Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,806
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jilaa Sooraan oo Cusbitaal Burco ku Yaal la Dhigay ka dib markuu uu haleelay Xanuunka….. Jilaaga Reer Burco ee Ibraahim Ismaaciil Sugulle oo loo garan og yahay “Sooraan” ayaa la dhigay Cisbitaalka gaarka u ah bukaanka uu asiibay Xanuunka Safmarka ah ee COVID_19 ee ku yaalla Magaalada Burco. Jilaa Sooraan Ismaciil Sugule ayaa u jiifa Xanuunka Covid19 oo haleelay, Waxaana xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayaa cisbitaalka ku yaalla Burco. Qaran News
  2. Nuxurka Kulan dhexmaray Komishanka doorashooyinka S/land & Safiirka Midowga Yurub Komiishanka doorashooyinka Qaranka ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Midawga Yurub iyo xubno xafiiskiisa ka tirsan, kuwaas oo Komishanka ku-soo-booqday xaruntooda Hargeysa. Xubnaha Komiishanka doorashooyinka Qaranka ayaa safiirka uga waramay horumarka laga gaadhay diyaargarawga qabashada doorashooyinka Isku-sidkan ee golayaasha wakiiladda iyo deegaanada JSL. Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) ayaa safiirka u sheegay in Komiishanki ay soo saareen liiskii codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland, ee sida gaarka ahna loogu galayo doorashooyinka isku sidkan ee wakiilladda iyo deegaanka waxaa kale oo gudoomiyuhu caddeeyay inay soo gaadheen dalka waraaqihii codbixinta doorashooyinka Somaliland. Kulanka ayaa ugu dambayntii ku soo idlaaday Isgarad buuxa iyo iskaashiga iyo wada-shaqaynta in la sii xoojiyo. Safiirka ayaa Komiishanka doorashooyinka Qaranka iyo guud ahaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland-ba ku ammaanay dedaalka, midnimada iyo isfahamka ay dhexdooda muujiyeen iyo siday isugu tashadeen uguna guntadeen ka midho-dhalinta hannaanka tisqaadka ah ee doorashooyinka iyo Dimoqraadiyadda Somaliland. Qaran News
  3. Dawlada Qatar oo si kulul uga hadashay weerarada ku socda Gaza Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar ayaa Sabtidii la kulmay madaxda siyaasadda ee Xamas, wuxuuna ku baaqay in Israel ay joojiso duqeymaha ay ka waddo Gaza, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda. “Bulshada caalamka waa inay deg deg ugu dhaqaaqdaa in lasoo geba-gebeeyo arxan-darrada Israel iyo weerarada joogtada ah ee ka dhanka ah shacabka Gaza iyo masjidka Al-Aqsa ee Qudus,” ayuu Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ku yiri bayaan uu soo saaray oo ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee QNA. Waxa uu sidoo kale u xaqiijiyey hoggaamiyaha Xamas Ismail Haniyeh taagerada Qatar ee “walaalaheeda Falastiin”. Kulankooda ayaa yimid ayada oo Israel ay maalmo duqeymo ka waddo magaalada Gaza oo ay ku xoogan yihiin Xamas, ayaga oo ka jawaabaya gantaallo ay kooxdan ku weerareyso Israel. Rabshadaha ayaa markii koowaad ka dhashay isku dhac masjidka Al-Aqsa ku dhex-maray dibad-baxayaal Falastiiniyiin ah iyo ciidamada Israel. Xamas ayaa Israel u qabatay waqti kama dambeys ah oo ay ciidamadeeda uga saarato Masjidka, waxayna markii ay sameyn weyday ay ku billaabeen weeraro gantaallo ah. “Waan uga dignay in Masjidka Al-Aqsa uu yahay qad cas, waana u sheegnay Netanyahu: ‘ha ku cayaarin dab’,” ayuu yiri Haniyeh oo dibad-joog ku ah Doha, isaga oo la hadlay boqolaal dibad-baxayaal ah oo taageerayey Falastiin. Qatar ayaa taageerta Xamas ayada oo gargaar iyo deymo malaayiin dollar ah siisa, sidoo kalena mararka qaar dhex-dhexaadisa ayaga iyo Israel. Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo saaray qoraal uu ku shaaciyey goorta ay dib u bilaabanayaan dacwadaha aan ciqaabta ahayn oo ay qaadi jireen maxkamadaha dalka, kuwaas oo kol hore loo hakiyey Coronavirus dartiis. 16-ka May ayuu amray guddoomiye Baashe in dib loo furo dacwadaha aan ciqaabta aheyn, sidoo kale rafcaanadda wakhtigoodu dhacay intii ay dacwaduhu hakadka ku jireen ayuu amray in loo ogolaado wakhti ay dib ugu furan karaan rafcaanadda wakhtigoodu dhacay. “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS, isaga oo tixgalinaya baahida loo qabo in dib loo bilaabo dacwadaha aan ciqaabta ahayn ee muddada hakadka ku jiray xanuunka Covid-19 dartiis, bulshaduna u hesho adeegyadda cadaaladeed ee ay u baahntahay. Waxa uu soo saaray go’aanadan.” 1 – Laga bilaabo 16/05/2021 waxaa dib loo furay dhammaan dacwadaha aan ciqaabta ahayn ee muddada hakadka ku jiray xanuunka Covid-19 dartiis. 2 – Waxaa la farayaa garsooreyaasha iyo shaqaalaha kale ee Garsoorka inay si buuxda shaqadooda ugu soo laabtaan, una bilaabaan mudeynta iyo gar-maqaladda dacwadaha aan ciqaabta ahayn laga bilaabo maalinta Axadda ah ee 16/05/2021. 3 – Dhammaan rafcaanada wakhtigoodu dhacay muddadii ay dacwaduhu hakadka ku jireen waa in loo ogolaado wakhti ay dib ugu furan karaan rafcaanadda wakhtigoodu dhacay. 4 – Si loo dhawro badqabka bahda Garsoorka iyo bulshada loo adeegayo, loogana taxadaro faafida xanuunka Covid-19, waa in loo hogaansamo awaamiirta Wasaaradda Caafimaadka XFS, lana qaado talaabooyinka lagama maarmaanka u ah ka hortaga faafitaanka xanuunka. The post Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo soo saaray afar qodob (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
  5. War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Boqortooyada ay go’aan ku gaartay la socodka dhaq-dhaqaaqa Ajaanibta Duullimaadka iyo safarka dhulka ah ku gala dalkaas. Wasaaradda ayaa shaacisay liiska Dalalka ugu socodka badan muwaadiniintooda dhanka Boqortooyada Sacuudiga ee u baahan in lala socdo dhaq-dhaqaaqooda si aysan sabab ugu noqon gudbinta faafitaanka xannuunka nuuca cusub. Hay’adaha ammaanka, kuwa caafimaadka iyo ilaalada soohdinta waxa ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Boqortooyada Sacuudiga ku adkeysay in ay ula socdaan qul-qulatooyinka soogalootiga nolol maalmeedka u raadsanaya Dalkaas. Sacuudiga ayaa difaac adag ka galay xaaladda Covid-19, waxa ay boqortooyadu xakameysay goobaha isu imaatinka sida Magaalooyinka Barakeysan oo martigeliya Kumanaan Muslimiin ah oo u cibaado tagta. PUNTLAND POST The post Sacuudiga oo xakamaynaya socodka muhaajiriinta appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa ka hadlay dil si arxan darro ah magaalada Muqdisho loogu geystay askari ka tirsanaa ciidankii Badbaado Qaran ee ka hor tagay mudo kororsigii Farmaajo iyo gabar Weriye ah oo maanta ay jir dileen Taliyaha saldhigga booliska ee degmada Xamarweyne iyo askar uu watay. Senatorka oo fariin u diray ra’iisul wasaare Rooble ayaa ka dalbaday inuu jawaab deg deg ah ka bixiyo labadaas dhacdo ee mid lagu dilay askariga, midna lagu jir dilay Weriyaha. “Waxan leeyahay ra’iisul wasaareheena, amniyaad balan qaaday, nin askari ah ayaa la dilay oo qashin-qub la dhex dhigay, markii aad amniga balan qaaday kadib, gabar Weriye ah ayuu gacanta ula tegay taliyaha saldhigga Xamarweyne oo qalabkii ka jejebiyey, labadaas dembi ra’iisul wasaare adigaa laguu heystaa,” ayuu yiri Xaaji Muuse Suudi. Waxa uu sheegay in hadii uu Rooble tallaabo ka qaado ragii geystay labadaas dembi ee dilka iyo jir dilka kala ah uu noqonayo in ka soo baxay balantii uu ka qaaday shacabka, laakiin hadii uu wax ka qaban waayo uu noqonayo nin gadaashiisa uu Farmaajo wax uga dheelaayo. Sidoo kale Sanetorka ayaa xasuusiyey ra’iisul wasaaraha in dhamaan dadka Soomaliyeed ay wada adeeceen markii uu balan qaadyada u sameeyey. “Waxaa soo haray xoolahaan loogu deeqaayo ciidanka Badbaado Qaran istaagi maayaan, ra’iisul wasaare ciidankii magaalada waan ka saarnay, jidadka waan furnay, howsha waan kaaga dambeynaa, laakiin Farmaajo oo meesha aan ka bixin Geellu joogsa maayo, Iduhu joogsan maayaan, lana seexan maayo,” ayuu yiri Senator Muuse Suudi Yalaxow. Askariga la dilay ayaa la sheegay inuu qeyb ka qaatay dadaalladii looga hor tegayey mudo kororsigii fashilmay ee Farmaajo, waxaana shalay meydkiisa laga helay goob qashin-qub ah oo u dhaw dugsiga tababarrada booliska Soomaaliya ee Jeneraal Kaahiye. Sidoo kale askar uu watay Taliyaha saldhigga booliska ee degmada Xamarweyne ayaa maanta Talada Xaawo-taako ee afaafka hore ee madaxtooyada ku jir dishay Weriye Fardowso Maxamuud Sahal oo ka tirsan shaqaalaha Radio Kulmiye, xilli ay ku howlaneed tebinta dibadbaxyo ay dhigayeen waalidiinta askartii la waayey ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea. Weriye Fardowso ayaa sheegay inay dhaawacyo ka soo gaareen gacanta iyo sinta, kadib markii ay laamiga ku garaaceen askartii uu watay taliyaha saldhigga Xamarweyne, sidoo kale Taliyaha ayey sheegtay inuu gacantiisa uga qaaday talefoonkeedii iyo qalabkii ay ku howlgaleysay ee warbaahinta. Senator Muuse Suudi ayaa amarka falalkaas ku eedeeyey inuu bixiyey madaxweyne Farmaajo, isagoo ra’iisul wasaare Rooble ka dalbaday inuu ka hor tago aar gudasha uu Farmaajo ka wado gadaashiisa. Hoos ka Daawo The post Daawo: Muuse Suudi oo sheegay cidda loo haysto askarigii badbaado qaran ee Muqdisho lagu dilay appeared first on Caasimada Online.
  7. Marxuum, Gen. Cali Ismaaciil Maxamed Madaxweymaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida Gen. Cali Ismaaciil Maxamed oo ku geeriyoodey Turkiga. Bayaan tacsi ah oo uu soo saaray madaxweyne Deni ayuu ku yiri “Waxaan ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaanba shacabka Puntland, eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay uga tacsiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Gen. Cali Ismaaciil Maxamed oo ku geeriyoodey Turkiga”. “Gen. Cali Ismaaciil Maxamed waxa uu ka mid ahaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uu dalkiisa iyo dadkiisa usoo shaqeeyey muddo dheer xilligii dowladdii Kacaanka, burburkii kadib waxa uu door muhiim ah ka qaatay dhismaha dowladnimada Puntland” ayuu ku sii yiri bayaanka. Madaxweynaha Puntland ayaa Marxuumka Alle uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay geerida Gen. Cali Ismaaciil Maxamed appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shirkad ka diiwaan-gashan Kenya ka mamnuucday inay mar dambe ka howlgasho dalka kadib markii ay Hargeysa ka dejisay qalab loogu talo-galay doorashooyinka Somaliland oo ay ka qaaday Nairobi. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkadda oo lagu magacaabo Astral Aviation la mamnuucay kadib markii ay ku xadgudubtay hawada Soomaaliya, oo ay Hargeysa tagtay ayada oo aan ogolaansho haysan. Dowladda Kenya ayaa 14-kii May u fasaxday laba diyaaradood inay dalkeeda ka baxaan oo ay qalab electronic ah geeyaan Somaliland, inkasta oo ay mamnuucday duulimaadyada dalkeeda ka aadaya iyo kuwa uga imanaya Soomaaliya. Diyaaradahan oo lagu fasaxay amar Khamiistii kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, oo tirsigiisu yahay MFA/PRO.91/002 (052), ayaa lagu sheegay in laba diyaarad oo ay maamusho shirkadda Astral Aviation loo ogolaaday inay qalab ka qaadaan garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi, inta u dhaxeysa May 13 illaa 15. Labada diyaarad ayaa noocoodu yahay MacDonnell Douglas DCC-9F iyo Boeing B727-727F, waxayna ka diiwaan-gashan yihiin Kenya. Kenya ayaa toddobaadkii tegay joojisay dhammaan duulimaadyadii Soomaaliya, marka laga reebo kuwa caafimaad iyo gargaarka bani’aadannimo ayada oo la rumeysan yahay inay kaga jawaabeyso qaadka Kenya oo ay Soomaaliya mamnuucday. The post DF oo dalka ka mamnuucday shirkad diyaaradeed oo Kenyan ah oo ka degtay Hargeysa appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah musharaxiinta mucaaradka ah ayaa soo saaray qoraal uu talooyin shan qodob ah ugu soo jeediyey ra’iisul wasaare Rooble, kuwaas oo uu sheegay inay lama huraan tahay inuu wax ka bedelo marka la gaaro 20-ka bishan oo loo balan san yahay shir xal looga gaarayo khilaafka doorashada Soomaaliya. “Waxay ila tahay in ay muhiim tahay in Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu shan arrimood ogaado kahor inta uusan tagin shirka 20ka May,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Daahir Geelle. Shanta qodob ee Daahir Geelle uu kula taliyey Rooble ayaa kala ah: 1- In uu ogaado in aan laga aqbali doonin wixii Farmaajo laga diiday. 2- In uu ogaado in heshiiski 17ka September uu kaliya aasaas yahay, balse ay tahay in laga heshiiyo waxa la isku haayo oo dhan. 3- In uu ogaado in taageerada uu ka haysto mucaaradka, ciidamada, beesha caalamka iyo guud ahaan bulshada ay tahay mid shardiyaysan oo uu ku kasbaday in uu ka leexaday waddadii hore loogu lumay. 4- In uu ogaado in arrinta aan sheegi jirnay ee ahayd in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhammaato uu micnaheedu yahay in ay ku dhamaato miis loo dhan yahay oon lagu kala maqnayn. 5- In uu ogaado in miiska oo saamilayda loo diido, kuwa fadhiyana looga kaco uu yahay habdhaqan hore loogu hungoobay laguna fashilmay. Ugu danbayntii Daahir Maxamuud Geelle ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Walaalkeey Ra’iisalwasaare Rooble waxaan leeyahay si aad u guulaysatid waa in aad guul-darrooyinkii hore wax ka baratid.” 20-ka bishan May waxaa lagu wadaa inuu Muqdisho ka furmo shir ay khilaafka doorashada uga arrinsanayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, waxuuna mucaaradku Rooble ka dalbanayaa in shirkaas la balaariyo. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan ra’iisul wasaaraha ku wareejiyey mas’uuliyadda doorashooyinka dalka, kadib markii uu ku guul dareystay inuu kala heshiiyo saamileyda kale, waxaana laga dhur sugayaa sida uu Rooble u maareeyo arrintaas. The post Rooble oo loogu baaqay inuu shan arrin ogaado ka hor inta uusan tagin shirka 20-ka May appeared first on Caasimada Online.
  10. MOGADISHU (HOL) - Somalia has banned a Kenyan registered airline from future operations in the country following its deployment by Somaliland to transport election materials from Nairobi. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wakiilo ka socda dowlad goboleedyada, oo qaban qaabinaya shirka Madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, ayada oo la filayo in shirkaas uu furmo 20-ka bishan May. Guddiga qaban qaabada shirka la filayo inuu Muqdisho ka furmo ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, waxayna uga wada hadleen qaabka ugu fudud ee uu ku furmi karo shirka. Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay inuu muqdisho ka socdo qaban qaabada shirka uu iclaamiyey Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. “U diyaar garowga Shirka 20 May oo ay kaqayb galayaan dowladda, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa socda, waxaana Gudiga qaban qaabada ee ka socda Maamul goboleedyada ay maanta soo gaareen Magaalada Muqdsiho, waxaana kulankan soo qaban qaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,” ayuu yiri Macalimuu Diyaar garowga loogu jiro shirka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa imanaya ayada Golaha Midowga Musharaxiinta ay maanta sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin inuu Rooble ka leexday dhex-dhaxaadnimadii. “Goluhu wuxuu aad uga walaacsan yahay in ra’iisul wasaare uu u muuqdo inuu hoggaansamay cadaadis dibedda ah, taasi oo ku hoggaamisay inuu ka leexdo mowqifkii dhex-dhexaadnimo,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Musharaxiinta. “Goluhu wuxuu ra’iisul wasaare Rooble ku boorinayaa inuu muujiyo dhex-dhexaadnimo, islamarkaana joojiyo safarrada dibedda ah ee aan lagama maarmaanka aheyn, ahna waqti lumiska, deg degna u billaabay shaqo ku wajahan hanaan doorasho oo daah-furan ayna isku raaci karaan, wadana aqbali karaan shacabka Soomaaliya.” The post Wararkii ugu dambeeyey ee shirka DF iyo dowlad goboleedyada iyo xubno soo gaaray Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  12. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay jeceshay inay iskaashi iyo amni kula macaamisho dalalka ay oodwadaagta iyo dariska yihiin, waxaana ay muddo dheer ahayd deyr sharka iyo shiddada kaga gudban dalalka Itoobiya iyo Jabuuti oo soohdin ay la wadaagto. Somaliland oo ku taalla bogcad istaraataji ah, waxay xidhiidh saaxiibtinimo iyo iskaashi la leedahay dalalka Mandaqada oo ay ka mid yihiin Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay saddexdaas dalba ku leedahay Xafiisyo Wakiillo diblomaasiyadeed, iyadoo Jabuuti iyo Itoobiyana ay ku leeyihiin Hargeysa qunsuliyado,halka Kenya ay dhawaan magacowday Wakiil u fadhiyi doona Somaliland. Xukuumadda Somaliland waxa ay xoojisay xawaarihii uu ku socday dedaalka loogu jiro aqoonsi raadinta Somaliland. Waxa kaloo ay jabisay derbigii muddada dheer ka hortaagnaa inay kasbato maalgashiga caalamiga ah iyadoo Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabtu ay $442 Milyan oo Doolar ku casriyeynayso marsadda Berbera oo loo diyaarinayo inay noqoto marin weyn oo ganacsi oo isku xidha Geeska iyo Bariga Afrika. Waxa mashaariicdaas horumarinta ee dekedda Berbera doorkeeda ka qaadanaysa Itoobiya oo maalgelinta dekedda ku leh saami dhan Boqolkiiba Sagaal iyo Toban. Sidoo kalena waxa labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya ka wada shaqeynayaan jidka hawlbowlaha ah ee Berbera Corridor oo isku xidhaya marsadda Berbera illaa Magaalada Wajaale. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi wuxuu jimcihii Toddobaadkii hore uu socdaal ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu kaga qaybgalay xafladii dhaarinta iyo caleemo-saarka Madaxweyne Geelle,waxana madaarka Jabuuti meeqaamkii ugu sareeyey ugu qaabilay Ra’iisul-wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed. Sidoo kale, waxa Sabtidii uu madaxweynaha Somaliland ku biiray Madaxdii ka socotay Afrika iyo caalamka ee lagu soo martiqaaday xafladaas waxaanu madaxweynuhu kulanno gooni gooni ah la yeeshay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxdii kale ee xafladaas goobjooga ka ahaa oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyneyaasha Kenya, Guinea Conakry, Uhuru Kenyatta iyo Alpha Condé iyo Ra’iisul-waasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Ruwanda. Madaxweynaha Somaliland waxa ka go’an inuu ka faa’iideeyo fursad kasta oo danaha dalku ku jiraan isla markaana uu cagaha dhigo madal kasta oo Hoggaamiyeyaasha Afrika iskugu imanayaan si uu u dhacsiiyo Qaddiyadda Qarannimada Somaliland. Waxa xafladii caleemo-saarka madaxweyne Geelle uu madaxweynaha Somaliland u noqotay fursad uu guul diblomaasiyadeed kaga gaadhay yoolkii uu ka lahaa socdaalkaas qaatay saddexda maalmood ee uu ku tagay Jabuuti, taasi oo cadowga JSL ku noqotay tumaati siyaasadeed oo aanay filaynaynin. Ra’yul-caamka bulshada reer Somaliland ayaa aad u soo dhaweeyey socdaalka madaxweynaha oo ay ku tilmaameen mid muhiim ahaa oo madaxweynuhu uu ka faa’iidaystay jaanis siyaasiya. Ugu dambeyn, Dadka la socda siyaasadda ayaa aaminsan in hab maamuuska ay dawladda Jabuuti ku qaabishay Weftiga Madaxweynaha Somaliland uu calaamad u yahay isbeddel xoog leh oo duruuftu keentay oo Jabuuti ku garwaaqsatay in masaalixda jaarnimo ee ka dhexeeya Somaliland uu ka muhiimsan yahay cilaaqaadka dhexeeya Soomaaliya oo ka abaal ka dhacday gogoshii iyo maalkii soddonkii sannadood ee la soo dhaafay ay Jabuuti la garab taagnayd si loo xasiliyo dalkaas qalalaasuhu hadheeyey. Qore Cumar Maxamed Faarax Source
  13. Shacab Gadoodsan oo maanta mudharaad ka dhan ah Xukumada Farmaajo ka istaadhey Muqdisho +Sababta kelifay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta debad-bax ka dhan ah Xukumada Farmaajo ka dhigay boqolaal shacaba oo aad u gadoodsan. Dibad-baxa oo ka dhacay taallada Daljirka Daahsoon ayaa waxaa ka qeyb-galay dhalinyaro iyo waalidiin ka cabanayey caruur ay dowladda u qaaday Ereteriya , si loo soo askareeyo. Dadka dhigayey debad-baxa oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ku qeylinayey erayo ka dhan ah madaxda Xukumada federaalka, iyaga oo shaaciyey in caruurtoodii ay la’yihiin nolol & geeri. Sidoo kale waxay ugu baaqeen madaxweynaha uu waqtigiisa dhammaaday inuu soo fara-geliyo arrintan, si dalkooda dib loogu soo celiyo caruurtaasi. Waalidiinta oo wejiyadooda ay ka muuqaatay murug aad u xoogan ayaa sheegay inay ka waalacsan yihiin xaaladda ay ku sugan yihiin caruurtooda oo muddo dheer ka maqan. Si kastaba cabashada waalidiintan ayaa bilihii u dambeysay isa soo tareysay, kadib markii la sheegay in ciidamo Soomaali ah oo tababar loo geeyey Ereteriya ay ka qeyb-galeen dagaalladii ka dhacay gudaha dalka Itoobiya, gaar ahaaan gobolka Tigray ee waqooyiga wadankaasi. Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey jawaabahay aan is-waafaqsaneyn ee dowladda federaalka ee ku aadan is-mari waaga hanaanka doorashada, waxayna ku eedeeyeen ra’iisul wasaare Rooble inuu ka leexanayo dhex-dhexaadnimada. “Markii hore dowladda waxay codsatay in Midowga Afrika uu soo faro-geliyey qalalaasaha, ayada oo ku doodeyso ‘In xal Afrikan ah loo helo dhibaatooyinka Afrika’ ayada oo ujeedko yahay in laga weecdo shaqada wakiilada beesha caalamka ee Xalane,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Golaha. “Kadib magacaabistii wakiilka sare ee Midowga Afrika si uu mas’uul uga noqdo hanaanka, dowladda waxay ka laabatay codsigeedii hore ayada oo sheegeysa in Rooble uu bisha May 20-keeda qabanayo kulan la sheegay in lagu xalinayo arrimaha taagan.” Golaha ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay inuu Rooble ka leexday dhex-dhaxaadnimadii. “Goluhu wuxuu aad uga walaacsan yahay in ra’iisul wasaare uu u muuqdo inuu hoggaansamay cadaadis dibedda ah, taasi oo ku hoggaamisay inuu ka leexdo mowqifkii dhex-dhexaadnimo,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Musharaxiinta. “Goluhu wuxuu ra’iisul wasaare Rooble ku boorinayaa inuu muujiyo dhex-dhexaadnimo, islamarkaana joojiyo safarrada dibedda ah ee aan lagama maarmaanka aheyn, ahna waqti lumiska, deg degna u billaabay shaqo ku wajahan hanaan doorasho oo daah-furan ayna isku raaci karaan, wadana aqbali karaan shacabka Soomaaliya.” Eedeynta Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa imaneysa xilli bilowgii horeba la rumeysnaa in Rooble uusan laheyn karti iyo go’aan uu uga madax-banaanaado Farmaajo, waxayna tani abuuri kartaa xiisad cusub, haddii aanu kasoo bixin xeendaabka madaxtooyada. The post Midowga Musharaxiinta oo shaaciyey in Rooble uu ka leexday dhex-dhexaadnimadii appeared first on Caasimada Online.
  15. Ku-simaha Madaxweynaha dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta ka daah-furay magaalada Qardho barnaamijka diwaangelinta codbixiyayaasha doorashada Dawladaha Hoose ee Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo si hordhac ah looga-qabandoono doorashooyinka Golaha Deegaanka. Ku-simaha Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabadda Daahfurka ayaa tilmaamay in hirgelinta doorashada meelsare uga jirto qorshaha Dowladda, dedaalna la geliyey ka miradhalinta yoolkaasi. “Dowladdu waxay xoogga saartay sidii shacabka reer Puntland ay codkooda ugu dooran lahaayeen cidda hoggaanka u qabanaysa, loogana gudbi lahaa habka qabaliga ah ee aynu kusoo dhaqmayney sanadihii lasoo dhaafay, farxad weyn bay noo tahay in maanta aynu daah-furno barnaamijka”. “Dowladdu iyada oo ka jawaabaysa baahiyaha ku geedaaman hirgelinta nidaamka axsaabta badan, waxaan halkan ka sheegayaa inaan ugu deeqnay Ururkasta $10,000 (toban kun oo doolar) si ay ugu gutaan hawlahooda shaqo. Waxaan diyaar u nahay inaan Guddiga iyo Ururadaba kala shaqayno sidii barnaamijkan looga midho dhalin lahaa” ayuu yiri Axmed Karaash. PUNTLAND POST The post Ku-simaha madaxweynaha Puntland oo Qardho ka daah-furay diiwaan-gelinta Codbixiyaasha Puntland appeared first on Puntland Post.
  16. Worldwide Tamil Diaspora Condemn Sri Lanka’s Destruction of Mullivaikaal Memorial for Tamil Victims of War On the eve of the Tamil Genocide Remembrance Day we, the Tamil Diaspora organizations across the globe express their unequivocal condemnation of the destruction and desecration of the Mullivaikaal Genocide Memorial in Northern Sri Lanka which was a symbol for reverence and solace for the tens of thousands of Tamils killed by Sri Lankan armed forces in the “no fire zones” in 2009. The Temple of Solomon is remembered not for its grandiose presence – but for its wanton destruction by the marauding hordes of the Roman legion. The shameful act carried out under strict Covid lockdown and suffocating military presence leaves no doubt on the identity of the perpetrators. The wanton destruction of the memorial for Tamil war victims in Mullivaikkal three days ago appears to be the response of the heavily militarized Sri Lankan government to the successful passage of the recent UNHRC resolution on Sri Lanka. The resolution A/HRC/46/L1 sets up an investigative mechanism under the High Commissioner for Human Rights for the collection, preservation, and assessment of the evidence of gross human rights violations in Sri Lanka to advance accountability and help in future legal proceedings. The history and the ordeals of an oppressed nation need not necessarily be recorded in print or on the tablets of stone. It is a scar that is carried in the hearts and minds of Tamils, to be passed from generation to generation. The mindless vandalism of this Memorial, and the desecration of the graves in the traditional Tamil homeland in Sri Lanka, will only serve to strengthen the resolve of Tamils everywhere to seek justice. We call upon the Nation States and international human rights organisations to condemn the inhumane acts of elements associated with the Sri Lanka military and urge the Government of Sri Lanka to respect the right to memorialize Qaran News
  17. Gaza (Caasimada Online) – Waxaa weli socda duqeymaha ay Israel ka wado dhulka Gaza, kuwaasi oo ay uga jawaabeyso sida ay sheegtay gantaalaha looga soo ridayo Gaza, waxaana uu dagaalka galay maalintii toddobaad oo xiriir ah. Duqeymaha cirka Israel ee magaalada Gaza ayaa Axadda maanta ah waxaa ku dhintay 23 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Duqeynta maanta ayaa ahayd tii ugu dhimashada badneyd tan iyo markii uu toddobaadkii hore dagaalkan ka dhex qarxay Israel iyo Xamas. Subaxnimadii hore ee Axadda, Israel ayaa duqeysay guriga Yehya Al-Sinwar, oo ah Hoggaamiyaha ugu sarreeya Xamas ee Gaza, waxaana uu dagaalku galay maalintii toddobaad oo xiriir ah. Si rasmi ah looma oga in Sinwar uu guriga ku sugnaa iyo in kale. Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa warisay in ay “u badan tahay in isaga iyo madaxda kale ee kooxdu ay dhuumanayaan.” Ra’iisal wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa wacad ku maray inay sii wadayaan duqeymaha, waxaana saaka duqeymaha ay diyaaradaha Israel subaxnimadii saaka ka fuliyeen Gaza ay ku dileen ugu yaraan 3 qof. Duqeymaha Israel ayaa sidoo kale sababay dhimashada 10 qof oo hal qoys ah, kuwaasi oo ku sugnaa xera qaxooti oo ku taalla Gaza, waxaana qoyskaas dhan ka bad-baaday wiil yar oo magaciisa lagu sheegay Cumar Al-Haadi oo shan bilood jir ah. Cumar Al-Haadi oo dhaawac uu soo gaaray, ayaa duqeymaha Israel ku waayey Hooyadii, afar walaalihii ah, habaryartii iyo afar ay ilmo adeer yihiin, sida laga soo warinayo dagaalka ka socda Gaza. Dagaalyahanada Falastiin ayaa 278 gantaal oo ay kasoo gameen Gaza waxay ku dhaceen magaalooyinka Koonfurta Israel ku yaala ee Ashdod, Beersheba iyo Sderot, sida uu sheegay Millateriga Yahuuda. Gantaalladaasi intooda badan uu ka hortagay habka difaaca gantaallada ee Israel. Gantaal ku dhacay waddada Ramat Gan oo ku xaafad xaafad ka mid ah Tel-Aviv, waxaa ku dhintay hal nin, xilli uu firirka gantaalka gurigiisa ugu tagay, sidoo kale waxa uu millateriga yuhuuda sheegay in 7 qof oo kale ay kaga dhinteen gantaalahaas, ayada oo la rumeysan yahay inay Yahuudda qarsanayaan jabkooda. Khasaraha ugu dambeeyey ayaa tirada guud ee shacabka ay Yahuudda xasuuqeen ka dhigeysa 148 qof oo ay ku jiraan ugu yaraan 41 caruur ah. Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 580 qof. Dhinaca kale, dowladda Qatar ayaa si kulul uga hadashay dagaalka Gaza, ayada oo fartay in si deg-deg ah loo soo gaba-gabeeyo arxan-darrada Israel iyo weerarada joogtada ah ee ka dhanka ah shacabka Gaza. Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar oo shalay la kulmay madaxda siyaasadda ee Xamas, ayaa waxa uu ku baaqay in Israel ay joojiso duqeymaha ay ka waddo Gaza, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Qatar. “Bulshada caalamka waa inay deg-deg ugu dhaqaaqda in lasoo geba-gebeeyo arxan-darrada Israel iyo weerarada joogtada ah ee ka dhanka ah shacabka Gaza iyo masjidka Al-Aqsa ee Qudus,” ayuu Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ku yiri bayaan uu soo saaray oo ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee QNA. Waxa uu sidoo kale u xaqiijiyey hoggaamiyaha Xamas Ismail Haniyeh taagerada Qatar ee “walaalaheeda Falastiin”. Kulankooda ayaa yimid ayada oo Israel ay maalmo duqeymo ka waddo magaalada Gaza oo ay ku xoogan yihiin Xamas, ayaga oo ka jawaabaya gantaallo ay kooxdan ku weerareyso Israel. Dowladda Qatar ayaa taageerta kooxda Xamas ayada oo gar-gaar iyo deymo malaayiin dollar ah siisa, sidoo kalena mararka qaar dhex-dhexaadisa ayaga iyo Israel. The post Dadkii ugu badnaa oo maanta ku dhintay Gaza iyo Qatar oo si kulul uga hadashay dagaalka appeared first on Caasimada Online.
  18. Jabhad ka howlgasha Itoobiya oo afduubatay dad u dhashay Shiinaha Jabhad ka dagaalanta dalka Itoobiya ayaa sheegtay inay afduub u haystaan saddex muwaadin oo u dhashay dalka Shiinaha kuwaas oo macdan qodis ka waday Gobolka Oromiya ee galbeedka waddankaasi. Ciidanka xoreynta Oromada ee OLA ayaa sheegay inay raggaasi ku qabteen meel u dhow magaalada Mendi. Waxay sheegeen in aaney aqoonsaneyn qandaraasyada macdan qodista ee ay bixiso dowladda isla markaana howlahaas ay horseedeen barakac saameeyay shacabka. Jabhadda OLA oo ka go’day urur siyaasadeedka mucaaradka ee Oromo Liberation Army ayaa lagu eedeeyay afduubyo iyo weeraro ka dhacay galbeedka iyo koonfurta Itoobiya. Qaran News
  19. Sucuudiga oo ka hadlay duqeymaha Israa’iil ee Qaza Dowladda Sucuudiga ayaa cambaareysay waxa ay ku tilmaantay “xadgudbka ay Israa’iil ku heyso Falastiiniyiinta” Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga Feysal Bin Farxaan oo ka hadlayay shir ay lahaayeen Ururka Iskaashiga Islaamiga ayaa sheegay in dalkiisa uu ku baaqayo in Israa’iil ay si deg deg ah ku joojiso duqeymaha. Wuxuu intaas ku daray in boqortooyada Sucuudiga ay taageereyso dadaal kasta oo lagu sii xoojinayo nabadda Falastiiniyiinta iyo Israa’iil. Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa sida-gaarka ah u tobabaran ee Haramcad ee ku sugnaa magaalada Johwar ee caasimada maamulka HirShabeelle ayaa maanta sameeyay gadood. Ciidamada oo dalbanayey in dib loogu celiyo magaalada Muqdisho ayaa gebi ahaanba xirtay waddooyin muhiim ah oo ku yaalla magaalada, taasi oo muhiim u ah isku socodkii dadka iyo gaadiidka, ayaga oo mararka qaarna ridayay rasaas goos-goos ah. Ciidamada ayaa markii hore laga soo qaaday Muqdisho xilligii ay dhaceysay doorashada madaxda maamulka HirShabeelle, waxayna hadda dalbanayeen in caasimada dib loogu celiyo si ehelladooda iyo xaasaskooda uga war–qabaan. Ciidamada gadoodka sameeynayey ayaa khal-khal amni ka abuuray gudaha magaalada, kuwaasi oo saameyn xoogan ku yeeshay ganacsiga iyo isku-socodka, sida ay qaar kamid ah dadka deegaanka u sheegen Caasimada Online. Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in ciidamada gadoodka sameeyay oo saacado kala xirtay magaalada dib loogu celiyay xeryahooda, kadib markii ay la kulmeen saraakiil sar-sare oo ciidanka. Lama oga illaa hadda in saraakiisha ay ka aqbaleen dalabka ciidamada gadoodka dhigayay iyo in is-faham kale laga gaaray xiisada, sidaasina ay ugu noqdeen xeryahoodii. The post Ciidamo ka tirsan Haramcad oo sameeyey gadood ka dhan ah DF + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  21. Duqeynta Israa’iil ee Marinka Gaza ayaa gashay maalintii toddobaad oo xiriir ah, iyada oo duqeyn xagga cirka ah maanta lagu dilay ugu yaraan afar Falastiiniyiin ah, laguna dhaawacay tobanaan kale, halka sidoo kale dhulka lala simay ugu yaraan laba dhisme oo dad ay deganaayeen. Rabshadaha cusub ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa salka ku haya cabashooyin muddo dheer soo taagnaa oo labada dhinac u dhaxeeya xaal waarana aan loo helin ayaa markale colaad horleh hurisay. Dagaalyahanada Xamaas ayaa tiro gantaallo ah ku riday magaalooyinka Israa’iil, waxaana ku dhintay weerarkaas nin ku sugnaa deegaan dhaca bariga magaalada Tel Aviv. Meelo badan oo ka mid ah dunida, waxaa ka socda banaanbaxyo looga soo horjeedo duqeymaha ka socda dhulka Falastiin,waxaana dadkan ka mid ahaa muslimiin badan oo ku nool dalka Britain. Banaanbaxayaasha ayaa socod ku tagay fagaaraha kasoo horjeeda safaaradda ay Israel ku leedahay magaalada London. PUNTLAND POST The post Khaasaraha ka dhashay Duqeynta Israa’iil ee Marinka Gaza oo sii kordhaya appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah askartii ciidamada dowladda ee ku biiray ciidanka bad-baado qaran ee kasoo horjeeday muddo kororsiga madaxweynaha ayaa saacadihii lasoo dhaafay meydkiisa laga helay agagaarka Iskuul Buluusiya ee Muqdisho. Marxuumka oo si arxan darro ah loo dilay ayaa waxaa meydkiisa lasoo dhigay, isaga oo xiran dharka ciidanka god qashin ah oo ku yaalla agagaarka Iskuul Buluusiya. Qaar ka mid ah ehellada marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Muqtaar (Maxamed Deeqow) ayaa sheegay inay waayeen wiilkooda, kadibna loo soo sheegay in meydkiisa uu yaallo nawaaxiga xerada Generaal Kaahiye ee magaalada Muqdisho. Deeqow ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada nabad sugida, gaar ahaan Unuga Duufaan, waxaana wararka ay sheegayaa in dhawaan looga yeeray taliska hay’adda NISA, si uu dib ugu laabto shaqadiisa, maadaama xal laga gaaray xiisadii ka taagneyd Muqdisho. “Geeridu kala xanuun badan walaalkay aa aduunka ugu jecla mohamed muktar mohamed Mahamed Muqtar ilaahay hakuu naxariisto. Gacan kaa xaqdaran aa ku dishay qabriga ilaahay hakuu waasiciyo kitaabkaaga gacanta midig ilaahay hakaa siiyo, ”ayuu yiri Cabdiraxmaan Muqtaar Maxamed oo ay walaalo yihiin marxuumka. Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan falkan dilka ah ee loo geystay marxuum Maxamed Muqtaar Maxamed Deeqow. Si kastaba dhacdadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo horey ay mucaaradka uga digeen in la beegsado askarta iyo saraakiisha ka horyimid muddo kordhintii labada sano aheyd ee loo sameeyey madaxweyne Farmaajo, taas oo mar dambe uu ka noqday golaha shacabka. The post Askari ka tirsanaa ciidamada bad-baado qaran oo si arxan darro ah loogu dilay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.