-
Content Count
212,796 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo war qoraal ah soo saaray ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, isaga oo ku eedeeyey inuu weli lugaha qabanayo doorashada. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in Farmaajo markii UU dantiisa ka waayey ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika uu iska diiday, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu weli siyaasadeynayo arrimaha ciidamada qaranka, si uu ugu fushado danahiisa gaarka ah. “Farmaajo isaga ayaa dalbaday in Midowga Afrika arrimaha Soomaaliya soo dhexgalo, haatanna isaga ayaa diidaya markii uu dantiisa ka arki waayey. Farmaajo weli ciidanka fadqalallo ayuu ka dhex wadaa. Danaha shacabka Soomaaliyeed ayuu u afduubay dan ganacsi oo ay walaalkiis iyo saaxibbadiisu leeyihiin,” ayuu yiri CC Shakuur Warsame. Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweynuhu uusan wax fursad ah siineynin ra’iisul wasaaraha oo loo xil saaray doorashada iyo dhex-dhexaadinta mucaaradka. ‘Marna lagama yaabo in Farmaajo fursad u siiyo Raysalwasaare Rooble in uu muujiyo hufnaan uu saamileyda siyaasadda ugu dhexeeyo iyo madax bannaani uu go’aannadiisa ku qaato,” ayuu sii raaciyey. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay Ra’iisul wasaare Rooble inuu qaado tallaabooyin deg deg ah oo ku aadan qabashada doorashooyinka, si dalka looga bad-baado qalalaase horleh. “Haddaba Raysalwasaare Rooble waxaa looga fadhiyaa in uu qaado tallaabooyin xoojinaya filashada laga qabo ee ah in uu Farmaajo fariinka u qabto, xeeriyana danta shacbaka Soomaaliyeed, muujiyana in uu ka madax bannaan yahay saameynta taban ee Farmaajo iyo kooxdiisa,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo 20 bishan loo ballansan-yahay shir ay qeyb ka yihiin madax goboleedyada dalka, kaas oo looga arrinsanayo is mari-waaga doorashooyinka. The post CC Shakuur: Lagama yaabo in Farmaajo fursad siiyo R/W Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU (HOL) - Somalia has rejected the appointment and planned deployment of AU High Representative John Mahama to lead the mediation talks noting it did not have confidence in the former Ghanaian president owing to his ties to Kenya. Source: Hiiraan Online
-
HAWLIHII DOORASHOOYINKA MA WAX BAA LAGA BADELAY MISE DALKII BAA HAL XISBI OO KALIYA ISKU NOQDAY ? Marka hore waxa aan soo dhaweynayaa in is af garad iyo wada jir qaran lagu waajaho doorashooyinka qaranka oo si bilaa xanaf ah oo xaliiban loo tartamo haseyeeshee doorashada waxa galaya xisbiga xukuumada iyo laba xisbi oo mucaarad ku tilmaaman ! Shalay waxa madaxtooyada jamhuuriyada Somaliland ka qabsoomay shir uu madaxweynuhu isugu yeedhay sadexda xisbi qaran, komishanka doorashooyinka , gudoomiyaha maxkamada sare iyo xeer ilaaliyaha guud. Shirkaasi waxa la inoo sheegay in wax la isla falanqeeyey laakiin waxa aynu daawanay uun Madaxwaynaha oo warqad u akhriyaya iyo hadal kooban oo la siiyey labada Gudoomiye xisbi ee Waddani iyo Ucid , waxa la galayaana hadda waa doorasho e garo. XISBIYADA MUCAARIDKU AMA AFEEF HORE HA YEESHAAN AMA ADKAYSI DAMBE ! Doorashooyinka dalka nidaam baa loo gali jirey daah furan oo dadka u garnaqaya dadkana lagu wada kalsoon yahay qaabka ay ku yimaadeena uu yahay mid daah furan oo dhamaan shuruuduhu u dhan yihiin , waxa lagu wada shaqeyn jirey xeerar qoran iyo heshiis ay axsaabta iyo komishanku galaan ( code of conduct ) mudada doorashadu socoto. Doorashadii golaha wakiilada ee hore markii halkan oo kale la marayey gudoomiyihii komishanka ee xiligaasi Axmed Xaji Cali Cadami iyo axsaabtu waxa la sameeyey gudi adag oo la isla ogol yahay oo ka garnaqda waxii doorashada khilaaf iyo muran ka yimaada gudidaasi waxa ay hoos tageysay komishanka doorashooyinka qaranka , waxaa ay ka koobnaayeen 14 qof ; Xeerbeegtida kor ka eegista iyo xalinta khilaafaadka ka soo baxa doorashada 1. Hassan Meygaag Samater 2. Dr. Aden Abokor Yusuf 3. Prof. Abdi Haybe Elmi 4. Aden Muse Jibriil 5. Yasin Ibrahim Magan 6. Hussein Ali Nour 7. Hassan Mohamed Jama 8. Rashid Sheikh Abdillahi 9. Abdillahi Haji Ahmed Qulunbe 10. Mohamed Omer Hussein Dhuux 11. Abdillahi Saeed Farah 12. Abdilkadir Ali Hassan 13. Saeed Ali Giir 14. Sacdiya Aw Musse Ahmed Gudigani waxa farta laga saarey dhamaan xeerarkii iyo xeerkii anshaxa qaabkii loo galayey kaambaynka doorashada si hadhow waxii khilaaf ah ay iyagu u xaliyaan, waxii khilaaf ah ee ay xalin kari waayaana loogu gudbiyo maxkamadaha dalka. Imika waxa fadhiyey madashii shirkii shalay komishanka oo aynu ogeyn khilaafkii iyo dhibtii la soo kala mutay oo ah in la yeelo sidii madaxweynuhu rabay , waxa kale oo fadhiyey gudoomiyaha maxkamada sare iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka jamhuuriyada Somaliland oo labaduba uu madaxweynuhu magacaabay , haba magacaabo e arinka meesha yaalay aanu aheyn mid maanta iyaga u yaaley. Waxa uun ay u muuqataa in axsaabta kalsooni laga sii siinayey hadhowtona waxii murug soo baxa iyagu markiiba soo faro galiyaan , arinkaasi oo ku xun dalka lagana yaabo in uu dhaawaco sumcada hay’adaha qaranka ee ay ka socdaan oo ay u muuqdaan muraad qumiyayaal qof gaar ah ama dhinac gaar ah . Komishanka doorashooyinka qaranku waxa uu sameeyey dayac weyn barigii dhaweyd ee la kala xulayey murashaxiinta waxaana aanay shaqadoodii siiyeen hay’ado dawladeed oo aan sharciga meelna kaga jirin waxaana ay dhalisay foolxumooyin weyn iyo wax badan oo gef ahaa , sidoo kale waxaa xiligaasi cabashooyin ka jireen oo loo arkay in xeer ilaalintu tahay mid xukuumadu ku adeeganayso. Markaa maanta ayey wax dhow yihiin intii hadhow dalka fowdo laga abuuri lahaa waa in arinkaasi loo dhug yeeshaa, hadii xukuumadu doonto in ay doorashada ku shubato ama xoog dawladnimo isticmaasho mucaaridoow maxaa ku naf ah , miyaad qaylini uun waliba maanta xataa qayladiina cidina idiinku damqan mayso sababta oo ah intaa dadka iyo dalkaba kaliftaan ayuun baa sidii aad falan tihiin haddana madaxtooyada wax la idiinka yeedhiyaa.. Dalka waxa dadweynaha jamhuuriyada Somaliland hore ugu dareereen todoba doorasho oo hore oo kala ahaa ; 31-May-2001 Aftidii dastuurka dalka 15-Dec-2002 Doorashadii goleyasha deegaanka iyo kala saaristii axsaabta iyo ururada siyaasadeed ee qaranka. 14-April-2003 doorashadii madaxtooyada 29-sept-2005 doorashadii golaha wakiilada 26-June-2010 doorashadii madaxtooyada 28-Nov-2012 doorashadii goleyaasha deegaanka iyo kala saaristii axsaabta iyo ururada siyaasadeed ee qaranka . 13-Nov-2017 doorashadii madaxtooyada ee ugu dambaysay. Intaasi oo doorasho mid waliba xaalado u gaar ah iyo duruufo u gaar ah ayey lahayd oo lagu xasuustaa , maantana ma rabno in la yidhaahdo doorasho ayuun baa dhacday ee waxa aanu rabnaa doorasho xor iyo xalaal ah oo nadiif ah dadkana aan kala dilin ee noqota mid wadanka sumcad u soo hoysa. Allahum ma balaqtum Mohamed Abdi Jama Muxamed Dhimbiil Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Balaal Maxamed Cismaan oo Aaladda fogaan arragga uga qeyb-galay shirkii Golaha Jaamacadda Carabta ee heer Wasiir ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii ay ciidamada Israel ku qaadeen masijidka barakeysan ee Al-Aqsa. Wasiir Balaal ayaa shaaca ka qaaday in gar-darrada ay Israel ku heyso Falastiin aan indhaha laga laaban karin, isla-markaana ku heyso dhibaatooyin aad fool xun. “Soomaaliya waxay cambaareyneysaa xoogaga qabsashada ee ku soo duulay barxadaha Masjidka Al-Aqsa iyo weerarkooda ay ku qaadeen dadka reer Falastiiniyiinta ee aan is difaaci karin” ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladaha caalamka, gaar ahaan kuwa Islaamka in meel looga soo wada-jeesto sidii looga hortegi lahaa weerarada Israel ee dhulka Falastiin. Halkan hoose ka aqriso: Mudane Sheekh Maxamed Bin Cabdulraxman Al Thani, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dawladda aan walaalaha nahay ee Qatar, Guddoomiyaha kalfadhiga hadda socda Mudane Axmed Abu Al-Ghait – Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta. Iyo Dhamaan Mudanayaasha kale ee sharafta leh. Asalaamu calaykum Waraxmatulahi Wabarakatuhu (ASC) Qabashada kulankeenna deg-deg ah ee heer Wasiir waxay ku timid kalfadhi aan caadi aheyn oo ay codsadeen Dowladda walaalaha ah ee Falastiin si looga hortago dambiyada arxan darada ah ee Israa’iil iyo weerarada lagu hayo nafta, karaamada iyo hantida dadka reer Falastiin. Soomaaliya waxay cambaareyneysaa xoogaga qabsashada ee ku soo duulay barxadaha Masjidka Al-Aqsa iyo weerarkooda ay ku qaadeen dadka reer Falastiiniyiinta ee aan is difaaci karin. Waxaan ugu baaqeynaa bulshada caalamka inay qaataan mas’uuliyadahooda sharci iyo akhlaaqiyadeed, ayagoo mudnaan siinaya ilaalinta lagama maarmaanka u ah dadka Falastiiniyiinta ah ee Israa’iil dhibta ku hayso dhaqamadaan foosha xun, xadgudubyada joogtada ah iyo tallaabooyinka kor u qaadaya khatarta, waxaana ku baaqeynaa in lagu qasbo xoogagga ku soo duulay dhulka reer Falastiin inay u hoggaansamaan go’aannada sharci ee caalamiga ah iyo soo celinta xuquuqda dadka Falastiiniyiinta, oo ay kujirto xaqa ay u leedahay inay si xor ah ugu dhaqmaan cibaadooyinka diiniga ah. Soomaaliya waxay xaqiijineysaa u hogaansananta Hindisaha Nabadda ee Carabta oo ah ikhtiyaar istiraatiijiyadeed oo lagu xallinayo qaddiyadda Falastiin, iyadoo la tixraacayo qaraarrada sharci ee caalamiga ah iyo qaraarada khuseeya ee Golaha Amniga ee arrintan la xiriira. Soomaaliya waxay dalbaneysaa boobka iyo qalalaasaha in la joojiyo dhammaan tallaabooyinka caburinta ah ee lagu hayo dadka reer Falastin ee ku dhaqan magaalada Qudus, sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa caalamka inay si deg deg ah u qaadato mas’uuliyadeeda si ay ugu cadaadiso Israa’iil inay joojiso dhammaan weerarada isdaba jooga ah ee Israa’iil ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin, iyagoo lagu heysto ku dhaqanka Diintooda iyo sameynta dowlad madaxbanaan, iyadoo caasimadda ay tahay Al-Quds Al-Sharif tahay. Gabagabadii, waxaan cusbooneysiineynaa go’aankeena ah inaan sameyno dadaal kasta si aan ugu adeegno sababaha dalalkeenna, waxaana ilaah ka baryeynaa inuu naga caawiyo danta ugu fiican qarankeena iyo inuu nagu taageero dadaaladeena si aan uga gudubno xaaladaha gaarka ah ee ummaddeena Carabta ah la soo dersaya.Eebbe ayaa Kaalmo iyo Ilaalinba weydiisaneynaa The post DF Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay weerarkii Israel ee Al-Aqsa appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka billaabay wada-tashiyo ku aadan shirka arrimaha doorashooyinka, kadib markii uu shalay ku soo laabtay dalka. Rooble ayaa haatan wada qorshihii ugu dambeeyey ee shirkaasi oo la filayo inuu qabsoomo 20-ka bishan aynu ku jirno ee 2021-ka, iyada oo go’aan looga gaarayo doorashooyinka. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in ra’iisul wasaaruhu ka baaraan-degaya shirkani, si uu u noqdo mid ka duwan kulamadii hore, meeshana looga saaro shuruudaha fashilin kara shirkan oo saldhig u ah doorashooyinka. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in Rooble uu haatan ka fakirayo sidii meesha looga saari lahaa caqabadaha fashilin kara wada-hadallada doorashooyinka Soomaaliya. Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la wareegay amniga iyo maamulka doorashada, isaga oo kadib billaabay abaabul xoogan oo uu ku wajahayo mucaaradka. Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan xaaladda siyaasadeed ee yare dagan tahay, kadib heshiiskii ay Muqdisho ku gaareen dowladda iyo mucaaradka. The post ROOBLE oo qorshe cusub ka billaabay Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan gobalka Gedo ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamadii Cabdirashiid Janan ee la heshiiyey dowladda Soomaaliya ay diideen in lagu daro ciidanka dowladda ee ku sugan qeybo kamid ah gobalka. Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in ciidanka Janan ay sharuud ku xireen ku biirista ciidanka dowladda, taasoo ay ka biya diideen saraakiisha dowladda ee ku sugan gobalka Gedo. Ciidanka Cabdirashiid Janan ayaa dalbaday in la siiyo guddoomiyaasha degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beladxaawo. Sidoo kale ciidankaan Janan ayaa dalbaday in la siiyo taliyaasha degmooyinkaas ee Nabad Sugidda ama taliye ku-xigeenada. Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa la filayaa in uu safar ugu baxo gobalka Gedo, waxaana safarkiisa ku wehlin doono saraakiil ka tirsan Villa Somalia, ayadoo ujoodka safarkooda lagu sheegay in xal loogu raadinayo arrimaha ka soo cusboonaaday gobalka Gedo. Wararka qaar ayaa sheegaya inay jirto cabsi ku aadan in laga yaabo in ciidanka Janan ay isaga ka goostaan, islamarkaana noqdaan kuwa iskood u taagan oo dowladda mucaarada ama la gorgortama. The post Xog: Ciidamadii Cabdirashiid JANAN oo diiday qorshe ay damacsaneyd dowladda appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa meesha ka saartay in la beddelo taliyayaasha ciidamada dowladda, taasi oo muddo aheyd dalab ay ku dheganayeen Midowga Musharaxiinta, kadib markii ay ku eedeeyeen inay bixiyeen amaro lagu weeraray qaar ka mid ah musharxiinta madaxweynaha. Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in heshiiskii lala galay mucaaradka ee lagu soo afjaray xiisaddii Muqdisho aanu ku jirinin la bedelo taliyeyaasha ciidamadda qaranka. “Taliyeyaal la bedelayo heshiiska kuma jiro. Taasina waa mid u taalo maamulka ra’iisul wasaaraha. Haddii ay ku timaado talo kale waa meesheeda. Qodobada aan ku heshiinay waa tobban qodob, waana cad yihiin,” ayuu yir Xundubey. Hase yeeshee, qodobka lixaad ee heshiiska ay gaareen xukuumadda iyo mucaaradka ayaa waxa uu dhigayaa in la magacaabo guddi khubaro ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka, mana cadda haddii dib u habeyntaas ay qeyb ka tahay hoggaanka ciidanka Hadalka Xundubey ayaa meesha ka saaraya rajo laga qabay in Rooble uu beddelo qaar ka mid ah taliyayaasha kadib markii uu la wareegay amniga doorashada. Rooble oo dhowr maalmood ku maqnaa Cumrada ayaa shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho, waxaana la filayaa inuu guda galo howlaha doorashada. Dhinaca kale, Xundubey ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada lagu heshiiyey inay Muqdisho ka baxaan aysan ku koobneyn oo kaliya kuwa taageerayay Madasha Badbaado Qaran, balse ay sidoo kale ku jiraan ciidamada taabacsan dowladda ee xiisadda dagaal ku yimid Muqdisho. “Waxa magaalada laga saarayo ee lagu heshiiyey waa ciidan kasta oo kusoo galay xiisaddii ka dhalatay muddo kordhinta,” ayuu yiri Xundubey. Si kastaba, inkasta oo ciidamada Badbaado Qaran ay magaalada uga baxeen si shaacsan, oo la wada arkay, haddana ma muuqato inay magaalada ka baxeen ciidankii uu kusoo daabulay Farmaajo. The post DF oo shaacisay inaysan jirin taliyeyaal ciidan oo la bedelayo kadib dalabkii mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
-
The Somali government on Tuesday regretted Kenya's decision to suspend commercial flights to and from Mogadishu, the capital of Somalia. Source: Hiiraan Online
-
The United Nations warns Somalia faces a perilous future as drought followed by torrential rains have destroyed this year’s planting season. Source: Hiiraan Online
-
(ERGO) – Asli Abdullahi Mohamoud, a mother of eight, was displaced from her home in Bacaadweyne after conflict erupted between Galmudug administration and Al-Shabab militant group on 10 April 2021. She reached Mirji’lay, 50 km from Dhusamareb, on 5 May. Source: Hiiraan Online
-
ATHENS - Greece's Ministry of Immigration and Asylum has dispatched a special unit of investigators to the island of Chios following the recent deaths of two migrants who were staying at the VIAL refugee camp, it announced on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shalay soo saartay go’aan ay ku joojineyso duulimaadyada ka yimaada Soomaaliya, marka laga reebo duulimaadyada caafimaadka iyo kuwa gargaarka bani’aadannimo. Si rasmi ah looma shaacin sababta go’aanka, hase yeeshee waxaa la sheegay in joojinta ay jiri doonto muddo saddex bilood ah, waxeyna ku soo aaday saacdo kadib markii ay Soomaaliya sheegtay in aysan fasaxin qaadka ka iman jiray dalka Kenya. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Kenya u joojisay laba arrin oo kala ah. 1- In dowladda Soomaaliya aysan fasaxin qaadka ka yimaada dalka Kenya oo sanadkii malaayin lacag ay ka hesho dowladda Kenya. Wararku waxay sheegayaan in nin la dhashay Madaxweyne Farmaajo oo lagu magacaabo Xasan Farmaajo iyo Cali Yare Cali ay dalka keenaan qaadka Itoobiya dartoodna loo joojiyay kan Kenya. Qaadka Kenya ayaa markii hore u xirnaa ganacsato Soomaali ah, hase yeeshee maadaama aan laga wareejin karin la joojiyey gebigiisa si mashruuc kale oo dhanka Itoobiya ah loogu furo Xasan Farmaajo iyo Cali Yare, kaasi oo ay malaayiin dollar hadda ka sameeyaan. 2- Warqad ay dowladda Soomaaliya u dirtay Midowga Afrika, taasoo lagu dalbaday in la badalo ergaygii dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya oo ah madaxweynihii hore ee Kenya John Mahama, waxaana warqadda ku qornaa inuu daganyahay Kenya islamarkaana uu ganacsi ku leeyahay. Arrintaas ayaa loo arkaa in wali muujineyso in Soomaaliya ay wali ku taagantahay dagaalka siyaasadeed ee dalka Kenya, islamarkaana soo-celinta xiriirka uu muuqdo mid ku kooban kaliya oraah, oo aan ficil laga muujin. Waxaa la filayaa in dowladda Qatar markale soo kala dhaxgasho labada dal oo ay markii hore ka shaqeysay inay soo celiso xariirkooda. The post Xog: Laba qodob oo sababay inay dowladda Kenya joojiso duulimaadyada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa dhamaan bulshada reer Somaliland meel walba oo ay jooga iyo guud ahaan shucuubta Islaamka u direy dhambaal hambalyo ah Ciidal Fidriga awgeed. “Ilaahay baa mahad leh nimcooyinka badan ee caafimaadku kow ka yahay, nabada, roobka iyo barwaaqada, fadliga ramadaan, ilaahaybaa ku mahad leh, waxaan dhammaan hambalyo iyo salaan u dirayaa ummadda islaamka ah meel ay joogtaba, gaar ahaan ummadda Somaliland, gude iyo dibed waxaan u dirayaa salaan iyo hambalyo,” ayuu yiri. “Waxaa ilaahay uga rajaynayaa sannadkaa sannadkiisa inay barwaaqo iyo bash-bash iyo caafimaad ku ciidaan oo ilaahay caafimaad inagu wada gaadhsiiyo iyo horumar, ramadaantu waxay ku soo hagaagtay sannadkan roob, qabaw iyo barwaaqo dalkuna nabad yahay.” Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay xuska 18-May oo maalmo kooban inaga xigaan, maalintaas oo ay Somaliland u dabaal-degto madax-banaanida ay ku doodo, iyo doorashooyinka la filayo inay ka qabsooman deegaanada Somalilan. “Ramadaanta waxa inoogu xiga oo iyana soo socota 18 May oo maalintii qarannimada Somaliland oo shan cisho ka danbayn doonta haddii Alle yidhaahdo, waxa ku xigidoona 18-ka, haddana doorashadii oo ilaa hadda ku qotonta inay qabsoonto 31-May bishan aynu ku jirno, arrimahaasa isu keen dabayaala.” “Waxa kusii xiga 26-June, waxa weeyaan arrimo wada muhiim ah, dabaal-deg, xus, cibaado iyo farxad ah oo ciid ah, waa ilaahay mahadii intaa isku xigtaa, si ilaahay ciidahaa iyo doorashooyinkaa isdaba-jooga ahi inoogu qabsoomaan nabad, qof walba oo muwaadina oo Somaliland ah, waxa ku waajib ah in uu ilaaliyo dalkiisa, nabadiisa, dadkiisa inay si nabad ah oo barwaaqo ah oo caafimaada caruurtiisa iyo ciroolihiisu ku ciidaan.” Madaxweynaha ayaa sidoo kale farta ku fiiqay cadow uu sheegay inay leedahay Somaliland, islamarkaana loo baahan yahay in meel looga soo wada-jeesto, “Somaliland cadaw badan ayey leedahay oo aan jeclayn horumarkeeda iyo nabadeeda iyo wada jirkeeda, waxaan ku dardaarayaa dhammaan muwaadiniintu inay meel uga soo wada jeedaan wixii inaga khal-khalinaaya horumarkeena, nabadeena, walaaltinimadeena, maalmahaa ciida, tan fidriga, tan 18-ka, ta doorashada, ta 26-June, waxay isku wada xigaan”. Ugu danbayntiina madaxweynuhu waxa uu ka hadlay xanuunka Covid-19 oo faro ba’an ku haya Somaliland, wuxuuna sheegay in sannadkan sidii kal hore uu ka cuslaa, isagoona ilaahay uga baryay dadkii u geeriyooday inuu naxariistii janno ka waraabiyo, inta la jiiftana uu ka kiciyo. The post Muuse Biixi oo farrin u direy shacabka SOMALILAND appeared first on Caasimada Online.
-
Shacabka iyo Laamaha Amniga Garoowe oo is kaashanaya, ayaa xalay soo badbaadiyay nin oday ah oo ku go’doomay biya ku soo rogmay togga magaalada Garoowe. Oday Xasan Maxamed Cumar, ayaa fiidnimadii xalay ku go’doomay bartamaha togga, kadib markii biya ku soo rogmeen, xilli uu ka baxay magaalada, islamarkaana ku sii jeeday xerada Taliska ciidamada Daraawiishta Puntland ee 54-aad oo ku taalla dhinaca waqooyi ee caasimadda. Kadib saddex saacadood oo uu ku go’doonsanaa togga dhexdiisa, ayaa markii dambe lagu guulaystay in la soo badbaadiyo, sida ay sheegeen saraakiisha Laamaha Amniga Garoowe. Oday Xasan ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii ka qayb-qaatay badbaadintiisa, gaar ahaanna rag dhalinyaro ah oo ka soo saaray halkii uu ku go’doonsanaa mudda saddex saacadood ah. Sida isagu caddeeyay, da’diisu waa lixdan sano jir, waxaana mar lagu qabtay dagaalkii ‘77’ ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo dhaawacan, kadibna wuxu kamid noqday maxaabiistii ay is weydaarsadeen labada dal. PUNTLAND POST The post Garoowe: Lixdan jir Itoobiya ku qabatay dagaalkii 77 oo xalay la soo badbaadiyay appeared first on Puntland Post.
-
GENEVA, SWITZERLAND – The United Nations warns Somalia faces a perilous future as drought followed by torrential rains have destroyed this year’s planting season. Somalia is one of the countries in the world most prone to the erratic and calamitous impacts of climate change. It has been hit by a double climate disaster for more than two weeks that is likely to worsen its already acute situation of food insecurity. The drought, which was declared on April 25 was soon followed by torrential rains that caused flash floods and rivers to overflow. The U.N. organization for the coordination of humanitarian affairs reports the rains came too late for the planting season. OCHA spokesman Jens Laerke said floods have killed at least 25 people in various parts of the country. The victims include nine children who died when their house flooded in the Benadir region, in the capital, Mogadishu. “The Juba River has burst its banks, houses have been washed away and livestock have perished. There are also reports of flooding in the north of the country and there are continuous flash flood warnings across Somalia, especially for people living in low lying areas. In flooded areas, local communities are struggling to prevent further flooding by placing sandbags, poles and other materials to reinforce riverbanks,” he said. The World Food Program reports 2.7 million Somalis are short of food, with more than half-a-million on the brink of famine. An estimated 300,000 children under age five are malnourished, including 48,000 who are severely malnourished and at high risk of disease and death. OCHA spokesman Laerke warned the combined impact of drought and floods is likely to worsen this critical situation. “Both climate shocks cause displacement, jeopardize access to safe water, increase waterborne diseases and impact people’s livelihoods. Despite increasing humanitarian needs, the funding forecast for 2021 is the worst in six years. This year’s Somalia Humanitarian Response Plan requires $1 billion to assist four million people. As of today, the plan is only 19 percent funded,” he said. Laerke said OCHA and partners are using the limited funds at their disposal to step up operations in drought-affected areas and reach at least 353,000 people with aid. Urgent efforts, he adds also are under way to respond to the flash flooding. The World Food Program reports it has distributed food to more than 20,000 people in Jowhar city, one of the areas hardest hit by flooding in central Somalia. Source: VOA The post Drought, Torrential Rains Devastate Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u cambaaraysay duqaymaha ciidamada Israa’iil ku hayaan shacabka Falastiiniyiinta ee ku sugan Daanta Galbeed iyo magaalada Quddus, gaar ahaanna masjidka barakaysan ee Al-Aqsaa. Wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Balal Maxamed Cismaan oo khudbad ka jeediyay shir deg deg ah oo Golaha Jaamacadda Carabtu ka yeeshay xaaladda Falastiin, ayaa cambaarayn xooggan u jeediyay weerarada Israa’iil ka wado dhulka Falastiiniyiinta. “Soomaaliya waxay cambaareyneysaa xoogaga qabsashada ee ku soo duulay barxadaha Masjidka Al-Aqsa iyo weerarkooda ay ku qaadeen dadka reer Falastiiniyiinta ee aan is difaaci karin” ayuu yiri Wasiir Balal. Sidoo kale, wuxu Caalamka ugu baaqay, in ay qaataan mas’uuliyadahooda sharci iyo akhlaaqiyadeed ayagoo mudnaan siinaya ilaalinta lagama maarmaanka u ah dadka Falastiiniyiinta ah ee Israa’iil ku hayso xadgudubyada joogtada ah iyo duqaymaha xiriirka ah. “Waxaan ugu baaqeynaa bulshada caalamka inay qaataan mas’uuliyadahooda sharci iyo akhlaaqiyadeed ayagoo mudnaan siinaya ilaalinta lagama maarmaanka u ah dadka Falastiiniyiinta ah ee Israil dhibta ku hayso.” Ayuu sii raaciyay. Wasiir Balal Cusmaan, ayaa sidoo kale Israa’iil ugu baaqay, in ay joojiso dhammaan tallaabooyinka caburinta ah ee lagu hayo dadka reer Falastin ee ku dhaqan magaalada Qudus iyo guud ahaan dhulka Falastiin. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo si adag u cambaaraysay duqaymaha Israa’iil ku hayso Falastiiniyiinta appeared first on Puntland Post.
-
Qiiq ka baxaya duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ka gaysatay magaalada Qaza Xamaas ayaa sheegtay inay 130 gantaal ku garaacday magaalada Tel Aviv ee Israa’iil kadib markii duqeyn dhanka cirka Israa’iil ka gaysatay dhismaha munaaradda Gaza. Gantaalada Xamaas ayaa qaar kood ku dhaceen dhuun ay leedahay shirkadda tamarta Israa’iil, sida uu sheehay sarkaal ka tirsan waaxda tamarta Israa’iil. Muuqaal Video ah oo uu sii daayay Channel 12 ayaa muujiyay olol ka kacaya wax umuuqda inuu yahay weel weyn oo shidaal oo u dhow magaalada Ashkelon ee koonfurta Tel Aviv. Gantaalada ayaa yimid ka dib markii Xamaas ay soo saartay amar kama dambeys ah oo looga dalbanayo Israa’iil in ay ka joojiso ciidamadeeda amniga masaajidka Al-Aqsa oo ka mid ah goobaha barakeysan ee Muslimiinta. Maamulka caafimaadka ee Qaza ayaa sheegay in ugu yaraan 28 Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 10 caruur ah lagu dilay duqeymaha cirka ee Israa’iil ay ka geysanayaan marinka tan iyo dabayaaqadii Isniintii. In ka badan 700 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dhaawacay magaalada Qudus iyo guud ahaan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed maalmihii la soo dhaafay. Beesha Caalamka ayaa ku boorrisay labada dhinac inay soo afjaraan xiisadda sii kordheysa, taasoo daba socota rabshado maalmahan ka socday magaalada Qudus. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo burburisay dhismihii munaaradda Gaza iyo Xamaas oo gantaalo ku garaacday Tel Aviv appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ka hadlay Nidaamka Maamul ee ay Dalka ku hagayeen Xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland. Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, wuxuu sheegay in Xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka soo maray, sida Xukuumadihii ay Madaxweyneyaasha ka ahaayeen Daahir Rayaale Kaahin, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xukuumadda hadda joogta ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aad mooddo inay wada galeen heshiis aan qornayn, kaasi oo dhigaya in aanu midna daba-gelin wixii uu khalday kii ka horreeyay. Maxamed Xaashi faahfaahiyey Deraasad uu ku sameeyay Lacagta Qaadka kaga baxday Somaliland intii ay Xukunka hayeen Saddexdii Madaxweyne ee talada Somaliland soo maray, kuwaasi oo uu ku jiro Madaxweynaha Xilka haya iyo weliba Cadadka Lacagta Somaliland muddadaa ku soo iibsatay Sibidhka, xilli la kicin karo Warshadda Sibidhka ee Somaliland, taasi oo ku taalla meel ku habboon. Wasiir Hore Maxamed Xaashi Cilmi, wuxuu si qoto dheer uga hadlay dhaqaalaha Somaliland ku wayday Sibidhka iyo Qaadka, iyadoo hagaajisan karta Warshadda Sibidhka oo uu sheegay inuu xilligii Siilaanyo ka mid ahaa Guddi loo saaray sidii dib loogu soo kicin lahaa, laakiin fikraddii uu soo jeediyey laga diiday, taasi oo ahayd in Saamiyo la bixiyo, halkii Ashkhaas laga siin lahaa. Shaqaalaha. Eng. Xaashi wuxuu ugu horrayn farriin u diray Madaxda Qaranka, waxaanu si gaar ah uga hadlay Daryeelka shaqaalaha Dawladda, “Madaxda waxaan Xasuusinayaa Dhaartii ay galee, markaan taa ka imaaddo, dal ma hagaago haddaan Shaqaalihiisa iyo Ciidammadiisa la daryeelin, tuugana ma dhamaanayso.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Markuu Subaxdii soo kallahayo qofka Shaqaalaha ahi ee Gabadhu tidhaahdo wax dabka Carruurta loo saaro ma hayo, bakhtigaa u xalaal ah, markaa Daryeelkii Shaqaalaha Farahaa laga qaaday.” Maxamed Xaashi wuxuu sheegay “Markii aan ahaa Wasiirka Maaliyadda, waxaan Shaqaalaha u kordhiyey 100%, waanan ogaa inaan soo saarayo, waxaanan qorshaystay inaan sidaa ku wado illaa Dadku uu helayo wax uu ku noolaado, laakiin tii ma dhicin oo Siilaanyo waa kii xilka iga qaaday markii qayladu yeedhay ee la yidhi waxba lagama daba helayo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in aanay Somaliland dhaqaale xumo haynin, balse ay jirto Farsamo xumo, taasi oo keentay in faraha laga qaado Daryeelka Shaqaalaha “Waa Dal dhan oo aan Hanti-dhowrkiisu shaqaynayn, dal dhan oo Madaxdiisu kii ka horreeyay ka tirsanayn oo aad mooddo inay Ilmaadeer yihiin, dal dhan oo aan Horumarkiisii laga fikirayn oo aan la odhanayn maxaa Sannadkan ina soo galay ee aynu kordhinay, shaqaalihii muxuu ku nool yahay, markaa waxaad arkaysaa inay Arrinteenu aad u qasan tahay, markaa taasaa igu keliftay inaan Saxaafadda la hadlo..” Maxamed Xaashi wuxuu Jaantuuskan hoose ku muujiyey Markii uu Wasiirka Maaliyadda ahaa waxa Shaqaalaha Dawladdu u qaadan jiray Mushahar ahaan iyo wixii uu kordhiyey. Sibidhka iyo Jaadka. Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, waxa kale oo uu ka hadlay Dhaqaalaha Somaliland kaga baxay Qaadka iyo Sibidhka, waxaanu isagoo arrimahaa ka hadlaya uu yidhi “Madaxweyne Qudha ma canaananayo mid walba intuu lahaa ayaan u soo dhigay (qoray).” Maxamed Xaashi wuxuu sheegay in intii u dhaxaysay 2004 illaa 2010 oo uu Dalka xukumayey Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ay Somaliland Sibidh ku soo iibsatay Lacag dhan $ 95,262,960,00, halka 2011 illaa 2017 oo uu Madaxweyne Siilaanyo dalka xukumayeyna Somaliland Sibidh dalka dibeddiisa kaga soo iibsatay Lacag dhan $ 173,604,528,00, sidaasi oo kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu dalka xukumayo ayuu Eng. Maxamed Xaashi Cilmi sheegay in Somaliland Sibidh ku soo iibsatay $ 33, 907,75,00, lacagtaasi oo marka la isku geeyo dhan $ 371,193,426,00. Eng. Xaashi waxa kale oo uu soo bandhigay Khasaaraha uu Somaliland ku hayo Qaadka oo ka yimaadda dhanka Itoobiya, waxaanu sheegay in intii uu dalka Xukumayey Daahir Rayaale Kaahin ay Somaliland Qaadka kaga baxday $ 531,691, 174.00, muddadii uu Madaxweyne Siilaanyo uu dalka xukumayeyna Somaliland ay Qaadka kaga baxday lacag dhan $ 1,622,143,236.000, halka inta uu Madaxweyne Muuse dalka xukumayeyna uu Somaliland Qaad kaga baxday Lacag dhan $ 297,492,160.00, lacagtaasi oo marka la isku geeyo noqonaysa $ 2, 970,785,713.00. Lacagta Somaliland kaga baxday Qaadka iyo Sibidhka 2004 illaa 2021 ayuu sheegay inay dhan tahay $ 3, 341,979,134 Dollar, taasina Markhaati u tahay khasaare laga baaqsan karayey oo dalku galay, wuxuuna iswaydiiyey Cidda masuulka ka ah Khasaaraha intaasi leeg “Markaa ma Dalkaa ina gabay Mise Madaxda Ina Gabtay, Waxaan qabaa in Madaxdu ina gabtay, Waayo? khasaare ayaynu ku jiraa ee yaa sabab u ah, Khasaaraha ugu weyna waa Qaadka iyo Sibidhka.” Wuxuu intaa ku daray in khasaaraha intaas lee gee dhanka Sibidhka la galay markii la yeeli waayey Talooyinkii uu soo jeediyey ahaa in Saami la bixiyo oo dib loo kiciyo Warshadda Sibidhka ee Berbera “Tii markii la yeeli waayay, Natiijadii waxay noqotay ta Maanta ka dhacday, Jaadkana waalla joojin karaa haddaan laga war wareegin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Madaxweyneyaashii dalka u kala dambeeyay, gaar ahaan intooda nool ee Rayaale, Siilaanyo iyo Muuse ay dhisi karayeen Warshadda, balse ay hagradeen “Saddexdan Madaxweyne mid walba gaarkiisa ayuu Warshadda u dhisi kari lahaa.” Ayuu yidhi. Qaran News
-
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Khaliil Axmed Cabdilaahi ayaa sheegay in la dhammaystiraayo soddonka bisha ramadaan . “Gobollada dalka, Geeska Afrika iyo dawladaha Islaamka waannu la xidhiidhnay, cid bishii aragtayna ma jirto, sidaas awgeed berri oo Arbaca ah waa Ramadaan, ciidduna waa Khamiista idam Alle”. ayuu yidhi Maalinta khamiista ayaa noqonaysa maalinta kowaad ee ciida fidrida sida uu sheegay wasiir Khaliil Source
-
Kenya has suspended flights to Somalia just days after its neighbour said diplomatic ties between the two countries had been normalised following months of tension. Source: Hiiraan Online