-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa isbadel ku sameeyay taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda Jubaland. Wareegto ka soo baxday madaxweyne Axmed Madoobe ayaa taliyaha ciidamada Booliska Jubalanad loogu magacaay S/G Maxamed Cabdi Sheekh, halka ku xigeen looga dhigay S/G Maxamed Guuleed Xasan. Sidoo kale Agaasimaha guud hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubaland ayaa loo magacaabay Maxamed Axmed Sabriye. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo isbadel ku sameeyay taliyeyaasha Amniga Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Warbixin ay kooxda xasaradaha kasoo saaree xaaladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhibaatada siyaasadeed ee muddada dheer ka jirtay Soomaaliya ay gashay waji cusub, oo qatar ah kadib markii kulan ay isugu yimaadeen golaha shacabka 12kii Abriil ay si aqlabiyad leh ku taageeray hindise sharciyeed dib u dhigaya doorashooyinka labo sano, taas oo ka dhigan in loo kordhiyo waqtiga xafiiska Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo”. Warbixinta ayaa lagu xusay in tallaabadan ay tahay mid cabsi leh oo sii kordheysa khilaafka, keeni kartana rabshado kadib markii mucaaradka go’aansadeen iney dhisaam dowlad bar-bar socota midda federaalka ah, waxayna ayna soo jeediyeen in lagu noqdo miiska wadahadalka. Qoraalka ay ayaa lagu sheegay in saaxiibbada dibedda ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika (AU) oo ay taageerayaan Mareykanka, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, ay u istaagaan abaabulidda – iyo hoggaaminta – wada-hadallo cusub oo dhexmara dhammaan daneeyayaasha si loo dejiyo khariidad ku aaddan doorashooyinka waqtigooda ku dhaca., iyada oo intaas lagu daray in dhammaan jilayaasha dibadda ina diyaar u noqdaan in cunaqabateyn lagu soo rogo dhinacyada hor istaagaya hindisaha cusub ee lagu doonayo waddo la isku raacsan yahay oo horay loogu socdo. Crisis Group waxaa ay warbixinta kusoo jeedisay in loo baahanyahay dhexdhexaadin saddexaad oo salka ku haya oo lagu jabinayo caqabadda doorashada, iyada oo la tixgelinayo kalsooni darrada ka dhex jirta jilayaasha Soomaaliya. Arrimaha ay Crisis Group ka hadleen waxaa ka mid ah in lasoo dhaafay markii Soomaalida dhexdeeda xal laga raadin jirin, oo la isku dhaafi jiray, sheegashadaasi hadda ma sii jirto. Taa baddalkeeda, dhibaatada sii kordheysa waxay halis ku tahay inay dib u dhigto dhammaan horumaradii laga sameeyay aasaasidda degganaansho siyaasadeed ee Soomaaliya labaatankii sano ee la soo dhaafay. Intaas waxaa sii dheer, ismari waaga siyaasadeed iyo isqabqabsiga ka dhex jira ciidamada amniga ayaa fursad u furay maleeshiyada Al-Shabaab. Dhiirrigelinta ka bixitaanka qayb ka mid ah bixitaankii ciidamada Itoobiya iyo Mareykanka dhammaadka sannadka 2020, xagjiriintu waxay durbaba kordhiyeen weerarada waxayna dib u bilaabeen weeraradii baaxadda weynaa ee lagu bartilmaameedsanayay milatariga Soomaaliya iyo shisheeyaha oo xoogagga dibaddu uga hor istaageen inay abaabulaan dhowr sano. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada Booliska gobolka Banaadir, Jeneral Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa lagu soo warramayaa inuu dhufeysyo ka qotay xaafadda uu dagay ee Shiirkole ee magaalada Muqdisho. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dhaq-dhaqaaq ciidan laga dareemayo Shiirkole, isla-markaana uu Saadaq Joon carro tuur ka sameystay, si uu uga dhigto dhufeys, haddii ay weerar ku soo qaadaan ciidamada dowladda. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadiisa ay xirteen dhammaan waddooyinka soo gala xaafaddaasi oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana dadka deegaanku ay cabsi ka muujiyanaayn in iska hor imaad uu ka dhaco halkaasi, maadaama ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka jiiraan. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dowladdu shaacisay in aysan duulaan ku aheyn Jeneral Saadaq Joon oo dib ugu laabtay xaafadda Shiirkole oo ay degan tahay beeshiisa. Si kastaba xalay ayey aheyd markii is-rasaaseyn kooban ay dhex-martay ciidamada ammaanka iyo kuwa Saadaq Joon, waxaana markii dambe u tegay xildhibaano ay isku beel yihiin oo taageero u muujiyey dhanka kalna eedeeyey dowladda Soomaaliya. The post Sawirro: Jeneral SAADAQ Joon oo dhufeysyo dagaal ka sameystay Shiirkole appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Baarlamaanka ayaa goordhaweyd u furmay kulan albaabadu u xiran yihiin. Guddoomiyaha Baarlmaanka Puntland ayaa saxaafadda iyo dadkii kale ee ka soo qeybgalay kulan ku wargeliyay in kulanku yahay mid gaara oo albaabadu u xiran yihiin. Ujeedka kulanka ayaa lagu sheegay warbixin, is-xogwareysi iyo wada-tashi uu madaxweynuhu la qaadanayo Baarlamaanka, kaas oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo mowqifka Puntland ee ku aadan muddo kordhinta dowladda federaalka. Kulanka Baarlamaanka waxaa madaxweyne Deni ku weheliya madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash. PUNTLAND POST The post Saxaafadda oo laga saaray kulanka madaxweyne Deni iyo Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa weli laga helayaa qaabka uu u dhacay dilkii loo geystay AUN guddoomiyihii degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir, Maxamed Cabdi Xayle oo xalay lagu toogtay xaafadda Sarkuusta ee duleedka Muqdisho. Warar soo baxaya ayaa sheegaya inay dilka fuliyeen saddex rag ah iyo qof dumar ah oo la sheegay inay fududeysay falka lagu khaarijiyey marxuumka, taas oo la sheegay inay iska dhigtay haweenay daris la ah qoyska oo magaceeda lagu sheegay Farxiyo. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale shaaciyey in ragga dilka geystay ay wateen Baangad, kuna dhaawaceen guddoomiyaha, iyaga oo kadib sii gowracay. Sidoo kale waxaa la sheegay in wax ilaalo ah aysan joogin guriga xilliga uu dhacayey dilka qorsheysan ee loo geystay guddoomiyihii maamulka degmada Xamar Jajab. Dhinaca kale war qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay dad lagu tuhmayo dilkaasi. Qoraalka Booliska ayaa sidoo kale lagu xusay inay haatan socota baaris lagu hayo eedeysanayaasha la soo qabtay oo la rumeysanyahay in ay ku lug lahaayeen falkaasi. “Xalay fiidkii ayaa Sar-kuus duleedka Muqdisho lagu dilay Maxamed Cabdi Xayle (Guddoomiyihii Degmada Xamar Jajab) ee Gobolka Banaadir. Ma aynaan cadeyn qaabka loo dilay guddoomiyaha, waxaa loo hayaa eedeysanayaal la rumeysanyahay in ay ku lug lahaayeen falkaas, baaristiisana waa socotaa,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee taliska Booliska Soomaaliya. Si kastaba waa gudoomiyihii 2-aad oo billo gudahood lagu dilo Magaalada Muqdisho. 21-kii bishii January ayay ahayd markii la dilay Gudoomiyihii Degmada Hodan, Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhegajuun), oo ku dhintay israsaaseyn Ciidanka Booliska iyo ilaaladiisii ku dhex martay inta u dhaxeyso Isgoysyada Aadan Cadde iyo Hawlwadaag. The post XOG: Sidee u dhacay dilka guddoomiyihii degmada Xamar Jajab? appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta Nugaal waxaa goordhow ka furmay kulanka xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland oo uu maanta ka qeyb-galayo madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni). Kulankan oo ay goobjoog yihiin inta badan xildhibaanada golaha ayaa waxaa daah-furay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdisamad Abwaanka, isaga oo amar ku bixiyey in Wariyeyaasha ku sugan hoolka ay banaanka uga baxaan kulankaasi oo ah mid xasaasi ah. Cabdisamad Abwaanka ayaa shaaca ka qaaday in kulanka uu yahay mid wada-tashi ah oo u dhexeeya xildhibaanada iyo madaxweyne Siciid Deni. Wararka ayaa sheegaya in Deni xildhibaanada uu la wadaagi doono warbixin ku aadan xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan fashilka ku yimid wada-hadallada doorashada. Sidoo kale waxaa la filayaa in Puntland ay mowqif adag ka qaadato go’aanka golaha shacabka ee muddo kordhinta loogu sameeyey madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo. Puntland ayaa ka mid ah maamullada ay sida weyn isugu hayaan dowladda federaalka, iyaga oo isku qabtan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka ee 2021-ka. The post M/W Siciid Deni oo hortegay baarlamaanka Puntland iyo wariyeyaasha oo kulanka laga saaray appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Federaalka ayaa beenisay inay qorsheyneysay inay weerarto taliyihii hore ee booliiska gobolka Banaadir Saadaq John. Wasiirka Amniga Xasan Hundubey oo shir jaraa’id qabtay xalay saq dhexe ayaa sheegay jimcihii in aysan jirin wax qorshe ah oo lagu weerarayo Saadaq Joon isagoo ku eedeynaya mucaaradka in ay ‘ka sameysanayaan’ arinta dano siyaasadeed. “Dowladdu waxay ugu baaqeysaa kuwa buun-buuninaya weerarka Saadaq joon inay quustaan oo ay gartaan in dowladdu aysan qorsheyneyn inay wax tallaabo ah qaaddo,” ayuu Hundubey u sheegay warbaahinta . Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii galabtii jimcaha ay ciidamo ka tirsan dowladda xirteen qeybo ka mid ah waddooyinka aada garoonka Aden Cadde halkaas uu deganaa taliyaha, taasi oo keenay in John uu guuro, kuna laabto Shiirkole oo habeenno kahor laga soo waday. Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, oo gacansaar la leh Villa Somalia ayaa ku qanciyay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Farmaajo in aan lagu degdagin weerarka Saadaq John oo uu sheegay in uu sii cakiri karo xaaladda Siyaasadeed ee dalka . Saadaq John ayaa xilka laga qaaday Todobaadkii hore kadib markii uu ku dhawaaqay In ay baarlamaanka doorasho aadan oo aan dalka qalalaaso loo hor seedin. Farmaajo ayaa markii dambe dhamaan darajadii Ciidanimo ka xayuubiyay Saadaq John , iyadoo inta badan xilalkii laga qaada Taliyayaashii ay isku dhawaayeen . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
HOGAANKII SIYAASADA EE LA HALAABAY HIMILADII SHACABKA IYO HALGANKII UMADDA SOMALILAND . ” Bari baa waxa dhacday in jeelka weyn ee Hargeisa oo ay ku xidh-xidhan yihiin maxaabiis argagixiso ah iyo maxaabiis kale oo fara badani , hadh cad ay maxaabiistii ka dareereen , iyada oo waxogaa xabado ahna la maqlay, dabadeedna wargeysyada Hargeisa ayuu mid ka mid ah halka faalo sawireedka ku qorey , waxan askarteena indhaha tirey ma istaraliin buu ahaa mise dollar …kkk , Markaa inaga ( Somaliland ) waxa marka kaliya ina mal-malay ma dirham buu ahaa mise dollar ” cajiib !!! Waxa ay ahayd sanadkii 2012 , dalka jamhuuriyada Somaliland waxa maamulkiisa hayey xisbi iyo hogaan cusub oo mudo 2 sanadood oo kali ah talada dalka hayey oo badelay xukuumad dalka ka talinaysay mudo 15 sano ka badan iyo xisbigeedii . Siyaasadii iyo qorshihii siyaasadeed ee Somaliland ayaa mar kaliya waxa loo mal-malay jiho kale , waxaana bilaabmay olole balaadhan iyo heshiisyo hoos ugu socday xukuumadii xiligaasi iyo maamulkii muqdisho in shaaca laga qaado. Mar kaliya ayaa lagu soo qaadey shacabka , odayada dhaqanka iyo hogaankii hore ee dalka maamulayey olole balaadhan oo ay xukuumadii cusbayd waddo oo ahaa in wadahadalo lala furo Somalia , xili aanay kaba jirin wax la odhan karo dawlad bay ahayd oo caalamkuna u yaqaanay dawlada ku meelgaadhka ah ee Somalia . Dabcan waxa uu ahaa mashruuc weyn oo dawlado kalena wax ka wataan , deg-deg ayaa labadii gole ee baarlamaanka jamhuuriyada Somaliland la isugu yeedhay , waxaana la laalay wax Alla waxii dabar iyo xeerar arinkaasi ka yaalay, xataa waan xasuustaa oo lagama doodin , waxa ay ahayd dhibaato weyn oo dalka soo food saartay xiligaasi. Dhawr sababood ba dadka jamhuuriyada Somaliland dareen umuu galin xiligaasi oo ay ka mid yihiin ; 1- Hogaanka qaranka oo ahaa hogaankii halgankii hubaysnaa ee dib u xoreynta dalka oo aan looga shakiyi karin in uu aragti kale aaminsan yahay oo dalka waxyeelo ku noqon karta. 2- Mucaarad la’aan jirtay iyo dadkii umada baraarujin lahaa oo xukuumadu gacanta kuwada dhigtay . 3- iyo xiliga oo ahaa goor uu dalka ka dhacay isbadel siyaasadeed oo mudo badan la saadaalinayey oo ay dadku qabeen rajo iyo yididiilooyin isbadel oo aad u haystay xiligaasi shucuurtooda. Dadka jamhuuriyada Somaliland waxa ay mooganayeen in aragtida siyaasadeed ee dib ula soo noqoshada qaranimada jamhuuriyada Somaliland marka horeba lagu qaybsanaa , iyo waliba in qofka isa siinaya in dalka tacab kaga jiraa uu ka kalsooni badan yahay hogaankii ka horeeyey oo ay taasina tahay mid halis galin kartay waxii umadani u soo dedaalaysay. HOGAAMIYEYAASHII HORE MAXAY KA QABEEN WADAHADAL SOMALIA LALA YEESHO ? Jamhuuriyada Somaliland dadka aduunka iyo dadka jamhuuriyada Somaliland midnaba ogaansho la’aani kagama jirin in ay hore uga mid ahayd Jamhuuriyadii Somalia oo ay la midowday 1-July-1960 kii , dibna ula soo noqotay dawladnimadeedii 26-June-1960 ay boqortooyada ingiriiska ka qaadatay soddon sanadood ka dib 18-May-1991 , walow aanu caalamku aqoonsan. Laakiin waxa qariib iyo wax lala yaabo noqotay laba dal oo la ogaa waxii soo kala maray , dhibaatooyinkii dhacay, isla markaana rabay in ay laba dal oo caalamku aqoonsan yahay kala noqdaan sidee ay sidani dhibta yar markiiba isugu hor fadhiisteen ee loo laalay waxii umada jamhuuriyada Somaliland ka dhigatay ee xeer ahaa . Waa halka uu aduunku u fahmay in hogaanku rabitaanka shacabka marka horena af-duubay haddana uu soo celin karo oo aanay aheyn qadiyada jamhuuriyada Somaliland wax weyn oo miisaan culus leh , hadda waa qadiyadii halganka adag oo nus qarniga ah xiligaasi dib u soo celinteeda dhib walba loo maray. Hogaamiyeyaashii siyaasadeed ee ka horeeyey xukuumada Kulmiye dhamaantood waa qabeen ama waa sii ogaayeen in qadiyada jamhuuriyada Somaliland iyo Somalia in wada hadal iman karo laakiin waxa ay qabeen marka Somalia dawladi ka dhisanto in lala hadlo oo heerka jamhuuriyada Somaliland oo kale taagan. MAXAA SOMALILAND KA SOO GAADHAY WADAHADALADII MASHRUUCA LACAGTA BADAN AHAA ? Waxa aynu u kala qaadi doonaa laba qaybood oo midi yahay waxii ay Somaliland qabsatay gudaheega iyo halka ay gaadhay , iyo qaybta labaad oo ahaa waxii caalamka kaga xidhnaa , rabitaankeegii iyo waxii loo socday; 1- Somaliland waxa ay ahayd ileys iyo shamac ka dhex baxaya Gobolka Geeska Africa , walina ay tahay marka aad ka soo bilowdo halkii laga soo bilaabay iyo halka ay maanta taagan tahay iyada oo tacab iyo dedaalka odayadii waxgaradka ahaa , siyaasiyiintii ruug cadaaga ahaa iyo aqoon yahankii umadani lahayd ay keentay in ay keento quruxda iyo wanaaga maanta muuqda. 2- Somaliland waxa aduunka kaga xidhnaa in qadiyada jamhuuriyada Somaliland oo ah mid sharci ay taageero uga hesho aduunka si loogu aqoonsado dal madax banaan oo ka mid ah dalalka aduunka kaasi oo waliba Somaliland ay jeclayd in lagu qiimeeyo wanaaga , dawladnimada , nabadgalyada , horumarka dhinaca dimuqaradiyadeed ee ay Gobolka u horseeday na in ay qiimeyn wanaagsan kaga hesho aduunka. Wadahadalada Somalia lala furey waxa ay wax yeeleen qodobkaasi 2aad , waxaana aduunku u arkay in Somalia oo isku dhan la dhiso , aqoonsi buuxa la siiyo , muqdisho la isagu tago, xirfad iyo xeelad Somalia inala gaaday ha ahaato ama badheedh siyaasadeed oo ay sameeyeen hogaankeenuye halka ay Somaliland wax badani kaga xumaadeen waa haljani. Sidoo kale markii wadahadalada la ogolaaday waxaa labada dhinacba aduunku siiyey dhaqaale badan oo dib u dhiska iyo dawladnimada ah , waana mashaariicda qadiyada jamhuuriyada Somaliland lagu hoos geeyey muqdisho ( undermined projects for Somaliland recognition case ) . MAANTA IYO MUSTAQBALKA JAMHUURIYADA SOMALILAND. Jamhuuriyada Somaliland iyo qadiyadeedu waa mid ay leeyihiin shacabka jamhuuriyada Somaliland sida ku cad xeerarka iyo dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland , mana aha wax ka go’a inta siyaasada ku jirta oo kaliya , qadiyada umadani waa mid ka weyn wax mashaariic la siisto. Hogaankii siyaasadeed ee ku fashilmay wadahadaladii ee la lumay qadiyada jamhuuriyada Somaliland , waa kuwa maanta sadexda xisbi qaran hor fadhiya ee aan hayn aragti iyo jid bixin kale , waxaaba aad moodaa in ay sugayaan wax maqan , sadexda xisbi midna qorshe cad kama laha arimaha wadahadalada Somalia . Maanta waxa shacabka jamhuuriyada Somaliland u quman in la isweydiiyo soddonka sano ee dambe iyo boqolka sanadood ee soo socda hogaamin raandhiis leh sidii ay umadani u heli lahayd, iyo waliba sidii looga dhayi lahaa waxii dhaawac soo gaadhay qadiyada jamhuuriyada Somaliland. 2022 waxa ina hortaala fursad kale oo ah mustaqbalka siyaasadeed iyo ka qadiyadeed ee dalka jamhuuriyada Somaliland cida hogaamin doonta maadaama ururadii siyaasadeed dib loo furayo oo ahaa xaq iyo Xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin dadka jamhuuriyada Somaliland sida ku cad qodobada dastuurka dalka ee 22naad , 23naad ,9aad iyo Xeerka ururada iyo axsaabta jamhuuriyada Somaliland Xeer lr.14/2021. Daaraha iyo dariiqyada waynu dhisan karnaa oo haddaba kuwii hore inoogaga burburay waxii dhacay 1988 waa ka soo kabanay laakiin qadiyada umada jamhuuriyada Somaliland iyo halganadii kala duwanaa ee umadani halkan ku soo gaadhay hadii la wax yeeleeyo waxa madow gali doona mustaqbalka dambe ee dadkeena iyo ubadkeena. Aasaasaha iyo Gudomiyaha ku meelgaadhka ah ee Ururka Dadweynaha Somaliland ( S.P.P ) Somaliland peoples party. Mohamed Abdi Jama Mohamed Dhimbiil Image Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shir u dhexeeyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo wakiilada beesha caalamka ayaa goor dhow ka billowday Teendhada Afiysoone ee xerada Xalane. Shirkan oo aan horey loo sii shaacin ayaa ka dambeeyey ka gadal markii wada-hadallo toos ah ay yeesheen qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka iyo Villa Soomaaliya. Intiisa badan waxaa shirkan looga hadlayaa xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan muddo kororsiga ay sameeyeen xildhibaanada golaha shacabka. Wararka ayaa sheegaya in xubnaha beesha caalamka ay madaxweynaha la wadaagi doonaan go’aankooda ku aadan dooda ka dhalatay muddo kordhinta loo sameeyey. Beesha caalamka oo horey u sheegtay in aysan taageeri doonin doorasho hal dhinac ah iyo muddo kororsi ayaa si adag uga hortimid go’aankii ka soo baxay golaha shacabka. Xaaladda Soomaaliya ayaa yeelatay weji cusub, waxaana Farmaajo iyo Mursal ay ku adkeysanayaan muddo kordhinta loo sameeyey oo dhalisay xiisad kale oo siyaasadeed. The post FARMAAJO iyo wakiilada beesha caalamka oo uu shir uga furmay Afisyoone appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa saakay la xiray dhamaan waddooyinka Muhiimka ah ee Soo gala xaafadda Shirkoole ee degmada Hodan halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo fara badan oo ka amar qaaya Gen Saadaq John. Waddooyinkan ayaa lagu xiray Caro fara badan , iyadoo goobaha qaar aad looga adkeyay in ay ka soo gudbaan Gawaarida . Ciidama uu Hormuud u yahay Gen Saadaq Cumar Xasan Saadaq John ayaa inta badan gacanta ku haya waddooyinka Gala Shirkoole . Genaralka ayaa gurmad ka helaya Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Mas’uuliyiin kale . Dhanka kale qaarka mid ah wadooyinka kale ee Caasimadda ayaa la goyay Maanta, iyadoo wadooyinka lagu arkayo ciidamo Fara badan . Hoos ka daawo Sawirada Wadooyinka Xiran Source: goobjoog.com
-
(SLT-Uganda)-Mareykanka ayaa xayiraad dhanka visaha ah ku soo rogay saraakiil u dhashay dalka Uganda oo uu ku eedeeyay inay wiiqeen dimuqraadiyadda waddankaas. Go’aanka oo uu shaaciyay Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa daba socda xadhig loo geystay boqolaal ka tirsan taageerayaasha mucaaradka Uganda. “Waxaa jira cawaaqib ka dhasha faragelin kasta oo lagu sameeyo hannaanka dimuqraadiyadda,” ayuu ku qoray bartiisa Twitter. Lama shaacin magacyada mas’uuliyiinta uu Maraykanka ku beegsaday xayiraadda. Mucaaradka ayaa sheegay in dad ka badan 400 oo qof weli la la’ yahay kuwaas oo ay qabteen laamaha ammaanka ka hor doorashadii dhacday January. Horraantii toddobaadkan, khubarada xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay dowladda Uganda inay joojiso cadaadiska ka dhanka ah mucaaradkeeda. Xukuumadda Uganda ayaa Khamiistii qirtay inay xidhay dad ka badan kun qof oo ay u haysato falal la xidhiidha doorashadii dhacday. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku laabashadiisii Kismaayo, kadib faah faahin dheeraad ah ka bixiyey fashilka ku yimid wada-hadalladadii u dhexeeyey dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, go’aankii baarlamaanka & doorashooyinka. Axmed Madoobe ayaa marka hore shaaca ka qaaday in laga gudbi waayay arrimaha gobolka Gedo, amniga, aftida aastuurka, arrinta Somaliland iyo ka gudubka awood qaybsiga beelaha ee 4.5. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale eedeyn culus u jeediyey madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday, isaga oo sheegay inuu god-dheer kusii ridayo dalka. Sidoo kale wuxuu soo jeediyey in laga hortego qorshaha Farmaajo, si dalkan loo bad-baadiyo, ugana dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. “Dhibaatooyinka uu ka hadlayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxba kama jiraan, waxa uu Soomaaliya ku ridayaa god dheer, haddii aan maanta la iska qaban dalka dib ayuu u noqonayaa, Jidadka ayuu ka xiray Dadka Muqdisho waxaana isii dheer habeen weliba cabsi, Doorasho sharaf leh oo xor & xalaal ah ayuu shalay ku yimid, mana wanaagsana in uu ku daydo Efwarki & meelo kale,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in heshiiska 17-kii September laga doorbiday doorasho qof iyo cod ah oo laga leeyahay dano gaar ah, sida muddo kororsiga la sameeyey. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Soomaaliya ay gashay xaalad cusub, kadib go’aankii baarlamaanka oo ay si weyn uga horyimaadeen mucaaraka, Jubbaland iyo Puntland. The post Axmed Madoobe oo weerar culus ku qaaday Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - The district commissioner of Hamar Jajab district in the Banadir region, Mohamed Abdi Hayle, has been killed in an attack on his way to his house in the Sarkusta neighbourhood on the outskirts of the capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Allaah u naxariistee waxaa Xalay Duleedka magaalada Muqdisho lagu dilay gudoomiyihii degmada Xamar Jajab, Maxamed Cabdi Axmed Xayle . Guddoomiye Xeyle ayaa waxa lagu dilay Xaafadda Sara kuusta ee deegaanka Garasbaaley, xilli uu ku sugnaa hooygiisa oo ku yaalla deegaankaas . Kooxihi ka dambeyay dilka Gudoomiyaha ayaa goobta isaga baxsaday dilka kadib, iyadoo goobta ay gaareen ciidama ka tirsan kuwa booliiska oo baaritaano ka sameeyay goobta falka uu ka dhacay . Maamulka Gobalka Banaadir ayaa dhankooda ka tacsiyadeyay geerida ku timid gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab . Afhayeenka Maamulka gobalka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa sheegay in ay ka xun yihiin geerida ku timid Maxamed Cabdi Axmed Xayle . “Waxaan Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Qoyska, Qaraabada, Ehelka iyo Shacabka Gobolka Banaadir ee uu ka baxay Marxuumka. Waxaana Allaha ugu baryayaa in uu jannada Firdows ka waraabiyo, Samir iyo Iimaanna eebe naga wada siiyo” ayuu yiri Afhayeen Saalax Dheere. Si kastaba dilka gudoomiyaha ayaa waxa uu noqonaya gudoomiyihii Labaad ee mudda Afar bil gudahood loo geeysto , iyadoo xusid mudan tahay in bilawgii Sanadkaan dil loo geystay Gudoomiyihii Degmada Hodan Cabdi xakiin Dhaga Juun. GoobJoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowlada Jubbaland oo Shacabka la hadlay Xalay oo ahayd habayn sabti soo galayso ayaa ka dayriyay halka Dalka uu u wado Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. wuxuuna ku baaqay Shirweyne Soomaaliyeed oo Dalka lagu badbaadinayo. Hoos ka daawo The post Daawo Madaxweyne Axmed Madoobe oo Shacabka la hadlay appeared first on . Source
-
Somali government says no plans underway against Sadaq John
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) - Somalia's security minister Hassan Hundubey Jimale says the government has no intentions of taking action against former Banadir regional police commander Sadaq John. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay la kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage, xilli ay aad u kacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee dalka. Kulankan oo ka dhacay hoyga Shariif Sheekh Axmed uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ayaan la ogayn waxyaabihii looga hadlay, mana jirto cid Warbaahinta uga warbixisay. Waxaase soo baxaya warar sheegaya in kulanka diiradda lagu saaray doodda cusub ee ka dhalatay muddo kordhinta uu Golaha Shacabka u sameeyay Hay’adaha Dowladda Federaalka. Wararka ayaa sheegaya in Shariif Sheekh Axmed uu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ugu baaqay inaanan ciidamada loo adeegsan dano siyaasadeed oo gaar ah. Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa toddobaadkii hore sheegay in muddo kororsiga Dowladda Federaalka uu dalka dib ugu celinayo xilligii adkaa ee laga soo gudbay. Sharciga gaarka ah ee jiheynta doorashooyinka dalka ayaa sii kala foggeeyay dhinacyada siyaasadda ee dalka, oo in muddo ahba ku kala qaybsanaa dhabaha loo marayo doorashada dalka. Si kastaba ha-ahaatee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socdo kulamo iska soo horjeeda, waana xilli qaybo ka mida magaalada ay xiisadi ka jirto. The post Sheekh Shariif iyo Jeneral Odowaa oo xalay kulmay appeared first on Caasimada Online.
-
BAAQ MADAXWEYNE: 16 /04/2021 Madaxweynaha Somaliland Wuxuu Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Walaalaha Ah Ee Dirirtu Ku Dhex Marayso Ceelka Dhabar-dalool, Maamulka Gobolka Iyo Hay’adaha Amnigana Farayaa Inay Tallaabo Adag Ka Qaadaan Cidkasta Oo Nabadda Doc-Wareemaysa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay Ceelka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun oo dhacda waqooyi barri ee gobolka Sool. Dagaalkaas oo ka kacay Ceel-biyoodka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun, wakhtigan maaha macquul in la daadiyo dhiigga dadka muslinka ah, sidaa awgeed waxa aan ugu baaqayaa kuwa colaadda hurinaya inay ka waantoobaan oo ay u tudhaan dadkooda maatida ah ee aan waxba galabsan iyo aakhiradooda, iyadoo weliba lagu jiro bishii barakaysanayd ee Ramadaan oo ah bil cibaado. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ugu baaqayaa waxgaradka, waayeelka, culimada iyo aqoonyahanka labada dhinac ee dirirtu dhexmarayso inay xasilooni ku soo dabbaalaan xaaladda, dhexdana u xidhaan sidii loo joojin lahaa khasaaraha uu sababay dagaalka beelaha walaalaha ah oo dhawaan uun muddo dheer ka dib heshiis ku gaadhay degaanka Adhi-cadeeye oo ay xubno ka mida golaha wasiiradu bilo u fadhiyeen sidii heshiis loo gaadhi lahaa, balse nasiib daro ay labadii beelood dib ugu dirireen ceel-biyood shalay. Sideedaba colaad wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, madaxweynuhu wuxuu si adag u tilmaamayaa in aan loo dulqaadan Karin colaad sokeeye oo sidan u khasaare badan inay ku soo noq-noqoto deegaamada gobolka Sool, Madaxweynuhu waxa uu ciidamada qaranka, maamulka gobolka iyo dhammaanba hay’adaha kala duwan ee xukuumadda amrayaa inay tallaabo dawladnimo ka qaadaan colaadaasi soo noq-noqotay, cid kasta oo u hoggaansami-wayda nabadda iyo samahana tallaabo ku habboon ka qaadaan. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabadda iyo samaha jecel u soo jeedinayaa inay gacan ka geysataan daminta colaadaasi iyo joojinta dhiig danbe oo ku daata dirirtaa. Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku naf waayey dagaalkaasi, waxaanu u ducaynayaa intii ku dhaawacan tahay in Alle caafimaad ka siiyo waxyeelada ka soo gaadhay dagaalkaasi. . <img class=”j1lvzwm4″ src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ /> <img class=”j1lvzwm4″ src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ /> <img class=”j1lvzwm4″ src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ /> 443Hussein H. Y Cadde, Subeer Ismaaciil Yuusuf and 441 others 109 Comments 137 Shares Like Comment Share Qaran News