Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. HARGEISA (HOL) - Somaliland president Muse Bihi has urged his people to turn out and vote tomorrow noting the parliamentary and local government elections would boost unity in the break-away region. Source: Hiiraan Online
  2. Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay in uu u sharaxan yahay kursiga uu ku fadhiyo Senator Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ka mid ah Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya. Senator Fartaag oo laga soo doorto deegaanada Jubbaland ayaa mar kale u sharaxan kursigaasi, iyadoona si dhow loola xiriiriyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). “Waxaan doonayaa maantay inaan cod dheer ku iraahdo kursi anigu aan lahaa oo dhac iiga maqnaa baan musharax u ahay, waa kursiga Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag uu ku fadhiyo, oo markii hilbaha la qaybsaday qoys ahaan aniga ii soo raacay,” ayuu yiri Korneyl Aadan Axmed Xirsi, oo aad ugu dhow madaxweyne Farmaajo. Isagoo ka waramayay sida uu kursigaasi kaga maqan yahay ayaa wuxuu yiri “Sanadkii 2016 Damul Jadiid, Gabre, Maxamed Cabdi Afey iyo gafuur culus baa dhacay kursigaas, niman wadaaddo oo masaakiin ah, oo qurbajoog iyo macalimiin isugu jira ayaa la yiri kursiga doonta, maadaama ragga halgamiya aysan Kismaayo taggi karin oo Kenya ay haysato. Nimankii wadaadada ahaa guryihii ay jooggeen inta ciidamo la hordhigay baa loo indho gaduudiyay, ka dibna Damul Jadiid, Gabre iyo Maxamed Cabdi Afey waxay siiyeen ninka la yiraahdo Fartaag.” Waxa kale oo uu yiri “Dadka Jubbooyinka waxaan u sheegayaa afar sano iyo afar bilood kurisgaasi waa kii la’idinkula dagaalamayay oo Militariga Kenya lagu garab taagnaa, oo dhulkeena, dadkeena iyo maalkeena lagu baabi’inayay Magaalada Kismaayo iyo inta ka dhaxeyso Doolow. Kursigaas baan u taaganahay anigoo ah Aadan Axmed Xirsi (Rufle).” Sidoo kale Xukuumadda iyo Guddiga Doorashooyinka ayuu ugu baaqay inuu cadaalad ka doonayo, si kursigaasi dib loogu soo celiyo heybta uu ka maqan yahay. “Xukuumadda Soomaaliyeed, Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddiga Doorashooyinka cadaalad baan ka sugeynaa oo kursigaasi isaga ah oo qoyskii lahaana ka maqan, sida aan ku heli karno oo cadaalad ah baa la idinka rabaaa” ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle oo Warbaahinta ka soo muuqday. Shacabka reer Gedo ayuu uga digay ciidamada cusub ee loo keenayo, kuwaa oo sida uu sheegay lagu baadi-goobayo wixii Kismaayo laga rabay. “Haddii taa ayada ah la waayo waxaan dadka degan Gobolka Gedo uga digayaa waxa loo keenayo ciidamada gafuur culuska ah ee horta leh oo wixii Kismaayo laga rabay Gedo loogu soo raray baan rabaa inaan u sheego dadka Gedo degana” ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Guud ahaan dadka Gedo degan waxaan leeyahay kursigii baan u taaganahay naf iyo maalba in la’i garab istaago oo kursigaa la’ila raadiyo, anna aan ballanqaaday inaan dalka, dadka iyo diinta ku difaaco. Dagaalka marba heer buu jooggaa, mar wuxuu jooggaa nin qalin leh, qoolkiisana la qabto, marna wuxuu jooggaa qori, marna waa la’isku daraa. Waxaan ballanqaadayaa anoo Senator ah inaan gafuur culusta iyo cadowga kula dagaalamo kursigaas, haddii aad ila doontaan, qayb ahaana aan u leeyahay, qorshe ahaana in dadkeyga lagu laayo ay Kenya u bixisay.” Aadan Rufle ayaa ka mid ah Saraakiisha fara ku tiriska ee Militariga Soomaaliyeed ee mucaaradsan Jubbaland, wuxuuna aad ugu dhow yahay madaxweynaha Soomaaliya ee waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. The post Korneyl aad ugu dhow Farmaajo oo kursiga ku haystay Fartaag appeared first on Caasimada Online.
  3. Dibudhca doorashooyinkeenu waxay bar madaw ku noqdeen hanaqaadka dimuqraadiyadda Soomaliland, kalsoonida u dhaxaysa shacabka iyo dawladda, qaddarinta sharciga, iyo hufnaanta dawladnimadeena. Hase yeeshee, dibudhac walba waa suurtagal in loo rogo horumar; haddii weeye, dersi laga qaato, waxna la iska weydiiyo sababta keentay. Inkasta oo su’aal laga keeni karo sidaynu marwalba duruus uga qaadano guuldarooyinka inna soo mara haddana, yididiilo mid ah oo aan ku arkay doorashooyinka soo foodleh ayaa ah; in dadku waayahan su’aalo iska weydinayo murashaxiinta ay dooranayaan tayodooda, xilkasnimadooda, iyo aqoontooda. Taas oo noqonaysa tallaabo xagga horumarka loo qaaday. Doorashada Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanku berri bay dhacaysaa iyaga oo Wakiiladu 10 sannadood yahiin muddodhaaf tan iyo markii la doortay. Doorashada Golaha degaanka ayaa iyana ahayd inay qabsoonto muddo saddex sanadood ka badan laga joogo. Intaa waxa sii dheer Madaxweynayaashii Muse Biixi ka horeeyey oo kuligood loo kordhiyey muddadii loo doortay xilka, markii doorashadii dibudhac ku yimi. In doorashooyinka wakthtigooda ku dhiciwaayaan waxay ka turjumaysaa in aynaan sharcigi sidiisa u raacin oo aynu marwalba ku wadno arrimaheena, la jiifiyaana bannaan. Dimuqraadiyad hanqaadaa kama marmayso in sharciga sarayntisa la wada maamuuso, xeerka umaddu dhigatyna sidiisa loo raaco. Taasna muhim waxaa u ah in dalku yeelsho maxkamado madaxbanaan oo ku ilaaliya bulshada, sharciga, mid sare iyo mid hooseba. Keli ah, marka dadweynahu ku qancaan dhexdhexaadnimada garsoorka ayey dimuqraadiyadeenu xididdo xoogan yeelan kartaa. Doorashooyin aan lahayn xeerbeegti adagi, waxay la mid noqonayaan kubad sidhiwalaha dhinac keensaday. Inta taasi jirtona, shakiga ah, in kolba xukuumadaa magacawday uu garsoorku u habrado weligii biximaayo. Hadda, wakhtigiibaa baa la joogaa la dhisilahaa garsoorkeena xagga madaxbanaanidooda, dhaqaalahooda, iyo tayadoodaba. . Doorashooyinkeena hadda soo gelayaa waa u muhim Somaliland, haddii ay u dhacaan si nabad ah oo xalaal iyo xor ah. Shaki la’aan sumcadda dalka sare ayey in badan u qaadayaan. Waxay kale oo tusaale u noqonayaan hanaqaadka dimuqraadiyadda Somaliland. Golaheena wakiilada, waxa 82 kursi ugu tartamaya 246 murashax, degaankana, 552 qof ayaa u tartamaya 220 kursi. Hal malyuun oo qof in ka badan ayaa isdiiwaangeliyey si ay u codeeyaan doorashooyinkan isku sidkan, oo markii ugu horaysay ka qabsoomaya Somaliland. Golaha Wakiilada waxaa sannadkan u tartamya 13 haween ah kadib markii labada Gole ee xeerdejintu ka horyimaadeen in kooto loo xidho dumarka u tartamaya doorashooyinka. Tiradadaasi way ka yartay intii xisbiyadu ay haweenka u balanqaadeen oo ahayd; in saddexda xisbi mid waliba, 6 dumar ah soo sharaxo, (UCID uun baa gaadhay halkaa) haseyeeshee, waa dhaantaa hadii ay guulaystaan (inkasta oo ay adagtahay) sidii hore oo qof dumar oo keli ahi ku cidlaysnayd Golaha Wakiilada. Waa inoo ayaandarro in haweenka oo dadka inta doorashada ka codaysa ugu badan, dhaqaalo u ururinta iyo abaabulkana door weyn ka qaata, haddana lagaga masuugo ka qaybgalka talada dalka oo ay baahiyaha kala jaadka ah ee bulshadeena ka jira, in badan ragga uga xogogaal sanyahiin. Doorashadii Golaha Deegaanka ee 2017, haweenka waxaa iska soo sharaxay 172, toban ka mid ahna waa la doortay. Doorashadan hoos buu aad ugu dhaceen tirada murashaxiintoodu oo waa 15, Golaha waxiiladana waxaa u taagan 13 dumar ah. Waa maragmaddoon, in haddii doorshooyinkeenu ku dhici lahaayeen wakhtigoodii, hurmarkeenu intan dhaami lahaa. Sababaha looga ilaaliyo muddodhaafka xilalka waxaa ka mid ah; iyada dadka qaar xilka macaansadaan, si ay dano shakhsi uga faa’iidaystaan, taas oo sababta in fikir cusub oo hurumar keena dhalanwaayo, iyo iyada oo ay abuurmaan kooxo ka soo horjeeda himilooyinka shacabka. Horumarka iyo dibudhaca ummad ku yimaadaa waa arrin ku xidhan kolba halka dedaalkeedu gaadhsiisan yahay. Inaynu ururinta cashuuraheena sare u qaadno, loona ilaaliyo dadka, waa mid innaga inoo taal. In muwaadiniintu sharciga u sinnaato oo qof waliba meelsha ugu habboon ee uu tartan ku helona loo hibeeyo waa mid aynu iyana awoodno. Talaabooyinkan dhawrka ahi hadday israacaan dhaxalkoodu waa: miisaaniyad kobocda, shaqaalahaha oo mushaharkoodu kordho, aqoonta oo badata, iyo adeegyada kale leh ee caafimaad iyo biyoba leh oo siyaada. Dhinaca kale, dalka aan cashuur ururin inta soo gashana loo tashado, faqri ka ma baxo, mushaharka ayaa yaraada amma aan korin, laaluushka iyo musuqa ayaa xadhko-goosta, jahliga ayaa kobca, cudarrada ayaa faafa, adeega kala jaadka ah ee bulshada loo qabtona la ma helo. Halbeega Qaramada Midoobay ee Horumarka Aadamaha (HQMH), ee lagu qiyaaso tirada hoyada umulraacda, cimri-dhererka bulshada, heerka tacaliinta iyo dakhliga qofka, gayigeena waxuu ka mid yahay dalalka aduunka meelaha ugu hoseeya kaga jira. HQMH halbeegeeda waxa dheer in musuqamaasuqa dalkii Soomaaliya la isku odhan jirey (oo Xagga Qaramada Midoobay aynu ku jiro) halka ugu hoosaysa ka galo aduunka sannad walba, sida ay qorto hay’ada ‘Transparency International’. Dibudhacaasi waa wax aynu inagu isugu wacan nahay oo haddii shaqada dawladeena iyo golayaashu hagaagto, gebi ahaanba laga bixi karo. Dawlado badan baa sare u qaaday dhaqaalahooda markay hagaajiyeen xilkasnimada hay’adahooda qaranka u adeega Golayaashu maxay qaban? Xildhibaanadeena Golaha Wakiillada iyo Degaanka waxa marka hore ku waajib ah inay si fiican u bartaan inta hawlood ee u taalla ee sharcigu ku waajibiyey inay gutaan, si ay dadkooda ugu adeegaan. Marka qofku si fiican u garanayo waxa waajibaadkiisu yahay uun buu gudan karaa hawlsha uu dhaarta u maray inuu fuliyo. Golayaasha deegaanka waajibaadkooda ugu mudani waa inay si daacadnimo iyo xilkasnimo leh degaamadooda hormumar uga sameeyaan dhinacyada caafimaadka, waxbarshada, biyaha, laydhka iyo nadaafadda guud. Intaasiba waxay soo gelayaan halbeega horumarka aadamaha. Hadaba, si baahiyahaa wax looga qabto, waa daruuri in loo baahan yahay qorshe-hawleed la samaysto oo ku salysan lix bilood amma sannadba. Muhiim weeye in loo kala qaado hawlaha siday ugu kala muhiimsan yahiin bulshada degaanka. Qorshe halbeegyo leh waxuu dardargeliyaa awoodaha xubnaha golaha deegaanka iyo shacabka ay metelaanba, waxay kale oo ay dhisaysaa kalsoonida ummadda ay khusayso oo dhan. Magaalooyinkeenu, in kasta oo ay is dhaamaan, inta badan, khaasatan caasimadda Hargeysa, qashin baa buuxdhaafiyey. Waa aynnu maarayn kari la’ nahay arrinkaa fayadhawrka bulshada halista ku ah. Qof walba oo Hargeysa ku nool oo dooxa ka talaaba, araga qashin xaddigaa leh oo maalin kasta lagu soo daadinayo biyamareenka ceelasheena ayaa naxdin iyo niyadjab joogto ah ku haya. Waxaynu beryahan danbe arkaynay, wakhtigii roobabka, daadad ka dhashay kadib markii biyomareenada la dhistay oo ku soo jabay guryaha, halis maal iyo nafeedna keenay. Magaalo in si fiican loo degaanaado ka ma maarmayso qorshe loo dejiyo oo lagu jaangooyo hadba baahiyaha jira iyo kuwa mustaqbalka. Hadda, Hargeysa iyo magalooyinka kaleba waa muhiim in loo sameeyo qorshesare (masterplan) dhamaystiran oo laga fuliyo dhinacyada magaalooyinku u korayaan. Goldaloolooyinka jira maarayntooda waa qaar sugaya dhallinyarada dhiiga cusub ee hamiga iyo himilooyinka dheer leh, ee aynu filayno inay ku guulaystaan doorashada Golayaasha Deegaanka ee berri Xubnaha Golaha Wakiilada soo socda waajibaadka horyaallaa ma yara iyanna. Ta ugu horaysa ee looga fadhiyo waa inay ogaadaan in ay shacabka Soomaliland metelaan danahooda, oo ay taas ka midaysanaadaan. Iyada oo la ogsoon yahay in xubnaha Golaha Wakiiladu ka soo kala jeedaan xisbiyo, haddana barlamaanka wanaagsani danaha guud waa ka midaysan yahay, waxaana uu go’aamada badan ku gooyaa si aan dhinacna u xaglinayn (bi-partisan) Mas’uuliyad weyn baa Golaha Wakiilada ka saaran siday u korjoogtayn lahaayeen dawladda; haday noqonayso ansixinta Wasiirrada, Wasiir ku-geennada, madaxda hay’adaha dawlada. Taasi waxay ku tusaysaa in waajibaadka Golaha Wakiilada saaran ka mid tahay in ay diidaan ansixinta qof aanay u arkin in uu u qalmo xilkaas ama gudan karo. Golahu door muhiim ah ayey ku leh yahiin ansixinta heshiisyada xukuumaddu la gasho dawlado ama hay’ado kale, kuna saabsan xagga siyaasadda, dhaqaalaha iyo nabadgeliyada. Masuuliyadda ay u dhaarteen baa ka saran in aanay ansixin arrin ay u arkaan in aan dadka iyo dalka dani ugu jirin. Waajibaadka ugu se weyn ee Golaha Wakiiladu leh yahay waxaa iyana kamid ah ansixinta miisaaniyadda oo markay ka doodaan ay wax-ka-bedel ku samayn karaan sida danta guud ku jirta. Maadaama Golahu ka wakiil yahay dadweynaha waxaa masuuliyad weyn ka saaran tahay inay u korjoogteeyaan siday u baxayso cashuurta bulshoweynta Soomaliland laga soo ururiyo. Maamul-wanaaggu ka ma soo hadho, isu-dheelitirka saddexda qaybood ee dawladnimo: Xukumadda, Garsoorka iyo Xeerdejinta. Kala madaxbanaanidoodu waa calaamad ka wada muuqata dawladaha ku guulaystay suulinta musuqmaasuqa raagaadiya horumarka ummado badan. Si Maddax tayo leh loo helo, malahayga waxaa habboon in murashaxiinta xulkooda loo dabafadhiisto xisbiyada si ay liisto xidhan (closed list) iyagu u soo saaraan. Hadda, labo shay oo isburinaya ayeynu rabnaa in aynu isku mar wada samaynno; dhinacna qabiilka iyo cadiifadihiisa ayaa kobcaya marka doorashadu noqoto mid gunteedu ku fadhido reernimo, dhinacna waxaynu doonaynaa in aynu dhisno qaran iskuduuban oo xildhibaanadu metelaan gobolo iyo dad kala beelo ah. Juhdiga wacyigelineed ummadaha dimuqraadiga ahi geliyaan dheerigelinta wadajirkooda iyo iskuduubnida dadkooda waa mid noloshooda oo dhan ku taxan, laga bilaabo xannaanada caruurta ilaa dugsiyada iyo jaamacadaha. Taas iyo sharciga oo dadka si siman ugu adeega ayaa keenta in aanay bulshadu marwalba isu qaban si isir ku lug leh. Waxgararadka iyo siyaasiyiinteena ayaa looga baahan yahay in ay ka fikiraan nidaam doorasho oo dadkeenaa isku isir iyo diinba ah ka ilaalin kara waxii kala fogaynaya. Nidaamka dawladnimo mid hawl yar maaha, waase mid u baahan marwalba ra’yi cusub iyo isbedelo isdabjooga.. Demoqraadiyadeenu waa hab inoo saamaxaya in bulshadu markii wakhti la joogaba u doorato hogaaminta dalka, dadka ay u garto. Ma aha nidaam quruunina si gooni ah u sheegan karto, qolowalibana sida ka turjumaysa dhaqankooda iyo caqidadooda ayay ugu hirgeliyaan dimuqraadiyadda dhulkooda. Inkasta oo dad badani u haystaan in dimuqraadiyadda Maryakan leeyahay, kumanaan sannadood kahor bay Griig ka bilaabantay. Xataa kelmeda Dimuqradiyad ayaa ka soo jeeda ‘Demos’ oo afka Griiga ku ah muwaadin iyo ‘Kratos’ oo ah awood. Awoodaa muwaadinku leeyahay inuu doorto qofkuu doonaa waxay bulashadeena u keentay degenaasho aan qofna awood kelitalisnimo ku maroorsan xukunka oo iyana dhasha nabad iyo horumar. Dhaqanka Soomaliyeed ee soojireenka ah ma soo marin boqortooyo cabudhisaa. Weligeenba xor baynu u ahayn fikirkeena marka loo eego dalal badan oo waaweyn ooh hadda ku dhaqma dimuqraadiyadda . Marwalba waajibkeenu ha noqdo sidii nabad loogu codayn lahaa, laysagu dulqaadan lahaa, sharcigana loo adkayn lahaa. Waxaa hubaal ah in haddii dorashooyin kani ku dhacaan jawi degan oo xasiloon ay sharaf u keenayaan iska daa Somaliland e, Geeska Afrika iyo qaaradda inteeda kaleba. Qore- Saciid Axmed Maxamuud Consultant/Journalist Qaran News
  4. Somaliland Situated along the Red sea in East Africa, Somaliland has an estimated population of 4 million people. The country is known to have great stability among the African countries. Somaliland is admired all over the globe for its democratic practices over the past 30 years. The country restored its independence in 1991 after the military regime of Somalia collapsed. The regime had ruled for two decades. Following this, it is vital to create awareness of Somaliland’s democratic process. The restoration of Somaliland’s independence led to the creation of the country’s first government, which was based on Somali’s national movement’s (SNM’s) organizational structure. SNM central committee functioned as the nation’s first parliament and was tasked with a two-year mandate. This was later followed by the major clan conference done in Borama in 1993. The conference resulted in the production of a national charter that created government structures and illustrated how powers were to be separated during a transactional period of two years, after which the constitution would have been adopted. The national charter entailed creating a bicameral parliament with the upper house made of Guurti and the lower house containing the elected representatives. This political system was named shirbeeleed, which means a community or a clan reconciliation. The system was aimed at being in operation for only three years but ended up being in operation for a decade. The government then employed a Sudanese lawyer to write Somaliland’s constitution. This move made the House of Representatives think that the draft by the government would give the executive branch excess powers leading them to draft an alternative version of the constitution (Shukri, 2021). In 1996 a deliberation on how the two documents would be reconciled resulted in a unified draft being made the interim constitution. The constitution had an implementation period of 3 years leading up to a referendum. The constitution was later revised, and a final draft approved in 2000. Somaliland’s Parliamentary Electoral System and Local Government The referendum created a way for the undertaking of popular elections. The country undertook its first national and municipal elections in the period between 2002 and 2005. A novice electoral commission did the elections with very minimal financial and international technical support. It also did not have most of the accouterments in the modern elections, such as comprehensive voter registers, census, and voter education. Despite the problems encountered, the elections were considered free and fair, credible, and the outcome received great acceptance .The constitution created a new political system for the country, which entailed a multi-party system and a democratic system where the district council, members of parliament, and the head of state were elected using the secret ballot rather than the use of the Electoral College of elders. Within two years, Somaliland passed the formation of political parties, the definition of the local government and its structure and definition of citizenship, and laydown of the electoral processes. After the 2005 elections, there was an agreement by the political stakeholders authorizing the creation of the first voter registry. The passing of the law followed this in 2007 to oversee the entire process. Voter registration ensued in 2008. 2010 Presidential Elections With the expiration of President Kahin’s term in 2008, the country decided to use the voter registration exercise in the presidential and municipal elections. This was, however, not a smooth process since the polls underwent various delays due to the fights among the high political circles, notably within the president, parliament, and the opposition leaders. The president demanded an extension of his term, which was approved as provided by the constitution (Mesfin, 2009). There was also a later extension granted following a request by the NEC to undertake the preparation of the polls since the country was facing economic problems, political situations, and technical issues. Local Council Elections in 2012 Despite the challenges facing the presidential elections, President Dahir Rayale Kahin succeeded to held the elections in 2012. The elections faced various challenges, such as being contested by UCID, UDUB, and Kulmiye, but a large number of voters showed up and participated all across the country leading to successful elections. Kulmiye leader Silanyo received more votes, and his swearing-in ceremony was attended by delegations from all over East Africa, including those from Ethiopia, Kenya, and Djibouti. That was another peaceful transferring power in Somaliland. The country also performed local government elections during the same year to identify the national political parties that would have the mandate to contest the national elections during the following decade. The elections faced some disputes, but the election’s outcome was accepted, with UCID, Kulmiye, and Wadani being chosen to be the national political parties. 2017 Presidential Elections The third presidential elections were conducted in 2017 following Silanyo’s step down. Kulmiye’s Muse Bihi Abdi received the win following a 55% vote (Soliman, 2017). His term is another historical one since it started a tradition of presidents undertaking peaceful handovers, which was rare in Africa. Later in 2020, Somaliland began preparations for the delayed municipal and parliamentary elections that were to be done towards the end of May 2021. Challenges and Successes in the Country’s Democratization Process The country’s constitution contains central principles that strengthen its citizen’s freedom and rights. The constitution places great emphasis on the transition to a multi-party democracy from the clan-based political processes. However, the transition process is faced with various challenges since the political parties are still lacking behind in the transformation of their vision, structure, and strategy. In that, rather than being the vehicles driving the constitutional principles, they are the ones derailing it and following the clan-oriented methods to help them get more votes (Shukri, 2021). Somaliland’s Democracy and Political Heteromorphic Nature The country’s society is viewed to be monolingual, ethnically homogenous, and singularly Islamic. The society consists of a deep-rooted and paternal clan system. They consist of interrelated communities and ones that have a common ancestral origin. The clan is found at the core of their political culture. From 1964, clan groups gained a foundation in the political parties, especially during the parliamentary elections. This shows that right from the onset, the country’s political parties have had a strong clan consciousness. Dangers of Somaliland’s Democratic and Political Initiatives The omnipresent danger of the country’s democratic and political initiatives are clannism, patronage, and nepotism. Following the clan-based political system in the country, the Somaliland government needs to have a powerful and robust institution. The country’s governance should also place great emphasis on meritocracy over nepotism, clannism, and patronage. 2021 Elections The number of registered voters in the country has grown to 1.3 million registered voters. This amounts to 30% of the country’s entire population. Two hundred forty-six candidates are vying for the 82 seats in parliament and 966 gunning for the 249 seats in the district municipality. The elections are expected to be the most competitive ever witnessed in the country. The government is expected to cater for 80% of the NEC’s budget, and the rest being covered by international partners (Soliman, 2017). The late elections, Somaliland employed advanced iris-scanning and now Somaliland is also anticipated to incorporate technological advancements in the 2021 elections, with the NEC informing the application of the biometric voter registration and voting system. University students are equipped with training on how operate the devices and polling stations. This will help ensure minimal disruptions, technical errors, and smooth operations. With the elections being held on 31st May, the day has great and historic significance since it is the country’s 30th anniversary of its independence together with its 20th anniversary of multiparty democracy. Way Forward for Somaliland Progress and lasting of the country’s democratic transition require very strict and regulated behaviors by the political parties. There is also a need to evaluate the composition, structure, size, and competence of the National Election Commission. This is possible by making its membership independent of that of political parties. In conclusion, 30 years since the country received its independence, it has been able to undertake five successful presidential elections. Four of the five elections involved peaceful and smooth transfer of power. It is a great transformation with the government currently being able to freely air the election campaigns for all the parties on Somaliland National TV. That is very rare in Africa. The country is also seen to have undergone great transformations especially noting that most Arab and African countries are not ready for such ripe democracy portrayed by Somaliland. The transformation is evident with an East African expert stating that “Somaliland is the only example of fully functioning democratic in whole Africa continent.” The country also strives to portray independence and growth in the election’s undertakings, with the president HE Muse Bihi Abdi stating that Somaliland taxpayers will be the financial sources for the elections anticipated to be held on 31st May 2021. As it did before the earlier elections, the country has even gone ahead to invite election observers around the globe, including the UK, USA, EU, and African Union, to observe the process. References Mesfin, B. (2009). The Political Development of Somaliland and its Conflict with Puntland. Media africa portal. https://media.africaportal.org/documents/P200.pdf Shukri, S. (2021). Unrecognized Vote: Somaliland’s Democratic Journey. The elephant, 1-7. https://www.theelephant.info/long-reads/2021/05/03/unrecognized-vote-somalilands-democratic-journey/?print=pdf Soliman, A. (2017). Is Democracy Emerging in Somalia? Chatham house. https://www.chathamhouse.org/2017/02/democracy-emerging-somalia Mohamoud Abdullahi Roble robleamin@gmail.com Qaran News
  5. PRESS RELEASE Coronavirus – Kenya: COVID-19 update (29 May 2021) Total confirmed positive cases are 170,485 NAIROBI, Kenya, May 30, 2021/ — 444 people have tested positive for the disease, from a sample size of 4,989 tested. The positivity rate is now 8.9%. Total confirmed positive cases are now 170,485 and cumulative tests so far conducted are 1,806,438. County distribution; Nairobi 54, Siaya 53, Busia 47, Kisumu 43, Kisii 41, Kakamega 31, Kericho 24, Mombasa 21, Bungoma 16, Homa Bay 13, Kilifi 9, Nyamira 9, Kitui 9, Uasin Gishu 8, Nakuru 7, Migori 7, Baringo 5, Murang’a 5, Trans Nzoia 5, Bomet 5, Kiambu 4, Kirinyaga 4, Machakos 4, Nyeri 4, Nandi 3, Tharaka Nithi 2, Embu 2, Meru 2, West Pokot 2, Narok 2, Nyandarua 1, Laikipia 1 and Makueni 1. 115 patients have recovered, 76 from the Home Based & Isolation Care program while 39 are from various health facilities countrywide. Total recoveries now stand at 116,133 of whom 84,426 are from Home Based Care & Isolation program, & 31,707 are from various health facilities. 17 people have succumbed to the disease, 2 of them in 24 hours while 15 are late deaths, reported after conducting facility record audits. This now pushes the cumulative fatalities to 3,141. 1,171 patients are admitted in various health facilities countrywide. 4,682 patients are under the Home Based Isolation & Care program. 104 patients are in the ICU, 21 of whom are on ventilatory support & 58 on supplemental oxygen. 25 patients are under observation. 90 patients are separately on supplemental oxygen with 84 of them in general wards and 6 in High Dependency Units (HDU). VACCINATION: A total of 968,733 persons have so far been vaccinated against the COVID-19 disease countrywide. Of these 293,240 are aged 58 years and above, Others 275,762, Health Workers, 165,409, Teachers 152,315, while Security Officers 82,007. Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Kenya. SOURCE Qaran News
  6. PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: COVID-19 Reported Cases in Ethiopia (29 May 2021) ADDIS ABABA, Ethiopia, May 30, 2021/ — Daily: Laboratory Test: 5,005 Cases: 256 Severe Cases: 422 New Deaths: 4 Recovery: 924 Total: Laboratory Test: 2,716,923 Active Cases: 30,281 Total Cases: 271,200 Total Deaths: 4,143 Total Recovery: 236,774 Total Vaccinated: 1,801,175 Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Ethiopia. Access Multimedia Content SOURCE Ministry of Health, Ethiopia Qaran News
  7. Doha (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa sheegay in ay jirto raja muujineysa in laga gudbayo khilaafka dalkiisa kala dhexeeya Isutagga Imaaraatka Carabta, kadib dhowr jeer oo wadahadallo ay yeesheen labada dal si meesha looga saaro madmadowgii ku dhex jiray. Saudi Arabia ayaa bishii January ku dhawaaqday heshiis lagu dhammeeynayo khilaafkii keenay in boqortooyada, iyo dalalka Imaaraatka, Masar iyo Bahrain ay xiriirka Qatar jaraan 2017-kii iyagoo ku eedeeyay in ay taageerto argagixisada, eeddaas oo ay Qatar beenisay. Diblumaasiyiin iyo ilo wareedyo ku sugan gobolka ayaa sheegay in Riyadh iyo Qaahira ay si ka dhakhso badan dalalka Imaaraatka iyo Baxreyn dib ugu dhisayaan xiriirkii ay la lahaayeen Doha. Wasiirka Arimaha Dibada ee Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa wareysi la baahiyay Jimcihii oo uu siiyay telefishanka Al Araby ee fadhigiisu yahay U.K waxa uu ku sheegay in horumar wanaagsan laga gaaray wadahadalladii kala dhexeeyay Sacuudiga, oo uu dhowaan booqday amiirka Qatar iyo Masar, oo uu Sheikh Mohammed asbuucii hore wadahadallo kula soo yeeshay madaxda dalkaasi. Waxa uu sheegay in Qatar ay labada dal kala hadlayso iskaashi dhaqaale. Isu soo dhowaanshaha Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa wax weyn ka beddeli karta siyaasadda gobolka, oo ay Soomaaliya ku jirto, ayada oo labada dal ay loolan ku galeen dalka, taasi oo ugu dambeyn looga adkaaday Imaaraadka Carabta, ugana baxday dalka. Reuters + VOA The post Isbeddel lama filaan ah oo ka muuqda xiriirka Qatar iyo Imaaraadka Carabta appeared first on Caasimada Online.
  8. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo xafiiskiisa kula kulmay masuuliyiinta dalada ururada bulshadu ku midaysan yihiin ee SONSAF. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, oo uu wehelinayay Garsooraha Maxkamadda Sare Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiinta dalada SONSAF oo ay ku midaysan yihiin ururada bulshada rayidka oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha dallada Anwar Cabdiraxmaan Warsame, kaasi oo ay wehelinayeen xubnaha kale uu daladu. Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta dalada ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa loona dardar galin lahaa, wada shaqaynta ururada bulshada. Si kor loogu qaado kaalinta ururada bulshadu ku leeyihiin hab-sami-u-socodka doorashada, beri loo dareerayo. Guddoomiye Aadam waxa uu uga waramay masuuliyiinta dalada SONSAF, doorka hay’adda garsoorku ka qaadanayso geedi-socodka doorashada iyo diyaar garowga qaran ee ay ku jirto, isagoo xusay in ay libin laabeen shaqadii ay bulshada u hayeen, taxadar dheeraad ahna ka sameeyeen hawlaha doorashada, si cabashooyinka iyo dacwadaha ka yimaada loo mariyo dariiqa uu jidaynayo xeerka doorashadu. Geesta kale guddoomiyuhu waxa uu uga mahad-naqay dalada SONSAF shaqada fiican ee ay bulshada u hayaan, waxaanu ku dhiirigaliyay in ay sii xoojiyaan waxqabadkooda inta ay doorashadu socoto. Masuuliyiinta dalada SONSAF ayaa iyaguna ka warbixiyay diyaar garawga ay ku jiraan iyo tallaabooyinka ay qaadeen si kor loogu qaado hufnaanta doorashada, waxaanay xuseen in ay sameeyeen guddi hoosaad la shaqaynaysa guddida anshaxa iyo xalinta khilaafaadka ee KMQ, xarun xog-u-ururin (Call center) si dhow ula shaqaynaya wasaaradda arrimaha gudaha iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo in ay tababar siiyeen ku dhawaad 900 oo muraaqibiinta doorashada ah, si ay u xooganaato hufnaanta doorashadu. Ugu danbayn waxay hay’adda garsoorka JSL ku amaaneen diyaar-garowga fiican ee ay sameeyeen iyo marwalba doorka fiican ee ay ka qaataan hawlaha qaranka. Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo weli ku sugan magaalada Muqdisho ayaa bilaabay kulamo gooni-gooni ah oo uu la qaadanayo mas’uuliyiin iyo wakiilada dalalka caalamka ee jooga caasimada. Axmed Madoobe ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Itoobiya u jooga Soomaaliya danjire Cabdifataax Cabdullaahi Xasan, kaasi oo ka qabsoomay hoyga uu madaxweynaha Jubbaland ka degan yahay magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa looga hadlay xaalada dalka, kadib heshiiskii Afisyoone iyo dar-dar gelinta howlaha doorashada oo dhawaan heshiis rasmi ah ka gaareen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada. Labada mas’uul ayaa sidoo kale si qoto dheer uga wada-hadlay xiriirka wada-shaqeyneed ee maamulka Jubbaland iyo dowladda Itoobiya. Axmed Madoobe ayaa tan iyo markii uu soo afmeermay shirweynihii doorashada ee heshiiskiisa dhawaan ay saxiixeen dhinacyadii ka qeyb-galay, ka bilaabay magaalada Muqdisho kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo mas’uuliyiin sarre iyo wakiilada beesha caalamka. Si kastaba, heshiiska doorashada ee ay saxiixeen madaxda dowlada federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa dalka u jiheeynaya dhanka iyo doorasho, taasi oo meesha ka saartay xaaladii hubinti la’aanta aheyd ee ka taagneyd dalka. The post Axmed Madoobe oo kulamo siyaasadeed ka wada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  10. On Monday, May 31st, the Somaliland voters will head to polling stations across the country to elect a new parliament and local governments. The election will be contested by the three national parties, UCID, Kulmiye and Waddani, and will be observed by international monitors from across the world, lead by former Sierra Leone president, Ernest Bai Koroma. The House of Representative elections, which are quite overdue, will see the infusion of new parliamentarians, including, it is projected over 10 new female parliamentarians. The Somaliland government which is, for the first time, providing the majority of the funds for the elections has called on for the voters and the parties to exercise their franchise in a peaceful and orderly manner. The Somaliland National Election Commission, (NEC) has sent hundreds of young poll workers, the overwhelming majority of them born after 1991, across the country to facilitate the elections using the most modern biometric scans to deter fraud. Some of these equipment have been donated by Taiwan and other supportive nations. All three parties, which have been campaigning across the country, albeit a short one, due to the COVID-19 pandemic, have been urging their voters to elect the most able and progressive candidates. The election will be conducted under heavy security with over 10,000 police, military and security officers protecting the voters and the workers at the polling stations. The Somaliland borders are expected to be sealed in order forestall any interference or terror related activities from it’s belligerent neighbour to the south. The theme of this year’ selection is “Nabad Ku Coddee” which means Vote in Peace. Qarannews Qaran News
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaybaha kala duwan ee shacabka Somaliland u diray farriin la xidhiidha doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, waxana uu ugu baaqay inay bulshadu si nabad ah u codayso, isaga oo guul taariikhi ah ku tilmaamay in si nabadgelyo ah lagaga soo gudbay ololihii doorashada iyo waqtiyadii diyaargarowga ee ka horreeyey. Ugu horrayn madaxweynuhu waxa uu si mug leh ugu mahadnaqay Shacabka Somaliland iyo hay’adaha kala duwan ee qaranka oo ay saddexda xisbi qaran kamid yihiin ugaga mahadnaqay sidii xilkasnimada lahayd ee ay qaybta uga ahaayeen hirgelinta doorashadan, isaga oo xildhibaannada golaha wakiillada ee xilku kasii dhammaanayona ku ammaanay kaalinta ay ku lahaayeen doorashada iyo shaqadii adkayd ee ay qarankooda u qabteen muddadii ay kuraasida ku fadhiyeen. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu si waafi ah u sharraxay ujeeddada laga rabo doorashooyinka maalinta berri ah dalka ka qorshaysan iyo qaran ahaan waxa laga doonayo inay inoo keenaan, waxana uu yidhi, “Doorashada waxaynu ka doonaynaa in Somaliland taladeedu mid noqoto oo gobol kasta iyo cid kasta oo deggen iyo qof kasta oo Somaliland ah ka u bariyeeya iyo ka u galbeedeeya waxanu doonaynaa inay talo midaysan, iyo ujeeddo midaysan oo qaran iyo horumar midaysan iyo wax wada qabsi midaysan yeeshaan, waxana ay ku yeelanayaan in Dawlaha Hoose ee magaalo maamulaya dadku wada doorto oo haddii ay wax qalloociyaan la wada qaban karo” Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu madaxweynuhu intaas ku daray,“Waxa kale oo soo kordhaya talo-wadaag, waayo golihii wakiilladu markuu hadlayo wuxuu ka hadlayaa baahida taalla halka ugu Bariyeysa, halka ugu Galbeedaysa, halka ugu koonfuraysa iyo halka ugu waqooyigyeysa.” Dhallinyarada dalka, ayuu madaxweynuhu u diray farriin la xidhiidha maalinta doorashada iyo waajibka ka saaran qarannimada iyo ilaalinta nabadgelyada, “Dhallinyarada Somaliland waxan leeyahay sidii quruxda badnayd ee aad Ololaha u gasheen, uga hawlgala doorashada, waayeelkiinna caawiya, ka buka caawiya, askarta la shaqeeya oo muujiya qarannimadii aad muujiseen,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynuhu waxa uu shacabka usheegay in Badiba safiirradii iyo Diblomaasiyiintii Yurub iyo Maraykanka u fadhiyey dalalka Bariga Afrika iyo siyaasiyiin badan oo miisaan lihi dalka yimaaddeen, islamarkaana ay qiimaynayaan qaan-gaadhnimada Dimuqraaddiyadeed ee Somaliland ka hirgashay iyo horumarka dhinaca Doorashooyinka ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu hoosta ka xarriiqay in dunidu inagu qiimaynayso hadba wixii aynu gacmaheenna ku qabsanno, kar kasta oo ay isku kalsooni iyo xilkasnimo muujinana halkeenna la inoogu iman doono, waxana uu yidhi,“Waxa hubaal ah in markaynu doorashadaas nabadgelyo ah ku dhammayno ee aynaan eegin qalad yar oo dhacay, waxa hubaal ah in qof kasta oo adduunka kamid ahi uu halkeenna inoogu iman doono, qof kastaana marka uu is sharfo ee uu qiimo isu yeello ayaa la ina qiimaynayaa, la inagu qiimayn maayo baryo, la inagu qiimayn maayo waannu is haynaaye kaalaya na kala qabta’e waxa la inagu qiimaynaa shaqsinimadeenna.” Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu baaq u diray dhammaanba xubnaha murrashaxiinta ah ee ka qaybgelaya doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana uu ugu baaqay inay u hoggaansamaan natiijada soo baxda, una tudhaan qarankooda iyo nabadgelyadaba. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
  12. MOGADISHU (HOL) - Somalia will soon be able to conduct aircraft maintenance thanks to the planned construction of a maintenance and repair facility at Aden Adde Airport in Mogadishu in what now elevates the airport’s status towards meeting international standards. Source: Hiiraan Online
  13. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa magacaabay guddi qaabilsan qiimaynta xubnaha ka tirsan guddiyada doorashooyinka heer Federaal ee cabashadu ka jirto. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa lagu sheegay in la magacaabay in Guddiga uu xaqiijinta doono caddeymaha ku saabsan xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto “Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa guddi heer wasiir ah u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto sida ku cad qodobka 1aad ee Hishiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.” Ayaa lagu yiri Qoraalka. Waxa xusid mudan, in aan weli la shaacin magacyada xubnaha ku jira Guddiga qaabilsan xaqiijinta caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto. PUNTLAND POST The post Rooble oo magacaabay guddi qiimeeya xubnaha guddiga farsamada doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho ( Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddi u magacabay guddiga lagu muransan yahay ee arrimaha doorashooyinka dalka, kaasi oo sabab u ahaa is-mari waagii dhowaan heshiiska laga gaaray doorashooyinka. Rooble ayaa guddiga oo ka socda golaha wasiirada waxa uu u xil saaray in ay ka warbixin keenan guddiga lagu muransan yahay doorashada iyo iyo xubnaha cabashada laga qabo. weli lama shaacin magacyada guddiga. Guddiga la magacabay ayaa laga sugayaa inay soo xaqiijiyeen oo ay caddeeyan xubno ku dhow illaa 20 oo la sheegay inay kamid ahaayeen Shaqaalaha Madaxtooyad, Hay’adda Nabad-sugida ee NISA, Ciidamo iyo xubno daacad u ah madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu shegay in magacaabista guddigan ay timid kadib heshiiskii muqdisho 27 bishaan ku kala saxiixdeen madaxda federaalka iyo dowlad gobaleedyada dalka . Rooble ayaa loo gudbiyey 16-ka xubnood oo ay tahay inuu bedelo sida ku cad heshiiskii ay 27 Bishan Muqdisho ku saxiixdeyn isaga iyo Maamul Goboleedyada, waxaana awood loo siiyey inuu bedelo xubnaha ay cabashada ka taagan tahay. Rooble ayaa maraya mid kamid ah tijaabooyinkii ugu adkee ee lagu ogaan doono inuu dhex dhexaad ka yahay doorashada Soomaaliya iyo inuu yahay qof ay ka go’an tahay inuu fuliyo heshiiskii Muqdisho lagu saxiixay 27 Bishaan. Sida ku cad heshiiskii Muqdisho lagu saxiixay, xalinta khilaafka ka taagan guddiyada doorashada ayaa ku eg Isniinta berri ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 31 May 2021. Sidoo kale fulinta qodobkaan ayaa noqon doono mid lagu ogaan doono suurtagalnimada in doorashada ay ku dhacdo waqtiga lagu heshiiyey oo ah muddo 60 Maalmood ah. Qodobka ku saaban xalinta khilaafka ka taagan guddiyada doorashada oo ay saxiixeyn Dowladda iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa u qornaa sidan: 1: Tubta xallinta khilaafka Guddiyada maamulka doorashooyinka Goluhu wuxuu go’aamiyey, iyadoo la tixraacayo soo jeedintii Guddiga Farsamada Baydhabo, in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka loo soo gudbiyo xubnaha Guddiyada maamulka doorashada ee labada heer ee cabashadu ka jirto muddo 3 maalmood gudahood ah si loo badalo. Wakhtigu wuxuu ka bilaabanayaa markii ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranku saxiixaan heshiiskaan. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya markii ay soo gaarto xogta xubnaha cabashada laga qabo, uuna xaqiijiyo cadeymaha xogtaas wuxuu u gudbinayaa ciddii soo magacawday si loo keeno badalkeeda, loona faafiyo muddo 2 maalmood gudahood ah. Guddiyadu waxay iska dhex dooranayaan guddoonkooda kadib markii ay soo dhameystirmaan. The post R/W Rooble oo magacaabay guddi baaritan ku sameeya xubnaha guddiga doorashada ee lagu muransan yahay appeared first on Caasimada Online.
  15. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa guuddi u magacabay guddiga lagu muransan yahay ee arrimaha doorashooyinka . Rooble ayaa guddiga oo ka socda golaha wasiirada waxa uu u xil saaray in ay ka warbixin keenan guddiga lagu muransan yahay ee doorashada . Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu shegay in magacaabista guddigan ay timid kadib heshiiskii muqdisho 27 bishaan ku kala saxiixdeen madaxda federaalka iyo dowlad gobaleedyada dalka . Goobjoog Source: goobjoog.com
  16. Addis Ababa (Caasimadda Online) – Kumannaan dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa. Bannaanbaxan ayaa looga soo horjeedaa sida ay sheegeen dowladaha shisheeye ee farogelinta ku haya arrimaha gudaha Itoobiya iyo horumarka dalkaas. Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale sitay boorar lagu taageerayo biyox-reenka lagu muransan yahay ee ay Itoobiya ka dhiseyso Webiga Nile. Sawirrada Madaxweynaha Ruushka iyo dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping ayay siteen qaar ka mid ah dibadbaxayaasha iyadoo xiriirka Itoobiya iyo Mareykanka – oo ay mar xulafo dhow ahaayeen – uu sii xumaanayo. Bannaanbaxan ayaa sidoo kale ka socda qeybo ka mid ah Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ay ka mid tahay magaalada Dhagaxbuur. Telefishinka Dowlad Deegaanka ee SRTV ayaa soo tebiyay in shacabkii bannaanbaxayay ay ku dhawaaqayeen erayo muujinaya sida ay uga soo horjeedaan cid walba oo ka xun horumarka Itoobiya. Mareykanka ayaa dhawaan Itoobiya ku soo rogay xayiraado dhanka socdaalka ah kadib markii lagu eedeyay in ay dowladda weli sii waddo gabood falada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee loo geysanayo qowmiyadda Tigreega . Abiy ayaa dagaal qaatay 6 bilood la galay xoogaga TPLF kuwaas oo ka soo horjeystay mudda kordhin u sameystay . The post Sawiro: Banaanbax looga so horjeedo Mareykanka oo ka socda Addis Ababa iyo magaalooyin kale appeared first on Caasimada Online.
  17. Abdi Mohamed Jama was sacked for failure to prioritise reconciliation over formation of a district council for Balanbal. Galkayo (PP News Desk) — Galmudug State Vice President Ali Daahir Eidd yesterday fired the Interior Minister Abdi Mohamed Jama for failure to discharge “his duties”. The decision to sack Jama was reportedly caused by disagreements over the formation of a district council for Balanbal. Jama has been accused of expediting the formation of district council without necessary consultations at the district and federal state levels. “The Minister had failed to implement reconciliation policies for Galmudug State” reads the letter from the Vice President’s Office. Galmudug State has despatched a delegation to Balanbal to defuse feuding tension following the murder of family members in the district. © Puntland Post, 2021 The post Galmudug Interior Minister Sacked for ‘Dereliction of Duty” appeared first on Puntland Post.
  18. Waxaa magaalooyinka Dhagaxbuur iyo iyo Addis Ababa ka socda bananbaxyo balaaran oo looga soo horjeedo mareykanka iyo rer galbeedka. Banaanbaxyadan oo ay dhigayaan dadweynaha ku nool deegana hoostaga DDS iyo magaalada caasimadda ahAddis Ababa la rumeysan yahay in ay gadaal ka riixeyso xukuumadda Abiy Ahmed. Mareykanka ayaa dhawaan Itoobiya ku soo rogay xayiraado dhanka socdaalka ah kadib markii lagu eedeyay in ay dowladda weli sii waddo gabood falada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee loo geysanayo qowmiyadda Tigreega . Abiy ayaa dagaal qaatay 6 bilood la galay xoogaga TPLF kuwaas oo ka soo horjeystay mudda kordhin u sameystay . Goobjoog News Source: goobjoog.com