-
Content Count
212,796 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa ku geeriyooday, halka saddex kalena ku dhaawacmeen shil gaari oo galabta ka dhacay degaanka Sheerbi ee Gobolka Garkaar. Saraakiil ka tirsan Laanta ilaalada wadooyinka ee Booliiska Puntland, ayaa laga soo xigtay in shilka ay ku dhinteen laba dhalinyaro ah, halka saddex kalena ku dhaawacmeen. Dhalinyarada shilka ku dhaawacmay oo ka soo jeeda dowlad goboleedka Koonfura Galbeed, ayaa kasoo amba-baxay magaalada Boosaaso, si ay tartan kubada cagta ah u lasoo ciyaaraan fasaxa ciidka kooxo kale oo ay isku deegaan kasoo jeedaan oo ku sugan magaaladda Qardho. PUNTLAND POST The post Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay degaanka Sheerbi ee Gobolka Karkaar appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble galabta hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud. War kooban oo laga soo saaray xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada-hadleen xasiloonida magaalada Muqdisho, amniga guud iyo arrimaha doorashooyinka dalka. “Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ka wada hadlay amniga guud , xasilloonida caasimadda iyo Arrimaha Doorashooyinka Dalka” ayaa lagu yiri warkaas. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa muddooyinkii u dambeeyay kulamo kala duwan la yeeshay siyaasiyiinta mucaaradka dowladda, kuwaas oo qaarkood sheegeen in ay u tartamayaa madaxweynaha dalka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay Ex. madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud appeared first on Puntland Post.
-
Gaza (Caasimada Online) – Ciidamada Israel ayaa lasoo dhoobay xuduudda Gaza, xilli ay weli duqeyn ku socoto magaalada, halka ururka Xamas ay ayagana gantaallo ku garaacayaan Israel, ayada oo xaaladda ay kasii dareyso. Duqeymo cusub oo ay maanta ka fuliyeen Gaza, ayaa ciidamada Israel waxay ku garaaceen dhisme ka kooban lix dabaq oo ay sheegeen inay leeyihiin Xamas oo maamusha magaalada. Ugu yaraan 83 qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markii ay billowdeen duqeymaha Israel Isniintii, sida ay sheegeen kooxaha caafimaadka, ayada oo isbitaallada oo markii horeba la tiicayey bukaanada COVID-19 la geeyey dhaawacyo. “Waxaan wajaheynaa Israel iyo COVID-19. Waxaan dhexda uga jirnaa laba cadow,” waxaa sidaas yiri Asad Karam oo ah 20 jir ka shaqeeya dhismooyinka, isaga oo dhinaca taagan waddo ay waxyeeleeyeen duqeymaya Israel. Dhinaca kale, weeraradii ugu dambeeyey ee gantaallo ee Xamas, ayaa mid ka mid ah wuxuu ku dhacay dhisme ganacsi oo ku yaalla caasimadda Tel Aviv, halkaasi oo ay ku dhaawacmeen shan Israa’iiliyiin ah, sida ay sheegeen booliska. Toddoba qof ayaa ku geeriyootay Israel tan iyo markii ay billowdeen gantaallada Xamas, sida ay sheegeen militariga Israel. “Israel oo dhan waxaa ku socda weerar. Waxaa xaalad aad cabsi u leh in lagu sugnaado,” waxaa sidaas yiri Margo Aronovic oo ah 26 jir arday ah oo ku sugan Tel Aviv. Israel ayaa ciidamo dagaal ku diyaarisay xuduudda Gaza, waxayna ku sugan tahay “marxalado kala duwan oo ay isugu diyaarineyso howlgal dhulka ah,” sida uu sheegay afhayeen u hadlay militariga. REUTERS + VOA The post Yahuudda oo weli duqeyn ka wada GAZA iyo XAMAS oo ku jawaabeysa gantaalo appeared first on Caasimada Online.
-
Sawirrada Munaasabadda Ciida jabuuti,Kenya, Somaliland & Soomaaliya Deegaannada Soomaalida ee Geeska Afrika ayaa si wayn looga ciiday maanta oo ah munaasabadda ciidul fitriga tahay. Balse meelaha qaar, sida deegaannada Soomaalida ee Kenya iyo Nairobi ayaan sidii hore looga ciidin, sababo la xiriira xayiraadaha jira iyo in dowladda aysan ogoleyn isu imaatinka shacabka, taas oo looga hortagayo cudurka COVID-19. Masaajidda iyo goobo kooban ayey dad tiro yar isugu tageen oo ku tukadeen salaadda ciidda. Waa kuwan sawirrada munaasabadda ciida ee Soomaalida iyo madaxdooda. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa boqollaal qof kula tukaday salaadda ciidda, magaalada Muqdisho. Dhanka Somaliland, Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa barxad ku taalla magaalada hargeysa kula tukaday kumannaan qof oo si wayn ugu mashxaraday Ciidul Fitriga. Kumannaanka isugu soo baxay Hargeysa ee munaasabadda ciidda. Madaxweynaha Dowlad Deegaank Soomaalida, Mustafa Cumar iyo kumannaan qof ayaa Jigjiga ugu dabaldegay munaasabadda ciidda, waxayna ku tukadeen garoonka kubadda ee magaalada. Goobta ay shacabka Jigjiga ku tukadeen salaadda ciidul Fitriga. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Baydhabo kula ciidan qaar ka mid ah shacabka iyo masuuliyiinta kale ee maamulka. Dhanka Hirshabeele, Madaxweyne Cali Guud ayaa dad kooban kula tukaday salaadda ciidda, magaalada Jowhar Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo Dhuusamareeb kula tukaday qaar ka mid ah shacabka. Magaalada Garisa, in kastoo aan isu imaatinka badan la ogoleyn, haddana Maayarka Garisa, Cali Bunow Qorane, ayaa dad kooban kula tukaday magaalada. Dadka uu la tukaday cali Bunow Qorane ,DJIBOUTI Jabuuti, waxaa hoggamiyay madaxweynaha, Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana lagu tukaday fagaare ku yaalla Magaalada iyadoo la dhowrayay kala fogaanshaha looga hortagayo cudurka Coronavirus Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Qaran News
-
Sharci ka dhan ah Islaamka oo Faransiisku soo saaray oo ka cadhaysiiyey M/weyne Erdogan Recep Tayyip Erdogan Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sharci cusub oo Faransiiska qorsheeyey in looga hortago wax loogu yeeray “gooni u goosashada Islaamiga ah”, kaasi oo uu ugu yeeray gowraca dimqoraadiyadda. Sharcigan qabyada ah ayaa waxaa aad looga cambaareeyey gudaha iyo dibedda Faransiiska, ayada oo loogu yeeray mid lagu liidayo Muslimiinta, islamarkaana siinaya dowladda quwado cusub oo ay ku xadiddo hadallada iyo kooxaha diimeed. “Anisixinta sharciga, oo si furan uga hor-imanaya xuquuqda aadanaha, xoriyadda diinta iyo qayimka Yurub, wuxuu noqon doonaa gowrac lagu sameeyey dimoqraadiyadda Faransiiska,” ayuu yiri Erdogan oo khudbad ka jeediyey Ankara. “Sharciga cusub waxa uu kaliya u adeegi doonaa qadiyadaha xagjirnimada, wuxuuna cadaadis saari doona ururada aan dowliga ah, kuna qasbi doonaa dhallinyarada inay kala doortaan diimahooda iyo waxbarashadooda,” ayuu yiri Erdogan. “Waxaan ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta Faransiiska, iyo si gaar ah madaxweynaha Macron inay u dhaqmaan si xakmad leh. Waxaan rajeyneynaa in si deg deg ah looga laabto sharciga.” Erdogan ayaa sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay inuu Faransiiska kala shaqeeyo arrimaha amniga iyo is-dhexgalka, hase yeeshee xiriirka labada dal ayaa dhowaanahan xumaa. Dowladda Faransiiska ayaa ku guda jirta hanaan ay ku ansixineyso sharci wax looga qabanayo wax ay ugu yeertay “gooni u goosad Islaami ah,” kaasi oo dowladda siinaya awoodo dheeri ah oo ay ku baarto kuna burburiso ururada diimeed ee loo arko inay halis ku yihiin qaranka. Erdogan ayaa tallaabooyinka lasoo jeediyay ugu yeeray “Muslim diid.” Bishii October ee 2020, Erdogan ayaa su’aal ka keenay “caafimaadka maskaxeed” ee Macron, isaga oo ku eedeeyey inuu qaaday “olole naceyb ah” oo ka dhan ah Islaamka, kadib markii madaxweynaha Faransiiska uu difaacay “xuquuqda” Farshaxamiistayaasha ay ku daabici karaan sawirro lagu matalayo Nebi Muxammed NNKH. Qaran News
-
Arrimo xasaasiya oo ku saabsan Ergayga ay ‘Soomaaliya diidday’ ee Midowga Afrika u soo xulay oo la ogaadey JOHN MAHAMA Dowladda Soomaaliya ayaa “ku gacan seyrtay” inay aqbasho ergayga gaarka ah ee uu Midowga Afrika u soo magacaabay si uu u dhexdhexaadiyo Kenya iyo Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska Daily Nation oo soo xigtay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq. Soomaaliya ayaa sheegtay in ergayga cusub, John Maha – oo ah madaxweynihii hore ee dalka Ghana – uu xiriir dhow la leeyahay Kenya. Waxay xukuumadda federaalka Soomaaliya warqad u dirtay guddoomiyaha Midowga Afrika Mousa Faki Mahamat, taasoo ay ugu wargalisay in dowladda Soomaaliya aysan ku taageeri doonin Mr Mahama doorkiisa cusub. Sida ay qoreen wargeysyo uu ka mid yahay Daily Nation oo ka soo baxa Kenya, wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, oo wargeyska uu soo xigtay ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Ghana uu gacansaar la leeyahay madaxda Kenya, isagoo aan cayimin nooca uu yahay xiriirkaas. Arrimtaas oo kaliya ayuu sheegay in Mr Mahama aan loogu kalsoonaan karin, xal caddaalad ku dhisan na uusan keeni karin. Madaxtooyada Soomaaliya iyo Wasaaradda Warfaafinta ayaan weydiiyay arrinka warqadan iyo in ay xaqiiqo tahay, balse way ka gaabsadeen. Noomana suuragalin in aan helno wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo la sheegay in warqaddan ay iyada ka soo baxday. Maalintii Sabtida ahayd ayay hoggaanka Midowga Afrika usoo magacaabeen Mahama inuu noqdo ergaygooda ugu sarreeya dhinaca arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya si uu ugu qaabilsanaado xal u helidda xasaradaha diblomaasiyadeed ee labada dal ee dariska ah. Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay go’aanka soo xulashada Maha, waxaana mowqifkooda lagu caddeeyay bayaan Aaxaddii kasoo baxay Stephane Dujarric oo ah afhayeenka xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres. Soomaaliya ayaa isbuucii lasoo dhaafay ku dhawaaqday in ay dib usoo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Kenya kaasoo ay jartay dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay. Dowladda Qadar ayaa door weyn ku lahayd dhexdhexaadinta labada waddan iyo soo afjaridda xiisadda. Waa kuma John Mahama? Mr Mahama wuxuu waddanka Ghana xukumayay intii u dhaxeysay sanadihii 2012 ilaa 2017-kii. Wuxuu dhashay 29-kii bishii November ee sanadkii 1958-kii, da;diisuna waa 62 sano. K ahor inta uusan madaxweyne noqonin, wuxuu ahaa wasiirka wafraafinta kaddibna wuxuu noqday madaxweyne ku xigeenka Ghana. Xilka madaxweynaha wuxuu qabtay kaddib markii uu geeriyooday madaxweynihii ka horreeyay isaga, John Evans Atta-Mills, oo dhintay bishii July ee sanadkii 2012-kii. Isagana waxaa xilka lagala wareegay sanadkii 2017-kii. Mr Mahama wuxuu shaqooyinkiisa xirfadda ah markii ugu horreysay ku billaabay macallinnimo, wuxuuna ardayda bari jiray maaddada taariikhda. Waddanka Ghana wuxuu ka tagay sanadkii 1981-kii. Sanadkii 1988-kii ayuu shahaadada aqoonta cilmi nafsiga ka qaatay jaamacad ku taalla magaalada Moscow ee dalka Ruushka. Markii uu ku laabtay dalkiisa wuxuu markii ugu horreysay ka shaqo billaabay safaaradda Japan. Sanadkii Sanadkii 1996-dii ayaase loo doortay inuu xubin ka noqdo baarlamaanka waddanka Ghana, sidaasna waxaa ku billowday waayadiisa siyaasadda. Sanadkii 2016-kii isagoo mar kale damacsan in loo doorto xilka madaxweynaha ayaa looga guuleystay doorashada. Waxaa haddana looga adkaaday doorashadii madaxtinnimada ee sanadkii 2020-kii ka dhacday Ghana. Qaar ka mid ah arrimihii ugu waaweynaa ee uu soo maray 1981-kii wuxuu ka cararay Ghana wuxuuna tagay dalka Nigeria kaddib markii uu afgambi sameeyay Jerry Rawlings. 1991 ilaa 1995 wuxuu ka shaqenayay xafiiska warfaafinta ee Safaaradda Japan ay ku leedahay Ghana. 1996-dii waxaa loo doortay xildhibaannimada Baarlamaanka Ghana, isagoo matalayay deegaan baarlamaaneedka lagu magacaabo Bole-Bamboi ee gobolka waqooyiga dalkaas. 1998-kii, bishii November waxaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta. 2000 waxaa dib loogu doortay kursiga xildhibaanka Bole-Bamboi oo loo igmaday afar sano oo kale. 2001, bishii January waxaa xilka wasiirka Warfaafinta kala wareegay Felix Owusu-Adjapong. 2003 ilaa 2008 wuxuu ahaa xubin ka tirsan baarlamaan goboleedka Pan-Afrika, wuxuuna guddoomiye ka ahaa ururkaas ay ku bahoobeen dalalka Galbeedka Afrika. 2004 waxaa mar saddexaad loo doortay kursiga xildhibaanka Bole-Bamboi ku matalaya baarlamaanka. 2008 waxaa loo xushay inuu madaxweyne ku xigeen u noqdo John Evans Atta-Mills oo u tartamayay doorashada madaxweynaha oo dhaceysay bishii December. 2009, 3-dii January John Atta-Mills ayaa lagu dhawaaqay inuu noqday madaxweynaha Ghana. 2009, 9-kii January John Mahama waxaa loo dhaariyay madaxweyne ku xigeenka Ghana. 2011, 4-tii August waxaa mar kale la xaqiijiyay inuu madaxweyne ku xigeen u noqonayo John Evans Atta-Mills oo doorashada madaxweynaha u tartamayay markii labaad. 2012, 24-kii July waxaa geeriyooday madaxweyne John Atta-Mills, oo ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Accra. Mahama ayaa durbadiiba loo dhaariyay madaxweynaha cusub ee Ghana. 2012-kii xisbiga talada hayay ee NDC ayaa ku taageeray inuu xilka madaxweynaha ugu tartamo doorashadii dhaceysay dabayaaqadii 2012-kii. 2012, 7-dii December wuxuu xilka madaxweynaha kula tartamay Nana Akufo-Addo oo ka socday xisbiga cusub ee magaciisa loo soo gaabiyo NPP. 2012, 11-kii December waxaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay xilka madaxweynaha kaddib markii uu helay 50.7% ka mid ah codadkii la tiriyay. Nana wuxuu helay 47.74% ka mid ah codadka. 2014, 29-kii March waxaa loo doortay guddoomiyaha ururka dhaqaalaha Galbeedka Africa ee ECOWAS, jagadaas oo uu qabanayay hal sano. 2015, 28-kii July nin ayaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah kaddib markii lagu helay inuu qorsheynayay inuu dilo Mahama. 2016, bishii June waxaa lagu eedeeyay inuu qaatay gaari hadiyad ah oo qiimihiisu gaarayo $100,000. Hadiyaddaas waxaa la sheegay inuu ka helay nin qandaraasle ah. 2016, 22-kii September wuxuu Shirka Qaramada Midoobay ka sheegay in Afrika “aysan u baahneyn naxariistooda iyo kaalmadooda balse ay u baahan tahay in si caddaalad ah fursad loogu siiyo inay caalamka wax la qeybsato”. 2016, 9-kii December wuxuu qirtay in looga adkaaday doorashadii madaxweynaha kaddib markii uu guusha qaatay Nana Akufo-Addo. 2016, 13-kii December wuxuu raacay hoggaamiyeyaal Afrika ka socda oo u safrayay Gambia si ay xal ugu raadiyaan xasaradihii siyaasadeed ee ka dhashay markii doorashada looga adkaaday madaxweynihii dalkaas Yahya Jammeh. 2017, 22-kii June maxkamadda ugu sarreysa Ghana ayaa xukuntay in Mahama uu dastuurka meel uga dhacay markii uu 2016-kii dalkiisa u fasaxay labo qof oo argagixiso ah oo laga soo daayay xabsiga Mareykanka ee Guantanamo Bay. 2017, bishii July wuxuu hoggaaminayay guddi kormeerayaal ah oo loo soo xil saaray doorashadii guud ee ka dhaceysay dalka Kenya. 2018, bishii July wuxuu hoggaaminayay kormeerayaashii doorashadii ka dhaceysay dalka Zimbabwe. 2019, 24-kii February waxaa loo doortay murashaxa xisbiga NDC ee xilka madaxweynaha, si uu ugu tartamo doorashadii dhaceysay 2020-kii. Laakiin waa looga guuleystay. 2021, 9-kii May waxaa loo magacaabay ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya si uu gacan uga geysto xal u helidda doorashada hannaankeeda lagu murmay. Qaran News
-
Faransiiska ayaa wada dadaallo dibolomaasiyadeed oo qaar ka mid ah dalalka Yurub iyo waddamada Bariga Dhexe ay ku doonayaan in wax looga qaabto ska horimaadyada dhimashada badan ee u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin. Dalalka Faransiiska,Jarmalka,Masar iyo Jordan ayaa ku riixi doona Israel iyo Falastiin inay dib u bilaabaan wadahadalka iyada oo la raacayo qaab dhismeedka sharciga caalamiga ah iyo qaraarada Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay. wasiirka arrimaha dibadda dalka Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa walaac ka muujiyay wareegga cusub ee iskahorimaadyada sii xoogeysanaya ee geystay dhimashada in ku dhow sideetameeyo Wasiirka ayaa xusay in xalku uu ku jiro dhismaha laba dowladood oo kuwada noolaada nabad iyo ammaan iyadoo Qudus ay tahay caasimada labada gobol. PUNTLAND POST The post Faransiiska oo wada qorshe lagu xalinayo xiisada Falastiin iyo Israa’iil appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa boqollaal shacab iyo mas’uuliyiin ah kula tukaday masjidka Shuhada ee ku dhex yaallay madaxtooyada Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka ugu baaqay in la caawiyo dadka masaakiinta ah, lagana wada shaqeeyo amniga dalka si bulshada Soomaaliyeed ay ugu wada ciidaan farxad iyo damaashaad. Sidoo kale Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta Koobaad ee Ciidul Fitriga, isaga oo u rajeeyay in sanadkaan sankiisa kale ay ku gaaraan Bashbash iyo Barwaaqo. Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida amniga dalka. The post Sawirro: Ra’iisul Wasaare Rooble oo la ciiday shacabka appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada Salaadda Ciidul-fidriga. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, taliyayaasha kala duwan ee ciidamada, maamulka gobolka Maroodi-jeex, ayaa Boqolaal kamid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kula tukay Masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu duceeyey bulshada reer Somaliland in Ilaahay ka aqbalo, cibaadadii iyo wanaaggii ay soo sameeyeen bishii barakaysnayd ee Ramadaan, Quluubtooda mideeyo, islaamnimadana u quweeyo, waxana uu yidhi,“Ilaahay ha inaga yeello ummad Islaam ah oo qalbiga ka heshiis ah oo Diintooda Aaminsan oo dhan u wada jeedda.” Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shacabka ugu baaqay inay isku duubnaadaan, isku tashadaan, hoosna u eegaan kuwooda itaalka daran, kana maarmaan gacmo shisheeye, kana dheeraadaan wax kasta tafaraaruq ku keenaya midnimada bulshada oo ay qabyaaladdu kow ka tahay. Source
-
Garaadka Garaad Jaamac Garaad Cali, oo uu weheliyo Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan, ayaa saaka magaalada Saaxdheer Gobolka Sool kula iiday dadweynaha ku dhaqan Degaankas. Garaadka iyo Wasiirka ayaa salaadda iida halkaas kula oogay shacabka magaalada Saaxdheer, waxaana Garaadku umadda Islaamka, gaar ahaanna dadka Soomaaliyeed ku hambalyeeyay munaasabadda Ciidda. Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ka soo jeeda magaalada Saaxdheer, ayaa booqasho ku jooga Degaanka, isagoo u kuur-galaya xaaladda ka jirta Saaxdheer iyo Tuulooyinka hoos yimaada. PUNTLAND POST The post Wasiirka Caafimaadka Puntland oo la ciiday Shacabka magaalada Saaxdheer appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa saaka salaadda iidda mas’uuliyiin kale iyo boqollaal shacab kula tukaday masjidka Shuhadaa ee madaxtooyada Villa Somalia. Ra’iisul wasaare Rooble, oo hadal kooban ka jeediyay masjidka Shuhadaa ee madaxtooyada Soomaaloiya, ayaa shacabka ugu baaqay in la waaciyo dadka masaakiinta ah, lagana wada shaqeeyo amniga. Inta badan dunida muslimka ayaa maanta laga iiday, marka laga reebo dalal kooban oo shalay iiday. Sidoo kale Soomaaliya maanta ayaa laga iiday, balse waxa jirtay in shalay laga iiday magaalooyin ka tirsan koonfurta dalka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo shacab badan Muqdisho kula tukaday salaadda iidda appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa shalay subax xoog soonka uga furay dadka ku nool degaanka Warciise oo ku yaalla duleedka degmada Jowhar ee gobalka Shabeellada Dhexe, waxaana halkaasi ka dhacay arrin la yaab ah. Dad goob joogayaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay qasab biyo ku siiyeen dad soomanaa kadibna waxaa la isugu geeyay masjid cusub oo laga dhisay degaanka, kaas oo ka sameysnaa Bulkeeti. Masjidka oo bilooyin ka hor la dhisay ayaa dumay markii ay Takbiirta ka billaabeen Al-Shabaab, islamarkaana dad aan badneyn qasab loo geeyay si Salaada Ciidda ugu Tukadaan. Ilo wareedyo dadka degaanka ah ayaa sheegay in Masjidka uu ka dumay laba qeybood, waxaana wax ku noqday dhowr dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab. Arrintaan la yaab ku noqotay dadka degaanka waxaana aad looga hadal hayaa gobalka Shabeellada Dhexe, ayada oo dadka qaar ay ku tilmaameen mucjiso lagu tusayey Al-Shabaab in cidda ay shalay ciideen ay aheyd mid qaldan. Al-Shabaab ayaa shalay dadka ku nool deegaanada ay maamulaan ku amray inay ciidaan, kadib markii ay sheegeen in Bisha Shawaal laga arkay deeganao ka mid ah Hiiraan, Bakool iyo meelo kale oo ay joogaan Al-Shabaab, oo gaaraya illaa sideed goobood. Soomaaliya inteeda kale ayaa waxaa laga ciiday maanta kadib markii la waayey cid sheegtay inay bisha aragtay, ayada oo dowladda federaalka ay amartay in shalay ay aheyd 30-ka Ramadaan, cidduna ay tahay maanta. The post Xog: MASJID ku soo dumay dagaal-yahano Al-Shabaab ah kadib arrin ay sameeyeen appeared first on Caasimada Online.
-
The Horn of Africa was and is a region of utmost importance throughout the ages from time immemorial. It is where man first crossed from Africa to other parts of the world and it has always been a point of connection between Asia, Africa and Europe, transferring both ideas Source: Hiiraan Online
-
To celebrate International Nurses’ Day, marked around the world on Florence Nightingale’s birthday on 12 May, and International Midwives’ Day, which falls on 7 May, the World Health Organization (WHO) in Somalia is acknowledging the remarkable contribution of nurses and midwives in the country. Source: Hiiraan Online
-
School superintendent says at least 40% of the city's 5,000-plus students are from immigrant families, most of them Muslims. Source: Hiiraan Online
-
DENVER (AP) - Two small airplanes collided in midair Wednesday near Denver, leaving one aircraft nearly ripped in half and forcing the pilot of the other to deploy a parachute attached to the plane to land safely. Remarkably, no one was injured, officials said. Source: Hiiraan Online