-
Content Count
212,796 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The European Union held a ground-breaking ceremony to launch the Berbera Beach Development, part of the EU funded Urban development project that was launched in 2020. Today, the European Union held a ground-breaking ceremony to launch the Berbera Beach Development, part of the EU funded Urban development project that was launched in 2020. The Beach component will be implemented by the Berbera Municipality and UN-Habitat over the next 7 months. The Berbera Beach project, which will particularly focus on inclusion and livelihood creation, will have the following areas: a family area, a female-only area where girls and women can enjoy the beach and the sea freely, sports and youth facilities for girls and boys, a market area, a recycling facility and pocket spaces reserved as public areas to rest, play, host street vendors or small cultural activities. “The new Berbera beach project will not only be an attractive recreation opportunity for the people of Berbera, but also a unique economic opportunity. It will attract a large number of visitors and thus create revenues for the region, business opportunities for the private sector, and direct and indirect employment for residents,” said the EU Ambassador to Somalia, Nicolas Berlanga Martinez. “The public space development at the beach will unlock its potential as an asset for tourism. Consequently, these public spaces will create a vibrant and accessible environment that integrate the needs of a variety of stakeholders, especially the most vulnerable groups such as children, youth, girls, waste pickers and those working in the informal sector,” said Ishaku Maitumbi, Officer in charge of UN-Habitat Somalia Programme. The municipality identified the beachfront as a priority area for the urban regeneration of Berbera following the current trends of the city growth and the recommendations from the review of the 2017 Strategic Development Plan. Background: The Berbera Beach development is part of the larger EUR 7.5M Berbera Urban Development project that was launched in January 2020. UN-Habitat in collaboration with the Berbera Municipality is implementing this urban development project aimed at contributing to inclusive and sustainable urban development and economic growth through improved waste management, infrastructure and services. Other than the beach development, the municipality aims to improve infrastructure and services of the Beach Road and the main street connecting the beachfront with the city centre. This is a great opportunity to increase connectivity and accessibility of the road, developing a people-oriented network of public spaces, as well as support the future development of the city. The Berbera public space regeneration project follows the UN-Habitat principle for quality public space network to envision an inclusive and vibrant city. The project also works towards the achievement of the New Urban Agenda and the Sustainable Development Goals 11 to make cities and human settlements inclusive, safe, resilient and sustainable and provide universal access to safe, inclusive and accessible, green and public spaces for all by the year 2030. Source: EU The post The EU launches the Berbera Beach Project with the Berbera Municipality and UN-Habitat appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ku began 15-ka bisha May. Raysalwasaaraha ayaa xusay doorkii xornimodoonka dhalinyaradda Sooomaaliyeed ka geysteen iyo in ay dhalinyaraddu tahay laf-dhabarta bulshadeena markastana yihiin kuwo door weyn ka qaata hawlaha loogu adeegayo qaranka. Ugu dambayn Raysalwasaaraha ayaa xusay in xukuummadiisu door weyn siinayso dhalinyaradda Soomaaliyeed. “Xukuumadda Soomaaliyeed iyadoo garowsan muhiimadda dhalinyaradda Soomaaliyeed, waxay mudnaan gaar ah siinaysaa horumarinta dhalinyaradda Soomaaliyeed iyo sidii loo xoojin lahaa ka qayb galkooda dhinacayadda kala duwan ee nolosha si gaar ahna siyaasadda iyo hoggaaminta Dalka.” PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare rooble oo hambalyo u diray xuska maalinta Dhalinyaradda Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Booliska Soomaaliya ayaa baahiyey baadi goobka eedeysane la sheegay inuu baxsad ka yahay gacanta Booliska kaasoo loo heysto dambi. Eedeysanaha uu booliska baadi goobayo ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdixakiim Cabdisalaan Aadan, waxaana loo maleenayaa inuu ku sugan yahay dhulka Somaalida iyo deegaanada Soomaali Galbeed ee Itoobiya. Booliska ayaa Shacabka iyo maamulada ka jiro deegaanada Soomaalida iyo kuwa dariska la ah Soomaaliya ka codsaday inay booliska kusoo war geliyaan haddii eedeysanahaan lagu arko deegaanadooda. Booliska ma sheegin dambiga uu galay eedeysane Cabdixakiim Cabdisalaan Aadan, waxaana baadi goobkiissa lagu faafiyey dhammaan warbaahinta Dowladda iyo baraha Bulshada. Halkaan hoose ka akhriso farriinta ay soo qoreyn Booliska Wanted. (Eedeysane Baxsad ah). Dhamaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo Deegaanada Soomaali Galbeed, waxaa laga Codsanaya in ay nagala qeyb qaataan baadi-goobka eedeysane Cabdi Xakiim Cabdisalan Aadan, kaas oo Sawirkiisa halkaan idinkaga muuqdo. Cidii aragta hanagala so xiriirto tel 991 gudaha dalka ama baraha bulshada, iyada oo macluumaadkiisa loo gudbinayo xarumaha Boliiska ee kuugu dhaw, ama xiriirada Baraha bulshada. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Mahadsanidiin. The post Booliska Soomaaliya oo raadinaya eedeysane baxsad ah appeared first on Caasimada Online.
-
Xilli dowladda federaalka kenya ay joojisay dhamaan duulimaadyadii ka imaanaye ama ku socde Soomaaliya , ayaa la sheegaya in ay ogolaatay in ay safar ku imaadaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Diyaaradahaan oo ay maamusho shirkadda Astral Aviation ayaa la sheegay in ay alaabo keenni doonaan magaalada Hargeysa , iyagoo ku hakanaya dalka Jabuti . MacDonnell Douglas DCC-9F iyo Boeing B727-727F, ayaa la qorsheyay in ay laba maalin ay tagaan Hargeysa, iyadoo ay dhici karto in la kordhiyo maalmaha ay aadayaan Somaliland . Arrimahaan ayaa ku soo aaday xilli la soo celiyay xiriirka labada dal, balse aanu aheyn sidii la rabay, kadib markii Soomaaliya ay diiday qaadkii uga imaanayay Kenya, iyadoo Nairobi ay jawaab uga dhigtay in ay joojiso dulimaad yadii Muqdisho kaga imaanayay . Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Sabti ah markab nooca dagaalka ah iyo ciidamo u soo dirtay xeebaha dalka Soomaaliya, si ay u galbiyaan maraakiibta ganacsi ee isticmaala biyaha Soomaaliya iyo sidoo kale meelaha ka baxsan. Markabkan oo ah mid aad u ballaaran ayaa waxaa dul-saaran diyaaradaha kuwa qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka, gantaallada wax burburiya iyo doomo nuuca dheereeya, wuxuuna noqonayaa markabkii miid 38-aad ee ay la socdaan ciidamada xoreynta badda (PLA). Wararkii ugu dambeeyey ee ku geedaaman markabkan ayaa sheegaya inuu kasoo amba-baxay dekedda Zhoushan oo ku taalla gobolka Zhejiang ee dalkaasi Shiinaha. Ujeedka ayaa waxa uu yahay sidii ciidamada badda ee Shiinaha iyo maraakiibtooda ay uga hortegi lahaayeen weeraro lagu qaado maraakiibta ganacsiga ee mara biya Soomaaliya. Si kastaba Shiinaha ayaa sanadihii ugu dmabeeyey sare u qaaday howl-gallada uu ka wado biyaha dalka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah, waxaana ciidamadiisa ay dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadaan Gacanta Cadmeed iyo sidoo kale Biyaha fog ee dalkeena Soomaaliya. The post Shiinaha oo markab dagaal iyo ciidamo usoo diray xeebaha Soomaaliya + ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Somalia is celebrating Somali Youth Day on Saturday. This annual event commemorates the founding of the Somali Youth League and marks the beginning of Somalia's struggle for independence. Source: Hiiraan Online
-
Source
-
(SLT-Jabuuti)-Waxaa maanta lagu wadaa inay magaalada Jabuuti ka qabsoonto caleemasaarke Madaxweyne Ismaaciil cumar Geelle. Waxaana halkaas ku sugan madax tiro badan oo ka kala yimid dibadda, gaar ahaan waddammada deriska la ah dalka Jabbuuuti halka kuwo kalena la filayo in maanta halkaasi ay gaadhaan. Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle markiisii shanaad uu ku guulaystay doorasho ay xilli horeba mucaaradka qaaddaceen. Taariikhda Ismaaciil Cumar Geelle Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu sannadkii 1948 ku dhashay magaalada Diridhaba ee Dowlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya. Markii ugu horreysay ee uu madaxweyne ka noqday Jabuuti waxa ay ahayd sannadkii 1999, markaas oo xilka uu kala wareegay Xasan Guuleed Abtidoon oo ay qaraabo yihiin, kaas oo dalka xukumayay tan iyo intii ay Jabuuti xornimada qaadatay sannadkii 1977. Geelle waxaa mar kale dib loo doortay sannadihii 2005, 2011 iyo 2016, iyo sannadkan 2021. Madaxweynaha xaaskiisa waa Khadra Maxamuud Xayd, waxayna isku dhaleen afar carruur ah, laba wiil iyo laba hablood. Source
-
GAZA CITY, Gaza Strip (AP) — An Israeli air raid in Gaza City killed at least 10 Palestinians, mostly children, early Saturday in the deadliest single strike since the battle with Gaza’s militant Hamas rulers erupted earlier this week. Both sides pressed for an advantage as cease-fire efforts gathered strength. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Paris)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa sheegay in uu booliska ka dalbaday inay mamnuucaan dibad-baxyada lagu taageerayo Falastiin, kuwaas oo la filayo in ay toddobaadkan ka dhacaan meelo ka mid ah Faransiiska. Dibad-baxayaashan ayaa ka soo horjeeda duqaymaha ka socda dhulka Falastiiniyiinta ee go’doonsan ee Qudus iyo Daanta Galbeed. Darmanin ayaa warbaahinta u sheegay in uu madaxa booliska ku amray in la joojiyo dibad-baxyadaas, hase yeeshe ururada u dhaqdhaqaaqa arrimaha Flastiin ayaa sheegay in aanay dhag jalaq u siin doonin hadalka wasiirka. Dagaalka u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo ciidammada amniga Israa’iil ayaa ku fiday Daanta Galbeed, iyadoo la sheegay in 10 Falastiiniyiin ah ay dhinteen, Ugu yaraan 122 qof ayaa lagu diley Qaza halka sideedna lagu diley Israa’iil tan iyo markii uu dagaalku bilaamay Isniintii. Source
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta markii shanaad loo caleema saarayaa xilka madaxweynaha ee dalkaasi. Munaabadda caleema saarka oo si weyn loo soo qaban qaabiyey ayaa waxaa ka qeyb-galaya wufuud kala duwan, sida ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ra’isul wasaareyaasha dalalka Itoobiya iyo Rwanda Abiy Ahmed iyo Edouard Ngirente, madaxweynaha Guine Alpha Conde, madaxweyne ku xigeenka South Sudan iyo xubno sare oo ka socda dalalka Uganda, Kenya, Pakistan, Turkey, Sucuudiga iyo sidoo kale France. Sidoo kale waxaa la filayaa xubno kale oo ka qeyb-galaya xafladda caleema saarka inay maanta gaaraan gudaha wadankaasi. Geelle oo dhowaan dib loo doortay ayaa helay codad gaaraya 98.41%, kadib doorashadii ka dhacday Jamhuuriyadda dalka Jabuuti. Sidoo kale wuxuu Ismaaciil Cumar Geelle qaabili doono, isla-markaana kulan duceedyo la qaadan doono madaxda ka qeyb-galeysa caleema saarkiisa. Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya ee uu waqtigiisu dhammaaday ayaa ka baaqsaday ka qeyb-galka munaasabaddan, waxaana ku metalaya Ra’iisul wasaare Rooble, hase’yeeshee ka qeyb-galka ra’iisul wasaaraha ee caleemo-saarka ayaa muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka ka dhex-oogan dowladaha dariska ah ee Somalia iyo Jabuuti. Si kastaba khilaafkan ayaa kasoo billowday markii 2018-kii uu Farmaajo xulufo siyaasadeed la sameystay Eritrea oo haysata dhul ay Jabuuti leedahay, taasi oo aad ay uga xumaatay dowladda Jabuuti in madaxweyne Soomaaliyeed uu la safto dal haysta dhul Soomaaliyeed. The post Wararkii ugu dambeeyey ee caleema saarka Geelle appeared first on Caasimada Online.
-
Soomaaliya sanad waliba maanta oo kale 15 May waxaa looga dabaal dagaa Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed. Munaasabado lagu weyneynayo Xuska Aas aaska 78- sano guuradii ka soo wareegatay ururkii gobanimadoonka SYL ayaa lagu qabta meel walba oo ay joogto Soomaalida, iyadoo Mas’uuliyiinta sar sare ee dalka ay ka soo qeyb galaan , halkaas oo dhalinyarada lagu dhiira geliyo . Ururrada Dhalinyarada, Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo bulshada rayidka ah ayaa lagu wadaa in si isku mid ah ugu dabaal-dagaan xuska maalintaas astaanta u ah wadaniyadda. Hadaba GoobJoog News waxa ay ku xasuusineysa Taariikhda Ururka SYL iyo kaalintii ay dhalin yaradaasi ka qaateen Nabadda iyo xoriyadda maanta aan ku naalooneyno . TAARIIKHDA SYL Cali Xasan Maslax(Berdura), waxaa uu ka mid ahaa 13-kii dhallinyaro ee aasaastay ururkii SYL, isagoo 80 jir ah ayuu 2002-dii Cabdi Caziz Gurbiye ugu waramay magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose. Dhallinyaro Kala Fikir ah: Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa la aasaasay 1943-dii, waxaa ay ahaayeen dhallinyaro da’doodu u dhxeeya 15-21 jir, koox Suufiyo oo Aways iyo Qaadiriya ahayd sida {Dahir Xaji Cusman Dhagawayne, Maxamed Xirsi Nuur Sayidiin, Cusmaan Geedi Raage iyo Maxamed C/llaahi farax xayeysi. Koox kale oo aqoon yahan ayaa ku jiray aasaasayaashii SYL sida {Yaasin Xaaji Cusman, Maxamed Cali Nuur} iyo koox 3-aad oo aad u yaraa sida Cali Verdura, Dahir Dhagaweyne iyo iyo Maxamed Hilowle, sidaa waxaa xaqiijiyay Cali Verdura. Dalka Sidee Buu Ahaa: Xilliga la dhisayo SYL, Soomaaliya waxaa ay ku jirtay gumeysi ba’an gaadiidka gadaal ayaa laga raaci jiray, shaneemooyinka gadaal ayaa laga fariisan jiray, si looga hortago gumeystaha ayaa waxaa la dhisay naadigii SYC oo loola jeeday in lagu qaldo gumeystaha. Habeenkii la dhisayey Leegada ma wada joogin 13-ka dhallinyaro, balse nasiib wanaag Cali Verdura waxaa uu ka mid ahaa kooxdii joogtay, Waxaa SYL lagu dhisay guri ku yaalla Wadada Via Roma ee magaalada Muqdisho. Dastuurkii SYL: Yaasiin Xaaji Cusmaan ayaa dhallinyarada soo hor dhigay barnaamijka xisbiga, qodobadii ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa: -In Soomaaliwayn la isu raadiyo, -Qaabyaaladda iyo Dariiqooyinka laga fogaado. -In dadka wax la baro. Waxaa halkaas lagu doortay 3 qof oo aqoon lahayd, kuwaas oo kala ahaa: -Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye -Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen -Yaasiin Xaaji Cismaan.-Xoghayaha guud ee ururka SYL Geesiyaddii SYL: Magacyadii 13-kii Dhallinyaro waa: C/qaadir Sheekh Saqaawadiin,. Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed ,Cismaan Geedi Raage, Dheere Xaaji Dheere , Daahir Xaaji Cusmaan ,Cali Xasan Maslax ,Maxamed Cali Nuur ,Maxamed Faarax Hilowle , Xaaji Maxamed C/llaahi {Xayeesi} ,Huudoow Macalin Cabdulle ,. Maxamed Cusmaan Baarbe . Laga bilaabo 1943, waxaa Xisbiga laga furay gobollada Soomaaliya oo idil, waxaa batay taageerayaashiisii qeybaha kala duwan ee bulshada sida dhallinyarada, odayaasha, culimada, dumarka iwm. 1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbedel lagu sameeyo magaca Xisbiga, sanadkaas ayaa laga dhigay SYL. Waxaa xusid mudan in uu xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan kadibna uu xanuunkaas u geeriyooday, Waxaa uu ka dardaarmay sida la sheegay in jagadiisii lagu bedelo Cabdullaahi Ciise Maxamud. Dhacdadii 11ka Jannaayo 1948 11 Janaanyo 1948: Waxaa dhacay dagaalkii Ha noolaato, maalintaas waxaa dibad bax ka dhacay magaalada Muqdishu. Dhacdadaas dadkii Soomaalida ka shahiiday waxaa ka mid ahaa Xaawo Taako oo astaan u noqotay gumeysi diidka iyo midnimada. 11-kii Janaayo 1948-dii waxaa dalka soo booqanayey guddi UNada raacsan oo ahaa dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad ee Aduunka sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiska, Ruushka, iyo Talyaniga. Maalintaas waxay adeegsadeen dadka daba-dhilifka ah. SYL, waxaa ay sameeyeen tab la yaab leh, boqolkii qofba waxaa loo dhiibay hal hogaamiye , labo calanka sida iyo afar ilaalo ah…Cali Berduda oo taariikhdan aan ka qornay waxaa uu sheegay in isaga callamada uu qeybiyay. Dagaalkaas Hanoolaato waxaa Soomaalida ka shahiiday 14 oo ay ku jirto Xaawo Taako, halka Talyaaniga laga dilay 52 Talyaani ah, waxaa gumeystihii lagu aruuriyay bilaajo Carab. Dhacdadii Dhagaxtuur: September 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii golaha guud ee Qaramada Midoobay. kalfadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jiray oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegadu waxay New York u dirtay Cabdilahi Ciise Maxamud si uu u cabbiro Mawqifka Leegada . October 5, 1949 ayaa Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur. Dagaalkan Dhagaxtuur, Waxaa uu dhex maray Soomaalida iyo Ingiriiska, dowladda Ingiriiska waxaa ay is bidday xoog, Waxaa ay bandow kusoo rogtay dadka, kadib waxaa Dhagaxtuur bilaabay Soomaalidii, dagaal is burbursi ah kadib,. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay. Labadaas dhacdo ee taariikhiga ah kadib, November 21, 1949 ayey Golaha Guud ee Qaramada Midoobay soo saareen go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Xukunkii Daakhiliga: April 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, Waxaa Talyaaniga weheliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar, Philibin iyo Colombia oo wakiil ka ah Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay. SYL waxaa ay sidoo kale ku guuleysatay 12ka Oktoobar 1954 in la taago calanka Soomaaliya kaas uu sameeyay nin SYL ka tirsan Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan. Madaxbanaani: Ugu Dambeyntii guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya. SYL, Waxaa ay ku guuleysatay dhamaan doorashooyinkii dalka ka dhacay intii u dhaxeysay 1954-1969-kii, waxaa ay dhiseen dhamaan xukuumadihii rayidka ahaa sida Xukuumadii Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Cabdirisaq Xaaji Xuseen iyo Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal, waxaa xilligaas dhacday doorasho dimoqoraadi ah tii ugu horeysay Afrika, waa markii uu Sharma’arke xilka kala wareegay Aden Cadde June 10, 1967-dii. SYL iyo Afgambigii Jaalle Siyaad: SYL 9 sano oo xukun Madani ah iyo doorashooyin xor ah ay wadeen waxaa afgambiyay Maxamed Siyaad Barre isagoo xiray madaxdii xisbiga uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, Xisbigii SYL siyaasadda ayaa laga mamnuucay wixii maalintaa ka dambeeyay. Cali Berdura oo Inqilaabkaas uga sheekeeyay waxaa uu yiri“- Haa, waxaa jirtay in ay noo yeereen Maxamed Siyaad, Kulmiye, Gabayre iyo Caynanshe, waxay noo sheegeen in dalka ka dhacayo Inqilaab aan dhiig ku daadan oo dalka ay isbedel ka samaynayaan… aniga meel cidla ah ayaan ka istaagay waxaa u sheegay in taariiqda xusi doonto khiyaanada ay wadaan…waxaa igu xanaaqay Gabayre oo gacantooda ku sababsaday markii dambe….Siyaad Barre waa i xiray xitaa lacag uu ii balan qaaday aniga ayaa diiday…wax xil inaan qabto waligeey ma jeclayn, daacadnimo ayaan intaan ku soo gaaray adeer. SYL waxaa soo afjaray Maxamed Siyaad, waxaa uu mamnuucay xisbiga iyo dhamaan axsaabta kale, hogaamiyeyaasha SYL waxaa la dhigay kuwa la xiro, koox dalka isaga cararay iyo in kaloo tacab iyo Beeraley iska noqday sida Berdura. 78 sano kadib aasaaskii SYL, maanta da’da ugu badan Soomaalida waa inta ka yar 35 sano oo waxaa lagu qiyaasaa 75%, malaha hogaamiyeyaal, malahan ururo siyaasadeed, qabiil iyo kooxo kale ayaa kala jiitay, Waddaniyaddii ayaa meesha ka baxday, waxaana baahi loo qabaa dhallinyaro dalka ka bixisa qabyaaladda, 4.5-ka, kooxeysiga, shisheeye kalkaalnimada iyo dhamaan afkaarta dib u dhaca u keentay dalka…….Dalka waxaa uu u baahan yahay in la soo celiyo eraygii caanka ahaa “Soomaaliya, Soomaalibaa leh” iyo Dhallinyaro ku midowda danta guud ee dalka, dadka iyo diinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada nabad sugida ee dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay howl-gal qorsheysan ka fuliyey duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo lagu xaqiijinayey amniga magaaladaasi. Howl-galka ayaa si gaar ah waxaa looga sameeyey deegaano hoos-yimaad magaalada Beledweyne oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Taliyaha NISA ee degmada Beledweyne Ibraahim Maxamed Abuukar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay si nabadoon ku gaareen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan, kadib markii ay isaga baxeen xooggagii Al-Shabaab ee horay ugu sugnaa halkaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howl-galladooda, inta Al-Shabaab laga saarayo deegaanadaasi. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. The post Ciidamada NISA oo howl-gal qorsheysan ka fuliyey Hiiraan appeared first on Caasimada Online.
-
They are a familiar sight on the busy streets of Djibouti: women clutching handbags bulging with dollars, euros, riyals and rupees, the money changers keeping the informal economy ticking over. Source: Hiiraan Online
-
Growing up, Honey Mohammed watched her mother, Marian Ahmed, start her own business and persevere with it through three cities and more than a half-dozen locations. Now, having gone to school for business, the 23-year-old shares ownership with her mom and has big dreams for how to improve Mama Sambusa Kitchen. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee Nairobi ayaa qoray xog ku saabsan sababtii keentay in dowladda Kenya ay joojiso duulimaadyadii Soomaaliya, oo la hakiyey muddo saddex bil ah marka laga reebo kuwa caafimaadka iyo kuwa sida gargaarka bani’aadannimo. Wargeyska oo soo xiganaya ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Kenya ayaa sheegay in Kenya ay ka carrootay kadib markii dowladda federaalka ay xayirtay laba diyaaradood oo qaad usoo qaaday Soomaaliya, oo ay leedahay shirkadda Kenyan-ka ah ee Bluebird Aviation. Labadaas diyaarad ayaa Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya waxay ku eedeysay inay jebiyeen amarkii ay dowladda ku mamnuucday in qaadka Miraa ee Kenya loo soo dhoofiyo dalka. Tallaabada ay qaadday dowladda ayaa muran ka dhex-abuurtay labada dal ayada oo Kenya ay ku dooday in shirkadda ay qaadka usoo qaaday Muqdisho kadib markii dowladda federaalka ay dib usoo celisay xiriirkii labada ee ay goysay bishii December, islamarkaana diyaaradda ay timid Soomaaliya maalmo kadib markii xiriirka lasoo celiyey. Hase yeeshee dowladda federaalka ayaa sheegtay in xiriirka lasoo celiyey aanu ka dhigneyn in qaadka la fasaxay, oo aysan jirin meel arrintaas lagu sheegay, sidaas darteedna ay shirkadda Bluebird Aviation ku xadgudubtay amarka dowladda. Hay’adda Duulista ayaa kadib 9-kii May soo saartay qoraal ay ku xaqiijineyso in amarkii lagu mamnuucay qaadka uu weli taagan yahay, si aan loo sameyn qalad la mid ah kii Bluebird Aviation. “Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed (SCAA) waxay si sharaf leh ugu war-gelineysaa dhammaan howlwadeenada in Qaadka Mirra oo la keeno Soomaaliya ay weli mamnuuc tahay, islamarkaana Siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan soo dhoofinta Qaadka Miraa ee garoomada diyaaradaha dalka aysan waxba iska beddelin. Soo dhoofinta Mirra, iyadoon wax ogolaansho ah laga haysan Hey’adda Duulista Raydika, waxaa loo arki doonaa tallaabo sharci darro ah iyo ku xad-gudub Hawada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Hay’adda Duulista Raydika Soomaaliya. Si kastaba, Kenya ayaa ayada oo ka carreysan tallaabada ay dowladda federaalka ka qaaday shirkadda Bluebird Aviation iyo inaan dib loo fasaxin qaadka, waxay soo saartay amarkii ay ku joojisay duulimadyada Soomaaliya, taasi oo sii xumeysya xiriirka labada dal ee Qatar ay ku guuleysatay toddobaadn kahor inay dib usoo celiso. The post Tallaabo ay DF ka qaaday shirkad KENYAN ah ayaa ka carreysiisay dowladda Kenya appeared first on Caasimada Online.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo xalay ku hoyday magaalada Gaalkacyo ayaa halkaasi ka bilaabay wada-hadallo lagu xalinaayo shaqaaqo ka dhalatay dil loo geystay Sheekh Cali Axmed Faarax ( Sheikh Calidheere). Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la kulmay odayaasha iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo, isaga oo kala hadlay sidii loo dhameyn lahaa shaqaaqada ka dhalatay dilka Sheekh Cali Dheere, sidoo kalena gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay dilkaas. Khamiistii todobadkii hore Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo dilkii degaan hoostaga magaalada loogu geystay Sheekh Cali Dheere), iyada oo banaanbaxayaasha ay dalbanayeen in cadaaladda la horkeeno dadkii dilka geystay. Qoor Qoor oo uu wehlinayo taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General Cismaan Cabdulahi Maxamed Kaniif ayaa waxaa lagu wadaa inay kulamo la yeeshaan saraakiisha ciidamada iyo maamulka degmada si baaritan dhab ah loogu sameeyo waxa sababay dilka Sheekh Cali Dheere. Xiisadda magaalada ka taagan ee dilka Sheekh Cali Dheera ayaa laga cabsi qabaa inay horseeddo dilal kale oo magaalada ka dhacay oo aargoosi ah, amaba kasii daran’e dagaal ay dad badan ku dhintaan oo ka dhaca. The post Xiisadda uu QOOR QOOR isku dayayo inuu xalliyo ee ka taagan Gaalkacyo (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
-
Gantaallo laga ganay Suuriya oo Israel ku dhacay . Ciidammada Difaaca Israel (IDF) ayaa hadda soo sheegaya in seddex gantaal laga soo tuuray dhanka Suuriya kuwaas oo ku aaddanaa Israel. Qoraal ay soo dhigeen barta Twitter-ka ayay IDF ku sheegtay in mid ka mid ah gantaalada “uu ku dhacay Suuriya”, iyadoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in labada gantaal ee kale ay ku dheceen dhul banaan, iyadoo aan la diiwaan galin wax dhaawac ah. Ma cadda cida ka dambeysay gantaalladan. Dagaalka u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo ciidammada amniga Israel ayaa hadda ku fiday Daanta Galbeed, iyadoo la sheegay in 10 Falastiiniyiin ah ay dhinteen Qaar ka mid ah is-weydaarsigii ugu cuslaa ee ay is weydaarsadaan mintidiinta Qaza iyo Israa’iil ayaa la soo sheegay. Wadahadalo xoogan oo dhex dhexaadiyayaal caalami ah ay wadaan ayaa lagu soo warramayaa in ay socdaan. Ugu yaraan 122 qof ayaa lagu diley Qaza halka sideedna lagu diley Israa’iil tan iyo markii uu dagaalku billowday Isniintii. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa war qoraal ah kasoo saaray maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku beegan maanta oo ah 15-ka bisha May ee 2021-ka. Rooble ayaa marka hore dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalintan u gaarka ah ee 15-ka bisha May, isaga oo ku amaanay doorkooda ku aadan qeybaha kala duwan ee nolosha iyo sidoo kale difaaca dalka iyo howlaha kale ee qaranka. “Xornimadii dalka ka hor iyo ka dibba, si weyn ayuu u muuqday doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee nolosha qeybeheeda kala duwan, siiba difaaca dalka iyo howlaha Qaran ee muhiimka ah,” ayuu qoraalkiisa ku yiri ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in dhalinyarada Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin horumarka dalka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed. “Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa udub dhexaadka dalkeenna, waxa ayna bulshada ka yihiin in ka badan 70%, taas oo ka dhigan in dalkeennu yahay dal dhallinyaro” ayuu yiri. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan doorkooda ku aadan horumarka dalka iyo sidoo kale dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya. Si kasataba dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa haatan wajahaya caqabado badan oo is biirsaday uguna daran tahay shaqo la’aan baahsan oo ka jirta guud ahaan dalka. The post Ra’iisul Wasaare ROOBLE oo soo saaray farriin cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa kasoo baxeysa waxa looga hadlay kulankii ay magaalada Hargeysa laba toddobaad kahor ku qaateen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti ka socday Dawladda Qatar oo uu hoggaaminayey ergayga gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha dibedda Qatar u qaabilan La-dagaalanka Argagixisada iyo Xal u helidda Khilaafaadka Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Dr. Mutlaq uu Muuse Biixi Cabdi u sheegay inay doonayaan inay xidhiidh laba geesood ah yeesheen Qatar iyo Somaliland oo ay aad isugu dhow yihiin Imaaraadka Carabta, sida uu ku warramay wargeyska Somaliland Chronicle. Wafdiga Qatar ayaa sidoo kale Somaliland u sheegay inay doonayaan inay xafiis uga furaan Hay’adda Qatar u qaabilan Kaalmooyinka ee loo yaqaano Qatar Charity. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Weftigu uu Madaxweynaha Somaliland la wadaagay doonista Dawladda Qatar ee ah inay qayb ka noqoto dedaallada Caalamiga ah ee Wada-hadallada lagu dhex-dhexaadinayo dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland iyo Soomaaliya, Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu warramay inuu Weftiga Qatar u sheegay Mowqifka Somaliland ee wada-hadallada iyo kalsoonida ay ku qabto Qaddiyadeeda Madax-banaanidu u saamaxayso inay meel kasta kaga qayb-galaan wada-hadallada dhex-dhexaadinta ah, sidoo kalena aqbalayaan cid kasta oo arrintaa dhexdhexaad ka ah. Muuse Biixi Cabdi ayaa Weftiga Qatar ku war-geliyey inay Somaliland diyaar u tahay inay sugto inta ay Soomaaliya ka baxayso xasillooni la’aanta siyaasadeed ee hadda haysata, oo ka dhalatay muranka doorashooyinka. Arrinta kale ee Weftiga Qatar iyo Madaxweynaha Somaliland ka wada-hadleen ayaa lagu sheegay inay tahay in diyaaradda Qatar Airways ay duulimaadyo toos ah ka bilowdo Somaliland. Xilligan la joogo, diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa ah ta keliya ee caalami ah ee duulimaadyo toos ah ku timaadda Somaliland. The post Qatar oo ka codsatay Muuse Biixi inay dhex-dhexaadiso DF iyo Somaliland + Jawaabtiisa appeared first on Caasimada Online.
-
(PP News Desk) — Since 2007 the North Galkayo has witnessed targeted assassinations of business leaders, civil servants, judges, journalists and traditional leaders. Al-shabaab, the proscribed militant organisation, plans and executes assassinations. How Al-shabaab had managed to form a parallel and illegal force alongside Puntland State administration to recruit young men and levy tax on businesses was shrouded in mystery before Faysal Ahmed Bashir, a former Al-shabaab operative, had volunteered to spill beans on the tactics used by the terrorist organisation. Gujis: “I don’t deserve forgiveness.” Faysal, 32, was born in Saudi Arabia and grew up in Mogadishu and Galkayo. He finished his primary and secondary education in Galkayo. Faysal told a reporter that Mohamed Ali Awke (aka Jerry) had recruited him in 2008. Jerry, a fellow North Galkayo resident, was responsible for recruiting young men for Al-shabaab. Faysal underwent a training at Ceelasha Biyaha on the outskirts of Mogadishu to acquire skills to use firearms and how to throw a hand grenade. Gujis was his nom de guerre. “I was relieved of duties to make way for a new group younger recruits selected and vetted by Jerry. He became distraught when Puntland security forces arrested members of the younger recruits’ said Faysal, who admitted to have assassinated more than ten people in North Galkayo including a grandmother who was related to him. Jerry was the chief recruiter and senior intelligence officer of Al-shaabab in North Galkayo. His remit ranged from gathering actionable intelligence on persons Al-shabaab had singled out for assassination. According to Gujis the assassin (the first hand, in Al-shabaab’s parlance), was paid 300-350 dollars. The assistant assassin (the second hand) is paid 150- 200 dollars. The third hand (the misleader), tasked with ambushing security forces, is paid 100 dollars. The assistant assassin’s assignment is to shoot the targeted person’s body guard before the assassin does the madaxjabis (shooting the official in the head). The assassin and the assistant assassin return guns used for the operation to Al-shabaab firearms officer in Galkayo. Mohamed A. Awke (aka Jerry) was a committed headhunter for Al-Shabaab in North Galkayo. Suicide bombings were carried out by people sent from other regions under Al-shabaab’s control. They arrive in North Galkayo and are hosted by local Al-shabaab senior officers, who play a crucial role in planning Al-shabaab operations. “Between 2017 and 2018 Galkayo traditional leaders pledged allegiance to Al-shabaab” said a reporter from Af Meer. The Governor of Mudug appointed by Puntland, Abdilatif Sanyare, slammed traditional leaders for not attending a funeral for a former Mudug Governor killed by Al-shabaab in a suicide bombing. Most assassinations took place near mosques, between Maqrib and Isha prayers. “It is easy to accuse North Galkayo traditional leaders of not standing up to Al-shabaab. Puntland State Government neglects youths. Al-shabaab had filled the void and recruits impressionable young, jobless men to carry out assassinations” said a North Galkayo resident, who asked to be quoted anonymously. Some security experts have expressed dismay over reliance solely on counter-terrorism measures at the expense of deradicalisation initiative in North Galkayo. North Galkayo is the least resourced part of Puntland but bears the brunt of Al-shabaab operations against Puntland State administration. Many people have fled the city, and there is widespread feeling that the arrest of senior Al-shabaab leaders in North Galkayo is the tip of the iceberg of Al-shabaab cells in the divided city. “Al-shabaab ideology took root in our city more than 10 years ago. Fighting the terrorist group is a long war. Authorities should never be complacent” said a retired police officer in Galka’yo. Jimcaale (not his real name), a north Galkayo resident, told Puntland Post that the policy to accuse traditional leaders of showing loyalty for Al-shabaab was akin to urging a person to grab an angry lion by the ears. “Al-shabaab targets governors, commanders and officials who have bodyguards. How can a traditional leader denounce Al-shabaab when the terrorist group retains cells in North Galkayo. Al-shabaab wields an illegal coercive power in North Galkayo” said Jimcaale. Puntland State Martial Court sentenced Jerry along with several former senior members to death by a firing squad. Gujis had asked families of slain people for forgiveness. “I know I do not deserve forgiveness” he said. © Puntland Post, 2021 The post Former Al-shabaab Operative in Galkayo Lifts the Lid on Reign of Terror appeared first on Puntland Post.