-
Content Count
212,806 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sabtidii ka baaqday ka qeybgalka xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, arrintaas oo noqotay hadalheynta bulshada, su’aalana la iska weydiiyey sababta iney noqon karto go’doomin. Farmaajo sannadkii ugu dambeeyey waxaa uu isku koobay Eritrea iyo Ethiopia taasi oo keentay in Soomaaliya ay noqoto saxiib la’aan dunida, gobolka iyo ugu dambeyntii qas gudaha ah. Farmaajo iyo Gobolka: Soomaaliya waxaa daris la ah saddexda dal ee kala ah Kenya, iyo Itoobiya, labada madaxweyne ee Uhuru Kenyatta iyo Ismaaciil Cumar Geelle ma fiicna xidhiidhka ay la leeyihiin Farmaajo, isaga oo Nairobi xidhiidhka u jaray Hiil-walaalka ugaba hiililiey Asmara, una arko Djibouti dal cadow ku ah masaalixda Soomaaliya. Farmaajo iyo Afrika: Midowga Afrika hey’adihiisa kala duwan oo ay ku jiraan golaha amniga oo fadhigoodu yahay Adis Ababa, xafiiska midowga Afrika ee Soomaaliya iyo xataa hawlgalka AMISOM waxay si cad uga hor yimaadeen damaca Farmaajo ee muddo kordhinta, iyada oo ergay gaar u magacaabay Soomaaliya si loo helo wada hadal saamileyda ah, loona qabto doorasho degdeg ah. Farmaajo iyo Beesha Caalamka: Marka laga soo tago inuu Farmaajo ku hungoobey iskudey kasta oo uu galaangal ugu sameyn lahaa gudaha Mareykanka, kuna booqan lahaa dalkaasi. Farmaajo markii uu laba sanno ku darsaday, waxaa ay isku dhaceen diblomaasiyiinta shisheeye ee ku sugan gudaha Soomaaliya, taas oo keentay labo tillaabo iney qaadaan reer galbeedka gaar ahaan dalalka taageera maamulkiisa, bixiyana kabka miisaaniyadda 60%. (1). In laga goosto kabkii la siin jiray (2). In loogu hanjabo cunaqabateyn. Arrimahan oo ka dhigay inuu la kulmay go’aamin ka dhan reer galbeedka ah. Farmaajo iyo Maamullada Soomaaliya: Soomaaliya waxaa ka dhisan shan maamul, waxaa xusid mudan in laba ka mid ah maamulladaasi kana taliya dhulka ugu weyn Soomaaliya aaney Farmaajo salaanta iska qaadin, taasi oo ku tuseysa siyaasadiisa arrimaha gudaha heerka ay joogto. Farmaajo iyo Baarlamaanka: Hey’adaha dowladda gaar ahaan baarlamaanka federaalka waa uu kala jabay sababtana waxaa lahaa Farmaajo, aqalka sare oo ka mid ah baarlamaanka wax xiriir lama laha halka golaha shacabka uu ka dhigay meel uu ka sameysto sida uu doono. Farmaajo iyo Ciidanka: Burburkii kadib, waxaa markii ugu horeysay la arkay ciidamo ku gadooday madaxweyne, taliyaha booliiska gobolka Banaadir, taliyeyaasha ciidamo ku sugnaa labada shabeelle iyo ciidamo kale gaar ahaa, ilaa Villa Somalia loo jirsaday hal kiilomitir, laguna qasbay inuu ka noqdo muddo kordhinta, ilaa hadda ciidamada lama mideyn. Farmaajo iyo Musharaxiinta: Waxaa intaasi dheer, waxaa ka aamin baxay musharaxiintii la tartamayey iyaga oo u arka inuu yahay keligii taliye aan ogoleyn inuu qabto doorasho hufan, oo xor iyo xalaal ah. Ugu dambeyntii, ka baaqashada Farmaajo ee caleemo-saarka madaxweyne Djibouti waxa ay xidhiidh la leeyahay go’doomintaas uu kala kulmay dunida, gobolka iyo dunida isaga oo maanta ay kusoo hadheen oo keliya la taliyeyashii gaadhsiiyey heerkaas. Source
-
Munaasabada hadhimo sharafeeda ah oo lagu tageerayo Musharraxa Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodijeex Cumar Aw Faarax Cabdilaahi iyo Musharraxa Golaha Deegaanka ee degmadda Hargeysa Mustafe Cabdi Cali oo kamid ah Musharraxiinta Xisbiga xaakimka KULMIYE ayaa ka qab-soontay Huteelka Green Plaza ee Magaalada Hargeysa. Munaasabaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay,isla markaana uu hadhimo sharafeedkaa ku maamuusay labadaa Musharrax Xildhibaan Xasan Shahar oo kamid ah xildhibaanadda Golaha degaanka ee degmadda Hargeysa ,ayaa waxa ka soo qayb-galay madax-dhaqameed, haween, dhallinyarro, siyaasiyiin miisaan ku leh saaxada siyaasadda Somaliland oo uu ka mid ahaa Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Sameele iyo taageerayaasha musharraxiinta oo tiro badan. Siyaasi Muxumed Aw Cabdi oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay sidan:-“Waa Xildhibaankii Saddexaad ee intii waddanka la soo galay aynu soo sharraxno,anniga ayaa ugu horeeyey Cabdicasiis ayaa igu soo xigay kursigii aanu labadayaddaasi soo fadhinay inuu bannaanaado waa nusqaan dhan oo la yidhaah kursigii meesha wuu ka baxay, magaca in la ilaaliyo .”ayuu yidhi Dhanka kale Suldaan Axmed Cumar ayaa sheegay in loo baahan-yahay in beeshu ay dhex-da u xidhato sidii cod iyo cuud-ba ay ula garab istaagi lahayd labadaa Musharrax ee ay soo xulatay,isla markaana lagu dedaalo sidii ay aqlabiyada ugu soo bixi lahayeen tartanka doorashada “waxa la ina soo saaray inteenan meesha joogta iyo inta maqan labadaa nin ayaa dhabarka la inoo saaray,annaguna waanu ansixinay haddii aanu nahay Salaadiintii.”ayuu sheegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa isna munaasabada ka hadlay,waxaanu halkaas ka jeediyey haddalo dar-daaran iyo duco iyo guubaabo iskugu jira”Maanta waxa taagan oo kawaanka reerkeena saraan oo doorasho in cod iyo xoolo la siiyo u baahan labadaa walaal ee Sheekh Cumar iyo Mustafe,qofka maanta hagradaa berri ka maalin qiimo ma leh.”ayuu yidhi Samaale. Geesta kalena Xildhibaan Xasan Shahar oo isagu munaasabada hadhimo sharafeedka ku maamuusay labadan Musharrax ayaa isna ugu baaqay tageerayaaasha labadan Musharrax inay is muujiyaan, isla markaana ay mid-nimada reerka ku gaadhi karraan guusha 31 May 2021-ka “Fadhiga ha laga kaco yeynaan is xag-xaganin xinkeenu yuu noqon mid aynu inagu isku reebno ee xingeeno ha noqdo mid aynu walaaladeen ku gaadhayno waxa wanaagsan waa lagu daydaa waxa xuna waa laga baydhaa ,waa in aynu isu tanaasulno oo aynu is raacno xafladan munaasabadan waxay daaran tahay, waa midaynta beel weynta Cabdle Abokor .”Xildhibaan Xasan Shahar. Waxa iyana halkaas haddalo mahad-naqa ka jeediyey Musharrax Cumar Aw Faarax oo isagu u tartamaya doorashada Golaha Wakiillada iyo Musharrax Mustafe Cabdi Cali oo isna u tartamaya Golaha degaanka Hargeysa, waxaanay si wada jir ah ugu booriyeen tageerayaashooda inay dedaal muujiyaan isla markaana ay isku diyaariyaan doorashadda sidii ay guulo uga gaadhi lahayeen “Goobtan aynu ku noolnahay ee Geeska Afrika xiddigata ka iftiimaysaa waa Somaliland, haddii aynu beerano tacab weynu gaadhi,umma malaynayo in aynu meel kale ku kale tegi doonno,maddaama oo aynu inteenaasu meel kali iskugu nimi oo isku ujeedo nahay, hawl baddan ayaa inoo taal ee aynu dedaalno.”ayey sheegeen. Gunaanadkii Munaasabadan ayaa ku soo dhammaaday jawigii farxadeed,waxaanay dadkii maddasha ka hadlay ay tageero mug iyo miisaan leh u muujiyeen labadaa Musharrax ee Cumar Aw Faarax oo isagu u tartamaya doorashada Golaha Wakiillada iyo Musharrax Mustafe Cabdi Cali oo isna u tartamaya Golaha degaanka Hargeysa. Source
-
Garowe (PP News Desk) — Puntland political associations will receive $90,000 every month to cover expenses. Puntland Vice President Ahmed Elmi, who launched voter registration event for pilot local elections, told reporters in Qardho that Puntland Government was committed to the democratisation process and that the monthly stipend for political associations would go a long way to deepen the democratic process that will replace the tradition-bound political arrangements in Puntland. Ten political associations will contest pilot local elections in three designated districts. There are unsubstantiated reports that one political association had merged with Kaah, the political association led by Puntland President Said A. Deni, making the number of political associations eligible for monthly stipend nine. Three political associations will graduate to political parties after TPEC publicises local government election results. © Puntland Post, 2021 The post Puntland Government Allocates Monthly StIpend for Political Associations appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa magaalada Muqdisho kulan isugu yimaaday guddiga qaban qaabada shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee madaxda dowaldda federaalka iyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka . Guddigan oo isugu yimid Hotel ku yaallo magaalada Muqdisho ayaa ka kooban xubna ka kala socda xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo xubna ka socda madaxda shanta dowlad gobaleed . shirka guddigan ayaa sidoo kale looga hadlay sidii la isugu soo dhaweyn lahaa madaxda dowladda federaalka iyo madaxda dowlad gobaleedyada dalka, xilli guddigan ay ku guda jiraan diyaarintii ugu dambeysay ee shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka . Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay sheegay in uu qabsoomi doono shirka 20 bisha oo ku beegan Arbacada soo aaddan , xilli ay soo baxayeen shaki la gelinayo in madaxda qaar ay ka caga jiidayaan imaanshaha shirka . Xukuumadda ayaa bilawgii bishaan si rasmi ah loogu wareejiyay daadejinta iyo qorsheynta howlaha doorashooyinka kadib markii uu fashilmay isku daygii Farmaajo ee mudda kordhinta isaga iyo xildhibaanada taageersan ay ku dhufsadeen . GoobJoog Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka midowga musharraxiinta mucaaradka Ridwaan Xirsi Maxamed oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka, gaar ahaan arrimaha ay isku hayaan iyaga iyo ra’iisul wasaaraha xilka siihaya ee Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Qaar ka mid ah musharaxiinta ayaa shalay soo saaray qoraal aan la isku wada raacin oo ay ku dhaliileen Rooble, waxaana uu Ridwaan sharraxaad ka bixiyey dhaliilaha xoogan ee ay u jeediyeen xukuumaddda ee ku aadan qabsoomida shirka wada-hadallada doorashooyinka ee dhacaya 20-ka bishan. Afhayeenka musharraxiinta ayaa ku eedeeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka caga-jiidayo isu keenida madaxdii saxiixday heshiiskii 17-kii September oo la doonayo inuu saldhig u noqdo dadaallada socda iyo arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu aad u hooseeyo abaabulka Rooble ee ku aadan qabsoomida shirka loo ballansan oo ay haatan ka harsan tahay muddo saddex cisho ah. “Waxa aan dooneynaa in wadahadalka uusan dib uga dhicin 20-ka May, balse waxa aan saluugsanahay dedaalka isu keenidda Madaxda ee Ra’iisul Wasaaraha oo si gaabis ah ku socda, waxa aan aaminsanahay in sidii laga rabay howsha Rooble xagal-daac uu ku socdo, waxa uu labo jeer galay safar iyada oo ay taagan tahay arrinta Doorashada,” ayuu yiri. Shalay ayey aheyd markii musharraxiinta mucaaradka ay shaaciyeen in ra’iisul wasaaruhu ka leexday dhex-dhexaadnimadii uu waday, maadaama loo xil-saaray doorashooyinka. The post Maxay isku hayaan Rooble iyo qaar ka mid ah golaha Midowga Musharaxiinta? appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay kulanka amniga Caasimadda iyo u diyaar garowga qaadista imtixaaanaadka Dugsiyada kaas oo uu goob joog ka ahaa taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee Ciidanka boliiska Soomaaliyeed. Shirkaan ayaa loogu hadlay Amniga guud ee Caasimada, iyadoo halkaasi loogu hambalyeeyay isla markaana lagu boogaadiyay howlaha sugida Amniga oo ay qabteen Saraakiisha iyo Askarta qeybahooda kala gedisan intii lagu jiray Bisha Barakeysan ee Ramadaan iyo Maalmihii Ciida,Waxaana lagu balamay in lasii xoojiyo wada shaqeynta Laamaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir. Sidoo kale shirka ayaa loogu hadlay u diyaar garowga sugida Amniga Imtixaanaadka Shahaadiga oo Todobaadka soo socda ka bilaabmaya Magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay amniga Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Cape Town – At least 24 Somali shopkeepers and owners have been killed since January, according to the Somali Community Board of South Africa, which blames police inaction for the unabated extortion of foreign-owned businesses and killings in the townships. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - The Council of Presidential Candidates (CPC) has called on Somalia's Prime Minister to avoid the international jet-setting and begin the preparations for upcoming electoral consultative meetings. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Doha)-Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar ayaa Sabtidii la kulmay madaxda siyaasadda ee Xamas, wuxuuna ku baaqay in Israaa’iil ay joojiso duqeymaha ay ka waddo Gaza, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda. “Bulshada caalamka waa inay deg deg ugu dhaqaaqdaa in lasoo geba-gebeeyo arxan-darrada Israel iyo weerarada joogtada ah ee ka dhanka ah shacabka Gaza iyo masjidka Al-Aqsa ee Qudus,” ayuu Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ku yidhi bayaan uu soo saaray oo ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee QNA. Waxa uu sidoo kale u xaqiijiyey hoggaamiyaha Xamas Ismail Haniyeh taagerada Qatar ee “walaalaheeda Falastiin”. Kulankooda ayaa yimid ayada oo Israel ay maalmo duqeymo ka waddo magaalada Gaza oo ay ku xoogan yihiin Xamas, ayaga oo ka jawaabaya gantaallo ay kooxdan ku weerareyso Israel. Rabshadaha ayaa markii koowaad ka dhashay isku dhac masjidka Al-Aqsa ku dhex-maray dibad-baxayaal Falastiiniyiin ah iyo ciidamada Israel. Xamas ayaa Israel u qabatay waqti kama dambeys ah oo ay ciidamadeeda uga saarato Masjidka, waxayna markii ay sameyn weyday ay ku billaabeen weeraro gantaallo ah. “Waan uga dignay in Masjidka Al-Aqsa uu yahay qad cas, waana u sheegnay Netanyahu: ‘ha ku cayaarin dab’,” ayuu yidhi Haniyeh oo dibad-joog ku ah Doha, isaga oo la hadlay boqolaal dibad-baxayaal ah oo taageerayey Falastiin. Qatar ayaa taageerta Xamas ayada oo gargaar iyo deymo malaayiin dollar ah siisa, sidoo kalena mararka qaar dhex-dhexaadisa ayaga iyo Israel. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa sameeyey arrin cajiib ah oo ay uga hortegayaan falalka dhaca ah ee ay xilliyada habeenkii ah ay kooxo hubeysan ka geystaan degmooyinka gobolka Banaadir. Dadka deegaanka ee waaxda Horseed oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sameeyey qorshahan oo ay ragga burcadda ah uga hor istaagayaan xaafaddaasi, iyaga oo Salaadda Maqrib, kadib xira dhammaan wadooyinka soo gala waaxdaasi. Ujeedada loo xiro wadooyinka jidcadayaasha ah ayey shacabku ku sheegeen in laga hor-istaago mootooyinka Bajaajta oo inta badan lagu geysto falalka amni darrada sida dhaca. Mid ka mid ah waxgaradka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in dhowr habeen ay gudaha usoo galeen waaxda Horseed rag hubeysan, isla-markaana ay dhac baahsan u geysteen dadka shacabka ah, isaga oo tilmaamay in falalkaasi oo ahaa kuwa xiriir ah ay wax ka qaban waayeen laamaha ammaanka iyo maamulka degmada. “Meeshaan waxaa ka dhacday dhowr habeen oo is xig-xiga tuugana ay ka qaraabanayaan in ilmihii ay mobeelada ka qaadanayaan inay guryihii soo galayaan wax naga qabanaayana aysan jirin,” ayuu yiri Oday ka mid ah dadka deegaanka. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay iyagu bilaabeen inay isku tashadaan, isla-markaana ay iska xireen dhammadaan jidadka soo gala xaafadaasi,. “Anaga hub ma heysano waxaan door-bidnay inaan iska xirno waddooyinka marka habeenkii noqoto, si aysan noo soo gelin tuugo waxaa timid qoryo bistooladooyin wata oo mootooyin wato xaafadda ayey soo galayaan wax alla waxa ay arkaan way qaadanayaan, ayuu sii raaciyey. Arrinatan la yaabka leh ayaa timid, ka gadaal markii ay si xoogeysteen falalka dhaca ah ee xilliyada habeenkii ah shacabka loogu geysanayo gudaha magaalada Muqdisho. The post Shacabka Muqdisho oo billaabay hab cajiib ah oo dhaca looga hortegayo appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in tuulooyin ka tirsan degmadaas ay xalay dab qabad-siiyeen malayshiyaad hubaysan. Tuulooyinkaas ayaa sida la sheegayo waxa maalmihii u dambeeyay ka aloosnaa xiisad ku salaysan dagaal beeleed, waxaana isku hor-fadhiyay laba malayshiya-beeleed. Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in shacabkii ku noolaa tuulooyinka xalay la gubay ay isaga barakaceen, kadib markii guryahooda dab la qabadsiiyay. Maas’uuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan weli kama hadlin Guryaha la gubay ee ku yaal tuulooyin hoostaga magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. PUNTLAND POST The post Tuulooyin ka tirsan magaalada Beledweyne oo xalay la gubay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa isku khilaafay warqad shalay kusoo baxday magaca golaha oo ku eedeysay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka leexday dhex-dhexaadnimadii, sida ay ogaatay Caasimada Online. Warqaddaas ayaa lagu yiri “Goluhu wuxuu aad uga walaacsan yahay in ra’iisul wasaare uu u muuqdo inuu hoggaansamay cadaadis dibedda ah, taasi oo ku hoggaamisay inuu ka leexdo mowqifkii dhex-dhexaadnimo.” Wuxuu qoraalka intaas ku daray “Goluhu wuxuu ra’iisul wasaare Rooble ku boorinayaa inuu muujiyo dhex-dhexaadnimo, islamarkaana joojiyo safarrada dibedda ah ee aan lagama maarmaanka aheyn, ahna waqti lumiska, deg degna u billaabay shaqo ku wajahan hanaan doorasho oo daah-furan ayna isku raaci karaan, wadana aqbali karaan shacabka Soomaaliya.” Warqadda ayaa waxaa barahooda bulshada ku baahiyey dhowr musharax oo ay ka mid yihiin Cabdulqaadir Cosoble iyo Cabdinuur Sheekh, inkasta oo aysan caddeyn inay ayaga qoreyn iyo in kale, balse waxaa hadda soo baxeysa in xubnaha golaha oo dhan aysan isku waafaqsaneyn warqaddan. Xubno ku dhow Golaha, ayaa sheegay inaysan ka war-hayn warqaddaas oo ay la yaabeen markii ay ka arkeen warbaahinta. Sidoo kale, Shadoor Xaaji oo ka tirsan xisbiga Wadajir ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay inaan warqadda loo dhameyn. “Qof ayaa inuu warqad iska soo qorto isagoo magaca Midowga Musharaxiinta ku hadlaya eedeeyn aan loo meel-dayin iska soo ridaya. Ra’iisul Wasaare Rooble waa in waqti la siiyaa laguna kalsoonaadaa. Waxaan uga mahad-celinayaa Midowga Musharaxiinta sida habsamida leh ay ugu heelan yihiin garab-siinta Ra’iisul Wasaaraha,” ayuu yiri Shadoor. Inta badan xubnaha Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inaan la gaarin waqti la eedeeyo ra’iisul wasaare Rooble, ayada oo xitaa aan la gaarin 20-ka May oo ah xilliga loo ballamay shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, waxayna ku baaqeen in waqti la siiyo ra’iisul wasaaraha. The post Xog: Midowga Musharaxiinta oo aan isku raacin qoraalkii lagu eedeeyey R/W Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in hadda kadib dib loo bilaabi doono qaadista dacwadaha aan ciqaabta ka dhalaneyn oo horay maxkamadda ay u joojisay kadib sanad ka hor dalka uu soo gaaray xanuunka Corona Virus . Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha maxkamadda sare xalay ayaa lagu sheegay in 16 bishaan dib maxkamadaha ay u bilaabayaan qaadista dacwadaha aan ciqaabta ka dhalaneyn sidoo kale waxa uu gudoomiyaha amray in racfaanadii waqtiga ay ka dhaceen inta xayiradda lagu guda jiray dib loo ogonaayo in ay ay soo dalbadaan dadkii uu racfaankooda dhamaaday . Hoos Ka Akhriso Qoraalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Israa’iil ayaa saaka oo Isniin ah mar kale duqaymo culus ku qaaday marinka GAZA ee dhulka Reer Falastiin. Duqaymaha ayaa lagu beegsaday xaafado ay deggan yihiin dadka Rayidka ah ee Falastiiniyiinta iyo dhul beereed ku yaalla magaalada GAZA, halkaas oo khasaare kala duwan ka dhashay. Duqaymaha ayaa burbur xooggan u gaystay dhismayaal iyo guryo ay leeyihiin shacabka Falastiiniyiinta waxaana gebi ahaanba go’day korontada xaafado kamid ah GAZA, inkastoo aan weli faahfaahin laga helin khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarka. Ciidamada israa’iil ayaa todobaadyadii u dambeeyay duqaymo xiriir ah ku waday marinka GAZA iyo qayba kamid ah daanta Galbeed, iyadoo xoogaga XAMMAAS ay dhankooda madaafiic ku rideen magaalooyinka Israa’iil. PUNTLAND POST The post Ciidamada Israa’iil oo saaka duqaymo culus ku qaaday marinka GAZA appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sabtidii ka baaqday ka qeybgalka xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, arrintaas oo noqotay hadalheynta bulshada, su’aalana la iska weydiiyey sababta iney noqon karto go’doomin. Farmaajo sanadkii ugu dambeeyey waxaa uu isku koobay Eritrea iyo Ethiopia taasi oo keentay in Soomaaliya ay noqoto saxiib iyo olog la’aan dunida, gobolka iyo ugu dambeyntii qas gudaha ah. Farmaajo iyo Gobolka: Soomaaliya waxaa daris la ah saddexda dal ee kala ah Kenya, Itoobiya iyo Djibouti, labada madaxweyne ee Uhuru Kenyatta iyo Ismaaciil Cumar Geelle ma fiicna xiriirka ay la leeyihiin Farmaajo, isaga oo Nairobi xiriirka u jaray Hiil-walaalka ugaba hiililiey Asmara, una arko Djibouti dal cadow ku ah masaalixda Soomaaliya. Farmaajo iyo Afrika: Midowga Afrika hey’adihiisa kala duwan oo ay ku jiraan golaha amniga oo fadhigoodu yahay Adis Ababa, xafiiska midowga Afrika ee Soomaaliya iyo xataa hawlgalka AMISOM waxay si cad uga hor yimaadeen damaca Farmaajo ee muddo kordhinta, iyada oo ergay gaar u magacaabay Soomaaliya si loo helo wada hadal saamileyda ah, loona qabto doorasho degdeg ah. Farmaajo iyo Beesha Caalamka: Marka laga soo tago inuu Farmaajo ku hungoobey iskudey kasta oo uu galaangal ugu sameyn lahaa gudaha Mareykanka, kuna booqan lahaa dalkaasi. Farmaajo markii uu labo sano ku darsaday, waxaa ay isku dhaceen diblomaasiyiinta shisheeye ee ku sugan gudaha Soomaaliya, taas oo keentay labo tillaabo iney qaadaan reer galbeedka gaar ahaan dalalka biila maamulkiisa, bixiyana kabka miisaaniyadda 60%. (1). In laga goosto kabkii la siin jiray (2). In loogu hanjabo cunaqabateyn. Arrimahan oo ka dhigay inuu la kulmay go’aamin ka dhan reer galbeedka ah. Farmaajo iyo Maamullada Soomaaliya: Soomaaliya waxaa ka dhisan lix maamul marka lagu daro Somaliland, waxaa xusid mudan in saddex ka mid ah maamulladaasi kana taliya dhulka ugu weyn Soomaaliya aaney Farmaajo salaanta iska qaadin, taasi oo ku tuseysa siyaasadiisa arrimaha gudaha heerka ay joogto. Farmaajo iyo Baarlamaanka: Hey’adaha dowladda gaar ahaan baarlamaanka federaalka waa uu kala jabay sababtana waxaa lahaa Farmaajo, aqalka sare oo ka mid ah baarlamaanka wax xiriir lama laha halka golaha shacabka uu ka dhigay meel uu ka sameysto sida uu doono. Farmaajo iyo Ciidanka: Burburkii kadib, waxaa markii ugu horeysay la arkay ciidamo ku gadooday madaxweyne, taliyaha booliiska gobolka Banaadir, taliyeyaasha ciidamo ku sugnaa labada shabeelle iyo ciidamo kale gaar ahaa, ilaa Villa Somalia loo jirsaday hal kiilomitir, laguna qasbay inuu ka noqdo muddo kordhinta, ilaa hadda ciidamada lama mideyn. Farmaajo iyo Musharaxiinta: Waxaa intaasi dheer, waxaa ka aamin baxay musharaxiintii la tartamayey iyaga oo u arka inuu yahay keligii taliye aan ogoleyn inuu qabto doorasho hufan, oo xor iyo xalaal ah. Ugu dambeyntii, ka baaqashada Farmaajo ee caleemo-saarka madaxweyne Djibouti waxa ay xiriir la leeyahay go’doomintaas uu kala kulmay dunida, gobolka iyo dunida isaga oo maanta ay kusoo hareen oo keliya la taliyeyashii gaarsiiyey heerkaas. Xigasho: Goobjoog News The post Ka qeybgal la’aanta Farmaajo ee caleemo-saarka Ismaaciil Cumar Geelle, ma go’doon siyaasadeed mise Ikhtiyaar? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhiga ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Kenay oo ku yaala deegaanka May-gaay ee gobolka Lamu ee dalka Kenya. Weerarka kadib, waxaa bilowday iska hor-imaad dhex-maray ciidamada Kenya iyo dagaal-yahanada weerarka kusoo qaaday ee Al-Shabaab, kaasi oo qaatay in kabadan labo saac, sida ay dad deegaanka ah u sheegen Caasimada Online. Dagaalka ayaa argagax hor leh ku abuuray dadka ku nool aaga deegaankaas, ayada oo hubka labada dhinac isku adeegsanayeen ay qaarkood ku dhaceen xaafadaha deegaanka May-gaay ee gobolka Lamu. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, marka laga imaado khasaaraha bulshada deegaanka kasoo gaaray dagaalkaas oo markii hore ku bilowday weerar ay Saldhiga kusoo qaadeen dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Taliska ciidamada Kenya ee gobolka Lamu iyo kooxda Al-Shabaab ayaa weli wax faah-faahin ah kasoo saarin dagaalkaas oo saacado qaatay, waxaana lasoo warinaya inuu jiro khasaare labada dhinac. Weerarka ayaa kusoo aadaya maalin ka hor un weerar noocan ah oo xili habeen ah ku qaadeen dagaal-yahano Shabaab ah Saldhiga ciidamada Kenya ee gobolka Wajeer. The post Dagaal saacado qaatay oo LAMU ku dhex maray Al-Shabaab iyo ciidanka Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye Axmed Xuseen Cadow oo ka mid ahaa wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ka howl-galka caasimada, waxaana geeridiisa xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa. Marxuumka ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ku xanuunsanaa gudaha magaalada Muqdisho, waxaana la dhigay isbitaalka Yardameli ,kadib wadno xanuun kusoo booday. Geerida naxtinta leh ee ku timid marxuumka ayaa waxaa ka tacsiyeeyey bahda saxaafadda oo tacsi tiraanyo leh u diray ehellada iyo qaraabada Ex-Wariye Axmed Xuseen Cadow. Sidoo kale waxaa geerida ku timid wariyaha ka hadlay wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, isaga oo bahda saxaafadda iyo ehellada marxuumka u tacsiyeeyey. Wasiir Dubbe ayaa sidoo kale marxuumka Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Fardowso. Marxuum Axmed ayaa ifka uga tegay Xaas iyo saddex Carrruur ah, wuxuuna hadda ka tirsanaa shaqaalaha Idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho. The post Wariye Axmed Xuseen oo ku geeriyooday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Guddida Anshax-marinta & Xalinta khilafaadka Arimaha Doorashooyinka S/land oo digniin Culus u diray Qaar ka mida ah Murashaxiinta Golayaasha Wakiilada & Degaanka Guddida Anshax-marinta iyo Xalinta khilaafaadka ayaa digniin u diray qaar ka mida murashaxiinta oo ay sheegeen in ay bilaabeen ollole aan wakhtigiisi la gaadhin.Warmurtiyeed ay guddidu soo saartay ayaa lagu sheegay in murashaxa olloleeya ka hor mudadda ollolaha uu wajihi doono ciqaab sharci. War-murtiyeedka ayaa u dhignaa sidan: – Qaran News
-
Midowga Musharixiinta oo Shaki & Walaac weyn ka muujiyay Dhexdhexaadnimada RW Rooble ee Arimaha Doorashada Xubnaha Golaha Midowga Musharixiinta xilka Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa shaki galiyay Howlaha hogaaminta arimaha doorashada ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble. Warsaxaafadeed ku qornaa luuqadda Ingiriiska oo kasoo baxay Midowga Musharixiinta isla markaana loo diray Wakiilada Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay Golaha uu walaac ka qabo in Ra’iisul Wasaare Rooble uu dhex-dhexaad ka noqon waayo howlaha doorashada, isla markaana uu u nuglaado cadaadis uga imaanaya dibadda. Golaha Midowga Musharixiinta ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha in uu muujiyo Madax banaanidiisa hirgelinta arimaha Doorashada ee dhaaftay wakhtigii loogu talagalay iyagoo ugu baaqay in uu joojiyo safarada dibadda ee aan muhiimka ahayn isla markaana uu si deg deg ah u guda galo howlaha doorashada. Horaantii Bishan May ayay ahayd markii uu Ra’iisul Wasaare Rooble sheegay in uu la wareegay howlihii doorashada xiligaas oo uu balan qaaday in uu si hufan oo deg deg ah u maareyn doono hirgelinta doorashada dalka. Warka kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa kusoo beegmaya xili 20-ka bishan oo Afar cisho ayna naga xigaan ay ku asteysan tahay xilligii uu Ra’iisal Wasaaraha Xil-gaarsiinta Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble iclaamiyay in shir ay Muqdisho isugu imaanayaan Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Xukuumadda laguna dardar gelinayo hirgelinta heshiis laga gaaro arimaha Doorashooyinka. Qaran News
-
Somalia faces a political crisis because its leaders have been unable to hold elections after President Mohamed Abdullahi Mohamed’s term of office expired in February. In the absence of elections, his term was extended for two years by the Lower House of the country’s Parliament in April. This decision was condemned by international partners and triggered protests and clashes in the capital Mogadishu later that month. Mohamed, popularly known as Farmajo, has since backed down on the term extension. He has committed to a dialogue process and designated Prime Minister Mohamed Hussein Roble to oversee the implementation and security of the elections. The president’s latest move has defused tensions and allowed the space for various actors to work towards reconciling stakeholders. But will the choice of Roble to spearhead the election process address the deadlock and pave the way for polls in Somalia? Somali politicians cautiously welcomed Roble’s role, as he brings numerous advantages to the position. First, he is Mogadishu Clan – the same clan as most of the country’s leading opposition figures and most of the soldiers in the capital. Second, he’s a newcomer in politics, so doesn’t carry the same baggage as other politicians. To some, this gives hope for securing opposition buy-in. Roble has promised not to take sides in the elections and has committed to delivering a credible poll acceptable to both sides of the political divide. However, since he was given the task by the president, some wonder if he can escape the influence of Villa Somalia. Another question is whether he can steer the election process with independence, given its high-stakes nature for the central government and the opposition. The biggest challenge is the management of stakeholder trust in the elections. When he became president in 2017, Farmajo promised to work towards ‘one person, one vote’ rather than the clan-based indirect election, which brought him to office. However, inadequate preparations and al-Shabaab violence across Somalia in the latter part of his four-year term made it clear that universal suffrage wasn’t feasible. The federal government of Somalia and the five federal member states then agreed on a revised election model. The new approach was based on the 17 September 2020 agreement that provides wider participation than previous elections. However, implementation failed due to mistrust primarily between the federal government and member states. The latter worried about the central government’s interference in state-level politics and Farmajo’s perceived centralisation of power. The lack of consensus on the type of federalism Somalia needs has made implementing the current election model difficult. While the federal government increasingly works towards more power at the centre, the member states prefer a more devolved approach. Amid this dichotomy, the opposition and some federal states blame Farmajo for interfering with some states’ elections – notably in Hirshabelle, Galmudug and the South West regions. They also accuse him of creating tensions in the other states, particularly Jubaland. Here, central government opposition to Jubaland President Ahmed Mohamed Islaam Madobe in the 2019 elections soured relations between Mogadishu and Kismayo, Jubaland’s commercial capital. Another source of mistrust has been the use of security forces against the opposition. In his four years of office, Farmajo has been accused of attacking the opposition, breaking up peaceful demonstrations and replacing airport security with a force known for attacking his opponents. He has also allegedly interfered with the security of Puntland and Jubaland delegations and side-stepped the Upper House of Parliament. Also, one of the reasons for the deadlock in implementing the September 2020 agreement is Jubaland’s security issue. The presence of Farmajo’s troops in one of the two cities in Jubaland where elections are to take place – Garbaharey in Gedo – is seen by the Jubaland leadership as an attempt to interfere with state-level polls. Despite the cancellation of Farmajo’s presidential term extension, mistrust and frustration have continued to grow in the processes that he has led. The 25 April fighting that followed shows the opposition’s capacity to oppose the president’s choices. If the problems that stoke mistrust aren’t resolved, key stakeholders such as Jubaland and Puntland could boycott the dialogue for its lack of transparency and accountability. This may cause the new political process to stall, perpetuate stakeholder apathy, further fragment the security sector and allow violence to resume. Roble has however swung into action, with a dialogue among stakeholders scheduled for 20 May. Already many praise his management of the troop withdrawals from Mogadishu and his intentions to meet with opposition members. For an inclusive dialogue to deliver results, Roble must win the trust of all political actors. To do this, he needs to take full control and tackle concerns around the electoral process. Any perception of Roble’s lack of independence from Farmajo could worsen tensions. Roble’s task is substantial – failure to deliver impartial and timely elections will undermine Somalia’s transitional process. International partners like the United States, United Nations, European Union and Middle East, along with the Intergovernmental Authority on Development and the African Union, must work together to secure the support of all Somali stakeholders. Achieving this will require political compromise from leaders at all levels within the country. Selam Tadesse Demissie, Research Officer and Andrews Atta-Asamoah, Programme Head, ISS Addis Ababa. The post Trust deficit keeps Somalia’s leaders at loggerheads appeared first on Caasimada Online.