Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,796
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan Baalle ayaa si adag kaga hadlay weerarada iyo duqeymaha Israel ay ku heyso dhulka Falastiin, isaga oo shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay xun tahay falkaasi. Amb. Baalle ayaa xusay in dowladda federaalka ay shacabka Falastiin ku garab taagan tahay inay helaan xuquuqdooda oo dhammeystiran. “Soomaaliya waxa ay Falastiin ku garab-taagan tahay in ay hesho xuquuqdeeda, waa in loo dhisaa Dowlad Madax bannaan oo Caasimadeedu tahay Qudus,” ayuu yiri Mr. Baalle. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladaha caalamka inay u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ay haatan wajahayaan reer Falastiin. “Xaaladda militari ee halista ah waa mid ka dhanka ah Falastiin, waxa aan bulshada caalmaka u soo jeedinayaa in si deg-deg ah wax looga qabto,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey u shaacisay mowqifkeeda ku aadan xiisada u dhexeysa Falastiin iyo Israel, iyada oo taageero u muujisay shacabka Falastiin. The post DF Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay xiisada Falastiin iyo Israel appeared first on Caasimada Online.
  2. (SLT-Tel aviva)-Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeymo dhowr ah ka geystay guriga hoggaamiyaha ururka Xamaas Yaxya Al Sinwar. Ma kala cadda tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawcantay duqeymihii ugu dambeeyay ee laga geystay Qaza xilli dagaallada ay galeen maalinkii toddobaad. Ururka Xamaas ayaa gantaallo ku riday Israa’iil, arrintaas oo dhalisay cabsi ah inay gabbaad ay raadsadaan. Mar sii horreysay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay sii xooggan uga jawaabi doonto gantaallada Xamaas tan iyo inta amniga dib looga soo celinayo. Wuxuu sheegay in wadahadallo la bilaabo doono oo kaliya ah marka la joojiyo gantaallada lagu ridayo dhinaca Israa’iil. Saraakiisha caafimaadka ee Qaza waxay sheegeen in 150 qof ay kamid yihiin carruur ay ku dhinteen halkaas, halka Israa’iil ay sheegtay in dhinaceeda ay dagaallada kaga dhinteen 10 qof. Source
  3. Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal oo taageraya Falastiiniyiinta gabood falada lagu hayo ayaa socod ku maray waddooyinka magaalooyinka waaweyn ee Yurub sida London, Berlin, Madrid iyo Paris, iyada oo rabshadihii ugu xumaa ee sanado ka dhex dhaca Israel iyo Muslimiinta Qaza ay socdaan. Magaalada London, dhowr kun oo mudaaharaadayaal watay boorar ay ku qoran yihiin “Jooji Qarxinta Gaza” kuna dhawaaqaya “Ha xorowdo Falastiin ” ayaa isugu soo baxay Marble Arch, oo u dhow caasimada Ingiriiska ee Hyde Park, iyaga oo banaanbaxyo ka sameyay Afaafka hore ee safaaradda Israel. Dadka banaanbaxyada ka dhigayay waddooyinka London ayaa gaarayay illaa 150,000 , Boliska magaalada ayaana sheegay in aysan awoodin xakameynta banaan baxayaasha maadama ay aad u tira badan yihiin . dhanka kale Guud ahaan Waqooyiga Ameerika, dhankeeda, isu imaatinno lagu muujinayo midnimada Falastiin ayaa ka dhacay magaalooyin ay ka mid yihiin Boston, Washington, Montreal iyo Dearborn, Michigan. Dhawr boqol oo qof ayaa isugu soo baxay aagga Bay Ridge ee Brooklyn, ee magaalada New York, iyagoo ku dhawaaqaya “Ha xorowdo Falastiin”. Waxay lulayeen calanka Falastiin waxayna siteen boorar ay ku qornaayeen “Wuu dhamaaday waqtigii Israail ” iyo ” Qaza xor ayey noqoneysa a.” Magaalada Madrid, ee caasimadda dalka Spain waxaa isugu soo baxay dad gaaraya ilaa 2500 oo qof, oo badankood ay yihiin dhalinyaro kor u sidda calanka Falastiin, kuwaas oo socod ku marayay waddooyinak waaweyn ee Spain . Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay magaalada Baarliin ee caasimadda Germany iyo magaalooyin kale oo Jarmalka kuwaas oo taageraya Falastiiniyiinta Yahuudda dhibka ku hayso. Waxaa mudda kooban la fasaxay shaqaalaha degmada degmada Neukoelln ee koonfurta Barliin , halkaas oo ay ku nool yihiin dad aad u tiro badan oo asalkoodu yahay Turki iyo Carab. Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah Israel waxayna ku tuurayeen booliska dhagxaan iyo dhalooyin, taasoo keentay in dhowr jeer la xiro waddooyinka magaalada Mudaaharaadyo kale ayaa lagu qabtay magaalooyinka Frankfurt, Leipzig iyo Hamburg ee isla dalka Jarmalka . Griiga, booliisku waxay sheegeen in kudhowaad kun qof ay mudahaaradyo ka sameyeen afaafka hore ee safaarada Mareykanka ee Athens. Booliska rabshadaha ka hortaga ayaa adeegsaday madfaca biyaha waxaana jiray dagaalo yar yar oo lala galay mudaaharaadayaasha safaarada horteeda, sida ay soo wariyeen wakaaladaha. Magaalada Rome,ee caasimadda dalka Talyaaniga dhowr boqol oo qof ayaa isugu soo ururay agagaarka Santa Maria Maggiore basilica, iyagoo watay calanka Falastiin kuna dhawaaqayay hal ku dhigyo. “Looma baahna inaad Muslim noqotid si aad u taageerto Falastiiniyiinta,” ayeey ku dhawaaqayeen dadka isugu soo baxay magaalada Rome . Dalka Tuniisiya banaanbaxyo ayaa ka dhacay magaalooyin dhowr ah. Boqolaal mudaaharaadayaal ah oo kor u sida Calanka Falastiin ayaa buux dhaafiyay waddooyinka magaalooyinka Tuunis . Magaalooyinka Waaweyn ee Yurub ayaa illa iyo hadda waxaa ka dhacaya Banaanbaxyo Falastiin lagu taagerayo xilli dowladaha yurub ay yaaban yihiin . Xukuumadda Tel Aviv ayaa gabood fallo u geysatay Muslimiinta Falastiin kuwaas oo ka biya diidan in Yahuudda ay gacanta ku dhigaan dhulka barakeysan ee Qaza . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Intelligent and fast paced midfielder Abdulnoor Lukwata is expected to sign a semi-professional contract with Somalia Premier League side Heegan Football Club. Source: Hiiraan Online
  5. Does Prime Minister Roble have enough support and independence to ensure elections can be held at last? Source: Hiiraan Online
  6. (SLT-Addis Ababa)-Madaxa guddiga doorashada Ethiopia ayaa sheegtay in ayna macquul ahayn in la qabto doorashada baarlamaanka ee qorshuhu ahaa inay dhacdo 5-ta June, iyadoo aan la sheegin waqtiga cusub ee doorashada la qaban doono. Raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa markii uu tallada qabtay saddex sanno ka hor waxa uu ballan qaaday in uu dalka ka saarayo hannaankii xukun ku dheganaanta ahaa, islamarkaana uu qaban doono doorashadii ugu dimoqraadiyadda badnayd ee abid soo marta dalkaasi. Doorashooyinka ayaa markii hore qorsheysnaa bishii August ee sannadkii hore, waxaana dib loogu dhigay sababo la xidhiidha cudurka safmarka ah ee coronavirus, iyadoo dhibaatooyin ay soo kordheen tan iyo waqtigaas oo ay ka mid tahay dagaalka gobolka waqooyi ee Tigray. “Codbixintu ma dhaceyso 5-ta June … ma sheegi karno taariikhda maaddaama guddiga ay tahay in ay darsaan talooyinka ay ka helaan xisbiyada,” ayay tidhi haweeneyda hoggaamisa guddiga doorashada Birtukan Mideksa. Waxa ay ku sababeysay dib u dhac xagga saadka ah, sida dhameystirka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, tababaridda shaqaalaha doorashooyinka, daabacaadda iyo qeybinta waraaqaha codbixinta. “Dhabtii, waxa ay noqotay wax aan macquul ahayn in dhammaantood lagu soo gudbiyo taariikhaha markii hore loo cayimay.” Mideksa ayaa sheegtay in marka la qorsheynayo taarikhda cusub maanka lagu heyn doono xilli roobaadka – oo soconaya bilaha June ilaa September. Iyadoo toddobaadyo ay ka hadhsan tahay doorashada ayaa waxaa jiray astaamo yar oo olole ah, waxaana dhowr xisbi oo mucaarad ah ay qorsheynayeen in ay qaadacaan codbixinta, iyagoo ku tilmaamay mid aan loo sinneyn. Source
  7. Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in markale ay dib u dhacday doorashada baarlamaanka dalkaas. Doorashada oo la filayay in ay dhacdo 5-ta bisha June ee sanadkan ayeey sheegen in guddiga sababa la xiriira tirada dadka iska diiwaan geliyay goobaha codbixinta oo aad u yar, xilli dib u dhacaan uu noqonayo midkii labaad kadib markii doorashada Baarlamaanka Itoobaya oo la filayay in ay ay qabsoonto 20-ka August sanadkii hore xukuumadda ay dib u dhigtay sababa la xiriira xanuunka Corona Virus. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Xisbigiisa ayaa markale wajahayo culeysyo siyaasadeed oo kaga imaanaya xisbiyada mucaaradka dalkaas. Birtukan Mideksa, gudoomiyaha gudiga doorashooyinka itoobiya (NEBE), ayaa sheegtay in dib udhaca kuyimid furitaanka goobaha codbixinta iyo diiwaan galinta cod bixiyaasha oo yar ay dib ugu dhigeen maalinta doorashada bilaabmeyso . “Waxaan u sheegi doonnaa qof walba inuu ogaado sida ugu dhakhsaha badan muddada dib u dhaca si loo dhammaystiro howlaha dib-u-dhaca ku yimid , Ma noqon doono wax ka badan 3 toddobaad,” ayeey tiri Birtukan Mideksa, guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Itoobiya . Sikastaba sanadkii hore ayey aheyd markii guddiga doorashooyinka ay shaaciyeen in doorashooyinka dalka Itoobiya dib loo dhigay taas oo ka dhalatay dagaallo qaatay Lix bilood oo u dhaxeeyay ciidamada ka amar qaata xukuumadda mudda kororsiga sameysatay iyo qomiyadda Tigreega ee dagta waqooyiga dalkaas. GoobJoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay inay istaagtay guud ahaan lacagtii uu qaadi jiray maamulka Gobalka Banaadir ee aheyd canshuurta dowladda Hoose. Lacagtaan Canshuurta ah ayaa laga qaadi jiray goobaha Ganacsiga, Guryaha, Bajaajta iyo hantida kale ee ma guurtada ah ee magaalada Muqdisho.. Sababta ay u istaagtay qaadista lacagta canshuurta ah ayaa lagu sheegay inay shaqada joojisay shirkada si gaar ah loo leeyahay oo nidaamkeedu (System) heerkiisu sarreeyo ay joojisay wada shaqeyntii gobalka, iyadoo sidoo kale diiday inay bixiso xogtii la keydiyay ee sanadihii la soo dhaafay. Shirkadaan oo qaabkeeda shaqada la mid yahay kan wasaaradda maaliyadda canshuurta ku qaado islamarkaana ay aqoonsan yihiin IMF iyo World Bank ayaa weysay lacagto boqolaal kun ah oo ay ku yeelatay dowladda Hoose. Nidaamka shirkadda ayaa sheegi jiray canshuurta iyo goorta la bixiyay haddii muran yimaado ama la isku dayo in laga been sheego xogta lacag bixinta. Sidoo kale waxaa ku keydsanaa xogta hanti badan oo ma guurto ah oo ay leedahay dowladda Hoose ee Xamar. Xogta ayaa tilmaameysa in aysan dowladda hoose helin shirkad kale oo shaqadaan qabata. Sidoo kale waxay xogtu sheegeysaa in haddii la helo shirkad kale ay adkaan karto qabashada shaqada maadaama aan la kala ogayn cidda lacagta bixisay iyo kuwa aan bixin. Saraakiil sare oo ka tirsan xafiiska maaliyadda ee gobalka Banaadir ayaa sheegay in bilaha soo socda aysan wax lacag ah oo ka mid ah adeegyada iyo mushaharka bixin karin islamarkaana ay bishaan si dhib leh ku bixiyeen. The post Xog: Lacagtii uu qaadi jiray Maamulka Gobalka Banaadir oo istaagtay + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  9. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), ayaa maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar. Madaxweyne ku xigeenka waxa magaalada Qardho ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda oo ay ku jiraan wasiiro, xildhibaanno, saraakiil madaxtooyo, maamulka Gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho. Axmed Karaash ayaa magaalada Qardho kaga qayb-galay munaasabadda daah-furka barnaamijka diiwaan-gelinta codbixiyaasha saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn, kuwaas oo dhowaan laga qaban doono doorashooyin tijaabo ah oo ku salaysan qof iyo cod. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo gaaray magaalada Qardho appeared first on Puntland Post.
  10. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Munaasabadda Xuska halgameyaashii SYL awgeed xaflad maamuus ah la qaatay dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in caqabadaha dib dhigay dalka lagaga gudbi karo in dhallinyaradeennu ay raacaan dhabbihii Halyeeyadii SYL ee mideeyey cududda iyo caqliga shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa dul-istaagay hagardaamooyinkii gumaystuhu uu u gaystay Ummadda Soomaaliyeed isaga oo sheegay in halgankii, waddaniyaddii iyo wadajirkii aas-aaseyaashii iyo hawl-wadeennadii Ururkii Gobanimo Doonkii SYL ay kala tallaabeen caqabado iyo jallaafooyin waaweyn oo gumaystuhu ku wiiqayey halgankooda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen kala qaybinta shacabka Soomaaliyeed si ku salaysan qabiil iyo kooxaysi. “Dadka Soomaaliyeed marnaba ma illaawayaan maamuuska Halgameyaashii SYL iyo in ay iftiinsadaan dhaxalkii waddaniyadeed ee ay uga tageen. Dhallinyaradii SYL waxa ay ku guulaysteen in dadka Soomaaliyeed ay ka dulqaadaan heeryada gumeystaha, hormuudna u noqdaan dhaqdhaqaaqyadii xoreynta dalalka Afrika.” Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dowlad dhiska dalka, adkaynta amniga, xoojinta midnimada iyo wacyi gelinta bulshada, isagoo ku boorriyey in ay dadaalladooda sii labo jibbaaraan si loo taabba-geliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo la jaanqaadi karta dowladaha kale ee caalamka. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay Dhalinyaradii SYL appeared first on Puntland Post.
  11. Madaxa guddiga doorashada Ethiopia ayaa sheegtay in aysan macquul ahayn in la qabto doorashada baarlamaanka ee qorshuhu ahaa in ay dhacdo 5-ta June, iyadoo aan la sheegin waqtiga cusub ee doorashada la qaban doono. Ra’iisulwasaare Abiy Ahmed ayaa kolkii uu talada qabtay saddex sano ka hor waxa uu ballan qaaday in uu dalka ka saarayo hannaankii xukun ku dheganaanta ahaa, islamarkaana uu qaban doono doorashadii ugu dimoqraadiyadda badnayd ee abid soo marta dalkaasi. Doorashooyinka ayaa markii hore qorsheysnaa bishii August ee sanadkii hore, waxaana dib loogu dhigay sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee coronavirus, iyadoo dhibaatooyin ay soo kordheen tan iyo waqtigaas oo ay ka mid tahay dagaalka gobolka waqooyi ee Tigray. Waxa ay ku sababeysay dib u dhac xagga saadka ah, sida dhameystirka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, tababaridda shaqaalaha doorashooyinka, daabacaadda iyo qeybinta waraaqaha codbixinta. PUNTLAND POST The post Doorashada Ethiopia oo mar kale dib loo dhigay appeared first on Puntland Post.
  12. Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa lagu soo warramayaa inay sii gashay xaalad adag, kadib markii uu maalmihii lasoo dhaafay ku fatahay webiga Shabelle oo kar-kaaraha jabsaday. Magaalada oo dhan ayaa go’doon gashay waxaana go’ay jidadkii magaalada, kuwaas oo sababay inay istaagaan isku socdka gaadiidka isaga kala goosha halkaasi. Sidoo kale waxaa gabi ahaan xirmay garoonka diyaaradaha Jowhar, iyada oo haatan kaliya la adeegsanayo doono, si gudaha loogu galo magaaladaasi. Cabdi Mahad Cabdullahi Qoorgaab oo ah wasiirka gargaarka iyo maareynta muusiibooyinka maamulka HirShabelle oo uu warrmayaVOA ayaa ka hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Jowhar, isaga oo sheegay in dhammaan uu istaagay isku socodka gaadiidka. “Magaalada Jowhar waxa ay ku sugan tahay xaalad fatahaad ah, waxaana ku fatahay Wabiga Shabeelle oo biyo badan ka keenay labada buq ee Baarey & Mookey, Magaalada waxaa la isaga kala gudbayaa doon oo socodka Gaadiidka gudaha & Garoonka Diyaaradaha wuu istaagay” ayuu yiri Wasiir Cabdi Mahad oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda VOA-da. HirShabelle ayaa haatan la taacaleysa xaalad adag oo ka dhalatay fahaadda webiga Shabelle oo marar badan kusoo noqo-noqtay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. The post Xaaladda Jowhar oo ka dartay iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
  13. In the final installment of our mini-series Shattering the Glass Ceiling, Artnet News’s art and design editor Noor Brara spoke with pioneering gallerist Mariane Ibrahim, founder of her eponymous gallery. Source: Hiiraan Online
  14. NAIROBI, Kenya (AP) — Ethiopia has again delayed its national election after some opposition parties said they wouldn’t take part and as conflict in the country’s Tigray region means no vote is being held there, further complicating Prime Minister Abiy Ahmed’s efforts to centralize power. Source: Hiiraan Online
  15. This beautiful, ambiguous short film depicts one night in the dreams and the waking life of a teenage Finnish-Somali girl and her friends Source: Hiiraan Online
  16. When the Islamic Society of Niagara Frontier presented plans for its Muslim Community Center and mosque 30 years ago, some area residents fought against it. So, when it sought permits and approvals, it incorporated plans for three future expansion options. Source: Hiiraan Online
  17. Cape Town (Caasimada Online) – Wararka laga helayo wadanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in dil iyo dhaawac loogu geystay labo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha wadankaasi, kadib markii ay weerar ku qaadeen kooxo burcad Afrikaan ah. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay goob ganacsi oo muwaadiniintaasi Soomaaliyeed ay ku lahaayeen xaafada Laanta Side B ee Tuulada Khayelitsha ee magaalada Cape Town, sida ay Caasimada Online u sheegeen qaar kamid ah ganacsatada. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Abuukar (Goobo Raambow), halka mid kale ee dhaawacmay la dhigay goob caafimaad oo ku taalla magaaladaasi. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in burcadda ah ay sidoo kale weerartay dukaamo kale oo ay Soomaalidy ku lahaayeen halkaasi, balse ma jiro khasaare ka dhashay Sidoo kale waxaa meesha uu falku ka dhacay goor dambe gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika, inkastoo ay baxsadeen kooxihii ka dambeeyey falkaasi. Koonfur Afrika waxaa sanadkan 2021-ka iyo kii kasii horreeyey ee 2020-kii aad ugu soo badanayey dilka, dhaawaca iyo dhaca loo geysanayo ganacsatada ku dhaqan dalkaasi. The post Ganacsato Soomaali ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay wadanka Koonfur Afrika appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan hay’adaha ammaanka Soomaaliya iyo kuwa ajanabiga ah ee daggan Xarunta Xalane ayaa sheegay in ay heleen xogo amni oo muhiim ah, oo ku saabsan qaraxyo ka dhici kara magaalada Muqdisho. Xogaha la helay ayaa warinaya in magaalada Muqdisho ay soo galeen rag isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kuwaas oo ka yimid dhinaca Shabeellada Hoose ee koonfurta Soomaaliya, kuwaasi oo doonaya inay weeraro is-miidaamin ah fuliyaan. Mas’uuliyiintan kuwa ammaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in kooxaha magaalada soo galay islamarkaana damacsan in ay is qarxiyaan ay gaarayaan illaa sideed qof. Sidoo kale xogta ayaa tilmaameysa in bartilmaameedku yahay Saldhigyada ciidamada wasaaradaha, hoteello iyo maqaayada. Sidoo kale waxaa la sheegay in kooxdaan ay weerari karaan goobaha lagu badan yahay. Rag qaraxyada lagu soo xiray ee soo galay magaalada ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo qaraxii ugu dambeeyay ka fuliyay Saldhigga degmada Waabari ,waxaana ku dhintay dad u badan saraakiil ciidan. Sidoo kale maalmo ka hor waxaa baraha Bulshada lagu baahiyay qoraal lagu sheegay in uu ka soo baxay hay’adaha dagan Xalane, kuwaasoo ka digay qaraxyo ka dhaca Muqdisho oo maalmahan wajaheysa mashquul badan oo ka dhashay Farxadda Ciidul Fidriga. The post Xog: Hay’adaha amniga oo ka digay rag qaraxyo isku soo xiray oo Muqdisho soo galay appeared first on Caasimada Online.
  19. War cusub oo ka soo baxay Ethiopia Abiy Ahmed Madaxa guddiga doorashada Ethiopia ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in aysan macquul ahayn in la qabto doorashada baarlamaanka ee qorshuhu ahaa in ay dhacdo 5-ta June, iyadoo aan la sheegin waqtiga cusub ee doorashada la qaban doono. Ra’iisulwasaare Abiy Ahmed ayaa kolkii uu talada qabtay saddex sano ka hor waxa uu ballan qaaday in uu dalka ka saarayo hannaankii xukun ku dheganaanta ahaa, islamarkaana uu qaban doono doorashadii ugu dimoqraadiyadda badnayd ee abid soo marta dalkaasi. Doorashooyinka ayaa markii hore qorsheysnaa bishii August ee sanadkii hore, waxaana dib loogu dhigay sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee coronavirus, iyadoo dhibaatooyin ay soo kordheen tan iyo waqtigaas oo ay ka mid tahay dagaalka gobolka waqooyi ee Tigray. “Codbixintu ma dhaceyso 5-ta June … ma sheegi karno taariikhda maaddaama guddiga ay tahay in ay darsaan talooyinka ay ka helaan xisbiyada,” ayay tiri haweeneyda hoggaamisa guddiga doorashada Birtukan Mideksa. Waxa ay ku sababeysay dib u dhac xagga saadka ah, sida dhameystirka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, tababaridda shaqaalaha doorashooyinka, daabacaadda iyo qeybinta waraaqaha codbixinta. “Dhabtii, waxa ay noqotay wax aan macquul aheyn in dhammaantood lagu soo gudbiyo taariikhaha markii hore loo cayyimay.” Mideksa ayaa sheegtay in marka la qorsheynayo taarikhda cusub maanka lagu heyn doono xilli roobaadka – oo soconaya bilaha June ilaa September. Iyadoo toddobaadyo ay ka harsan tahay doorashada ayaa waxaa jiray astaamo yar oo olole ah, waxaana dhowr xisbi oo mucaarad ah ay qorsheynayeen in ay qaadacaan codbixinta, iyagoo ku tilmaamay mid aan loo sinneyn. Qaran News
  20. Meydad iyo Dhaawacyo la keenay Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa Laba qof ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib shil gaadhi oo goor dhaweyd ka dhacay degaanka Abaarso ee dhanka galbeed ee magaalada Hargeysa. Maydadka iyo dhaawaca ayaa hadda la keenay cisbitaalka guud ee magaaladda Hargaysa. Dhinaca kale Cisbitalka ayaa sidoo kale la ‘ keenay maydka nin ku dhacay ceel ku yaal deegaanka Isha Gobka ee koonfurta magaalada Hargaysa. Sidaasi waxaa warbaahinta u xaqiijiyay mid ka mid ah saraakiisha caafimaadka. Qaran News
  21. Telefishanka Al Jazeera oo war ka soo saaray duqayntii loo gaystay xarunteeda Gaza Telefishinka Al Jazeera ayaa cambaareeyay gantaallo ay Israa’iil la beegsatay dhismaha Gaza oo xarun u ahaa warbaahinta Al Jazeera iyo wakaaladda wararka ee AP. Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in tallaabadan “ay tahay ficil cad oo looga hor istaagayo saxafiyiinta inay gutaan waajibaadkooda muqadaska ah ee ah inay caalamka u sheegaan kana warbixiyaan dhacdooyinka socda. “Al Jazeera waxay balan qaadeysaa inay raacdo waddo kasta oo la heli karo si ay dowlada Israa’iil masuul uga noqoto ficilkeeda.” Dadka deegaanka iyo kuwa degan dhismaha ayaa ciidamada Israa’iil waxay ku wargeliyeen taleefoon inay heystaan ​​wax ka yar hal saac oo ay kaga baxaan dhismaha. Dr Mostefa Souag, oo ah kusimaha agaasimaha guud ee Warbaahinta Al Jazeera, ayaa yiri: Waxaan ka codsaneynaa beesha caalamka inay cambaareyso falalkaas waxashnimada ah ee lagu bartilmaameedsanayo saxafiyiinta, waxaana codsaneynaa tallaabo caalami ah oo deg deg ah oo lagula xisaabtamayo Israa’iil bartilmaameedka ula kaca ah ee ay la beegsaneyso saxafiyiinta iyo xarumaha warbaahinta. Bayaan kasoo baxay militeriga oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in dhismaha Qaza Tower uu yaallay ‘agab militeri’ oo ay lahaayeen ururka Xamaas isla markaana ay gabaad ka dhiganayeen halkaas. Rabshadaha cusub ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa salka ku haya cabashooyin muddo dheer soo taagnaa oo labada dhinac u dhaxeeya xaal waarana aan loo helin ayaa markale colaad horleh hurisay. Dagaalyahanada Xamaas ayaa tiro gantaallo ah ku riday magaalooyinka Israa’iil, waxaana ku dhintay weerarkaas nin ku sugnaa deegaan dhaca bariga magaalada Tel Aviv. Weerarkan ayaa ahaa mid ay uga argoosanayaan duqeymo ay xaley Israa’iil ka geysatay xero qaxooti oo ku taalla Qaza. Saraakiisha Falastiin waxay sheegeen in duqeyntaas ay ku dhinteen ugu yaraan 14 qof oo ay kamid yihiin carruur iyo qof dumar ah. Militeriga Israa’iil waxay sheegeen inay beegsadeen dhismo ay degenaayeen dagaalyahanada Xamaas. Masar ayaa 10 kamid ah gawaarida gurmadka deg deg ah u dirtay marinka Qaza si ay usoo daabulaan dadka ku dhawaacmay duqeymaha Israa’iil si loogu daweeyo cisbitaallada Masar, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka. Gawaarida gurmadka deg deg ah ee Masar ayaa ka tallaabay xadka Rafah. Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in gawaari kale oo gurmad ah ay u dirtay Qaza kuwaas oo la filayo in xilli dambe ay gaaraan halkaas. Waxaa lagu wadaa in dadka dhaawac ah ay qaabilaan saddex cisbitaal oo ku yaalla Masar, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha iyo saraakiisha caafimaadka. Saraakiisha ku sugan Qaza waxay sheegeen in 950 qof ay ku dhawaacmeen tan iyo Isniintii oo dagaallada ka qarxeen halkaas. Waa nabar aan bogsan oo ku yaalla bartamaha Bariga Dhexe waana sababta keenta iney dhacaan iska horimaadyo fool ka fool ah oo markii dambe isu beddelay gantaallo la soo rido, duqeymo dhinaca cirka iyo dhimasho. In wararka ku saabsan isku dhacyada ay ka maqnaayeen boggaga hore ee warbaahinta, kama dhigna in aysan jirin wax isku dhacyo ah ama xaaladda ay dantay. Arrimihi taagnaana ma jiraan wax iska baddalay sida oo kale nacaybka iyo cabashooyinka gaamuuray ee sanadaha badan soo taagnaa waxay jiilal badan u horseedeen dil iyo dhibaatooyin fara badan. In ka badan hal qarni Yahuudda iyo Carabta waxay ku hardamayeen sidii ay u hanan lahaayeen dhulka u dhaxeeya Webiga Urdun ilaa iyo Badda Mediterranean. Israa’iil waxay Falastiin u geysatay jab isdabajoog ah tan iyo markii ay xornimada qaadatay ee 1948-kii, balse wali Israa’iil ma gaarin guul kama dambeys ah. Qaran News
  22. Goobo Dalxiiska & Bilicda Magaalada Berbera Qayb ka noqonaya oo Midowga Yurub maalgelinayo oo la dhagax-dhigay+Cadadka Lacagta ku baxaysa Goobo dalxiiska iyo horumarka magaalada qayb ka noqonaya ayaa maanta Berbera laga dhagax dhigay. Mashaariic horumarineed oo uu maal-galinayo midowga Yurub, oo muddo lix bilooda soconaya ayaa maanta laga dhagax dhigay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. mashruucani wuxuu iskugu jiraa goobo ciyaaro ah, meelo qoysaska u gaara, goobo haweenka u gaar ah iyo goobo kale oo marti galin doona adeegyo muhiim u ah dadweynaha booqanaya xeebta magaalada. Mashruucan ayaa haddii ILLAAHEY yidhaaho ay ku bixi doonta qadar lacageed oo dhan 7.5 milyan, oo dollarka Mareykanka ah. Berbera ayaa sannadihii danbe si xawli ah ugu talaabsatay horumar la xidhiidha kaabayaasha bulshada iyo mashaariic waaweyn oo dalka dhaqaalihiisa laf-dhabar u ah. Qaran News
  23. Balcad (Caasimada Online) – Nin la sheegay in uu ka tirsan yahay Ciidamada Dowladda ayaa haweeney ganacsato ahayd waxa uu Jimcihii ku dilay Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Haweeneydan oo ka mid ahayd haweenka qaadka ku iibiya degmadaasi ayaa la sheegay in muran uu soo kala dhexgalay askarigaasi, ka hor intii aanu dilin. Haweeneyda oo lagu magacaabi jiray Sahro Muxumed Cali Kulmiye (Sahro Dhagey) ayaa u geeriyootay dhaawacyo ka soo gaaray rasaas uu huwiyay askarigaasi. Goobjoogayaal ayaa sheegay in askariga uu ka baxsaday goobtii uu falka ka gaystay, waana wax yar uun ka dib, markii uu haweeneydaasi ku dilay Suuqa Balcad. Ciidamada ammaanka oo hawlgalo lagu baadigoobayo ninka askariga ahi ka sameeyay Degmada Balcad ayaa waxaa u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan. Askariga ayaa haatan ku xiran Saldhigga Booliska ee Degmada Balcad, waxayna qoyska marxuumadda dalbanayaan in sharciga la horkeeno. Sahra Dhagey ayaa aad looga garanayay Degmada Balcad, oo 30km dhanka waqooyi ka xigta Magaalada Muqdisho. The post Ciidamada DF oo soo qabtay ninkii dilay Sahra Muxumed appeared first on Caasimada Online.