iil oo magaalo dhan xayiray? XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Qoraalka sawirka,Carabta reer Israa’iil way codeyn karaan doorashada laakiin qaar badan oo ka mid ah waxay sheegaan in hannaanka dowladda uu cunsuriyeeyo iyaga Muddo hal isbuuc ah ayuu qalalaase ka jiraa dhulalka Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta. Dhowr maalmood oo ay socdeen isku dhacyo iyo xasilooni darro kaddib, Israa’iil waxay ku dhawaaqday in ay xaalad deg deg ah galisay magaalada ku taalla bartamaha ee Lod, taasoo u dhow caasimadda Tel Aviv, kaddib markii mudaharaadyo rabshada wata ay sameeyeen Carabta Israa’iil. Arrintan ayaa saameyn weyn ku yeelaneysa xiisadda hadda taagan ee u dhaxeysa Israa’iil iyo Falastiin – maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee xukuumadda Israa’iil ay awoodda amarka degdegga ah u adeegsatay bulshada Carabta ah tan iyo sanadkii 1966-kii. Haddaba maxay yihiin Carabta Israa’iil? Taariikhda Carabta Israa’iil Carabta Israa’iil iyo taageerayaashooda Yuhuudda ah ayaa mudaharaad wadajir ah sameeyay bishii April 2021 waxayna kasoo horjeedeen iibsashada guryaha magaalada Jaffa ee ku dhow Tel Aviv Waxaa laga yaabaa inaad marar badan maqashay dad Israa’iil ku tilmaamaya waddan ay leeyihiin Yuhuudda, laakiin sidoo kale waxay hoy u tahay dad aan Yuhuud ahayn. Waxaa ka mid ah carabta laga tirada badan yahay ee Israa’iil, kuwaasoo asal ahaan kasoo jeeda Falastiin balse heysta dhalashada Israa’iil. Israa’iil waxaa ku nool shacab wax yar ka badan 9 milyan, ku dhawaad shan meelood meel ka mid ah dadkaasina – oo lagu qiyaaso 1.9 milyan – waa carabta Israa’iil. Waa dad Falastiiniyiin ah oo ku nagaaday xuduudaha waddanka loo bixiyay Israa’iil markii la aasaasay sanadkii 1948-kii, halka 750,000 oo ka mid ahna ay qaxeen ama guryahooda xoog looga saaray markii uu dagaalka qarxay yagleeliddii Israa’iil kaddib. Kuwii qaxay waxay dageen meelaha u dhow xuduudda Israa’iil, Daanta Galbeed, Marinka Qasa iyo xeryaha qaxootiga ee gobolkaas. Bulshadii kusoo hartay gudaha Israa’iil ayaa hadda isku magacaaba Carabta Israa’iil, Falastiiniyiinta Israa’iil ama xitaa Falastiiniyiin kaliya. Carabta Israa’iil badankood waa muslimiin, laakiin si la mid ah shacabka kale ee Falastiiniyiinta, Masiixiyiinta ayaa ah bulshada labaad ee ugu badan dhexdooda. Waxay lahaayeen xuquuq ay ku codeeyaan tan iyo markii ay doorashadii ugu horreysay ka dhacday Israa’iil 25-kii bishii January ee sanadkii 1949-kii – laakiin waxay sheegaan in ay dhibbaneyaal u yihiin cunsuriyad ku dheehan hannaanka dowladda oo soo socotay tobannaan sano. Is-dhex-gal Intii uu socday cudurka safmarka ah, Dhakhaatiirta Yuhuudda ah iyo kuwa Carabta Israa’iil waxay isu baheysteen in ay daweeyaan dadka isbitaallada loo dhigay Covid-19 Carabta iyo Yuhuudda inta badan ma wadaagaan shaqooyinka bulshada, inkastoo fayraska corona uu la yimid hal dhinac oo wanaag ah maadaama ay labada bulsho ka dhaxeysay wadashaqeyn dhow. Hal meel oo ay is-dhex-gal buuxa ka sameeyeen waa hannaanka caafimaadka – halkaasoo bukaannada Yuhuudda ah iyo kuwa Carabta ah ay isla wadaagayeen isbitaallada, dawooyinka iyo xitaa dhakhaatiirta. 20% ka mid ah dhakhaatiirta, 25% ka mid ah kalkaaliyeyaasha iyo 50% ka mid ah Farmashiisteyaasha waa Carabta Israa’iil. Laakiin dhinaca dhalashada way adag tahay in la kala saaro Carabta iyo Yuhuudda. Laakiin aqoonsiga qarannimo ee kala qeexaya Carabta Israa’iil iyo Yuhuudda way adag tahay in la ogaado. Tusaale ahaan, militariga wuxuu doorka ugu weyn ka ciyaaraa bulshada Israa’iil, muwaadiniinta Yuhuudda ahna waajib ayay ku tahay inay adeegga militariga ka qeyb qaataan. Dhanka kale, Carabta Israa’iil waa laga reebay muwaadiniinta khasabka ay ku tahay shaqada ciidanka.. Cunsuriyad XIGASHADA SAWIRKA,MUNA.KURD15 Qoraalka sawirka,Muuqaal laga arkayo nin Israa’iili ah oo sheeganaya milkiyadda guri ay leeyihiin qoys reer Falastiin ah ayaa ku faafay baraha bulshada Carabta Israa’iil waxay sheegaan in ay dhibbaneyaal u yihiin cunsuriyad ku lifaaqan hannaanka maamulka ee gudaha waddanka ay ku nool yihiin, aragtidaas oo ay ku raaceen qaar badan oo ka mid ah ururrada u dooda xuquuqda aadanaha. Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in Israa’iil ay mar walba maamul cunsurinnimo ah kula dhaqanto Falastiiniyiinta ku nool Israa’iil. Warbixin ay Hay’adda Human Rights Watch soo saartay bishii April 2021 ayay ku sheegtay in mas’uuliyiinta Israa’iil ay sameeyaan midab kala sooc iyo dambi ka dhan ah bani’aadannimada, oo ay kula dhaqmaan Falastiiniyiinta Israa;iil ku nool iyo iyo waliba kuwa ku nool dhulka ay Israa’iil heysato ee Daanta Galbeed iyo Qasa. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa warbixintaas ku gacan seyrtay, waxayna ku tilmaantay “mid aan sal iyo raad toona lahayan”. Waa sidee Awoodda iyo hubka Xamaas? Israa’iil oo xoojisay weerarka dhulka iyo cirka ee ka dhanka ah Qasa Carabta Israa’iil waxay mar walba ka cawdaan in dowladdu ay taariikh dheer u leedahay falalka la xiriira inay dhulkooda ka qaadato, waxayna maamulka Yuhuudda ku eedeeyeen inuu cunsuriyeyntooda u adeegsado awoodda dowladda, sidoo kalena laga qadiyo miisaaniyadda heer qaran. Sharciyada qabta bulshooyinka Israa’iil ayaa sidoo kale kala duwan. ‘Muwaadiniinta dabaqadda labaad’ Tusaale ahaan, sharciyada Israa’iil ee loo adeegsado dadka dhalashada la siinayo waxay u eexdaan Yuhuudda, kuwaasoo si toos ah u qaadan kara baasaboorka iyagoo aan loo eegeynin meesha ay ka imaadeen. Falastiiniyiinta lasoo eryay iyo carruurtoodaba waa loo diidaa xuquuqdaas. Sanadkii 2018-kii, baarlamaanka Israa’iil ayaa meel mariyay sharci muran dhaliyay oo ku saabsanaa ‘xeerka qaranka’ kaasoo meesha ka saaray in luuqadda carabiga ay Israa’iil ka tahay luuqad rasmi ah oo la mid ah tan Hebrew-ga – wuxuuna sharcigaas dhigayaa in dadka Yuhuudda oo kaliya ay leeyihiin xuquuqda go’aan qaadashada shakhsiyeed. Ayman Odeh, oo ah xildhibaan Carabta Israa’iil ah oo ka tirsan baarlamaanka, ayaa xilligaas sheegay in waddanka laga ansixiyay sharci ‘gacanta sarreysa siinaya Yuhuudda’, isagoo Carabta Israa’iil u sheegay in ay waligood ahaan doonaan ‘muwaadiniinta dabaqada labaad’. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ballan qaaday inuu xaqiijin doono xuquuqda shacabka, laakiin wuxuu sheegay “in aqlabiyaddu ay go’aanka leedahay”. Qaran News
-
Taliyaha Qaybta Booliiska Nugaal Degelle Ciidamada Booliiska Gobolka Nugaal, ayaa gacanta ku dhigay nin hubaysan, oo saaka nin kale ku dilay magaalada Garoowe, kadib muran shikhsiyeed oo dhexmaray. War kooban oo ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal, ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi oo saaka gudaha magaalada Garoowe ku dilay Marxuum, Maxamed Muuse Faarax. “Booliiska Garoowe ayaa gacanta ku dhigay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi oo saaka dil u gaystay Marxuum Maxamed Muuse Faarax” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Booliiska Gobolka Nugaal. Taliska ayaa sidoo kale sheegay in ay dib ka soo gudbin doonaan macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan dhacdadan dilka ah. PUNTLAND POST The post Booliiska Gobolka Nugaal oo gacanta ku dhigay nin dil ka gaystay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Former Ghanaian President John Mahama. FILE PHOTO | NMG Nairobi-Mogadishu diplomatic and trade dispute is back in the news this week with new rounds of sanction from both sides. It is time that the two countries found an amicable solution to the issues affecting diplomatic relations and trade. Somalia on Tuesday rejected the appointment of former Ghanaian President John Mahama as African Union’s (AU) special envoy to help mediate its political impasse with Kenya. Somalia argues that the former Head of State has “extensive links” with Kenya, and has written to AU Chairperson Moussa Faki Mahamat notifying him that Somalia will no longer support Mr Mahama in his new role. This is likely to drag the dispute with citizens of both nations paying the heavy price of the diplomatic standoff. Kenya and Somalia are important neighbours historically and geographically. The two countries share a lot in common and have been on the receiving end the Al Shabaab terrorist group. Currently, about 100,000 Kenyans work in Mogadishu and other parts of the country as it tries to recover from decades of war. On this other side of the border, there are Somalis who live and work, benefiting both countries. Kenya and Somalia needs each other in the war against terror. Moreover, as a Mogadishu tries to rise from the ashes of instability, it needs more friends than enemies. Source: Business Daily The post End Kenya, Somalia feuds appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa baahisay muuqaal ay hoggaanka ururkaas ugu baaqayaan dhallinyarada ajnabiga ah ee “jihaad” doonka ah inay usoo haajiraan Soomaaliya, si ay uga qeyb galaan “jihaadka ka socda.” Muuqaalka Al-Shabaab ayaa sare loogu qaaday looguna amaanay ajaaniibtii horey uga garab dagaalamay xarakada eee ka yimid dalal badan oo caalamka ah, gaar ahaan Yurub, wuxuuna muuqaalka ku baxay afar luuqad oo kala ah; Somali, Carabi, English iyo Swahili. Inkastoo aan la ogeyn xilliga muuqaalkan la duubayay iyo goobta lagu duubay, ayaa waxaa haddana ka muuqda dagaalyahano ajnabi ah oo tababar ay usoo xirayaan Amiir ku-xigeenka Al-Shabaab Mahad Karate iyo hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab ee Kenya Ahmed Imam. Dhallinyarada tababarka loo soo xiray ayaa ka yimid Kenya. Muuqaalka Al-Shabaab ayaa ujeedkiisu ahaa olole lagu doonayo in lagu soo jiito dhallinyarro cusub oo dibadda uga soo biirta kooxda, waxaana Mahad Karate iyo Ahmed Iman ay ugu baaqayaan dhallinyarrada caalamka ee Muslimiinta ah inay kusoo biiraan “jihaadka ka socda” Soomaaliya. Waxaa sidoo kale ololahan qeyb ka ahaa baaqyo ay dirayaan dhallinyaro ajnabi ah, oo qaarkood ay geeriyoodeen iyo qaar nool, oo dhallinyarada kale ee caalamka ugu baaqaya kuna dhiiri-gelinaya inay Soomaaliya yimaadaan, ayaga oo sheegaya inay nolol fiican ku heystaan gudaha Soomaaliya. Ajaaniibta ugu badan ee Al-Shabaab ka barbar dagaalama xilligan waa muhaajiriinta Kenyan-ka kasoo jeeda. Dadka fallanqeeya amniga ayaa rumeysan in habka xun ee dowladda Kenya iyo ciidankeeda ay ula dhaqmaan dhallinyarada muslimiinta ah ee dalkaas, oo lagu hayo beegsi ay ka mid yihiin dilal ka baxsan sharciga, ay horseeday in dhallinyaro badan ay u biiraan Al-Shabaab. The post Hoggaanka Al-Shabaab oo baaq yaab leh u diray dhallinyarada caalamka ee ‘jihaad’ doonka ah appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaan Barlamaan oo shaaciyey Arrin yaab leh oo aan hore looga baran Xildhibaanada Mudane ka tirsan Baarlamanka Kenya oo lagu magacaabo Moses Kuria ayaa qirtay in sannadkii hore uu qaatay lacag dhan $1,000 dollar oo laaluush ah si uu u taageero magacaabista hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamanka dalkaas. Kuria ayaa hadalkan sheegay xilli asaga iyo labo xildhibaan oo kale loo haysto inay soo jeediyeen eedeymo ah in lacago badan oo laaluush ah lagu siiyay xildhibaannada Kenya taageeridda isbeddalka lagu samaynayo dastuurka Kenya. “Waa iska caadi in xildhibaanadu ay qaataan laaluushka noocaan ah,” ayuu yidhi, asagoo intaas ku daray in uu soo celinayo lacagtii uu qaatay ee laaluushka aheyd oo uusan cadeynin cida bixisay. Amos Kimunya oo ah Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in wax laaluush ah la siiyey baarlamanka. Xildhibaannada Kenya ayaa ka mid ah kuwo ugu mushaharka badan baarlamaannada caalamka hase ahaatee dalkan ayaa ka mid ah dalalka caalamka ee safka hore kaga jira Musuqmaasuqa. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeyn uga timid maamulka Hirshabeelle oo ay sheegeen in ay xayirtay lacago loogu tala galay in wax looga qabto Fatahaada wabiga Shabeelle. Warsaxaafadeedka Guddiga fatahaadaha Hir-Shabeelle kasoo baxay waxaa Wasaaradda Maaliyadda lagu eedeeyay in ay is hor istaag ku sameysay lacag laga fasaxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Janaayo 2021. War kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidaan u qornaa: Wasaaradda Maaliyadda ee DFS, markay aragtay war saxaafadeedka ka soo baxay Guddiga Maamulka Hirshabelle ee maaraynta musiibooyinka, waxay caddaynasaa sida ay u socdaan hawlaha ka hortagga fatahaadaha ee Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) ka waddo Dawlad Goboleedka Hirshabelle. 1. Mashruuca waxa uu bilaabay qiimeynta baahida ka hortagga fatahaadaha webiyada Shabelle iyo Jubba 27 Marso 2021. Qorshaynta hawlaha waxaa si wadajir ah u fuliyay Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) iyo dawlad Goboleedka aan kor ku xusnay. 2. Waxaa la sahmiyay 71 goobood oo laga fulinayo ka hortagga fatahaadaha. 3. Waxaa la diyaariyay naqshadaynta loo raacaayo biyo xirista 5 April 2021. 4. Waxaa la furay u tartanka fulinta hawlaha ka hortagga fatahaadda. 5. Waxaa soo tartamay 44 qandarasleyaal oo maamulka Hirshabelle soo xulay (Jowhar 19 iyo Beletwayne – 25) 6. Laba shirkadood ayaa hadda hawlo biyo xirid ah ka wada 7 goobood (sites) gobolka Hiiraan. 7. Waxaa diyaar ah 10 qandaraaslayaal (contractors ) oo hawlgeli doona usbuuca soo socda: 6 shirkadood oo ka howlgali doonna Beletwayne iyo 4 ka howlgali doonna Jowhar iyo nawaaxigeeda. Wasaaradda Maaliyadda ee DFS waxay dhibaatada fatahaadaha la qaybsanaysaa Dowlad Goboleedka iyo shacbiga reer Hirshabelle. Waxaa dadaal aan ugu jinaa dardargelinta hawlaha Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) uga qorshaysan degmooyinka Hirshabelle. Waxaan cadeynaynaa in Wasaarada Maaliyadda DFS aanay jirin wax dhaqaale ah oo ay ka xayirtay Dowlad Goboleedka Hirshabelle, ayna sida ku cad qorshaha Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) ay howluhu u socdaan sidii loogu talagalay. Wasaaradda Maaliyadda DFS waxay Guddiga Ka hortagga Fatahaadda ee Hirshabelle ka codsanaysa inay caddaymo ka bixiso lacagaha ay ku eedeyeen in dawladda dhexe ka xayitray wax ka qabashada fatahaadda degaanada Hirshabelle. Dhammaad The post Beyle oo ka jawaabay eedeyn uga timid Guddiga Fatahaadaha Hirshabelle appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne Biixi Oo Maanta Safar Ugu Baxaya Dalka Jabbuuti.
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta safar ugu baxaya dalka Jabbuuti. Madaxweyne biixi ayaa dalka Jabuuti kaga qayb-geli doonna Caleemo-saarka Madaxweyne Geelle oo markii shanaad la doortay. Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa safarkiisa wehliya sida uu qorshahu yahay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, iyagoona saacadaha soo socda ka dhoofi doonaan Magaalada Hargeysa. Source -
Source
-
Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedayn uga timid dowlad goboleedka Hirshabeelle, oo ku saabsan in ay dhaqaale ka xayirtay maamulkaas. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka, ayaa lagu sheegay in aysan jirin dhaqaale wasaaraddu xayirtay oo lagu bixin-lahaa mashruuca ka hortagga Fatahaadda degaannada Hirshabeelle. Wasaaraddu waxay maamulka Hirshabeelle ka codsatay, in ay caddayn ka bixiyaan eedaynta ku saabsan in dowladda Federaalku ay lacag ka xayirtay mashruuca ka hortagga fatahaadda webiyada Jubba iyo Shabeelle. Halkaan ka khriso war-saxaafadeedka oo dhan PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo beenisay in ay dhaqaale ka xayirtay maamulka Hirshabeelle appeared first on Puntland Post.