-
Content Count
212,796 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ururka warbaahinta Puntland (MAP) iyo Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa xalay saxiixay Xeerka habdhaqanka Saxaafada ee goobaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland. Xeerkan oo saldhig u yahay xeerka warbaahinta Puntland ayaa waxa MAP u saxiixay Gudoomiyaha Maxamed Daahir Caynsane halka dhan TPEC uu u saxiixay Gudoomiye Guled Salah Barre, waxana korjoogto ka ahaa Gudoomiyaha Dallada PUNSAA Faysal Axmed Warsame, Agaasimaha PDRC Cali Faarax Cali iyo wasiirka warfaafinta Puntland Cabdullahi Cali Xirsi (Timacade). Xubnaha Guddiga Doorashooyinka, guddiga fulinta MAP, hawlwadeenada MAP iyo TPEC, madaxda iyo masuuliyiint qaar ka mida warbaahinta Puntland iyo marti sharaf ayaa ka soo qaybgalay munaasabadan kooban oo xalay lagu Hotel martisoor Garowe. Markii ugu horey xeerka ayaa MAP iyo TPEC waxay saxiixeen 23 June, 2013. PUNTLAND POST The post MAP IYO TPEC oo kala saxiixday Xeerka habdhaqanka Saxaafada ee tebinta doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Gaza)-Ciidamada Israa’iil ayaa lasoo dhoobay xuduudda Gaza, xilli ay weli duqeyn ku socoto magaalada, halka ururka Xamas ay iyagana gantaallo ku garaacayaan Israa’iil, ayada oo xaaladda ay kasii dareyso. Duqeymo cusub oo ay maanta ka fuliyeen Gaza, ayaa ciidamada Israa’iil waxay ku garaaceen dhisme ka kooban lix dabaq oo ay sheegeen inay leeyihiin Xamas oo maamusha magaalada. Ugu yaraan 83 qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markii ay billowdeen duqeymaha Israa’iil Isniintii, sida ay sheegeen kooxaha caafimaadka, ayada oo cisbitaallada oo markii horeba la tiicayey bukaanada COVID-19 la geeyey dhaawacyo. “Waxaan wajaheynaa Israel iyo COVID-19. Waxaan dhexda uga jirnaa laba cadow,” waxaa sidaas yidhi Asad Karam oo ah 20 jir ka shaqeeya dhismeyaasha, isaga oo dhinaca taagan waddo ay waxyeeleeyeen duqeymaya Israa’iil. Dhinaca kale, weeraradii ugu dambeeyey ee gantaallo ee Xamas, ayaa mid ka mid ah wuxuu ku dhacay dhisme ganacsi oo ku yaalla caasimadda Tel Aviv, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen shan Israa’iiliyiin ah, sida ay sheegeen booliska. Toddoba qof ayaa ku geeriyootay Israel tan iyo markii ay billowdeen gantaallada Xamas, sida ay sheegeen millitariga Israa’iil. “Israa’iil oo dhan waxaa ku socda weerar. Waxaa xaalad aad cabsi u leh in lagu sugnaado,” waxaa sidaas yidhi Margo Aronovic oo ah 26 jir arday ah oo ku sugan Tel Aviv. Israel ayaa ciidamo dagaal ku diyaarisay xuduudda Gaza, waxayna ku sugan tahay “marxalado kala duwan oo ay isugu diyaarineyso howlgal dhulka ah,” sida uu sheegay afhayeen u hadlay militariga. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxwaynaha Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar Tamim Bin Hamad ayaa khadka telefoonka isku dhaafsaday Hambalyadda Munaasibada Ciida. Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa amiirka Dowladda Qadar Iyo Shacabkiisa urajeeyey in Rabbi sanadkan sanadkiisu ku Gaadhsiiyo Barwaaqo iyo Horumar. Dowladda Qatar ayaa ka mid ah Dowladaha xidhiidhka wanaagsan la leh Dowladda Soomaaliya, waxaana Qadar ay galaan-gal siyaasadeed oo xooggan ay ku leedahay Siyaasadda Soomaaliya, xili dhawaan ay Ergay cusub u soo dirsatay Soomaaliya. Source
-
(SLT-Nairobi)-Xildhibaan reer Kenya ah oo lagu magacaabo Moses Kuria ayaa BBC-da u sheegay in sannadkii hore uu qaatay lacag dhan 1,000 dollar oo laaluush ah si uu u taageero magacaabista hoggaamiyaha aqlabiyadda. “Waa iska caadi in xildhibaanadu ay qaataan laaluushka noocaan ah,” ayuu yidhi, asagoo intaas ku daray in uu soo celinayo lacagtii uu qaatay. Mr Kuria ayaa hadalkan sheegay xilli asaga iyo laba xildhibaan oo kale loo haysto in ay soo jeediyeen eedeymo ah in lacago badan oo.laaluush ah lagu siiyay xildhibaannada Kenya taageeridda isbaddalka lagu samaynayo dastuurka dalka Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Amos Kimunya ayaa beeniyey in wax laaluush ah la siiyey baarlmaanka. BBC-da ayaa Mr Kimunya waydiisay in uu ka jawaabo eedaynta gaarka ah ee Mr Kuria balse ilaa iyo hadda kama jawaabin. Xildhibaannada Kenya ayaa ka mid ah kuwo ugu mushaarka badan baarlmaannada caalamka – waxayna masuuliyiintu qiyaasayaan in dalkaas ku yaal Bariga Afrika uu balaayiin doollar ku lumiyo musuqmaasuq sannad kasta. Muxuu sheegay Mr Kuria? Mr Kuria ayaa sheegay in marar badan uu goob joog u ahaa baarlamaanka oo laaluush qaadanaya. “Arrintani xisaab ma leh inta jeer ee ay dhacday sideeddii sano ee aan baarlamaanka ku jiray,” sidaas ayuu u sheegay barnaamijka BBC-da ee Newsday. “Sida caadiga ah arrimahani kama dhacaan kaamarada horteeda,” Wuxuu tusaale u soo qaatay magacaabista Mr Kimunya. Kaas oo bishii June ee sannadkii hore baddalay hoggaamiyihii hore aqlabiyadda baarlamaanka Aadan Barre Ducaale. Xildhibaankaan oo laga soo doorto Gatundu South ayaa qirtay in falalka ku lugta leh musuqmaasuqa ay ahaayeen wax khaldan. “khalad bay ahayd. Waxaana aaminsanahay … haddii fursad la I siiyo waxaan celi lahaa midka aan xasuisto,” ayuu yidhi. ” Maantaba aan sidaas sameeyo … waxaan dib u celinayaa $1,000 oo qaatay si aan ugu codeeyo Amos Kimunya si uu u noqdo hoggaamiyaha aqlabiyadda. Muxuu ku saabsan yahay muranka haatan? Mr Kuria ayaa BBC-da wareysi siiyey markii looga yeeray baarlamaanka si uu uga soo hor muuqdo afhayeenka aqalka baarlamaanka sababo la xidhiidha in wax laga waydiiyo eedda ah in siyaasiyiinta qaar ay ku dhawaad 1,000 ku qaateen si ay ugu codeeyaan mashruuca wax ka baddalka dastuurka ee loo yaqaan BBI. Ujeedada sharcigaan – oo ay dhabarka ka riixayeen madaxweynaha iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga – ayaa ku aaddan in wax laga qabto caqabadaha waddanka ka taagan tan iyo markii uu madax bannaanida qaatay, sida qabyaaladda iyo musuqmaasuqa. Balse dadka dhaliila ayaa sheegaya in mashruucaan uu waqti lumis uun uu soo kordhinayo uuna kordhinayo xubnaha baarlamaanka sidoo kale dib loo soo celinayo jagada ra’iisal wasaaraha iyo dhowr ku xigeen. Mr Kuria ayaa taageersan madaxweyne ku xigeenka William Ruto, kaas oo aan taageersnayn sharciga BBI, waxayna si weyn isu hayaan Mr Odinga. In kastoo siyaasiyiinta qaar ay ka hor yimaadeen mashruucaan, haddana BBI-da waxaa meel mariyey wakiilladda ismaamul goboleedyada iyo waliba baarlamaanka Kenya. Source
-
Ciidamada Israel ayaa maalintii shanaad xoojiyay weerarada ay ku hayaan dadka Falastiin ee deegaanka Qaza, iyagoo adeegsanaya diyaaradaha dagaalka,taangiyo iyo doomanka hubeysan . Ciidamada Israel ayaa sheegay in ciidamada cirka iyo kuwa dhulka ay lug ku leeyihiin weeraradii dhacay maanta oo Jimco ah, laakiin aysan galin Gaza. Maalintii Isniinta ee uu bilowday dagaalka illaa hadda waxaa dhintay 115 qof oo Falastiin ah halka 7 kale ay ka dhimatay Israel. Dhanka kale, kooxo Israa’iil ah iyo Carab ayaa ku dagaallamaya gudaha Israa’iil, taasoo keentay in madaxda Israaiil ay ka digaan dagaal sokeeye. Wasiirka gaashaandhigga Benny Gantz ayaa amar ku bixiyay in la xoojiyo amniga si loo xakameeyo qalalaasaha ka jira gudaha oo illaa hadda loo xiray in ka badan 400 oo qof. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo maalintii shanaad duqeymo ka wada Qaza appeared first on Puntland Post.
-
Kampala (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu intii uu joogay magaalada Kampala la kulmay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo ay ka wada qeyb galeen caleemo-saarkii madxaweyne Yoweri Museveni. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Farmaajo uu Moussa Faki kala hadlay diidmada dowladda federaalka ay ku aadan ergeyga cusub ee uu usoo magacaabay Soomaaliya, oo ah madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama. Warqad uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midnimada Afrika Moussa Faki Mahamat oo ku taariikheysan 9-ka May, ayey dawladda Soomaaliya ku sheegtay inaysan taageero siin doonin John Mahama. Warqaddan ayey Soomaaliya ku sheegtay in magacaabista ergay ee Mahama aysan haatan shaqaynayn sababtoo ah hannaanka heshiiska lagu wada yahay waxa billaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo kulan loo madlan yahay 20-ka May. Waxay kaloo Soomaaliya su’aal ka keentay dhex-dhexaadnimada John Mahama oo ay sheegtay inuu xiriiro qoto dheer la leeyahay hoggaanka Kenya. Xogta aan ka helnay kulanka Farmaajo iyo Moussa Faki ayaa sheegeysa in madaxweynaha uu farrintii warqaddaas ku qorneyd si toos ah ugu sheegay guddoomiyaha, isaga oo ku celiyey in dowladda federaalka aysan aqbali doonin ergeygaas. Illa aiyo hadda ma cadda waxa uu ku jawaabay Moussa Faki, hase yeeshee ururka Midowga Afrika ayaa horey u sheegay in ergeygaas uusan markii horeba ku iman talada dowladda federaalka, sidaas darteedna ay u badan tahay inaan la aqbali doonin codsiga dowladda. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in mowqifka dawladda Soomaaliya uu yahay in Mahama uusan dalka soo gelin, haddii Midowga Afrika uu ku adkeysto mowqifkiisa magacaabista. The post Xog: Farmaajo oo mowqifkiisa u caddeeyey Moussa Faki iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaan reer Kenya ah oo lagu magacaabo Moses Kuria ayaa sheegay in sannadkii hore uu qaatay lacag dhan 1,000 dollar oo laaluush ah si uu u taageero magacaabista hoggaamiyaha aqlabiyadda. “Waa iska caadi in xildhibaanadu ay qaataan laaluushka noocaan ah,” ayuu yiri, asagoo intaas ku daray in uu soo celinayo lacagtii uu qaatay. Mr Kuria ayaa hadalkan sheegay xilli asaga iyo labo xildhibaan oo kale loo haysto in ay soo jeediyeen eedeymo ah in lacago badan oo.laaluush ah lagu siiyay xildhibaannada Kenya taageeridda isbaddalka lagu samaynayo dastuurka dalka Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Amos Kimunya ayaa beeniyey in wax laaluush ah la siiyey baarlmaanka. PUNTLAND POST The post Xildhibaan Kenyaati ah oo qirtay in uu laaluush qaatay appeared first on Puntland Post.
-
For Muslims in America, Eid al-Fitr comes as pandemic eases
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
For Qassim Abdullah, this year’s Islamic holiday of Eid al-Fitr marked a bit of a milestone: Now fully vaccinated, the 66-year-old finally felt comfortable enough to return to his mosque for the Eid prayer on Thursday, his first time back since the start of the pandemic. Source: Hiiraan Online -
It’s now five months since the death of twenty-four-old Mohamud Hassan, a death which triggered the first series of protests in the UK this year despite a strict national lockdown. Raoul Walawalker, freelance journalist who also writes for Immigration News which is part of a network of UK and Ireland immigration lawyers, reports Source: Hiiraan Online
-
Somalia received 300,000 doses of the AstraZeneca coronavirus vaccine in March, but health officials say less than half the doses have been used. Authorities attribute the slow uptake to fasting during the Muslim holy month of Ramadan and misinformation about the vaccine itself. Mohamed Kahiye reports from Somalia's capital. Source: Hiiraan Online
-
AMISOM oo loo kordhiyay Mudada howlgalkooda Soomaaliya Kulan ay shalay yeesheen 15-ka xubnood ee Midowga Afrika u qaabilsan Ammaanka iyo nabadgalyada ayaa lagu sheegay in la kordhinay mudada joogitaanka Ciidanka Nabad Ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya. Xubnaha Midowga Afrika ayaa isku raacay in ilaa 31-ka December 2021 la gaarsiiyo joogitaanka Ciidanka AMISOM arintaas oo ay sabab uga dhigeen xaqiijinta amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya maadaama Soomaaliya ay ku jirto xili kala guurka ah. Qorshahaan oo ah soo jeedin ayaa loo gudbiyay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kuwaasoo dhankooda laga sugayo fulinta qorshahan muddo kordhinta howlgalka. Ciidanka Amisom ee jooga Soomaaliya aya qorshohoodu yahay in ay kaalin weyn ka qaataan la dagaalanka argagaxisada iyaga oo garab ka helaya xoogga dalka Soomaaliya waxaana howlgalka joogitaankooda Soomaaliya uu sii galayaa sanadkii muddo 13 sano ah. Qaran News
-
Gantaallo laga soo tuuray meel ka baxsan dhulka Falastiin oo Israel ku dhacay . Saddex gantaal oo laga soo tuuray Lubnaan aya haleelay badda Mediterranean-ka ee ka baxsan xeebta waqooyiga Israa’iil, sida ay ciidammada difaaca Israa’iil (IDF) ay bartooda Twitter-ka ku sheegeen Ciidammada Difaaca ee Israel waxay sheegeen, in muddo yar ka hor gantaallo ka yimi meel aan carriga Falastiin ahayn ay ku soo dhaceen, iyaga oo aan faahfaahin badan raacin.Gantaalahan ayaan wax khatar ah galin Israel, sidaa darteedna lama yeedhin qalabka dhawaaqa ee tilmaama khatarta iyo sida oo kale lagama shaqaysiin nidaamyada difaaca gantaallada ee hawadooda sida ay tebinayaan warbaahinta Israel. Ma jirto koox illaa iyo hadda sheegatay inay ka dambeysay gantaalkan. Waxaa jira dhowr kooxood oo xagjir ah oo ka howlgala Lubnaan. Waxaa ka mid ah dhaqdhaqaaqa Xisbullah, oo dagaal bil socday la galay Israel sanadkii 2006. Tareennada ka baxa Tel Aviv ee taga magaalada Lod ayaa la hakiyay sababo la xidhiidha rabshadaha ku sii kordhaya magaaladan sida isku dhafka ah ay u degaan Yuhuuda iyo Carabtu, sida ay qortay warbaainta Jerusalem Post. Israel ayaa xaalad deg deg ah kaga dhawaaqday magaalada Lod maalintii talaadada kadib rabshado ay sameeyeen carabta Israa’iiliyiintaah iyadoo khilaafka u dhaxeeya ciidamada Israel iyo mintidiinta Falastiiniyiinta uu sii xoogeystay. Dibadbaxyada ay dhigayaan Carabta Israel ayaa ka dhacay Lod, oo ah magaalo u dhow Tel Aviv, wuxuuna isu rogay rabshado, iyadoo mudaaharaadayaashu ay dhagxaan ku tuurayaan booliska, kuwaas oo ku jawaabey bambooyin naxdin leh. Mudaharaadyadu waxay daba socdeen aaskii nin Carab Israa’iili ah oo ku dhintay rabshadihii ka dhacay magaalada maalin ka hor. In ka badan 100 Falastiiniyiin ah oo ku nool Gaza ayaa la dilay tan iyo markii rabshadihii ugu dambeeyay ay bilaabmeen Isniintii, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas Khamiistii. Saraakiisha ayaa sheegay in la dilay 103 qof, oo ay ku jiraan 27 carruur ah. 580 qof oo kale ayaa la dhaawacay, ayay wasaaraddu ku dartay xogtaas. Dhanka kalena ugu yaraan toddobo qof oo reer Israa’iil ah ayaa la dilay illaa Isniintii, oo uu ku jiro hal cunug. . Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay u yeedheen ciidan 7,000 oo keyd ahaa isla markaana ay joojiyeen fasaxii ay aadi lahaayeen. Qiyaastii kalabadh ka mid ah kaydka ayaa lagu soo waramayaa inay ka shaqeyn doonaan difaaca hawada, madaafiicda iyo qaybaha caafimaadka Tallaabadan ayaa timid iyadoo Israa’iil ay ka digtay inay suurta gal tahay inay fuliso howlgal dhulka ah, iyada oo taangiyo iyo ciidan la geeyay xadka ay la wadaagaan Qaza Dhanka kale, diyaaradaha Israa’iil ayaa duqeymo dheeraad ah ka fuliyay Qaza, iyagoo bartilmaameedsaday waxa ay militariga ku sheegeen bangiyada iyo dhismayaasha sirdoonka Kooxda Falastiiniyiinta ah ee Xamaas ayaa gantaalo hor leh ku riday dhanka Israa’iil , afhayeen u hadlay kooxda ayaa sheegay in ay muujiyeen “qayb yar oo kaliya” oo ka mid ah awoodahooda. Duulimaadyada soo gala ayaa la hakiyay garoonka diyaaradaha Israel ee Ben Gurion oo u dhow Tel Aviv waxaana loo weeciyay garoonka diyaaradaha Ramon ee koonfurta. Shirkadaha diyaaradaha qaarkood ayaa hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen Israel Sarkaal Israa’iil ah ayaa sheegay in howlihii garoonka Ramon ay si kooban u hakadeen ka dib markii gantaal ku soo dhacay aagga u dhaw, laakiin uu hadda u shaqeynayo sidii caadiga ahayd, sida uu ku warramay wargeyska Haaretz. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in dagaalyahanada Xamaas ay bilaabeen inay “drones ismiidaamin ah” ay ku soo tuuraan Israel Qaran News
-
Gaza (Caasimada Online) – Ciidamada Yahuudda ayaa maanta oo Jicmaha ah sii wada duqeynta magaalada Gaza ee ay ku xasuuqayaan shacabka Falastiin ayaga oo iska dhego tiraya baaqyada caalamiga ah, halka ay diyaariyeen ciidamo dhulka ah oo gala magaalada. Weriyaha Aljazeera ee Gaza, Safwat Al Kahlout ayaa sheegay in ciidamada Yahuudda ay dhooban yihiin xuduudda balse aysan jirin wararka sheegaya inay soo galeen magaalada. Militariga Yahuudda ayaa sidoo kale beeniyey in weerarka dhulka ah ee Gaza uu billowday. Khasaarihii ugu dambeeyey ee ka dhashay duqeynta Yahuudda ayaa waxaa ku dhintay haweeney iyo saddexdeeda wiil. Khasarahan ugu dambeeyey ayaa tirada guud ee shacabka ay Yahuudda xasuuqeen ka dhigeysa 113 qof oo ay ku jiraan ugu yaraan 31 caruur ah. Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 580 qof. Dhinaca Israel-na, gantaallada Xamas ayaa waxay militariga Yahuudda sheegeen inay ku dhinteen 7 qof, inkasta oo la rumeysan yahay inay intaas ka badan yihiin oo ay Yahuudda qarsanayaan jabkooda. Weerarkii ugu dambeeyey ee Yahuudda ay saaka fuliyeen ayaa lala beegsaday degmada Zeytuun. Weli ma cadda khasaraaha halkaas ka dhashay. Dhinaca kale, gantaallo ay Xamas ka tuureen Gaza ayaa saaka ku dhacay dhisme ku yaalla magaalada Ashkelon. Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarka, hase yeeshee Yahuudda badankood ayaa mar hore isku qariyey dhismooyin ku yaalla dhulka hoostiisa. Sidoo kale, gantaallo laga soo riday dalka Lebanon oo loo waday Israel ayaa ku dhacay badda Mediterranean-ka, mana sababin wax khasaare ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay militariga Yahuudda. Gantaalladan ayaa furin cusub oo dagaal ku furi kara Yahuudda. Ma cadda cidda soo tuurtay gantaallada ka yimid dhanka Lebanon. Kooxda Xizbullah ayaa iska fogeysay inay wax lug ah ku leedahay. The post Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Gaza iyo Israel oo meel aysan fileyn looga soo tuuray gantaalo (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
-
Ujeeddada qormadani waa: ku dhiirrigelinta hayadaha saharcigu u xilsaaray dejinta, fulinta iyo ilaalinta shuruucda dalka ilaalinta sarreynta sharciga, u tilmaamidda shacabka Soomaaliyeed saxnimada shuruucda lagu dhaqayo. Hordhac Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqu waa mid ka mid ah guddiyada madaxabannaan ee uu Dastuurka KMG ah ku xusayo Cutubka 10aad. Marka guddi dastuuri ah la yagleelayo waxaa qasab ah in uu dastuurku sheego hab-raaca/yada loo marayo dhismah guddiga, sidoo kalana waxaa waajib ah in ay Labada Aqal BFS dejiyaan sharci gaar ah oo qeexaya tirada xubnaha guddiga, hab-raaca magacaabista xubnaha guddiga, shuruudaha, wajibaadka, awoodaha, doorashada Guddoonka Guddiga, muddada xil-heynta, xilweynta, xil ka qaadista, miisaaniyadda, warbixinnadda guddiga, IWM. Haddaba, Guddiga Madaxa-bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa waxaa sal iyo tixraac sharci u ah Dastuurka KMG qodobbada 111C iyo 112aad iyo Xeer lr. 12 oo ah Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer oo ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana uu Madaxweynaha Jamjuuriyadda Federaalka Soomaaliya saxiixa 21 Sep, 2019. Qoraalkani wuxuu ka hadlayaa wax-ku-oolnnimada Guddiga La-dagaallanka Musuqmaasuqa, iyo sharcinnimada xubnaha Guddiga ee uu dhaariyay Madaxweynaha JFS Apr 25, 2021, doortayna guddoonka guddiga May 4, 2021, ugu dambeyn qormado waxay soo jeedinaysa talo. 1: wax-ku-oolnimada Dhismah Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa Soomaaliya waxay sanad walba ka gashaa musuqmaasuqa iyo maamul xumada kaalinta 1aad, sida ay sheegayaan international trancparancy iyo hayada kale ee daah-furnaanta iyo maamuul wanaagga ka faalloda, sidaas darteed dhismaha guddigan waxuu laf-dhabar u yahay A: Horumarinta iyo adkeynta tallaabooyinka lagu joojinayo lagulana dagllamayo Musuq-maasuqa ka dhaca dalka iyo dibadda. kaas oo ay ku kacaan saraakiisha Dowladda. B: Xaqiijinta habsami u maamulka hawsha Qaranka, iyada oo la ilaalinayo danta dadwaynaha Soomaliyeed iyo hantidooda lagana dhawrayo boob iyo ku- takrifal awoodeed. C: Ka ilaalinta Saraakiisha dowladda ku xadgudubka xilkooda iyo ka gaabinta waajibaadkooda. D: Iyada oo laga duulayo baahida loo qoba xaqiijinta arrimaha kor ku xusan loona hoggaansamayo Dastuurka KMG qodobkiisa 111C oo farayaa dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa waxay Labada Aqal ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya ansixiyeen Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer islamarkaana Madaxweynaha Jamjuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixay Sharcigan Sep 21, 2019. 2: Qiimeynta Sharcinimada Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka musuqmaasuqa ee hadda jira. Sharcinnimada Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa, waxaa tiir sharci u ah Dastuurka KMG iyo “Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer. Haddaba, si uu guddigu u helo sharciyad wax-qabadkiisuna u yeesho raad sharci oo ay waajib tahay in loo hoggaansamo, waa in magacaabista xubnaha guddiga waafaqdaa habraacyada uu dhigayo Dastuurka KMG iyo sharciga (Xeer lr. 12) oo ay ansixiyeen Labada Aqal uuna saxiixay Madaxweynaha JFS Sep 21, 2019. A: Dastuurka KMG Qodobka 112aad. Magacaabidda Guddiyada Heer Federaal ayaa u qoran sidan: Haddii uusan Dastuurku si kale u dhigin, Wasiirka ay khuseyso ayaa u soo jeedinaya Golaha Wasiirrada magacyada Guddiga. Haddii Golaha Wasiiradu ay ansixiyaan, magacyada waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka (labada aqal) Haddii Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo magacyadaas, waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, si uu magacaabistooda xeer uga soo saaro. B: Sharciga Dhismaha Guddiyada madaxa-bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer Sida uu dhigayo Sharcigani Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer ansixinta magacyada xubnaha guddiga (qodobka 9aad xarafaha t&kh,), xil ka qaadista (15aad faqradda 3aad iyo 4aad.) iyo dalbashada warbixinnada guddiga (Qodobka 22aad faqrada 2aad.) waxaa si isku mid ah u gudanaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sida la ogyahay xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee hadda jira waxaa ansixiyay hal Aqal oo ah Golaha Shacabka, iyada oo aan la hor geyn Golaha Aqalka Sare, si ay ugu codeeyaan xubnaha guddiga. Haddaba, Guddiga ay Xukuumaddii Xil-gaarsiinta magacaawday Sep 7, 2020, Golaha Shacabkuna ansixiyay Nov 16, 2020, islamarkaanan Madaxweynaga JFS dhaariyay April 25, 2021, doortayna guddoonka guddiga may 4, 2021, wuxuu khilaafsan yahay qodobka 55ad, 112aad ee Dastuurka KMG iyo Qodobka 2aad xarafka (d) qodobka 9aadxarfaha t&kh, (15aad faqradda 3aad iyo 4aad.) (Qodobka 22aad faqrada 2aad. ee “Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Labada Heer, sidaas darteed, guddigani ma haysto sharciyad shaqooyinkiisuna ma yeelanayaan saameyn/raad sharci, maaddaam aan dhismaha Xubnaha Guddiga Madxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa loo marin habraacayadii shuruucda dalku fartay. 3. Gunaanad iyo talo soo jeedin A. Gunaanad Guddiga madaxabannaan ee la-dagaallanka musuqmaasuqa ee hadda jira ma haysto sharciyad uu ku noqdo gudiga la dagaallanka musuqmaasuqa ee uu tilmaamayo qodobka 111C ee Dastuurka KMG, hawlahiisuna ma noqonayaan ku leh raad sharciyadeed sax ah inta uu guddigu ka helayo ansixinta labada aqal, lana marsiinayo habraacayada ku xusan qodobbada Dastuurka KMG iyo Sharciga Dhismaha Guddiga ay ansixiyeen Labada Aqal uuna saxiixay Madaxweynaha JFS Sep 21, /2019. B. Talo soo jeedin Giddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmasuqa wuxuu fure iyo laf-dhabar u yahay mmmaamul wanaag ka hana qaada gayiga Soomaaliyeed, haddaba, si xoogga, waqtiga iyo hantida gashay dhismaha guddiga uga soo baxaan miriha laga filayayo, guddiguna u helo sharciyad, waxqabadkiisuna u yeesho raad sharci oo ay waajib tahay u haggansamiddiso, qormadani waxa ay u soo jeedineysaa Wasaaradda Caddaaladda XFS, Golaha wasirrada XFS, Garsoorka, Golaha Shacabka, Madaxweynaha JFS, iyo cid kasta oo hadda joogta ama imman doonta oo ay khuseyso arrintani in ay ka qayb qaataan dib-u-sixidda guddiga la dagaallanka Musuqmaasuqa lana waafajiyo habraacyada ku xusan Dastuurka KMG iyo Shirciga Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa oo ah meelmarinta Xubnaha Guddiga Labada Aqal. Sida oo kale, Xubnaha Guddiga La-dagaallanka Musuqmaasuqa waa in ay ogaadaan sharciyadda ay heystaan in ay tahay mid dhimman kana codsadaan hayadaha iyo ashqaasta awoodda u leh arrimahan dib u sixitaan iyo in la dhameystiro hab-raacyada qaldamay, si loo gaaro sarreynta sharciga. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Qiimeynta sharcinnimada guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaallanka musuqmaasuqa appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta guriga uu ka deggen yahay Hargeysa waxa uu ku booqday Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo waayihii dambe iska xanuunsanaa. Abwaan Hadraawi oo ugu horeeya Abwaannada Soomaaliyeed ee nool kuwooda ugu caansan ayuu maanta Madaxweyne Muuse Bixii ku booqday guriga uu ka degyahay magaalada Hargeysa, isagoo ugu duceeyey inuu Alle xanuunka ka dul-qaado, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta guriga uu ka deggen yahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa ku booqday Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo kamid ah abwaannada ugu caansan guud ahaanba geyiga ay ku dhaqan tahay bulshada Afka Soomaaliga ku hadashaa,” ayaa lagu yiri qoraalka. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa booqashada Abwaanka kadib socdaal ku maray goobo u badan hoteello oo ku yaalla magaalada Hargeysa halkaas oo ay u damaashaad tageen qaar badan oo ka mid bulshada ku nool caasimadda Somaliland. The post Sawirro: Muuse Biixi oo booqday Abwaan Hadraawi oo xanuunsan appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee SoomaaliyaXasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah musharaxiinta mucaaradka ah u taagan xilka madaxtinimada dalka. Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulankoodii galabta uga wada-hadlay xaaladda ee siyaasadda dalka, si gaar ah waxay diiradda u saareen arrimaha doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan dhawaan, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble. “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee dalka Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga. Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ka wada hadlay amniga guud , xasilloonida caasimadda iyo Arrimaha Doorashooyinka Dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka. Kulankaan uu Ra’iisul wasaaruhu hoygiisa ugu tegay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo aaday iyadoo Rooble uu dhawaan dib ugu soo laabtay dalka, kadib markii uu safar Cumro ah u aaday Boqortoyada Sacuudi Carabiya. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bilaabay kulamo la xiriira sidii loogu guuleysan lahaa dadaallada uu ku doonayo in dalka ay doorasho ka dhacdo. Waxuuna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta u balan qaaday inuu wax kasta la fududeyn doono. Wixii ka dambeeyey markii uu Madaxweyne Farmaajo mas’uuliyadda doorashooyinka ku wareejiyey Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa dhowr mar fagaare ka sheegay in si dhab ah ay ula shaqeyb doonaan Rooble hadii uu ka soo baxayo waajibaadkiisa. The post Sawirro: Maxuu Rooble kala hadlay Xasan Sheekh markii uu ugu tegay hooygiisa? appeared first on Caasimada Online.